-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ethiopia's new President, Taye Atske Selassie, has vowed to pursue peace in Ethiopia and beyond. The veteran diplomat replaced the first female president, Sahle-Work Zewde, who fell out with Prime Minister Abiy. Source: Hiiraan Online
-
Kenya expects more money from the International Monetary Fund by the end of the year and is in talks with the Fund about combining the seventh and eighth reviews of its support programme, its central bank governor said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara, Eritrea, on Wednesday for an official state visit, marking his fourth trip to the country since taking office in 2022. His visit is likely aimed at fortifying a budding tripartite alliance involving Somalia, Eritrea, and Egypt, which has developed in opposition to Ethiopia's increasing assertiveness in the region. Mohamud was welcomed at Asmara International Airport by Eritrean President Isaias Afwerki and senior Eritrean officials. Source: Hiiraan Online
-
Shirkada Diyaaradda Kenya Airways ayaa si rasmi ah u shaacisay joojinayso duulimaadyadii Muqdisho laga bilaabo 14ka October 2024. Bayaan ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayay ku sheegtay in go’aankani la qaatay ka dib falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin, iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee shirkadda diyaaradaha ee suuqa ganacsi ee hada jira. Saraakiisha duulista ayaa rumeysan in go’aankan uu ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhawr shirkadood adeeg qiimo jaban bixiya, shirkadaha waxaa iska leh ganacsato Soomaaliyeed. Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida waxay bixiyaan adeeg qiimo jaban, oo dabacsanaan leh, baajinta iyadoo aan wax ciqaab ah la kulmin iyo fursad ay ku iibsadaan tigidhada hal-jidka ah maadaama ay inta badan isaga kala gooshayaan Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale, diyaaradda EgyptAir oo bilowday duullimaadyo Muqdisho bishii July ayaa lagu soo waramayaa inay soo jiidanayso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa inay kordhiso duullimaadyada labada jeer toddobaadkii. Halkan ka akhri bayaanka shirkaddaasi PUNTLAND POST The post Shirkadda Diyaaradda Kenya Airways oo joojinaysa duullimaadyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Tan iyo markii ay qaraxday xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiish ku sheeggii xadgudubka ahaa ee maamulka Abii Axmed uu la galay Soomaaliland, jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay samaysay dadaallo mira-dhalay oo guulo waaweyn horseeday. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay xoojiso xariirka ay la leedahay dhammaan dalalka geeska Afrika iyo kuwa kale ee dunida, markii laga reebo maamulka damaca gurracan ee Abii Axmed. Dowladda Soomaaliya ayaa hanatay saaxiibtinimada iyo kalsoonida dalalka muhiimka ah ee dunida, gaar ahaan kuwa geeska Afrika sida Jabuuti, Eritrea, iyo Kenya, sidoo kale dhaqanka deriska wanaagga iyo dublamaasiyadda ixtiraamku astaan u yahay ku suntan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitay dareenka dalalka iyo ururrada Caalamiga ah. Madaxweynaha JFS ayaa hadda ku sugan Ereteriya oo sanadahan dambe noqatay saaxiib istiraatiiji ah oo si hagar la’aan ah Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada, waxayna labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan xaaladaha gobolka geeska Afrika, kuwaas oo ay ku jirto dhaqan xumada maamulka Abii Axmed. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Eritrea ayaa u quus-goynaysa taliska Addis Ababa oo cidla ciirsila ka jooga dhinacyada iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadda. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Addis Ababa waxaa maja-xaabin dublamaasiyadeed iyo muunad xumo siyaasadeed ku noqday heshiishkii ay mucaash u arkaysay ee ay ku soo damaacisay qeyb kamid ah badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
LISTEN: Africa Aware: Building Somalia's climate resilience
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For years now, Somalia has experienced the effects of not only climate change, but also climate extremes – oscillating between devastating droughts and fierce floods. Ranked as the most climate-vulnerable country in the world, Somalia faces lasting environmental and socio-political challenges due to the frequent extreme climate events; furthermore, efforts to secure timely climate financing are hampered due to ongoing conflict in the country. Source: Hiiraan Online -
Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza. Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib. Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariga Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa ku dhufatay xeebaha koofureed gobolka Florida dalka Mareykanka taasoo ah mid xooggan oo aan horay loo arkin. Sidda ay sheegeen kooxaha la socda waxa ay ku socotaa darajada saddexaad ee halbeegga awoodda lagu cabbiro duufaannada. Sida ay sheegtay xarunta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba. Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah. Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers. Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro. In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto. Source: goobjoog.com
-
Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa xalay fiidkii billowday in ay garaacdo xeebaha koofureed gobolka Florida ee dalka Maraykanka. Xarynta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami ayaa sheegtay, in duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba. Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers. Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro. In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto. PUNTLAND POST The post Duufaanta Milton oo ku dhufatay xeebaha gobolka Florida ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Go’aanka ay caawa soo saareen waxgaradka iyo salaadiinta beelwaynta Habar_jeclo, taageero iyo dhisid musharax ama xisbi oo kaliya maaha, balse waa badbaado iyo samotabixin qaran, Waa go’aan xilkasnimo iyo badheedhe koobsaday. Waana go’aan tilmaami doona inaan la kala guulaysan doonin ee reer Somaliland wada guulaysan doonto. Go’aanada adadag ee taariikhiga ah Waxaa ka hadha xus iyo xasuus. Waan si gaara ugu hanbalyaynayaa musharaxayga Cabdiraxmaan Cirro. Xildhibaan Laabsaalax. