Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee baabulka banaan-bax ka dhanka ah dowladda federaalka, kaas oo ay ku dhowaaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka. Baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn looga hadal hayaa dibad-baxan oo ku soo aadaya, xilli ay dowladda Soomaaliya mamnuucday isu imaatinka dadweynaha. Sidoo kale si uu u dhaco dibad-baxa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow xarunta Villla Somalia, sidoo kalena ku yaal agagaarka Daljirka Daahsoon. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ammaanka hotelka iyo nawaaxigiisa ay la wareegeen ciidamo milatari ah oo ilaalo u ah labadaasi musharrax. Dhinaca kale guddiga qaban-qaabada banaan-baxa ayaa diyaariyey shan arrimood oo loogu tala-galay xakameynta Covid-19, si loogu qeybiyo dadweynaha. Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxayaasha ay u diyaariyeen:- 1-10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha, 2-Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta, 3-Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah!, 4-Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan! iyo 5-Biyo dadka harraadsan ay cabaan. Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, iyada oo aad loo hadal hayo banaan-baxa mucaaradka.
  2. Waxaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalada waqooyi. Cabdi Xaashi Cabdillahi ayaa waxaa wehlinayay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Mareeeye, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo mas’uuliyiin kale . Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in shirarkii dhamaan ka dhacayay dalka ee arimaha doorashooyinka , ay san qeeyb ka aheyn siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi . “Laga soo bilaabo sanadkii 2000 , markii Jabuuti la isugu tagay , oo dowladdii Carta ka soo bilaabantay halkaas, waxaa soo baxay nidaamka la yiraahdo 4.5 , oo ay Soomaali wax ku qeeybsan jirtay laga soo bilaabo waqtigaas, laga soo bilaabo xilligaas wixii shirar dhici jiray ee Soomaali heshiiskeeda lagu raadin jiray iyo xasiloonida dadka 4.5 bey kaga soo wada qeeyb gali jireen “. “Waxaan ka xumahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, shirarkii ay ku qabaneysay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ma aheyn shirar Soomaali kawada dhaxeeya , Shirarkaas laba arimood unbaa ka muuqatay marka laga fiiryo dhinaca Beelaha waxaa ka qeeyb gali jiray oo ay gaar u aheyd Beelaha Mogadishu Clan , Daarood iyo Digil iyo Mirifle , maka qeeyb gali jirin oo looguma yeereynin Beesha Shanaad iyo Dir , kaasi waa wejiga uu lahaa Shirarkii uu Madaxweyne Farmaajo Qabanaayey”. Cabdi Xaashi Cabdillahi ayaa sidoo kale sheegay in Xubnihii uu magacabay Rooble , kuwaas oo ku shiray magaalad Baydhabo ee sheegay in laga heshiiyay arinta Somaliland, aysan jirin cid ka heshiisay Arinta Somaliland , sidoo kale siyaasiyiinta Soomaaliland anay jirin cid ku mataleysay Shirkaas Baydhabo ka dhacay . Source: goobjoog.com
  3. BOSASO (HOL) - Security forces in Puntland have seized bomb-making materials, thwarting a potential terror attack in the state. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo u dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, waxaana isla goobtaas ku dhow bar-koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada. Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah dowladda, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in aysan ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda. Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga South African Communist Party SACP ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda. Isla markaana ay haysato sharciyad caalami ah iyo mid maxali ah oo ay ku heli karto aqoonsigeeda. SACP oo soo xiganayey shir dabayaaqadii sanadkii 2020 uu marti geliyey xisbigoodu oo lagaga hadlayey dalabka qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ee ah in ay noqoto dal madaxbannaan, ayaa warbixin sanadkeediisii 2020 oo uu saaray Isniintii todobaadkan ku sheegay in Xeerka caalamiga ee Qaab-dhismeedka Afrika xaq u siinayo Somaliland dal iskii u taagan oo ka madaxbannaan Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Waddan fashilmay