Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso. Ugu horreyn Siciid Deni ayaa u mahad-celiyey ciidamada ammaanka ee ka hortegay weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggii weerarka soo qaaday waxna la dilay, waxna nolol lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay. Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ka hortegaan weerar kasta oo kaga yimaada Shabaab. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasto oo ku lug yeelataa fududeynta weerarkaas oo geystay khasaare kala duwan. “Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marinno oo wajibkooda la mariyo,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ciidamada Puntland ay jawaab deg-deg ah ka bixiyeen weerarkii xabsiga Boosaaso, iyaga ka daba-tegay maxaabiis ay Al-Shabaab ka furteen xabisgaasi, kadib dagaal culus oo ay la-galeen raggii weerarkaasi soo qaaday.
  2. Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, oo lagu beegsaday Maqaayadda Yemeni. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay si adag u cambaaraynayso weerarkaas foosha-xun. Qoraalka UNSOM waxa lagu sheegay in Qaraxii xalay Al-shabaab fulisay, waxaase xusid mudan in aysan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay tacsi u dirtay Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, halka kuwa ku dhaawacmayna ay caafimaad deg deg ah u rajaysay. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay qarixii is-miidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayaladda Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu cambaareeyey weerarkaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac. Turkiga ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mar-weliba garab taagnaan doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ay soo saartay dowladda Turkiga. Qarixii xalay ka dhacay maqaal Luul Yemeni oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay illaa 25 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kale oo isugu jiray shacab & askar.
  4. The trip was meant to open doors for Sharmarke Gaani, a New Albany businessman looking for new opportunities for his home-health company in Saudi Arabia, a country he had visited twice since 2017. Source: Hiiraan Online
  5. Four-time Olympic champion Mo Farah win his first race in six months, as he begins his quest for a Tokyo Games track medal in 2021. Source: Hiiraan Online
  6. WILLISTON, Vt. —One of the newest members of the Vermont State Police is making history, by blazing what he hopes is a new path for immigrants and people who came to this country as refugees — such as himself. Source: Hiiraan Online
  7. The White House hopes this will help end the “forever wars.” Some critics aren’t so sure replacing the laws will. Source: Hiiraan Online
  8. BOSASO, Somalia, March 5 (Reuters) - At least seven soldiers were killed when fighters of the Somali Islamist group al Shabaab stormed a jail in the semi-autonomous state of Puntland early on Friday, police and the group said. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaas, islamarkaana waxa ay tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 30 qof. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada qaraxii xalay ka dhacay maqaayqadda Luul Yemeni ay ka dhalatay cambaareyn xoogan, kaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo, waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah la aadayo doorasho.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad 4-tii March baaqday shirkii uu Iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo aysanna muuqan saan saan kale ee uu ku qabsoomi karo shirarka muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya. Kulamada Madaxweyne Farmaajo waxaa diidan mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland waana awood saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya iyadoo ay u sii dheertay in waqtiga meel adag marayo iyo in uu damaadat muddo xileedka Madaxweynaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay 8-da bisha Feberaayo oo ku beegneyd muddo xileedka Madaxwyanha ayey wax kasta sii adkaadeen. Hadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu haystaa fursad dahabi ah oo suurta gelin karta in uu hogaanka u qabto doorashada Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ku reebto magac iyo sumcad ay taariikhda xusto. 1- Maamulada qaar iyo mucaaradka oo ka kalsooni baxay Madaxweyne Farmaajo iyo dhammaan kulamadii uu Iclaamiyay oo qabsoomi waayay ayaa suurta gelin kara in talada doorashada loo dhiibo Rooble, waxayse u baahan tahay in isaga uu muujiyo hamigaas, iyo inuusan wax cabsi ah ka qabin fal-celinta Villa Somalia. 