-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo waramayaa in goordhow uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu beegsaday maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla nawaxiga Dekada Magaalada Muqdisho. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeysay kuna bogaadisay In Midowga Murashaxiinta Baajiyaan Banaanbaxii ay doonayeen Iney Ku qabtaan Daljirka Daahsoon, iyagoo fiirinaya , dareensana in ay bulshada Soomaaliyeed uturaan Xaalado Caafimaad iyo mid amni darteed. Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xududeey Jimcaale oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan munaasib ku aheyn isku soo bax, maadaama xaalad caafimaad daro ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, balse haddii midowga musharaxiinta ay garteen in la baajiyo banaanbaxii loo balansaa ay tahay wax lagu bogaadiyo. “ Ma diidana Dowladda Federaalka in banaanbax La qabto, balse Dowladda waxaa waajib ka saaran amniga goobta iyo dadka banaanbaxa dhigayo,” ayuu yiri Wasiir xudubeey. Midowga Musaraxiinta ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay in ay baajiyeen banaanbaxii loo balansanaa maalinta berito ah oo sabti ku beegan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada ilaaladda Xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa hawlgalo balaadhan ka sameeyey xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag iyo badda u dhaxaysa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Yemen. Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo masuuliyiintan wehelinaysay oo hawgalkoodan bilaabay habeenkii xalay ahaa ilaa maanta oo Jimce ahaydna waday ayaa gacanta ku dhigay kalluumaysato u dhalatay wadanka Yemen oo xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag sifo sharci daro ah uga kalluumaysanaayey,kuwaas oo sitay waraaqo ay sheegeen in laga siiyey meelo kamid ah Somaliland. Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada ilaaladda Xeebaha ee gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil ayaa waraaqo tiro badan oo waqtigoodii dhacay ka ururiyey kalluumaysatadaas, iyaga oo markii dambena ka saaray biyaha Somaliland. Ugu horeyn taliyaha Saldhiga kowaad ee ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil Haaruun Siciid Cali ayaa ka warbixiyey kormeerkaas dhinaca badda ah ee ay ka sameeyeen xeebaha Somaliland,waxaanu tilmaamay in socdaalkoodani kamid yahay shaqo maalmeedkooda ay Qaranka u qabtaan. Waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi , isaga oo sheegay in ay maamul ahaan marwalba barbar taagan yihiin ciidamada Ilaaladda Xeebaha Somaliland, isla markaana ay gacan ka siin doonaan la dagaalanka cid kasta oo kusoo xad gudubta biyaha Somaliland,waxaanu cadeeyey in kormeerka noocan oo kale ahi uu joogto noqon doono. Taliyaha Guud ee Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodani kamid yahay socdaaladii ay hore ugu tegi jireen , uguna kormeeri jireen xeebaha dalka iyo badda Somaliland, isaga oo cadeeyey in ay joogteyn doonaan socdaaladda noocan oo kale ah, waxaanu Ciidamada ilaaladda Xeebaha Somaliland uga mahadceliyey shaqada adag ee naf hurka ah ee ay Qarankooda u hayaan. Source
-
Galabta Dhantii galabnimo ayaa lasoo afjaray Wajigii kowaad ee Howlgal socdey ilaa saaka oo Ciidamada Puntland ay ku qaadeen Kooxa Xagjirka iyo Argagixisinimada isku darsadey ee Xalay soo weearay Xabsiga Magaalada. Ciidamadu duhurnimadii maanta waxay gacanta kusoo dhigeen Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyaadku, Saacado ka dibna Cutubyo kale oo Ciidamada Ah ayaa dhankale kasoo galay goob ay isku urursadeen Argagixisadu, ilaa Galabta ugu yaraan 15 weerar ayay Ciidanku qaadeen. Khasaaraha la gaarsiiyey Maleeshiyaadka ayaa ah mid aadbu baaxad weyn sida uu Puntlandi.com u xaqiijiyey Dargaal Ciidamada ka tirsan waxaa ilaa hada gacanta lagu hayaa 67 Maleeshiyaad ah, Dhimashada aad ayay u badantahay