-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Galmudug ayaa Xalay booqasho ugu tagay Madaxweynaha Puntland Kulankasoo ka dhacay Deegaanka Xalane oo hada Ho’y u ah Madaxweyne Deni. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyay in Qoorqoor uu markale soobwakiishay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey si loo xaliyo Khilaafka hortaagan Doorashada. Macada sida ay labadaan Masuul isu aaminayaan markale, bishii Oktobar sanadkii hore ayaa Madaxweyne Qoorqoor uu isku dayay inuu ukala dabqaado Mucaaradkaniyo Villa Soomaaliya, waanwaantasoo kusoo dhamaatay fashil lagu eedeeyay Qoorqoor inuu qayb ka ahaa inuu fashilmo waanwaantuu waday. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor oo salaan ugu tagay Madaxweyne Saciid Deni appeared first on . Source
-
(SLT-Wajaale)-Ciidanka Dab-demiska ee degmada Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale. Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale. Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale oo dab ka kacay ciidamada ayaa sheegay in aanu jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah. Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayirka iyo Mayir ku xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi. Source
-
Ugu yaraan 137 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ku dhow xadka Mali, dowladda Niger ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo ah ku sheegtay. Galabnimadii Axada 21-kii Maarso, 2021-kii, deegaanada Intazayane, Bakorat, Wirsnat iyo dhowr xero oo kale oo kuyaala waaxda Tillia, ee gobolka Tahoua, waxay arkeen weerar ay geysteen burcad hubaysan, ”Ayaa lagu yiri bayaanka uu TV-ga Qaranka ka aqriyay afhayeenka dowlada Niger Abdourahamane Zakaria. Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay dhowr kalena waa la dhaawacay, Zakaria ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray “in la xoojiyay amniga iyo tallaabooyin caafimaad oo laga qaaday aagga baaritaanna la furay”. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay baroor-diiq qaran oo saddex maalmood ah si loo maamuuso dhibbanayaasha dhibtu soo gaartay . Waa weerarkii labaad oo dad badan lagu dilay kaas oo ka dhaca Niger Todobaad gudihiis , 15-kii Maarso, ayey aheyd markii dabley aan haybtooda la aqoon ayaa weerarku dileen 58 qof oo rayid ah oo ka soo laabtay suuq toddobaadle ah oo ku yaal waaxda Banibangou, gobolka Tillaberi, oo u dhow xadka Mali, sida uu sheegay Zakaria. Gobollada Niger ee Tillaberi iyo Tahoua, oo xuduud la leh waqooyiga Mali, ayaa waxaa soo food saaray weeraro hubeysan oo soo noqnoqday tan iyo sanadkii 2017-kii oo loo aaneynayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala waqooyiga Mali. Weerarradan awgood, ayaa dhammaan gobolka Tillaberi iyo qayb ka mid ah Tahoua waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Niger, Burkina Faso, iyo Mali oo ku taal Sahel ayaa xudun u ah mid ka mid ah dhibaatooyinka adduunka ee sii kordhaya ee barakaca iyo ilaalinta. Gobolku wuxuu martigeliyaa 851,000 oo qaxooti ah iyo ku dhowaad 2 milyan oo qof oo soo barakacay, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Bishii Janaayo, ku dhowaad 100 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay laba tuulo oo Tillaberi ah ka dib wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha. Source: goobjoog.com
-
