Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia's Federal Member State Presidents met at the Airport Hotel in Mogadishu on Saturday to discuss the ongoing political crisis without representatives from the federal government. Source: Hiiraan Online
  2. Two suicide bombers detonated explosives outside a Catholic church in the Indonesian city of Makassar, wounding fourteen people on the first day of the Easter Holy Week, the country’s national police said. Source: Hiiraan Online
  3. Garowe (Caasimadda Online) – Ciidamo gadoodsan oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa muddo ku dhaw hal toddobaad waxey isbaaro dhigteen waddada xiriirisa Garowe iyo Gaalkacyo, sida ay wararka nagu soo gaarayaan. Ciidamadaan oo aan tiradooda la sheegin ayaa ka cabanaya ineysan helin xuquuqdooda, waxeyna masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland u diideen iney isticmaalaan laamiga dheer ee labada magaalo isku xira. Ciidanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug. Qaar ka mid ah saraakiisha oo aan magacooda la shaacin ayaa la hadlay warbaahinta, waxeyna sheegeen ineysan ka tagi doonin halkaas inta laga siinayo xuquuqda kaga maqan maamulka uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka aan heleyno sidoo kale waxaa ka mid ah in ciidamadaan ay u diideen inuu wadada isticmaalo wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo doonayay inuu wadadaas isticmaalo. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa la sheegay iney kusii jeedeen Gaalkacyo, balse waxaa warar dambe ay sheegayaan iney diyaarad ku aadi doonaan halkaas.
  4. Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Africa AMISOM ayaa qaatay wajiga 1-aad talaalka Cudurka Saf marka ee Covid-19, taasi oo qayb ka ah mashruuca talaal oo lagua dagaalamayo Cudurkaas. ”Tani waxa ay kamid tahay wajiga 1-aad ee socda oo ah mashruuca qaran ee talaalka lagala dagaalamayo Covid-19″, Sidaa waxa yiri Cidanka KDF shalay oo Sabti ahayd. View the full article
  5. Garowe (PP News Desk) — Puntland State soldiers complaining of unpaid salaries have set up roadblocks in different spots of Garowe-Galka’yo road, not too far from Harfo area. Mutinous officers told Puntland Post that “roadblocks will remain in place until Puntland State Government pays our salaries.” Soldiers claimed that they prevented Puntland Finance Minister Hassan Shire from travelling on the road for business. In 2020 Puntland State Government introduced a biometric system to weed out phantom soldiers. A senior Puntland State Government official involved in the security reform told Puntland Post reporter that “if soldiers are legitimately on the government payroll, they must be paid on time.” © Puntland Post, 2021 The post Mutinous Soldiers Put Roadblocks in Garowe-Galka’yo Road appeared first on Puntland Post.
  6. Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq. Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha. Natiijo la’aan iyo fashil ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ee ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xubno ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay. Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah. View the full article
  7. (SLT-Garoowe)-Ciidamo gadoodsan oo mushahar la’aan ka cabanaya ayaa muddo toddobaad ku dhow qabsaday waddada xidhiidhisa Garoowe iyo Gaalkacayo. Wafti heer wasiir ah oo la filayay i ay gaadhaan degmada Xarfo ee gobolka Mudug, si ay ciidamo tababar ugu soo xidhaan ayaa ka baaqday halkaasi. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland ay qorshaynayaan iney diyaarad ku tagaan Gaalkacyo. Source
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2832021.mp3 View the full article
  9. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa markale Isugu yeeray xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii uu Fashilmay Kulankii Shalay . Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariin ah in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka berri oo Isniin ah , iyadoo kulanka looga hadlayo Ajendahii Shalay Fashilmay ee Covid-19. Subaxnimada Isniinta 9:00 ayaa la balamiyay xildhibaanada, Fariinta loo diray ayaana ah sidan : M.ne Xil Beri oo Isniin ah oo ay Tar 29 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Caabuqa COVID19 2. u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha Saacadu waa 09:00 subaxnimo. Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaar kood diiden Ajendaha Kulanka oo ahaa ka hadalka Covid-19 . Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xalay 15 Xidhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Shaqada ka joojiyay, isagoo sheegay in xildhibaanadiisa ay ka dambeeyen in uu shalay baaqdo Kulankii Baarlamaanka Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-As many source of information mentions, there is online gang media group that prepared a plan to embezzle the funds that the Somaliland National Electoral Commission (NEC) intended for media awareness campaign and the broadcasting of news, that related to these elections. However, the group, which pretends to be Somaliland’s online media representatives , is said to have devised a plan to steal the money, submitting to the electoral commission a list of fake websites and fake vouchers. And by the way NEC is not aware of that. The group, which operates under the auspices of the Somaliland Online News Network, is only waiting for the Electoral Commission to pay the money, and it seems their plan of embezzlement of awareness funds have worked to them. On the other hand, some news websites in Somaliland have strongly opposed the theft of this small group, and they blamed the Somaliland National Electoral Commission’s media department and the way they approached this informal incident. And They called on NEC to reconsider this issues otherwise they will mention the names of these gang media group. Source
  11. Ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa mudda todobaad ku dhow isbaaro u taal laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo. Cutubyo ka tirsan ciidanka gadoodsan, oo ka cabanaya xuquuq iyo mushahar ka maqan ,ayaa u diiday mas’uuliyiinta Puntland in ay isticmaalaan Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaanna nawaaxiga degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug. Saraakiisha Ciidanka ayaa Puntland Post u sheegay in aysan halkaas ka tegi doonin inta laga siinayo xuquuqda ka maqan, islamarkaana aysan mas’uuliyiinta dowladda u ogolaan doonin isticmaalka Laamiga. Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in ay is hor-taag ku sameeyeen Wasiirk Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, balse safarkiisa uga baaqday xirnaanta Laamiga. PUNTLAND POST The post Ciidamo gadoodsan oo isbaaro dhigtay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan xasaasiya, kadib xiisad shalay ka dhalatay kulan ay mudaneyaasha golaha iskugu imaadeen, kaasi oo ugu dambeyntii lagu kala dareeray. Xildhibaanada ayaa maanta waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah uu goluhu leeyahay kulan, iyada oo ajendaha kulankaas lagu sheegay Saameynta Covid-19 iyo Cod u qaadista xubnaha guddiga madax-banaan ee xaduudaha. Fariinta uu guddoonka u kala diray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan, waxaana soo baxaya dareeno ku xeeran kulankaasi, waxayna xildhibaanada qaar muujiyeen in kulanka berri uu ku hoos qarsan yahay wax ay ugu yeeren ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’. Kulankaan ayaa waxaa ka maqnaan doona xildhibaanada mucaaridka, kuwaasi oo xalay Guddoomiye Mursal ka joojiyey ka qeyb-galka 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay hor-istaagida qabsoomida kulankii shalay. Kulankii shalay ee golaha shacabka ayaa waxa ka dhashay sawaxan iyo buuq hor leh, kadib markii ay xildhibaanada mucaaridka ah ay muujiyeen tuhun la xiriira in muddo kordhin loo sameynayo madaxweynaha iyo sidoo kale baarlamaanka federalka Soomaaliya. Xildhibaannadaas ayaa sheegay in hoolka golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo u dhici lahaa sidii loo qorsheeyey lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID-19. Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in guddoomiyuhu saxiixay in illaa 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka aysan ka soo qeyb-geli karin kulamada soo socda ee golaha. Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay ka soo qeyb galka kulamada soo socda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Tallaabadan xasaasiga ah ayaan la ogeyn awoodda Mursal u hayso inuu sidaas sameeyo. Si kastaba, kulankaan uu shaaciyey guddoonka ayaa imanaya xili uu sheegay inay xubnaha mucaaridka aysan kasoo qeyb-gali karin, waxayna xildhibaanada mucaaridka wacad ku mareen inay xaadiri doonaan kulamada golaha, midaasi oo dab kusii shideysa xiisada taagan.
