Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,064
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada kulanka maanta ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta. Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmar, halkaas oo uu shalay gaadhay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha gobolka. Warbaahinta ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Source
  3. Buuhoodle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ciidamada Soamliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay isku dayeen inay gudaha u galaan deegaanka Qorilugud oo hoostaga Buuhoodle, balse waxaa ka hortegay ciidamada SSC oo halkaas difaac adag uga jiray. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. SSC oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay inay ka hortegtay weerar uga yimid dhanka Somaliland, isla markaana ay haysat xogtiisa, sidaasina ay ku fashilisay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland, kuna daadan dagaalkaas iyo eedeynta ay u jeedisay SSC-Khaatumo. Maalmihii lasoo dhaadafay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka waday aagga magaalada Buuhoodle oo ah halka uu xalay ka dhacay dagaalka. Si kastaba, dagaalka u dhexeeya SSC iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad ku jiray, balse labada dhinac ayaa hadallo kul-kulul isku marinaya dhanka warbaahinta. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  4. In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kacca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada. Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonaya in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer. Shirkadda TikTok ayaa dacwaddaan ku tilmaamtay “Mid niyad jab leh” waxa ayna sheegtay inay rumeysan tahay in qaar badan oo kamid ah sheegashooyinka ay yihiin “Kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah”. Madashaan ayaa horay waxa ay ula dagaallantay sharci ay Congress-ka ansixiyeen bishii Abriil kaas oo ka mamnuucayay Mareykanka. “TikTok waxa ay ogtahay in isticmaalka khasabka ah ee aaladdeeda iyo waxyeelada kale ee madasheeda ay dhibaato ku tahay caafimaadka maskaxda malaayiin da’yarta iyo carruurta Mareykanka,” ayaa lagu yiri dacwadda laga gudbiyay New York Talaadadii. Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James ayaa sheegtay in gudaha Mareykanka ay jiraan da’yar badan oo u dhintay ama u dhaawacmay saameyn ka timid aaladda TikTok, sidoo kale ay jiraan caqabado ay kamid yihiin walaac, niyad jab iyo murugooyin badan oo la daristay dhalinyarada kuwaas oo ka dhashay sifooyin la qabatimay ee TikTok. Dacwadda lagu soo oogay aaladdaan ayaa lagu xusay dhacdo wiil 15-jir ah oo ku dhintay magaalada Manhattan oo ah tan ugu dadka badan 5-ta xaafadood ee New York, wiilka ayaa sameynayay xujjo muuqaal ah oo uu bartiisa dhigi rabay sida ay hooyadiis sheegtay, waxa uuna ku dhintay laamiga ay isticmaalaan tareenada ee dhulka hoos mara. Dhimashadiisa kadib waxaa taleefanka wiilka laga helay xujooyin lamid ah midda uu iska duubayay xilligii uu dhintay. Aaladda TikTok ayaa sheegtay in barnaamijkeeda uu badbaado u yahay dhalinyarada, balse taas waxaa ka hor yimid Ms James oo kamid ah qareenada dacwadda soo gudbiyay. Dacwadda aaladda lagu oogay ayaa si gaar ah u muujineysa in bartaan ay dhibaato ku tahay hurdada iyo daganaashaha maskaxda, iyadoona muuqaalada lagu soo gudbiyo bartaan ay marin habaabin ku ridaan dadka qaar sababo la xiriira in aan la hubin dhab ahaan shah aiyo goobta saxda ah. Waxaa sidoo kale dacwadda ku xusan Fiiltarrada quruxda u ogolaanaya isticmaalayaasha kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalada. Shirkadda TikTok ayaa dhiirigalisay aalado loogu talagalay in lagu caawiyo dadka xaddidaya waqtigooda isticmaalka ama kala shaandheynta waxa ay tahay inay kala socdaan bartaan. Dacwooyinkaan ayaa waxaa gudbiyay 13-gobol oo Mareykanka ah iyo degmada Columbia, sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ayaa shirkadda TikTok ku eedeeyay inay maamusho ganacsi xawilaad lacageed ah oo aan shati loo haysan. TikTok ayaa bayaan soo saartay Talaadadii shalay waxa ayna ku tiri: “aad baan uga soo horjeednaa sheegashooyinkaan, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah aan rumeysannahay inay yihiin kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah,” Dhanka kale bayaanka ayay shirkaddu ku sheegtay inay ku faraxsantahay shaqada