Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad khasaare geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ay rag hubeysan oo ka degtay Mooto ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah raggii weerarka qaaday gacanta lagu dhigay, isaga oo dhaawac ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo howl-gal ka sameeyey halkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dad ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi. Inta badan ayaa waxaa Muqdisho ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida weeraro, qaraxyop iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
  2. Kooxda dhallinyarada Gibraltar oo ciyaar heer caalami ah la yeelatay kooxda dhigooda ah ee Macedonia ayaa si degdeg ah u dhalisay goolkoodii barbaraha, kadib markii ay kooxda reer Mecadonia u dabaal-degayeen gool ay dhaliyeen waqtigii ciyaartu sii dhammaanaysay. Xulka dhallinyarada Mecadonia oo helay fursad koone ayaa dhaliyey, waxayna ciyaartoygu u soo wada yaaceen dhinaca haafkooda (half) ee garoonka, iyagoo halkaas kula dabbaaldegay tababarahooda, ciyaartoygii kaydka fadhiyey iyo shaqaalihii kale ee la socdayba, kadibna ciyaartoyga Jasiiradda Gibraltar ayaa si degdeg ah kubbadda u soo dhigay dhexda garoonka (D-da), wayna isku taabteen kubbaddii, sidaas ayeyna ku dhaliyeen goolkii barbaraha, garsoorkii ciyaartuna si sharci ah ayuu u ansixiyey goolkaas ay dhaliyeen ciyaartoyga Gibraltar, maadaama ay kooxda Mecadonia ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda ee garoonka. Haddaba, kooxda Gobolka Xaysimo ayaa ciyaar ay maanta (Sabti, 31 October 2020) la yeesheen Gobolka Daadmadheedh waxay gool u dhaliyeen qaabkan oo kale, iyagoo ku andacooday in kooxda Daadmadheedh ay gool rikoodha ah oo ay dhaliyeen ugu dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda, balse waxa ay garoonka ka baxeen markii garsoorihii ciyaartu diiday inuu ansixiyo goolkaas, waxayna ciyaartu ku dhammaatay Daadmadheedh 2: 1 Xaysimo, waxaana warka rasmiga ah laga sugayaa xidhiidhka Kubbadda cagta Somaliland iyo wasaaradda ciyaaraha, balse haddii ay dhab noqoto in ciyaartoyga Daadmadheedh ay dhammaantood ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda waxa suurtogal in goolkaas sharci looga dhigo reer Xaysimo, iyadoo la eegayo shuruucda caalamiga ah ee Kubbadda Cagta Adduunka. https://www.theguardian.com/football/2015/apr/02/gibraltar-u16s-macedonia-goal-celebrations?fbclid=IwAR1AE8ck7VA5ZOfHTs13Ett1kbrYDbNOVNc4UWhE9v2bIsJHJ7HYLMiIfoc Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay kooxo hubeysan oo ka degtay mooto ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda nabad-sugida oo ku sugnaa halkaasi, waxaana labada dhinac dhexmartay is-rasaaseyn khasaare kala duwan geysatay. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan labo qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah ragga weerarka geystay nolosha lagu qabtay isaga oo dhaawac ah, waxaana la geeyey isbitaal. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga dowladda oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jira weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. The post Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa saxiixay sharciyo dhowr ah oo ay dhowaan meel-mariyeen xildhibaanada maamulkaasi. Munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku saxiixay sharciyadan, waxaana ka mid ahaa:- 1-Shariga Maarreynta Deegaanka 2-Sharciga Hay’adaha 3-Sharciga Dhismaha Booliiska iyo 4-Sharciga Dowalaha Hoose Shuruucdan waxaa soo gudbiyay wasaaradaha kala ah wasaradda deegaanka, wasaraadda Qqrsheynta, wasaaradda amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha & dowlaha hoose. Ugu dambeyn Qoor-Qoor ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta shuruucdan, isaga oo xusay inay gundhig u noqon doonaan in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. (SLT-Paris)-Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xilli la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taalla magaalada Lyon ee dalka Faransiiska. Wararkan oo xalay dhacay ayaa lagu warramayaa in qofkii geystay uu markiiba goobta ka baxsaday oo ayna u suurtagalin ciidamadu ay qabtaan. Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay. Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah. Tan wixii ka danbeeyay Aflagaadadii Diinta Islaamka uu u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska dalkaasi waxaa uu waajahayaa weerarro adag oo uga imanayay dad loo maleynayo in ay ka cadheysan yihiin hadalladii ka dhanka ahaa Nabbi Maxamed ee ka soo yeedhay madaxweyne Marcon. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarradan dhacaya kuwo argagixiso, waxaana uu amray in ciidammo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi. Source
