Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiir Hore Cabdilaahi Darawal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu hoos u eego gacan ku haynta Somaliland ee qaar ka mid ah deeganadeeda barriga oo uu sheegay In ay ka baxeen faraha Somaliland islamarkaana ay la wareegtay Soomaliya ayaa yidhi’ “Sanaag barri waxaad mooda in la siiyey Puntland, Buuhoodlena Soomaliya ayaaba xukunta, dawladeenana cid hadal haysana arki maysid. Midnimada Somaliland waxay ku xidhantahay In loo sinaado fursadaha shaqo iyo dhaqaale ee dawlada”. Halkan hoose ka Daawo Source
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta warbaahinta kula hadlay Boosaaso, ayaa ku dhawaaqay hawlgal culus oo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga jawaabayo weerarkii habeen ka hor lagu qaaday xabsiga Boosaaso. Madaxweyne Deni, wuxu sheegay in hawlgalkii u dambeeyay oo sifayn ah maalmaha soo socda lagu qaadi doono kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari, islamarkaana si rasmiya loo soo af-jari doono dhammaantood. Mudane Deni, wuxu sidoo kale ballan-qaaday in baaritaan buuxa lagu samayn doono dhacdadii habeen ka hor lagu weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, taas oo cid kasta oo lagu helo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Hoos ka daawo muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeysay qarixii xalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Maqaayada luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya aya waxa loogu tacsiyadeeyey dakii ku dhintay qaraxa, halka caafimaad loo rajeeyey kuwa ku dhaawacmay. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee argagaxisada Al-Shabaab ay 5-tii bishaan Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku naf waayay weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan QM. Si kastaba Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay shaacisay inay la bartilmaameedsatay saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqayaadda Luul-Yemeni, taas oo ku taalla agagaarka dekadda weyn ee Muqdisho. Maanta ayaa burburka dhismayashii xalay ku dumay qaraxaas ee ka agdhawaa maqayadaas laga soo saaray meydad dad hor leh oo qaraxaas ku geriyooday. Meydadka dhismayashaas laga dhex helay ayaa gaaraya illaa 3-qof, waxaana sidoo kale dhawacyo soo gaaray u geriyooday qaar ka mid ah dadkii xalay halkaas ku dhaawacmay. Sidoo kale waxaa weli lagu layahay nolol iyo geri dad ku sugnaa maqaayadda markii uu dhacay qaraxaas. Qaar kamid ah dadka ehelkooda baadi goobayey iyo kuwii arkayay markii meydadka laga soo saarayey goobahaas ayaa warbaahinta u sheegay in weli dhismayaasha dumay ay dad ku hoos jiraan. Inta la ogyahay qaraxaan waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25-qof, halka dhaawacyadu ay intaas ka badanyihiin. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida 10-qof iyo dhaawaca ugu yaraan 30 kale. Maamulka gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Aamin Abulance ayaa isla xalay warbaahinta u sheegay in maqaayadda la qarxiyey ee Luul-Yemeni ay ka qaadeen meydadka 20-qof iyo dhaawacyada 30 kale. Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna tilmaameen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xilligaas ku sugnaayeen maqaayadda. Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaayadan, waxaana qaraxii kan ka horeeyey oo dhacay 8-dii bishii Agoosto ee sanadkii 2020 fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo galaaftay nolosha dad u badnaa waardiyihii maqaayadda. Weerarkaan xalay dhacay ee dadka badan galaaftay ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada Muqdisho sacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad siyasadeed oo u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda. Sidoo kale labadii maalmood ee u dambeysay waxaa jiray tuhun iyo cabsi la xariirtay in gaadiid qaraxyo lagu soo raray ay magaalada Muqdisho ku dhex jiraan.
