Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saddex Ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii xalay laba gaari isku dhacday duleedka bari ee magaalada Garoowe. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, ayaa xaqiijiyay in shilkaas uu ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee caasimadda Garoowe. Saraakiishu waxay sheegeen in ay isku dhaceen laba gaari oo midkood ISKA-ROGO ahaa, halka kan labaad uu ahaa nooca loo yaqaan Brobox. Sidoo kale, waxay tilmaameen in ay weli baaritaan ku hayaan sababta keentay shilka, islamarkaana dib ka faahfaahin doonaan. Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanaya gudaha Puntland, waxaana inta badan sababa gaadiidka xawaaraha saa’idka ah ku socda iyo burburka waddooyinka qaarkood. PUNTLAND POST The post Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  2. QAABKA DOORASHOOYINKA EE AYNU QAADANAY , QAABKII HORE , HALKA QALOOCU INAGAGA JIRO IYO XALKA MUSTAQBALKA . Somaliland waxa loo dejiyey dastuur ay ka farcamaan xeerar ay sameeyaan goleyaasha xeer dejinta dalku kuwaasi oo dhamaantood ku fadhiya habka dimuqaeadiyada casriga ah ee qofku uu isagu wax doorto lana dooran karo . Ujeedada qofka muwaadinka ah loo siiyey in uu wax doorto waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay oo ay tahay in uu hadba inta soo istaagta ku kala xusho isaga oo eegaya danta dalka , danta dadka iyo waliba danta diinta iyo dhaqanka umadeed ee aynu leenahay. Hadii aad lumiso oo wax aan aheyn intaasi aad wax ku doorato waxa ay noqonaysaa in aad lumisay xaqaagii iyo xaqii dalka iyo diintuba kugu lahaayeen , waxaana aad umada u horseeday hadimo. Habkan doorashada ee qof iyo cod waxa ka horeeyey qaab kale oo isaguna ahaa hab doorasho oo ka duwanaa, waxa laga soo xuli jirey beelaha iyo qabiilada Somaliland ergooyin ka qayb gala shir beeleedka lagu dooranayo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo xubnaha labada aqal ee wakiilada iyo guurtida. Shirkaasi marka hore waxa la soo xuli jirey xubnaha golaha wakiilada iyo golaha Guurtida oo ay ergadu soo dooran jireen, dabadeedna waxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka dooran jirey xildhibaanada labada gole ee Guurtida iyo wakiilada fadhi wadajir ah. Runtii waxa uu ahaa xiligiisii nidaam wanaagsan oo ay ku yimaadaan dad xul ah oo umada iyaguna u xula hogaan wanaagsan oo qaranka hogaamiya 5 sanadood ee dambe iyo ku xigeenkiisa. Halka hadaba ilaa hadda la saluugsan yahay ama wax iska dhaafsan yihiin ee hadii danta dalka la eegayo uu nidaamka hore ku dhaamay kan waxa weeyi ; 1- Dadka oo aan loo bisleyn awoodooda doorasho ee ay leeyihiin iyo xuquuqaha fardiga ah ama qofka u gaar ah ee aan cidi la wadaagin iyo in ay masuuliyad ka saaran tahay naftiisa , dalkiisa iyo diintiisa intaba. 2- Axsaab siyaasadeed oo wata barnaamijyo iyo qorsheyaal lagu hago danaha dalka iyo dadka mudada dhow iyo mudada fogba oo aan la helin , amaba laga gaabiyey. 3- Siyaasiyiintii iyo intii umada hogaanka u ahayd oo dantooda u maray tab kasta oo ay kursi ku heli karaan dadkana u qaybiyey hab beelo iyo qabaail ah , arinkani oo dhaliyey wax lid ku ah waxii umadu rabtay. MAXAA CUSUB ? Hada oo la marayo in ay Somaliland ku shaqeynaysay 20 sanadood habka doorashada ee axsaabta badan iyo qof iyo codka ah , ayaa waxa hadana dib loogu noqday habkii beelaha oo kaalintii xisbiyada ayaa meesha ka baxday sabatuna waxa ay tahay ; b) Qofka tartamaya waxa soo xulaya qabiilkiisa . t) xisbigana uu/ay