Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa goordhaw shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda gobaleedyada dalka, kaas oo looga arinsanayo khilaafadka ku hor gudban arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweeynayaasha Puntland , Jubbaland , Galmudug , Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa kulankan waxaa sidoo kale looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Maamulada Jubbaland iyo Puntland kala dhaxeya Dowladda Federaalka. Shirkan oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay ayaa sidoo kale la rajeynaya in uu gogol xaar u noqdo shir weyne wadatashi oo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2732021.mp3 View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa 7 cisho oo rumaan ah u dirtay Musharax Shucayb Maxamed Muuse Shucayb Maxamed Muuse ayaa maalintii seddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa. Xukuumadda Somaliland iyo laamaha amnigu wali si rasmi ah ugama hadlin xadhiga Shucayb Maxamed Muuse. Source
  4. Magaalada Bosaso ayaa shan Goobaha lagu bilaabay Talaalka Covid19, Munaasabad da bilowga Talaalka oo ka dhacdey Isbitaalka Waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro iyo Masuuliyiin ka socda Gobolka. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa horay u amray imtaxaanka lagu bilaabo Shaqaalaha Caafimaadka, Dadka Waayeelka ah iyo Dadka aan xamili karin ama iska difaaci karin Xanuunka Covid19. Wasaaradu iyadoo fulinaysa Amarkaas waxaa maanta Talaalka lagu bilaabay Waayeelka iyo Dhaqaalaha Caafimaadka. Hoos ka daawo Sawirada i The post Puntland oo Talaalka laga bilaabay 4 goobood appeared first on . Source
  5. Shir u dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirka looga hadlaya khilaafka harreeyay doorashada 2021-ka. Waxaana shirkan ka qeybgalayaa madaxweynaha madaxda dowlad goboleedyadda Koonfur Galbeed, Jubaland, Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle. Shirkan ayaa kusoo begmayaa xilli dhawaan Muqdisho uu ka dhacay kulan u dhexeeyay madaxda dowladda, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka maqnaa madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland kuwaas oo horraan walaac ka muujiyay ammaanka goobta shirka lagu qabanayo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca iyo tuhunka laga muujinayo kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka, kaas oo ajandihiisa lagu sheegay ka doodista Covid-19. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Soomaaliya. Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo xileedka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu dhammaaday, isla-markaana uusan sameyn karin muddo kordhin horleh, sida uu hadalka u dhigay “Waxaa jira dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi, gaar ahana golaha shacabka, Baarlamaanka waqtigiisa waa dhamaaday hadda muddo kordhin kuma sameyn karo muddo xileedkii hore,” ayuu yiri xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in qorshahaani lagu doonayo muddo kordhinta uu gadaal ka riixayo madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana u jeedada maanta dib loogu farayo kulanka baarlamaanka ay tahay sameynta muddo kororsi. “Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa gadaal ka riixaya, waxaana kala shaqeynaya xubno ka tirsan Guddoonka Golaha Shacabka, sababaha maanta dib loogu furayo Baarlamaanka waa muddo kororsi, ”ayuusii raaciyey Xildhibaan Cabdullaahi. Si kastaba kulanka golaha shacabka ayaa saacadaha soo aadan furmi doono, waxaana haatan xarunta kusii qul-qulaya xildhibaanada baarlamaanka oo xalay lagu war-geliyey inuu jiro kula-weynahooda oo looga hadlayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xerada Xalane ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe, wuxuuna kulankan ka billowday hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan furitaanka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada, kaas oo ay si weyn uga biyo diideen hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi sii raacinaya in shirkan gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada kusoo qaadayaan xal u helida khilaafka weli ka taagan doorashooyinka. Shirkaani ayaa dab-socdo kulamo gaar gaar ah oo ay maalmihii u dambeeyey lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, si is-faham waaga jira loogu dhameeyo wa-hadal. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii uu baaqday shir u dhexeeyey beesha caalamka & maamul goboleedyada, kadib cadaadis ka yimid dhinaca dowladda dhexe ee Somalia.
