-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Garowe, kadib 47 maalmood oo ka maqnaa Puntland. Madaxweyne Deni waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo dad shacab ah. Madaxweyne Deni oo Barxadda Garowe ka hadlay ayaa ka hadlin arrimo badan oo laga sugayay oo ay kamid yihiin safarkiisii Kenya iyo Imaaraadka iyo sicir bararka ka jira degaannada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadalkiisa ku soo koobay macadcelin iyo in shacabku ka qeybqaataan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, taas oo dhowr jeer oo hore ka hadlay, sidoo kale warbaahinta ayaa loo ogolaan inay wax ka weydiiso madaxweynaha safarkiisii dibada. Madaxweyne Deni ayaa laga sugayay inuu ka hadlo safarkii uu ku tagay Nairbi iyo Dubai iyo wixii uu kala kulmay mas’uuliyiinta shirkadda DP World ee heshiiska Puntland kula gashay Dekedda Boosaaso. Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso. Nuxurka heshiiska wuxuu ahaa, in muddo laba sannadood gudahood ah Shirkaddu ballaarin iyo casriyayn ku samayso Dekedda, islamarkaana lagu kordhiyo 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $336 malyan oo Dollar. Mudadii heshiiska ku qornayd in Dekedda lagu dhiso ayaa dhammaatay 6-dii April 2019, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabtay dhismaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso. 15-kii April 2019, Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Suleyman, wuxuuna madaxweynuhu markii uu soo noqday sheegay in si toos ah dhismaha Dekedda loo bilaabi doono bisha December 2019. Sannad iyo lix bilood kadib waxba kama fulin ballan-qaadkii Deni ee sanadkii hore, sidoo kale lama yaqaan waxa hadda dhexmaray madaxweynaha iyo mas’uuliyiin DP World. PUNTLAND POST The post Muxuu ka hadlay madaxweyne Deni, maxaase laga sugayay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay in Jaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah ku soo gale karo Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay ee la xiriirtay ganacsiga Khaadka. Sharikadda National Airways ee uu fadhigeedu yahay dalka Itoobiya ayaa soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ayado oo wadda xamuul Khaadka loo yaqaano Hareeriga oo ka baxa beeraha dalka Itoobiya. Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay magaaladda madaxda wadanka kasoo dagto diyaarad Khaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin garoonada Soomaliya. Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada madaxweyne iyo siyaasiyiin u doonaya Villa Somalia afarta sano ee soo socota. Soomaalida khadka kala soo dagi jirtay ayaa su’aal ka keenay sababta keentay in Itoobiya loo ogolaado in ay qaad u dhoofiso Soomaaliya iyada oo aan la fasixin in Khaad la soo galiyo Soomaaliya. Laakiin sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ayaa sheegay in Khaadka Kenya loo joojiyay Khilaaf ka dhexeeya labada dowladood. Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay Khaad horey si hoose loosoo galin jiray magaalada Muqdisho oo ka imaan jiray Kenya kaas oo doomo lagu soo gali jiray Soomaaaliya gaar ahaan gobolka Jubba hoose. Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19, iyo dib u soo noqoshada duulimaadyada caalamiga ah ee 3-da Ogosto ayaa ka reebtay alaabada aan muhiimka ahayn. Kenya ayaa u dhoofin jirtay Soomaaliya qiyaastii 50 tan oo qaadka ah maalin kaste waxaana lagu qiimeeyay, Sh25 milyan oo lacagta Kenya ah. Xigasho: Mustaqbal Radio The post Maxay tahay sababta DF u ogolaatay jaadka Itoobiya, xilli ay horey diiday kan Kenya? first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa soo dhamaadey Wajigii kowaad ee dib u habaynta iyo Qalabeynta Dekada Berbera ee Soomaaliland, Shirkada Dekadaha Dubai oo gacanta ku heysa Dekada Berbera ayaa [...] The post Daawo Emaaraatku horumarka uu gaarsiiyey Dekada Berbera appeared first on . Source