oo aan nidaam ahi ka jirin. Xisbiga ayaa intaasi ku daray in Xeerka caalamiga ah ee Afrika uu si cad u qeexayo in xudduudihii Afrika ee gumaysigu ay yihiin kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay. Isla markaana ay yihiin soohdimaha loo adeegsanayo xadadka waddamada qaarada. Warbixin sannaddeedka Xisbiga oo aad u dheerayd, isla markaana lagaga hadlay dhibaatooyinka Caalamka, dhibaatada Xannuunka saf-marka ah ee Covid 19, dhaqaalaha Kuududsaday ee adduunka, mushkiladaha taranka Bulshada adduunka, Cimillada adduunka, doorka Maraykanka ee dunida , colaadaha Afrika iyo arrimo badan oo kale, ayaa qayb kamida oo uu qadiyada Somaliland ku soo qaaday Xisbigu waxa uu ku yidhi “SACP ayaa dhowaan martigalisay shir looga hadlayo dalabka Somaliland ee ah inay noqoto dal madaxbanaan. Dalabkan oo salka ku haya taariikhdooda xilligii gumeysiga ee ahaa in Somaliland gooni ka ahayd Soomaaliya. Soomaaliya oo ahayd dal uu horey u gumeysan jiray Talyaanigu haddda waa dal fashilmay, halka Somaliland xasiloonideed iyo kobaca dhaqaalaheeduba dhisan yahay, isla markaana la soo waday in ka badan labaatan sano. Waxa intaa dheer in dadka reer Somaliland ay rabitaankooda ku muujiyeen aftidii sanadkii 2001 oo ay doorteen inay dib ugu noqdaan meeqaamkii madax-bannaanida, iyada oo madaxbannaanida la waafajinayo Xeerka Qaab-dhismeedka Afrika ee ka hadlaya in xuduudaha gumaysiga sidoodii loo daayo, loona adeegsan doono in ay noqdaan soohdimaha kala qaybin doona waddamada. Warbixinta SACP waxa lagu sheegay inuu Xisbigu sii wadi doono taageerida baaqa Somaliland ee kala tagga iyo inuu ku dhiiri geliyo dadka reer Koonfur Afrika inay gacan ka geystaan dhismaha iyo ganacsiga dalkaas. Dhibaatooyinka Qaarada Afrika waxa ay warbixntu ka hadashay in colaado ka taagan yihiin dalal badan oo Afrika ah sida: Swaziland, Zimbabwe, Lesotho, DRC, Cameroon, Sudan iyo Mozambique. Sidoo kale Inqilaabkii ka dhacay Mali ayaa warbixintu sheegtay in laga werwersan yahay. Colaadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigreega ayaa iyaduna warbixintu ku sheegtay in ay saameyn iyo culeys amni ku keeni karto xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Iska horimaadka rabshadaha wata ee ka soo cusboonaaday dhulka loo yaqaano Spanish Saxaara ayey warbixintu ku tilmaamantay mid walaaciisa leh. Taasi oo lagu sheegay in ay ka turjumayso daandaansiga iyo isla weynida Maroco oo dhowaan dib loogu soo celiyey Midowga Afrika. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii ay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay labaddii Musharax ee Xisbiga UCID oo aan illaa hadda la hayn sababta xadhiggood, ayaa si weyn Cabsi iyo wal u soo food saaray Musharaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ka sharaxan ee ay isku deegaanka yihiin Madaxweynaha hadda talada dalka haya. Sida ay Wargeyska Foore u sheegeen qaar ka mid ah Taageerayaasha iyo Murashaxiintan Cabsidu soo waajahday, waxay si weyn uga wal wal qabaan in maruun lasoo hujuumo iyadoo loogu soo gabannayo ama loogu mar marsiinayo shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ee dhinaca Hay’addaha Dawladda kaga xidhan gaar ahaan Garsoorka, waxaana si weyn qaar laga dareemayaa diyaar garaw xoog ah iyo iska caabin ay damacsan yihiin inay jawaab uga dhigaan haddiiba ay dhacdo in lasoo faro galiyo. Musharaxiinta ugu cabsida iyo wal walka badan ayaa waxa ugu horeeya oo ka mid ah Musharaxiinta ay isku haybta yihiin Madaxweyne Biixi ee ay isku deegaanka kasoo jeedaan kuwaasi oo aaminsan in arimihii lagula kacay labadii Musharax ee dhigoodda ahaa ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ay dhici karto in iyagana loola yimaado. Musharaxiinta wadnaha farta ku haya waxa ka mid ah kuwo Musharaxiin ay isku jilib yihiin ay ka sharaxan yihiin Xisbi Xaakimka Kulmiye kuwaasi oo cuqaasha iyo odayaasha beeshu taabacsan yihiin, islamarkaana kuwan kale u arka kuwo feedho jeex ah oo taladii beesha baal maray, waxaanay ka cabsi qabaan in awood dawladeed loo adeegsado. Kulamo isdaba joog ah oo Musharaxiintani maalmihii u dambeeyay la yeelanayeen taageerayaashooda ayaa waxa ay ku baraarujinayeen inay heegan ahaadaaan islamarkaana ay la socdaan talaabooyinka socda ee lagu carqaladaynayo