Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. NAIROBI (HOL) - Three Kenyan soldiers were Tuesday injured in a clash with the militant group Al-Shabaab in the country’s Mandera county. Source: Hiiraan Online
  2. Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland ayaa maanta xarunta Golaha kulan gaar ah kula qaatay Guddiga Sare ee Garsoorka Puntland. Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Garsoorka ka dhegaystay warbixin ku aaddan waxqabadkoodii iyo caqabadaha shaqo ee jira. Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamaanka ayaa sidoo kale Garsoorka wax ka weydiiyey Cabashooyin ay soo gudbiyeen dad shacab ah, oo ay ka tabanayeen Garsoorka, iyagoo ka jawaabay su’aalaha la weydiiyey. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ay dadka shacabka ahi soo gudbiyeen, iyagoo la kaashan doona la taliyeyaal sharci. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo garsoorka su’aalo ka weydiiyay Cabashooyin ka yimid Shacabka appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Soomaaliya oo 3 maalmood u qabatay ganacsatada Kenya ee sida qarsoodiga ah Qaadka kusoo geliya Muqdisho Urur ay ku midaysan yihiin ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay ogeysiis sedex maalmood ah ganacsatada Kenyaanka ah ee sida dhuumaaleysiga ah qaadka uga soo daabula magaalada Mandheera, si loosoo galiyo Soomaaliya. Guddoomiyaha Ururkaas Miraa Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sidoo kale xoojisay amniga xeebaheeda si ay u joojiso qaadka Kenya ee dalka ka soo galaya dhinaca badda. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya tallaabadaan uga golleedahay sidii fursad loo siin lahaa Qaadka Ethiopia oo dhawaan markii ugu horeysay laga dajiyay magaalada Muqdisho, oo horey u ahayd suuq u gaar ah Qaadka Kenya. Mr Munjuri wuxuu ka codsaday dowlada Kenya inay Soomaaliya la gasho wadahadal diblomaasiyadeed si looga hortago inay lumiyaan waxay ugu yeedheen suuqa qiimaha badan ee Soomaaliya. “Haddii macaamiisha Soomaalida loo oggolaado qaadka Itoobiya, waxaan waayi karnaa suuqa oo idil. In ka badan 50 doonyood ayaa la geeyay badda si ay nooga joojiso isticmaalka badda. Maxay dowladeenu ugu ogolaatay Itoobiya inay naga dheereeyaso? ” ayuu yidhi Mr Munjuri oo sheegay inay ka warqabaan in 30 tan oo qaadka Itoobiya ah la geeyay Muqdisho. Qaran News
  4. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander. Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa kulankoodu ahaa is xogwaraysi xaaladda Guud ee waddanka, hadda marayo, meesha loosocdo, waxay ka wada hadleen shaqada Midowga Yurub iyo gaar ahaan Sweden ka wadaan Soomaaliya, Guddoomiyaha ayaa safiirka waxaa uu sidoo kale kala hadlay sidii Midowga Yurub arrimaha arrimaha Dib-u-eegista Dasturka, doorashooyinka iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Jowhar (Caasimada Online) – Xubno kamid ah guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa sheegay in uu dhaqan geli waayay jadwalkii ay dhowaan soo saareen, kaas oo ku saabsanaa doorashada maamulka HirShabeelle. Saraakiil ka tirsan guddigaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhaqaaqi la’dahay shaqada guddiga, islamarkaana ay ku hor gudban yihiin caqabado waa weyn oo curyaamiyay shaqooyinka horyaala. Guddigaan ayaa sheegay in culeyska ugu weyn ee heesta uu yahay cabashada Beesha Xawaadle, kuwaas oo aan ilaa hadda xal loo helin, islamarkaana aysan odayaashooda dhaqanka wali soo gaarin Jowhar si ay uga mid noqdaan duubabka dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka. “Culeyska ugu weyn waxaan kala kulmeynaa beesha Xawaadle, wax badan ayaa rabnaa inaa xeerino waana sababta uu u dhaqan geli waayay jadwalkii aan soo saarnay todobaadyo ka hor,” ayuu yiri mid kamid xubnaha guddiga oo la hadlay Caasimada Online. “Shalay iyo maantaba waxaan rajo ka qabnay in ay na soo gaaraan ilaa haddana ma dhicin in dhaqanka Xawaadle yimaadaan Jowhar, waxaase ognahay in gacma gacmeys badan jiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga farsmada ee soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali aysan jirin cid xal u heshay cabashada beesha Xawaadle, balse ay hadda u muuqato in arrintu dhinac u dhici doonto maadaama wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ka soo jeedo beeshaas lagana rabo dhismaha maamulka HirShabeelle. The post Xog: Qorshihii soo xulista baarlamanka HirShabeelle oo hal caqabad ka gudbi la’ first appeared on Caasimada Online.
