Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo dhoweeyey. Wafdiga oo uu horkayop General Odowaan ayaa waxaa garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey saraakiilka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo midka AMISOM ayaa kulamo ka bilaabi doono Hiiraan, kuwaas oo looga hadlayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi. Sidoo kale taliye Odowaa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda saree HirShabelle madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo ku sugan Beledweyne. Qorshaha Odowaa ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah booqasho & kormeer uu ku tegi doono xarumaha ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolkaasi. Horey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa booqasho ugu tegay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.
  2. Wasaaradda Arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gantaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuuray jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti. “Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay todobaadkaan magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax weyn ka beddelay jawigii siyaasadda dalka. Inkasta oo heshiiskan yahay un mid muddo kooban soconaya, lagana yaabo inuu isbeddelo, haddana waxaa durba laga helay laba faa’iido oo hadda la dareemaya, kuwaas oo kala ah: 1- In ay dagtay xaaladdii aadka u kacesaneyn magaalada Muqdiaho, oo mar gaartay heer shacabku ay aaminaan in dagaal culus oo magaalada ka qarxi karo. 2- In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble awood u sheegtay hogaaminta howlaha doorashada Soomaaliya oo uu markii hore ku lahaa door aad u yar, ayna suurta gal inuu xal buuxa u helo is-mari waaga doorashada. Rooble oo aad loogu cadaadiyay in hoggaanka u qabto doorashada Soomaaliya si loo xaliyo tabashooyinka jira islamarkaana looga gudbo xiliga kala guurka ah, waxaana muuqato taladaas uu qaatay. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Farmaajo uusan qeyb ka noqon karin fulinta doorashada dalka, maadaama uu yahay musharax, islamarkaana uu muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana suurta-gal ah inay helaan rabitaankooda. Mucaaradka, maamulada Puntland iyo Jubaland iyo dhinacyo kale ayaa la rumeysan yahay inaysan dhib ku qabin haddii uu howlaha fulinta doorashada Maxamed Xuseen Rooble kala wareego Farmaajo.
  4. Siday warbixinta Mareykanku ula daadegtay sumcadda Amiirka sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-suagaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan Dilka Jamaal Khashuqji waxay noqotay dharbaaxo ku dhacday heybaddii, sharaftii, iyo sumcaddii uu caalamka ku lahaa dhaxal-suagaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu awoodda badan Bariga dhexe. Tallaabadani ayaa saameyn xooggan ku yeelan doonta calaaqaadkii uu Sacuudiga Carabga uu la lahaa waddamada reer galbeedka. Haatan, xogaha soo bxaya ee ku saabsan dhaxal sugaha iyo doorki uu ku lahaa dilkii 2018-kii loo geystay wariye jamaal Khashouqji waxay dhibaata ku noqoneysaa hoggaanka reer galbeedka iney xiriir toos ah ay shaqsi ahaan ula yeeshaan. Si kastaba ha noqotee, xaaladda hadda taagan, dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxammed Bin Salman wuxuu umuuqdaa inuu yahay awoodda ugu weyn oo sanadihi ugu dambeeyey ay ka go’do talada Boqortooyada Sacuudiga. Maxamed Bin Salmaan oo ay da’diisu tahay 35 jir wuxuu ku raaxeystaa sumcadda ballaadhan uu boqortooyada sacuudiga dhexdeeda uu ku leeyahay, gaar ahaanna dhlinyarada dalkaasi. Waxaana sida oo kale lagu yaqaannaa xayiraadaha arrimaha madaniga uu ku soo rogay shacabka dalkaasi balse in dhaleeceyn loo soo jeddiyo dhaxal-suagaha ay tahay mid aan suuragal ahayn oo dhif iyo naadir. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay arrimaha taagan inuu doonayo inuu kala xaajoodo Boqorka Sacuudiga ee Salmaan balse wiilkiisa dhaxalsugaha ah Maxamed Bin Salmaan uusan kala hadleyn, balse marka la firiyo xiriirka aadka u dhow ee u dhaxeeya boqorka iyo wiilkiisa ayaa laga cabsi qabaa iney taa micna badan u yeeli weydo. Boqor Salaamaan bin Cabdulaziiz oo 85 jir ah oo ay xaaladdiisa caafimaad ay aadka u liidata, ayaa billaabay awoodihiisa boqornimo ee ugu badan inuu ku wareejiyo wiilkiisa. Laamaha sirdoonka ee waddamada reer galbeedka badankood dilka Khashuqji waxay la xiriirinayeen amiirka dhaxalsugaha, balse CIA ayaa noqotay laanta sirdoonka ee ugu horreysay oo arrinkaasi si rasmi ah u shaacisay. Gina Haspel oo tani iyo 2018-kii ilaa iyo horraantii sanadkan madax ka ahayd CIA oo safar ku tagtay caasimadda Turkiga ee Ankara, waxay dhageysatay codadka laga duubay Khashuqji xilliga qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilayey. . Xaalad kasta oo saameysa xiriirka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyey Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya waxay hadiyad u noqoneysaa dalka Iran oo khilaaf siyaasadeed oo taariikhi ah uu labadaasi dal kala dhaxeeyo. Hadalka ka soo yeeray Biden ee ahaa inuu hakinayo heshiiska Mareykanka uu hubka uga iibinayey Sacuudi Carabiya sida uu madaxweynaha u sheegay haddii ay dhacdo waxay keeneysaa iney Riyadh ay ka fiirsato dagaalka xulafada Sacuudiga hoggaamineyso ay ka wadaan dalka Yemen. Waxayna taasi fursad u abuureysaa xoogagga xuutiyiinta ee Iran gacan saarka la leh iney isku sii ballaadhiyaan aagag dagaal oo cusub maadaamaa ay ogyihiin haddii uu Mareykanka heshiiska hubka uu hakiyo iney awoodda Sacuudiga Hoos u dhaceyso. Maamulka Biden wuxuu iisu diyaarinayaa inuu si rasmi ah uu u shaaciyo xog sir ah oo ku saabsan dilkii loo geystay wariye Jamaal Khashuqji. Maxaa ku qoran warbixinta la shaaciyay? “Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxal sugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay. Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka: Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay “ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen” dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan. Joe Biden ayaa waxa uu la hadlay Boqor Salman kaddib markii uu akhriyay warbixinta laga qoray dilka weriye Jamaal Khaashuqji Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid “howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay. 2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareermaray”. Arrintan maxay uga dhigan tahay xiriirka Mareykanka iyo Sucuudiga? Tan iyo 2018, CIA ayaa la sheegayay inay rumaysan tahay in amiirka dhaxalsugaha ah uu amray dilka hasayeeshee eedaha ah inuu ku lug lahaa ayaanay shaacin saraakiisha Mareykanka illaa waqtiga laga soo gaaro. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxaa la filayaa inuu tallaabo ka adag middii uu qaadi jiray ninkii uu xilka kala wareegay Donald Trump ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qaanuunka ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaas oo ah xulafo muhiim ah oo uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Bin Salmaan wuxuu taageera ka haystay Donald Trump, halka Joe Biden oo calaaqaad wanaagsan la lahayn Khamiistii mar uu taleefanka kula hadlay amiirka dhaxalsugaha ah aabihii, Boqor Salmaan, ayuu madaxweyne Biden waxa uu “u xaqiijiyay ahmiyadda uu Mareykanka siiyo xuquuqda aadaha ee caalamka iyo sharcigaba”, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay. Sida laga soo xigtay ila wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, maamulka Biden ayaa waxa uu ka baaraandagayaa inuu kansalo heshiis dhanka hubka ah oo Sucuudiga lala galay kaas oo walaac dhanka xuquuqda aadanaha keeni kara iyo weliba in mustaqbalka la xaddido hubka milateriga ee “daafaca” loogaga iibiyo dalkaas. Qaran News