ka tartamayo waxa u geynaya isla qabiilkiisa . j) waxaana u codeynaya reerkiisa ama qabiilka uu ka soo jeedo 93% hadii aanay ka badnaynba. Arimahani waxa ay ka soo horjeedaan dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 9aad iyo Xeer lr 14 xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland. KAALINTA XISBIYADU SIDEE AY ISKU BADASHAY ? Kaalintii xisbiyada qaranku waxa ay isku badeshay sal-laan ama wado loo marayo uun kuraasida qaranka ee loo tartamayo , waxaana meesha ka baxday ujeedooyinkii loo aasaasay axsaabta siyaasada Somaliland oo hada maqaar ahaan uun u jira. Waxa markooda hore lagu dhaliilayey in ay ahaayeen meelo in koobani sameysatay oo aan xataa dhexdooda kala duwanaanshaha aragtida iyo rayiga xorta ahi ka shaqeyn , dad badana lagaga saaray sadexda xisbi ba hogaanka ayaad ka aragti duwan tahay, taasi oo nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka iyo ka aduunkaba ku ah meel ka dhac. XALKU MUXUU NOQONAYAA MUSTAQBALKA? Dadka jamhuuriyada Somaliland marka aad la sheekaysato ee aad waliba arimahani dadka ay khuseeyaan kala hadasho waxa laga wada garaabayaa in ay jirto ama soo baxday dhibaato aan la fileynin oo axsaabtii ay ilaa hadda dhismi laayihiin isla markaana aanay noqon sidii aynu doonaynay waliba aanay hayn xataa wadadii. Waxa la isku raacsan yahay in la helo ama loo baahan yahay xisbiyo dhisan oo leh aragtiyo iyo mabaadii ka fog salaan kursiga lagu gaadhayo kaliya oo dalkani iyo dadkan u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo horumar ay aduunka ku hiigsadaan. Waxa ay tahay in wax laga barto 20 ka sanadood qaladaadkii ururadii iyo axsaabtii jirtay ay ku burburtay ama u kori wayday si loo helo wax ka duwan oo ka wanaagsan kuwa maanta jooga taasi oo u baahan in aad loogu baraarugo xiligan maadaama xiliga sadexda xisbi qaran ee hadda joogaa ku eeg yahay Dec 2022. Axsaabta ama ururada dambe ee iman doonaa waa in ay noqdaan qaar leh barnaamiyo iyo qorsheyaal mudada dheer iyo mudada gaaban ba ah oo loo dejiyo 30 sanadood ee soo socda iyo hiigsiga xisbigu rabo in uu gaadho , dalkana gaadhsiiyo iyo 100 ka sanadood ee soo socda sidii uu u noqon lahaa mid aragti qori isu dhiib ah sida oo jiilba jiilka ka dambeeya usii gudbiyaan. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa hotel Jaziira ku kulmay Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta. Janaraal Indhacade ayaa la sheegay in Hotelka uu ugu tagay xubno kamid ah Midowga isagoo ka raali geliyay hadal uu warbaahinta ka sheegay saacado ka hor markii la wareeray Madaxweynayaashii hore 19-kii bishan, weerarkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon. Janaraal Indhacade dadka uu la kulmay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo madaxweynayaashii hore isagoo mid mid uga raali geliyay hadalkiisa oo noqday qodob ay dowladda Soomaaliya u cuksatay weerarkaas. Inkastoo Janaraal Indhacade si gaar ah ula kulmay madaxdaan islamarkaana ka cudur daartay hadalkiisa ayaa hadane ilo wareedyo muhiim ah waxay noo sheegeen in uusan jirin kalsooni ka dhaxeyso Mucaaradka iyo Janaraal Indhacade. “Waxaa cad in ay bidixda isku salaameen ama ay kala faaruqeen, waayo waa lakala shakiyay haddii uu mar shaki yimaadana waa ebar,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in hadalkii Janaraal Indhacade uu muujiyay qalqal badan waxayna dusha u saarisay mucaaradka iyadoo uu wali shaki badan ku geedaaman yahay sababta hadalkaan ka keentay Indhacade oo islamarkiiba goobta ka tagay.