  6. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada dhexe. Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la ghaliyey ayaa haleeshay mid kamid ah kolonyo gaadiid ah oo ciidanku ay watadeen, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas, Ciidamada ayaa waqti yar ka dib socdaalkoodii iska sii watay waxaana dhacday in askari ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay uu dil u geystay ruux la sheegay in ay haween aheyd, kadib markii uu u galay gurigeeda oo ku dhowaa halkii qaraxu ka dhacay, iyagoo horay u dilay seygii hawenayda sida ay sheegayaan wararka la helaayo. Ciidamada AMISOM ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan qaraxyo kala duwan, kuwaas oo in badan ay ka dhashaan khasaare kala duwan oo soo gaaro ciidanka iyo dad shacab ah, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta Kulan la qaaray Golaha Xukuumadda cusub ee uu Xalay magacaabay Ra’iiusul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay Golaha Xukuumadda cusub, islamarkaana uu Ra’iisul wasaare Rooble ku bogaadiyay soo dhisidda xukuumad tayo leh. “Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Villa Somalia, waxay sidoo kale sheegtay in Madaxweynuhu uu Ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyay doorka uu Dhalinyarada iyo Haweenka ka siiyay Xukuumadda cusub iyo sida uu xoogga u saarayo sii wadidda Guulihii horumarineed ee dalku gaaray. PUNTLAND POST The post Farmaajo: waxaan ku bogaadinayaa Ra’iisul wasaaraha in uu soo dhisay xukuumad tayo leh appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkeeda uu ka dhiman yahay illaa muddo afar bilood ah. Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir, ayaa waxa gebi ahaanba kasoo muuqan xubno ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre. Wasiiradii u dhawaa Kheyre ayaa laga wada takhalusay sida ka muuqata liiska wasiirada cusub, halka kuwa aan xiriir aan buurneyn uu kala dhaxeeyay ra’iisal wasaarihii hore dib loogu soo celiyay boosaskooda, halka kuwa kalena isu bedel lagu sameeyay. Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada: Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha: Saadiq Warfaa Xersi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng, C/llaahi Cali Xasan, Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Xasan Cabdi Hoosow. Cabdirashid Khaliif Xaashi oo ah agaasimaha machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa wareysi uu bixiyey ku xusay in Rooble uu qashinka ku daray wasiiro muhiim ahaa oo laga fiiriyey xiriirkoodii kala dhaxeeyay Kheyre. Kheyre ayaa xiligan ah musharax u tartamaya xilka madaxweyne ee uu ku fadhiyo Farmaajo, taasi oo dab kusii daartay xiisada khilaaf ee markii hore ku kala tageen madaxda u sareysa dalka. Cabdirashiid ayaa sidoo kale wax la filayay ku tilmaamay in saaxiibada Kheyre laga waayo liiska wasiirada cusub, maadama hore dagaal adag loola galay Ra’iisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisaba. “Marka la-lama yaabi karo dagaalkaasi waa dhacay oo waa lagu kala adkaaday, ra’iisal wasaarihiina waa la bixiyey, markaa in la qariibsado dadkii isaga taageersanaa in la bixiyo ayaaba ah in wax lala yaabo,” ayuu yiri. Magacaabidda golahan wasiirada cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u galo doorasho dad-ban. Madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka ayaa iyagu dhawaan ku heshiiyay qaabka loo marayo doorashada dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021. Waxaana golaha wasiirada ee uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Rooble looga fadhiyaa inay xuddun u noqdaan hannaanka doorashada iyo amniga guud ee dalka, inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo xiligan ku hor gudban. The post Magacyada wasiiradii xilalkooda ku waayey inay ku dhowaayeen Kheyre first appeared on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU (HOL) - Somali military have destroyed an Al-Shabaab base and tax collection points in Lower Shabelle region, miitary fficials said. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Burco)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo gobolka Togdheer maalintii labaad ku jooga safar shaqo, ayaa maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey. Masuuliyiinta xarumaha uu madaxweynuhu booqday, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, qorshahooda mustaqbal iyo caqabadaha deriska la ah, waxana ay madaxweynaha ugaga mahadnaqeen taageerada niyadsamida leh ee uu la garab taagan yahay, isaga oo madaxweynuhuna dhinaciisa ku dhiirrigeliyey masuuliyiinta inay sii laban-laabaan shaqada ay bulshada u hayaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta xafiisyada uu kormeeray ku ammaanay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay xilka isaga saareen inay hawlaha qaranku si hufan u fulaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad baan idiinku bogaadinayaa hawsha ay ku dheehan tahay cilmigu iyo xoogga dhallinyarada ah ee aad keenteen, ummadduna way idiinka mahadnaqaynaa, annaguna wixii hawl ah madaxweyne, wasiir iyo gobolba waannu idin garab taagannahay, qofkii shaqaynayana waannu ku qasbanahay inaannu garab galno.” Kormeerka madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku sameeyeen xarumaha dawladda, waxa ku lammaanaa xadhig-ka-jaris uu madaxweynuhu ku sameeyey dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta wakaallada biyaha Burco, cusbitaalka guud ee Burco iyo xarun-ganacsiyeedka casriga ah ee Daara-salaam Mall. Intii ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku gudo jireen hawlahooda kormeerka iyo xadhig-ka-jarista, waxa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco kusoo dhaweynayey qaybaha kala duwan ee bulshada reer Burco, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda uu hoggaamiyo. Source
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaqan gelisay tallaabo ka dhan ah dadka Soomaaliya kasoo safra ee yimaada deegaanadeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online. Somaliland ayaa gebi ahaanba joojisay in dad ka yimaada Soomaaliya ama ka socda ay ka qeyb galaan siminaarada iyo kulamada muhiimka ah ee ka dhaca magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidaasi ku sheegtay waraaq qoraal ah oo ay u kala dirtay Hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala Somaliland, midaasi oo gebi ahaanba laga qariyay warbaahinta. Sidoo kale waxa waraaqdaasi la gaarsiiyey ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland, taasi oo looga mamnuucay in shirarka iyo siminaaradooda aysan soo xaadiri karin dad ka socda Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumada ayaa waraaqdaasi gaarsiisay hay’adaha muddo ku siman labo bil ka hor, taasi oo ay hadda u muuqata mid si dhab ah uga dhaqan-gashay gudaha Somalialnd. Somaliland ayaa tallaabo sharci ah ka qaadi doonta hadda kadib, hay’addaha qabanaya siminaarada ay ka qeybta yihiin dadka Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrinkaasi. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu inta badan qaada tallaabooyin ay u aragto inay ku ilaalineyso qaranimadeeda, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan jamhuuriyada Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah. The post Xog: Somaliland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dadka koonfurta Somalia first appeared on Caasimada Online.
