Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray xaaladda Magaalada Muqdisho oo saacadihii u danbeyay kacsaneyd. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu cambaareeyay dhacdooyinkii xalay illaa Maanta ka dhacayay caasimadda. Qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale nasiib darro lagu tilmaamay in ay taha in ciidamadii difaaca dalka loogu tala galay in dhibaateynta shacabka qeyb ka noqdaan. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Jubbaland Source: goobjoog.com
  2. Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si weyn u dhaleecaysay falalka ka dhacay xalay iyo saaka magaalada Muqdisho. Isla markaa, Dowlada Jubaland waxay tacsi u dirtay dhamaan shacabkii wax yeelada, dhaawaca iyo dhimashadaba leh, kasoo gaadheen falalkaas foosha xun ee xalay iyo Saaka ka dhacay Caasimada dalka. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si weyn looga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Jubbaland ayaa ku tilmaamtay falkaasi ku tumasho sharci iyo xukuumadda ay u adkeysan weysay banaanbax nabadeed ka dibna loo adeegsaday Ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliya oo lagu tala galay dagaalka Al-Shabaab. “Dowlada goboleedka Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo si adag uga hadashay Rabshadihii Muqdisho ka dhacay appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU, Somalia -The African Union Commission chief Friday said he is "deeply concerned" at the deteriorating security and political situation in Somalia's capital Mogadishu, which he said puts at risk all the gains made in Somalia in the last decade. Source: Hiiraan Online
  4. Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline ayaa hakisay duulimaadyadii ay isuga kala gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul . qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline oo ay heshay GoobJoog News ayaa lagu sheegay in uu baqday duulimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duulimaadka. Illaa iyo hadda ma cadda Sababta loo joojiyay duulimaadka berri oo sabti ah ah diyaaradaha shirkadda ay ku tagi laheyd Istanbul. Dhanka kale ila madaxbanan oo aan la xirriirnay ayaa sheegay in jojinta duulimaadka ay timid markii cabsi badan ay soo wajahday, Kadib dagaallo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muwdisho. Xaaladda Caasimadda ayaa maanta oo Jimca ah aad u kacsaneyd kadib iska hor imaad dhex maray dowladda iyo xubnaha Mucaaradka. Source: goobjoog.com
  5. Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegey in Dad gaaraya 20 Qof ay dhawac iyo Dhimasho kasoo gaartay weerarkii Maanta ay Ciidamadu ku qaadeen Dibadbaxayaasha iyo Musharixiinta. Warar waxaa jira sheegaya in 3 Qof ay ku geeriyoodeen weerarkii Xalay halka tiro kalama ay ku dhawacmeen. Ilaa hada si kale looma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Rasaastii Xalay iyo Maanta lagu weeraray Dibadbaxyada Hoos ka Akhriso Qoraalka Safaarada Maraykanka The post Safaarada Maraykanka oo shaacisay in Dad ku dhinteen weerarkii Maanta ee Muqdisho appeared first on . Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa war kasoo saartay falalkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay khasaaro kala duwan. Jubaland ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen Musharaxiinta mucaaradka. Waxay si adag uga hadashay arrintaas, ayada oo nasiib darro ku tilmaamtay in madaxda dowladda ee waqtigooda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsadaan waxyeelada shacabka, kuwaasi oo loogu tala-galay la dagaalanka argagixisada iyo Al-Shabaab. “Dowladda Jubaland waxay nasiib darro u aragtaa in ciidamada dalka ee loogu talo galay inay la dagaalamaan cadowga umadda Soomaaliyerd, sida Al-Shabaab, loo isticmaalay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed oo aanan hubeysneyn, islamarkaana lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan saamileyda siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland. Sidoo kale waxay tallaabooyinka qalafsan ee dowladda u aragta Jubaland mid xagal daacinaysa dadaalada loogu jiray xal ka gaarista xasaradaha siyaasadeed ee dalka iyo is-mari-waaga doorashada, sida lagu yiri qoraalka. “Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo”. Ugu dambeyntii waxa maamulka Jubaland ugu baaqay madaxda dowladda uu xiligeedu dhamaaday ilaalinta dastuurka iyo ka shaqeynta is-faham guud oo la xiriira arrimaha la isku hayo, iyo weliba xoojinta amniga.