ay u hayaan dhalinyarada oo ay ku tilmaamtay mid ay ku ilaalineyso, sidoo kalena ay hormarinayaan waxyaabaha ay ku soo kordhinayaan aaladda. Dacwadda ayaa lagu weydiistay maxkamadda inay TikTok ku soo rogto xannibaad iyo in lagu soo rogo ganaax lacageed. Xeer ilaaliyayaasha ayaa billaabay kiisas lamid ah Facebook iyo Instagram saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada. Dacwadaha ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka sharciga ah ee soo wajahaya app-ka caanka ah ee TikTok, kaas oo in ka badan kala bar dhalinyarada Mareykanka lagu qiyaasay inay isticmaalaan dhowr jeer maalintii. Dawladaha ay ka midka yihiin Texas iyo Utah ayaa hore u gudbiyay dacwado la mid ah TikTok oo diiradda saaraya badbaadada carruurta. Guddiga ganacsiga federaalka, oo ah ilaaliye dowladeed, ayaa TikTok ku eedeeyay bishii Agoosto inay ku xad gudubtay sharciyada sirta carruurta. Cimraan Axmed, madaxa fulinta ee xarunta aan faa’iido doonka ahayn ee ka hortagga nacaybka dhijitaalka ah, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in tallaabada sharciga ah ay kor u qaadi doonto wacyiga waalidiinta khatarta aaladaha iyo cadaadiska shirkadaha inay wax ka beddelaan dhaqankooda. Laakiin Washington waxay sidoo kale u baahan doontaa inay xoojiso sharciga si uu u dhaco isbeddel weyn, ayuu yidhi. “Waxay soo diraysaa calaamad muujinaysa in ay jirto niyad jab sii kordha oo ah in aanay jirin habab kale oo la heli karo, kuwaas oo la xisaabtami doona goobahan,” ayaa lagu yiri dacwadaha. Source
  5. Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa lagu wadaa in ay Shir saddex geesood ah ku yeeshaan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay gaaray magaalada Asmara, waxaana la filaya in saddexda Madaxweyne Shir saddex geesood ah oo ku saabsan Arrimaha gobolka ku yeeshaan caasimadda Eritrea. Ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in Shirka saddex hoggaamiye diiradda lagu saarayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed la saxiixday Muuse Biixi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in hoggaamiyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea shirkaasi ku dhisayaan isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah dowladda Itoobiya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo dhisaya isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  6. Surveillance video of the crash that killed five friends in June 2023 was played during opening statements in Derrick Thompson’s federal trial. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasi sidoo kale waxaa ku sugan Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Madaxweynaha ayaa ka dib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Eritrea, Madaxweyne Isaias Afwerki. Booqashadan oo ah mid muhiimad gaar ah leh ayaa lagu wadaa in labada hoggaamiye ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Afhayeenka Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in kulanka ay yeelanayaan Al-Sisi iyo Afwerki uu xooga saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga gobolka. Waxay sidoo kale diiradda saari doonaan sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadista iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyadoo Masar iyo Eritrea ay door weyn ku leeyihiin gobolka. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Asmara, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso isbahaysi iskaashi oo dhex mara saddexda dal, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta guud ee gobolka Geeska Afrika. Isbaheysiga cusub ayaa la filayaa inuu noqon doono mid xoog badan oo ujeedkiisu yahay in la isku dhaqaajiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo amniga, gaar ahaan Badda Cas oo ah marin muhiim ah oo dunida u dhexeeya, isla markaana ay saamayn ku leeyihiin dhinacyo badan oo caalami ah. Shirkan ayaa loo arkaa mid lagu adkeynayo xiriirka saddex geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka, kaas oo noqon kara mid wax weyn ka beddela xaaladda gobolka ee dhinacyada amniga iyo horumarka. Source: goobjoog.com
