-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuullooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si khasab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xidhiidha xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba dhallinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya qeybta ilaalada shacabka ee dharcadka loo yaqaan. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay labada dhallinyarada ah ay wateen mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen askarta Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka. Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah-fahin ah kama bixin, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.
-
Russian architect Alex Wizhevsky has designed an incredible high-rise cultural and business center in the form of the national emblem with the working title "DJIBOUTI TOWERS". Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay labo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Askartan oo dharcad ahaa ayaa magacyadooda lagu sheegay Cali Axmed Xasan iyo Axmed Siyaad, waxaana lagu dilay suuqada Bakaaraha ee Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay dileen laba askari, mid kalena dhaawac u geysteen, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Boosteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla suuqa Bakaaraha. Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr weerar oo lala eegtay mas’uiliyiin iyo ciidan, kuwaas oo aan ilaa hadda mas’uuliyadooda cidna sheegan. Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho waxaa maanta qarax miino lagula eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Axmed Cariif, balse guddoomiyaha ayaa qaraxaas ka badbaaday. Sidoo kale qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan. Qaraxa lala eegtay Gen. Cabaas waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha. Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxyada iyo dilalka maanta ka dhacay maagalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dharcad ka tirsan NISA oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Tigray (Caasimada Online) – Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. VOA
-
Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo MV Helios Ray Markab laga leeyahay Israel oo uu haleelay qarax ka dhacay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Omaan ayaa gaaray dekedda magaalada Dubai, halkaasi oo lagu wado in lagu qiimeeyo xaaladdiisa. Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca xamuulka qaada, ayaa habeenimadii Khamiista ee uu Jimcuhu soo galayay waxaa ku haleelay qarax ka dhacay badda, iyadoo sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in uu dillaac soo gaaray qeybo ka mid ah markabkaasi. Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa Sabtidii sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in Iran ay mas’uul ka tahay qaraxa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Iran. Markabka ayaa hadda ku xirtay dekedda Rashid ee magaalada Dubai, isagoo ka soo shiraacday xeebta caasimadda Muscat ee dalka Oman halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay. Sida uu wariyay Channel 13 News, wafdi ka socda Israel ayaa ku sii jeeda Dubai si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxa haleelay markabka. Qaran News
-
Warbixin Qarsoodiya: Mareykanka oo ogaaday in Ethiopia ay isir sifeyn ka waddo Gobolka Tigray Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa xoojisay dadaallada ay isku soo dhaweyso dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ee is-diidan, waxaana la sugayaa inay soo saarto go’aan horay loogu sii socdo. Labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland ayaa laalay shirkii uu 18-kii February ku baaqay sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxeyna dalbadeen damaanad qaad dhan amni ah iyo dhan fulinta heshiiska ah, kadib heshiiskii guddiga farsamo ay ku gaareen Baydhaba. Sidoo kale, shirkii ka dhici lahaa Muqdisho waxaa saameyn ku yeeshay dhacdooyinkii 19-ka February ka dhacay Muqdisho, weerarkii madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay dad dhigayay banaabax nabadeed oo ay ku jiraan masuuliyiin hore dalka, musharaxiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka. Iyadoo ay taasi jirto ayey beesha caalamka mar kale soo faragalisay, waxaana jirtay iney shuruudo la yimaadeen dowladaha Jubaland iyo Puntland, sidoo kalana musharaxiinta oo ay u badan tahay in laga qeyb galiyo shirka la abaabulayo ayaa iyaguna shuruudo gudbiyay. Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan shuruudaha ay soo gudbiyeen Jubaland iyo Puntland, waxey doonayaan in beesha caalamka ay ay damaanad qaado fulinta wixii kasoo baxa shirka, in shirku ka dhaco meel dhex-dhexaad ah iyo in shirka laga qeyb galiyo musharaaxiinta mucaaradka, waana qodobo uu markii hore diidanaa FARMAAJO. Beesha caalamka waxey sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadiyeen inuu qaato doorka nabadeynta, waxaana la sugayaa shaacinta shir ka dhici doona Xalane. Shirkaas lagu wado inuu xalane ka dhaco ayaa la filayaa inuusan ka qeyb galin FARMAAJO, waxaana ku matali doona xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.