  5. Taha Saleh was only four-years-old when he and his family left Somalia in 1990 amid a civil war in his country. They settled in Manchester in the United Kingdom, building a new life there. The former refugee, now working as an engineer, now looks to help others who find themselves displaced. Saleh traveled to the southeastern province of Şanlıurfa this week and delivered aid to Syrian refugees who, just like his family, fled civil war in their homeland, right across the border with Şanlıurfa. Saleh saw the plight of refugees on social media and contacted the Rahmet Association, a local nongovernmental organization helping refugees in the province. The association arranged a meeting between Saleh and the refugees where he delivered cash aid and chatted with them. “I love Turkey because they help those refugees. I liked Şanlıurfa too. They welcomed me very well here. I am grateful to volunteers at Rahmet Association for helping those people. Here, I have seen for myself how the refugees live (amid their hardships),” he told Ihlas News Agency (IHA) on Sunday. He says refugees like him faced racist attitudes at times in the United Kingdom but he saw none in Şanlıurfa. Saleh pledged to return in two months to bring more aid to refugees. “We built a bridge between the United Kingdom and Şanlıurfa thanks to brother Taha. We became emotional when he came all the way to help refugees,” Mehmet Doğan, head of the association, said. Turkey hosts 3.6 million Syrian refugees, the largest such community in the world, among which are those who fled the civil war which erupted in the country’s southern neighbor in 2011. A small number of them stay in accommodation centers set up on border provinces while the majority eke out a living in provinces all across the country. Some benefit from work permits while others rely on charities for a living. Turkey spent at least $40 billion on the welfare of Syrians since they started arriving in the country a decade ago. It also reaches out to those unable to leave Syria. Source: Daily Sabah
  6. More than 1,000 Uganda People’s Defense Forces – UPDF soldiers under the Reserve Forces have been recalled for deployment in Somalia. Maj Yusuf Bilal Katamba of the UPDF First Division that superintends reserve forces says that the recalled soldiers should report to nearby barracks not later than tomorrow. The army said the soldiers were supposed to be deployed in Somalia in April 2020, but the plans were disrupted by the Covid-19 pandemic. Reserve forces comprise of soldiers who have been officially retired from the army. Maj Katamba said the combatants will report at Kakiri barracks for those in Kampala Metropolitan areas that include Kampala city, Wakiso and Mukono districts. In greater Masaka, the soldiers will report at Kasajjagirwa, those in Jinja and neighbouring districts will report at Gaddafi barracks while those in Mubende and neighbouring districts will go to Kabamba barracks. Section 31 of the UPDF Act 2005 and Article 17 of the Constitution of Uganda mandates the Commander in Chief to keep all or some of the army retirees under military service for a period he or she wishes. The Reserve Force is believed to have more 20,000 personnel who are currently under the command of Lt Gen Charles Otema. Retirees now being recalled will have to undergo a four months intensive military training to prepare them for strenuous military operations in Somalia against Al-Shabaab UPDF mixes reservists with full-time soldiers to form a Battle Group of over 15,000 combatants who will replace a group that has completed its one-year tour of duty. Maj Katamba said the reservists who have been recalled for deployment in Somalia, will be under Battle Group 33 which is expected to be deployed in Somalia in the next few months. Uganda has over 6,000 soldiers in Somalia who have been confronting Al-Shabaab terrorists since 2007. UPDF is applauded for flashing militias out of Somalia capital Mogadishu and other major towns. Among other requirements for a reserve soldier to qualify for the mission deployment include; being aged 55 and below without any criminal record and in possession of original national IDs. Sources: Dispatch.ug View the full article