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay xaalada cakiran ee caasimada iyo banaanbaxayaashii maanta lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay hogaaminayeen qaar kamid Musharaxiinta Mucaaridka. Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xalay iyo saaka ay ciidamada dowladda ku bartilmaameedsanayeen Musharaxiinta Mucaaridka, oo ayagu banaanbax ka waday Muqdisho. Waxay sheegtay in falalka ay ciidamadu ku kacayaan ee ay ka dambeeyaan madaxda dowladda federaalka inay horseed u noqonayaan qalaalase iyo xasilooni darro ka aloosanta dalka, xili la sugaayo in doorasho ka dhacdo dalka. “Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. Waxa kale oo lagu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan”. Sidoo kale waxay ku baaqday in aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaashaha siyaasadeed, islamarkaana lagu xaliyo waan-waan iyo miiska wada-hadal. Puntland ayaa ugu dambeyntiina ka digtay in fursad loo siiyo in argagixisadu ay dib ugu soo noqoto magaalada Muqdisho, ayada oo ka faa’iideysanaysa hirdanka siyaasadeed ee ka taagan caasimada. Hadalkaan ayaa imanaya xili uu xaalka Muqdisho kacsanaa xalay ilaa saaka, ayada oo ciidamada dowladda rasaas u adeegsadeen banaanbaxayaal ay hogaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha, midaasi oo dab kusii shiday xiisada ka dhex aloosan dowladda iyo mucaaridka.
  8. Puntland ayaa ka hadashay isku dhacyadii xalay iyo saaka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa ka amar qaata mucaaradka. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri ” Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed”. “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan” ayaa lasii raaciyay qoraalka madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay rabshadihii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Dowlada Puntland ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin Xaalada Magaalada Muqdisho waxayna soo saareen Qoraalkan The post Akhriso Qoraal kasoo baxay Puntland oo ku saabsan Xaalada Muqdisho appeared first on . Source
  10. Dowlad gobaleedka Puntland ayaa goordhaw ka hadashay dagaallo 48 saac ee la soo dhafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihii ka dhacay Caasimadda, iyadoo maamulka uu si adag uga hadlay xaaladda Magaalada Muqdisho. War Qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay Ciidamadii loogu talagalay dalka in ay difaacaan in ay qeeyb ka noqdeen rabshadaha. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Puntland. Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan. DHAMAAD Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-1922021.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xaad ayaa si kulul uga hadlay rasaastii ay ciidamada dowladda saaka ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, xili ay marayeen wadada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Nabadoon Xaad ayaa nasiib darro umada Soomaaliyeed soo wajahday ku tilmaamay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta iyo dibad-baxayaasha, wuxuuna ka tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyeed. “Waxaan cambaareeyen dusha uga tuureyn weerarka bahalnimada ah oo gardarada ah oo aan waafaqsaneyn sharciga oo amarkeeda leeyahay madaxweyinihii hore ee xiligiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taariikh xumadaas inay ku dambeysana waa nasiib darro,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaad. Waxa uu si weyn u cambaareeyay weerarkii ay xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon. Nabadoonka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku dambeyn doono meeshii ay mareen kali-talisyadii ka horeysay, isagoona usoo jeediyay inuu is-daba qabto islamarkaana uu eedi doono tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu ku bartilmaameedsanayay Musharaxiinta iyo dadweynaha cabirayay afkaartooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Beesha caalamka ay weli aqoonsan tahay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, wuxuuna uga digay wakiilada beesha caalamka inay sii joogteyaan taageerada Villa Somalia, maadama lagu caburinayo shacabka Soomaaliyeed. “Waxaa uga digeyna inaysan kusii wadin taageerada ay taageerayaan iyo la shaqeynta ay la shaqeynayaan, Labadaas hadey sii wadaan dambiga uu asiga galay ayey galayaan, umadda Soomaaliyeedna baal madow ayay ka gali doonaan wakiilada dalka jooga,” ayuu yiri Nabadoonka. Hadalkan ayaa imanaya, saacado un kadib markii Ciidamada dowlada ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah, waxaana weli ka taagan magaalada xiisad xoogan.
