-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii wada qaabilay hogaamiyeyaashii dalalkii Afrika ee Lixdameeyadii xoroobay John F Kennedy oo la taagan madaxweynihii u horeeyey ee Ghana Kwame Nkrumah, Aqalka Cad, Maarij 1961 Maqaalada taxanaha ah ee ay BBC-da u soo diraan saxafiyiinta reer Afrika, waxaan maanta idiin ku haynaa sawirro uu arkiifiyada ka soo madhay qoraaga reer Sierra Leon iyo Gabmia labadaba, Ade Daramy, oo muujinaya madaxweynihii Maraykanka, John F Kennedy, ee seeska u dhigay xidhiidhka Afrika iyo Maraykanka. Intii aanu noqon madaxweynaha 1961, dalkiisu wax badan iskuma deyin inuu fahmo isbedelkii degdegga ahaa ee Afrika ka socday. Laakiin markii la dilay 1963, wax badan baa iska bedelay xaaladda. J F. Kennedy oo salaamaya madaxweynihii Senegal Léopold Sédar Senghor, Noofember 1961 Mudadii koobnayd ee uu xilk ahayey, Kennedy wuxuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyey dhammaan madaxda dalalkii Afrika ee xoroobay ama danjireyaashooda. Sannad ka hor markii uu xilka qabtay, 17 dal oo Afrikaan ah ayaa xoroobay, markaas isaga oo dareensan in dunidu isbedelayso ayaa Kennedy gartay in xidhiidh cusub oo lala yeesho Afrika ma huraan yahay. Xidhiidhkaa waxa lagu saleeyey in la taageero dalalka xoroobay ee Afrika. Kennedy iyo Julius Nyerere oo markaa ahaa ra’isal wasaaraha Tanganyika, Aqalka Cad Juulay 1961, shan bilood uun ka hor intaanay xorriyada ka qaadan Ingiriiska Siyaasaddaas arimaha dibadda ee waagaa unkantay muddo dheer ayay soo jirtay kana dabbaalatay caqabado soo food saaray ilaa la soo gaadhay in Madaxweyne Donald Trump ku bedelo qorshihiisii isaga u gaarka ahaa. Markii uu hogaanka qabtay, Kennedy wuxuu marti qaadyo u fidiyey madaxdii Afrika oo uu roog cas ku soo dhaweeyey. Booqashooyinkaa rasmiga ah waxa aad u buunbuunisay warbaahinta waxaana shacabka Maraykanka lagu tirtirsiyey in ay dariiqyada u soo baxaan oo soo dhaweeyaan. John F. Kennedy oo madaarka ku soo dhaweeyey madaxweynihii Togo, Sylvanus Olympio, Maarij 1962 Kennedy iyo madaxda martida u ah ayaa waddooyinka waaweyn oo lagu dhejiyey dhambaallo soo dhawayn ah baabuur dusha ka furan ku mari jiray iyada oo ay shacab boodhadh sitaana si xamaasad leh u soo dhawaynayaan. Waa se marka cimiladu saamaxayso. Run ahaantii arintaas siyaasadi kama maqnayn. Midowgii Soofiyeeti qudhiisa ayaa arintaas oo kale isna samaynayey oo doonayey inuu soo jiito dalalka Afrika ee doonayey in ay ka fogaadaan gumaystayaashii u talin jiray. Markii uu xilka qabtay, Kennedy wuxuu ogaa in ay qasab ahayd inuu si dhakhso ah saaxiibo uga kasbado dalalkii Afrika ee xoroobayey. Boqor Haile Selassie, oo ka mid ahaa raggii aasaasay Ururkii Midowga Afrika 1963, oo ay marwadii koobaad, Jacqueline Kennedy iyo madaxweynuhu soo dhawaynayaan bishii Oktoobar ee isla sannadkaas Bil ka dib markii xilka loo dhaariyey, ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii, Lyndon B Johnson, u diray Senegal si uu ula kulmo Madaxweyne Léopold Sédar Sengho, oo uu u arkayey inuu ahaa nin isku doonaya inuu dalalkii Faransiisku gumaysan jiray xulufo ka dhigo. Haile Selassie oo baabuur lagu dhex marinayo magaalao madaxda Marakanka ee Whashington Muddo bil ah ka dibna Kennedy ayaa bilaabay barnaamijkii Peace Corps oo uu dhalin yaro Maraykan ah ugu dirayey dunida oo dhan. Kennedy oo casho sharaf ugu sameeyey Aqalka Cad madaxweynihii Ivory Coast iyo afadiisii, Félix Houphouët-Boigny, Mey 1962 Soo dhawayntii Haile Selassie Bishii Ogost 1961 wuxuu Aqalka Cad ku marti qaaday kooxdii u horraysay ee mutadawaciin ah ee tagaysay Ghana iyo Tanganyika. John F. Kennedy oo