-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
‘Hold MBS accountable’: World reacts to US Khashoggi report
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
US intelligence agencies have concluded in a new report that slain Saudi journalist Jamal Khashoggi was murdered by a Saudi hit squad operating under the command of Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman (MBS). Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48 saacadood ee la soo dhaafay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48 saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof. Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 147 Ruux Gobolka Banaadir, 77 kamid ah degaannada Hir-Shabeelle, Soomaliland 53 Ruux, Jubbaland 15 qof halka Galmudug laga diiwangeliyay 7 qof. Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 18 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 119 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriooday 48 saac ee la soo dhaafay 8 Ruux halka saddex Ruux kaliya ay ka bogsadeen. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay Tirada dad hor leh oo u geeriyooday Cudura halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo kamid ahaa bukaano uu la jiifay oo uu mar hore ku dhacay. Warbixinta maalinla ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 qof oo tirada dalka COVID-19 ugu dhimatay Soomaaliya ka dhigeysa 231 ruux. Cudurkan ayaa si weyn ugu faafaya caasimada dalka ee Muqdisho iyo sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabele. Dadka ayaa u muuqda inaysan dhag jalaq u siineyn fariimaha ay gudbinayaan dhakhaatiirta maadaama dadku ay is dhex socdaan isla markaana aan la dhagaysan talooyinka dhakhaatiirta.
-
Xukumadda S/land oo Shaacisay in Dadka ugu Badan ee Dhulka Danta Guud Boobaa Yihiin Ganacsatada Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee boobta dhulka danta guud ay yihiin ganacsatada, isaga oo ugu digay in ay faraha kala baxaan boobka dhulka danta guud ah, haddii kale laga qaadi doonto talaabo adag. Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay mar ay kormeer ku tageen isaga iyo ku xigeenkiisu qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo kulmo kala duwan la qaatay masuuliyiinta degmooyinkaasi. Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmooyinku si wada jira uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta dhulka danta guud ah. Guddoomiye Jaamac, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee dhulka danta guud boobta ay yihiin ganacsatada, waxaanu sheegay haddii ay ka waantoobi waayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan. “Dadka ugu badan ee waddooyinka cidhiidhyaya isla markaana doonaya in ay jidadka xidhaan waa ganacsato, waxaa aanu leenahay gacan adag ayaanu ku qabanaynaa, waxaa weeyi hadhaw in aad baryootanto oo aad tidhaaho dhisma la iga dumiyay oo hanta ayaa iga gashay wax aanu aqbalayno maaha ee cagaf ayaanu galinaynaa qofkii wadada ku soo xadgudba, waxaa aanu og nahay meelo la seesay, waxaa aanu joojinay meelo dhismayaal ka socdaan, waxaanu soo baabi’inay meelo sarfayn laga saaray, guud ahaana qorshayntii dhulka waala joojiyay, amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu joojiyay” Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamax Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ku amray guddoomiyayaasha degmooyinka ilaalinta dhulka danta guud, maaddama lagu jiro wakhti kala guur ah“Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano, abniga, gaar ahaan degmaddan aad masuulka ka tihiin. Doorashooyinbaynu galaynaa dadkeenuna caddaw badan ayuu leeyahay, aad iyo aad in aynu u feejignaano oo aynu libin laabno ilaalinta nabadgelyadda. Danta