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-632021.mp3 View the full article
  6. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dowlada Federaalka ku eedeeyay in lagu wargaliyey in lasoo weerarayo Goobaha lagu dhaaheeyo ee Degmada Xamar Jajab. Warqad uusoo bandhigay ayaa waxaa isweydaarsadey laamaha Amaanka waxayna sheegaysaa Warqadu in Al-shabaab abaabulayaan weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadayo Makhaayada Koffe Piont oo kasoo horjeeda Makhaayada Luul Yemeni oo ah goobtii Xalay la qarxiyey. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in hadii laamaha Amaanku ka warhayn In lala damacsan yahay weerar goobahaan ay Dayeceen Dhaqadoodii. Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party Waatan warqadii ee Akhriso The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo bandhigay warqad cadeynayasa inla ogaa Qarixii Xalay appeared first on . Source
  7. Mogadishu (PP News Desk) — The former Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke said that “Norway drafted the Memorandum of Understanding” signed with Kenya in 2009. Sharmarke held a press conference in 2016 in Garowe to explain his role in the MoU that questions Somalia’s 200 nautical miles promulgated in several laws dating back to 1972 and 1989. “Norway was helping Somalia to claim more miles, and drafted the Memorandum of Understanding Somalia signed with Kenya. When we realised that Kenya was using the Memorandum of Understanding for wrong purposes, we pulled out of the agreement” Sharmarke said. Omar Abdirashid Ali Sharmarke acknowledged that Kenya hoodwinked Somalia into signing Memorandum of Understanding that “Norway drafted”. The wording of the MoU with Kenya puts Somalia 200 nautical miles into dispute. “ The delimitation of the continental shelf between the Republic of Kenya and the Somali Republic (hereinafter collectively referred to as “the two coastal States”) has not yet been settled. This unresolved delimitation issue between the two coastal States is to be considered as a “maritime dispute”. The claims of the two coastal States cover an overlapping area of the continental shelf which constitutes the “area under dispute” reads the MoU. There is no evidence that Norway had drafted the Memorandum of Understanding that lends credence to Kenya’s claims on Somali maritime territory. Reporters have not referred to the text of MoU whose wording makes it clear that Abdirahman Abdishakur Warsame, former Planning and International Cooperation, signed a document in which Somalia questions its 200 nautical miles promulgated in laws passed before 1991. “I doubt Norway drafted the MoU that supports Kenya’s claim. Omar Abdirashid Sharmarke’s version contradicts the text although he acknowledges that Kenya hoodwinked Somalia” said Adan Mohamud, a Somali maritime law expert. Somalia did not seek expert advice when the Transitional Federal Government signed the Memorandum of Understanding with Kenya in 2009 to grant the coastal state a right to claim Somali territorial waters. © Puntland Post, 2021 The post Did Norway Draft the Memorandum of Understanding between Somalia and Kenya? appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa soo bandhigay xog ay laamaha ammaanka dowladda ka hayeen qarixii xalay lala beesaday baarka Luul Yemeni. Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu ku sheegay in ciidamada Booliska ay bil ka hor haayeen xogta weerarkaasi, isaga oo soo bandhigay warqad ay wadaageen laamaha amniga oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weerar is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan Maqaayadda Coffe Pointa ama ay u weecin karaan tan Luul Yemeni, maadaama ay iska soo horjeedaan labada goobood. Warqadda loo dusiyey Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa ku taariikheysan 23-bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo muujineysay in Booliska uu xogtaan hayey in muddo ah. “Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan,”. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe ay soo badanayeen weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale soo baxayey digniino kale oo ku aadan qaraxayadaasi, si loo sameeyo feejignaan dheeri ah.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen maqaayadda Luul Yemene ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh oo ka mid xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Mushharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha dalka. “Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn,” ayuu sii raaciyey. Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro askar iyo shacab.