  8. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmara, halkaas oo uu shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha kasoo kordhay gobolka, oo ay ugu horreyso dhaq-dhaqaaqa ay waddo dowladda Itoobiya, iyaga oo iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya. Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya. Dhanka kale, xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kulamadan u aragta ifafaalo aan u wanaagsaneyn Itoobiya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dhaq-dhaqaaqyadan ay kusoo aadeen xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka caroortay Soomaaliya oo iyadana heshiis difaac la gashay Masar, kaas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile. The post Xog: Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo sameysanaya isbaheysi saddex geesood appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) — The Somali National Army, spearheaded by the 47th Battalion of the 8th Brigade, has heightened its operations against Al-Shabaab militants in the Bay and Bakool regions, targeting key strongholds. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Abudwak Airport in Somalia's Galgaduud region has resumed domestic flights after a 13-day closure following threats from militia groups and allegations of political interference. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenya's successful bid for a seat on the United Nations Human Rights Council (UNHRC) for the 2025-2027 term has ignited considerable opposition from civil society groups, who accuse the government of widespread human rights abuses. The election took place during the UN General Assembly vote, where Kenya secured a seat alongside 17 other countries. Source: Hiiraan Online
  12. Hoggaamiyaha fallaagada RSF ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda Suudaan Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa Masar ku eedeeyay inay ku lug leedahay duqaymo xagga cirka ah oo lala beegsaday ciidamadiisa. Janaraal Dagalo ayaa sidoo kale ku eedeeyay Qaahira in ay ciidamada Suudaan tababarto oo ay siiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay sabab u noqday inay ciidamada dowladdu ku gacan sarreeyaan colaadda dalka ragaadisay ku dhawaad ​​18 bilood. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay eedeymaha mohamed Hamdan Dagalo ee la xiriira ka qeyb qaadashada diyaaradaha Masar ee dagaalka ka socda Suudaan. Source: goobjoog.com
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamada huwanta ayaa kooxda ka saaray deegaano muhiim ah oo isku xira labadaas gobol, kadib howlgallo culus oo ay ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Deegaanada ay qabsadeen ciidamada ayaa kala hah Ceel Shariif, Mooro-busle iyo Ceel Mareere oo u dhexeeyo demada Bardaale iyo deegaana Goofgaduud-buurey Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay saldhigyo iyo xarumo kale oo lacago ku qaadi jireen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada la xoreeyay. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib dagaallo ay kula galeen halkaasi. Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladd ayaaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhaca gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Inta badan waxaa gobollada dalka ka socda guluf ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya Xoogga dalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah. The post Ciidamada DF oo maanta la wareegay deegaano isku xira BAAY iyo BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — Somalia has implemented an overdue ban on single-use plastic bags to reduce pollution and align the country with regional and global environmental efforts. Source: Hiiraan Online
  15. Ethiopia's new President, Taye Atske Selassie, has vowed to pursue peace in Ethiopia and beyond. The veteran diplomat replaced the first female president, Sahle-Work Zewde, who fell out with Prime Minister Abiy. Source: Hiiraan Online
  16. Security officers in Mandera have confiscated 190 bags of uncustomed sugar during a recent operation in the Siftu area, near the Kenya-Ethiopia border. Source: Hiiraan Online
  17. Kenya expects more money from the International Monetary Fund by the end of the year and is in talks with the Fund about combining the seventh and eighth reviews of its support programme, its central bank governor said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara, Eritrea, on Wednesday for an official state visit, marking his fourth trip to the country since taking office in 2022. His visit is likely aimed at fortifying a budding tripartite alliance involving Somalia, Eritrea, and Egypt, which has developed in opposition to Ethiopia's increasing assertiveness in the region. Mohamud was welcomed at Asmara International Airport by Eritrean President Isaias Afwerki and senior Eritrean officials. Source: Hiiraan Online