  8. Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland,Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa shirkoodii maalintii labaad uu ka furmay Hotel kuyaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Kulanka ayaa lagu falanqaynayaa Arimaha Doorashada ee hada aad usii cakirmaya, waxaana lagu wadaa in Shirkaan uu gogol xaar u noqonayo Shirka Wadatashiga ee dhexmari doona Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, kasoo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho. Dowlada Federaalku kuma qanacsanayn Shirkaan maadaama ay iyado bilowdey shir kale oo ka socda Afisyooni, Shirkaas waxaa ka qaybgalkiisa diidan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Furmay appeared first on . Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa waxaa halkaasi lagu arkay ciidamo dhar-cad ah oo la soo dhoobay dhismaha xaruntaasi oo ay maanta kulan xasaasi ah ku leeyihiin xubnaha golaha shacabka. Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda xarunta golaha shacabka ayaa xusay in ciidan uu ku tilmaamay maleeshiyaad lasoo dhoobay xarunta Villa Hargeysa, islamarkaana wata Bistoolado, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamo dhar-cad loo adeegsado mudanayaasha baarlamaanka, iyada oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo, si loogu fuliyo ajando aan waafaqsaneyn shuruucda iyo dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa nasiib darro ah in xarunta baarlamaanka lasoo dhoobo maleeshiyaad Bistoolado ku hubeysan oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo xildhibaanada, lana doonayo in lagu fuliyo ajando guracan oo baal-marsan shuruucda iyo dastuurka u yaal dalka,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cambaareynayaan tallaabadaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in dalka aan lagu maamuli karin qoray caaradiisa. Si kastaba kulanka maanbta ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu muujinayaa tuhun ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah.
  10. Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed, ayaa maanta oo Sabti ah shir uga furmay magaalada Muqdisho Shirka oo ku saabsan xallinta muran Arrimaha doorashooyinka waxa ka qayb-galay madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Sidoo kale, shirka waxa lagu diyaarinaya ajandaha shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyad, si loo qabto doorashooyin heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Kadib markii uu Buuq kusoo looga kala kacay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay wali Xildhibaanadu dhexfadhiyaan Gudaha Hoolka Baarlamaanka, waxaa goobta ka maqan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo saacad ka hor ka baxay Hoolka kadib markii ay Qaylo iyo Sawaxan awgeed uu la hadli waayay Gudoomiye Mursal. Xildhibaanada badan koodu waxayna diidan yihiin in kulanku furmo waxayna ku andacoonayaan in Kalfadhiga Ajandihiisa aan loo soo marin wadadii saxda ahayd, waxay kaloo Xildhibaanadu ka shaki qabaan in Gudoomiyuhu uu Qorshe kale wato, Mudo kordhinta waa laga dhawaajiyey. Hada Hoolka ayay Xildhibaanadu fadhiyaan kulanka oo hakad galayna inuu dib i furmo ayaa Macquul ah. Xildhibaan Mahad Salaad oo Saxaafada la hadlay wuxuu sheegey in Ciidamo gaara oo Madaxtooyada ka socda ay ku gadaamay yihiin Baarlamaanka. wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com The post Wararkii ugu dambeeyay : Xildhibaanada oo wali dhex fadhiya Hoolka Baarlamaanka appeared first on . Source
  12. Qarax goor-dhaweyd Ruxay Muqdisho+ khasaaraha Nafeed ee ka dhashay Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroornimadii ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed. Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga Beexaani ayaa waxaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay oo meel durugsan laga hagayey. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala beegsaday gaadhi qooqan ah oo halkaas mareysay taasoo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowlada Goob joogayaal ayaa ku waramay iney arkeen dhaawaca saddex askari oo waxyeelo ka soo gaadhay qaraxaas, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa ay dhibaato soo gaadhay. Ciidamada amaanka ayaa gaadhay goobtaas oo dhowaanahan aheyd meel ay ku soo bateen qaraxyada, baadhitaano aan la ogeyn in qaraxaas dad loogu soo xidhay iyo in kale ayeyna halkaas ka sameeyeen. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka maanta ee golaha shacabka iyo sheekooyinka ku xeeran. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu rabo in xubnaha golaha shacabka ay u sameeyaan muddo kordhin sharci darro ah. Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uusan dooneyn marnaba in dalka ay ka dhacdo doorasho guud oo loo wada dhan yahay. “Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur. Sidoo kale musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay is qarxin siyaasadeed, balse loo baahan yahay in laga feejignaado. Halkan hoose ka aqriso:- Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin. Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada. Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan. Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.