sida uu Sargaalku noo xaqiijiyey. Howlgalkaan ayaa ah kui ugu weynaa ee Ciidamada Puntland ay qaadaan tan iyo Dagaalkii Xeebaha ee 2016-ka, Guul aad u weyn ayayna Ciidamadu ka gaareen Howlgalka maanta oo Jamce ah. Madaxweynaha Puntland oo Tuutaha Ciidanka xiran ayaa kasoo degay maanta Bosaso, Howlgalkaan wuxuu ahaa mid lagusoo qorsheeyay Madaxtooyada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu Caawa la hadlo Shacabka , Sida Puntlandi.com xigta ku hayo. Puntlandi.com Bosaso The post Wararkii ugu dambeeyay Magaalada Bosaso iyo Howlgalada Ciidamadu wadaan appeared first on . Source
-
Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday bannanbixii Muqdisho ee qorsheysnaa in uu dhaco berri oo sabtiya. Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi u baaqday arrimo dhanka ammaanka ah oo jira awgood. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay goob kasta ciidan soo dhoobtay, taasina aysan suurta galinayn in bannaanbax dhaco berri. Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Shariif in ay dib ka soo sheegi doonaan bannaanbax ay amnigiisa sugi doonaan Midowga Murashaxiinta. Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay mar walba diyaar u tahay in gobolka Banaadir lagu qabto banaanbax nabadeed oo dowladdu amnigiisa sugeyso. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa horey ugu heshiiyay bannaanbax ka dhaca Daljirka Daahsoon oo amniga ay sugno dowladdu. Balse shirkii saddexaad ee ay shalay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhamaaday is faham-waa. PUNTLAND POST The post Bannaanbixii Muqdisho oo u baaqday khilaaf ka dhashay cida sugaysa amnigiisa appeared first on Puntland Post.
-
Jamhuuriyadda Somaliland 30-sanno waxay la dhitinaysa inay maamulka ku fidiso Gobolada Sool iyo Sanaag Bari & Budoodle. Halka duntu ka xidhmi la dahay waxay ahayd siyaasiyiinta degaanada u dhashay in badan oo kamid ahi aanay xanbaari ka rayn fariinta ah “Inay danta Goboladaas iyo Ummadda ku dhaqanba ku jirto inay Jamhuuriyadda Somaliland wax la qaybsadaan”. 30-kaas sanno hal masuul ayaa tijaabada ka soo baxay muddo kooban, 5-sanno Wasiir uu aha iyo 4-sannadood oo uu hoggaamiye Xisbi aha . Shakhsigaasi waa Cabdirisaaq Khaliif Axmed . Maha jibo la bood qoraalkaygu waxaanse raacinaya maraga uu ku noqday masuul aan xilka u soo shaqo tagin balse uga faa’ideeyay Qaranka iyo degaanada u baahna inay Dawladnimadu gaadho. 1. 5-tii sanno ee uu Wasiirka aha Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahayd xilligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo waxay Somaliland maamulka gaadhsiisay badi degaanada Gobolka Sool oo ay ku jirto Degmada Taleex oo markii hore aan ku jirin gacanta Somaliland. 2. Wuxuu xanbaaray isagoo kalmaynaaya Madaxweynihiisi fariinti ahayd in ay shacabka Sool ku qancaan Ciidamadda iyo maamulka Somaliland una arkaan dantooda, taas oo meesha ka saartay rabshadihii iyo Dilalkii ka dhici jiray degaanada Gobolka. Waxa barbar socday muddadaas wax qabadka kaabayasha Bulshada oo uu hormuud hirgaliye ka aha sida. Aasaaska Jaamacadda Nugaal, Cisbitaalka Laascanood oo laga qorsheeyay sanduuqa SSDF, wadooyinka magaalada, iyo mashaaric tiro badan oo fulay xil haynti Cabdirisaaq Khaliif. Dabcan Madaxweynihii igmaday iyo isagoo aha siyaasiga Gobolka u qaabilsan Xukuumadda ayaa gulahaas wada laha . 