Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxayo Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel Huur oo kaabiga ku haya deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdiaho. Inta la xaqiijiyay 6 qof oo ay ku jirto haweeney 60 jir aheyd ayaa ku geeriyootay shilkan gaari, waxaana la sheegay in dadka geeriyooday ay dhammaantood ahaayen dad isku qoys ah. Gaariga shilka galay oo nuuciisu ahaa kuwa raaxada ayaa la sheegay in uu ku dhacay Kaawo carada laga qodo, taasi oo hoos u qodan ku dhowaad toban mitir, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad ehel la’ah qosyka ay waxyeeladu soo gaartay Xasan Maxamed Cali oo ka mid ah ehelka dadka geeriyooday oo Shabelle la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhecen, waxaana uu sheegay xiliga shilka uu dhacyey in dadkan ay ku sii jeedeen xaflad Aroos ah, balse inta aysan gaarin ay la kulmeen dhacdadaasi shilka ah. View the full article
  2. Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda, iyaga oo ka baqaya in ay sii xoogeystaan xasaradaha ka taagan Muqdisho . Qoysas deganaa agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa shalay illaa iyo xalay bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda, kagadaal markii lasoo dul dajiyay ciidamo daacad u ah musharraxiinta mucaaradka, kuwaasi oo ugu dambeyn ciidamada dowladda ay xalay saqdii dhexe ka faramaroojiyeen goobihii ay soo galeen. Xaaladda ayaa weli aad u cakiran, iyada oo waddooyinka caasimadda iyo isgooysyada muhiimka ah lagu arkayo cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad. Daljirka Dahsoon oo siyaasiyiinta mucaaradku ay sheegeen in ay ka dhigi doonaan isku soo baxa ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, kuwaasi oo wata gawaarida gaashaman ee dagaalka. Qaar ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray guryahooda islamarkaana xalay lagu dul dagaalamay aya Idaacadda Shabelle uga sheekeeyey xaalada ay ku sugan yihiin. Dhinaca kale wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa hadba dhinac isu dhaafaya gaadiidka ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa ah mid ka soo reyneyso, iyada oo ammaanka guud ee caasimadda ay sugayaan ciidamad dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  3. Waxaa xalay xilli danbe ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar ku qaadeen Hotel Maa’idda oo ku dhaw Daljirka Dahsoon, Kaas oo xilliga weerarka uu bilaabmayay ay ku jireen Madaxweeynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib dagaal muddo socday oo dhexmaray ciidamadii weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Madaxda ayaa markii danbe soo gaba gaboobay . Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka lagu qaaday madaxweeynayaasha. Midawga Musharixiinta oo ka hadlay weerarka ayaa cambaareyay dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda sida ay sheegen . Dhanka kale saakay oo lagu balan sanaa in uu taalada Daljirka Dahsoon qabsoomo banaanbax weeyn oo ay soo abaabuleen midawga musharixiinta ayaa baaqday kadib markii ciidamada dowladda oo wato gadiid dagaal iyo hubka nuucyadiisa kale ay la wareegee Daljirka. Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahan xiran maanta,iyadoo dowladda ay diidan tahay inta badan magaalada in ay shacabku lugtooda ku socdaan. Guryaha ay dagan yihiin musharixiinta ayaa sidoo kale lagu daadiyay ciidamo badan kuwaas oo diidan in loo gudbo . Dhanka kale banaanbax ay hor kacayeen Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa la hor istaagay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay xabado ku fureen banaanbaxa. Isusoobaxa oo ka dhacayay wadada xiriirisa Km4 iyo Airport-ka Muqdisho ayey ciidamadu xabado ku kala eryeen dadkii banaanbaxa dhigayay. Dhinaca kale Qorya cul culuso oo la sheegay in lala bar tilmaameedsan rabay Hotel Jaziira oo ay Midawga musharixiinta tagan yihiin ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Aden Cadde. Wararka naga soo gaarayo garoonka aaden cadde ayaa sheegaya in qeyb muhiim ah oo hoostagta Civil Aviation-ka ay bur burtay. Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan iyadoo Ciidamada ay dhufeeysyo kaga jiraan wadooyinka gala goobaha ay Musharixiinta ku sugan yihiin. Sikastaba jawiga ayaanan la ogeyn meesha uu ku danbeyn doono. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta rasaas xoogan lagu furay banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, kuwaasi oo socod ku marayay wadada ka timaada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Musharaxiinta hogaaminayay banaanbaxan ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano uu ku jiro Mahad Salaad. Xildhibaaan Mahad Salaad oo kamid ahaa mas’uuliyiintii qeybta ka ahaa banaanbaxayaasha ee lagu furay rasaasta ayaa sheegay in tallaabadan ay ciidanku ku kaceen, ayaga oo amar ka sita madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen huteelkii ay daganayaan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo rasaasta lagu furay saaka banaanbaxayaasha ay marqaati cad u yihiin in madaxweyne Farmaajo uu yahay Siyaad Barre labaad. “Xalay iyo saakay waxa dhacay waxay ka marqaati kacayaan in Farmaajo yahay Siyaad Barre labaad, INKAAR iyo AF na ku bixi maayo ee hala iswaraysto!,” ayuu ku yiri Mahad Salaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo isaguna dhacdadaas ka hadlay ayaa sheegay in maalin dhow waajibkooda la marin doono askartii iyo hogaankii amray in rasaas lagu furo banaanbaxayaasha ay qeybta ka ahaayeen. Waxa uu askartii rasaaseysay ugu yeeray “Maleeshiyaad ka amar qaadanaya kali-talis waqtigiisu dhamaaday”, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay iska dhiciyaan waxa uu ku sheegay ‘kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo’. “Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan,” ayuu yiri. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamada dowladda oo farabadan, ayada oo mucaaridka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku wiiqayaan tallaabooyinka dowladda uga hortagtay banaanbixii weyna ee maanta loo balansanaa.
