-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golayaasha Deegaanka ee la dooran doono bish May ee Sannadkan aynu ku jirno ee 2021, ayaa si weyn uga duwanaan doona Goleyaashii Deegaanka ee la doortay labadii xilli doorasho ee hore ee kala ahaa 2002-kii iyo 2012-kii, marka loo eego dhinac tirada iyo xadidaad kale loo lagu sameeyey. Wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019- sannadkii 2019-kii, ayaa waxa lagu soo daray qodob dhawr ah oo saameeyey tiradii hore ee xubnaha Goleyaasha Deegaanka Dalka, kuwaas oo la yareeyey tirada Xildhibaannadii hore, isla markaana magac xildhibaan laga beddelay oo loo bixiyey Xubin gole Deegaan. Sida uu dhigayo Qodobka 22aad, ee Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka, ayaa waxa uu so cad u qeexayaa in Xubnaha goleyaasha deegaanka loogu yeedhi doono xubin Gole Deegaan, sida uu tilmaanayo farqada koowaad ee Xeerkan oo u dhigan sidan Xubnaha Golayaasha Degmooyinka”1. Xubnaha Golayaasha Deegaanka waxa loogu yeedhayaa Xubin Gole Deegaan(Councilor).” Isla qodobkan 22-aas farqadiisa 2-aad oo ka hadlaysa tirada Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka ayaa tilmaamaya sidan: “2. Tirada Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinku waxay ku salaysan yihiin darajooyinkooda oo kala ah: – 1. Degmada Hargeysa “A” 17 Xubin Gole Deegaan 2. Degmooyinka Darajada “A” 13 Xubin Gole Deegaan 3. Degmooyinka Darajada “B” 11 Xubin Gole Deegaan 4. Degmooyinka Darajada “C” 9 Xubin Gole Deegaan. 5. Degmooyinka darajada “D” 7 Xubin Gole Deegaan (waxay yeelanayaan goleyaal deegaan marka la ansixiyo) Qodobka 64aad, ee Xeerkan, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa Golaha deegaanku yeelan doonaan mushahar iyo gunno xileed, halka Xubinta Gole deegaan aanay mushahar yeelan doonin ee gunnooyin kalfdhi yeelaan doonaan, waxaanu qodobkan u sheegayaa “Gunnada Golaha. 1. Guddoomiyaha Golaha iyo Ku-Xigeenkiisa waxay leeyihiin mushahar iyo Guno xil oo Goluhu u xadido, una ansixiyo. 2. Guddida joogtada ah oo aanay ku jirin xubnaha guddida fullintu waxay yeelanayaa gunno bileed iyo gunno kalfadhi oo goluhu u xadido una ansixiyo.kalfadhi oo Goluhu u xadido, una ansixiyo. 4. Gudi hoosaadyaduna waxay yeelanyaan Gunno kalfadhi oo Goluhu u xadido una ansixiyo. 5. Mudanayaashu markay u baxayaan Safar shaqo rasmiah oo Degmada ka baxsan waxay leeyihiin gunno safar oo Goluhu Oggolaado. 6. Goluhu wuxuu gunnooyinka kalfadhiyadaas ku soo sarayaa Xeer Hoosaad, Nuqulana loo kala gubiyo Gudoomiyaha Gobolka, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hanti dhawraha Guud si ay ula socdaan. 7. Shardi waxa Golaha ku ah in xadaynta Gunnooyinka Kalfadhiyadu ku salysnaato awoodooda dhaqaale ee Degmada.” Qodobka 26- aad ee Xeerkan, ayaa xusaya in Xubinta gole deegaan ee soo baxda bil gudaheed natiijada doorashada la diiwaan geliyo hantidiidiisa Source
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad. Waxa ay ku eedeysay weerarkaas fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen. Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku waajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen. Illaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid maalba oo ka dhashay weerarkaasi. Waxaa sare u kacay weerarada Sucuudiga kaga imanayo dhinaca Xudduudda Yemen xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran. Bishan ayay aheyd markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay in Mareykanka uu hakin doono tageeri uu siin jiray dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ee Yemen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa shalay laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya kaas oo xabsigaas ku xirnaa muddo 20-sano ah. “Markii la i xirayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa. Sanadkii 2001 ayey maxkamad ku talla magaalada Hagryesa ku xukuntay 8-sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka uu gacantiisa ku dilay, maadaama ay maxkamaddu ku heshay dambiga. Uma suuragalin muwaadinkaan inuu helo lacagta diyada, sidaas darteed wuxuu xabsiga kusii jiray sanado dheeraad ah, sanadkii 2019 ayeyna xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isna halkaas lagu xiray. Coldoon ayaa ka qeyb qaatay sii deysmada ninkaan maadaama uu soo aruuriyay lacagahii diyada ahaa ee lagu lahaa, shalay ayaana xabsiga laga sii daayay kadib 20-sano uu xirnaa. Sida wararka qaar ay sheegayaan $700 oo doolar oo ah qeyb ka mid ah diyadii uu u xirnaa muwaadinkaan ayaa la bixiyay. “Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay. Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. “Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yiri. “Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”. Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali deputy military chief Brigadier General Abbas Amin Ali survived a landmine explosion in Mogadishu Sunday morning, sources said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho.