  7. Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay Ciidamo cusub u soo diri doonto Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya. Ciidamadan oo gaaraya kun askari ayaa la filayay in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya bishii April ee sanadii 2020, balse uu dib u dhac ku yimid safarkooda sababo la xiriira cudurka COVID-19. Janaraal Yusuf Bilal Katamba oo ah Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda, ayaa sheegay in Ciidamadan cususb ay badali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, maadaama muddo hal sano ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Waxaa uu tilmaamay in Ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar billood si buu yiri ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya. Uganda waxaa ka jooga Dalka Soomaaliya ciidamo tiro ahaan lagu qiyaasay 6,000 kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM. View the full article
  8. WAXA AY U MUUQATAA IN LA RABO IN SIYAASADA DALKA KOOTO LOOGU XIDHO SADEXDA XISBI QARAN EE HADA JOOGA , NIDAAMKA DIMUQARADIYADEED EE SOMALILAND IYO SHURUUCDA DALKUNA MA OGOLA !!! Hadii sharciga iyo xeerarka dalku inaga noqdaan in lagu jaangooyo hadba inta umada ugu tunka weyn ama fursada saaxada siyaasadeed heshay iyo darmo wadaagta siyaasadeed ee hadda joogta , sharcigaasi sharci ma noqonayo ee waxa uu noqonayaa mid la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan laga dhigtay . Haddaba sida ay baryahaaba muuqatay waxa kaalintii siyaasadeed ee dalka ku kaliyeystay sadexda xisbi qaran ee jamhuuriyada Somaliland oo iyagana xiligoogii yahay mid sii dhamaanaya oo mudo koobani u hadhay, iyo dalkii oo u baahan dardar iyo isbadel mug leh oo cusub iyo dadka jamhuuriyada Somaliland intii aan ku qanacsanayn xisbiyada oo sugaysa in ururadii siyaasada loo furo. Waxaa laga maarmaan ah in xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah xeerka ururada iyo axsaabta in la difaaco si aanay meesha uga bixin ama aan loo dhayalsan. Nidaamka siyaasadeed iyo hogaamineed ee Somaliland waxa uu soo gaadhay xili uu u eeg yahay mid istaagaya oo u baahan nooleyn iyo rajo abuur cusub, maadaama ay siyaasada Somaliland soddon sano hal koox ay haysatay oo iskuwada aragti ah oo aan wax badan ku kala duwanayn , waa sababta ugu weyn ee wax badani aanay xaga maamulka dawladnimada isaga badelin ee dadka uuni ay isbadelaan. Hadii dadku u arkaan maanta sida ka muuqata in aan la helayn isbadelada marwalba codka lagaga ololeysto, waxa ay gaadheen heer ay ka niyad jabsan yihiin doorasho oo dhan taasi oo ay sababtay markii goleyaashii iyo hay’adihii dawlada in koobani xidhatay, loona arko in ay u shuraakoobeen danta mansabyada qaranka oo maanta uu golihii wakiilada 2005 la doortay ee mudo xileedkiisu ahaa 5 sano uu fadhiyo ilaa 2021 , sidoo kale golihii guurtida ee 1997 la doortay oo mudo xileedkiisu ahaa 6 sanadood uu ilaa 2021 fadhiyo. Sidoo kale goleyaasha deegaanka dalka oo 2012 la doortay mudo xileedkooguna uu ahaa 5 sanadood ayaa fadhiya ilaa 2021 , waxa la mudeeyey in doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanku qabsoonto 31/05/2021, halkani waxa isweydiin leh qaabka loo furi doono ururadii siyaasada waxa laga yeeli doono marka xisbiyada mudadoodu dhamaato iwm , dhacdooyinkani hadii ay sii jiraan waxa sii badanaya niyad jabka dadka ee nidaamka dawladnimo, kaasi oo abuuri kara dib u dhac weyn . Dhawaan bay ahayd in ajandaha Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland aan ku arkayey in Xeer Lr 14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta uu ku jiro , waxaana isweydiin leh xeerkaasi waxa xiligani keenay iyo ujeedada uu ajendaha golaha ugu jiro ? Iyada oo loo diyaar garoobayo in muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland isku habeeyaan ururo siyaasadeed oo la tartama axsaabta siyaasada ee hada joogta oo xiligoodii dhamaad yahay , hadii ay noqoto in xeerkaasi la damco in laga saaro in 10 sanadood ba mar ururada la furo waxa ay noqonaysaa in la laalay Xuquuq siyaasadeed oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland lahaayeen waxaana ka dhalan karta cawaaqib xumo qaranka wax yeelo u geysan karta . Waxa intaasi dheer in axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed loo qaatay in dadka jamhuuriyada Somaliland kaga guuraan habka beelaha oo loo guuro nidaam afkaar iyo aragti la isku bahaysto oo noqda mid mustaqbal wanaagsan iyo horumar u horseeda dalka jamhuuriyada Somaliland , mana muuqato maanta. Markaa hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga yar iska hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso, ganacsigaaga iyo shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la’aan siyaasadeed iyo kala shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala gudboon in la isku kaashado in la ilaashado waxii umadu dhigatay. Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil Qaran News