3. Cabdirisaaq Khaliif Axmed waa siyaasiga kaliya ee Garaadkiisi Garaad Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ku qanciyay inay Somaliland wax la qabsadaan sidaana uu ku yimi Garaadku Dalkiisi ilaa haddana Garaadka qudha ee Garaadadi Beesha Sool clan ka jooga Somaliland waa Garaad Jaamac Garaad Ismaciil waana tijaaboyinka hoggaamineed ee u qoray Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif. 4. Markii uu noqday Hoggaanka Xisbiga Waddani (Guddoomiye ku-xigeenka koobaad) Tartankii doorashada Madaxtooyada Cabdirisaaq Khaliif wuxuu aha Jookarkii ka hirgaliyay in markii koobaad Mucaarid iyo Muxaafid loogu tartamo doorasho qof iyo cod ah Gobolka Sool. In kasta oo Xisbigiisi aanu ku soo bixin doorashadii guud hadana Waddani wuxuu Sool ka noqday Xisbiga koobaad iyadoo ay dhanka kale ka soo jeedeen dhammaan masuuliyiinti degaankiisa sida Wasiirkii arrimaha gudaha iyo Guddoomiyihii Golaha Wakiilada, Wasiiradii kale, Xildhibaano + Xukuumadi oo ciidan iyo cududba isugu gaysay codka Gobolka Sool. Intaas oo dhan ayuu Mr. Cabdirisaaq Khaliif kaligii u jilib dhigay kana guulaystay. Markale door muuqda oo tariikhda galay ayuu ka sameeyay diwaangalinti Gobolka Sool taas oo dhabaha u xaadhaysa mustaqbalka inay shacabka degaankaasi u codeeyaan cidii matali lahayd sida Gobolada kale . 50,000 (Konton Kun ) oo cod ayaa ku biiray diwaangalinti dhawaan dhammaatay Gobolka Sool. Maanta iyo doorashada la filaayo Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu u sharaxan yahay Xildhibaan iyo Guddoonka Golaha Wakiilada haddi Alle idmo. Wuu heli kara waanu waayi kara waayo xagga sare ayaa wax laga doorta aadamuhu isku day ficil uunbay sameeyaan waxaanse hubaa haddii Alle u qadaro haddii uu Qaranka Somaliland Khaliif 2021 uu jagadaas u qabto inay noqon doonto israaci iyo Dawlad gaadhsiinti inta dhiman barriga Somaliland . Waan hubaa inuu inta dhiman dhammayn doono anoo ka tusaale qaadanaya intu soo qabtay. Tusan . Muniir Axmed Cigaal. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay golaha midowga musharaxiintu ku joojiyeen banaanbaxii dhici lahaa Sabtiga berri. Waxa uu sheegay in horay looga dooday goobta ay banaanbaxa ku qabanayaan oo dowladdu soo jeedisay goobo kale, balse ay musharaxiintu ku adkeysteen taallada Daljirka, ugu dambeyna ay ka ogolaadeen. Wasiirka ayaa qiray in dowladdu maanta ay ciidamo geysay fagaaraha Daljirka Daahsoon, isagoo sheegay in loogu tala galay inay sugaan ammaanka goobtaas, maadaama ay dowladdu qaadeyso mas’uuliyadda waxii xumaada. Golaha midowga musharaxiinta oo iyaggu galabta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Jaziira ayaa shaaciyey inay dib u dhigeen banaanbixii Sabtiga, iyagoo sababta ku sheegay in dowladdu ay ciidamo ku daadisay goobihii ay ugu talagaleen banaanbaxaas. “Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif. Wasiirka amniga Xasan Xundubey oo kadib-kood hadlay ayaa yiri, “Musharaxiintu waxay ku doodeen in lagu wareejiyo ammaanka 300 oo isku weer ah, si banaanbaxa ay ugu qabsadaan, laakiin dowladda taasi waa ku adkaaday, weli waxaa socday wada-hadal, balse musharaxiintu waxay ku mahadsan yihiin inay garteen qatarta caafimaad ee dalka ka jirta, waana soo dhaweynay go’aankii ay ku joojiyeen banaanbaxa.” Hoos ka Daawo
-
(SLT-Gabiley)-Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay duleedka Bari rr Magaalada Gabiley. Labada ruux ee dhintay ayaa ahaa ajaanib u dhalatay waddanka Yemen, halka labada kale ee dhaawaca ahna ay yihiin muwaadiniin reer Suuriya, iyadoo mid ka mida xaaladiisu ay aad u culustahay. Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa si degdega ah uga Hawlgalay waxaanay Gaadhiga ka soo saareen Maydkii iyo dhaawacii, iyadoo ciidanku gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Gabiley. Waxaana Sababta dhalisay shilkan baadhis ku wada ciidamada Booliska gaar ahaan ciidanka Taraafikada. Dhaawaca laba qof ayaa lasoo gaadhsiiyey Cisbitaalka guud ee magaalasa Hargeysa ,iyadoo hadda halkaas lagu dabiibayo. Source
-