  5. Waxaa la arkayay uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madfac lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in madfaca ku dhacay garoonka diyaaradaha uu sababay in ay istaagaan howlihii garoonka. Arintan ayaa imaaneysa xili haatan Muqdisho ay ku jirto xaalad kacsanaan ah, islamarkaana ciidanka ammaanka ay ka hortageen dibad-bax rabshada watay oo ay dhigeen xubnaha mucaaradka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa xiran waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  6. Haddii shaki uu kaaga jiray in Madaxweyne Farmaajo dowlad u yaqaan maleeshiyo beeleed hubkooda mar uun la soo bixi kara, isa su’aal saameynta dhoolatuskii Indhacadde ka sameeyay Daljirka Dahsoon xalay ku yeelan karo macnaha dowladnimada. Indhacadde wuxuu sheegay in dowladi aysan ka jirin Soomaaliya. Qaar 2006dii Indhacadde u arkayay qabqable ayaa maanta u arka halyay cadaadis Farmaajo Xamar kaga cararo saari karo. Madaxweyne Farmaajo waa inuu caddeeyo in Muqdisho weli qabqable magan u tahay iyo in kale. “Muxuu Farmaajo uga lushaa Axmed Madoobe haddii Indhacadde weli awood qabqable ku leeyahay Muqdisho?” ayuu yiri qof Muqdisho ku sugan oo siyaasadda u kuurgala. Waa su’aal ku saabsan dhisidda hay’ado dowladeed. Qabqable weli xoog buu Muqdisho ku leeyahay: Xubin maleeshiyo beeleed jiib gacmeed sita maanta. Sir qarsoon ma aha in ciidammada amniga degmooyinku u abaabulan yihiin hab beeleed. Beesha Caalamku waxay maalgelisaa ciidammo markii la doono loo rogi karo maleeshiyo beeleed. Sidee dowlad Xamar ugu shaqeyn kartaa haddii siyaasiyiinta Xamar u yaqaan goofkoodii siyaasadeed si fudud u abaabuli karaan kacdoon lid ku ah dowladda? Sidee murrashixiin uga aamusi karaan hadallada dowladnimo diidka ah ee Indhacadde? Ma cadda in, soddon sano kaddib, siyaasiyiinta isku suntay mucaarad ka fekereen waxa ka dhalan kara ku tiirsanaanta maleeshiyo beeleedyo suursan. Kicin iyo abaabul: Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu reer Muqdisho ugu baaqay inay UNSOM eryaan haddii isbeddel dhaqan laga waayo. Taa waxaa ka daran sida Cabdi Ismaaciil Samatar shalay ugu guubaabiyay dadka Muqdisho inay eryaan UNSOM haddii ay isbeddel la iman weyso. Wuxuu xusay kaalintuu ku lahaa dagaalladii dhexmarayay xoogaggii muqaawamada iyo ciidammada Itoobiya 2007-2009. Cabdi Samatar, oo bare juqraafiga dhiga ka ah Jaamacadda Minnesota, wuxuu ku baaqay in bannaanbaxyadu sii socdaan. Si fudud ayuu barihii jaamacadeed ugu biiray xerta qabqable Indhacadde. Afwaranlenimadiisu waa suurtogal inay shaqadiisa galaafato hadduu raalligelin ka bixin waayo hanjabaadda uu u jeediyay xafiiska UNSOM oo uu madax ka yahay James Swan. Isku soo duub, dib isu firfircooneysiita Jeneraal Indhacadde waa iinta dowladnimada Soomaaliya. Ma in qabqable Xamar uu dhoollatus ku sameeyo ayaa la doonayay markii ku meelgaarka laga baxayay? W.Q. Aadan Xuseen (Abuu Raage) Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. The post Farmaajo iyo Indhacadde – Faallo appeared first on Puntland Post.