hadal soo dhawayn ah ka jeedinaya madaarka oo uu ku qaabilay madaxweynihii Guinea Ahmed Sekou Toure 1962 Dilka geesigii xorriyada Congo, Partice Lumumba, ee tuhunkuna ka jiray in sirdoonka Maraykanka ee CIA ku lug lahaa, ayaa dhacay saddex cisho ka hor markii Kennedy xilka loo dhaariyey waxaanay arintaasi marag u tahay in Dagaalkii Qaboobaa qaaradda ku dhex marayey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti. Kennedy oo wadahadallo Aqalka Cad kula yeeshay ra’isal wasaarihii u horeeyey ee Nigeria, Abubakar Tafawa Balewa, Juulaay 1961 Geeridiisii lama filaanka ahayd aad baa looga dareemay Afrika, weliba marka la eego in aan ninkii xilka uga dambeeyey ee Johnson aanu xamaasadiisii oo kale ku wadin sii adkaynta xidhiidha Afrika iyo Maraykanka. William Tubman, the president of Liberia, the capital of which is named after former US President James Monroe, sat down with Kennedy in October 1961 Haatan 60 sano ka dib, Madaxweyne Joe Biden ayaa qorshaynaya qaabaynta siyaasadiisa ku waajahan Afrika. XIGASHADA SAWIRKA,JFK PRESIDENTIAL LIBRARY Qoraalka sawirka,John F. Kennedy oo soo dhawaynaya madaxweynihii u horeeyey ee Congo (Brazzaville), Fulbert Youlou, Juun 1961 Warbixin uu horaantii bishan soo saaray ayuu ku sheegay in Maraykanku u heellan yahay inuu Afrika u noqdo “dal ay wax wada qabsadaan, is taageereen oo ay is tixgelin ku wada dhaqmaan.” Erayadaa Biden waxay u eegyihiin heellanaantii Kennedy, waxaan se sugnaa waa in erayadaas ficil dhabeeyo iyo in kale. Qaran News
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab. Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Qansax-dheere, ayaa la soo weriyay in ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada dowladda degmadaas ku sugan. Dhinaca kale, Maamulka degmada Qansaxdheere oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi, ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 12 kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood dhaawac lagu qabtay. Dhanka Al-shabaab, weli war kama soo saarin khasaaraha dagaalka, islamarkaana lama xaqiijin karo sheegashada Maamulka degmada Qansax-dheere. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay degmada Qansax-dheere appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay sacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo maamulka degmadaas uu guulo ka sheegtay. Guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay kasii war heleen weerar uga soo wajahnaa Al-Shabaab, isla markaana ay u diyaar garoobeen. Waxa uu sheegay in markii ay soo weerareen magaalada ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Daraawiishta maamulka K/Galbeed. Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in sagaal dagaalame ay Al-Shabaab uga dileen dagaalkaas, ugu yaraan 12 kalena ay uga dhaawaceen. Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dagaalamayaasha lagu dhaawacay dagaalka ka dhacay Qansaxdhere intooda badan ay ku jiraan gacanta maamulka, iyaga oo nool. Weerarka ay magaalada ku soo waadeen kadib waxa uu sheegay inay duleedka degmada ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah kooxda, isla markaana ay halkaas ku dileen seddax dagaalame oo kale. Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mukhtaar waxuu sheegay inay ka qabsadeen Al-Shabaab gaadiid u badan mootooyin ay howlgalladooda ku fulin jireen. Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa madaxda dowladda federaalka iyo maamulka koonfur Galbeed ka dalbaday inay gacan ku siiyaan sidii degmada Qansaxdheere looga saari lahaa go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.