  6. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Sh/Hhoose, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Leego oo qiyaastii 44 KM kaga beegan dhanka waqooyi ee degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Sidoo kale waxaa howlgalkan hor-kacayey ururka afaraad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab iyo ururka 64-aad ee guutada todobaad qeybta lixdanaad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay halkaasi ku burburiyeen goobo fariisimo u ahaa ururka Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen inay gacanta ku soo dhigeen Mootooyin ay ku sheegeen inay fulin jireen qaraxyada miinooyinka. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  7. Kooxda Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay weerarro argagixiso oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay gudaha dalka Faransiiska, kuwaas oo ay lala beegsaday dad rayid ah. Sida ku cad bayaanka, mowqifka hoggaanka sare ee Al-shabaab waa mid taageersan weerarada kala duwan ee ka dhacay dalka Faransiiska, islamarkaana lagu beegsaday rayidka iyo goobaha kaniisadaha. Al-shabaab waxay sheegtay, in beegsigaas uu jawaab u yahay kuwa aflagaaddada iyo cayda ku sameeyay suubbane Nebi Muxamed (NNKH), oo haddana ku tilmaamay xorriyad-hadal. “Hadii xuriyada hadalkiinu aysan wax xuduuda ah oo celiya lahayn, idinkuna u dulqaata xoriyada ficiladeena” ayaa lagu yiri bayaanka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo bayaan ka soo saartay weerarada ka socda Faransiiska appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ka cabsi qaba in la dilo haddii uu raaco waddadii Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan oo uu xidhiidh rasmi ah la yeesho Israa’iil, waxaa sidaas sheegay xubno xog ogaal ah. Madawi al-Rasheed, oo ka mid ah mucaaradka boqortooyada, ayaa sheegtay in Mohamed bin Salman uu aad uga cabsi qabo inay dilaan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo loolan ugu jiri kursiga boqortooyada. Madawi ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto taariikh hore oo muujineysa in qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada ay hore isu dileen. Waxay sheegtay in amiiro iyo boqoro badan oo Sacuudiyaan ay hore u dileen walaalahood, adeeradood iyo wiilal ay waalid u yihiin, tan iyo qarnigii 19-aad. Dilkii ugu dambeeyey ayaa ka dhex dhacay qasriga madaxtooyada 1975-kii, markii boqor Faisal uu dilay wiil uu adeer u yahay oo isna lagu magacaabay Faisal. Aargudasho, is khiyaameyn iyo loolan awoodeed ayaa ka dambeeyey dilalka noocan ah, hase yeeshee marnaba shaqo kuma lahayn qadiyadda Falastiin iyo wax la mid ah. Madawi ayaa hoosta ka xariiqday in Mohamed bin Salman aanu ku deg degi doonin inuu banaanka keeno xidhiidhka uu la leeyahay taliska Yahuudda, haddii uu qarin karo. Waxay intaas ku dartay in bin Salman uu sii wadi doono ololaha baraha bulshada ka socda ee lagu baabi’inayo taageerada shucuubta Carabta ay u hayaan qadiyadda Falastiin illaa inta xirdhiidh ay Riyadh la yeelato Israa’iil uu ku noqdo mid la aqbalay, markaasi oo tallaabadaas ayna halis gelin doonin noloshiisa. Source
  9. (SLT-Armenia)-Raysal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa codsigan u diray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Dowlada Armenia oo ay maalmihii lasoo dhaafay khasaare baaxadleh kasoo gaadhay dagaalka ay kula jirto ciidamada Azerbaijan ayaa hadda soo saartay baaqan ay gurmadka deg deg ah uga dalbaneyso Dowlada Ruushka oo uu kala dhaxeeyo iskaashi Millatari. Ciidamada Azerbaijan ayaa la wareegay qeybo badan oo kamid ah dhulka ku hareeraysan gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh oo ay hore gacanta ugu heysay Armenia, dhulkaasi oo loo aqoonsan yahay wadanka Azerbaijan ayaa dadka degen asal