hankooda. Mid ka mid ah taageerayaasha ragga ugu awooda badan ee haddana cabsidu soo waajahday ayaa waxa uu Wargeyska Foore u sheegay in meesha ugu daran ee ay Xukuumaddu u istaagi kartaa ay ka mid tahay Shuruudaha Musharaxiinta kaga xidhan Xeer ilaalinta iyo Dambi baadhista, halkaasi ay sheegeen inay si dhaw ula socdaan waxa kasoo kordha. Dhinaca kale Labadii Musharax ee Xisbiga UCID ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ayaan war dambe laga hayn tan markii 14-cisho oo rumaan “Xabsi ku hayn” ah loo diray, waxaana si weyn loo hadal hayaa inay Maanta oo Khamiis ah ay ku egtahay gudbinta liiska musharaxiinta taasi noqonaysa in labadaasi Musharax ay sidaasi kaga hadhi karaan Tartanka Doorashada hadaanay helin qorshe kale oo lagu maareeyo. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay magaalada Boorama oo lagu shaacinayay12 kamid ah Musharraxiin Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka uga tartamaya Xisbiga. Guddoomiye Cirro oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Musharraxiin-taas, waxaanu sheegay inay yihiin Rag xul ah oo qaranka Somaliland taariikh weyn ku leh “ Anniaga iyo waftiga aan hoggaaminayo iyo madax-dii gobolka joogtayba waxa sharaf weyn u ah in aan hortiina idinlkaga guddoomo 12-kaa muddane ee aad u soo sharax-deen Golaha Wakiillada iyo golaha degaanka,raggaa aad u soo sharrax-deen golaha wakiillada iyo golaha degaankaba,waa labeentii gobolka ,waa rag qiimo leh oo taariikhda Somaliland in badan oo kamid ahi ay ku suntan yihiin oo laga wadda garanayo gobolka Awdal iyo geyiga Somaliland oo dhan, “ Waxaanu Guddoomiye Cirro uu intaas ku daray “Waxaad soo bandhigteen runtii dadkii meteli lahaa gobolka haddii ay tahay caasimadda Boorame iyo haddii ay tahay heer Qaran-ba ,waxaynu u baahanay in aynu is garab taagno,si wanaagsan ula shaqayno codkeena siino ,wakhti gaaban ayaan ka hadhay doorashadii in mudda’daa la dul qaato oo aad iyo aad loo shaqeeyo,waxa aan ku rajo weynahay raggaa aad u soo sharrax-deen golaha Wakiillada iyo golaha degaankaba insha allaahu inay guulaysan doonnaan.”ayuu sheegay Dhanka kalene Guddoomiye Cirro ayaa uga mahad-naqay reer Awdal Taageerada ay la bar-bar taagan yihiin Xisbiga WADDANI “Waxa aan uga mahad-naqayaa gobolka Awdal iyo reer Boorama taageeradii muga lahayd ee xiligii doorashadii Madaxtooyadda aad siiseen anniga iyo Xisbigaba , maantana waxa aad xaqiijiseen in aan taageeradaas hoos u dhicin ee ay sii koradhay, aad ayaad u mahadsan tihiin,inta kuma eeka musharaxiinta aad soo bandhigaysaan,intan in leeg ama ka baddan beri “maanta” ayaa loo qaban doonna munaasabad oo kale ,waxa aan is leeyahay,waa la tartamayaa oo saddex-da Xisbi Qaran ayaa jira, lakiin haddii munaasabadda Berrina “ Maanta” raacdo ,waxa aan u malaynayaa inay labada Xisbi ee kale iska quusan doonnaan.” Musharrixiinta isu soo taagay Golaha Wakiillada ee madaxda Xisbiga WADDANI s ka qayb gashay xafladdooda shaacinta ayaa kala ah Mudane Maxamed Faarax Cabdi. Mudane Mukhtaar X. Muxumed Faarax. Mudane Idiris Xaashi Dharaar. Mudane Cali Cige Mataan. Mudane Daahir Maxamed Cawaale. Mudane Cabdiqani Maxamed Aadan. Prof Xasan Cumar Halas. Golaha Deegaanka Mudane Maxamed Aadan Suldaan. Mudane Maxamed Ismaaciil Habane. Mudane Yaasiin Maxamed Bulaale. Mudane Xuseen Muuse Diixood. Mudane Cabdirashiid Saleebaan Xuseen. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa bannaan ee Somaliland HRC ayaa si adag u cambaaraysay xadhiga xukuumaddu kula kacday labada Musharrax ee Raage Axmed Yuusuf iyo Maxamed Axmed Jaamac Dhadoon oo u kala sharraxnaa Golaha Deegaanka iyo Wakiillada kana Sharraxnaa Gobolka Maroodi Jeex, kana sharraxnaa xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa wakhtigan ku xidhan xabsiga Mandheera. Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Bannaan ee HRC waxa ay walaac ka muujisay xaaladdan oo ay ku tilmaantay mid gabi ahaanba baal marsan shuruuxda qaranka oo aan loo dul qaadan Karin. War-saxaafadeed ay ku saxeexan tahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee HRC Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Iinsaanku, waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xoriyadooda ugusoo celiso, labada musharax mucaarad ee xidhan. On 8 February, 2021, waxay bilays ka Somaliland xidheen laba siyaasi oo ah musharixiin ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee UCID. Raage Ahmed Yuusuf iyo Maxamed Ahmed Jaamac Dhadoon, oo u kala sharaxan Golaha Wakiilalada iyo Golaha Deegaanka Hargeisa, ayaa la xidhay 8-dii Bishan February, 2021. Xadhigooda looma marin hab sharciga waafaqsan, eheladooda ayaa Xarunta u xaqiijiyay in sababta siyaasiyiintan loo xidhay ay tahay si looga joojiyo inay isku soo sharaxaan doorashooyin ka soo socda. Majiro danbi lagusoo eedeeyay, xadhiga labadan musharax waxa uu liddi ku yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Sida ku cad Dastuurka Somaliland Qodobka 22 (1) “Muwaadin kastaa waxa uu xaq u lee yahay inuu ka qayb galo howlaha siyaasadeed,dhaqaale ama bulsho”. waxa maxkamada la horkeenay 10 February iyada oo la rumaan gareyay todoba cisho, hada waxay ku xidhan yihiin xabsiga Mandheera, waana loo diiday inay ehelkoodu booqdaan ama la kulmaan. Sidoo kale Qodobka 27 (1) ee Dastuurka “Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq uleeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qarenkiisa, qaraabadiisa ama cida kale ee uu codsado.” Xaruntu waxa ay aad uga walaacsan tahay, habka guracan ee dowladu dadka u xidho, iyo dhowrid la aanta mabadiida sharci ee dalka. Xaruntu waxay dowlada Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xorriyadooda ugusoo celiso labada siyaasi ee xidhan”. Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan HRC soo saartay. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay musharraxiinta beesha ayuub oo Xisbiga KULMIYE soo diiday iyo Musharrax kamid ah musharraxiinta Xisbiga UCID, kaas oo ay isna xeer illaalintu u diiday inay siiso warqada dabi la’aanta Guddoomiye Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in reer yar iyo mid baddan-ba loo siman yahay dheefta iyo dhibta dalka,waxaanu wax laga xumaado uu ku tilmaamay in Xisbiga KULMIYE u soo diiday inuu aqbalo musharraxiinta Beesha Ayuub“ Reer Baddan iyo reer yar-ba waa loo siman yahay dalka dheeftiisa iyo dhibaatadiisaba waa loo siman yahay, markaa aad ayaan uga xanaaqay ugana naxay markii la yidhi Beeshii reer Xaaji Ayuub Sheekh Isaxaaq ayaa KULMIYE uu yidhi kursi idiinma hayo musharraxnimo aad ayaan uga naxay .” ayuu sheegay Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu intaas ku daray “Annaga oo markaa 20-kii xubnood-ba buuxinay ayaa salaaddii duhur markii aan u kacay aan xasuustay in hal meel aanay cuslayn oo la baddeli karro,halkii ayaan idinku baddelnay oo jaaniska sidaas ayaad u hesheen.”ayuu sheegay Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka haddlay mushharaxiinta xidhan iyo musharrax kale oo UCID ah, kaas oo isna loo diiday in la siiyo warqada dambi la’aanta “ Laba wax ayaa nagu soo baxay oo waxa weeye laba Musharrax waa na laga xidhay wax allaale waxay sabab geysteen aanay jirin, musharrax kalena xeer ilaaliyihii ayaa u diiday warqadii dembi la’aanta , labadaa arrimood waxay ina tusaysaa in aynu la kulmi doonno dhibaato illaahay ha innaga hayee .”ayuu yidhi Sidoo kale Guddoomiye Faysal Cali ayaa sheegay in aanay Madaxweynayaashii hore soo faragelin jirin musharaxiin, balse hadda uu Madaxweyne Biixi faragelin fool xun ku hayo musharraxiinta “Doorashooyinka Madaxweynayaashu may soo faragelin jirin barigii hore , haddii uu Siilanyo Walaalkii ama inadeerkii uu Xisbi kale gallo ma soo faragelin jirin,annaguna dadka aanu isku dhawnay haddii ay meel kale galaan maanu faragelin jirin, lakiin hadda waxa ka muuqata faragelin fool xun oo dalkeenana fool xumo u yeellaysa,Madaxweynahana fool xumo u yeellaysa ,waxa aanu leenahay arrintaa waa in laga joogaa.” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu xorriyadooduu usoo celiyo musharraxiinta xidhan, isla markaana uu joojiyo amarka uu xeer illaalinta siinayo ee ah ha siinin hebel warqada debi la’aanta “Madaxweynaha waxa aanu leenahay hala soo daayo musharraxiintaa dadkan aad amarka siinayso ee aad leedahay hebel ha siinina warqada dambi la’aantana, jooji ayaanu ku leenahay Madaxweyne taasi adna wax ayey ku yeellaysaa dalkana wax ayey yeellaysaa,innagana wey iska keen horkeenaysaa axsaabta”ayuu sheegay Gunaanadkii Guddoomiye Faysal ayaa ugu baaqay wax-garadka dalka inay Madaxweyne Biixi ay u tagaan oo ay kala hadlaan ficiladaas aan wanaagsanay ee uu ku kacayo “Taasna waxa aanu doonaynaa inay ka shaqeeyaan Salaadiinta iyo dadku oo Madaxweynaha loo taggo oo laga joojiyaa qod-qodaynta uu qod-qodayo doorashooyinka iyo xildhibaanada kasoo jeeda beeshiisa musharaxiinta inuu faraha kala baxaa ayaanu ka rajaynaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal. Source