UK, CANADA iyo Mareykanka Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Shiinaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirada arimaha dibada ee Canada iyo UK iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dowladda Shiinaha ay ku heyso Muslimiinta Uyghur. Bayaankan , oo ay ku jiraan dokumentiyada u gaarka ah dawladda Shiinaha, iyo markhaatiga goobjoogayaasha u ah dhibaatada lagu haayo Muslimiinta “Barnaamijka ballaaran ee Shiinaha ee caburinta waxaa ka mid ah xayiraad adag oo ku saabsan xorriyadaha diinta, isticmaalka shaqooyinka qasabka ah, xirxirida badan ee xeryaha gudaha, quursiga qasabka ah, iyo baabi’inta wadajirka ah ee dhaxalka Uyghur,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Wasiirka Arimaha Dibada ee Canada Marc Garneau, Arimaha Dibadda ee UK, Xoghaye Dominic Raab iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken. “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa muhiimada daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka waxaana ugu baaqeynaa Shiinaha in ay siiso bulshada caalamka, oo ay ku jiraan baarayaasha madaxa banaan ee ka socda Qaramada Midoobay, saxafiyiinta iyo diblomaasiyiinta ajaanibta ah, helitaanka Xinjiang oo aan laga hor istaagin,” ayey yiraahdeen. Qoraalka ka soo baxay Mas’uuliyiintan ayaa intaas lagu daray “Waxaan sii wadi doonaa inaan si wada jir ah u istaagno si aan toosh ugu ifino xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Shiinaha, Waxaan u istaageynaa midnimo waxaana ugu baaqeynaa cadaalad kuwa ku dhibaateysan Xinjiang. ” Gobolka Xinjiang waxaa ku nool qiyaastii 10 milyan oo Uyghurs ah, Kooxda muslimiinta Turkic-ga ah, oo ka kooban qiyaastii 45% dadka ku nool gobolka Xinjiang, ayaa muddo dheer ku eedeynayay mas’uuliyiinta Shiinaha takoor dhaqameed, mid diimeed iyo mid dhaqaale. Ilaa 1 milyan oo qof, ama qiyaastii 7% dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xinjiang, ayaa lagu xirey shabakad ballaarinaysa oo kaamam “dib-u-barasho siyaasadeed, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. GoobJoog Source: goobjoog.com -
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa soo jeedisay xabad joojin ku aadan dagaalka sokeeyee ee mudada dheer ka socday wadanka Yemen, hase yeeshee markiiba waxaa soo jeedintaas rajo xumo ka muujiyay Xuutiyiinka dagaalka kula jirta dowladda Abdurabi Hadi Mansur. Riyadh waxay sheegtay in xabad joojiinta iyo wadaxaajoodka ay ka mid yihiin dib u furista garoonka diyaaradaha Sanca oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, laakiin xannibaad dhinaca hawada ah ay saareen xulufada ay hoggaamiso boqortooyda Sucuudiga, waxayna sheegeen in xayiraadaas laga qaadi doono haddii Xuutiyuunta oo ay taageerto Iran ay oggolaadaan wada-hadalkan. Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga wada hali doono ay ka mid tahay dekdada Hodeidah, isla markaana dakhliga ka soo xarooda lagu shubi doono koonto ay si wadajir ah ku maamuli doonaan labada dhinaca. Heshiisyadii hore ee dhinacayadan ayaan marna si buuxda u fulin tan iyo shirkii Stockholm ee sannadkii 2018, waxaana haddii ay isku afgartaan arrimaha farsamada ee horudhaca ah soo raaci doona wada hadallada rasmiga ah ee dhinaca siyaasadda. “Wixiii xilligan ka dambeeya Xuutiyiinta ayay u taal inay danahooda hormariyaan ama kawa Iran” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Sucuudiga Amin Faysal Bin Farhan Al-Saud oo u warramayay warbaahinta. Dowladda Madaxweyne Hadi ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqistan, laakiin Xuutiyiinta oo xukuma ku dhowaad 70% dhulka Yemen ayaan aaminsaneyn in rajo ka soo bixi karto. “Xal ama dadaal kasta oo aan qireyn in Yemen si gardarro ah loogu soo weeraray millatari iyo in cunaqabateyn lagu hayay lixdii sano ee la soo dhaafay, taas oo sababtay dhibaatooyin bini’aadaminimo waa mid dhalanteed ah ” ayuu afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageeri doonto wadaxaajoodka ay ku baaqday boqortooyda Sucuudiga, waxayna dhinaca kale cambaareysay weeraradii gantaalaha ahaa ee dhawaan Xuutiyiint ay ku qaadeen magaalooyinka xuduuda labada dal. Dagaallada Yemen oo socday in ka badan lix sanno ayaa ku riixday dadka waddankaas saboolnimo, macluul iyo gaajo baahsan. Source
-