guud waa wax Qaranku wada leeyahay, wax dawladda oo qudhihi leedahay maaha ee waa wax bulshada Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaa jirta in xilliyadan danta guud ah la isku dayo in meelaha danta guud ah la boobo, annagu waxaa aanu diyaar u nahay in aanu kormeerno oo ilaalino, oo degmooyinka kormeerno, oo cidii isku dayda in ay ku xadgudubto danta guudna aanu sharciga horgayno, idinkana waxaa aanu doonayna in shaqadii aad hayseen aad libin laabtaan, kana wada shaqayno sidii aynu danta guud u wada ilaalin lahayn.” “Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in ay socoto hawshii kormeerka wakhti xasaasi ahna lagu jiro, dhulka danta guud ah iyo waddooyinka cidkasta oo ku dhaqaaqaysa arrimaha noocaas ah waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan. Annaga oo fulinayna amarka madaxweynaha oo guddoomiyihii iyo ku xigeekiisi wakiil nooga yihiin waanu fulinayna ilaalinta dhulka danta guud”Ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur. Qaran News
-
Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay bixiyey ruqsada adeegga lacagaha taleefoonnada EVC Plus ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ruqdasan ku bixiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Bixinta ruqsada adeeggan ayaa ka dhigan in isku dirista lacagaha talefoonnada ay tahay mid sharciyeysan oo hoos imanayso Bankiga dhexe ee dowlada Soomaaliya. Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in lacagaha la iskugu diro talefoonnada uu yahay hannaanka koobaad ee lacagaha lagu kala gudbiyo gudaha dalka. Adeegga EVC Plus ayaa markii ugu horraysay shirkadda isgaarsiinta Hormuud soo bandhigtay sannadkii 2011kii. PUNTLAND POST The post Adeegga EVC Plus oo la sharciyeeyay appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi. Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Dhaxalsugaha Boqortoyada Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman uu ansixiyay dilki saxafigii Jamal Khashoggi oo lagu diley dalka Turkiga sanadkii 2018. Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar “Tani waa sheeko dheer oo dhab ah oo soo daahday oo ku saabsan naxariis darada iyo sharci la’aanta kaligii taliyihii Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wixii horeyba u muuqday hada waa mid aan la cadeyn karin: MBS iyo maamulka Sacuudiga ayaa si toos ah masuul uga ah dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waana in lala xisaabtamo.” “Waa nabar madow oo damiirka ummaddeena ah in kii hore”Trump” ee deganaa Aqalka Cad uusan kaliya la shaqeyn oo maalgelin siinin dowladda Sacuudi Carabiya-laakiin wuxuu ku faanay inuu daboolayo dilka Mr. Khasshogi. Laakiin musuqmaasuqu wuu sii qoto dheer yahay. Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu indhaha ka qarsaday cabudhinta Sucuudiga ee haweeneyda, taageerada addoonsiga casriga ah, xarigga dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo ku lug lahaanshaha weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dhulka Mareykanka taariikhda, Sebtember 11. Waxaan u oggolaaneynaa ujeeddooyinkeenna boqortooyo, ku tiirsanaanta shidaalka shidaalka iyo maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa inay xushmeeyaan xushmadda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo danaheenna qaran ee dhabta ah.” “Maanta waa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadeena ku wajahan Sacuudiga. Waxaan ku faraxsanahay in Aqalka Cad uu qiray dambigan, marka lagu daro joojinta taageerada dambiyada Sacuudiga ee ka dhanka ah aadanaha ee Yemen.”ayay sii raacisay. “Mareykanku waa inuu si joogto ah ugu istaagaa xuquuqda aadanaha iyo sharafta aadanaha adduunka oo dhan – ma ahan oo keliya markay ku habboon tahay.”