  10. Jimcaha waxaa lagu wadaa in dibadbax ay soo abaabuleen kooxda musharaxiinta Jaziira lagu qabto Daljirka Daahsoon ee bartamaha Muqdisho. Si arrintaasi u suuragasho, wararka ayaa sheegaya in madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay xalay degeen hotel ku yaalla agagaarka Daljirka, iyada oo ciidamadooda ay joogaan xarunta dibadbaxa. Dhanka kale, Midowga musharaxiinta iyo guddiga qabanqaabada bannaanbaxa oo la hadlay Goobjoog News waxay noo sheegeen iney diyaariyeen 1. 10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha 2. Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta 3. Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah! 4. Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan! 5. Biyo dadka harraadsan ay cabaan Shir Jaraa’id oo uu arbacadii qabtay Cusmaan Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta oo la joogeen wasiirka caafimaadka iyo qaar ka tirsan hey’adaha amniga ayaa lagu mamnuucay isu imaatinka iyo dibaxyada xilli jimcaha lagu waday in mucaaradka dhintaan bannaanbax. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Midowga murashaxiinta mucaaradka ay ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku shaacisay in la joojiyay isu imaatinka dadweynaha sababa la xiriira cudurka COVID-19 oo la sheegay inuu mar kale soo laba kacleeyay, waxayna mucaaradku sheegeen inay qabsan doonaan bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen Jimcaha Afhayeenka midowga murashaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dadka shacabka ah u diyaariyeen qalabka looga hor tago cudurka COVID-19, waxa uu dhinaca kale fariin u diray ciidamada dowladda oo uu ka dalbaday inaysan ku dhexmilmin siyaasadda isaga oo yiri “Saraakiisha ciidanka waxaan ka dalbanaa inay ciidanka ka ilaaliyaan oo dhexdhaxaad ka noqdo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda, hadii ciidanka siyaasadda la geliyo, culeyska ka yimaada saraakiisha ayaa qaadeysa”. Daahir Geelle ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay cudur daar ka dhiganeyso cuduka Coronavirus iyadoo damacsan inay baajiso mudaharaadka Jimcaha “Dowladdu Cudur baa jiro ayey ku mar marsiiyooneysaa, wajji xir, gaadiid caafimaad iyo dhaqaatiir ayaan diyaarinnay bannaanbuxuna wuu dhacayaa jimcaha”. Halkaan ka Daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates is gearing up for planned protests against President Farmajo on Friday despite an order from the Somali government banning all public gatherings in a bid to quell rising coronavirus cases in the country. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in shirka wada tashiga ah ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka uu maanta si rasmi ah uga furmayo magaalada Muqdisho ka dib war-saxaafadeed ka soo baxay villa Somalia. Farmaajo ayaa sheegay in ka dib shirkii Baydhabo ay ku yeesheen guddiggii farsamada ee ka kala socday DF iyo maamul goboleedyada dalka uu go,aansaday in shir laba cisho socon doona ay isugu yimaadaan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada si loo dhameystiro heshiiska doorashada Halkaan ka akhriso warka ka soo baxay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. 3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021. 4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. DHAMMAAD Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Poor rainfall, flooding and desert locusts are contributing to extreme food insecurity in Somalia, threating 2.6 million people, the UN agriculture agency said in a new analysis released on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU, Somalia - A technical committee appointed by the government and regional leaders to resolve the current election stalemate said Wednesday that all contentious issues have been resolved. Source: Hiiraan Online
