-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda. Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay. Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne. Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho. Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka. Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State. Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada… appeared first on Caasimada Online.
-
Boqortooyada Midowday ee UK iyo Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar qabyo ah oo ay ku doonayaan in dib loogu cusboonaysiiyo waajibaadka Khabiirka Madaxabannaan ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Qaraarkan ayaa soo dhoweynaya dadaallada Soomaaliya ee joogtada ah ee lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyada oo si gaar ah loo xusay ansixinta Sharciga Xuquuqda Naafada iyo sameynta koox farsamo oo heer wasiirro ah oo ka shaqeysa arrimaha xuquuqda aadanaha. UK ayaa ku ammaantay Soomaaliya wadashaqeynteeda joogtada ah ee la leedahay Khabiirka Madaxabannaan iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Dadaalka Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda aadanaha ayaa lagu tilmaamay mid tusaale u ah sida ay u qaadatay waajibka arrintan. Sidoo kale, qaraarka ayaa ku dhiirrigelinayay dowladda Soomaaliya inay sii wado hirgelinta ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyada oo lala shaqeynayo saaxiibada caalamiga ah si looga hortago caqabadaha jira. UK waxay carrabka ku adkaysay in taageerada farsamo iyo dhisidda awoodaha ay noqdaan kuwo dabacsan oo ku saleysan baahida gaarka ah ee Soomaaliya. UK ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay inay sii xoojiso taageerada ay u hayso Soomaaliya, iyadoo golaha ka codsatay in qaraarkan la taageero si loo sii wado iskaashiga iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa hogaaminaysa dalalka ugu badan ee xukuma dilka, iyadoo ay ku fulisay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka xukunka dilka ee la diiwaan geliyay, sida ay sheegtay Midowga Yurub (EU) xuska Maalinta Yurub iyo Adduunka ee Ka Dhanka ah Dilka, oo la qabtay Oktoobar 10. Bayaanka wadajirka ah ee ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Yurub, Alain Berset, ayaa lagu cambaareeyay xukunka dilka in uu yahay fal bini’aadantinimada ka baxsan, bahdilid iyo ciqaab, taas oo u taagan diidmo buuxda oo ka dhan ah sharafta aadamiga. Xuska munaasabadda awgeed, Midowga Yurub iyo Golaha Yurub ayaa si adag ugu adkeystay diidmadooda aan shaki lahayn ee ka dhanka ah xukunka dilka ama dib-u-soo celintiisa, xitaa xaalad kasta oo ku timaada. Waxay ku sheegeen bayaanka: “Waxaan soo dhaweyneynaa taageerada sii kordheysa ee caalamka oo dhan ee ku aaddan baabi’inta xukunka dilka. “In ka badan laba meelood saddex meel dalalka adduunka ayaa baabi’iyay xukunka dilka, ama sharciga ahaan ama ficil ahaan. Sannadkii la soo dhaafay, tirada dalalka fuliyay dilalka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo. Inkasta oo isbeddelkan loo socdo baabi’inta dilka, haddana wali waxaa xukun dil ah laga fulinayaa dalal kala duwan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah. Sida ay sheegeen Golaha Yurub iyo Midowga Yurub, shanta dal ee ugu badan ee xukunka dilka ka fuliyay waxay kala ahaayeen Shiinaha, Iiraan, Sacuudiga, Soomaaliya, iyo Maraykanka. Warbixinno ayaa tilmaamaya in Iiraan ay kaligeed ka dambeysay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka la diiwaan geliyay. Isticmaalka nitrogen hypoxia, oo ah hab dil muran dhaliyay oo ka socda Maraykanka, ayaa lagu tilmaamay arrin walaac weyn leh. Golaha Yurub ayaa xusay in Belarus ay tahay dalka kaliya ee ku yaalla qaaradda Yurub ee weli fulisa xukunka dilka. Dhanka kale, hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in saddex dal oo ku yaalla Saxaraha Afrika ka hooseeya oo tixgelinaya inay ka laabtaan xukunka dilka, ay hadda tahay xilligii ay tallaabo qaadi lahaayeen oo gebi ahaanba meesha ka saari lahaayeen xukunka dilka, si waddamada kale ee adduunka ay raacaan. Kenya iyo Zimbabwe ayaa hadda horyaalla hindise-sharciyeedyo