-
Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi. Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. View the full article
-
Bankiga dhexe ee dalka ayaa maanta shatiga siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la’iskugu diro taleefoonada Gacanta Munaasbad kooban oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo marki ugu horeeysay maanta lagu bixiyay shatiga lacagaha taleefanada la isugu diro ee Shirkada Hormuud. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaalle Beyle oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya. Guddoomihaha Bangiga dhexe ee dalka Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga dhexe labadi sano ee ugu danbeeysay uu waday nadaamka habeenta maaliyadda dalka, isaga oo shati guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horeeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro. View the full article
-
Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo laga sameeyay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose. Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka howlgalka AMISOM, Don William Nabasa, ayaa sheegay in Xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgallo laga sameeyay Degaanada Mishaani iyo Doonka Daafeedoow ee Gobolka Sh.Hoose. Taliye William Nabasa ayaa xusay in howlgalladan ay si wadair ah u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Affrika ee AMISOM. Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay soo saareen miinooyin lagu aasay wadadda qarkeeda, isagoona tilmaamay in Ciidamada huwanta ay qarxiyeen miinooyinkaasi, si aysan ugu waxyeeloobin Shacabka Gobolka Sh.Hoose. Dhinaca kale, Safiirka Midowga Afrika, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada huwanta in ay sii wadaan howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab. Ugu dambeyn, Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa shaaciyay in howlgallada nuucan ay yihiin kuwa lagu sugayo amniga Gobolka Sh.Hoose oo inta badan ay weeraro gaadmo ah ka fuliyaan Ururka Al Shabaab. View the full article
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Allaha u naxariistii Ugaaskii Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa Shalay lagu aasay Duleedka Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan. Ugaaska ayaa maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ugu geeriyooday wadno xanuun kusoo booday sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka. Arrinta ugu hadal heynta badan ayaa ah dhaqanka Beesha Xawaadle oo ah in marka uu Ugaaska ka dhinto uu xilkiisa si kumeel gaar ah usii hayo Ugaaska Beesha Cayr taasoo ah dhaqan soo jireen ah oo ay leedahay Beesha Xawaadle. Dhaqankaan ka dhaxeyo Beelaha Cayr iyo Xawaadle ayaa waxay idaacadda BBC-da ka wareysatay Cali Daahir Xerow oo ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa marxuum Ugaas Xasan wax badanna ka yaqaan dhaqankan. Cali Daahir Xerow ayaa sheegay in dhaqankaan uu soo bilowday 11 Bishii 12-aad sanadkii 2004 markii uu dhintay Allaha u naxariistee Ugaaskii Beesha Cayr Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, wuxuuna sheegay in maalintaas wixii ka dambeeyey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaskii ugu horeeyey ee ka qeyb galo aaska Ugaas Maxamed uu halkaas kaga dhawaaqay inuu sii ahaan doono Ugaaska kumeel gaarka ah ee Cayr inta laga duubayo Ugaas cusub. Cali Daahir ayaa sheegay in Ugaaska Beesha kale uu sii heyn doono xilka Ugaasnimada inta ay asaayda ka dageyso xaaska uu ka dhintay Ugaaska Beesha kale, wuxuuna sheegay inuu xilkaas sii heyn doono muddo asaayda oo ah 4 Bil iyo 15 casho. Wuxuu intaas ku daray in Ugaaska sii hayaha ah ay shaqadiisa noqon doonto inuu xaliyo wixii xurguf ah ee soo kala dhex galo Beelaha Cayr iyo Xawaadle, wuxuumay tilmaamay inuu qaadi doono Mas’uuliyad aad u weyn. Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaan oo dhameystiran
-
Source
-
Heshiiskii ay wada-gaareen dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu noqday mid taariikhi ah oo ay ka mahad-celiyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii horeba ka wal-walsanaa rabshado iyo qalalaase ka dhaca gudaha Caasimadda. Munaasabad lagu taaagayarayey heshiiskaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb-galeen, waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada. Nabadoon Hilowle Macalin, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble iyo Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa hambalyo u diray siyaasiyiinta gartay qiimaha uu leeyahay heshiiska, iyaga oo farta ku guday in wax weliba lagu dhameeyo wada -hadal. Ugu dambeyn kulanka taageerada ah waxaa soo xiray Garaad Cabdiqani oo aha la-taliyaja duqa magaalada Muqdisho ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqanka. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag ee magaaladaasi. Marxuumka ayaa waaa lagu magacaabi jiray, Macallin Cismaan Cabdikariin, waxaana meydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga la dilay. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga, balse waxaa socda baaritaano dheeraad ah oo wadaan ciidamada Booliska magaaladaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. View the full article