  10. MOGADISHU (HOL) - The UN in Somalia and Turkey have condemned the Friday bombing in Mogadishu which claimed at least 20 lives. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay dib u qaaday ciidamadii ay shalay dhigtay waddooyinka waa weyn ee soo gala taalada Dajirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la qaaday ciidamadaasi ‘oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxa mucaaradka’ oo ay musharraxiintuba baajiyeen, kaas oo horey loo shaaciyey inuu dhacayo maanta Sabti ah, kuna beegan 6-da bisha March, 2021. Sidoo kale waxaa haatan si caadi ah u shaqeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga kala gooshaya agagaraka taalada Daljirka Daahsoon oo shalay la xiray. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagu kala kacay shirkii ugu dambeeyey ee Midowga Musharraxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana ka dhashay inuu halkiisii ku laabto khilaafka u dhexeeya dowladda & mucaaradka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli tahay mid isku cakiran, mana jiro weli xal laga gaaray muranka ka taagan doorashooyinka.
  12. (SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka orodka ah oo ka socday dalkaas. Waxaana kaalinta koowaad ku guulleystay Maxamed Faarax oo ka socday Britain halka kaalinta labaad uu galay Bashiir Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo matalayay dalka Belgium. Waxaana kaalinta saddexaad uu galay Muumin Buux oo ka socday Jabuuti. Tartankan waxaa soo qabanqaabiyay xidhiidhka tartamada orodka ee Jabuuti. Tartamadan waxaa ka qeybgalay waddamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Britain iyo Belgium. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku wargaliyay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu khudbad sanadeedkii ka hor jeedin doono golayaasha qaranka. Guddoomiye waxaa uu mudanayaasha ku adkeeyeen in maalinta Isniinta ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xadiran xarunta golaha baarlamaanka. Source
  14. (SLT-Jabuuti)-Jaaliyadda reer Jabuuti ee degan dalka ayaa loogu baaqay in la bilaabay bixinta iyo qaadashada kaadhadhkii codeynta, isla markaana waxa loo soo jeediyey inay doontaan kaadhadhka, si ay doorashada Madaxtooyadda uga qeybgalaan. Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaliland Md Xueen Cumar Kawaaleye oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa khamiisti ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay ka qeybgalaan doorashada 9-ka bisha April ka dhacaysa dalkiisa. Mar uu fariin la xidhiidha doorashada gudbinayey ayuu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C. Geele, magaca Marwada Koowaad, magaca xukuumada, waxaan u soo jeedinayaa jaaliyadda reer Jabuuti ee ku nool geyiga Somaliland, isla markaana ogeysiinayaa in la bilaabay bixinta kaadhadhkii codeynta doorashada 9-ka April, ee lagu dooranayo Madaxweynaha Jabuuti.” Safiirka Jabuuti ayaa ugu baaqay bulshada reer Jabuuti inay doontaan qaadashada kaadhadhka, waxaanu yidhi, “Waxaan idiinka codsanayaa inaad doonataan kaadhadhkii codeynta si aad u gudataan waajibaadkiina codeynta, oo ah xuquuq muwaadinku leeyahay” Waxa kale oo Safiir Kawaaleeye ugu baaqay dadka xaalado gaar ah awgood u doonan Karin kaadhadhka sida xaalad caafimaad iyo mid da’ ahaaneed, inay diyaarsadaan hanaankii ay ugu wakiilan lahaayeen qof u doona kaadhka, uguna metela codeynta dhacaysa. Fariinta Safiir Xuseen Kawaaleeye ayaa imanaysa xilli arbacadii maareeyaha ololaha doorashada Md Ismaaciil Cumar Geele Mr Axmed Cali uu waraaqahii mushaharximada Ismaaciil Cumar Geele u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha mudane Muumin Axmed, taas oo sida sharciga Jabuuti dhigayo in muddo toban maalmood (1-10 March) gudahood ah ay dhamaan musharaxiintu ku gudbiyaan codsiyadooda ka qeybgalka doorashada doorashada 9-ka April dhacaysa. Source