-
Qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan. Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha. Sidoo kale qaraxa waxaa dhawacyo ka soo gaareen askar iyo dad shacab ah oo marayay wadada. Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin gobolka Banaadir. Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Taliye ciidan oo qarax ka badbaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo sidoo kale dhaawac intaba. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Caasimada ayaa ahaa nooca miinada ee soo boodada ah, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda. Wararka ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyey uu watay taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, General Cabaas Amiin Cali, walow uu ka bad-baaday miinadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ciidamadii uu watay, waxaana qaraxa ku dhintay 1 askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay. Waxaa sidoo kale weerarkan qaraxa ah ku dhintay hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo Bajaajle ah, kuwaas oo jidka marayey. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana shaacisay ‘inuu si dirqi ah kaga bad-baaday’ taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa fuliso weerarada ceynkan oo kale ah oo maalmahan kusoo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
-
Waxaa Faah faahinno dheeraad ah laga helayaa qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo goor dhoweyd ka dhacay agagaarka waddada Cabdi Qaasim ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay socdeen ciidan ka tirsan Mileteriga Soomaaliya. Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxaan ayaa ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay, waxaana la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay askar la socotay gaari Cabdi Bile ah oo qaraxa lala eegtay Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen kuwaas oo laba ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda iyadoo dhinaca kale ay ku dhaawacmen laba ruux. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen iyagoo halkaas ka bilaabay baaritaano aan lahayn wax natiija ah. Waddada Cabdi Qaasim ayaa noqotay waddo ay ku soo noq noqdeen qaraxyada miinooyinka ah ee la dhigo waddada dhinaceeda mana jirto tallaabo ay qaadeen laamaha amaanka ee dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Qarax xooggan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay waddada Cabdiqaasim gaar ahaan agagaarka Xaruntii hore ee Safaarada Turkiga ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo mar qudha qarxday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas lala eegtay gaadhi Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidammada dowladda, waxaana goobta si deg-deg ah u gaadhay Ciidanka Booliska oo xidhay aaga oo dhan, dadkuna u diidaya inay marayaan. Warar hordhac ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Askari, halka Askar kalena oo saarnaa gaadhiga ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, kuwaasi oo loo qaaday xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho. Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay waddada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo Millatari ah. Source
-
Amnesty report describes Axum massacre in Ethiopia’s Tigray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya — Soldiers from Eritrea systematically killed “many hundreds” of people, the large majority men, in a massacre late November in the Ethiopian city of Axum in the Tigray region, Amnesty International said Friday. Source: Hiiraan Online -
(SLT-Addis Ababa)-Ciidanka Booliska Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub badan oo ah nooca fudud oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, kadib markii ay ka warheleen hubka Hay’addaha amniga. Warbixin ay soo saareen Booliska Addis Ababa ayey ku sheegeen in hubka lagu soo dhex qariyay gaadhi, loona ekeysiiyay agab oo markii hore loo malaynayay budo la shiiday, waxaana hubkaas ka koobnaa BKM, Biskoolado iyo 5 kun oo Rasaas kala duwan ah. Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamay in sidoo kale gacanta lagu dhigay laba nin oo gudbinayay hubka la geliyay Magaalada, isla markaana xusay in hubkaas uu sharci darro ahaa, hayeeshee laga hortegay. “Hubka la qabtay ayaa isugu jiray 2 (BKM), 38 Bistoladaha waawayn iyo 25 Bistoolado yaryar, 5992 rasaasta Qoriga Akaha, 898 rasaasta Bistooladaha, 5 rasaasta Qoriga daba-miinshaarka, iyo agabyada Qoryahaa” ayaa lagu yidhi Warbixinta lasoo saaray. Saraakiisha amniga Magaalada Addis Aba bee Caasimada dalka Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’addaha amniga Magaalada, si looga hortego waxyaabaha sharci darrada ah ee lasoo geliyo. Source
-