-
At least nine al-Shabaab terrorists were killed in Somalia Sunday when the al-Qaeda-affiliated terror group mounted an attack Sunday morning on an army base in the country’s southwest. Mohamed Mukhtar, the district deputy commissioner in the town of Qasahdhere in the Bay region, told local media that the army, backed by Ethiopian forces serving under the African Union peacekeeping mission forces in the Horn of Africa country (AMISOM) killed at least nine terrorists during the attack. Speaking to Anadolu Agency over the phone, Qasahdhere district commissioner Abdirisaq Abdi Ibrahim said his administration, along with the regional paramilitary forces and AMISOM were aware that the attack was coming and ambushed the terrorists. “We received intelligence about the imminent attack and our forces managed to repulse the attack,” Ibrahim said. He added that more than 11 terrorist fighters were also wounded in the attack and their weapons seized. Qasahdhere is an agriculture town located some 346 kilometers (214 miles) southwest of the Somali capital Mogadishu and 90 km west of Baidoa, Bay’s capital. View the full article
-
Bomb blast targets local district commissioner in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A landmine explosion in the Somali capital targeted a local district commissioner in the second bomb blast in Mogadishu city on Sunday, police said. The roadside mine targeted a convoy carrying Ahmed Abdullahi Ariif, the commissioner of the Yaaqshiid district, while traveling to the Darusalam village area in Mogadishu, local police officer Abdifatah Hassan told Anadolu Agency over the phone. “As far as we know, commissioner Ariif and other officials in the convoy escaped unhurt but it is early to say how many people were killed or wounded,” he said. This followed a similar roadside explosion in the capital that targeted a senior military official less than five hours earlier, killing three people including two soldiers. The Somali-based al-Qaeda-affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for that attack. View the full article -
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa qalalaasaha ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Blinken wuxuu cambaareeyay gabood falka lagu soo waramayo in laga gaystay Tigray, isagoo tilmaamay inay kaniyad jabeen sida ay dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eriteriya ula macamileen xaaladda, oo uu ku tilmaamay dhibaato bani’aadanimo oo ka sii daraysa. Wuxuu muujiyay “walaaca weyn ee Mareykanku ka qabo xadgudubyada uu sheegay, iyo xaalada guud ee ka sii daraysa ee gobolka Tigray ee Ethiopia.” Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka wuxuu yiri, “Waxaan ka codsaneynaa saaxiibada caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika iyo saaxiibada gobolka, inay nagala shaqeeyaan si aan uga hortagno dhibaatada ka taagan Tigray, oo ay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee ay quseyso ay udhaqaqaan.” Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku eedeyneyso in ciidamada Eriteriya ay boqolaal rayid ah ku dileen gobolka Tigray 24 saac gudahood sanadkii la soo dhaafay, dhacdadaan ayey hay’addu ku tilmaamtay inay suuragal tahay inay gaarto heerka dambiyada ka dhanka ah aadanaha, halka Eritrea iska fogaysay eedeymahan. Waxaa xusid mudan in ciidamada dawlada Itoobiya ay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, xarunta gobolka Tigreega, Mak’ele kala wareegeen xoogag daacada u ah xisbiga TPLF, oo ay dawlada dhexe ku eedeysay in ay weeraree fariismo ay ku suganayeem millatryga faderaalka. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta Wacyi galinta Coved 19 si looga Wacyi galiyo Bulshada kunool Caasimadda Muqdisho Cudurka Safmarenka ah. Kulanka ayaa Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo diirada lagu saaray sidii wax looga qaban fidista Corona. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo. View the full article
-
Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro Booliska ka howlgalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegay, in gacanta ku dhigeen Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa, kana kooban Qoriga (BKM), Biskoolado iyo 5 Kun oo Rasaas kala duwan ah, kadib dabagal ay samaysay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dalkaas. Hubkani ayaa waxaa siday Gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kana soo kicitimay Magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada,waxaana Hubka loo ekeeysiiyay agab caadi ah oo saarnaa Gaariga. Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad. Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas. Ugu dambayntiina booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha nabad galyada, soona sheegaan waxyaabaha ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto. Dhowr jeer ayaa waxaa Booliska Addis Ababa ay qabteen hub kala duwan oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, hubkaas oo dadkii lahaa Itoobiya ay Maxkamadeeysay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay wakiilada beesha caalamka sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay barta facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulankaan looga hadlay sidii horay loogu sii wadi lahaa wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo la hirgalinaayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho. Sidoo kalana aysan ka marneyn hirgalinta is fahamkii dhexmaray guddiyadii farsamo ee ka socday dhinacyada kala duwan, kuwaas oo laba maalmood ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka Koonfur Galbeed. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyeen kaalintii uu ku lahaa is fahamkii uu la gaaray midowga musharaxiinta kadib shir ay yeesheen 25-kii February. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA: Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.