  13. Halkan ka fiirso hadalka Nabdoon Maxamed Xasan Xaad : The post Daawo Nabdoon Xaad : – Farmaajo haddii caqligiisu Shaqeynayo oo aanu rabin in meesha lagu gawraco Villada yuusan Gabalku ugu Dhicin appeared first on . Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo banaanbaxa ay mucaaradka ka dhigeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu rasaaseeyay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo horkacayay. Imaamka ayaa ugu horeyntii sheegay in dadaal badan uu ka galay dejinta xiisada ka dhalatay Banaanbaxa ay mucaaradka shaaciyeen horaantii toddobaadkan, isagoona u tagay madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta Musharaxiinta mucaaradka. Waxa uu sheegay inuu u tagay Farmaajo oo uu kala hadlay banaanabxa mucaaradka, ayadoo Farmaajo uu uu u sheegay ‘inuu wal-wal badan ka qabo amaanka goobta banaanbaxa oo u dhow madaxtooyada dalka’, maadama ay ku soo dhex dhuuman karaa nabad diidka, sida uu sheegay. Imaamka ayaa waxa kale oo uu xusay in Musharaxiinta mucaaradka ay u balan-qaadeen in banaanbaxa maanta loo balansanaa uu u dhacayo qaab nabadeed, islamarkaana aysan jiri doonin wax lidi ku ah amaanka, halka taasi badalkeed uu muujiyay ra’iisal wasaaraha dalka oo uu la kulmay. “Madaxweynaha waxa uu yiri waxa jira Coronavirus, waxaa soo geli kara Shabaab, meesha nabad-galyadeed aad uga wal-walsanahay, waxaana u sheegay in Musharaxiinta ay sheegen in banaanbax nabadeed yahay, markaas waxa uu nagu yiri Aniga halkeyga waxba ka imaan maayo ee Ra’iisal wasaaraha is-warsada,” ayuu yiri Imaamka Muddulood. Sidoo kale waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya uu uga codsaday in la baajiyo banaanbaxa, hase yeeshe uu taasi ka diiday inkasta oo walaac uga muujiyay in banaanbaxa mucaaradka uu nabad-galyo darro abuuro, ayada oo goobta loo asteeyayna ay tahay meel u dhow madaxtooyada. Imaamka ayaa xusay in dhinacyada uu la kulmay ay u balan-qaadeen inaysan ku kaceyn wax lidi ku ah amaanka, balse arrintan dhacday ay ka war-doonayaan, maadama ay dhaceen wax ka baxsan wixii uu waan-waanta ka galay saacadihii u dambeeyay. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Imaamka inuu ka howl-galayo xiisada ka dhalatay banaanbaxa, islamarkaana uu dib uga warbixin doono warbaahinta, oo iyadu wax ka weydiisay sababta keentay in rasaas ka dhacdo banaanbaxa, ayada oo dhinacyada uu la kulmay u balan-qaadeen in nabad-gelyo ku dhamaanayaan wax-walba. Si kastaba, waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay rasaastii ay saaka ciidamada dowladda ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka, taasi oo dhalisay iska hor-imaad dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta.