-
Wax yar kadib markii muranka muddada dheer ka taagnaa gobolka Koonfurta Caucasus uu bishii lasoo dhaafay isu baddalay dagaal gacan ka hadal ah, Turkiga wuxuu garan istaagay xulafadiisa ku sugan waddanka Azerbaijan. Wuxuu siiyay hub iyo sida la sheegay ciidan laga soo weeciyay dhinaca waddanka Suuriya, inkastoo xukuumadda Ankara ay beenisay arrimahaasoo dhan. Si ka duwan dalalka kale ee dibadda, oo dalbaday in si deg deg ah xabadda loo joojiyo, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ku boorriyay inuu dagaalka sii wado. Gobolka Caucasus waa mid ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku fidiyay murqisiisa, xilli milatariga Ankara ay isku ballaadhiyeen laga billaabo Turkiga ilaa meelo badan oo ka tirsan badda Mediterranean-ka. Waa kuwee meelaha uu Turkiga ku lug leeyahay? Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, Turkiga wuxuu: qaaday saddex howlgal milatari oo uu ka fuliyay waddanka Suuriya ciidamadiisa milatariga ah u diray inay kasoo dagaallamaan Liibiya ciidamadiisa badda geeyay dhinaca bari ee badda Mediterranean-ka si ay u difaacaan qeybta uu ka sheegto gobolkaas ballaadhiyay howlgalladiisa milatari ee ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta ah ee PKK ee waqooyiga dalka Ciraaq milatari xoojin ah u diray gobolka Idlib ee suuriga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ku jirta gacanta xoogagga fallaagada dhawaan ku hanjabay inuu howlgal milatari oo cusub ka fulin doono waqooyiga Suuriya si uu ula dagaallamo “kooxaha argagixisada ah ee hubeysan”. Turkiga waxay sidoo kale ciidamo milatari ah ka joogaan waddamada Qadar, Soomaaliya iyo Afghanistan, wuxuuna ciidamo nabad ilaalin ah ku hayaa gobolka Balkans, oo ku yaalla Yurub. Saameynta ay milatariga ku leeyihiin caalamka waa tii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Maxay salka ku heysaa diblomaasiyadda cusub ee uu Turkiga ka leeyahay dibadda? Sanadkii 2015-kii ayuu soo billowday dadaalka uu Turkiga ugu jiro inuu xoojiyo danihiisa dhinaca arrimaha dibadda, markaasoo la abuuray gole howlahaas qaabilsan. Golahan oo Reer Galbeed diid ah ayaa aaminsan in hadda awoodda waddamada reer galbeedka ay hoos u sii dhaceyso, loona baahan yahay in Turkiga uu kaalintaas buuxiyo, xidhiidh dhowna la yeesho dalalka ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha. Hannaanka siyaasdada Arrimaha Dibadda ee Turkiga wuxuu aaminsan yahay in waddankan ay ku hareereysan yihiin dalal cadowgiisa ah garabkiisa ay ka baxeen xulafadiisii Reer Galbeedka. Sidaas darteed waxay golaha dowladda Turkiga ku boorriyeen inay xoogga saarto siyaasadaheeda dhinaca dhibadda, awood milatarina u adeegsato meelaha ka baxsan xuduudaheeda. Qorshahan wuxuu aad uga duwan yahay siyaasadihii hore ee Turkiga oo u janjeeray dhanka hagaajinta diblomaasiyadda, ganacsiga dibadda iyo dhaqamada uu ku xoojinayay xiriirka dalalka kale. Isbaddalkan waxaa horseeday arrimo ka