The Federal Republic of Somalia will have to wait longer before sharing the table with other East Africa Community countries. During the virtual 21st Ordinary Summit of the East African Community Heads of States held on Saturday, the organization said that the Somalia application to join the community had not been undertaken. “The summit noted that the verification exercise for the admission of the Federal Republic of Somalia into the East Africa Community had not been undertaken and directed the Council to follow up on the exercise,” EAC statement reads. At the same time, the summit considered the application by the Democratic Republic of Congo to join EAC and directed the Council to undertake a verification mission. DRC’s admission to the community will be communicated by the Council during the 22nd Summit. Also, the summit considered a report on the roadmap for accelerated integration of South Sudan into the EAC and directed the Council to conclude the progress. During the Summit, President Uhuru Kenyatta was elected as the new Chairperson of the East African Community. Uhuru took over from his Rwandan outgoing counterpart Paul Kagame who took over the leadership in February 2019. During the summit, Dr. Peter Mutuku Mathuki from Kenya was appointed as the new Secretary-General of the Community for a 5-year non-renewable term. Mutuku is taking over from Amb. Liberat Mfumukeko was appointed with effect from April 2016.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaas oo uu noociisu ahaa miinada soo boodada loo yaqaano. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay dalcadda Cabdiqaasim lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo marayey halkaasi. Ugu yaraan hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo kale oo labo ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda , sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Cabdiqaasim. Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac.
-
An IED blast was reported in the vicinity of the former Turkish embassy building near the KM4 junction in the Somali capital, Mogadishu on Sunday morning. Witnesses say the explosion heard at Abdikasim Salad around 8:15 am local time and was followed by gunfire that continued for several minutes. Developing story, more soon. View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa fariin u dirtay Bulshada Gobolka Mudug taasoo la xariirta saamaynta safmareenka Covid 19 Cabdikariin Abshir Ciise Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Degmada Gaalkacyo oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug inay qaataan fariimaha waacyi-gelinta ah ee la xariira cudurka Covid 19 Iskuduwaha ayaa tilmaamay in uu soo labo kacleeyay safmareenka Covid 19 taasina ay tahay in Bulshadu ogaadaan saamaynta cudurkaan Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inay wasaaradu wado qorshayaal lagu xoojinayo waacyo galinta Bulshada oo ku aadan saamaynta Covid 19. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-2822021-0000.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Bushada Bariga Africa ee East Africa Community (EA) ayaa dib u dhigay inuu eego codsiga Soomaaliya ay uga mid noqoneyso ururkaas. Intii uu socday shir madaxeedkii 21-aad ee ururkaas oo ku dhacay qaab online ah, ayaa ururka wuxuu sheegay in codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoashad aan weli la qaban. “Shir madaxeedka wuxuu xusay inaan la billaabin howsha xaqiijinta ee ku biirista Soomaaliya ee EAC, wuxuuna golaha faray in di u eegis lagu sameeyo howshaas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir madaxeedka EAC. Dhanka kale, ururka ayaa tixgeliyey codsiga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, wuxuuna faray Golaha inuu billaabo howsha xaqiijinta ee ku biiritsya dalkaas ee EAC. Ma cadda sababta ururka u qabtay codsiga Congo una diiday kan Soomaaliya oo muddo isku dayeysa inay xubin ka noqoto ururkaas. Si kastaba, arrintan ayaa timid ayada oo shir madaxeeedka uu guddoomiyaha cusub ee madaxweynayaasha ururuka u doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, mana cadda haddii Uhuru uu kaalin ku leeyahay arrintan. Uhuru ayaa xilkan kala wareegay madaxweynaha Rwanda Pau Kagame. Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiisad xooggan oo salka ku haysa sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyo faro-gelin ay dowladda federaalka sheegtay inay kenya ay ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya. Ururka EAC ayaa sidoo kale shir madaxeedkan wuxuu xogahayaha guud ee ururka ugu doortay Dr. Peter Mutuku Mathuki oo Kenyan ah, kaasi oo xilka hayn doona shan sano. Tani waxay sii xoojineysaa saameynta Kenya ee ururka, ayada oo islamarkaana wiiqeysa rajada Soomaaliya ee ka mid noqoshada.