Golaha wasiirrada midowga Yurub ayaa isniintii meelmariyey qaraar lagu cunaqabateynayo dalka Eritrea sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay ka wadaan waqooyiga dalka Itoobiya. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Midowga Yurub iyo Mareykanka ay Eritrea ka dalbadeen iney ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigeyga ee waqooyiga Itoobiya taasi oo ay Asmara ka dhago adeegtay. Dhanka kale xukuumadda Asmara oo ka hadashay go’aanka midowga Yurub ayaa sheegtay in uu yahay mid aan sal iyo raad toonna laheyn isla markaana ay diidayaan qaraarka xad-gudubka ah. Eritrea waxaa ay sheegeysaa in midowga Yurub aanu sharciyad u heysan waxa uu sameeyey, go’aankana uu yahay mid lagu dhibaateynayo Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliiska ka dib markii is rasaaseyn socotay saacad oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka. Toogashada ka dhacay magaalada Boulder ayaa waxaa ugu dambeyn soo afjaray booliiska oo xirey qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka suuuqa King Soopers. Weerarka oo toos looga daawanayay barta Youtube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa ka dibna uu rasaas ku furey dadka. Taliyaha booliiska magaalada Boulder Maris Herold ayaa xaqiijisay in mid kamid ah askarta booliiska uu ku dhintay toogashada, iyadoo tuhunsanaha oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaalka. Guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka gobolka ee dhibaatada ku dhacday. Sidoo kale, madaxweyne Joe Biden ayaa looga waramay toogashada ka dhacday gobolka Colorado. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore, madaxweyne Biden balan qaaday in uu sameyn doono sharci adag oo lagu baarayo taariikha dadka doonaya in ay iibsadaan hubka. View the full article
-
Maamulka cusub ee madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa la filayaa inuu sarkaal hore oo ka tirsanaa qaramada midoobey u magacaabo ergeygiisa geeska Afrika. Jagadan cusub ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu xaliyo qalalaasaha ka jira Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. Jeffrey Feltman, oo horay u ahaa sarkaal sare oo la taliye u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa jagadan loo bandhigay. Haddii la magacaabo, waxaa lagu wadaa Jeffrey Feltman uu wax ka qabto xasuuqa ka socda gobolka Tigeyga iyo guud ahaan dhibaatooyinka ka socda geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xog: Shirkii Afisyoone oo u muuqda inuu fashilmay Shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu guuldarreystay, ugu yaraan maalmaha soo socda, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin. Shirka ayaa fashilmay kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka cadheysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda. QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tidhi “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” Warbaahinta ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro. Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan. Axmed Madoobe iyo Deni oo ka cadhooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn. Qaran News
-
Laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka Puntland, ayaa qarka u saaran in uu ka go’o nawaaxiga buundada Midigar, oo uu dhexaysa caasimadda Garoowe iyo tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal. Laamiga ayaa ka burbursan aga’gaarka buundada Midigar, waxaana go’an hal seed, kadib markii ay waxyeello daran gaarsiiyeen daadad sannadihii la soo dhaafay ku fatahay dooxadaas. Gaadiidka kala duwan ee laamiga isticmaala ayaa cabasho xooggan ka muujinaya burburka wadada oo laga cabsi qabo in uu gebi ahaanba go’do. Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ayaa meel badan ka burbursan, waxase haatan u daran dooxada Midigar, halkaas oo wadada seed dhan maqanyahay. Sidoo kale, shilalka gaadiidka ayaa ku soo batay laamiga dheer, gaar ahaanna inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho. PUNTLAND POST The post Laamiga xiriiriya magaalooyinka Puntland oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o appeared first on Puntland Post.