  4. Ankara (Caasimadda Online) – Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni ayaa sheegtay in ruuxa la qabtay la ogaaday inuu kooxdaas u qaabilsanaa dalka Kenya. Waxaa kaloo la sheegay in hawlgalka lagu qabtay ninkaan ay iska kaashadeen booliska dalka Turkiga iyo hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT). Inkastoo hay’adaha amniga ay magaciisa kusoo koobeen A.B. hadana wuxuu heystaa dhalashooyinka dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana lasoo xiray kadib markii booliska ay warqad kasoo qaateen maxkamadda. Kooxda AL-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya ayaa gacan saar la leh ururka AL-Qaacida, waxeyna mar walba weeraro ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartama Soomaaliya, sidoo kalana qeybo ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, isla markaana aad u teegeeri jiray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda qalqalka ku yimid dowladnimada ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo. Sheekha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo wax kasta oo dhacay eedeyntooda dusha ka saaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo markii hore uu taageero weyn u ahaa. Sheekh Maxamed Idiris waxa uu qabaa in mudaharaadku uu qatar ku yihiin amniga caasimadda, “Waxaa fiican intii laga fogaan karo wax kasta oo isku dhac keeni kara oo mudaharadyadu ka mid yihiin in laga fogaado,” ayuu yiri. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dowladdu ma ahan inay aad uga baqdo dad ra’yigooda cabiraya, waxaaba laga yaabaan in kheyr ugu jiro oo dadka u soo baxa la waayo banaanbaxa ay ku baaqeen musharaxiintu, laakiin wa khatar weyn in lagu murmo dowladu ma jirto iyo waa jirtaa.” Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in wax kasta oo mas’uuliyad darro ah oo maanta dalka ka dhacaya uu dusha ka saarayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo ku eedeeyey in doorasho aysan qaban, heshiisna keenin, waqti kalena aysan codsan. “Sax waaye in mucaaradku dalbado doorasho oo awooda saaro dowladda, intey doonto hanagu qaadato, laakiin si nabad ah waa in dalabkaas aan ku gudbinaa, qaladka musharaxiintu waxuu yahay dowladdu ma jirto hadii aan dhahno, halkaan ciirsaneynaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris. Sheekhu waxuu ka codsaday madaxda mucaaradka inay fiiriyaan maslaxadda dowladnimada dalka, “Waxaan leeyahay walaalayaalow isku sabra, oo banaanbaxyada dhiiga keeni kara joojiya ee si kale wax ku dalbada,” ayuu yiri. Hoos ka Daawo
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulga goboleedka ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xiray inuu ka qeyb galo shir dambe oo looga hadlayo arrimaha doorashada, taasi oo sii wiiqeysa rajadii laga qabay in laga gudbo is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada dalka. Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay caqabad ku noqdeenn fulinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September iyo habraacaydiisa. “Waxay taas si cad usoo ifbaxday muddadii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb 3-6dii February 2021, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka safray magaalada Dhuusamareeb iyadoo wax xal ah aan laga gaarin qodabadii la isku khilaafsanaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Qoraalka ayaa intaas ku daray “iyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka:” 1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynaha iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8-da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27-kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya. 2. Maadaama Ciidanka Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhexaadnimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga laguna dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay. 3. In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacdooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo. 4. Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka. 5. Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka. 6. Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururada Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka. 7. In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni. 8. Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wady kalsoon yahay. Hoos ka arag qoraalka Puntland
  7. Wanlaweyn (Caasimada Online) – Dhamaan dadkii daganaa ku dhowaad 10 tuulo oo ka tirsan degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka baxay guryahooda kadib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay oo aheyd 72 saacadood. Qoysaskaan ayaa daganaa tuulooyinka iyo degaanada kala ah Leego, Yaaqbari weyne, Beladul-amiin, Goobaanle, Guulow, Saha-weyn, Saha-yar, iyo kuwa kale waxaana in ay barakacaan ku amray dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dhul ballaaran ayaa la gubay, waxaana la toogtay dad badan oo degaanadaas ku sugnaa, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan guryahooda. Sababta ay dadkaan halkaas uga guurayaan ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyo macawuusleey ah oo dhulkaas dagan, kuwaas oo looga adkaaday dagaalo ay la galeen Al-Shabaab. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa damacsan in ay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyagoo fariisin ka sameysan doono degaanada aan soo sheegnay oo muhiim u ah wadadaasi. K/Galbeed ilaa hada kama aysan hadlin talaabada ay qaadeen Al-shabaab oo degaanka halis ku ah.