Waxaa duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, oo ka tirsan maamulka Puntland ka socda dagaal hubka culus la isu adeegsanayo oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay saraakiil u sheegeen BBC-da. Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab xalay ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay xabsiga Dhexe ee Boosaaso ka sii daayeen ilaa 400 oo maxbuus oo ka xidhnaa. Xabsigan waxaa ku jiray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo daacish oo hore loogu riday xukunno kala duwan. Intooda badan ayey maamulka Puntland sheegeen in lagu qabtay dagaallo Puntland iyo Al-Shabaab dhex maray 216-kii. Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu wali dagaal ka socdo dhulka buuraleyda ah, isagoo intaasna ku daray in ay 14 maxbuus ka qabteen Al-Shabaab. Dhinaca kale laamaha amniga ee Puntland ayaa howlgallo ka wada xaafado ka tirsan Boosaaso, waxaana sidoo kale ciidan lagu gadaamay xabsiga la weeraray, iyadoo tirokoob lagu sameynayo maxaabiista. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu u tagay u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Deni ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha amniga ee gobolka Bari. Xog badan lagama hayo inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay iyo dagaalka hadda socda ee u daxeeya labada dhinac. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabiyay in askar ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay weerarkaas oo loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas. Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud oo warfidiyeenka kula hadlay Boosaaso ayaa xaqiijiyay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen xabsiga, markii dambena halkaas la geeyay ciidamo gurmad ah oo dib u qabsaday goobta la weeraray. Faahfaahin taliyuhu kama bixinin khhasaaraha ka dhashay weerarka inkastoo laga soo xigtay in uu jiro khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac. Source
-
Midawga musharixiinta oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay dib u dhigeen markii Labaad Banaanbax ay soo abaabuleen,loogana soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Musharixiinta oo maanta kulan deg deg ah isugu yimaaday Hotel Jaziira ayaa sheegay in Dowladda ay heshiiskii ay wada gaareen 25-kii bisii hore ay uga baxday,waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Midawga ayaa sidoo sheegay in dowladda ay ciidamo ku daadisay dhamaan goobahii uu ka dhici lahaa bananbax kuwaas oo ay ku carqaladeyneyso Isu soobaxa berri,waxaan sidaas saxaafadda u sheegay Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay warka ka soo baxay midawga musharixiinta ee dib loogu dhigay isusoobaxa,Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta mudane Xasan Xundubeey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso In dib loo dhigo banaanbaxa Midowga Musharraxiinta Soomaaliya. Sikastaba Isgooysyada muhiimka ah ee caasimadda ayaa dowladda galabta ciidamo ay ku xirtay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo goordhoweyd shir jaraa’id oo deg-deg ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay si adag uga hadleen banaanbixii ay iclaamiyeen inuu dhacayo maalint berri ah. Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo bar-bar taagan yihiin xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay dib u dhigeen banaanbixii loo balansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon. Waxay sheegen inay wajahayaan culeys dhanka amaanka ah, kadib markii dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamo badan ku daabushay goobta banaanbaxa, islamarkaana la kala xiray inta badan qeybaha magaalada dalka. “Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxa uu intaas kusii daray “Madasha Musharaxiinta waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii lagana shaqeeyo xili ay soo goynayaan musharaxiinta, amniga ay ayagu sugayaan, markaa mudaharaadkii berri qorsheysnaa dib ayaa loo dhigay”. Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsato caburinta shacabka, xili qeybo kamid ah dalka ay gacanta ku hayso Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa isaguna shaaciyey in Midowga Musharaxiinta ay bilaabeen ciidamo urursi, islamarkaana ay la kaashan doonaan cidkasta oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga, ayada oo laga madax-baneysiinayo dowladda oo uu sheegay inay balanta uga baxday, sida uu hadalka u dhigay. “Kama tanasulin mana ka tanasuleyno banaanbixii maalinta ay ku haboon tahay waa soo sheegayna, amnigana anagaa suganeyna, ileen wax kale oo noo dhiman malaha haddii ay taas ka dhalatay waa in amnigeeda suganaa oo nagala shaqeyso cidii nagala shaqeyn karta,” ayuu yiri. Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili maanta ay dowladda ciidamo badan gaysay taallada Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay baajiyeen ee ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Waxaa waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaan gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada. Arrintan ayaa markale sarre u qaadeysa walaaca ka taagan xaalada dalka, ayada oo lagu waday in wada-hadalada xukuumadda xil-gaarsiinta iyo musharaxiinta ay wax ka badalaan xaalada cakiran ee dalka, hase yeeshe waxaa muuqata midaasi badalkeeda.
-
Gabiley Alle ha u naxariistee waxaa Shil Baabuur ku geeriyooday laba ruux halka ay ku dhaawacmeen laba kale duleedka bari ee magaalada Gabiley. Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa si degdega ah uga Hawlgalay waxaanay Gaadhiga ka soo saareen Maydkii iyo dhaawacii, iyadoo ciidanku gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Gabiley. Labada ruux ee dhintay ayaa ahaa ajaanib u dhalatay waddanka Yemen, halka labada kale ee dhaawaca ahna ay ahaayeen Suuriyaan, iyadoo mid ka mida xaaladiisu culustahay. Sababta dhalisay shilkan waxaa baadhis ku wada ciidamada Booliska gaar ahaan ciidanka Taraafikada. Ugu dambayn dhaawacyada ayaa loola soo cararay dhanka magaalada Hargeysa, iyadoo hadda halkaas lagu dabiibayo. Ciidamada Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa wadayaasha gaadiidku inay markasta muujiyaan taxadar. Xafiiska warbaahinta CDQ Gabiley/ Somaliland 990/ Gurmadka degdega ah Somalilandfire@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Afyare Cabdi Cilmi ayaa maanta loo magaacabay Agaasimaha Machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE, kadib markii uu dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo isagu xilkaasi hayay muddo ku siman lix sano. Qoraal kasoo baxaya Machadka Heritage ayaa waxaa lagu sheegay in Dr. Afyare uu 1-June ee sanadkan 2021-ka uu si rasmi ah ula wareegi doono xilkaas, ayada oo uu hadda si kumeel gaadh ah usii hayn doono Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage Mursal Sane. “Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo magacaabista Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda inuu u magacaabay Agaasimaha fulinta cusub ee machadka, laga bilaabo 1 Juun, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa sidoo kale lagu yiri “Cilmi wuxuu ahaa Cilmi baarre sare oo ka tirsan Machadka Heritage tan iyo markii la aasaasay 2013, wuxuuna gacan weyn ka geystay daabacaadda machadka sanadihii la soo dhaafay”. Dr Afyare oo ah Aqoonyahan Cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Doha University ayaa waxa uu bedeli doona Agaasimihii hore ee Machadka, Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo horanta bishii hore iska casilay xilkaas, oo uu hayay muddo ku siman lix sano. Afyare ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa aqoon-yahanka waqtiga badan geliyay Machadka Heritage, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga hogaaminta ee machadkaas, kaasi oo lagu bogaadiyey kaalinta uu kasoo qaatay horu-socodka. Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage oo iyagu doorkoodu yahay inay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka ayaa soo dhaweeyay kaalinta Dr Afyare oo ah aqoon-yahan sarre oo 12-kii sano ee u dambeeyay qeyb weyn ka qaatay cilmi baarista amniga.