-
London (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay xaafada ay ka degan yihiin Soomaalida Edmonton Green ee Waqooyiga London. Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir darawal basaska dadweynaha ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa Maryan Ismaaciil uu dilay 6 April, kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu guriga isaga tago uguna fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay, balse isaga aanu wax ubad ah u dhalin. Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu waalay kuna riday isbadal dhinac walba leh, taasoo keentay geerida marxuumada. Baaris lagu sameeyay meydka marxuumadda xaaskiisa aheyd ayaa muujiyay in uusan jirin gacan ka hadal dhex maray labadooda, balse xaaska si ula-kac ah loo dilay. Falkaan oo dhacay 6-dii April 2020 ayaa si weyn waxaa uga murugooday dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Xuseen oo ahaa qof aad u degan, ku xernaa masaajidka shaqeysta, reerkiisana dhaqda. Ali Muhiyaddiin London, Caasimada
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxamed Muuse oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya ayaa shalay kasoo baxay xabsiga Hargeysa ee Somaliland, ninkaan oo isagoo 20 sano jir ah xabsiga galay sanadkii 2001, kana soo baxay isagoo 40 sano jir ah. Ninkaani oo ku eedeysnaa dilka muwaadin Somaliland ah ayaa waxaa sii deyntiisa fududeeyay milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Maxamed Yuusuf oo ay isku barteen xabsiga intii uu xirnaa Cabdimanaan balan qaadayna in uu bixin doono diyada laga doonayo maxbuuska dilka ku eedeysan, hase ahaatee waxaa sidoo kale fududeeyay sii deyntiisa samafale Cabdimaailk Muuse Coldoon. “Qabri baan ka soo baxay, meel aan u dhaqaaqo ma garanayo” ayuu yiri Maxamed Muuse oo 20 sano ku xirnaa xabsi isagoona u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay sii deyntiisa, gaar ahaan maamulaha Astaan TV iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon. Cabdimaalik Coldoon ayaa sidaan oo kale horay xabsiga ugu soo saaray muwaadin reer Itoobiya ah oo u xirnaa diyo lagu lahaa.
-
Kalitalisnimadu waa qaab ka mida qaababka wax lagu xukomo oo taariikhda aadanahu intii ay jirtayba xiriir la lahayd. Kaligitaliye waxaa loogu yeeraa: cid walba oo isku koobta ama ka xigsata xukunka, talada iyo aragtida ummadda ka dhaxaysa inta kale. Kaligitaliyihii ugu waynaa ee caalamkan soo maray Qur’anka ayaa inooga warramay oo waxa uu ahaa Fircoon. Saddex arimood oo laga dhaxlay ayay wali ku dhaqmaan kuwa xeeladihiisa isticmaalaa. Kow, qaybi oo xukun (Qasas aayadda 4aad). Labo, aniga ayaa iri (Qaafir: 29). Saddex, cabsi galin iyo cagajuglayn (Sukhruf: 54). Inta bdan haddii aynu Soomaali nahay waxa aynu kaligitaliye u naqaan oo kaliya qof xoog ama cinqilaab talo kula wareegay, deedna sharciyad uu isagu isa siiyey wax ku dhaqay. Laakiin kaligitalis uma aynu naqaan midka ay bulshadu sharciyadda siisay oo markaas ka bacdi ka tillaabsaday sharciyadda sidaasna kaligitaliye ugu xuub siibtay. Waxa aynu niraahnaa: “sidee hebel kaligitalis u yahay waaba la doortaye”. Fahamkaas khaldan waxaa ina gayaysiiyey isdoorashada oo aynaan u qabin inay dhiigyacabyo dhali karo. Si aadan dabinkaas ugu dhicin, waa lagama maarmaan inaad ogaato in dhiigyacabyadii ugu waa waynaa ee caalamkan soo maray ay ku yimaadeen sifo sharciya. Hitler, Mussolini iyo Stalin intuba doorashooyin xor ah ayay ku soo baxeen markii dambana waxa ay isu baddaleen bahallo dugaag ah. Maxaa lagu gartaa kaligitaliyaha? Hoggaamiyaha kaligitaliska u xuub siiban doonaa marka horaba dadka uma eka, maxaa yeelay waxa uu leeyahay