  8. A negative PCR test is still required from all destinations… The approval form required for Dubai residents to return to the UAE since the country reopened its borders is no longer needed. The General Directorate of Residency and Foreigners Affairs (GDRFA) approval form was an online submission required for anyone living in Dubai who wished to return from abroad. Emirates Airline informed customers via SMS that the form would no longer be required, and removed the statement from its travel requirements. Previously, the travel hub guidelines stated that a negative PCR test and the GDRFA approval form were needed to travel. Everyone arriving into Dubai from any country, including the GCC, must hold a negative COVID‑19 PCR test certificate conducted no more than 72 hours before their flight departure. This doesn’t include UAE nationals, who will need to take a test on arrival at Dubai International Airport. Passengers must bring an official, printed certificate in English or Arabic to check in as SMS and digital certificates will not be accepted. Travellers from the following countries will need to take a PCR test before their flight as well as on arrival at Dubai International Airport: Afghanistan, Angola, Argentina, Bangladesh, Brazil, Cambodia, Chile, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Georgia, Ghana, Guinea, Hungary, India, Indonesia, Iran, Iraq, Israel, Ivory Coast, Jordan, Kenya, Lebanon, Malta, Montenegro, Morocco, Myanmar, Nepal, Nigeria, Pakistan, Philippines, Romania, Rwanda, Russia, Senegal, Slovakia, Somaliland, South Africa, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Tanzania, Tunisia, Turkmenistan, Uganda, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Zambia, Zimbabwe. To stay up to date with the latest travel guidelines, always refer to the Emirates travel hub website before you travel. Here you’ll find the most recent news and rules regarding travel into and out of Dubai. Whatson Qaran News
  9. Dowladda Puntland ayaa shuruud adag hor dhigtay ka qayb-galka Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, oo la doonayo in Muqdisho lagu qabto. War ku qoran Luuqadda English-ka oo Puntland u dirtay Beesha Caalamka, ayay ku dalbatay in la fuliyo Shuruudo dhawr ah, ka hor intaan la isu’gu imaan wada-hadal dambe oo ku saabsan Arrimaha Doorashada. Puntland waxay dalbatay in la beddelo dhammaan Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya sida Booliiska, Milateriga iyo Sirdoonka, islamarkaana loo magacaabo Taliyaal lagu kalsoonaan karo, ah inta lagu guda jiro geedi-socodka wadatashiga. Sidoo kale, waxay soo jeedisay in la sameeyo guddi xaqiiqo raadin ku sameeya Rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishan February 2021, islamarkaana kormeera dhaqan-gelinta geeddi-socodka Arrimaha Doorashada heer Federaaal. Waxa kale oo Puntland codsatay in Beesha Caalamku ay dammaanad-qaad ka noqoto Fulinta Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee la saxiixay 17- September 2020 islamarkaana haatan la doonayo in lagu shaqeeyo. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo shuruud adag ku xirtay ka qayb-galka Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Qoraal dheer oo Dowlada Puntaland ay uga hadlayeen udiyaargarawga Doorashada iyo meesha Puntland ka taagantahay ayaa lagu xusay in si deg deg ah loo badalo dhamaan Hogaamiyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka uuna u horeeyo Taliyaha Nabad Sugida. Puntland waxay soo jeedisay oo kale in la magacaabo Gudi xaqiiqo raadis ah oo baaritaan ku sameeyo Dhacdadii lagu xabadeeyay Shacabkii Mudaharaadayay iyo Murashixiinta Jamcadii 19 feberaayo, Puntland waxay kaloo dalbatay in dhamaan La laalo sharciyadii ay Ansixiyeen Baarlamaanku wixii ka dambeeyay bishii Decembar 2020. Puntland waxay kaloo sheegtay in Wadahadalada Doorashada ay kasoo qaybgalayaan dhamaan Saamilayda Siyaasda ayna qayb ka noqdaan Ururada Bulshada Rayidka ah. Puntlandi.com Garowe The post Breaking News— Puntland oo sheegay in la badalo Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka, Gudina loo saaro Dhacdadii 19 Feb. appeared first on . Source
  11. Madaxweynaha Fowlada Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa dhambaal tacsiya u diray Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Reer Hiiraan Geeridii ku timid Alla ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho. “Ugaasku wuxuu ahaa shaqsi aad looga yaqaan Soomaaliya, Caanka ku ah nabadeynta iyo suluxa , Anoo ku hadlaya Magaca Shacabka iyo kayga Waxaan Illaahay uga baryayaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf, Waxaan u tacsiyaynayaa Qoyska Reer Ugaas, Shacbiga Reer Hiiraan iyo Guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed .” Ugaasku wuxuu caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Puntlandi.com Garowe The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif appeared first on . Source
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-2322021.mp3 View the full article
  13. Waxaa Magaalada Muqdisho Galabta ku geeriyooday Ugaaskii Gobolka Hiiraan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisu. Ugaaska ayaa maalmahaan Xanuunsanaa, wuxuuna Galabta u geeriyoodey Xanuun waayadaan dambe hayay. Waxaa loo tacsiyaynayaa Qoyskii iyo Caruurtii Marxuumka iyo Guud ahaan Bulshada uu ugaaska u ahaa, Ilaahay naxariistii haka waraabiyo, Aamiin Aaamiin The post Illaahay ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday appeared first on . Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubno kale oo kamid ah Golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen go’aankii xukuumadda ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha. Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal u suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan, waxaana la filayaa in berri ay la hadlaan warbaahinta. Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wada shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas. Wasiirro ka tirsan xukuumadda Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxayna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon. Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culeys ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay, waxaana jidadka caasimadda kuwooda muhiimka ah lagu baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha. Sidoo kale wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa caawa biro lagu gooyay, waxaana looa diiday inuu maro gaadiidkii u socday dhinaca garoonka. Waxaa sii kordhaya wal-walka laga qabo in khilaafka ka taagan doorashada dalka uu sababo gacan ka hadal, waxayna musharaxiinta mucaaradka ah ku adkeysanayaan in Jimcaha ay qabanayaan banaanbax nabadeed, halka dowladdu ay si cad u sheegtay in aysan ogolaa doonin banaanbaxaas.