  14. Tacsi Tiiranyo leh Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dr.Diiriye Ismaaciil Ereg Hormoodkii Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeisa oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeisa Waxan ilaahay ugu baryayaa Marxuum Dr.Diiriye inuu Janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyska,xigtada,Xasabada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
  15. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya aya sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa kuwa NISA saakay la keenay Xarunta Golaha Shacabka oo maanta kulan uga furmayay Xildhibaanada Waqtigooda dhamaaday . Mahad Salaad ayaa shegay in aanu ajendaha maanta aan la soo marsiinin xeer hoosaadki u yiilay golaha shacabka BJFS. ” Sideedaba Golaha Shacabka Xeer hoosaad ayuu ku shaqeeya, Ajenda marka la keenaayo Guddiga joogtada ah in ay ka fadhiistaan waye , guddiga joogtada ah in ay soo gudbiyaan waaye, kadibna 24-saac ka hor in loo soo gudbiyo xubnaha golaha Shacabka sidaasna ajendaha loogu soo daro oo loo keeno” ayuu ka hor yiri warbaahinta xilli uu kula hadlayay xarunta golaha shacabka . Xildhiibaan Mahad ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo ka amar qaata Fahad Yasin lagu soo daadiyay xarunta Baarlamaanka ay ku shirayeen . ” Waxaa kaloo nasiib daro ah xarunta Baarlamaanka sida aad aragteen banaankeeda iyo korkeedaba in maleeyshiyaad Hubeysan oo bistoolada ku hubeysan oo dhar cad ah la soo dhoobay oo la doonayo in lagu qal qal geliyo xildhibaanada lana doonayo in lagu fuliyo Ajenda Guracan oo dastuurka dalka iyo Sharuucda dalka u taalla baarlamarsan” ayuu hadalka kiisa raaciyay Xildhibaan Maxamed Salaad. Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ciidmaadan uu dalbade Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal . “Waan wareysano waxaan dhahdnay yaa kaney? Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxeey noo sheegen Amarkan Guddoomiyaha in ay ku imaadeen “. Source: goobjoog.com
  16. MOGADISHU (HOL) - UK has today announced that it will not support 'an automatic extension of previous mandates', calling on Somali leaders to reach consensus in regard to the election process. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo gaaray magaalada Caabudwaaq,ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Mudaneyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo bulshadii halkaasi. Kulamadaasi waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo masuuliyiintii kale ay halkaasi kaga wada hadleen xaalada nabadgelyo ee gobolka,xal u helidda baahiyaha jira iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Dowlad Goboleedka iyo bulshada Galmudug. Mudane Cali Daahir Ciid, oo maalmahaan safarro shaqo ku marayey degmooyin iyo deegaanno kamid ah Galmudug,waxaa maalinimadii shalay si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galguduud. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa uu u mahadceliyay qaar kamid ah labada Gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo qeybaha bulshada Caabudwaaq oo ka qeybgalay soo dhoweyntiisa View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan-weynahooda ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo lagu jiro kala guur. Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista saameynta ka dhalatay soo laba kacleynta cudurka Coronavirus, balse warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadayo inuu jiro qorshe muddo kordhin ah oo ay tuhun ka muujiyaan qaar ka mid ah xildhibaanada. Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray inay jirto muddo kordhin uu baarlamaanka u sameynayo hay’adaha dowladda, balse wuxuu tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa, laakiin hadda ajandaha naloo soo diray ma’aha,” ayuu yiri Jeesow. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado, marka wax cod kali karo ila ma’aha,”. Si kastaba kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada muddo xileedkooda uu dhamaaday ayaa ah mid la wada sugayo waxa kasoo baxo, kaas oo lagu wado in saacadaha soo coda uu si toos ah uga billowdo xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.
  19. Xildhibaan ka tirsanaa golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Mahad Salaad ayaa sheegay in hey’adda sharci dejinta uu waqtigeedu dhammaaday isla markaana aan loo baahneyn in xilligan la kulmo. Mahad Salaad oo arrinkaas si khaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri‘‘Baarlamaanka 10-aad waqtigiisu waa dhacay goor hore, waa maxay baahida loo kulmayo iyo shaqada u taalo oo xilligan loo kulmayo’’ . Xildhibaankan afka dheer, ee lagu yaqaan la xisaabtanka maamulka Farmaajo, kana tirsan madasha badbaado qaran ayaa intaa ku daray in balanta uu maanta qabtay guddoonka ay tahay sharci darro, oo aan la marsiin habraaca isla markaana ay hor istaagi-doonaan. ‘‘ Ajendahan lama marsiin habraacii ahaa guddiga ku shaqada leh ama iney ka shiraan guddiga joogtada ah, waa mid soo bood ah, sidaas darted ma aha in golaha la keeno, waxaan dalban doonnaa in la joojiyo ka hadlidiisa’’. Dhanka kale, qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu ka digay in aan la tijaabin dulqaadka xildhibaannada. Arrimaha ayaa imaanaya xilli qoraal ay guddoonka xalay u direen xildhibaannadii hore waxaa ku qornaa ”Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha: Covid 19. Saacaddu 09:00 subaxnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Islamist insurgents with reported ties to ISIS have trapped over 180 people - including foreign citizens - inside the Amarula Palma hotel, killing "several people," as fighting raged for a third straight day around a gas hub town in northern Mozambique, AFP reported on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU (HOL) - Kenya has no right to forcefully eject Somali refugees, Somalia has said in its response since Nairobi ordered the closure of the refugee camps. Source: Hiiraan Online