  9. Iiraan ayaa meesha ka saartay in kulan aan rasmi ahayn ay la yeelato Mareykanka iyo quwadaha Yurub si dib boorka loogaga jafo heshiiskii nukliyeerka, waxayna ku adkaysanaysaa in Mareykanka uu marka hore qaado cunaqabataynta uu kaligii ku soo rogay. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in waqtigii ku habboonaa aanay joogin wadahadallada ay Midowga Yurub ku baaqeen. Mareykanka ayaa sheegay inuu arrintaas ka niyad-jabay hasayeeshee uu diyaar u yahay in uu markale bilaabo wadaxaajod dublamaasiyadeed oo arrintan laga yeesho. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo intii uu 2018 Mareykanka isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan. PUNTLAND POST The post Dowladda Iraan oo diiday in ay wada-hadal la gasho Maraykanka iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu amar ku bixiyay in bilaha soo socdo lacag laga jaro ciidanka iyo saraakiisha Asluubta. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in taliyaha uu amray lacag u dhaxeysa 20 ilaa 150 dollar, waxayna u kala lacag badnaan doonaan sida ay u kala darajo sareeyaan. Dablaha ama askariga caadiga ah ayaa laga qaadayaa 20 doollar halka Sarkaalka ah Gaashaanle sare laga rabo 150 dollar. Lacagtaan ayaa lagu sheegay in gaadiid dagaal loogu iibin doono ciidanka Asluubta oo sida la sheegay gaadiid dagaal helin sanadihii ugu dambeeyay ee soo kabashada ciidanka. Taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiisha u sheegay in dowladda aysan heli karin lacag gaadiid loogu iibiyo Asluubta, sidaas darteedna ay qasab tahay in lacag laga jaro. Ciidanka Asluubta iyo saraakiishooda ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ka go’i karin lacagtaas islamarkaana u baahan yihiin in arintaan wax laga qabto iyagoo baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya. Taliska ciidanka Asluubta wali arintaan kama hadlin, sidoo kale madaxda dowladda iyo qeybaha kale maaliyada dalka ayaa wali arintaan ka hadlin.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Qubanaha-.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed, isla markaana aad u taageera madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in umadda Soomaaiyeed uu u balan qaadayo hadii dib loo doorto Farmaajo in dalku uu barwaaqo gelayo. Muuqaal la duubay xilli Sheekh Cali Wajiis uu qadka internetka kula hadlaayey culumo kale ayaa waxuu ku sheegayaa in Farmaajo uusan aheyn kaligi-taliye ama tuug xoolo dadweyne raba toona, balse uu yahay nin qalbi wanaagsan oo lagu dambaabayo hadii wax laga sheego. Sidoo kale Sheekh Cali intii uu hadlaayey waxa uu soo hadal qaaday shirka ay qabsoomidiisa caqabada weyn ka taagantahay ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo culumada kale ugu bishaareeyey in shirkaas uu qabsoomi doono dhawaan, iyadoo la isku calool fiyowyahay. “Culumada waxaan idinkugu bishaareynaa Insha Allah shirka Muqdisho waa qabsoomi doonaa, labaada maamul goboleedna waa imaa doonaan, musharaxiinta kalena madaxa ayaa loo salaaxi doonaa oo shirka waa imaanayaan ama iyagoo qanacsan ayaa la qaban doonaa, doorashadana waa la aadayaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Isagoo sii hadlaayey waxa uu sheegay in hadii uu afarta sano ee soo socota Farmaajo madaxweyne ka noqdo Soomaaliya uu shakhsiyan damaanad qaadayo in dalku barwaaqo gelayo. “Madaxweyne Farmaajo hadii uu noo soo laabto Soomaaliya afarta sano ee soo socota waxay gaareen horumar aan caadi aheyn, anigaa idiin damaanad qaadaya Soomaaliyey, cabsida badana iska dhaafa, Farmaajo kaligi taliye maaha, nin xoolo islaameed raba maaha, nin qof inuu dulmiyo raba maaha, hal qof siyaasad uma xirra,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Mar uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxuu sheegay in isagu uusan ka dambeyn, balse uu madaxweyne Farmaajo mag iyo xaal-marin ka bixiyey wixii dhacay. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur wixii lagu sameeyey oo isagu uusan shaqa ku laheyn, Sabeyn (Lax) ayuu ka xiray, magtii ayuu dhiibay, odayaashii ayuu u yeeray, raali gelin ayuu ka bixiyey,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis waxa uu yiri, “Farmaajo waa lagu dambaabayaa, hadii uu noo soo laabto waa kheyr oo waa tii la rabay, hadii mid kale yimaadana, waa uu la shaqey doonaa oo cabsi lagama qaboo xilka aa uu ku wareeji doonaa, waxa la buun-buuninayana waxaba kama jiraan.” Hoos ka Daawo muuqaalka Sheekh Cali Wajiis Cali Wajiis ayaa yiri ”Farmajo kaligii’talis ma ahan waana lagu dambaabayaa, weerarkii Abdirahman Abdishakur Warsame na isaga ma fulin” pic.twitter.com/tjLnEjXjTH — Abduqadir Macalin Abshir (@MacalinAbshir) February 26, 2021
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda Ingiriisku ay dhawaan u magacaabatay Soomaaliya Ms Kate Foster ayaa maalmo ka hor soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna badeleysaa safiirkii hore ee UK Ben Fender. Kate Foster oo hadda ku sugan safaaradda UK ee Muqdisho waxay sugeysaa in warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo laga guddoomo, waxuuna sharciga Soomaaliya dhigayaa in madaxweynaha dalku uu ka guddoomo aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilowdo. Hase yeeshee waxaa jirta dood adag oo ka dhex taagan safaaradda UK ee Soomaaliya, taas oo salka ku heysa cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub. Sida aan xogta ku helnay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, maadaama uu madaxweyne Farmaajo waqtigii ka dhamaaday 8-dii bishan Febraayo. Safaaradan kuma cusba arrintan oo kale, waxuuna afar sano kahor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo. David Concar oo afar sano ka hor November 2016 ay UK u soo magacaabatay Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxuuna warqadihiisa aqoonsi raadiska ahaa la sugtay madaxweyne sharciyad heysta. 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayaa danjirihii xilligaas ee UK David Concar laga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga. Safiirkii waqtigu ka dhamaaday Ben Fender oo dhawaan dib ugu laabtay dalkiisii Ingiriiska waxaa u dhamaatay mudadii uu sharcigu u ogolaanayey inuu safiir kasii ahaado Soomaaliya, waxaana markii uu baxayey xaflad sagootin ah u sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, waxuuna ahaa shakhsi aad uga hadla, oo dariiqa toosan tilmaama, markii ay cakiranto siyaasadda Soomaaliya.
  14. On this Day in 1955 Haud and “Reserved Area” were transferred by the British government to Ethiopia. Perhaps I may be permitted, before entering in the gist of this piece, to give a concise account of the changes which affected the Horn of Africa Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ahna Senetor ka tirsan Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladaan oo kale uusan dalku gelin wixii ka dambeeyey markii dowladnimada Soomaaliya lagu soo dhisay Carta. Cumar Cabdirashiid oo u waramay VOA ayaa sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu dalku galay dhaqan ah ‘hala kala adkaado’ taas oo uu sheegay in maanta aysan Soomaaliya u baahneyn. “Maamlintii aan ka tegay waxuu ahaa dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid, waxaan ku wareejinay rajiimkii naga dambeeyey dal amnigiisu hadda meesha uu joogo ka fiican, waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhawyihiin, laakiin waxay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado, taasna wax maanta Soomaaliya ay u baahan tahay maaha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Waxuu intaas ku sii daray, “Xaaladda Soomaaliya waxay maanta mareysaa fara isku fiiq-fiiq is aflagaadeyn, in