  15. CLIKC HERE TO RESD AS PDF Puntland-Governments-Position-on-the-current-political-situation-and-the-electoral-impasseDownload The post Breaking News— Puntland Government’s position on the current political Situation and the Elecrole impasse appeared first on . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee waxaa caawa geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle. Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19. Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle. Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caawa uu ku geeriyooday. Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Xasan ayaa qoraa uu soo saaray ku yiri, “Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.” Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurkaan oo ku soo laba kacleeyey dalka, Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd kuwooda ugu da’da weyn hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ka mid aheyd dadkii u geeriyooday cudurka.
  17. Allaah U Naxariisto waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Ugaasyada Soomaaliyeed. Ugaas Xasan ayaa waxa uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo hayay maalmihii la soo dhafay. Qaar ka mid ah ehelada Ugaaska ayaana xaqiijiyay geeridiisa. Ugaas Xasan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa waxa uu ahaa Ugaaska Beelweynta Xawaadle . Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali. Wareegto uu caawa soo saaray madaxweyne Deni ayaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa guddoomiyiihii hore ee gobolkaas Cali Xuseen Soomaali u magacaabay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa saacado ka hor xilkii ka qaaday taliyihii qaybta Booliska gobolka Sanaag, isagoo xilkaas u magacaabay G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - Ugaas Hassan Ugaas Khaliif, the leader of Hawadle subclan in Somalia has died Mogadishu, family and friends have confirmed. Source: Hiiraan Online
  20. Qoraal ay soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka ayaa lagu sheegay in Haddala joogo wakhtigii si ka dagdagsiknyo badan sidii hore in hoggaamiyeyaasha siyaasadada Soomaaliya ay danta Guud ka dhigaan mudnaanta kowaad, isla markaana ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin si ballaaran loo taageero oo waliba sida ugu dhakhsaha badan suurtagal u ah si loogu dhaqaajiyo Dalka wadada saxda ah, “ Qoraalkii Beesha Caalamka waakan Muqdisho – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed. Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo. Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ugaandha, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo markale hadashay “Waa in la balaariyaa Wadatashiga Doorashada” appeared first on . Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo hadda ku magacaaban xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka fal-celiyey shirkii jaraa’id ee maanta wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey uu ku shaaciyey in dowladdu aysan ogolaa doonin in ‘banaanbax uu ka dhaco magaalada Muqdisho.’ Waxa uu sheegay in Xasan Xundubey ay is garanayeen mudo ku dhaw 30-sano, isla markaana uu ku yaqaanay inuu yahay nin go’aan leh, balse hadda uu is bedelay, isagoo sheegay in dhibkii ka dhasha amarkii uu bixiyey maanta uu dushiisa yahay. Qoraalka uu Cabdiraxmaan Odawaa ugu jawaabay wasiir Xundubey ayaa ku bilaawday “Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay dastuurka waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan.” “Xundubeey waxaan saxiibo nahay muddo 29 sano ah, sidaa si la mid ah isaga iyo Madaxweyne Sh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashaxiinta) muddo intaa ka badan ayay is yaqaanaan.Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u hago, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay,” ayuu yiri. Qoraalka Odawaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanse leeyahay saaxiib la tasho damiirkaada koleey sidaas si ka gadisan ayuu ku farayaaye. Waxaadna ogaataa adiga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ma diidi karo.” Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Odawaa waxuu qoraalkiisa ku yiri, “Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay ciidamada Booliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhibka ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xundubeey. Waxaana xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn mid u cuntanta.” Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho. “Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa. Isku soo bax lama ogolaa doono, qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo, caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey” ayuu maanta yiri wasiir Xundubey.