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka degay magaalada Boosaaso, isagoo xiran dirayska Ciidanka, kadib weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweyne Deni uu la xiriiro u kuur gelidda xaaladda Amni ee magaalada iyo guud ahaanba Gobolka Bari. Sidoo kale, waxa Qoraalka lagu xusay in Madaxweynuhu uu kulamo la qaadan doono Saraakiisha Amniga iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari. Weerarkii xalay ka dhacay xabsiga Boosaaso oo aysan weli dowladdu faahfaahin rasmiya ka bixin, waxa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir jara’id oo deg dega kaga hadlaya xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha binu aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gedo. Guddigan wasiirada ah ayaa waxay kala yihiin, Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada , Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha, Wasiirku Xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ah Guddoomiyaha Guddiga. View the full article
-
The government is exploring new options for Miraa after running into problems with Somalia, a key market in the region. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan gaysay taallada Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo in berri uu ka dhaco dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo ay dhigayaan mucaaradka iyo taageerayaashooda. Waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaamn gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada. Ciidamadan ayaa sidoo kale celinaya mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno oo aan loo ogolayn in ay maraan halkaasi oo markii hore ay si caadi ah u mari jireen. Ma cadda sababta ay dowladda ciidamada halkaas u gaysay, waxaana suurta-gal ah inay sugayaan amniga dibad-baxa sida ay xukuumaddu ballan-qaaday markii ay heshiiska galeen ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya iyo musharaxiinta mucaaradka. Dowladda ayaa dhicitaanka dibad-baxaas ku xirtay laba shardi oo kala ah; inay dadka imanayaan kala fogaadaan, iyo inay soo xirtaan af-xirka, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Wixii ka dambeeyey markii ay heshiiska gaareen Rooble iyo mucaaradka, waxaa jirtay rajo weyn oo isu soo dhowaansho, hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee xalay ayaa lagu kala tegay ayada oo mucaaradka ay Rooble ku eedeeyeen inuu ahaa nin meel kale laga hagayey oo aan lahayn go’aan qaadasho, sida ay hadalka u dhigeen. Ma cadda, haddii kala tegistii xalay ay wax ka beddeshay mowqifka dowladda ee ogolaanshaha dibad-baxaas, hase yeeshee Rooble waxa uu sheegay in wada-hadallada mucaaradka ay sii socon doonaan.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-532021.mp3 View the full article
-
Bosaso (PP News Desk) — The Commander of Bari Regional Police Colonel Hussein Ali Mohamud earlier today briefed the media on last night’s attempted storming of Bosaso Central Prison by Al-shabaab. “Our forces repulsed the attack by troublemakers. Some prisoners who had escaped from the prison were apprehended although a few prisoners are still at large“ said Colonel Hussein. Last night, a group of heavily armed gunmen attacked Bosaso Central Prison. A two-hour long firefight between the gunmen and custodial corps guards ensued. Calamada, a pro-Al-shabaab website, reports that “Al-shabaab fighters attacked, briefly took control of the Bosaso prison and released prisoners.” Al-shabaab claimed that its fighters burned two vehicles in the prison. The surprise attack on the prison was preceded by planning. The proscribed group’s fighters blocked streets leading to the prison to delay reinforcements from assorted Puntland security forces. Live-feeds shared on Facebook showed heavy exchange of gunfire and use of mortars. Al-shabaab’s attack comes one day after Bosaso administration banned carrying firearms in the city. “We will release a detailed report on the attack” said Colonel Hussein. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Prison Guards “Repulse” Attack on Bosaso Central Prison appeared first on Puntland Post.