shakhsiga la gaaleeyo unbaa dhiman, wax kale oo noo haray malahan, taasna waxaan rajeynayaa in doorashada kadib laga gudbo.” Sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay in afar sano kadib ay caqabad weyn ka taagantahay in doorasho lagu aado hanaankii ay dejiyeen 2016-kii, xilligaas oo xukuumadii uu hoggaaminayey ay doorasho gelisay dalka. Waxa uu soo sharaxay hanaankii ay dalka doorashada uga qabteen, xiligii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in xukumadiisii ay laba sano ku dhistay Galmudug iyo HirShabelle, isla markaana ay doorasho guud ku qabatay. “Waxaan la leeyahay tanasulaa ayaa la sameeyey oo doorashaa loo tanasulay, wax ka jira maleh, marna laguma fekerin in dalkan doorasho qof iyo cod ah laga qabto,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/02/Cod.mp3
  16. Bus driver who beat his wife to death in their Enfield home jailed for 22 years Source: Hiiraan Online
  17. Dhibaatada Mareegaha Bulshada Q-1aad. ( Cabdiraxmaan Fadli Aussie Land ). Muddo ku siman dhmmaadkii qarnigii 20aad iyo rubuc-horaadka qarniga 21aad waxaa soo batey oo weliba TADDAWUR dheereynaya ku socday Isgaadhsiinta weliba qaybteeda loo yaqaan Social Mediaha si kalena noqonaya afkeenna Mareegaha Bulshada macnaha ugu munaasibsan. Haddii dagaalkii labaad iyo kii koowaad uu telefoonku lahaa xadhig la wareejiyo iyo masaafo gaaban oo uu hir-baaciisu gaadho (FREQUENCY)-giisu maanta wuxuu marayaa isagoo telefoonkaaga gacanta adigoo ku hadlayaa aad adduunka maqal iyo muuqaal kagala xidhiidhi karto, oo weliba GPS aad ku raadsan karto goobta aad doonto. ISgaadhsiinta horumarka sameysay saamiyo isleeg oo intifaacsi kagamay wada faa-iideysan bulshooyinka caalamku si kalena weel isku cabbir ah laguma miisan horumarkaas waayo?, Qaar badan oo ka mid ah waddamada aan ka gudbin xarriiqda dib u dhacsanaanta (Developing countries) ugamay faa-iideysan sida kuwa horumarey ee (Developed countries). Isgaadhsiinta (information Technology) horumarkeedu wuxuu saameeyey waxbarasha caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, amaanka caalamka iyo jaanibyada nolosha meel kastaba. Waxaa aan xusi karnaa Saameynta mareegaha bulshadu ku leeyihiin maanta dhammaan dhulalka soomaalidu degto, taasoo dhibta ay abuuraan ka badan tahay faaiidada ay keenaan. Haddaan tusaale usoo qaadanno mareegta FACEBOOK waxaa ku taxan mujtamac aan yareyn oo shanta soomaaliyeedba ku jiraan, waxaa jira dad badan oo ka dhex faafiya aflagaaddo, isku dir, qabyaalad, nacayb reer iyo nacayb shakhsi ah intaba fidiya. Markeynu si academic ah uga hadalno sida aad ka akhrisan karto research faro-badan oo laga sameeyey in mareegaha bulshada qof six un u isticmaala ay ku sababto. 1. Qabatin- ama addiction oo u uku welfo qofku isagoo ay caado u noqoto inuu kombiyuutarka ama Telefoonka gacantiisa mar walba mashquul ku noqdo. Wuxuu kaloo ku welfaa inuu qof kasta oo meel kasoo hadla doono inuu u jawaabo…. Lao soco… Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News
  18. Shahaadadii Foojariga ahayd iyo Gudoomiyihii Baanka ee indhaha-fiiqnaa ! Taleefano aan kala joogsi lahayn ayaa iiga iman jiray Aabihii iyo Hooyadii, waxaanay marar kala duwan iigu yimaadeen in aan shaqo siiyo ama shaqo la doonto wiilkooda oo qiyaas ahaan ay da’diisu ahayd ilaa 19 jir, isaga qudhiisu Wasaarada aan joogay kolba wuu iman jiray isaga oo shaqo doon ah. Nasiib darro xiligaas oo ahayd bilowgii 2017 shaqaalihii dawlada ee la qaadanayay waa la hakiyay duruufo abaareed iyo doorashooyinkii darteed. Dhowr meelood oo kala duwan ayaan la raadiyay, nasiib darro may suurto gelin, markii danbe waxaan kula taliyay inuu waxbarashada sii wato, wax yar oo mushaharka shaqaalaha la mid ahna aanu siino, taas oo nin aanu aad u saaxiib nahay oo ganacsade uu kafaalo qaatay markii aan xaalka uga warramay. Nasiib darro wiilkii wuxuu yidhi shaqo dawladeed ayaan rabaa hadii kale waan tahriibayaa.. Subaxdii danbe ayuu yarkii ii yimi isaga oo Aabihii la socda, waxaanay igu yidhaahdeen Baanka dhexe ayay fursado shaqo ka jiraane fadlan nagula quuso oo noo raac Gudoomiyaha