dhacay gudaha Turkiga iyo caalamkaba. Maxaa isbaddalay? Turkiga ayaa howlaha uu hadda wado billaabay markii doorashadii baarlamaanka ee 2015-kii aqlabiyadda aqalka markii ugu horreysay muddo toban sano ah looga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP, Guul darradaas waxay timid markii ay horumar sameeyeen xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP. Si uu dib ugu hanto aqlabiyaddii xisbiga talada haya, Mr Erdogan wuxuu xulafo ka dhigtay xisbiyada qarannimo doonka ah ee garabyada midig iyo bidix labadaba. Way taageereen markii uu dib u billaabay dagaalkiisa ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta gooni u goosadka damacsan. Taageeradooda waxay Erdogan u sahashay inuu awooddii baarlamaaniga ahayd ee waddanka u baddalo mid madaxweyne, taasoo isaga ka dhigtay qofka awoodda ugu sarreeya gacanta ku heysta. Gacansaarkii uu la sameystay xisbiyada qaran jacaylka u go’ay iyo awooddii uu kordhistay waxay fure u noqdeen mowqofyada awood raadinta iyo ficillada milatariga ee uu Turkiga ku wajahayo Arrimaha Dibadda. Afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray in nidaamkan uu cago adag ku istaago. Sidauu afgambiga u baddalay arrinta Sida uu qabo madaxweyne Erdogan, afgambiga dhicisoobay waxaa soo abaabulay nin ay horay xulafo u ahaayeen oo lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo ah wadaad islaami ah oo iskiis dibad joog ugu ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Arrimaha uu sababay afgambigaas ee uu ka faa’iideystay madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah in lasii xoojiyay xiriirkii saaxiibtinnimo ee uu la sameystay xisbiyada qaran doonka ah. Howlgal ka dhan ahaa shaqaalaha dowladda ayaa shaqada looga eryaya dad ka badan 60,000 oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Gulen, kuwaasoo qaarkood xabsiga loo taxaabay. Goobihii shaqada ee bannaanaaday waxaa laga buuxiyay dadka daacadda u ah Erdogan iyo taageerayaasha qaran doonka. Afgambiga fashilmay wuxuu sidoo kale xoojiyay fikirkii ay horay u qabeen isbahaysiga qaran doonka, oo aaminsanaa in dalalka reer Galbeedka ay raalli ka yihiin cadowga Turkiga ee dibadda jooga. Ujeeddada ugu weyn ee uu Turkiga ka leeyahay Liibiya waa sidii uu u xaqiijin lahaa dowladda Serraj, taasoo iyana laga doonayo inay hirgaliso ujeeddo ay leeyihiin Erdogan iyo xulafadiisa qaran doonka ah, waana arrinta ku saabsan Bariga Badda Mediterranean. Qeyb ka mid ah baddaas oo uu kheyraad gaas ah ka buuxo ayey Turkiga sheeganayaan, waxayna ku muransan yihiin Giriigga iyo Qubrus. Muranka ka aloosan biyahaas wuxuu salka ku hayaa sida loo kala qeybsanayo kheyraadka. Maxaa xiga? Siyaasiyiinta qaran doonka ah waxay Erdogan kula taliyeen inuu dagaalka sii wado. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ah dadka qarannimada u ololeeya, oo lagu magacaabo Cihat Yayci, ayaa ku dooday in Giriigga uu doonayo faragalin uu ku sameeyo galbeedka Turkiga, wuxuuna Erdogan ugu baaqay inuusan waligiis wadaxaajood la galin xukuumadda Athens. Madaxweynahana uma furna waddo aan ka ahayn inuu taladaas qaato. Kaddib markii uu dhawaan ku guul darreystay ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalkiisa, qaran doonka ayaa u qaabilsan dhinaca gudaha, isaguna wuxuu diiradda saarayaa amuuraha dibadda. The post Muxuu Turkiga awooddiisa milatari ugu kala fidinayaa dibadda? first appeared on Caasimada Online.