-
Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalmo guddahood, waxa ka soo yeedhay hadallo cadho ka muuqato, xilli lagu jiro u diyaar-garowga doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, oo xamaasadeedu taagan tahay wakhtigan. Cabdikariin Xinif oo ah Xubin firfircon oo ka tirsan Kulmiye ahna, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha, ayaa isaga oo gacanta lulaya oo cadho ka muuqato, waxa uu madal lagu soo bandhigayey murrashaxiin Kulmiye ka tirsan oo si cad ugu eedeeyey Wasiirro hore oo ay isku deegaan yihiin in dadkii deegaankooda ay wada geeyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo ay Xildhibaanno badan iska sharaxeen, xilli uu halkaas fadhiyey Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, “Waa ayaan darro in raggii shalay Xisbiga Kulmiye Wasiirrada ka ahaa, in maanta iyaga oo leh Kulmiye ayaanu nahay dadkii wada geeyaan UCID, oo ay U ololeynayaan.” Ayuu yidhi Mr. Xinif oo ay ka muuqatay duruuf Siyaasaddeed oo uu kala kulmay deegaannada Bariga Burco, kuwaas oo si lama Filaan ah Murrashaxiinta dadka deegaanku wateen ee taageerada haystay looga sharaxay Xisbiga UCID. Xinif oo sii hadlaya ayaa ku tilmaamay tallabadan dadka iska sharaxay Mucaaradka oo uu u nisbiiyey in ay ka shaqeeyeen tegitaankooda Wasiirro hore, oo uu madasha ka fadhiyey Maxamuud Xaashi, mid aan sax ahayn, waxaanu yidhi “Sax maaha Kulmiyenimo-na maaha, wax wada lahaansho-na maaha, isixtiraam-na maaha. Ragga Xilka hayana lama ixtiraamayo, deegaannada ay ka soo jeedaana malaha ixtiraamayo. Sida saxda ahi waxa weeye la shaqee ninka maalintaasi jooga” Hadal kale oo cadho ka muuqatay, ayaa waxa uu isna ka soo yeedhay Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Xisbuga Kulmiye Axmed Cabdi Dheer, kaas oo ka fal celinayey eeddo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukumaddiisa, waxaanu yidhi “Haddii Afku Xumaado Gacanbaa Timaada,Faysal Cali Waraabe Waxaan Leeyahay Madaxweynihii Xildhibaanada Wakiilada Iyo Guurtida Aad Amaanaysey Shalay, Maanta ha Caayin Sidaa Dooorosho Ku Dhici Maysee”. Haddalada Masuuliyiintan Kulmiye, ayaa u muuqda kuwa ka dhashay Weji cusub oo ay yeelatay siyaasadda Xisbiyada Somaliland, xilligan lagu guddo jiro hawlaha doorashada. Arrintan Kulmiye lama filaanka ku noqotay, ayey dadka siyaasadda lafo guraa ay tilmaamayaan in ay tahay Xisbiyada Mucaaradka oo si weyn uga shaqaystay suuqa amma deegaankii uu Xisbul Xaakimku, awoodda badan ku lahaa oo Beelaha qaarkood ay Murrashaxiintoodii geeyeen. Xisbiga UCID, ayaa isagu u muuqda mid kasbasho iyo Xidhibaanno deegaannadoodu wataan ka helay deegaanno dhawr ah oo laga taageeri jiray Kulmiye Source
-
Al-Shabaab oo weerar khasaar geystay ka fuliyey dalka Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, kaas oo ay fuliyeen rag ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday ciidamo Kenyaan ahaa oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barrow oo ka tirsan Mandera. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkaasi, waxaana shaacisay inay ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka dalka Kenya oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid dedgan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article -
PRESS RELEASE WHO launches first Mass Casualty Management (MCM) training in Addis Ababa Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training ADDIS ABABA, Ethiopia, February 26, 2021/ — WHO Emergency Medical Team (EMT) in collaboration with WHO Academy held the first Mass Casualty Management (MCM) training course in Addis Ababa, Ethiopia on February 8–11, 2021. The training was facilitated in collaboration with the Ethiopian Ministry of Health (MoH) and WHO Ethiopia. Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training. In his opening remarks at the launch of the training, Director-General of Medical Services of the Ministry of Health Dr. Yakob Seman said, “The training aims to strengthen the capacity of health care workers to manage mass casualties more effectively, and will help them develop their respective health facilities’ casualty management plan.” Mass casualties following disasters and significant incidents are often characterized by quantity, severity, and diversity of injuries that can rapidly overwhelm local medical resources’ ability to deliver comprehensive and definitive medical care. MCM addresses health staff’s coordination and actions in an emergency unit in the first 30 minutes after a mass casualty incident has been declared. Effective MCM is a complex partnership involving the Ministry of Health, other government sectors, agencies, the private sector, and others working together to reduce the impacts and adverse outcomes of mass casualty incidents. Participants expressed their appreciation of the training, stating that they leave the training better equipped to properly manage casualties and save lives. Dr. Gelaw Hailemariam, a participant from Jimma University Hospital, said that the practical training has already given him concrete ideas on how to prepare a MCM plan for his hospital in addition to improving his overall knowledge of MCM with examples of good MCM practice. At the end of the training, Dr. Nelson Olim, WHO Academy Simulation Lead, congratulated the participants on their successful learning achievement in the WHO Academy MCM programme. Dr. Olim also appreciated the collaboration with WHO Ethiopia and WHO African Region for the smooth conduct of the training, confirming that the WHO Academy MCM Programme looks forward to supporting the national rollout of the programme. The training is part of the programme that is being rolled out by the WHO Emergency Medical Team Africa Training Center in Addis Ababa, which will be officially launched by mid-2021. Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO) – Ethiopia. View multimedia content SOURCE World Health Organization (WHO) – Ethiopia Qaran News
-
Baajinta uu ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble baajiyey dibadbaxyadii Jimcaha iyo heshiiska dab biyo ku shubidda ahaa ee uu la galay musharaxiinta madaxweynaha iyo qaabka ay arrintaasi usoo dhoweeyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay soo dedejisay su’aasha ah ‘Sidee Rooble ku Qaadan Karaa Kaalinta Hoggaamineed Ee Marxaladda Kala-guurka?! In uu qaato kaalin hoggaamineed marxaladdan waa mid ku jirtay barnaajimka xukuumadda Maxamed Rooble, uuna ka hor sheegay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah September 23, 2020 khudbadii uu ku raadinayey kalsooni siinta isaga oo yiri ”Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga go’an in aan soo dhiso xukuumad talo leh oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee jira dalkeenna Soomaaliya, marlaxaddan dalka ku jirana ka gudbisa, gaarsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay”. Haddaba, idaacadda Goobjoog ayaa su’aashaasi kore waxaa ay hordhigtay aqoonyahan iyo falanqeeyeyaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo Rooble kala hadlay sida uu ku noqon karo mas’uulka ugu sareeya ee hoggaanka marxaladda kala guurka. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo wax laga weydiisay kaalinta hoggaamineed ee ra’isul wasaare Rooble qaadan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri” Sharci ahaan dastuurka isaga ayuu siinayaa, oo awoodeedu waa uu leeyahay, laakin inuu garanayo ma hubo, oo haddii uu garanyo intan la islama gaarteen, waxaan qabaa waxaa uu is leeyahay Farmaajo haddii uu soo noqdo mar kale ra’isul wasaare hakaa dhigo, haddii hunguri sidaa ah uu Rooble ku jiro, waxba ma qaban karo, oo hoggaan ma noqon karo, ee waxaan usoo jeedinayaa inu u garto awoodihiisa dastuuriga ah ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed isla markaana ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in xasiloonida Muqdisho iyo in la aado doorashada guud intaba ay ku xiran tahay sida Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta uu u qaado kaalintiisa hoggaamineed ee dastuuriga ah isaga oo intaa raaciyey ” Rooble ma noqon karo nin madaxbannaani iyo awood leh, oo hoggaan u noqda maxlamadda kala guurka inta Farmaajo uu sii heysto awoodaha qodobka 90-aad ee dastuurka ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka hadlay sida ra’isul wasaare uu u noqon karo hoggaanka marxaladda taagan ayaa waxaa uu yiri ” Rooble waa inuu noqdaa nin madaxbannaan, uuna isticmaalo awoodda dastuurka siiyey gaar ahaan kuwa xukuumad xil gaarsiinta, oo aanu noqon nin nin kale ku dhex jira ”. Dhanka doorashada iyo hoggaaminteeda waxaa uu Prof