  13. Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Amiirkii Qaraxyada u qaabilsanaa Al-shabaab. Qoraal ay soo saareen Taliska kumaandooska Danab ayay ku sheegeen in Amiirkaas lagu dilay hawlgal qorshaysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay tuulada Buula-xaai oo ka tirsan degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose. Amiirka la dilay magaciisa ayaa lagu sheegay Ismaaciil Jiis, waxaana sidoo kale hawlgalka ku dhintay in ka badan 10 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Danab. PUNTLAND POST The post Amiirkii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo hawlgal qorshaysan lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  14. Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay albaabka Kaniisad ku taal magaalada Makassar ee dhacda koofurta Indonesia. Wararku waxey intaas ku darayaan in hal qof ku dhintay qaraxa oo dhacay subaxnimadii maanta. Afhayeenka laamaha amniga ee dalkaas ayaa u sheegay warbaahinta in dadkii dhaawacay oo ay ku jiraan ilaaladii kaniisadda, loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo daweeyo. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in laba qof oo watay mooto ay isku dayeen inay xoog ku galaan kaniisadda, markii loo diidayna mid ka mid ah is qarxiyay. Guddomiyaha magaalada Makassar Maxamed Bomanto ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, isagoo ballan qaaday in ciidamada ammaanku qaadi doonaan tillaabo lagu sugaayo amniga magaalada. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Indonesia appeared first on Puntland Post.
  15. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la ogaaday weeraryahanka ay diiradda saaran doonto, kaasoo ay u aragto bedelka Lionel Messi haddii uu kabtankeeda uu ka tago garoonka Camp Nou. Naadiga reer Calatonia ayaa u kabo gashan doonta sidii ay ula soo wareegi lahayd Erling Haaland haddii Messi uu go’aansado inuu ka tago Barcelona. Xiddiga xulka qaranka Argentine ayaan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou, waxaana jira suurtogalnimo ay Barca ugu dhaqaaqi karto ciyaaryahanka Dourtmund, haddii Messi uu ka tagayo kooxda reer Spain. Sida ay warinayso Jariiradda AS, Erling Haaland ayaa loo aqoonsaday inuu yahay mudnaanta koowaad ee suuqa kala iibsiga Barcelona haddii Lionel Messi uu go’aansado inuu baxo dhammaadka xilli ciyaareedkaan. Madaxweynaha cusub ee Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman ayaa isbuucaan kulmi doona si ay uga wada hadlaan arrimaha kooxda, iyadoo mustaqbalka ciyaaryahanka reer Argentine uu ku sii dhawaanayo in laga wadahadlo. Haddii uu ka tago Camp Nou xagaaga, Barca waxa ay u baadi goobeysaa xiddiga Kooxda Dortmund; laakiin imaanshihiisa ayaa ku xirnaan doonta Messi oo hadii uu kabtanku go’aansado inuu sii joogo Weeraryahanka Norway ma imaan doono Camp Nou. Source: goobjoog.com
  16. Waxaa goordhaw Hotel ku yaalla gudaha Xerada Xalane Shir uga furmay madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare . Kulanka oo looga hadlayao xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar ah arrimahad doorashooyinka ayaa u dhaxeeya Hogaanka sare ee madasha Bad baado Qaran iyo Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan oo gogol xaar sidoo kale u ah shirka arrimaha doorashooyin ee loo dhan yahay ayaa Madaxda labada dhinac waxa ay kaga wada hadlayaan dejinta Ajenda leeysla ogol yahay oo looga hadlo shirweynaha wadatashiga Doorashooyinka. Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaano ka tirsan gobolka sool Yaasiin Faratoon, ayaa u tartamaya musharaxnimada golaha wakiilada somaliland Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa iska casilay xilka uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa dadaal iyo olole kula jira booska uu is-casilay ee arrimaha dibadda Somaliland, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo aanu helnay. Wasiir Koore Iyo Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanadda Guumays, Yeyle Iyo Goljanno oo ka tirsan gobolka Sool. Yaasiin Xaaji Maxamuud, ayaa xukuumadu ku wadaa inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiiladda somaliland balse waxa tartan xooggan kula jira labo musharax oo isku hayb yihiin kuwaas oo kala ah musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Prof. Abyan Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI Source
  18. Sida wararku ay sheegayaan waxaa hakad uu ku yimid wadahadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling ee Kooxda Manchester City. Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay in wadahadalladii heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo Kooxdiisa Manchester City ay hakad galeen. Hakadka ku yimid wadhadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo kooxdiisa reer England ayaa lagu sababeeyey labo arrin oo ay tan koowaad tahay inay xiddiga asal ahaan ka soo jeeda Jamaica ay labo waddo kala raaceen wakiilkiisii. Garabka xulka qaranka England ayaa isaguna doonaya in sare loo qaado mushaharkiisa haatan uu ka qaato Kooxda Man City oo la gaarsiiyo todobaadkii 320,000 oo gini si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub oo shan sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Etihad. Source: goobjoog.com