-
Addib Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee ka howl-gala magaalada Addis Ababa ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan, rasaas iyo raggii watay. Warbixin kasoo baxday Booliiska ayaa lagu sheegay in hubkan Addis Ababa lagu soo-geliyey gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kaas oo ka yimid deegaanka Axmaarada. Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa shaaciyey in hubkan loo soo ekeysiiyey agab caadi ah oo saarnaa gaariga, bals ay daba-gal ay ku sameeyeen sirdoonka dalkaasi. Qoraalka kasoo baxay Booliska Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad. Warbixinyta ayaa sidoo kale intaasi kusii dareysa in la qabtay labo nin oo la socday gaariga, islamarkaana ah kuwa hubka sida qarsoodiga ah kusoo geliyey Addis Ababa. Itoobiya ayaa marar badan gacanta ku dhigtay hub si sharci darro ah lagu soo-geliyey dalkeeda, gaar ahaan magaalada Addis Ababa oo ay howl-gallo ka sameeyeen Booliska.
-
The Federal Republic of Somalia will have to wait longer before sharing the table with other East Africa Community countries. Source: Hiiraan Online
-
Xukumada Somaliland oo Muwaadin Jabuuti ku Xidhan kala Heshiisay u soo Wareejinta Dalka Xukuumada ayaa la sheegay inay dalka keeni doonto muwaadin u dhashay oo dalka Jabuuti muddo ugu xidhnaa dembi la xidhiidha argagaxiso, ka dib markii madaxda Somaliland kala xaajoodeen dhigooda Jabuuti. Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo muddo 8 sannadood ku jira xabsi ku yaal dalka Jabuuti ayaa sannadkii 2014 Hargeysa looga qabtay isaga iyo dad kale eedo la xidhiidha qaraxyo dalka Jabuuti ka dhacay, balse keligii loo gudbiyey, markii dadkii la xidhna laga reebay, sida hooyadii Faadumo Ciise u sheegtay warbaahinta 15 June, 2020, “Waxaan Ahay Hooyo La Dulmiyay Oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan Yahay Somaliland” ayaa haatan la sheegay in loo soo wareejin doono dalka, si muddada xukunkiisa ka hadhay ugu dhamaysto, sida ilo- xog-ogaal ah u sheegeen Warg Dawan. Talaabada Somaliland ee la soo wareegida muwaadinka ayaa la sheegay inay ka dambaysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) uu wada xaajood kala yeeshay madaxda dalka Jabuuti, gaar ahaan Taliyaha Booliiska Jabuuti Kornayl Cabdillahi Cabdi Faarax, oo dhowaan kulan ku dhexmaray dalka Jabuuti. Dowladda Jabuuti iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan. Muwaadin Cabdillahi Sheekh oo muddo ku xidhnaa Jabuuti ayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi 18 June, 2020 sheegay inuu caddaaladdaro ka tirsanayo xukuumadihii hore, isla markaana arrintiisa kala hadlay madaxda Jabuuti, waxaanu yidhi. “Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaahdo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Md Muuse Biixi. Qaran News