  7. Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday mar kale in si deg deg ah loo dhameystiraa heshiiskii doorashada. “Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimce ah, waxayna ku baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha”, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhiggay bartaha xafiiska Qaramada Midoobay e Soomaaliya uu ku leeyahay Twitter-ka View the full article
  8. Ciidmada ammaanka Soomaaliya ayaa kala ceyriyey dad dhigayey isku soo baxyo rabshado watay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Banaabaxayaasha ayaa waxaa hor kacayey xubno ka tirsan macaaradka Soomaaliya waxaana dibadbaxyadu ay sababeen in madfac uu ku dhaco qeyb ka mid ah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadka dhigayey banaanbaxyada ayaa socod ka soo bilaabay waddada ka timaada garoonka Muqdisho waxa ayna ku soo jeedeen dhinaca Km4. Sidoo kale waxa ay ku qeylinayeen erayo liddi ku ah jiritaanka dowladnimada, waxaana ciidanka ammaanaka u suurta gashay inay kala ceyriyaan. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ay wax ka dheceen gacanta ku haya ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-1922021.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dhacdadii maanta ee ciidamada dowladda ku rasaaseeyen banaanbaxayaashii ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta. Jabriil Cabdulle ayaa ugu horeyntii wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor-imaadkii hubeysnaa ee xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hanti. “Waxaa nasiib xumo ah in dhiig Soomaaliyeed la daadiyoiyada oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan ay xiligaan u jiheysteen in ay qaadaan wadada nabadda iyo dib u yegleelida dimoqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan. Waxa kale oo lagu yiri “Baaqa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si cad u qeexaya xuquuqda qofka Soomaaliga, ‘Alle ka sokoow awoodda oo dhan waxaa leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah isagoo u adeegsanaaya hay’adihiisa uu u xilsaartay’. Marnaba gor-gortan lama gelin karo gobonimada iyo xoriyada qofka Soomaaliga.” Musharaxa ayaa si adag u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka dalkooda, isagoona wax aan loo sii dulqaadan karin ku tilmaamay wixii xalay ilaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho. “Waxaa burburaya waa hanti shacab, waxaa qaxaya waa hooyooyin iyo biri-mageydo ah, waxa la argagax gelinayo waa waalidiin da’ ah oo nolol maameelkooda halgan ugu jira,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntiina waxa Musharaxa uu ku baaqay degenaansho iyo xasilooni dhinacyada hubaysan ee isaga soo horjeeda waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo turaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka.
  11. Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo maanta socod Mudaharaad ah ku marayay KM 4 ayaa Ciidanka Dowladu rasaaseeyeen . Qoraal uu soo diray Kheyre ayuu ku eedeeyay Dowlada in weerarku uu ahaa mid qorshaysan oo la doonayay in isaga lagu dilo laakiin nasiib wanaag aysan tiisii galin. Sawirkaan hoose waa Xasan Cali Kheyre oo ka cabanaya Xabadaha lagusoo furay. The post Ex Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre “ Maanta waa la i khaarijin rabay” Sawiro appeared first on . Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qabsoomi waayay, mana la dareemayo in madaxda maamul goboleedyada ay isku diyaarinayaan imaatinka Muqdisho. Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in laba maalmood oo shir ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho si loo saxiixo is fahamkii ay magaalada Baydhaba kusoo gaareen guddigii farsamada ee halkaas ku shiray. Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu asteeyay in 18-ka iyo 19-ka bisha la isugu yimaado caasimadda, waxaana la sugayay iney madaxda maamul goboleedyada soo xaadiraan si shirka u qabsoomo. Kaliya madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen ayaa shalay soo gaaray, sidoo kale madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaan soo gaarin. Sida muuqata shirka ma qabsoomi doono maadaama labada maalmood ee la qabtay ay maanta ugu dambeyso, wuxuuna wakhtigi kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay ku jirto xaalad cakiran. Caasimadda Onlone ayaa ogaatay in ay u baaqdeen Madax Goboleedyada sabab la xiriirta xaaladda cakiran ee Caasimadda ka jirta, kadib markii Dowladda Federaalka awood u adeegsatay dibadbaxyada Musharixiinta ku baaqeen. Magaalada Muqdisho ayaa inteeda badan maanta lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Federaalka oo xiray waddooyinka, waxaana ay joojiyeen isu socodka Gaadiidka Dadweynaha, halka meelaha qaar Shacabka laga celinayo.