  12. Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen qeybo ka mid ah dalka Kenya. Weerarka ah oo mid culus ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig Booliiska Kenya ay ku leeyhiin deegaanka Lafey oo hoos-yimaada magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari. Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo dagaalyahanadii weerarka qaaday. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay is-weydaarsadeen labada dhinac. Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi ku dhaawaceen 3 askari, kuna bururiyeen saldhigga uu dagaalku ka dhacay. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay. Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  13. WASHINGTON — At an investment conference Friday aimed at building partnerships and increasing investment in Africa, top U.S. officials struck a chord that didn’t sit well with some of the participating African leaders. The event included a number of announcements, including a new collaboration with African development finance institutions, and highlighted investments made by the U.S. International Development Finance Corporation and goals for a range of U.S. agencies moving forward. But the most contentious issue was about how Chinese investment on the continent is interpreted. A view from the port of Doraleh in Djibouti. Photo by: Evan Schneider / U.N. / CC BY-NC-ND White House national security adviser Robert O’Brien, who gave the opening remarks at the online event, said that the U.S. approach stands in “stark contrast” to the Chinese Community Party. “Whereas Beijing promotes a journey to China dependence, the U.S. promotes a journey to self-reliance,” he said, accusing China of wanting to exploit countries to serve its geopolitical goals. The U.S. provides grants and transparent financing while China “pushes unsustainable and opaque loans,” O’Brien said. “The result is the erosion of national sovereignty,” he said. “President [Donald] Trump has a strong message for you today. Choose a different path for your great nations. Choose independence, maintain your sovereignty, embrace self-sufficiency and true partnership. Above all, control your own future.” Senegal President Macky Sall made it clear that this narrative does not sit well with Africans. “Africans today know exactly what their priorities are. And I’m very happy to see that Americans are concerned about the sovereignty of Africa. … The projects that we implement with our partners will not suffer from any encroachment on our sovereignty,” he said at the event, according to the live translation. Senegal is open to all partners and has no exclusivity, Sall said. The country must open up to work with everyone, he added, noting that China provides critical long-term funding. Africa never benefited from low-interest capital like Europeans did through the Marshall Plan after the Second War War, he said. African nations need the long-term loans China provides to build critical infrastructure, Sall added. “We don’t want our friends to see China’s intervention and China as a threat to the partnership we have with them,” he said, adding later that he thinks partners “will gain a lot in listening, listening deeply to Africa and Africans.” Sall and other African leaders expressed a desire to work with the U.S. to attract further investments. Source: Devex The post African leaders question US position on China at investment event appeared first on Puntland Post.
  14. Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid(Cabdi Dhibow),oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid. “Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yiri Taliye Xijaar. View the full article
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-20102020.mp3 View the full article