la doonayo in dhammaan dembiyada laga baabi’iyo xukunka dilka, halka Gambia, oo horumar joogto ah ka samaysay arrintan tan iyo 2017, ay billowday hab-raac sharci oo ka mid tahay in si buuxda meesha looga saaro xukunka dilka. Amnesty International waxay sheegtay in sanadkii 2023 ay diiwaangelisay 1,153 dil, taas oo ah koror dhan 31 boqolkiiba (270 dilal dheeri ah) marka loo eego 883 dil oo la diiwaangeliyay sanadkii 2022. Waxay sheegtay in sanadkii 2023 uu sii waday isbeddel walaac leh oo ku saabsan kordhinta dilalka Iiraan iyo Sacuudiga, go’aanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ee ah in dib loo bilaabo dilalka, iyo Maxkamadda Sare ee Taiwan oo ku guuldareysatay inay meesha ka saarto xukunka dilka. Soomaaliya oo dal Islaam ah. Waxaa lagu dhaqaa Diinta Islaamka. taasoo jideysay in qofkii qof dila si kas ah loo dilo si umadda loo kala badbaadiyo. Source: goobjoog.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talogalay loo dhaca islamarkana la yaab leh”. Yoav Gallant ayaa intaa ku daray in Tehran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhaceen – laakiin ay arki doonaan uun natiijada. Erayadiisa kulul ayaa daba socday wada hadal dhanka teleefoonka oo si aad ah loo wada sugayay oo dhex maray madaxweyne Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yeeshay wadahadlakan oo la rumeysan yahay inuu ahaa wadahadalkoodii ugu horreeyay muddo toddobaadyo. Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Biden ayaa loo rumeysan yahay inay ka wadahadleen jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii gantaallada ee Iiraan toddobaadkii hore iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay sidoo kale ku soo biirtay wadahadalka dhanka telefoonka ahaa muddo 30-daqiiqo ah. Waxaa loo malaynayaa in wadahadalka uu daarnaa si Biden uu ugu qanciyo Israa’iil inay xaddiddo jawaabta ay ka bixinayso weerarka Iran. Iyadoo ka hadlayay shir jaraa’id, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad – Kariin Joon-Pia – ayaa sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah: Wax yar ka dib markii la soo gabagabeeyay kulankaas, wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkooda aargoosiga ah ee Iran uu noqon doono “mid adag oo aan khasaarihiisa la saadaalin karin. “Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada,” ayuu yiri Gallant. Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo afar qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay tuulo Lubnaan ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Sidon. Magaalada yar ee Israa’iil ee Kiryat Shmona, lamaane ayaa lagu dilay gantaallo ay Xisbullah ka soo tuurtay Lubnaan. Waxaana la sheegayaa inay yihiin shacabkii ugu horreeyay ee reer Israa’iil ah oo ku dhinta tan iyo markii uu dagaalka xudduudaha uu sii xoogeystay 12 maalmood ka hor. Gantaallo ayaa sidoo kale lagu garaacay magaalada dekedda leh ee Haifa ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof. Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee ugu wayn Israa’iil. Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku ku garaaceen magaalada Haifa. Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka. Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo goobo lagu sifeeyo shidaalka, waana magaalo uhiim u ah Israa’iil. Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil. Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya shidaalka iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka iyo deggen magaalada Haifa. Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay in ka badan 1,100 weerar oo dhanka cirka ah tan iyo markii duullaankeeda dhulka ah uu ka billowday koonfurta Lubnaan 30-kii Sebtembar. Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun guud ahaan dalka. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada. Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan. Isha: BBC The post Mareykanka iyo Israel oo go’aan ka gaaray sida looga aarsan doono IRAN appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerki iyo Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Asmara. Bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu sheegay in la isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya. Haddaba maxaa mideeyey saddexdan dal? Dr. Cali Siciid Fiqi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda waxa uu qabaa in muhiimada kulanka ay la xiriirto “sidii looga hortagi lahaa damaca Abiy Axmed”. “Labada dal waxay aaminsan yihiin dhibaatada gudaha ka haysato Abiy Axmed in uu u wareejinayo Soomaaliya ama Eritrea,” ayuu yiri. Sidoo kale Soomaaliya waxay dooneysaa, sida uu sheegay, sidii ay uga hortagi laheyd in uusan dhicin “damac kasta oo Itoobiya ku dooneyso bad ay ka hesho dhulkeeda,” ayuu sii raaciyey. “Soomaaliya waxay dooneyso waa in ay ka hortagto heshiiska isafgaradka iyo damaca itoobiya ay bad ku dooneyso.” Dan ma ugu jirtaa Soomaaliya? Dr. Cali Cabdi Baab waxa uu ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, waxa uuna qabaa in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin shirkan saddax geesoodka ah. “Soomaaliya dan muuqata oo ah mid dhaqaale ama mid amni oo ugu jirta heshiiskan nooma muuqato, Itoobiya waxay dhex joogtaa caloosha Soomaaliya, maamul goboleedyda qaar Itoobiya ayey heshiis la yihiin,” ayuu yiri. Hadaba maxay tahay ujeedka ugu muhiimsan ay u shirayaan? Dr. Cali ayaa u arka in loo heshiinayo Itoobiya. “Nuuxurka shirka waa iskaashi militari oo saddexda dal sameysteen ujeedkuna waa in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga milateri ee Eritareya ay qaybta ka tahay laga yaabo inuu ka caraysiiyo Jabuuti oo weli xurguf xagga xuduudda ah ay kala dhaxayso Eritrea. The post Soomaaliya dan ma ugu jirtaa isbaheysiga cusub ee Asmara? appeared first on Caasimada Online.
-
Passengers disembark from Starsky aircraft at Caabdudwaaq Airport earlier yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — A light aircraft touched down at Caabudwaaq Airport yesterday, after more than a week of suspended flights. Militias, based 45 km south of Caabudwaaq and armed with 36-calibre anti-aircraft guns, surfaced on social media, threatening to shoot down any aircraft travelling to or from Caabudwaaq. This was reportedly in response to weapons captured in the district several months ago. Aircraft operators based in Mogadishu justified the temporary suspension of flights on grounds of passenger safety, but Caabudwaaq authorities hinted at possible political stratagems aimed at isolating the district and its inhabitants. The threat to the aircraft reminded many of similar tactics used by militias to keep Mogadishu Airport closed, until the Union of Islamic Courts reopened it following the defeat of warlords in 2006. The Federal Aviation Ministry has not issued any statement regarding the risks posed to aircraft by militias in the southern parts of Galmudug. © Puntland Post, 2024 The post Flights Resume at Caabudwaaq Airport After Temporary Suspension appeared first on Puntland Post.
-
Passengers disembark from Starsky aircraft at Caabdudwaaq Airport earlier yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — A light aircraft touched down at Caabudwaaq Airport yesterday, after more than a week of suspended flights. Militias, based 45 km south of Caabudwaaq and armed with 36-calibre anti-aircraft guns, surfaced on social media, threatening to shoot down any aircraft travelling to or from Caabudwaaq. This was reportedly in response to weapons captured in the district several months ago. Aircraft operators based in Mogadishu justified the temporary suspension of flights on grounds of passenger safety, but Caabudwaaq authorities hinted at possible political stratagems aimed at isolating the district and its inhabitants. The threat to the aircraft reminded many of similar tactics used by militias to keep Mogadishu Airport closed, until the Union of Islamic Courts reopened it following the defeat of warlords in 2006. The Federal Aviation Ministry has not issued any statement regarding the risks posed to aircraft by militias in the southern parts of Galmudug. © Puntland Post, 2024 The post Flights Resume at Caabudwaaq Airport After Temporary Suspension appeared first on Puntland Post.