-
Weerar 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay dalka Maraykanka Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo ka dhacay dukaan Supermarket ah oo ku yaal gobolka Colorado ee dalkaasi Mareykanka xalay saqdii dhexe, xilliga Afrika. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska ayaa waxaa ay dhacdadani ka dhacday dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ee gobolka Colorado ku yaal, waxaana uu intaasi ku daray in ay iminka wadaan aqoonsiga dadka ku dhintay weerarkaasi. Nin boolis xaafadda ah ayaa ka mid ah dadka goobta ku geeriyooday, waxaana lagu magacaabay Eric Talley. Ruux rag ah oo weerarkan lagu tuhunsan yahay ayay boolisku dhaawaceen, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada magaalada. Wali lama sheegin ujeedka ka dambeeya weerarkan, balse waxa ay boolisku wadaan baadhis ku aadan arrintaasi. Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka soo galay kaas oo aan isgoo qofna aan la hadlin xabado bilaabay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo lagu dhameynayey mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labada dhinac. Kulankan oo saacado badan ayaa qaatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xildhibaano & Senataro kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku howlanaa dadaallo la’isugu keeynayo Madaxweyne Qoor Qoor & Madaxweyne Deni. Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye uu dhex-maray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay inay sii socoto wada-shaqeyntooda, maadaama ay daris yihiin. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen labada dhinac oo ku aadan dadaallada socday ee lagu dhameeyey khilaafka Galmudug & Puntland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamadu ay sii socon doonaan, inta ay labada hoggaamiyey kasoo saarayaan war-murtiyeed ku aadan heshiiskooda. Si kastabna ios faham-waaga ayaa yimid, kadib khudbadii uu SiciidDeni ka jeediyey 22-kii Febaraayo ka jeediyey Garoowe, taas oo uu dhibsaday Qoor Qoor oo isagu garwadeen ka ahaa kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb iyo dadaalladii socday ee doorashooyinka.
-
Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka socda Afisyooni
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Magaalada Muqdiho waxaa saacadaha soo socda, gaar ahaan Teendhada Afisiyooni ka furmi doona maalintii labaad shirka wadatashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada. Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka, qaar ka mid ah kuwa dowlad Gobaleedyada iyo duqa Muqdisho. Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa is mari-waaga ka taagan doorashada iyo tabashooyinka ay weli muujinayaan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Si kastaba kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar-wadeyn ka ah Beesha Caalamka iyo taliska ciidamada AMISOM oo damaanac qaaday amniga inta uu socda shirkaasi. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu guuldarreystay, ugu yaraan maalmaha soo socda, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin. Shirka ayaa fashilmay kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka carreysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda. QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tiri “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” Caasimada Online ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro. Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan. Axmed Madoobe iyo Deni oo ka carrooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn.
-
War Saxaafadeed kooban oo xafiiska Qaramada Midoobay ee Unsom uu soo saaray ayaa lagu sheegay in ay ka warhayso kulanka shalay ka dhacay Afisyoono ee ahaa hordhaca. “Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka;” sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu baaqay in la sii wado kulamadan gaar gaarka ah. “Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgalkii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.” Shirka Afisyooni oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka 2021-ka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho. View the full article
-