  19. Shirkada Diyaaradda Kenya Airways ayaa si rasmi ah u shaacisay joojinayso duulimaadyadii Muqdisho laga bilaabo 14ka October 2024. Bayaan ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayay ku sheegtay in go’aankani la qaatay ka dib falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin, iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee shirkadda diyaaradaha ee suuqa ganacsi ee hada jira. Saraakiisha duulista ayaa rumeysan in go’aankan uu ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhawr shirkadood adeeg qiimo jaban bixiya, shirkadaha waxaa iska leh ganacsato Soomaaliyeed. Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida waxay bixiyaan adeeg qiimo jaban, oo dabacsanaan leh, baajinta iyadoo aan wax ciqaab ah la kulmin iyo fursad ay ku iibsadaan tigidhada hal-jidka ah maadaama ay inta badan isaga kala gooshayaan Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale, diyaaradda EgyptAir oo bilowday duullimaadyo Muqdisho bishii July ayaa lagu soo waramayaa inay soo jiidanayso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa inay kordhiso duullimaadyada labada jeer toddobaadkii. Halkan ka akhri bayaanka shirkaddaasi PUNTLAND POST The post Shirkadda Diyaaradda Kenya Airways oo joojinaysa duullimaadyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Tan iyo markii ay qaraxday xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiish ku sheeggii xadgudubka ahaa ee maamulka Abii Axmed uu la galay Soomaaliland, jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay samaysay dadaallo mira-dhalay oo guulo waaweyn horseeday. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay xoojiso xariirka ay la leedahay dhammaan dalalka geeska Afrika iyo kuwa kale ee dunida, markii laga reebo maamulka damaca gurracan ee Abii Axmed. Dowladda Soomaaliya ayaa hanatay saaxiibtinimada iyo kalsoonida dalalka muhiimka ah ee dunida, gaar ahaan kuwa geeska Afrika sida Jabuuti, Eritrea, iyo Kenya, sidoo kale dhaqanka deriska wanaagga iyo dublamaasiyadda ixtiraamku astaan u yahay ku suntan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitay dareenka dalalka iyo ururrada Caalamiga ah. Madaxweynaha JFS ayaa hadda ku sugan Ereteriya oo sanadahan dambe noqatay saaxiib istiraatiiji ah oo si hagar la’aan ah Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada, waxayna labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan xaaladaha gobolka geeska Afrika, kuwaas oo ay ku jirto dhaqan xumada maamulka Abii Axmed. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Eritrea ayaa u quus-goynaysa taliska Addis Ababa oo cidla ciirsila ka jooga dhinacyada iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadda. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Addis Ababa waxaa maja-xaabin dublamaasiyadeed iyo muunad xumo siyaasadeed ku noqday heshiishkii ay mucaash u arkaysay ee ay ku soo damaacisay qeyb kamid ah badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  21. For years now, Somalia has experienced the effects of not only climate change, but also climate extremes – oscillating between devastating droughts and fierce floods. Ranked as the most climate-vulnerable country in the world, Somalia faces lasting environmental and socio-political challenges due to the frequent extreme climate events; furthermore, efforts to secure timely climate financing are hampered due to ongoing conflict in the country. Source: Hiiraan Online
  22. Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza. Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib. Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariga Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  23. Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa ku dhufatay xeebaha koofureed gobolka Florida dalka Mareykanka taasoo ah mid xooggan oo aan horay loo arkin. Sidda ay sheegeen kooxaha la socda waxa ay ku socotaa darajada saddexaad ee halbeegga awoodda lagu cabbiro duufaannada. Sida ay sheegtay xarunta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba. Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah. Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers. Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro. In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto. Source: goobjoog.com