2- Xaalada amni ee dalka ka jirta oo ah cabsi iyo qal qal xoog leh ayaa sidoo kale suurtagal ka dhigi kara in Rooble madax ka noqdo doorashada Soomaaliya, sababtoo ah waxa ugu weyn ee beesha caalamka ku qasbi kara inay Farmaajo runta u sheegaan ayaa ah cabsida dagaal dalka ka dhaca, taasi oo haddii aan maamulka doorashada laga wareejin Farmaajo aad suurta-gal u ah. 3- In waqtigii Madaxweynaha uu dhamaaday islamarkaana Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah oo uu ku qaato go’aano masiiro ah, ayaa sidoo kale fursad siinaya Rooble. Sidoo kale, Farmaajo waa musharax madaxweyne, suurta-galna ma ahan in cayaar uu qeyb ka yahay uu sidoo kale garsoore ka noqdo. 4 – Waxaa sidoo kale Rooble fursad siinaya inaysan jirin wax talalabo ah oo uu ka cabsi qabo in Farmaajo uu qaado, haddii uu awooddiisa muujiyo, sababtoo ah sharciyan xilka ugama qaadi karin, sidoo kale kama abaabuli karo mooshin xil-ka-qaadis. Su’aashu waxay tahay Rooble, ma dafi doonaan fursaddan weyn ee hortaalla oo uu taariikhda baal dahab ah uga gali karo, mise bilo kadib markii xilka uu ka dego ayey u billaaban doontaa inuu shallaayo weligiis?
  11. FURASHADA URARADA SIYAASADA SOMALILAND WAA XAQ IYO XUQUUQ SIYAASADEED OO DASTUURKA DALKA IYO XEERARKU JIDEEYEEN. “Umaduhu waxa ay ku kala horumareen sidii ay u ilaashadeen xuquuqahooga iyo waxa shuruucda dalkoogu siisay ,, Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada. Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah ; Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka . 1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan . 2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi. 3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad. Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada 1- Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka. 2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto. Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka . 1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono. 2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda . 3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka . 4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene. Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan; Qodobka 6aad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada golaha deegaanka 1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi. 2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta. 3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ). 4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka . 5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka . Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , in aan ilaa maanta la garanayn qaabka loo furi doono ururada siyaasada somalililand oo ay ka hadhsan tahay mudo koobani? Sida uu dhigayey xeer lr 14 waxa ay ahayd in doorashada golaha deegaanka lagu furo ururada siyaasada , haddaba hadii la is raaciyey doorashadii deegaanka iyo wakiilada oo la mudeeyey in ay dhacaan sanadkan 31-05-2021 sidee loo furi doonaa ururadii siyaasada oo ah xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland? Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin ma kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ? Jawaabaha su’aalahani waa kuwa muwaadin kuu yaalla oo ay tahay in aad ugu jawaabto si wadaniyadi ku dheehan tahay adiga oo ka fekeraya mustaqbalka dambe ee dadkaaga iyo dalkaaga . Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil) mob: +252634429221 , +252634241005 somalilandstar@gmail.com Qaran News
  12. Mogadishu (PP Features) — The maritime dispute between Kenya and Somalia surfaced in 2009, the year the former Transitional Federal Government of Somalia signed a Memorandum of Understanding with Kenya “to Grant to Each Other No-Objection in Respect of Submissions on the Outer Limits of the Continental Shelf beyond 200 Nautical Miles to the Commission on the Limits of the Continental Shelf.” The second paragraph of the Memorandum of Understanding gives Kenya the right to claim a maritime territory of Somalia’s: “The delimitation of the continental shelf between the Republic of Kenya and the Somali Republic (hereinafter collectively referred to as “the two coastal States”) has not yet been settled. This unresolved delimitation issue between the two coastal States is to be considered as a “maritime dispute”. The claims of the two coastal States cover an overlapping area of the continental shelf which constitutes the “area under dispute”. In essence, the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) accepted the argument that Kenya has a right to claim a portion of the Somali maritime territory, and that the dispute can be settled by both countries. No country has ever signed a MOA to put its territorial integrity into dispute. Abdirahman Abdishakur Warsame, the former TFG Minister for National Planning and the International Cooperation signed