-
Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, kaas oo ay uga wadahadleen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka. Shirkan ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi. Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo yeeshay isbahaysi ku saabsan xaaladda gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, kaas oo ay uga wadahadleen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka. Shirkan ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi. Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo yeeshay isbahaysi ku saabsan xaaladda gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerk iyo Masar Cabdulfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, waxaana qoraal kooban ka soo saartay Villa Somalia. Sidoo kale waxaa bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya. Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya. Isbaheysigaan cusub ayaa qalqal hor leh ku abuuraya Itoobiyaanka, waxaana suurtagal ah in ay is dhibaan oo heshiis dalbadan, maadaama isbaheysigaan oo khatar ku yahay jiritaanka Itoobiya. Soomaaliya ayaa leh doorka ugu weyn ee isbaheysigaan, waxaana muhiim ka dhigaya istaraatiijiga dhulka iyo galaangalka guuleystay ee dowladda Soomaaliya ay soo bilowday markii Muuse Biixi uu si sharci darro ah deked iyo dhul badan oo beriga ah ugu saxiixay Itoobiya. The post Daawo: Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar iyo Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo looga hadlay xaaladda dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa golihiisa wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan shirkii uu isaga soo tegay ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixintiisa golaha wasiirrada ku faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo hormarinta dalxiiska Jubaland. Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkiisa doorashada, isagoo golihiisa la wadaagay waqtiga rasmiga ah ee Jubaland ay geleyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka. Inkastoo aan la baahin xogtaan oo golihiisa kaliya uu la wadaagay madaxweynaha Jubaland, hadana ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe cadeeyey in Jubaland doorasho geleyso bisha 11-aad ee sanadkaan. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu golihiisa warbixin ka siiyey qodobada la isku mari waayey ee shirka golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo markii danbe sababay in Axmed Madoobe uu Muqdisho isaga tago, isagoo ka xun sida ay wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa diiday in madaxda dowlad goboleedyada loo sameeyo muddo kororsi hal sano ah, kadibna 2025 dhamaadkeeda ay galaan doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyey in doorasho dadban la geliyo dowlad goboleedyada, lagana baaqsafo muddo kororsi, kadibna loo diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah oo ah hiigsiga Soomaaliya. The post Axmed Madoobe oo isugu yeeray golihiisa wasiirrada, lana wadaagay go’aankiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaala-madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulankaas war ka soo saartay ayaa sheegtay in hoggaamiyaashu ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamkaba. “Madaxda saddexda dal waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah maadaama ay yihiin aasaaska lagama maarmaanka u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan ixtiraamka buuxda ee madax-bannaanida, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoraalka wasaaradda lagu xusay in ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, iyo isku dubaridka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka iyo abuurista jawi wanaagsan oo horumar guud ah oo waara dhala ay madaxdu hoosta ka wada xariiqeen. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo isku dhaf ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
The leaders of Egypt, Somalia and Eritrea – countries which all have strained relations with Ethiopia – have been meeting in the Eritrean capital, Asmara. Source: Hiiraan Online
-
Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku imaan jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, laga billaabao 14-ka October. War-saxaafadeed ay soo saartay ayay shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay ka dib markii ay la kulantay culaysyo iyo caqabado dhanka shaqadeeda oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin. Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan mid kamida duulimaadyada diyaaradan muddo kooban ku xayirtay garoonka Aadan cadde ka dib markii la sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safrayay ay dhibaato kala kulmeen. Si kastaba ha ahaatee lama oga in caqabadaha ay shirkadaha diyaaradaha Kenya Airways sheegtay ay yihiin kuwa ay garoonka muqdisho kala kulanto iyo in culaysyadu dhinacyo kale ka haystaan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Marwo Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP). Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS iyo wafdigaan ayaa kawada hadlay horumarada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasillinta degaannada laga saaray kooxda Alshabaab, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Source: goobjoog.com