Xasan Sheekh Cali Nuur hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ” Waa inuu Rooble magacaabaa koox la taliyeyaal ah, oo uu abuuraa kalsooni, waana inuu tagaa Kismaayo iyo Garoowe, isaga oo aan ka socon Farmaajo, una sharaxaa aragtidiisa la xiriirta hoggaaminta dalka ee marxaladda kala guurka, uuna meel hoose kasoo bilaabo ”. Dhankiisa, Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah cilmi baare iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay hoggaaminta uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble yeelan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri ” Waa In ras’isul wasaare Maxamed Rooble uu xilkiisa iyo awoodihiisa dastuuriga ah garto , hadda ma garanayo e, awoodda xukuumadda ee waddanka looga saarayo marxaladda kala guurka ee dastuuriga ah waa isaga, waa inuu soo ceshtaa awoodahaas ka maqan, oo uu ka baxaa inuu yahay gacan yaraha madaxtooyada ”. ‘Beesha caalamkana waa iney Rooble gacan ku siisaa inuu helo awoodaha hoggaanka ee marxaladda kala guurka’ ayuu intaasi raaciyey Prof Maxamed Xaaji Ingiriis. Ugu dambeyntii, Maxamed Maxamuud Cadde ah falanqeeye siyaasadeed oo arrintan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Waa inuu shir isugu yeeraa dhamaaan saamikmleyda siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah iyo madaxweyeyaasha Galmudug iyo Hirshabelle in aaney ka shaqeyn ama taageerin mowqif ka duwan kan deegaanadooda, ma taageeri karaan Farmaajo. Haday diidaana in aan shirka laga qeyb galin oo laga tashado, haddii sidaas la yeelo waxaa suurowda in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo dhan ”. Haddaba, Maxamed Rooble oo magacaaban ku dhowaad lix bil ayaan la ogeyn sida uu uga dhabeyn doono hadalkiisa ah inuu ka shaqeyn doono kala guurka iyo xataa talooyinka la siinayo ee uu ku noqon karo hoggaamiyaha marxaladdan. W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye
-
Maxamed Bin Salmaan waa in cunaqabateyn lagu soo rogaa” Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceysay go’aanka Mareykanka ee ku aadan in wax cunaqabateyn ah uusan kusoo rogin dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib arrinta ku saabsan in lala xiriiriyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Agnes Callamard oo ay Qaramaday u xilsaartay arrintaas ayaa sheegtay in arrin xun ay tahay in tallaabo laga qaadi waayo Maxamed Bin Salmaan. “Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro” Hadalka Agnes Callamard ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan wuxuu mar kasta beeniyaa in wax lug ah uu ku lahaa dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Qaran News
-
Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-sugahaAwoodda badan ee boqortooyada Sucuudiga Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018. Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka. Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka. Haddaba waa kuma Maxamed Bin Salmaan? Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- -Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. -Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). -Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Hoteelkan oo ah mid loogu tala galay raaxada waxaa bilooyin ku xirnaa amiirro uu Maxamed Bin Salmaan xarigooda amray Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga. Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka. Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS) Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano. Amiir Al Waliid bin Talaal wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dunida ugu hodansan, sawirkanna waxaa laga qaaday isagoo ku xiran hotelka Ritz Carlton. Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada. Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka ugu haboon ee mudnaanta ku leh taajka. Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada. Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed. Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado. Dumarka Sacuudiga ayuu MBS u ogolaaday in la siiyo laysinka wadidda baabuurta Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay. Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho. Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka. Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda. Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal. Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii. Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay. Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada. MBS waxaa lagu eedeeyaa inuu horseed ka noqday duullaanka lagu qaaday Yemen Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada. Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka. Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale. Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii. Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin. Dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, boqor Salmaan ayaa soo af jaray xan socotay dhowr bilood oo ku aaddaneyd inuu mar kale xilka dhaxal sugaha koowaad ee taajka boqortooyada ka baddali doono Maxamed Bin Nayef, si uu wiilkiisa ugu dhiibo. Si rasmi ah ayuu ugu dhawaaqay inuu Maxamed Bin Salmaan yahay qofka ugu sokeeya ee ka dhaxli doona qasriga. Maxamd Bin Nayef ayaa sidoo kale markaas laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, oo loo magacaabay wiilka ay ilma adeerka yihiin, waxaana lagu soo warramay in la galiyay xabsi guri. Xilligaas wixii ka dambeeyay, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaadayay tallaabooyin uu kusii xoojinayay awoodda uu ku leeyahay qasriga boqortooyada. Isla markiiba wuxuu yareeyay lacago isugu jiray gunnooyin, abaal marinno iyo maamuus la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. MBS wuxuu ogolaaday in Shineemooyin laga furo Sacuudiga Lacagahaas oo ay boqortooyada billowday sannadkii 2016-kii ayuu ku tilmaamay kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha dalka. Bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, waxaa la billaabay howlgal ka dhan ah dhammaan dadka ka soo hor jeeda hannaanka siyaasadeed ee dhaxal sugaha. In ka badan 20 ruux oo isugu jira wadaaddo iyo aqoonyahanno ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ciidanka Sucuudiga sheegeen iney bartilmaameedsanayeen dad wakiillo u ah dalal dibadda ah, oo doonaya in khalkhal la galiyo ammaanka boqortooyada. Dabayaaqadii isla bishaas, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo xagliyay inuu mas’uul ka yahay isbaddal uu boqor Salmaan ku dhawaaqay, oo la xiriiray in bisha Juun ee sannadka 2018-ka meesha laga saari doono go’aankii dumarka Sucuudiga looga mamnuucay iney gawaarida kaxeeyaan, inkastoo arrintaas ay ka soo hor jeedeen dadka isbaddal diidka ah. Bishii Oktoobar ee isla sannadkii 2017-kii, amiirka ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay soo celinta “islaam dhexdhexaad ah”, kaasoo uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha uu ku casriyeynayo boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu ka dhawaajiyay inuu lacag dhan 500 oo bilyan oo doolar ku maalgalin doono mashruuc lagu sameynayo magaalo cusub oo loogu tala galay ganacsi iyo madadaalo. Bishii xigtay, wuxuu billaabay howlgal ballaaran oo ay boqortooyada sheegtay iney ku bartilmaameedsaneysay shakhsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa, waxayna dad fara badan oo arrimaha Sucuudiga falanqeeya tallaabadaas ku tilmaameen mid uu Maxamed Bin Salmaan isaga hor leexinayay caqabadihii ugu dambeeyay ee ka hor taagnaa inuu si buuxda ula wareegyo maamulka boqortooyada. Dhowr amiir oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ayaa ka mid ahaa 381 ruux oo lagu xiray howlgalkaas, waxayna kala ahaayeen maalqabeenka lagu magacaabo Amiir Al waliid bin Talaal iyo Amiir Miteb bin Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ee Sucuudiga. Dilka Jamaal Khaashuqji ayaa bar madow ku noqday sumcadda MBS Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka, xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dadka la xiray ee dambigooda qirtay ay oggolaadeen iney soo wareejiyaan hanti qiimaheeda lagu qiyaasay 400 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta 107 bilyan oo dollar. Siddeed ruux ayaa bishan Oktoobar wali ku jira xabsiga, waxaana suurtagal ah in la maxkamadeeyo. Maxamed Bin Salmaan ayaa xariga loo geystay dadka faraha badan ku tilmaamay mid lagu ciribtirayay “kansarka musuqmaasuqa”. Dadka maalgashiga samaysta ayaa bishii Agoosto ee sannadkan ku baraarugay khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay dalalka Sucuudiga iyo Canada. Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowladda Canada ay dhiggeeda Sucuudiga ka codsatay in la sii daayo dad loo xiray arrimo ku saabsan iney u doodeen xuquuqda haweenka. Xarigga dadkaas ayaa u muuqday mid qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Maxamed Bin Salmaan oo wareysi bixiyay bishan Oktoobar ayaa difaacay tallaabadaas “Anigu iskuma magacaabin qof baddalaya Sucuudiga, waxaan ahay dhaxal sugaha boqortooyada waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wixii karaankeyga ah ee ku aaddan xilkeyga” ayuu yiri. Qaran News