  15. NAIROBI — Gun and mortar fire could be heard in central Mogadishu on Friday morning amid a lockdown imposed by the Somali government — a measure ostensibly intended to enforce social distancing but timed to coincide with mass protests called by opposition parties. Somalia has been in a constitutional crisis for nearly two weeks after an agreed-upon election date elapsed on Feb. 8 without voting, leaving President Mohamed Abdullahi Mohamed, widely known as “Farmajo,” without a mandate, his opponents said. Negotiations on a new date have failed, and Somalia’s fragile and often violent politics have exploded into acrimony. In Friday’s early morning hours, a hotel where two major opposition candidates were staying came under heavy gunfire in what one — Farmajo’s former deputy, Hassan Ali Khaire — called a crude assassination attempt. Another candidate, former president Sharif Sheikh Ahmed, said the “attack was ordered by outgoing president Mohamed Farmajo.” Later on Friday, a street protest led by Khaire came under fire, and videos shared by journalists on social media showed him and supporters ducking for cover. Local authorities announced the closure of Mogadishu’s airport. Farmajo’s office did not respond immediately to a request for comment. “It is essential to make sure that this country does not go back to where it came from,” Khaire told reporters Friday morning, referencing the instability that has prevailed for much of Somalia’s ongoing, 30-year civil war. Over the past decade, since wresting greater control over the country’s cities from the al-Qaeda-affiliated militant group al-Shabab, a succession of Somali leaders and their foreign partners have sought to build institutions of governance, including representative elections. That process seemed as precarious as ever on Friday, with what was essentially a political stalemate devolving into gunfire in Mogadishu’s streets. “It’s a moment of great uncertainty. There’s still no consensus on how to move forward and the opposition is getting frustrated. This has resulted in the clashes in Mogadishu this morning, as they moved ahead to organize protests,” said Omar Mahmood, senior analyst for Somalia at the International Crisis Group. The protests had been called by another opposition candidate, Abdirahman Abdishakur, who has repeatedly accused Farmajo of seeking to stay in power indefinitely through the manipulation of the election by collusion with a close and powerful ally, Fahad Yasin, who directs the national intelligence agency. With the election’s date now undetermined, Abdishakur has been calling for Farmajo to resign. “They are occupying Somalia without any political mandate,” he said in a phone interview. “He should not believe that he can get away with it. He cannot create such a dangerous precedent. This supposed leader has shown no desire to compromise and now he has lost his legitimacy. So we will mobilize the people.” Somalia’s government has pledged to work toward a “one person, one vote” system, but at present its parliament and president are indirectly elected by committees of clan elders convened in each of the country’s federal member states. In a supposedly random process, clan members then select 100 representatives from the public to physically cast votes. That process is easy to manipulate, analysts and opposition candidates said. Payments to clan elders and their representatives are rife, and states have been essentially gerrymandered, sometimes by force, to the benefit of certain more powerful clans, including Farmajo’s Marehan. “It’s a veneer of an electoral process. It’s outrageous that this is what’s seen as a step toward democracy,” said Mohamed Mubarak, executive director of the Hiraal Institute, a Somali think tank. Mubarak said negotiations over a new election date have stalled because of a disagreement over the number of members of parliament one of Somalia’s regions, Jubbaland, should have. “Somalia is held to ransom over negotiations over a few members of parliament,” he said. “The way things look now, there will be violence, and Farmajo’s reputation will be ruined. But in the end, the one to concede will not be Farmajo. Meanwhile, al-Shabab will continue to seem a more and more viable alternative to the federal government.” Somalia’s main partners — and funders — in Washington urged an end to the violence and an immediate conclusion to negotiations on a new election. The outgoing Trump administration in Washington ordered the removal of around 700 U.S. security personnel from Somalia by January, to be repositioned on bases in neighboring Kenya and Djibouti, where they continue to advise and train Somali special forces. “Quickly resolving the current electoral impasse is critical to Somalia’s future,” a statement from the U.S. Embassy in Mogadishu said, soon after the Feb. 8 election date was missed. “It is the responsibility and the duty of national and regional leaders to put aside the search for political advantage and instead act in the interests of the people of Somalia, who deserve the best from their leaders. Now is the time to resolve outstanding issues and finish the job of holding elections.” That position is likely to be untenable, especially if violence continues to flare, said Mahmood, the analyst. “For now, the international community is trying to avoid vacuum, but the stakes will continue to get higher and higher the longer the stalemate lasts, and the risks of being associated with Farmajo could delegitimize their standing, the further this goes on,” he said. Abdirahman Abdishakur, the opposition leader who called Friday’s protests, said the United States, United Nations and others who had partnered with Farmajo over the past years and who now continue to call him president were standing in the way of a solution to the crisis. “We expect the international community to exercise its leverage after having given billions of dollars to this country and this government,” he said. “Why else are you here? Why fuel impunity instead of accountability? He will understand only that he can do whatever he wants. Say out loud that his mandate is over.” Omar Faruk in Mogadishu contributed to this report.