ahaan kasoo jeedaan Armenia. Waxaa toddobaadkan burburay xabad-joojintii sadexaad ee labada dhinac la dhex dhigay, kadib markii Azerbaijan ay ku eedaysay ciidamada Armenia inay ka danbeeyeen duqeyntii lala beegsaday Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Barda ee wadanka Azerbaijan oo ay ku dhinteen dad badan. Ruushka oo heshiis millatari kala dhaxeeyo Armenia ayaa sidoo kale xidhiidh wnaaagsan lalahe Azerbaijan, wuxuuna Putin ka gaabsaday illaa iyo hadda inuu faraha lasoo galo dagaalkan, Armenia ayaa ku doodeysa in Azerbaijan ay taageero millatari ka helayso Turkiga iyo waliba maleeshiyaad laga keenay dalalka Carabta waa siday hadalka u dhigeen. Source
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/11/Warka-Subax-01112020.mp3 View the full article
  11. (SLT-London)-Raysal Wasaaraha Britain Borris Johson ayaa ku dhawaaqay dalka la galinayo xayiraad bandow ah kadib markii ay sare u kaceen kiisaska cudurka COVID-19. Si kastaba dhammaan dukaamada iibiya waxyaabaha lagama maarmaanka ah iyo cisbitaaladu wey furnaan doonaan. Xayiraadan ayaa waxoogaa ka duwan xilligii bilowgii xanuunka iyada duggsiyada iyo jaamacadaha loo ogol yahay inay furnaadaan inkasta oo xarumaha waxbarashada sare badankooda lagaba dhigey hab online ah. Source
  12. (SLT-Edinburgh)-Sean Connery ayaa ahaa 90 jir, wuxuuna kamid noqday atoorayaashii ugu caansanaa caalamka isagoo si weyn loogu xasuusto filimaantii uu kusoo caanbaxay ee (James Bond). Sir.Connery ayaa kasoo jeeday qoys sabool ah oo ku noolaa magaalada Edinburgh ee ismaamulka Scotland, wuxuuna sidoo kale soo noqday askari, kahor in aanu noqon atoore. Sean Connery ayaa joojiyey jilitaanka sannadkii 2003. Filimkii ugu horreeyey ee James Bond ee uu atooraha ka noqday ayaa ahaa “Dr. No” oo lasoo saaray sannadkii 1962. Wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn ugu ololeeya in Scotland noqoto dowlad madax-bannaan, wuxuuna si weyn ugu faani jiray qabiilka uu kasoo jeedo ee loo yaqaan MacLeod clan. Wasiirka Kowaad ee ismaamulka Scotland Mrs. Nicoal Sturgeon ayaa ka tacsiyeysay geerida Connery. Source
  13. Dozens of pickup trucks, many with Trump flags, surrounded a Biden campaign bus as it traveled from San Antonio to Austin. Source: Hiiraan Online
  14. Ottawa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa difaacay xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxaa uu yiri “ma ahan xad la’aan” islamarkaana ma ahan “in gef aan loo baahneyn oo sabab la’aan ah” ay ku sameyso dad gaar ah. Isaga oo ka jawaabaya su’aal aheyd xuquuqda lagu daabaci karo sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH – ee la midka ah kuwii uu daabacay wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo – ayaa Trudeau waxa uu yiri “mar walba waan difaaci doonnaa xoriyadda hadalka, hase yeeshee xoriyadda hadalka ma ahan mid xad la’aan ah.” Waxa uu intaas ku daray “waxaa waajib nagu ah inaan dadka kale ula dhaqanno si xushmad leh si aan u baraarno, ee ma ahan inaan dhaawacno dadka aan dunidan wadaagno.” “Ma jiro qof xuquuq u leh inuu toogasho ka fuliyo shineemo ay dad ka buuxaan. Mar walba waxaa jira xad.” Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa iska fogeeyey mowqifka uu qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, wuxuuna ku baaqay in xoriyadda hadalka loo adeegsado si taxaddar leh. Waxa uu intaas ku daray “waa waajibkeena inaan ka warhayno saameynta erayadeenna iyo ficilladeena ay ku yeelan karaan dadka kale, gaar ahaan bulshooyinka iyo kooxaha markii horeba dareemayey takoor.” Trudeau ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkii saddexda qof lagu dilay ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska, oo uu sheegay “inuusan lahayn wax cudur daar ah.” Macron ayaa toddobaad ka hor ka careysiiyey dunisa Islaamka kadib markii uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hase yeeshee, wareysi uu shalay siiyey Aljazeera ayuu Macron kaga soo dabcay mwoqifkaas, wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas. “Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan. Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.” The post Ra'iisul Wasaaraha Canada oo ka jawaabay xoriyadda hadalka ee loo adeegsado in loogu gefo diinta Islaamka first appeared on Caasimada Online.