Waxaa saacadaha soo socda Teendhada Afisiyooni ka Furmi doona Maalintii labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gobaleedyada dalka . Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur galbeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kulama hor dhac ah yeeshay xilli ay ka maqnaayeen Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland . Kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Taliska ciidamada AMISOM . Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Minister of Information Osman Abukar Dubbe has said that he hopes President Deni and President Madobe of Puntland and Jubaland will attend the electoral talks organized on Monday evening by the Federal Government after failing to attend the first day of negotiations. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada ay Dowlada Federaalku ay dhawaan geeyeen Gobolka Gedo ayaa ilaa shalay waday Ugaarsiga Dadka taageersan Jubbaland oo ay u horeeyaan Nabadoonada iyo Guud ahaan Odoyaal dhaqameedka. Saciid Axmed Maxamed oo ka tirsan Shacabka Baledxaawo ayaa Puntlandi usheegay in Ciidamadu ay si arxan daro ah ula dhaqmayaan Shacabka aan taageersanayn Maamulka Farmaajo, waxaana lagu shaabadeynayaa Qofkii aan taageersanayn Farmaajo inuu yahay Al-shabaab. Wuxuu kaloo sheegey in dhib xoogan lagu hayo Beelo gaara, Ciidamada waxaa wata ama la socda Dad Deegaanka ah oo Dadka kala yaqaan , dhibkaan horay waa u jiray hadase maalmahaan waxaa socda wax aan loo dulqaadan karin, Dhalinyarada waa la jir filayaa si ay u hadlaan, ayuu yiri Axmed Beelaha ay kasoo jeedaan Madaxda Jubbaland ee Reer Gedo ayaa si gaara loo ugaarsanayaa, waxaana howlgal cusub oo ay Ciidamadu bilaabeen maalmihii lasoo dhaafay. Puntlandi.com Muqdisho The post Ciidamada Lageeyay Gedo oo bilaabay ugaarsiga taageerayaasha Jubbaland appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2332021.mp3 View the full article
-
Muxuu Sucuudigu ku qasbay inuu heshiis ugu baaqo Falaagada Xuutiyiinta? Waxaa jiray duqaymo xagga cirka ah oo ay geystaan bahda sucuudigu hoggaaminayaa Sacuudi Arabiya ayaa soo jeediyay qorshe nabadeed cusub oo lagu soo afjarayo ku dhowaad lix sano oo dagaal ka socday Yemen.Waxay soo jeedineyaan xabad joojin ay Qaramada Midoobay kormeerto oo u dhaxeysa dowladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo fallaagada Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran.Qorshaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in dib loo furo isku xidhkii muhiimka ahaa ee cirka iyo badda, iyo bilowga wadahadallada siyaasadeed.Fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in dalabku uusan u muuqan inuu meel fog gaadhayo si looga qaado xayiraadda hawada iyo badda ee saaran. Soo jeedinta waxaa caasimada Sucuudiga ee Riyaad kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan oo ugu yeedhayey Xuutiyiinta, kuwaas oo gacanta ku haya dhul balaaran oo Yemen ah in ay ka aqbalaan.Waxa uu sheegay in xabad joojinta ay dhaqan galayso isla marka ay Xuutiyiintu aqbalaan.Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa soo dhaweysay dalabkan, laakiin Xuutiyiinta ayaa sheegay in dadaalkaasi uusan wax cusub soo kordhinin, isla markaana ay ka gaabiyeen dalabkoodii ahaa in gabi ahaanba laga qaado xayiraada saaran garoonka diyaaradaha ee caasimada Sanca, iyo dekedda galbeed ee Xudeyda. “Waxaan fileynay in Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqi doonto dhamaadka xayiraadda dekedaha iyo garoomada diyaaradaha iyo qorshe lagu ogolaanayo 14 markab oo ay hayaan isbaheysigaasi,” madaxa wadahadalada Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.Kooxdu waxay sii wadi doontaa inay kala hadasho Sacuudiga, Mareykanka iyo dhexdhexaadiyahooda oo Cummaan ah heshiis nabadeed, ayuu yiri. Saraakiisha Sucuudiga waxay sheegeen inay talaabooyinkooda kala kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, kuwaas oo sidoo kale dardar galiyay dedaalkooda ku aaddan joojinta khilaaf kaas, oo abuuray dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka.Maalmo ka hor, Xuutiyiinta ayaa diiday qorshe Mareykanku uu ku doonayay xabad joojin dalka oo dhan ka dhacda. Qorshahan nabadeed ayaa durba hirgelintiisu socotaa, iyada oo la isticmaalayo hab diblimaasiyad ahaan aammusan . Waxaana horkacaya Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden. Haddii dhaqdhaqaaqyadan cusubi shaqeyn waayaan, eedda waxaa iska lahaan doona markan Xuutiyiinta. Qaar badan oo ka mid ah qorshayaashii nabadeed ee hore ee Yemen ayaa fashilmay, oo ay ka mid tahay xabad joojinta Sucuudiga ee sanadkii hore, ayay tiri madaxa warfaafinta caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet.Laakiin boqortooyada ayaa hadda bixinaysa waxoogaa tanaasul ah oo ay Xuutiyiintu muddo dheer codsamayeen, ayay raacisayWaxaa ka mid ah furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Sanca, oo hadda ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, in kasta oo xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ay maamulayaan hawada.Sacuudi Carabiya waxay ogtahay in soo afjarida khilaafkan ay mudnaanta siineyso Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, wariyaheena ayaa leh; Boqortooyada waxay sidoo kale dooneysaa inay fududeeyso culeyska xiriirka ay la leedahay Washington ee lala xiriirinayo dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.Haddii dhinacyada dagaallamaya ay ogolaadaan xabad joojinta, waxaa kormeeri lahaa UN-ka waxayna gacan ka geysan doontaa in gogol xaadh loo sameeyo wadahadallo nabadeed. Colaaddan ayaa bilaabatay dabayaaqadii sanadkii 2014, markii fallaagadaasi ay la wareegeen inta badan galbeedka dalka waxaana isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dowladaha carabta ay bilaabeen hawlgal militari oo lagu soo celinayo xukunka madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.Riyaad waxay hogaaminaysay isbahaysi militari oo gudaha wadankaah sanadii 2015 si ay u taageeraan dawlada uu caalamku aqoonsan yahay, laakiin waxay la halgamaysay sidii ay uga saari lahayd fallaagada.Qiyaastii 20 milyan oo qof – saddex meelood labo meel dadka Yemen – waxay ku tiirsan yihiin gargaarka bani’aadamnimada. Ilaa laba milyan oo carruur ah ayaa nafaqo-xumo ba’an ay haysaa.Colaadaha ka sokow, Yemen waxay la kulantay inuu burburay nidaamkeedii caafimaad, taasoo ka dhigeysa inay awoodi weydo inay la tacaasho cudurka faafa ee coronavirus. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha dalka Mareykanka, kadib markii uu nin hubeysan weerar toos ah ku qaaday suuqa King Soopers ee magaalada Boulder oo ka tirsan gobolka Colorado. Weerarka ayaa waxaa xigay iska hor imaad qaatay saacad, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo ninka weerarka geystay. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari ka tirsan ciidamada ammaanka, sida uu shaaciyey Maris Herold oo ah taliyaha Booliska magaalada Boulder. Booliska ayaa goor dambe soo afjaray weerarkan oo si toos looga daawanayey Youtube-ka, waxaana gacanta lagu dhigay nin dhaawac ah oo lagu tuhmayo toogashadaasi. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis oo u warramay warriyeyaasha ayaa sheegay inay murugada la qeybsanayaan dadka gobolka ee dhibaatadu gaartay. Kadib dhacdan ayaa waxaa si toos ah loola wadaagay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo looga warbixiyey toogashada ka dhacday gobolka Colorado. Bilihii u dmabeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada toogashada ah ee ka dhacaya wadanka Mareykanka, waxaana arrimahan ay kusoo aadayaan, iyadoo bishii hore, Biden ballan qaaday in uu sameyn doono sharci lagu baarayo taariikhda dadka iibsanaya hubka.
-
DUBAI, United Arab Emirates — Saudi Arabia on Monday offered a cease-fire proposal to Yemen's Houthi rebels that includes reopening their country's main airport, the kingdom's latest attempt to halt years of fighting in a war that has sparked the world's worst humanitarian crisis. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka Bari. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee ciidamada Booliska oo ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari. Taliye Xuseen wuxu ugu horayn Taliyaasha Saldhigyada Qeybohooda kala duwan ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameyeen Ciidamada Booliska iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka. Dhinaca kale Taliye Xuseen ayaa u mahadceliyay dhamaan sarakiisha kala duwan ee Booliska isagoona ugu baaqay in ay dardar lixaadleh ay galiyaan amaanka isamarkaana bulshada ay ugu adeegaan si wanagsan iyagoo racaya timaamo uu siiyay madama bulshada ay shaqada ay u hayaan ay tahay mid waajib ah. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay xaqiijinta amniga Gobalka Bari iyo Kala warqaadashada Lamaha Booliska. Taliyaha Qeybta Ayaa Bulshada Magaalada Bosaaso ka codsaday in ay gacan ka siyaan ciidamada xaqiijinta amaanka si looga hortago kuwa sameeya dhibaatootinka. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Amniga oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