  16. Qoraal goordhow kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay iney si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM iney dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa. Ugu dambeyntii, waxaa la faray AMISOM in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan. Source: goobjoog.com
  17. Ururada bulshada rayidka ayaa war ka soo saaray xaaladda dalka si gaar ah dagaaladii saacadihii u danbeyay ka dhacay magaalada Muqdisho. War saxaafadeed ka soo baxay Bulshada Rayidka ayaa lagu cambaareeyay weeraradii ka dhacay Muqdusho. Qoraalka ka soo baxay Ururada Bulshada rayidka ayaa sidoo kale Musharixiinta iyo Dowladda loogu baaqay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira. Hoos Ka Akhriso War Saxaafadeedka Ururrada Bulshada Rayidka. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhoweyd iskaga guuray hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Muqdisho, ayada oo sii galbiyeen ciidamada ilaalada u ah, kadib markii ay ciidamada xoog ku hor istaagtay banaanbax ay iclaamiyeen inuu maanta ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon. Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo ka ag-dhow Labada madaxweyne, waxay galinka dambee maanta ka qeyb gali doonaan kulan ay iskugu imanayaan Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo saaka qaarkood la rasaaseeyay xili ay horkacayeen dibad-baxayaal. Arrintan ayaa imaneysa xili ay xalay weerar ku qaadeen ciidamada Gorgor huteelka ay kasoo guureen Labada Madaxweyne, kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxayna iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada madaxweynayaashii hore. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana weli laga dareemaya xiisada ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xalay iyo saaka ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta oo iyagu u balansanaa in maanta ay hogaamiyaan banaanbax weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
  19. The economy of Somaliland depends heavily on agriculture, which includes both livestock and crops. Agro pastoral communities in all regions of the country grow crops and simultaneously raise livestock to reduce vulnerability to environmental shocks such as droughts or even flash floods which have become more frequent during the last decade, due in part to perhaps climate change. A large part of the urban population also derives its income indirectly from agriculture as commodity traders or service providers to rural communities. Additionally, agriculture is a major source of government revenue. However, agricultural production in Somaliland is low due to the old farming techniques characterized by subsistence farming with extremely low incomes and hand-to-mouth livelihoods. Although agriculture is a dominant sector of the economy, it has failed to generate moderate and sustainable incomes for many farmers and has not accelerated development in other sectors, nor has it met national food needs. The main reasons for this failure is that inadequate financial capacity and lack of expertise to formulate effective policy framework might have hindered in producing favorable policy frame work addressing the issue of low crop productivity. The problem can only be resolved if funding and expertise have been secured to formulate favorable policies that addressees both primary, secondary and tertiary sectors of production. Should these policies be implemented, the Government’s agriculture policies would have a positive impact in the following areas: • Sustenance of agricultural production • If it ensure that participants in the sector respect and meet set standards for the quality and safety of inputs into crop animal production and outputs from such production. • If it ensures sustainable natural agricultural resources utilization and management • If it ensures sustainable prevention and control of crop pests and diseases. • If it Promotes and ensure fair agricultural trade practices • If it Promotes internationally agreed Phytosanitary measures • If it solves the real problems faced by the farmers • If it removes implicit taxes, and market barriers and facilitate exports. To this end; the institution in question has no essential policy framework despite its 28 year in history. Had sector policy been formulated and implemented, relative stakeholder institutions could have engaged in productive and profitable sectorial activities while at the same time ensuring that the interest and wellbeing of the general public are adequately