  15. Somalia and the UN on Saturday lauded the role played by Somali women in peace, security and governance as the world celebrated the 20th anniversary of UN Security Council Resolution 1325. Source: Hiiraan Online
  16. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa is rasaasayn kooban oo saaka ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaanna nawaaxiga Isgoyska Dabka. Dabley hubaysan oo watay mooto bajaaj iyo ciidamo dharcad ah, oo ka tirsan Nabad sugidda NISA, ayaa la sheegay in waaberkii hore ee saaka iska hor-imaad kooban ku dhexmaray Isgosyka Dabka. Dableyda mootada watay, ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda NISA, islamarkaan ilaalo ka hayay Kaamirooyin ku xiran wadada. Inta la xaqiijiyay, iska hor-imaadka waxa ku geeriyooday laba ruux, waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah dableydii weerarka soo qaadday, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga. Shakhsiga dhaawacmay oo gacanta lagu dhigay, ayaa la geeyay mid kamid ah isbitaallada magaalada halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay Iska hor-maad ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. French President Emmanuel Macron spoke at length with an Arab broadcaster to defend his comments on Islam. He said he understood why people were offended, but said it did not justify violence. Source: Hiiraan Online
  18. Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa laga soo xigtay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen fariisimo dhawr ah oo Al-shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka laga fuliyay degaanka Leego oo qiyaastii 44KM dhanka waqooyi ka xiga degamada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen. Ciidanka hawlgalka fuliyay ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mootooyin ay Al-shabaab ku urursadeen halkaas oo ay u isticmaali jireen miinooyink iyo waxyaabaha qarxa. Kumaandooska DANAB ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxay muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen degaanno kala duwan oo ka tirsan Shabeellada Hoose. PUNTLAND POST The post Kumaandooska DANAB oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhiyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  19. 39 killed, nearly 900 injured when magnitude-6.6 quake jolts Izmir province Source: Hiiraan Online
  20. 15 people succumbed in the last 24 hours bringing the number of fatalities to 996. Source: Hiiraan Online
  21. After a poll marred by accusations of widespread fraud and irregularities, one opposition leader warned that the nation could become a “one-party system.” Source: Hiiraan Online
  22. Nin hubaysan ayaa xalay Baaderi ku dhaawacay kaniisad ku taalla magaalada Lyon waddanka Faransiiska, sida laga soo xigtay Booliiska dalkaasi. Shaqsiga weerarkaasi ka dambeeyay ayaa isku dayay in uu meesha ka baxsado, balse booliska Faransiiska ayaa gacanta ku soo dhigay. Ninka weerarka fuliyay oo lala xiriirinayo Argagixisanimo, waxaa kiiskiisa gacanta ku haya dacwad ooge Faransiiska u qaabilsan ka hortagga falalka argagaixisada. Madaxweyne Macron, ayaa isna goobaha ay dadku isugu yimaaddaan wuxuu ka howl geliyey 4,000 oo askari oo dheeraad ah. PUNTLAND POST The post Weerar kale oo ka dhacay Faransiiska appeared first on Puntland Post.
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Itoobiya ay billowday qorshe ay ku heshiisiineyso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Wararka ay heshay Caasimada Onlie sheegayaa in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay gaareen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, islamarkaana ay kawada hadleen aerimaha gobalka Gedo iyo doorashada Soomaaliya. “Addis Ababa ayaa lagu kulmay waxaana garwadeen ka ah Abiy Axmed oo qaabilay labada dhinac waxa uuna ka dalbay in Itoobiya ay xaliso aerinta gobalka Gedo labada dhinacana ay wakiishaan, Jubbaland waa diiday waxay adkeysatay in ciidankaas oo aan laga saarin Gedo heshiis geli karin haddii ay dhici weysana dagaal dhici doono,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Hadda ma jirto wax la isku fahmay balse waxaa la qabaa rajo wanaagsan sababtoo waa qasab wada-hadal doorashada ka hor ah maxaa yeelay labada dhinacba waxay diyaarsadeen ciidan awood leh dagaal ayaana dhici kara,” ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee la hadlay Caasimada Online. Jubaland ayaa kalsooni ku qabin Itoobiya maadaama hadda ka hor ay weerareen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali AbuuMansuur, sidoo kalane la sheegay in ay isku dayeen qabashada Axmed Madoobe waana sababta uusan ilaa hadda u aadin dalka Itoobiya kagana cudur daartay casuumado uga yimid Ra’iisul Wasaaraha wadankaas Abiy Axmed. The post Xog: Itoobiya oo xalineysa khilaafka Jubaland iyo DF ee ciidamada jooga Gedo first appeared on Caasimada Online.
  24. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle. Warrarku waxay sheegaayaan in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filayo in ay dhacaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar, waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan. Saacadaha soo socda, ayuu Sheekh Shariif tegi doono halkaas, waxaana magaalada laga dareemaya qaban-qaaban soo dhaweynta Shariif iyo wefdiga la socda. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar appeared first on Puntland Post.