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku amray hey’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka inay shaqooyinka ay dalka ka fulinayaan ay waafajiyaan qorshaha Qaranka iyo arrimaha mudnaanta u leh Xukuumadda. Saalax ayaa amarkaan uga dhawaaqay munaasabad maanta looga hadlay qorshaha shanta sano ee soo socota ee hey’adda UNICEF. Ra’iisul Wasaare Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in adeegyada ay hey’addu fuliso ay noqon lahaayeen kuwa waxtar leh oo ka faa’iidaan dadka Soomaaliyeed, hadii la waafajiyo baahiyaha jira. Xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan sidaan oo kale amarro u duldhigtay Hay’adaha ka howlgala dalka, balse intooda badan amaradaas waxaba lagama soo qaadin. Sidoo kale xukuumadda ayaa ku guul-dareysatay inay xakameyso oo dhaqan geliso amar la dhul-dhigay wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda oo ku saabsanaa in meel dalka ka baxsan aan loo aadi karin shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Maalmahaan waxaa Nairobi Kenya ka socday shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo guddoomiyaha hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale ay ka qeyb gelayaan. Horay shirar kale ayaa uga dhacay Nairobi iyo magaalooyin kale oo caalamka ah, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa horay u mamnuucay in dibadda loo aado shir ay qabsaneyso hay’ad ka tirsan dowladda, balse go’aankaas ayaan weli ka dhaqan gelin Soomaaliya. Dadka yaqaan dowladnimada waxay aad ula yaabaan in shirar ay qabsanayaan hey’adaha dowladda oo Muqdisho marti geli karto Nairobi loo wareejiyo, marar badan ayaa arrintaan lagu dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya, balse ilaa hadda ma joogsan. The post DF oo amar culus ku soo rogtay hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala appeared first on Caasimada Online.
-
Qodobada ugu waaynaa ee Caawa East Burco Clan go’aan beeleed ku gaadheen. 1. In iyadoo la eegaayo Danta Somaliland ee maanta iyo uruurinteeda Beesha East Burco Clan Madaxweynaha ay dhisayso yahay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. 2. Beesha East Burco Clan waxay go’aan beeleed ku gaadhay in urur siyaasadeedka Kaah lagu dhiso, lala shaqeeyo lana soo saaro si Xisbi Qaran uu u noqdo. 3. Colaada ardaayada Sacad Yoonis iyo Bahay in aan loo kala tagin lana dhamaystiro heshiis rasmiya oo aan wax danbe ka iman Insha Allaah. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa geeriyooday, kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo diyaaradu hawada ku jirto. Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunku ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka lagu xaqiijiyey geerida. “Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga. Diyaaradu markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday, sida lau sheegay warbixinta. Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin, duulimaadkaas Seattle ayaa ku sii jeeday dalka Turkiga. Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar, iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood hal mar. Waxay noqotay geeri deg deg ah oo halis gelisay walwalna ku abuurtay rakaabkii diyaaradda, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta geerida duuliyaha. The post Xogta Duuliye Turkish ah oo si kedis ah ugu geeriyooday hawada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho shaqo oo rasmi ah. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea. Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay. Arrimaha miiska saaran ee safarkaan uu ku saabsan yahay waa sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan ayaa safaradii hore u tegi jiray ciidamada Soomaaliya ee dalkaas tababarku uga socdo. Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi, waana markii ugu horeysay oo masuul xil haya uu Xasan Sheekh u watay dalka Eritrea oo 7 jeer uu tegay intii uu xilka hayey. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin dalka Eritrea wuxuu tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig military uu ku leeyahay Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogg dalka, wuxuuna tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar cusub oo Danab ku biirtay. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Eritrea ku tegay safar ka duwan kuwii hore – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea. Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Kenya ayaa shalay u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadib markii lagu soo oogay eedo ay kamid yihiin musuq-maasuq iyo in uu abuuray naceyb dhinaca isirka ah. Codka baarlamaanka ay ku ogolaadeen xilka qaadistiisa ayaa waddada u xaaraysa in aqalka senate-ka uu u fariisto mooshin uu ku eegayo xil ka xayuubintiisa ugu danbeysa. Tan ayaa timid kadib muddo la sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyey madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweyne William Ruto. Gachagua oo noqonayaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurka Kenya ee 2010-kii, ayaa waxa uu kiiskiisa u gudbi doona Aqalka Sare ee dalka Kenya. Aqalka Sare ee dalkaas oo ka kooban 67 xubnood ayaa awood u leh “inay ayidi karaan go’aanka Aqalka Hoose ama ay diidi karaan.” Si kastaba, xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha Kenya ayaa loo cugsaday eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay. Gachagua oo 59 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda, uuna ku lug lahaa xasarado ku salaysnaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas. The post Maxaa xiga xil ka qaadista madaxweyne ku-xigeenka Kenya? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa u amba-baxay magaalada Asmara sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa magaalada Asmara shir ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaanna arrrinaha gobolka kula yeelan doona dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki sida ay ku warrantay wakaaladda SONNA. “Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika” ayaa lagu sheegay warbixinta SONNA. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta safar ugu baxay dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo dhammaantood ku dhiirrigeliyay ciidamada in ay sii wadaan hawlahooda qaranimo iyo difaaca dalka. Source: goobjoog.com