hannaan iyo summado inta kale looga sooco. Summadda koobaad ee lagu gartaayi waa inuu yahay marin habaabiye ama caadifad la hadal aan dadka maankooda la hadlin ee caadifaddooda xanxanteeya. Badanaaba siyaasad iyo hannaan horumarineed midna ma uu soo bandhigo ee waxa uu inta badan ku celceliyaa waddaniyadda, sharafta iyo in uu haybadda dalka iyo dadka kor u qaadayo. Labo, waxa uu cadow u yahay madaxyawaynta siyaasadeed iyo nidaamka dalka uu hoggaanka u noqdo ka jira, sidaas daraadeed dadka ayuu u tusaa in ay cadow u yihiin. Nidaamka siyaasiga ah haddii uu yahay mid leh ‘dhaqanka isu dheelitirka awoodaha’ (checks and balances) waxa uu doonaa in uu furfuro si aysan isaga awooddiisu u wiiqmin. Saddex, waxa uu hindisaa cadow ban-ku-abuur ah oo loogu yeero ‘Qaran Dumis.’ Cadowgaas khiyaaliga ahi waxa uu noqon karaa; qaybo bulshada ka mid ah, Muhaajiriin ama dawlado daris ah. Inta badan cadowgaas sheegistiisa waa lagu celceliyaa si dadku ula qabsadaan. Xilliyada hoos u dhaca, cadowgaas iyo mucaaradkiisa ayaa la isku xiraa. Arinta afraad ee aad ku garan karto kaligitaliyaha ama kaligitaliyaha dhiigyacabka isu baddali doona waxaa weeye hamuunta xad dhaafka ah ee uu u qabo in la ammaano iyo carada iyo dhirifka uu ka qaado marka la dhaliilo. Qodobka ugu dambeeya ee aad ku garan kartaa waxa weeye samaynta uu samysto hay’ado ama hoggaammo sharciga baal marsan. Hay’adahaani waxa ay noqon karaan Guulwadayaal wax ammaana, dacaayad-fidiyayaal wax jaa’ifeeya ama cudud wax lagu cabburiyiyo. Maxaa sabab u ah in kaligitaliyuhu xididdaysto? In hoggaamiye ku yimid sifo sharciya ama doorasho xor ahi uu isu baddalo kaligitaliye ama dhiigyacab waxaa sababa jiritaanka asbaabo fududeeya ama bari taarta. Barbara Kellerman gabadha iska leh buugga ‘Bad leadership’ waxa ay tiraahdaa haddii aanay jiri lahayn raciyad xumi, hoggaamiye xumina ma jireen. Mar walba waxaa jira qaybo bulshada ka mid ah oo dhiirri galiya kaligitalisnimada. Kooxahaasi waxa ay yeelan karaan ujeedooyin kala jaad ah, laakiin waxa kaliya ee kulmiya ayaa ah taageerada ay kaligitaliyaha u hayaan. Masalan, taageerayaasha Abdifitaax Siisi, kaligitaliyaha Masar, waxa ay isugu jiraan jaadad kala gaddisan oo ku midaysan in aysan Masar dimuquraadi noqon. Jaadadkaan waxaa ka mid ah: Masiixiyiinta oo ka cabsi qaba isbaddal noloshooda khatar galiya, cilmaaniyiinta oo ka cabsiqaba xukunka Islaamiyiinta, maalqabeenka dawlad ku naaxa ah oo ka cabsi qabo wixii ay dhaceen in laga soo mago iyo ciidammada oo ka cabsi qaba in ay awoodda dhumiyaan. Intaan oo isbahaysatay lehna warbaahin afkooda ku hadasha ayaa samastay raciyad kalitalisnimada taageero u ah. Xeerarku ma xakamayn karaan kaligitaliyaha? Haddii aad aaminsantahay in xeerarka la dhigtay ama nidaamyada lagu heshiiyay ay kalitaliyaha xakamayn karaan marka uu xididaysto waad khaldan tahay. Timothy Snyder, taariikhyahanka iska leh buugga la yiraahdo On Tyranny, isaga oo xusuusinaya dawladaha leh ‘nidaamka isu dheeli tirka awoodaha’ in nidaamkoodu aanu ka xakamayn doonin marin habaayiye wata raciyad xun marka uu maago in uu kalitaliye u xuub siibto waxa uu yiri: kaligitaliyuhu marka uu xididaysto oo uu raciyad ayidsanna samaysto nidaamku ma hor istaagi karo maxaa yeelay nidaamka laftigiisa ayuu furfuraa. Waxa uu tusaale u soo qaatay sidii uu Hitler dal dimuquraadi ahaa nidaamkiisii u rogay una abuuray dad lagu shubay in ay inta kale ka sareeyaan, kaligood waddani yihiin, xisbigooduna hal mid ah oo NAZI la yiraahdo yahay. Timothy, buuggiisa waxa uu qoray markii uu Trump soo shaac baxay, laakiin qoraalkiisu waxa uu macna wayn yeeshay markii la arkay