  15. (SLT-Boosaaso)-Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka daba tageen xubno ka tirsan Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday xabsiga magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maxaabiistii ka baxsatay xabsiga. Dagaal ayaa la sheegay in uu ku dhexmaray dagaalyano ka tirsan Al Shabaab iyo ciidamada Punltnad buuraha Girible iyo Gaaca oo Koofur kaga beegan magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa Mustaqbal u sheegay “inay ka daba-tegeen dableydii xalay weerartay saldhiga weyn ee Boosaaso”. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ciidammada ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii weeraray xabsiga iyo maxaabiistii ay ku furteen weerarkii xooganaa ee saldhiga Boosaaso. Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in iska hor-imaadka ay ku ku dileen tobaneeyo ka tirsan Xoogga hubaysan ee Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in la wareegeen gacan ku heynta xabsiga ayna xabsigaas ka sii daayeen guud ahaan maxaabiiistii xabsiga ku xidhnayd, oo ay tiradoodu tahay afar boqol qof. Source
  16. DOWLADDA TURKIGA OO SI ADAG U CAMBAARAYSAY QARAXII MUQDISHO War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Turkiga ayaa lagu cambeereeyay weerarkii xalay ka dhacay maqaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. “ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa ku celisay in ay sii wadeyso taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab. Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 10-Qof ay geeriyootay weerarka maqaayadda Luul Yemeni, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho. Qaran News
  17. A car packed with explosives rammed into a popular restaurant in Somalia’s capital on Friday night, and police said at least 10 people were killed and more than 30 wounded. Police spokesman Sadiq Ali Adan blamed the attack on the local al-Shabab extremist group, which is linked to al-Qaida and often targets Mogadishu with bombings. The Luul Yamani restaurant also was attacked last year. At least one building near the restaurant collapsed after the blast, and people were feared to be trapped in the rubble. The blast occurred at dinner time when the restaurant was full. Security in Mogadishu had been especially heavy, with thousands of government forces deployed in anticipation of a planned demonstration on Saturday by an alliance of opposition leaders over the country’s delayed national election. The demonstration was later postponed. View the full article
  18. Turkey on Friday condemned the deadly suicide car bomb attack that hit Somalia’s capital Mogadishu. “We strongly condemn this heinous terrorist attack. We offer our condolences to the brotherly Somali people and the government, we wish Allah’s mercy upon those who lost their lives and a speedy recovery to the wounded,” said a statement by the Foreign Ministry. It emphasized that Turkey would continue to stand by the friendly and brotherly people of Somalia in the fight against terrorism. At least 20 people were killed and 30 others wounded when a suicide car bomb blast targeted a busy restaurant in Mogadishu on Friday. Somali-based al-Qaeda affiliated terrorist group al-Shabaab claimed responsibility for the attack via radio Andalus, saying they attacked security officials’ meeting point. View the full article
  19. The UN mission in Somalia has strongly condemned the vicious Al-Shabaab attack on 5 March in Mogadishu. UNSOM extended condolences and solidarity to the families of those who lost their lives and wishes a speedy recovery to the injured. The explosion outside Lul Yemeni restaurant killed at least 10 people, according to Somali police spokesman Sadik Dodishe. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which comes amid political tension in Somalia over the much-delayed election. View the full article
  20. War k soo baxay xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaliya ayaa lagu cambaareyay qaraxii xalay ka dhacay Agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu yiri ” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.” Dhanka kale dowladda Turkiga ayaa cambareysay werarkii lagu qaaday Maqaayadda Luul Yamani. Source: goobjoog.com
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani ee degmada Xamar Jajab. Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayadda. Wararka aan ka heleyno goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa shegaya in uu ka dhashay qasaaro kala duwan , ayna jiraan sidoo kale dhismayaal goobta ka ag dhawaa oo burburay. Dhanka kale Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinten 10 qof halka 30 kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa. Sikastaba qaraxa ayaa ku soo aday xilli dowladda ay ciidamo fara badan ku soo daadisay waddooyinka Caasimadda. Source: goobjoog.com