  16. NAIROBI (Xinhua) -- The greater Horn of African region is likely to experience wetter than usual weather from March to May amid boost to agricultural productivity, says the seasonal forecast from East Africa's bloc, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) that was issued in Nairobi on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. At a very tender age of four, Fardowsa Ahmed from Galkacyo was infected by polio, a disabling and life-threatening disease caused by the poliovirus. She was never taken to the hospital for treatment as her mother did not realize the seriousness of the problem. Fardowsa lost the use of both her hands and legs. Source: Hiiraan Online
  18. Eastern Cape police top brass have met with the ambassador of Somalia to discuss the fatal shooting of four businessmen and injury of a fifth across townships in Nelson Mandela Bay. Source: Hiiraan Online
  19. Commissioner Fai says she ran for office for the very first time because she saw a lack of diversity in leadership. Here's her vision for the future. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. 3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021. 4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. DHAMMAAD View the full article
  21. Antonio Guterres urges wealthy nations to lead global effort to ensure people in every country get inoculated for COVID as soon as possible. Source: Hiiraan Online
  22. President Joe Biden’s first month in office has seen a flurry of executive orders reshaping U.S. immigration policy, including a rebooting and expansion of America’s refugee program. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka isu’gu yeeray maadxda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho islamarkaana uu qabsoomi doono mudada u dhexaysa 18-19 bishan February 2021 si loo dhammaystiro heshiiskii guddiga Farsamada. Shirka waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.” Ayaa lagu soo xiray Qoraalka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shir Muqdisho ah isu’gu yeeray madaxda dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  24. Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday isu-soobaxyada dadweynaha, si looga gaashaanto xanuunka COVID-19. Midowga Murashixiinta, ayaa sheegay in aysan waxba ka beddeli doonin dibad-baxyadii ay ku baaqeen, in la isu’gu yimaado maalinta jimcaha oo berri ku beegan, islamarkaana waxay sheegeen in aysan dheg jalaq u siin doonin go’aanka dowladda. Afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka ee Garabka Midowga Murashixiinta Cabdullahi Cabdi Maxamed ayaa sheegay in banaanbaxyada uu xaq dastuuri ah siinayo dadweynaha, si ay ugu soo bandhigaan aragtidooda kuna gudbiyaan cabashada ay qabaan. Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay diyaariyeen Agab kasta oo looga hortegi karo Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa uu sheegay in abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isaga oo xusay in salaada Jimcaha dadweynaha & Madaxda ay ku dukan doonaan Taalada Daljirka, sidoo kalena dadka doonaya inay banaanbaxa ka qeyb galaan loo diyaariyay Gawaari geyneysa Goobta banaanbaxa. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo si adag uga horyimid go’aankii dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay maalinta Jimcaha ka ag dhowaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah halka la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.” Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, ka dheeraadaan meelaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo. Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in banaan-baxa mucaaradka uu isku rogo rabshado xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay ka hortagto, kana hor-istaagto shacabka inay muujiyaan aragtidooda. Dowladda ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayada oo qiil ka dhiganeysa joojinta faafitaanka cudurka COVID-19, balse la rumeysan yahay in ujeedkeeda guud uu yahay inay baajiso mudaaharaadka, hase yeeshee mucaaradka ayaa wacad ku maray in dibad-baxa uu u dhici doono sida loo qorsheeyey, waxayna ku gacan seereen amarka dowladda.