-
Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran. Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha. Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay. View the full article
-
Kadib Booqashadii Madaxweyne Deni uu ku tagay Baydhabo waxaa labada dhinac u bilowdey Wadashaqayn iyo Iskaashi gaara, Wafdiga ka kooban Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ountland [...] The post Xildhibaano Baarlamaanka PL oo u safray Baydhabo appeared first on . Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii u horeysay sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn go’aanla xiliga ay ciidamadeedu ka baxayaan dalka Soomaaliya, taasi oo meesha ka saareysa qorsheyaal muddooyinkii dambe la hadal hayey. Kenya ayaa ka dhawaajisay in rabitaanka Nairobi ama Muqdisho aysan ku bixi karin ciidamada AMISOM, balse ay midaasi go’aamin karto oo keliya heshiisyada caalamiga ah ee la saxiixay. Heshiis ay saxiixeen guddiga howl-galada ee loo soo gaabiyo MOCC ayaa waxa lagu xadiday ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, kaasi oo ay si wada-jir ah u saxiixeen sanadkii 2018-kii. Guddigaasi oo xiligaasi ka koobnaa mas’uuliyiinta ka socotay booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo militariga, dowladda federaalka, Qaramada Midoobay, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika. Wuxuuna heshiiskaasi dhigayey in lagu dhaqan geliyo 3-weji, kaasi oo arrimaha ugu waaweyn ee ku jirayna ay farta ku fiiqayeen la-dagaalanka Al-shabaab iyo isu-furidda waddooyinka waaweyn ee dalka oo muhiimad gaar ah la siinayey, taasi oo la sheego inay ka hartay qabashada Jilib. Waxaa hadda isa soo taraya dhawaaqyada ka imanaya dowladda Kenya ee ku aadan inay ciidamadoodu sii joogi doonaan Soomaaliya, xili uu dhawaan shacabka Kenya u sheegay madaxweynahoodu, Uhuru Kenyatta in ciidamadoodu ay sii joogayaan ilaa inta nabad buuxda ka dhalaneyso Soomaaliya. Haddana midaasi kama dhigna sida falanqeeyayaashu ku doodayan mid dowladda Kenya ku riixi karta inay ka tallaabsato heshiiska Qaramada Midoobey ee ay xubinta ka tahay, maadama ay ku andacooneyso in UN-ka uu ka go’aan gaari karo saarista ciidamadeeda. Si-kastaba, ilaa hadda si dhab ah uma cad in guddigii hore u saxiixay heshiiskaasi ay wax ka badel ku sameyn doonaan qorshaha sanad kadib ay AMISOM ku macasalaameyn doonto Soomaaliya iyo inkale. The post Kenya oo war cusub oo yaab leh kasoo saartay la bixida ciidamadeeda ee Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay gobolka Sh/Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaas, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada milatariga Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidamada Xoogga dalka ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article -
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe, kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Deni, oo loo sameeyay soo dhowayn abaabulan, ayaa markii u horraysay loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee Garoowe, taas oo xannibtay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada. Waddooyinka loo xiray madaxweynaha, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan nolosha dadweynaha Garoowe, gaar ahaanna xamaalatada iyo muruq-maalka danyarta ah. Sidoo kale, soo dhowaynta madaxweyne Deni, ayaa loo magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo agaasinka madaxtooyada, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dad ka abaabulayay xaafadaha Garoowe. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay, kama warbixin safarkiisi dibadda, balse waxa la filayaa in uu saacadaha soo socda ka warbixiyo arrimaha uga qabsoomay safarkiisi dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe gaaray kadib saacado dartiis loo xannibay Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka ka amba baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan. Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera. Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey. Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey. Maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso. Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana uu ka warbixiyey ujeeddada uu safarka madaxweynuhu daarran yahay, waxana uu yidhi,“Ujeeddada safarka madaxweynuhu waxa ay daarran tahay inuu xog-ogaal u noqdo xaaladda guud ee gobollada iyo degmooyinka dalka, inuu dardargeliyo shaqooyinka kala duwan ee gobollada ka socdo, islamarkaana uu uu kormeero oo xaqoojiyo mashaariicda horumarineed ee gobollada iyo degmooyinka ka socda.” Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey. Source