the MOA on Somalia’s behalf. Between 2005 and 2007 Kenya approached the Transitional Federal Government of Somalia led by President Abdullahi Yusuf Ahmed about “Memorandum of Understanding” on a non-existent sea boundary dispute. An informal meeting was held in Nairobi between a Kenyan diplomat and Somali diplomat. Kenya proposed an MOA with Somalia. The Somali diplomat shared Kenya’s initiative with the former Somalia Foreign Minister Ismail Hurreh Bubaa. Mr Buubaa told the Somali diplomat that there was no maritime dispute between Somalia and Kenya and that the sea boundary between Kenya and Somalia was delimited. Ismail Hurreh: “There is no maritime dispute between Somalia and Kenya.” In January 2009 a new Somali President was elected in Djibouti following the resignation of President Abdullahi Yusuf Ahmed in December 2008. The Transitional Federal Government of Somalia signed the MOA on April 7th 2009, almost three months Sharif Sheikh Ahmed was sworn in as the President of the Federal Republic of Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud accused President Sharif, Prime Minister Sharmarke and Abdirahman Abdishakur of high treason. In 2016 President Hassan Sheikh Mohamud accused his predecessor President Sharif Sheikh Ahmed, Abdirahman Abdishakur Warsame, both Presidential Candidates then and now, and Omar Abdirashid Ali Sharmarke, a former Prime Minister and a 2017 Presidential Candidate, of high treason. “It is unfortunate that those who have not taken seriously the risk to our maritime territory are now running for the highest office of the country. People must think twice about whom they elect to the highest office of the country” said President Hassan Sheikh Mohamud in 2016. It is hardly a self-serving statement in an election time. Sharif Sheikh Ahmed and Abdirahman Abdishakur Warsame along with Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke resolved to grant Kenya the right to claim a Somali maritime territory. No one was held accountable for damaging Somalia’s national interest. Former Prime Minister Omar Abdirashid A. Sharmarke shuns limelight to avoid questions about his role in the MOA with Kenya. Alliance for the Reliberation of Somalia ( ARS) dominated the post-2008 Transitional Federal Government. As a face-saving gimmick for President Sharif, Prime Minister Sharmarke and Minister Abdishakur, the former Transitional Federal Parliament rejected the Memorandum of Understanding. A national legislature cannot rescind a Memorandum of Understanding between two sovereign countries. The Memorandum of Understanding questions Somalia’s maritime boundaries and article 1 of 1972 law promulgated by Major General President Mohamed Siad Barre. . The article stipulates: “The Somali territorial Sea includes the portion of the sea to the extent of 200 nautical miles within the continental and insular coasts, delimited according to the provisions of articles 2, and 3 of this Law.” President Hassan Sheikh Mohamud reaffirmed Somalia’s maritime boundaries in a proclamation dated June 30th, 2014: “The Exclusive Economic Zone of the Republic of Somalia extends to a distance of two hundred ( 200) nautical miles from the baselines from which the breadth of the territorial waters are measured.” Before 1991 the Somali Government representatives attended conferences on the law of sea. In 1984 Dr Mohamud Ali Turyare, a former Professor of International Law at the Somali National University represented Somalia at one such conference on United Nations Convention on the Law of Sea. How Kenya Exploits the MOA with Somalia On January 24th 2017 Kenya expressed reservations about some articles of the Convention on the law of the sea: “The Government of the Republic of Kenya pursuant to Article 298 (1)(a)(i) of the United Nations Convention on the Law of the Sea, 1982, declares that it does not accept any of the procedures provided for in Part XV Section 2 of the Convention with respect to disputes concerning the interpretation or application of Articles 15, 74 and 83 relating to sea boundary delimitations, or those involving historic bays or titles. The Republic of Kenya reserves the right at any time by a notification addressed to the Secretary General of the United Nations to add to, amend, or withdraw any of the foregoing reservations. Such notification shall be effective on the date of their receipt by the Secretary General.” Kenya has reservations about section 2 of article 286 which states: “Subject to section 3, any dispute concerning the interpretation or application of this Convention shall, where no settlement has been reached by recourse to section 1, be submitted at the request of any party to the dispute to the court or tribunal having jurisdiction under this section.” In 