-
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay xaafada DaaruSalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso. Qaraxa oo oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullahi Cariif & saraakiil Boolis ah oo la socotay, walow ay ka bad-baadeen miinadaasi. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Sidoo kale Saalax Dheere ayaa tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana saaka wadada Cabdiqaasim miino lagula eegtay taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
-
Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho. Taliye Ciidan oo Qarax ka badbaaday+Khasaaraha Qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan. Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha. Sidoo kale qaraxa waxaa dhawacyo ka soo gaareen askar iyo dad shacab ah oo marayay wadada. Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin gobolka Banaadir. Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas. Qaran News
-
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka degmada Qansax Dheere, Mudane Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas iyo dagaal xigay oo ka dhacay halkaasi. Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta K/Galbeed iyo kuwa AMISOM ay ka war hayeen weerarka, ayna ka hortageen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuun tilmaamay in dagaalkaasi ay Al-Shabaab uga dileen illaa sagaal dagaalame,s idoo kalena ay dhaawaceen 12 kale. Guddoomiye ku xigeenka amniga Qansaxdheere ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay nolosho ku qabteen dagaalyahano kale, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan xaaladda ay degan tahay, islamarkaana ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay howl-gallo ka wadaan halkaasi. View the full article
-
Maxaa khasaare ah oo ka dhashay qarixii wadada Cabdiqaasim?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo watay taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga dalka, General Cabaas oo marayey dalcadda dheer ee Cabdiqaasim, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kasloon yahay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari, halka mid ka kalena uu ahaa wade mooto Bajaajle. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo kale oo mid ka mid ah uu yahay askari, halka labada kalena ay yihiin wade-yaal Bajaaj oo wadada marayey. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha dhaliyey. Xaaladda haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa wadada Cabdiqaasim oo muhiim u ah isticmaalka gaadiidka iyo dadweynaha intaba. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2822021.mp3 View the full article
-
Filim laga sameeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji Agaasimaha ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee filimada ee baarayay dilka weriyihii u dhashay Sucuudiga Jamaal Kaashuuqji ayaa sheegay in uusan rumeysneyn in Maxamed Bin Salmaan uu wajahi karo xarig kadib warbixinta kasoo baxday sirddoonka Mareykanka ee ah in uu isagu ansixiyay dilka weriyaha. Filinka Bryan Fogel ee uu ugu magac daray ‘The Dissident’ ‘mucaaradka’ wuxuu ka shakeynayay qaabkii loo dilay Khaashuqji iyo qofka laga yaabo in uu kasoo fulay in la dilo. Meydka weriyaha ayaanan weli la helin, Maxamed Bin Salmaan wuu beeniyay in uu ku lug lahaa dagaalka. Bryan Fogel isaga oo adeegsanayo warqado laga helay dowladda Turkiga ayaa muujinayaa in weriyihii dibad joogga ahaa la qabtay isla markaana la jar jaray jirkiisa gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul. Filinka wuxuu sidoo kale baarayaa in la jabsado teleefoonada iyo xogta dad dhaliilsan siyaasadda Sucuudiga ee dibad joogga ah, waxaana dadkaas kamid ah Cumar Cabdul Casiis oo ah weriye u qaabilsan muuqaallada oo fadhigiisu yahay Canada isla markaana ay saaxibo ahaayeen Khaashuqji. “Uma maleynayo in dhaxal sugaha Sucuudiga in uu wajahi doono booliska caalamiga ah ee Interpol si ay u xiraan gaar ahaan marka uu ka degayo dalal kale ama in loo gacan gelin doono maxkamadda Hague, Turkiga ama Mareykanka, arrintaasina weligeed ma dhici doonto” ayuu yiri Fogel. Dowladda Mareykanka ayaa shaley shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas’uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji. Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Waare Rooble ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay sii wadista wadahadalada Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ee 25-kii Febraayo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la iclaamin doono shir ay yeelan doonaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadli doono khilaafka doorashada. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Beesha Caalamka oo yeeshay shir looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.