-
Kadib roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay inuu gabi ahaan xirmo garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Ugaas Khaliif. Roobabka oo watay daadad xoogan ayaa lagu soo warramayaa inay hakad-geliyeen dhaq-dhaqaaqa garoonkaasi, gaar ahaan duulimaadyada. Wararka ayaa sheegaya in roobabka oo da’ay xalay ay biyo fara badan dhigeen gudaha garoonka Ugaas Khaliif, kaas oo aan in muddo ah helin wax dayac tir ah. Madaxa garoonka ayaa sidoo kale sheegay inay haatan wadaan dadaallo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billaaban doonaan duulimaayada. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay rakaab badan oo maanta ka bixi lahaa caasimadda Muqdisho, kuwa kale oo laga soo qaadi lahaa garoonka Ugaas Khaliif. Beledweyne oo xarun gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article
-
Fatahaada webiga Shabeelle ayaa saamaysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan. Fatahaadan waxa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool degaanada shabeelaha hoose, waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaanka. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro, isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada. PUNTLAND POST The post Fatahaada webiga Shabeelle oo goysay buundada Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro caruur ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay miino kula qaraxday duleedka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in miinadu qaraxday xilli ay ku ciyaarayeen caruurta oo ku sugneyd deegaan hoos-yimaada magaaladaasi. Inta la xaqiijiyey illaa afar caruur ah ayaa ku dhaawacantay qaxaasi, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ahaa ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda qaar ka mid ah caruurta ay waxyeeladu soo gaartay ay liidato, balse waxaa la tacaalaya saraakiisha caafimaadka. Ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amnigu ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Inta badan waxaa gudaha Soomaaliya ka dhaca qaraxyada noocaan oo kale, kuwaas oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
Paris (Caasimada Online) –Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil gowrac ah oo magaalo ku dhow magaalada Paris loogu gaystay macallin iskuul oo sawir gacmeed ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH. Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa gowracay wiil 18 jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska. Afhayeen u hadlay Safaaradda Ruushka ee magaalada Paris, Sergei Parinov ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Abdullakh Anzorov. Abdullakh Anzorov ayaa Faransiiska yimid 12 sano ka hor, markaasi oo uu ahaa 6 sano jiray islamarkaana qoyskiisa ay codsadeen magan-galyo, sida uu sheegay afhayeenka. Waxa uu intaas ku daray in Abdullakh uu deganaansho helay sanadkan. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wiilkaas uusan wax xiriir ah la lahayn safaaradda Ruushka. “Muhiimadda ma ahan halka uu ku dhashay qofkan, balse waa waa goorta iyo sababta uu u qaatay fikradaha argagixisada,” ayuu yiri. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Abdullakh weerarka fuliyey uu doonayey inuu macallinka ku ciqaabo inuu sawir gacmeed loola jeedo Nebi Muxamed NNKH tusay ardaydiisa. Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale xiray laba nin oo mid canugiisa uu dhigto iskuulka, kan kalena ay isha ku hayeen sirdoonka, kuwaasi oo la sheegay inay baraha bulshada ka billaabeen olole ka dhan ah macallinka la gowracay. Tan iyo horraantii bishan October ayaa la sheegay in baraha bulshada uu ka socday olole ka dhan ah macallinka sameeyey sawir gacmeedka, islamarkaana waalidiin badan oo Muslimiin ah ay uga soo dacwoodeen Iskuulka. Ma aheyn markii koowaad ee Samuel Paty uu ardaydiisa tuso sawir gacmeedka rasuulka NNKH, waxaana la sheegay in sidoo kale uu sidaas sameeyey sanadkii tegay, sida laga soo xigtay mid ka mid ah ardaydiisa oo 13 jir ah. Qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuulka ayaa isku dayey inay xaliyaan muranka arrintan ka dhashay, waxayna u yeereen waalidiinta Muslimiinta ah, hase yeeshee waxay sheegeen inaysan kulanka iman. Samuel Paty ayaa ugu dambeyn la dilay Jimcihii, kadib markii uu soo weeraray wiilka 18 jirka ah, kaasi oo mindi ku dhuftay kadibna gowracay. Xigasho: VOA The post Kumuu ahaa wiilkii gowracay ninkii sawir gacmeedka ka sameeyey Nebiga NNKH? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/warka-Duhur-18102020.mp3 View the full article