qaab xukunkii Trump. Timothy, waxa uu dadka Maraykanka uga digayey inaysan dimuquraadiyadda iyo nidaamku u shaqayn doonin sidii hore, marka uu yimaado kaligitaliye wata malaayiin raciyada, taas ayaana dhacday. Donald Trump oo ah marin habaabiye cunsuriya ayaa maanta leh shacbiyaddii ugu badnayd ee uu hoggaamiye Jamhuuriya yeesho. Iska daa in la hor istaagee isaga ayaa xisbigii Jamhuuriga yeeshay. Soomaaliya kaligitalisnimo dib ma ugu noqon kartaa? Marka aad tusaalayaashii kaligitaliyaha daristo, eegtana wixii dhacayey afartii sano ee la soo dhaafay, waxay ila tahay in jawaabtaadu noqon doonto ‘Haah’. Waase haddii aad ka mid tahay inta leh gu, garaad iyo garasho lagu fahmo wixii dhacay soddon sano ka hor. Madaxwayne Farmaajo waxaa ka muuqda dhammaan calaamadihii lagu yaqaanay marin-habaabiyaha waxa uuna leeyahay raciyad kala shaqaynaysa in uu kaligitalis u xuub siibto. Raciyaddaasi waxa ay u qaybsantahay labo qaybood. Qayb gacan ku samays ah iyo qayb xilligu sameeyey. Qaybta dambe waxa ay ka kooban tahay dhalinyaro aan ogaal u lahayn waxii la soo maray iyo dad uu wakhtigu ku dheeraaday oo aaminsan in dawlad xoog badan oo wax khasabta loo baahan yahay. Labadaan qoloba waxa aysan aqoon wanaagsan u lahay halka ay talada kaligitalisku aakhirka ku dambayn doonto. Waxa aysan ogayn in mushkiladda soomaalida haysataayi ay ku abtirsato kaligitaliye uu marin-habaabiye dhalay, ka bacdina dhiigyacab u xuub siibtay. Waxa aysan ogayn in kumannaan Soomaaliya sidooda oo kale ay taageero u hayeen bilowgii marin-habaabinta, laakiin marxaladdihii kaligitalisnimada iyo dhiigyacabnimadu u run sheegeen. Haddii aynu dib ugu noqonno jawaabta su’aashii ahayd in Soomaaliya ay kaligitalis dib ugu noqon karto iyo in kale, waxaa xaqiiqo ah inaan cidina saadaalinayn su’aashaas, sababta oo ah dareenka wixii aynu kala kulannay kaligitaliyihii hore. Soomaalida oo aan kala awood badnayn iyo nidaamka faddaraalka oo u samaysan inuu xakameeyo kaligitaliska ayaa inoo ahaa xeerar diidaya inaynu su’aashaas hadda iswaydiinno. Lakiin si la mida dooddii Timothy Snyder marka uu yimaado marin habaabiye wata raciyad khaldan ama la khalday waa adag tahy in xeerarku shaqeeyaan. Waxaa Alle mahaddiis ah inaysan Soomaaliya sanadkaan ka dhicin doorasho qof iyo cod ahi, maxaa yeelay haddii ay taasi dhici lahayd waxa ay soo saari lahayd ama ay sharciyad siin lahayd kaligitaliye marxaladdii marin-habaabinta ka soo gudbay. Waa nasiibdarro in wixii ugu fiicnaa oo xulasho xor ahi ay soo saarto wixii ugu xumaa oo kaligitalis ah. Waxaan rajaynayaa in Soomaaliya ay ka badbaaddo kaligitalisnimo ugu yaraan xulashada soo socota, laakiin ilama aha inay ka badbaadi doonta mustaqbalka inta ay jiraan marin-habaabiyayaal heli kara raciyad da’yar ah oo la khaldi karo iyo xulasho xor ah. Mohamed Ahmed Elmi. Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. The post Kaligitaliye appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia oo samaysay tallaabooyin looga hortagayo Tahriibinta ayaa soo qabatay 87 qof, kuwaas oo qorsheynayay in ay u safraan dalka Talyaaniga. Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidmaada ilaalada xeebaha ee dalkaas ku guuleysteen in ay ka hor tagaan falal sharci darra ah, kuwaas oo qorsheysnaa inay tahriibiyaan dad badan. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 45 qof oo ka mid ah dadka lasoo qabtay ay heystaan dhalashooyin kala duwan ee dalalka Afrikaanka ah, halka 8 qof aya yihiin muwaadiniin Tuunis u dhashay. Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadka lasoo qabtay ay jiraan dad aan wali la ogaanin halka ay ka soo jeedaan, waxaana ku socda baaritaan dheeraad ah. PUNTLAND POST The post Wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia oo qabatay tahariibaal u socday Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay midoobaan, sibuu yiri ‘loo helo nolol tan dhaanta.’ Prof. Buubaa oo waraysi siiyay TV-ga Eryal isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in umadda Soomaaliyeed ay wax noqon karto markii ay isku yimaadaan shantii Soomaaliyeed. “Anigu waxaan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala tagi karin, qoomiyadaha Geeska Afrika waxay ku soo ururayaan in qoomiyad waliba wax wada qabsato, oo qoomiyaduhu dhexdooda heshiiyaan, oo ay khayraadka si wanaagsan ula soo baxaan, sidaa darteed, Somaliland joog, ama Soomaaliya joog, ama Itoobiya joog, ama Jabuuti joog, ama Kenya jooge, Soomaalida maanta talaa hortaalla, taas oo ah in hadii nolol tan dhaanta la doonayo, oo jiilasha soo socda nolol loo abuurayo, taasi waxay ku imaneysaa in Soomaaliweyn wax wada qabsato,”ayuu yiri Prof. Buuba Ismaaciil Hurre. Isagoo tusaale ka bixinayey sida ay taasi ku suurta geli karto ayaa waxa uu sheegay in qolo kasta ay maamul samaysan karto, laakiin ay tahay in lawada shaqeeyo oo aan sidaan look ala taagnaan. “Is-maamullidu waa gooni, oo maamul waala samayn karaa meel ugaara, laakiin danaha Geeska Afrika umadda Soomaaliyeed waa mid aan kala go’aynin, oo Ilaahay ayaa sidaan u abuuray, oo midna aanu mid la’aantii anay waxba u suuroobayn, anigu Hargaysa ayaan ku dhashay, Awaare ayaan ku koray, Soomaaliduna waa wada sidaas oo kale, marka in been aan isku sheegno maaha,”ayuu hadalkiisa kusii daray Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa. Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday heshiiskii ay dhawaan ay Muqdisho ku gaareen mucaaradka iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxa uu sheegay inay aad u soo dhaweynayaan, isagoo u mahad celiyey madaxdii wada qaadatay heshiiskaas. “Waxa la isku hayey waxweyn ma aheyn oo doorasho hala qabto unbey aheyd, cid diidana ma jirto, laakiin qodobo yar-yar oo wax kala riixasho ah ayaa jiray, waa ku mahadsanyahay Rooble oo la fariistay musharaxiinta oo iyaguna sidoo kale mahadsan, waxay soo afjareen cabsi weyn oo mandiqadda dhan ka taagneyd, runtii in la isku dhaco ayaan aad uga baqeynay,” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Hurre. Hoos ka Daawo
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar____Qubanaha-2722021-oooo.mp3 View the full article
-
Jilib (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe xukunno kula fuliyey seddax qof oo sigu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo. Siidii Muxudiin Cabdi oo lagu eedeeyey xatooyo ayaa laga jaray gacantiisa midig, sidoo kale Cilmi Khaliif Maxamed oo loo heysto kufsi ayaa laga qaaday xoolo, iyadoo lagu fuliyey xukun karbaasha ah, halka Caasha Cabdulqaadir Cumar oo loo heysto gogol-dhaaf ay ku fuliyeen xukun jeedal ah. Nin sheegtay inuu yahay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Jilib ayaa fagaare ay xukunnada ku fuliso kooxdu oo ku dhex yaalla Jilib ka akhriyey eedaha loo heysto iyo xukunnada dadkaas. Fagaaraha ay kooxdu xukunnada ku fuliso ee ku dhex yaalla Jilib ayey ugu magac-dareen hoggaamiyihii laga dilay ee Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa ninkii aas-aasay Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka ka joogaan waxay xukunno dil u badan ku fuliyaan dadka ku nool, kuwaas oo inta badan ay eedeymo uga dhigaan, basaasnimo, kufsi, xatooyo iyo waxyaabo kale, waxaana aad u cabsada dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan.