  13. Muqdisho (Caasimadda Onine) – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xaaladda kacsan ee ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya taasoo u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo midowga Musharixiinta. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo jimco ah. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta inay muujiyaan deganaan iyo is xakameyn isla markaasna dib loo furo wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha” ayaa lagu yiri qoraalka QM. “Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kooban ee UNSOM. Muqdisho waxaa ka taagan xaalad cakiran oo salka ku heysa doorashooyinka dib uga dhacay waqtiga dastuuriga ah, dibadbaxyada Midowga Musharixiinta ku baaqeen in ay ku qabanayaan Caasimadda, Askarta Dowladda ee la dhigay waddooyinka, weerarka Madaxweynayaashii hore ee xalay saq dhexe dhacay & dad isku soo baxay oo lagu rasaaseeyay wadada xiriirisa KM4 & Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
  14. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah war ka soo saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho, taas oo u dhexaysa dowladda iyo mucaaradka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Bahda Qaramada Midoobay aad uga walaacsantahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.” Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in ay shir deg deg ah isu’gu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgelinta Arrimaha doorashada. “Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.” PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xiisadda colaadeed ee ka curatay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa Qoraal deg deg ah ku sheegay inay aad uga walwal sanyihiin Amaanka Caasimada oo Xalay iyo maanta oo Jamce ah uu iska hor imaad hubaysan uu ka socdo. Qoraalka Qaramada Midoobay ayaa u qoraa sidaan.., 2UN Qaramada Midoobay Xafiiska Soomaaliya wuxuu aad uga walaacsan yahay iska horimaadyada hubeysan ee ka socda Mogadishu habeenimadii Xalay iyo subaxnimadii Jimcaha, wuxuu ugu baaqayaa Dhinacyada deganaan iyo is xakameyn, dhinacyada ay khuseyso oo dhan wuxuu ku boorinayaa in Wadooyinka la firo, lana ilaaliyo isu socodka si gacan looga geysto yareynta xiisadaha. Xalay ayaa Ciidamada Dowlada Federaalku waxay weerar ku qaadeen Nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo Hotel ay degan yihiin Musharixiinta qaarkood, Rasaas ayaana saqdii Dhexe la maqlayay. Saaka barqadii oo Shacabku ay bilaabeen iney lug ku aadaan Daljirka Dahsoon ayaa waxaa bilowdey marwalba Rasaasta, ilaa hada meelo badan ayaa Rasaas goos goos ah ka fhacaysaa. Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade deg deg ayaa loo xiray kadib markii Hoobiye kusoo dhacay daafaha Garoonka. Puntlandi.com Muqdisho Online Editor The post Qaramada Midoobay “ Waxaan ka walaacsanahay Xaalada Muqdisho oo Xalay iyo saaka Rasaas ka dhacayso appeared first on . Source
  16. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo haatan ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil qorshaysan oo la doonayay in lagu khaarajiyo. “Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.” Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladdu ay xalay saq dhexe weerar ku qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh, si loo khaarajiyo, balse isku daygaasi fashilmay. “Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.” “Waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?” PUNTLAND POST The post Khayre: Waxaan ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
  17. The situation in Mogadishu was calm on Friday, after heavy fighting last night in the capital, between the security forces and the candidates’ guards. Somali Government forces are patrolling many parts of Mogadishu, encircling the statue of the Daljirka Dahson, where the opposition planned to hold a protest in the morning. Troops also closed most key roads, preventing people and vehicles from using them. The Somali government has banned the public gatherings Wednesday, citing the reemergence of the Covid-19 in the country that left more than 170 people dead. View the full article
  18. Xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho, ayaa saamayn ku yeelatay hawlihii Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, kadib markii uu madfac ku habsaday gudaha Garoonkaas. Duullimaadyada kala duwan ee Garoonka Aaden Cadde, ayaa hakad la geliyay, kadib markii sida la sheegay madfac uu ku dhacay xarun Ganacsi oo ku taal gudaha Airport-ka, islamarkaana qiiq iyo uuro madow laga arkay. Xaaladda Muqdisho ayaa ah mid qasan, waxaana dowladdu ciidamo badan gaysay dhammaan wadooyinka iyo isgoysada muhiimka ah, si ay u joojiyaan bannaaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta. Sidoo kale, waxa Rasaas lagu kala eryay bannaanbax ka socday nawaaxiga KM4, kaas oo ay hoggaaminayeen xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta, oo ay ku jiraan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Guuleed. Ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale xalay ku dagaallamay taalada Daljir Dahsoon, halkaas oo la doonayay in lagu qabto bannaanbaxyada. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xirmay kadib markii Madfac ku habsaday appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii u dambeeyay ee xaalada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic ay ku dhacday garoonka diyaaradaha iyadoo mid ka mid ah madaafiicdana ay ku dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacday garoonka hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha ka duulayay iyo kuwa ka soo dagayay, duulimaadyadii iyadoo uu hakad ku yimid. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaafiicda ku dhacday Garoonka ayaa sababtay inay gubtaan goobo ganacsi oo ku yaalo gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaas gaari karin gawaarida dab damiska maadaama jidka soo galo garoonka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Musharixiinta. Wararka aan la hubin ayaa sheegaya in waxa garoonka ku dhacay uu yahay hoobiye ay soo tuureen ciidamada Dowladda ee ku sugan jagbootiga laga ilaaliyo Garoonka ee ku yaalo meel aan ka fogeyn Isgoyska Nambar Afar. Madfaca ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay weerar kuso qaadeen banaanbaxayaal ay hoggaminayeen musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana inta badan jidka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku sugan ciidamo ka amar qaato musharixiinta halka ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Jagboontiga Km4. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale ay ka badbaaden isku day dil kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas ku furen banaanbaxayaal ay hor kacayeen. Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in tallaabadaan ay muujineyso aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta. Kheyre ayaa tilmaamay inuu horey uga digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo. Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo. Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen. Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?
  21. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Rasaas ku kala cayriyay dad bannaanbax ka samaynayay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay hoggaaminayeen qaar kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho. Bannaanbaxa waxa hoggaaminayay Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana kala carar iyo jaah-wareer ku dhacay, kadib markii ay Rasaas huwiyeen Ciidamada dowladda. Ilaa iyo haatan lama sheegin haddii khasaare ka dhashay Rasaasta lagu riday bannaan-baxayaasha sida nabdoon u gudbinayay Ra’yigooda ku aaddan in dalka doorasho laga qabto, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Murashixiinta mucaaradsan dowladda. Sidoo kale, xalay waxaa dagaal xooggan agagaarka Daljirka Dahsoon ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka. PUNTLAND POST The post Bannaanbax ka socday Muqdisho oo Rasaas lagu kala cayriyay appeared first on Puntland Post.
  22. Ciidamada Dowlada ayaa la dhigay Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho si ay u hor istaagaan Shacabka kusii qulqulaya Daljirka Dahsoon. Waxaa lagu balansanyahay In Shacabku isugu yimaadaan Daljirka Dahsoon halkaasoo Salaada Jamce kadib uu Mudaharaadku ka bilaaban doono , Saaka waabarigii waxaa bilowdey in Shacabku ay Kooxkoox usoo lugeryaan Daljirka Dahsoon , meelahabqaar Ciidamada Dowlada ayaa hor istaagay Dadka usii lugaynayaan Bartamaha Magaalada. Waxaa jira Dad ay Ciidamadu Xabadeeyeen, kadibna laga tuurtuuray Boorarkii ay wateen. Wixii soo kordha kala soco halkaan Puntlanfi.com The post Shacabka Muqdisho waxay kooxkoox usii lugaynayaan Daljirka Dahsoon appeared first on . Source
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas lagu furay koox dibad baxayaal ah oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday. Ilo xog ogaal ah oo ku sugan agagaarka koontoroolka KM4 oo ay ku sugan yahiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in ciidamada ay rasaas ku kala eryeen dibad baxayaal ay hogaaminayeen musharaxiin iyo xildhibaano. Musharaxiinta hogaaminayay dibad baxaan waxaa ka mid ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano uu ku jiro Mahad Salaad. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen rasaasta lagu furay dibad baxayaasha hadana waxey arintaan qeyb ka tahay xaaladaha cakiran ee ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda ay isku dayeyso iney hor istaagto dibad baxyada ay iclaamiyeen kooxaha mucaaradka. Dowladda waxey goor hore la wareegtay goobtii ay midowga musharaxiinta ku balamiyeen dadka rer Muqdisho oo aheyd Daljirka Dahsoon, sidoo kalana waxey xireen wadooyinka ugu waaweyn magaalada, markaanna waxey rasaas ku fureen dad dibad baxayaal ah. Xaaladda Muqdisho wakhtigaan waa mid aan la saadaalin karin waxa ka dhici doona saacadaha soo socda, waxaana la filayaa in dibad baxayaasha ay ku fidaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.