  16. Madaxweyne Muuse Biixi Habaarba Kaga Dhacay Hadalka. Dhaliisha Khudbadii Jaamacadda Burco Iyo Inta Qodob Ee Beenta Aha Ee Ku Jiray. Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi oo saddex sanno baarka ka jaray muddada uu xilka hayay, khudbadaha uu fagarayaasha ka jeediyo waxay caan ku noqdeen, dhaliil Bulshada isaga wax ka sugaysay uu u jeediyo, canaan, xal la’aan iyo xog la’aan wada socda. Khudbadiisi u danbaysay ee Madaxweyne Muuse Biixi oo ahayd tii Jaamacadda Burco waxay ahayd mid kamid ah khudbadihii ugu liitay ee Masuul madaxa Qaranka ahi jeediyo. Madaxweynuhu wuxuu xalka dhibaatada waddanka ku soo uruuriyay inay dhammaanten inoo taalo iyadoo isaga loo doortay inuu xal keeno. Wuxuu ummadda uu Madaxweynaha u yahay oo ay ku jiraan kuwo ka caqli badan kana cilmi badan ku sifeeyay “Ummad Waalan”. Geesta kale waxa khudbada Madaxweynaha ku jiray qodobo aan run ahayn oo Madaxweynuhu si xog-la’aan ah ugu tiraabay waxaana kamid aha. Sooraan iyo Jawaan Burco ma soo dhafaan oo been ahayd . Labadan Jilaa oo ku shaqaysta kaga qoslinta iyo xayasiiska “ii dhehda” waxay muddo dhawr sanno ah Xafiis ku leeyihiin caasimadda Dalka ee Hargaysa iyagoo hadda u badan joogitaanka Hargaysa. Halkaas Madaxweynuhu run kama sheegin xogna kama haynin Xafiiskooda Hargaysa waaka sawirka ka muuqdo. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay isagoo tirinaaya Tijaarta ugu lacagta badan Somaliland wuxuu yidhi “Waxa ugu lacag badan Oomaar, Dahabshiil iyo Ibraahim Dheere”. Taasna Madaxweynuhu wuu ka been sheegay Ganacsade Ibraahim Dheere Alle hawnaxaristo ma jirto ganacsi hadda u socda Xoolihii uu ka tagayna waa la dhaxlay oo qofba intiisi ayuu qaatay waxaana Madaxweynaha ugu danbaysay Ibraahim Dheere oo Tijaar aha . Halkaasna xog-la’aan ayaa Madaxweynaha ka haysay. Isku soo duubo Khudbadaha Madaxweynuhu maha kuwo lamid ah Dadka kale waayo waa Ruuxi ugu sareeyay waddanka, dhegta ayaa loo taagaya lakiin sida aynu hadda Muuse Biixi ka aragnay uma dhaqmaayo sidii Madaxweyne ummaddu hadalkiisa sugayso’ qiimaynayso oo qawlkiisa dhawrayso. Talladu waxay tahay Madaxweyne Muuse Biixi 2-da sanno ee u hadhay dib hawgu noqdo hadaladiisa . Tusan. Muniir Axmed Cigaal. Birmingham. Source
  17. Muslimiin Badan oo laga tarxiilayo dal ku yaala Qaarada Yurub+Sababta Dowlada Faransiiska ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso Muslimiinta kunool dalkaasi, kadib dilkii jimcihii duleedka magaalada Paris loogu geystay macalin arday uu wax u dhigayay tusay Sawir Gacmeed uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH. Booliiska Faransiiska ayaa labadii maamood ee lasoo dhaafay xidhxidhay dad badan oo muslimiin ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay yihiin xagjiriin taageeray dilka Macalinkii ku gefay Nabi Maxamed NNKH. Dowlada Faransiiska ayaa si gaar ah u beegsaneysa ururada Muslimiintu leeyihiin, waxa ayna arimahan uga faa’iideysanaysaa dilkii dhawaan wiil dhalinyaro ah u geystay Macalinka u gefay Nabi Maxamed NNKH iyo diinta Islaamka. Booliiska ayaa baadhitaano iyo dabagal ku haya qaar kamid ah ehelada ardayda Muslimiinta uu wax u dhigayay macalinka la dilay iyo dad kale oo baraha bulshada ku taageeray dilka macalinka loo geystay. Dowlada Faransiiska ayaa qorsheenaysa inay wadankeeda ka tarxiisho 213 qof oo lagu sheegay dad xagjiriin ah oo ay ku jiraan 151 hada lagu hayo xabsiyada kuwaasi oo dib loogu celinayo wadamada ay kasoo jeedaan. Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa sii kordhaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxa ayna dowlada qaaday talaabooyin ka dhan ah dadka muslimiinta ah sidoo kale lagu cabudhinayo. Qaran News
  18. 32 sano ayey igu qaadatay inaan helo wiilkeyga oo Afduub igaga maqnaa Li Jingzhi iyo wiilkeeda oo ku kulmay markii ugu horreysay muddo 32 sano ah Lin Jingzhi in ka badan 30 sano ayey baadigoobeysay wiilkeeda, Mao Yin oo 1988 la afduubtay lana iibiyey. Hooyadan waxay marweliba rajeeyneysay iney maalin un wiilkeeda markale heleyso, ugu dambeyntina waxaa u soo dhacay taleefan ay muddo badan sugeysay. Hooya Jingzhi iyo seygeeda wiilkooda waxay wiilkooda Mao Yin ay maalmaha nasashada u qaadi jireen beer lagu dalxiiso oo ku taalla magaalada ay deggan yihiin ee hoos tagta gobolka Shanxi si ay ugu so damaashaadaan. Mid ka mid ah maamaha damaashaadka ayaa mar kasta waalidiintan maskaxdooda ku soo noqnoqotay in badan. “Da’diisu waxay ahayd 1 sana iyo bar. Waxaanna u kaxeynay beerta dalxiiska ee ku taalla magaalada Xi’an. Wuxuuna dhulka ku arkay tixri yar. Aad ayuu u farxay isaga oo tixriga farta ku fiiqaya oo leh ‘Hooyo, tixri!’ kaddib waan xambaaray waxaanna ka kaxeeyey beerta, wuxuuna gacantiisa ku hayey tixrigi uu dhulka ku arkay,” ayey tiri Jingzhi. Mao Yin waa wiilka keli ah ee ay dhashay, xilligaasina dalka Shiinaha waxaa ka hirgalay sharcigi ahaa qoyska inuu hal ilmo oo keli ah uu dhali karo. Waxayna jecleyd inuu si wanaagsan wax u barto oo uu noqdo mid noolosha guul ka gaaray, waxayna ugu naaneysi jirtay Jia Jia, uu micnaheedu yahay “Mid sarreeya”. “Jia Jia wuxuu ahaa mid dabeecad wanaagsan, firfircoon, ixtiraam badan oo soo jiidasha leh. Sida ilmaha qaarna ma oohin badneyn. Wuxuuna ahaa wiil aad u wanaagsan oo aad jeclaaneysid. Wuxuuna ahaa ilma qofki arko oo dhan uu jeclaanayo”, ayey tiri Jingzhi. Iyada iyo seygeeda waxay subixi geeyaan xanananada carruurta lagu barbaariyo waxayna ka soo wadi jireen gelinka dambe. “Maalin walba, marka aan shaqada ka soo laabto wiilkeyga ayaan la ciyaari jiray, aadna waan uga farxaa,” ayey tiri Jingzhi. Jinghzi waxay ka shaqeysaa shirkad dhoofiso wax soosaarka beeraha, iyada oo mararka qaar maalmo magaalada ka maqnaato oo daafaha kala duwan ee dalka kormeer ku soo sameyso beeraleyda ay shirkaddaasi ka iibsato wax soo saarka beeraha. Xilligaasi wiilkeeda Jia Jia wuxuu la joogi jiray aabbihii oo keli ah. Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo safarkeeda shaqo ku jirta ayaa mas’uulkii shirkadda ay u shaqeyneysay uu soo gaarsiiyey farriin ah iney si degdeg ah ay magaalada ugu soo noqoto. “Kaddib waxaa farriinta la igu soo gaarsiiyey aaladda Telegram, farriinta oo sheegeysay inaan degdeg u soo laabto balse ma garaneyn waxa dhacay” ayey tiri. Degdeg ayey magaalada Xi’an ugu soo laabatay, madixii shirkadda aan u shaqeynayey markaan la kulmayna wuxuu ii sheegay war aan ka naxay. “Ninki madaxa ii ahaa wixii dhacay wuxuu iigu sheegay hal jumlad wuxuuna igu yiri: ‘Wiilkaaga waa la waayey’,” ayey tiri Jingzi. “Waan wareeray. Waxaan aad uga naxay lumitaanka wiilkeyga, aniga oo u haystay inaan wiilkeyga dib dambe u heli doonin.” Xilliga wiilkayga Jia Jia la waayey waxay ahayd Oktober 1988, da’diisu waxay ahayd 2 sano iyo 8 bilood. Seyga Jingzhi oo sharraxaya sida wiilka loo waayey, wuxuu sheegay Jia Jia inuu ka soo qaaday iskuulka kaddibna maqaayad ku taallo waddada gurigooda loo maro ayuu horjoojiyey si uu biya uga soo qaado maqaayad yar oo ay lahaayeen qoyska. Wiilkiisa waxa uu ka maqnaa wax aan ka badneyn hal ilaa iyo laba daqiiqo inta biyaha looga qaboojnayey oo keli ah marka uu soo laabtayna Jia Jia meeshaba ma joogin oo waa la waayey. Hooyo Jingzhi waxaa raja uga jirtay in wiilkeeda si degdeg ah loo helayo. Balse marka ay toddobaad ka soo wareegtay xilliga wiilka la waayey oo aan wiilkii saldhigga booliska la geynin, waxaan ogaaday xaaladdu iney khatar tahay. Waxay bilalawday dadka maqaayaddooda jaarka la ah iney weydiiso bal iney Jia Jia arkeen. Waxayna daabacday waraaqo ka badan 100,000 oo sawirka wiilkeeda ku daabacan yahay iyada oo goobaha ay dadku tareennada ama basaska ka ka racaan dadka uga qaybineysay lacalla haddii arkaan si ay u soo wargeliyaan waaliddiintiisa, iyada wargeysyada dadka lumay lagu baadi goobana lagu daabacay xogta Jia Jia. “Qalbi jab ayaa igu dhacay…Waan iska ooynayey. Waan murugooday,” ayey tiri Jingzhi. “Waxaan dareemayey inaan madhanahay”. Markasta oo ay Jingzhi aragto dharka, kabaha iyo waxyaabaha uu ku ciyaari jiray wiilkeeda yar ee la waayey wey ooyi jirtay. Jingzhi xilligaasi ma ogeen tahriibinta ama xatooyada carruurta iney dalka Shiinaha ka ahayd dhibaato jirta. Dalka Shiinahana barnaamijka qoyska inuu hal ilmo oo keli ah dhalo wuxuu ka dhaqan galay 1979-kii taasoo dowladda ay ugu talagashay in lagu xakameeyo tirada dadka dadkaasi Shiinaha ee sii kordhayey. Lammaanaha magaalada ku nool waxaa loo oggol yahay iney hal ilmo oo keli ah dhalaan, halka lammaanaha miyiga ku nool haddii ilmaha ugu horreeya ee ay dhaleen ay noqoto gabar ay da’ labaad dhali karaan. Wiilkeeda in la waayo waxay marki hore ay ku eedeyn jirtay aabbihii balse marki dambe si wadajir ayey baadigoobkiisa u galeen Jingzhi marnaba kama eysan daalin baadi goobidda wiilkeeda. Malin kasta oo Jimca ah gelinka dambe markay shaqada ka soo baxdo waxay tareen ugu safri jirtay degmooyinka ku hareereysan magaalada ay deggan yihiin si ay Jia Jia uga soo raadiso waxayna gurigeeda ku soo laaban jirtay Axadda gelinka dambe maadaamaa ay subaxa Isniinta shaqada aadeysay. Mid ka mid ah dhakhaatiirta magaalada ay ku nooshahay oo ay horayna waxbarasha wadaag u soo ahaayeen, ayey u tagtay si ay baaritaan caafimaad isugu soo sameyso. “Dhakhtarka wuxuu ii sheegay hadal saameyn weyn igu reebay. Wuxuuna ii sheegay: “Kaama daweynayo xanuunnada kale ee ku hayo, balse waxaan kaa daweynayaa xanuun wadanaha ee ku hayo, haddii in lagaa daweeyo aad rabinna go’aanka adaa iska leh.’ Hadallada dhakhtarka uu igu dhahay ayaan habeenkii oo dhan ka fakarayey. Waxanna go’aansaday xaaladdeyda iney sidan ku sii socon karin. Haddii aan darenkeyga xakameyna, aan waalan karo. Waxaanna ogaaday iney xaaladda aan ku suganahay aan wiilkeyga ku raadin karin, haddii wiilkeyga aan helo anoo waalanna uu ii yimaado waxa uu wiilkeyga dareemi karo,” Jinghzi ayey tiri. Intaa kaddib Jingzhi walaasheed ayaa wiilkyi yaraa ee Jai Jai dharkiisi iyo waxyaabihii uu ku ciyaari jiray oo dhan ayey meel ku gurtay iyada oo dareensan argatida alaabahan iney qayb ka qaadanayaan xanuunka wadnaha ka haya Jingzhi. Kaddib 2009-kii, dowladda Shiinaha waxay diyaarisay nidaam hidda sidaha DNA ay ku keydineyso si ay qoysaska uga caawiso carruurta ka maqan ee ay garan waayaan iyada oo ay dowladda ku wargelisay qoysaska ay ilmaha ka maqan yihiin inay dowladda la soo xiriiraan si DNA looga qaado. Talalabbadaasi oo ahayd mid horumar leh oo caawineysay kumannaan qoys oo ay carruur ka maqanaayeen. Waaliddiinta inta badan ilmaha la soo xaday ama la soo afduubtay iibsadayna waxay ahaayeen kuwa aan ilma dhalin, iyada oo ilmaha la xadana ay u badnaayeen wiilal iyada oo dadka ilmaha iibsada intooda badan ay ahaayeen kuwo ku nool gobollada fog ee dalka Shiinaha. Haddaba hay’ad ka shaqeyneysay waalidka iyo ilmaha kala lumay iney dib u kulmiso waxay ku guuleysatay 29 carruur ah iney waaliddiintooda dib ugu soo celiyaan. Waxayan Jingzhi sheegtay iney adkeed carruurta qaarkood iney waaliddiintooda horay ka gartaan marka la soo helo. “Waxaan isweydiiyey: ‘Wiilkan la soo helay muxuu kaagi u noqon waayey? Balse markaan arkay waaliddiin ilmahooda laabta gelinaya oo hab siinaya, farxad ayaan dareemay. Waxaanna dareemay iney maanta farxaddooda tahay, aniguna aan la kulmi doono maalinteyda farxaddaasi. Rajadeydu marweliba wey wanaagsaneyd. Markaan arkay waaliddiin badan oo carruurtooda dib u helay, Waxaanna rajeeynayey maalin maalaha ka mid ah inuu wiilkeyga uu ii soo laaban doono,” ayey tiri Jingzhi. “Hooyadey waxay dhimatay 2015-kii iyada oo 94 jir ah inta ay dhiman ka horna waxay ahayd mid si weyn ugu xiistay Jia Jia. Hooyadeyna waxay ii sheegi Jirtay Jia Jia inuu mar un noo soo laaban doonno. Ku dhawaad 30 sano ayuuna wiilkeyga xilligaasi maqnaa,” ayey tiri Jingzhi. Kaddib 10-kii May ee sanadkan oo ku beegneed maalinta hooyooyinka waxaa laga soo wacay xafiiska amaanka bulshada waxaana loo sheegay war ay aad ugu faraxday: ‘Mao Yin (Jai Jai) in la helay.” “Waan aamini waayey waana rumeysan waayey inuu hadalkaasi run yahay,” ayey tiri Jingzhi. Bisha April qof ayaa hooyada wiilka uu ka maqnaa ku soo wargeliyey inuu xog ka hayo wiil sanada aad u badan ka hor Xi’an laga soo afduubtay. Ninkan wuxuu hooyada la wadaagay sawirka wiilka oo da’ dhalinyara ah ku jira. Jingzhi waxay sawirki la wadaagtay booliska si ay farsama ahaan u xaqiijiyaan sawirkan laga soo qaaday wiilkan ku nool magaalada Chengdu ee deriska la aha gobolka Sichuan, oo 700 oo km u jira. Booliskuna waxay sameeyeen baaritaan hidda sidaha la xiriira DNA, 10-ka bisha March waxaa soo baxday natiijada hidda sidaha. “Marki aan helay natiijada DNA ayaa si dhab ah u ogaday in wiilkeeyga muddada dheer iga maqnaa la helay ayey tiri,” Jingzhi. Baadigoobki 32 sano lagu jiray oo mararka qaar tilmaama lagu hungoobay oo ka badan 300 loo soo maray ayaa ugu dambeyntii soo gabagaboobay. 18-ka Bisha May oo ay ku beegneed maalin Isniin ah ayaa loo doortay in Jai Jai iyo qoyskiisa dib loo mideeyo. Mana hubin wiilkeeda dareenka uu iyada u hayey. Hadda waa nin weyn, waa uu guursaday, wuxuuna leeyahay ganacsi uu isagu milki ahaan u leeyahay. “Ka hor intaan la kulmin, welwel aad u badan ayaan ka qabaa. Waxaanna ka cabsi qabay inuu I garan waayey, uu hooyanimadedya aqbali waayo. Markaan u socday goobta aan kula kulmayey wiilkeyga aad ayan u cabsanayey. Anoo ka baqayo waxa aan wiilkeyga kala kulmo iney dhaawac ka weyn lumitaankisa iyo baadigoobkii aan 32 sano ugu jiray ii geysato, ama uu iga diido jeceyl inaan tusiyo ama aan hab siiyo,” ayey tiri Jingzhi. Jingzhi waxay markii dambe ogaatay Jia Jia qoys ilma la’aan ahaa o ku nool gobolka Sichuan looga iibiyey 6,000 Yuan oo lacagta Shiinaha ah oo xilligaasi u dhigantay $840 doolar sanad kaddib marki la afduubtay. Qoyskii soo korsaday waxay u bixiyeen magaca Gu Ningning iyaga oo u diiwaan geliyey inuu