-
MOGADISHU, Somalia. Members of the UN Security Council unanimously approved sanctions for three leaders of the Al-Shabaab terror group after the US and Somali governments forwarded them for designation. The resolution slapped penalties on Abukar Ali Adan, Maalim Ayman, and Mahad Karate, allegedly responsible for numerous acts of terrorism in Somalia and in the region. According to the resolution, Abukar Adan Ali, the deputy leader of the Al-Qaeda-affiliated group, was engaged in or provided support for acts that threatened the peace, security or stability of the Horn of Africa nation, including with attacks on its military, as well as peacekeeping forces of the African Union. The UN accused him of associating with Al-Qaeda affiliates, Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) and Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM). Moalim Eyman, the second name on the sanctions list, is the founder and leader of Jaysh Ayman, an al-Shabaab unit conducting attacks and operations in both Kenya and Somalia. The UN said Karate, for his part, played a key role in the Amniyat, the wing of al-Shabaab responsible for the 2015 attack on Garissa University College in northeastern Kenya that resulted in nearly 150 deaths. The Amniyat is al-Shabaab’s intelligence wing, which plays a key role in the execution of suicide attacks and assassinations in Somalia, Kenya and other countries in the region, and provides logistics and support for its terrorist activities. Al-Shabaab is an al-Qaeda-affiliated terrorist group that has been fighting the Somali government and forces of the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in Somalia for over a decade. “Sanctioning senior Al-Shabaab figures is a welcomed initiative. Perhaps a bit long overdue they should also follow suit with other senior combatants,” said military and security expert Col. Ahmed Abdullahi Sheikh. “UNSC should keep monitoring this group and maintain the international pressure to contain the threat they pose,” added Sheikh, who is also the former head of Somalia’s Special Forces, DANAB.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga diiday inuu Muqdisho kusoo daabulo ciidamada Mareykanka uu tababaro ee Danab, kahor dibad-baxyadii Muqdisho. Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab, oo aan magaciisa la xusin ayaa Washington Post u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaha Danab weydiistay in qaar ka mid ah ciidamada uu kusoo daadgureeyo Muqdisho, hase yeeshee codsigaas laga diiday. Sarkaalkan oo magaciisa qariyey ma sheegin haddii Mareykanka ay kaalin ku lahaayeen diidmadan, ayada oo la rumeysan yahay in ciidamadan ay si toos ah ugu xiran yihiin Mareykanka, si ka duwan ciidamada kale ee Soomaaliya loo tababaro. Mareykanka ayaa horey ugu diiday in ciidamadadaas loo adeegsado wax ka baxsan howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Danab ayaa la rumeysan yahay inay yihiin ciidanka ugu tababarka wanaagsan kuwa dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, isla toddobaadkaas ayaa waxaa Muqdisho lagu soo daabulay ciidamada kale ee gaarka ah ee Gorgor iyo Haramcad, kuwaas oo labaduba ay tababaraan Turkish-ka. Ciidankaas qaarkood ayaa loo adeegsaday weerar lagu qaaday qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, iyo rasaas lagu furay dibad-baxayaal taageersan. Turkish-ka ayaa hore loogu eedeeyey inay u ogolaadeen ciidanka ay tababaraan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo ka baxsan ujeedka markii hore loo tababaray oo ah la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Turkish-ka ayaa ku dooday in shaqadooda ay tahay inay tababaraan ciidanka, balse sida loo adeegsanayo ay tahay arrin u taalla dowladda Soomaaliya.
-
Marxaladda soo labo kacleynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 oo saameyn balaaran ku yeelatey dalka oo dhan ayaa todobaad gudihii Galmudug laga diiwaangaliyey 13-kiis oo dhammaantood laga helay magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug. Welwelka laga qabo kororka tirada bukaanada uu soo ridanayo xanuunkan iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira xarumaha hore loogu diyaariyey in ay qaabilaan dadka caawinta u baahan darteed ayaa fadhigan oo uu shir-guddoomiyay ku simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal ayna ka qayb galeen Wasaaraddaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Maaliyadda, Gaadiidka, Awqaafta iyo Diinta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug ayaa diiradda lagu saarey sidii loo sameyn lahaa diyaar garow mug leh. Dhammaan Wasaaraddaha fadhigan ka qayb galey ayaa laga dhageystay tallooyin la xiriira talaabooyinka la qaadayo ee hortabinta u leh howlaha ka hortagidda iyo la tacaalidda soo labo kacleynta xanuunka COVID-19. Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale oo ugu horreyn Warbaahinta warbixin ka siiyay go’aanada shirkan kasoo baxey ayaa sheegay in la isku afgatay in dib loo furo dhammaan xarumihii karantiilka ee degmooyinka Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqey guddi ka kooban 9-xubnood oo isugu jira Wasaarado ay hormuud u tahay Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo diyaarin doona qorshayaasha la tacaalidda Safmarka COVID-19. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-habeen-2722021-000.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 304 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 3 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (147) Hirshabeelle (77) Somaliland (53), Jubbaland (15) Galmudug (2) iyo Koonfur Galbeed (5) qof, 185 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,991 waxaa bogsootay 3,787 Ruux. guud ahaan 231 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku celisay mar kale inay muhiim tahay qaadashada tallooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