addressed and protected. However, the following challenges need to be addressed: a)Lack of commitment in formulating policy framework b) Inadequate collaborative policymaking c) Policies formulated at national level may face the challenge of ensuring some degree of consistency in delivery at subnational level d) inadequate financial and human resources. It is in the need of the hour for Government authorities, first, to come up with a commitment to finance or seek funding to overcome the above-mentioned issues and, secondly, to restructure the concerned institution to keep up with the pace of infrastructure and technological change in order to put the ministry on the path to more efficient than ever to enhance the domestic crop productivity. In the light of this, The Ministry of Agriculture Development has to enter with letter of Cooperation agreement establishing partnership with international donor agencies and other stakeholders in the sector for development in the areas of policy formulation and implementation to promote food security Programme, mechanization of agriculture, water catchments, feeder roads, promotion of seed production systems, marketing infrastructures, strengthening government capacities to reduce post-harvest losses and extension programmes enabling farmers to adopt new agriculture technologies for intensive farming systems. Regards, Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmail.com Qaran News
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay. Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay. Waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta. Daawo Shirka Jaraa’id Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Somali PM Mohamed Hussein Roble, today expressed his deep sorrow over the clashes in Mogadishu that broke out after opposition candidates’ loyalists attacked Govt bases. Roble described what happened as unfortunate and slammed attempts to derail the progress made by his government in the country by the power-hungry figures. He called on the public not to accept another war to happen in their city and the destruction of their property, homes, and peace. Prime Minister Roble “It is unfortunate that in the year 2021 someone claims to have taken over Mogadishu and said that there is no government in place in the country” He reiterated his pledges that an inclusive and peaceful election will take place, expressing his readiness to sit down and reassure anyone with concerns. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xiisadda xooggan ee ka taagan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen Musharaxiinta Mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey. Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa yaab laheyd inuu eedo ka leexiyey ciidamada dowladda, isaga oo sheegay in ayaga lasoo weeraray. Rooble ayaa sheegay “inay nasiib darro tahay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay,” sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen, sida uu yiri. “Soddon sanno ayey nagu qaadatay meesha aan maanta taaganahay in aan soo gaarno, haka yeelin, aniga ha iga yeelin, cid kalena ha ka yeelina, anigana diyaar uma ihi, soo dhawaada oo ciidamada amnigiina la shaqeeya,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay, sida uu yiri. Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu la fariisto Midowga Musharaxiinta oo iyagu banaanbaxa maanta ku dalbanayay in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna balan-qaaday in tabashada ay qabaan mas’uuliyiinta mucaaridka uu xalin doono. “Siyaasiyiinta walaalahay ah ee Muqdisho jooga diyaar ayaa idiin ahay, waxaan diyaar idinkula ahay in aan idinla fariisto geed dheer iyo mid gaabanba oo aan waxa aad tabaneysaan aan xaliyo, Soo dhawaada, xasiloonida hala muujiyo,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta. Hoos ka daawo Rooble
  23. Raysalbwasaataha Dowlada Wakhtigeedu dhamaadey Maxamed Rooble oo la hadlay Dadweynaha Muqdisho ayaa ku celceliyey in ay ilaashadaan Amaankooda” Raysalbwasaaruhu euxuu yiri “ Waadbogtihiin 30 sano ayay inakunqaadatay Dhismaha Dowlada aan maanta haysano, Reer Muqdishoow yaan lanidinkandumin” Hadalkaas ayuu raysalbwasaaruhu Khudbadiisa kusoo koobay” The post Raysal wasaare Rooble oo ku baaqay in iskumeel loogasoo jeesto Amaan xumada lagawada Muqdisho” appeared first on . Source
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay. Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay. Waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta. View the full article