yahay wiil ay iyagu dhaleen. Dugsi hoose, dugsi dhexe ayuu soo bartay wuxuuna ku biiray jaamacad ku taallo magaalada Chengdu. Jia Jia marka uu waaliddiintiisa dhalay uu dib ula kulmay kaddib magaalada Jia Jia wuxuu magaalada Xi’an uu waliddiintiisa la joogay muddo bil ah. Muddadi uu Jia Jia uu waaliddiintiisa la jogay waxay marweliba tusayeen sawirradiisi hore si ay xusuustiisa carruurnimada ay u soo celiyaan. Balse nasiib darro Jia Jia waxba kama xusuusto wixii dhacay 4 jirkiisa wixii ka horreeyey, xilligaasi oo ah nooloshiisa koobneeyd uu waaliddintiisa uu la noolaa. XIGASHADA SAWIRKA,CCTV Qoraalka sawirka,markii Li Jingzhi ay aragtay wiilkeeda 32 sano ka dib. Maalin aan Jia Jia dhul buuraley ah wada boqannay waxaan jecleystay inaan sida carruurnimadiisi aan xambaaro balse ma xambari karin oo wuxuu noqday nin weyn. “Waxaan jeclaa inuu ila noolaado, oo aan qoys ahaan dib u wada noolaanno sidii carruurnimadiisi, wuxuuna naga maqnaa 32 sano. Wiilkeyga waxaan ku iri: ‘Jia Jia sidaadii hore ma ku soo laaban kartaa? Laba sano iyo sedded bilood jirkaagi hooyadaana ay ku laabato 28 jir noolal cusub aan dib u billowno.'” Balse Jingzhi dhab ahaan wey ogeyd iney arrintasi suuragaleyn. Jia Jia hadda wuxuu ku nool yahay Chengdu halka Jingzhi ay weli ku nooshahay Xi’an. “Hadda wuu weynaaday. Nolol u gaar ah ayuu leeyahay. Jia Jia waa uu gursaday wuxuuna sameystay qoys u gaar ah. Marka waxaan u rajeenayaa wanaag, annaga oo kala fog. Hadda waxaan ogahay wiilkeyga halka uu ku sugan yahay, waxanna ogahay inuu weli nool yahay. Intaa ayaa igu filan.” Waxaanna maalin walba ku wada xiriirnaa barta bulshada dalka Shiinaha lagu xiriiro ee loo yaqaanno Wechat. XIGASHADA SAWIRKA,CCTV Qoraalka sawirka,Qoyska dib u midoobay Jangzhi waxay sheegtay Sanaddadi dheeraa ee aan wilkeega baadi goobka ugu jiray iney u mahadcelineyso dowladda Shiinaha iyo warbaahinta Shiinaha oo gacan ka geystay baahinta carruurta la fduubtay. Balse weli waxaa jira qoysas badan oo carruurta baadigoobaya oo ay ubadkooda ka maqan yihiin waaliddiinti dhashay. Taasoo muujineyso iney Jingzhi ay weli u taallo howl aad u badan. “Waxaan sii wadayaa inaan qoysaska ka caawiyo sidi ay ilmahooda ka maqan aan u heli lahaa.” ayey tiri Jingzhi. Qaran News
  19. Jaaliyada, Ardayda iyo safarada Soomaaliyeed ee dalka sudan oo iskashanaya, ayaa deeq gar-gaar ah gaarsiiyey in ka badan 400 oo Qoys oo ah ah dadkii ku barkacay Fatahaadihii dalk Sudan ka dhacay labadii bilood ee la soo dhafay. Ku dhowaad nus million qof ayay saamaysay Fatahadan, kuwaas oo aan haysan guryo cunto iyo biyo ku filan midna, waxaana wadanka Sudan gaaray caawimaad Kala duwan oo uga imanaysay Hay’adaha kala duwan iyo wadamada caalamka intabada. Waxaa iyana dhan-kooda isku taagay Jaaliyada ardayd iyo safarada somaliyeed ee dalka suudaan sidii ay u Garab istaagi lahaayen dadka fatahaaduhu sameyeen ee reer Sudan, isla markaana ay gacan uga gaysan lahaayen dadka ay dhibaatadu samaysay. PUNTLAND POST The post Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan oo deeq gaarsiiyey dadka reer Sudan ee fatahaadu saamaysay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkeeda uu ka dhiman yahar illaa muddo afar bilood ah. Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir waxaa horyaalla arrimo dhowr ah oo ay tahay in ay wax ka qabato. Golahan wasiirada ee cusub waxaa ka mid ah wejiyo ku cusub siyaasadda iyo shacabka hortooda, sidoo kale waxaa dib u soo nqoday wasiiro ka tirsanaa xukuummnaddii ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre. Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla? Magacaabidda golahan wasiirada ee cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u galo doorasho dadban. Dhowaan, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku heshiiyay qaabka loo marayo doorashada dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021. Hadaba waxaa golahan wasiirada horyaala caqabada badan oo ay tahay in ay ka gudbaan kuwaas oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa waxayaabaha laga filayo waxaa ka mid ah in ay xuddun u noqdaan hannaanka doorashada iyo amniga guud ee dalka. Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka. “Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid. Golahan wasiirada ayaana lafa filayaa in ra’iisul wasaaraha ay ka caawiyaan arrintaas hortaalla. Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo. “Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yiri Mr Rashiid. Rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumaddiisan waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in ay muddada kooban ee u dhiman ay ku hantaan kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda. Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya, oo si gaar ah uga hadlayay Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: “Waa in uu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy.” Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la wareegay xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo, uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble iyo xukuumaddiisa oo haysta illaa 115 maalmood oo kuraasta ay ku sii fadhindoonaan, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inay la yimaadaan waxqab uu ku jiro degdeg – kuwa ugu culusna waa doorashada iyo amniga guud ee dalka, si gaar ah amaanka goobaha doorashada iyo ergooyiinka codeyn doona. Isha: BBC The post Maxay yihiin caqabadaha horyaalla golaha wasiirada ee lagu dhowaaqay? first appeared on Caasimada Online.
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Mabnuucday in Dad Soomaaliya ka socdaa Somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka Siminaarrada, kulamada iyo shirarka. Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya, halka sidaasi oo kale la mabnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo bishii August ee sannadkan 2020 loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan. Warqadda Amarka ah ee ka soo baxday Xukuumadda Somaliland oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Geeska Afrika ayaa lagu yidhi sidan “Dhammaan Kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo dhacdooyin kasta oo dad ka soo jeeda dalal kala duwan waa in Waraaqo Caddayn ah laga helaa Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha dibedda, ka hor intaan shirka la qabanin. Dhammaan kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo Kulamo kasta oo Dadka u dhashay Soomaaliya lagu keenayo Sonaliland lama ogola. Dhammaan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Soomaaliya.” Source
  22. Waxa isbeddelay qiimaha lagu raaco diyaaradaha u kala goosha Somaliland iyo dalalka kale ee Adduunka. Isbeddelka muuqdaa maaha mid hore u jiray, balse waa mid la jaan-qaadaya Tirada diyaaradaha Caalamiga ah ee Somaliland ka qaada Rakaabka ama keena oo aad u yaraaday wixii ka dambeeyay markii Xanuunka Covid_19 uu Dunida ka dillaacay. Ka hor intaan Xanuunka Covid_19 ka dillaacin Somaliland iyo dunida inteeda kale, waxa Garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa Dadka ka qaadi jiray ama keeni jiray diyaarado kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ethiopian Airline, Air Arabia iyo Fly Dubai iyo kuwo kale, laakiin sababo Xanuunka Covid_19 ka mid yahay waxa Xukuumadda Somaliland u joojisay diyaaradaha Air Arabia iyo Fly Dubai. Hase-ahaatee, maaddaama oo uu tartankii diyaaraduhu meesha ka baxay waxa aad kor ugu kacay Qiimaha lagu raaco diyaaradda Ethiopian Airline. Tusaale ahaan, Wakhtigii hore Qofka doonaya inuu Turkiga Tago isla-markaana ka soo noqdo waxa diyaaradda Ethiopian Airline ku qaadi jirtay $ 580 dollar, laakiin imika halka mar waxa lagu raacaa 580, halka Tagista iyo soo noqodku yahay $ 970 dollar. Sidaasi oo kale, imika qofka doonaya inuu tago, kana soo noqdo Magaalada Dubai wuxuu ku raacayaa lacag dhan $ 650 dollar. Shirkadaha ka shaqeeya Goynta Tigidhada Shirkadaha diyaaradaha u kala goosha Somaliland iyo Dalalka dibedda ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inkasta oo Qiimuhu isbeddelay, haddana marmarka qaarkood isbeddelka qiimaha lagu raaco diyaaraduhu ku salaysan yahay hadba tirada Dadka diyaaraddu qaadayso, taasi oo lafteeduna ku xidhan xilliga lagu jiro, tusaale xilliga Xagaaga oo kale markay Dadku badan yihiin Qiimaha diyaaraduhu wuu jaban yahay. Source
  23. Xiisadaha muddada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji. Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan horaantii bishaan. Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baadhitaan ku sameyaan. Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan inay yihiin dal madaxbanaan. Xidhiidhka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oola isu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho. Source