Baanka oo shaqo noo weydii, aniga oo tixgelinaya culayska Aabaha haystay waxaan usoo raacay xaruntii Baankii Dhexe. Waxaan xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyahii Baanka dhexe ee Somaliland ee xiligaas oo ahaa Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale, waxaanan si qoto dheer ugu sharraxay dhibaatada iyo duruufta haysatay qoyskaas, waxaanan si naxariis leh uga codsaday in uu Wiilkaas dhalinyarada ah shaqo siiyo. Farxad weyn ayay noo noqotay markii uu Gudoomiyuhu naga ogolaaday in uu Wiilkaas shaqo siin doono, lana tababari doono haddii uu Shahaado sax ah oo Dugsiga sare ah uu haysto, waxaana uu si adag u weydiiyay inuu dugsiga sare dhameeyay oo shahaado uu haysto. Waxa uu wiilkii ku adkaystay inuu Dugsiga sare dhameeyay Shahaado sax ahna uu haysto. Berri subaxna uu shahaadada xafiiska keeni doono. Waxa aad ii yaab geliyay sida uu Gudoomiyaha Baanku Carrabka ugu adkaynayo Shahaado dugsi sare oo sax ah inuu haysto hadii kale aanuu shaqo u haynin. Subaxdiiba kii yaraa shahaado dugsi sare ah ayuu u geeyay gudoomiyhii Baanka. Guddoomiyihii wuxuu inankii u sheegay in shahaadada uu baadhisku samayn doono oo Wasaarada Waxbarashada loo diri doono, hadii ay sax noqotana uu shaqo siin doono, hadii kalena aanuu shaqo heli doonin waliba sharciga la marin doono. Laba Usbuuc ka dib waxaa Taleefan ii soo diray Gudoomiyihii Baanka, waxaanuu igu yidhi Shahaadadii dugsiga sare ee Wiilku sitay waxay noqotay Shahaado Foojari ah oo aan sax ahayn, sidaas daraadeedna wax shaqo ah aanuu siinayn wiilkii dhalinyarada ahaa, booliskana uu la socodsiin doono Foojariga uu ku kacay. Run ahaan aad iyo aad ayay ii soo jiidatay talaabada baadhista shahaadada ee Gudoomiyuhu sameeyay iyo sida Wasaarada Waxbarashadu baadhista u samaysay ee uu nidaamkeena waxbarashadu u keydsan yahay ee aan la macmali karin. Waxaan u markhaati furayaa Daauud Gadhweynaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland oo dhawaan sheegay inaan lagula soo lug go’in Shahaadooyin macmal ah, waxaanan leeyahay Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland ka jiraa waa mid aad uga qoto dheer sida ay dad badani u haystaan. La soco arrin kale oo mucjiso ah oo aan kala kulmay Laanta Socdaalka Somaliland ….. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2822021.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fakareyso in bandow ay geliso Muqdisho si loo yareeyo qatarta Covid-19 oo si weyn ugu baahay Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa muujinaya in qubarada dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Covid-19 ay Xukuumada u gudbiyeen talooyin ah in la fasaxo goobaha waxbarashada, Maqaayadaha iyo hoteelladana la xiro. Villa Somalia iyo Xukuumada ayaa ka fikiraya saameynta ay ka tagi karto arrintaan maadaama ay reebi karto saameyn dhaqaale oo weyn, mana cadda haddii go’aanka hadda lagu taamayo lagu dhaqaaqi doono. Dr Maxamed Maxamuud Fuje, oo ah la-taliyaha sare ee dalka ee arrimaha Covid-19 ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan amarro adag oo lagula taacalayo arimaha taagan. “Waxaan u gudbinay talooyin dalka lagu gelinayo Bandow ama Muqdisho oo kaliya, waayo dhimasho badan ayaa jirto waana sii faafaayaa cudurka waliba si weyn,” ayuu yiri Dr Fuje. Bandowga ayaa noqon doona mid la mid ah kii sanad ka hor ay soo rogtay dowladda oo billaabanaya wixii ka dambeeya laba saac habeennimo. Si kastaba ma cadda saameyn Bandow xiligaas billowda uu yeelan karo maadaama bulshada ay aad isku dhex socoto maalintii.
  21. (SLT-Tukeraq)-Abaanduulaha Koowaad Ciidamada Qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud ayaa beeniyay warar laga faafiyay Ciidamada soona kormeeray Jiida hore Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Gobalka Sool ee Tukaraq. Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ayaa waxa Socdaalkan ku wahelinayay Guddoomiyaha Gobalka Sool Cabdiqani Jiidhe iyo Taliyaha Aaga Bari Ciidamada Qaranka Sarreeyo Guuto Cali Bare Xuseen Afhayeenka Ciidamada Qaranka Gaashaanle sarre Cabdiraxmaan Cabdilaahi, Halkan hoose ka DAAWO Source