-
Xili ay Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ay ku loolamayaan Kharashaad badana ay ku bixinayaan Cida hogaaminta Siyaasadeed iyo saameynta ku yeelanaysa Gobolka ayaa waxaa hada Gobolka soo wajahay Daruufo bini’aadanimo. Xaalad bani’aadamnimo ayaa ka socota Gedo halkaas oo abaarta iyo ay si ba’an u saameynayeen xoolaleyda iyo beeraleyda gobolka. beeraha ayaa laga khaxayaa, biyo la’aanta soo ba’an oo Deegaanka ka jira awgeed. Maamulka Gobolka Gacanta ku haya ee Xukuumada Federaalku soo magacawdey ilaa hada kama aysan hadal Abaarahaan mana jiraan Abaabul Gurmad iyo Cid hadal haysa Dhibaatooyinka Saameeyay Bulshada Gobolka Gedo. Axmed Farax Cusmaan oo la hadlay Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa sheegay inuu ka walwal sanyahay Xaaladaha Abaaruhu keeneen iyo Ka warqab la’aanta haysata Shacabka, isagoo Carabaabay in Boqolaal kunnoo Dollar lagu bixiyo olole Siyaasadeed oo Gobolka ka socda. Axmed wuxuu sheegay inuu maalin walba arko Dayuurado kusoo qulqulaya Gobolka, saasoo ay tahay ma jirto Cid Dhacabka Gudihiisa ka warqabta. Waxaa loogu baaqayaa Maamulka Gobolka, Fowlada Federaalka iyo Jubbaland in losoo gurmado Gobolka inta xaaladu aysan gaarin xili loo geeriyoodo haraad. Sawiradaan hoose waa qaybo ka mida Shacabka Gobolka oo Biyo la’aan ay naftooda khatar u tahay, The post Amaabro sababay Biyo la’aan ayaa ka taagan Gobolka Gedo appeared first on . Source
-
Members of the UN Security Council unanimously approved sanctions for three leaders of the Al-Shabaab terror group after the US and Somali governments forwarded them for designation. The resolution slapped penalties on Abukar Ali Adan, Maalim Ayman, and Mahad Karate, allegedly responsible for numerous acts of terrorism in Somalia and in the region. According to the resolution, Abukar Adan Ali, the deputy leader of the Al-Qaeda-affiliated group, was engaged in or provided support for acts that threatened the peace, security or stability of the Horn of Africa nation, including with attacks on its military, as well as peacekeeping forces of the African Union. The UN accused him of associating with Al-Qaeda affiliates, Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) and Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM). Moalim Eyman, the second name on the sanctions list, is the founder and leader of Jaysh Ayman, an al-Shabaab unit conducting attacks and operations in both Kenya and Somalia. The UN said Karate, for his part, played a key role in the Amniyat, the wing of al-Shabaab responsible for the 2015 attack on Garissa University College in northeastern Kenya that resulted in nearly 150 deaths. The Amniyat is al-Shabaab’s intelligence wing, which plays a key role in the execution of suicide attacks and assassinations in Somalia, Kenya and other countries in the region, and provides logistics and support for its terrorist activities. Al-Shabaab is an al-Qaeda-affiliated terrorist group that has been fighting the Somali government and forces of the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in Somalia for over a decade. “Sanctioning senior Al-Shabaab figures is a welcomed initiative. Perhaps a bit long overdue they should also follow suit with other senior combatants,” said military and security expert Col. Ahmed Abdullahi Sheikh. “UNSC should keep monitoring this group and maintain the international pressure to contain the threat they pose,” added Sheikh, who is also the former head of Somalia’s Special Forces, DANAB. View the full article
-
(ERGO) – Halima (not her real name) has been living with HIV/AIDS for the past two years in the southern Somali city of Kismayo, where stigma surrounding the virus has led to her being evicted from 10 rented houses. Source: Hiiraan Online
-
The Minneapolis City Council has unanimously approved paying six social media influencers to spread city-approved messaging and updates throughout the upcoming murder trial of former officer Derek Chauvin, who has been charged in George Floyd's death. On Friday, the council approved $1,181,500 for communication with the community during the trial, CBS Minnesota reports. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia - The Turkish Red Crescent has donated 10 ventilators to the Somali Health Ministry, the Turkish embassy in the capital Mogadishu said on Friday. Source: Hiiraan Online