2014, the Federal Government of Somalia submitted the maritime dispute to the International Court of Justice, a decision backed up by the very article about which Kenya has expressed reservations. Both Somalia and Kenya signed the United Nations Convention on the Law of the Sea on December 10th 1982. Kenya prefers out of court settlement to adjudication by the International Court of Justice. Abdirahman Abdishakur signed an MOA with Kenya on Somalia’s behalf. He said the buck stops with President Sharif Sheikh Ahmed. In 2009, a delegation led by the former Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke visited London. At a ceremony for the visiting delegation held in London Abdirisaq Osman Jurrile, Posts and Telecommunications Minister, defended the decision to sign the Memorandum of Understanding with Kenya. “Who said ‘we have sold our sea’”? I swear to God we did not sell our sea” he told the audience. President Sharif Sheikh Ahmed refuses to answer questions about the MOA signed with Kenya. President Hassan Sheikh Mohamud, is a member of, along with Abdirahman Abdishakur Warsame and Sharif Sheikh Ahmed, the Alliance of Somali Presidential Candidates. He criticised the incumbent President Mohamed Abdullahi Mohamed for not putting effort into winning the maritime dispute with Kenya. The irony is that a group of Somali politicians who came to the political scene on nationalist sentiment against the Ethiopian intervention in Somalia had signed a Memorandum of Understanding and plunged Somalia into a maritime dispute that Kenya has cunningly manufactured. If the same people, who put Somalia in a difficult legal position, are seeking the Somali Presidency, there is no guarantee that Somali leaders will not sign agreements that damage Somalia’s territorial integrity. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2021/03/VID-20210304-WA0002.mp4 A part of President Hassan Sheikh Mohamud’s speech in which he accused his predecessor, a former Prime Minister and Abdirahman Abdishakur of high treason. © Puntland Post, 2021 The post Why Somalia Sleepwalked into Maritime Dispute with Kenya appeared first on Puntland Post.
  13. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Turkiga ayaa lagu cambeereeyay weerarkii xalay ka dhacay maqaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. “ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa ku celisay in ay sii wadeyso taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab. Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 10-Qof ay geeriyootay weerarka maqaayadda Luul Yemeni, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo si adag u cambaaraysay Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, gaar ahaan maqaaxi lagu magacaabo Luul Yamani. Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mooto nooca xamuulka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Afhayeen u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax ay ku dhinteen 10 qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 30 qof. Warar madax bannaan oo aan helnay ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay qaraxaas uu ka badan yahay inta ay xaqiijisay dowladda. Dadka qaraxaas ku waxyeeloobay ayaa dhamaantood ah dad rayid ah. Dhowr jeer oo hore ayaa la weeraray maqaaxida Luul Yamani. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay maqaaxida Luul Yamani ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: In ka badan 10 qof oo ku dhintay qarax appeared first on Puntland Post.
  15. Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo u warranay Wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo ku taal agagaarka dekedda Weyn ee degmada Xamarjajab. Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen 30 kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Booliska. Sidoo kale Dhamme Sadiiq Adan Cali ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa loo adeegsaday mooto nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey qaraxyo. Waa markii labaad oo uu weerar xoogan uu ka dhacayo maqaayadda Luul-Yemeni, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac. View the full article
  16. Caawa fiidkii Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax lagu hoobtay oo Dad rayid ah lagu baabi’iyey xili ay caweynayeen qaarna ku jireen guryohooda. Qaraxa waxaa lala beegsadey goob lagu Shaaheeyo oo lagu magacaabo Luulyameni, Waxaana Qaraxa lagu fuliyey gaaro Noaha ah, kasoo sababay in guryo ku dhaganaa Makhaayada ay Dumaan. Sargaal ka tirsan Laamaha Amaanka ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in Dhimashadu markii hore ahayd 17 kadibna ay 6 Qof oo kale ay u geeriyoodeen dhawacii soo gaaray tasoo tirada Guud ka dhigaysa 23 Qof. Dhawaca ayaa aad iyana u badan waxaana loo kala qaadey dhowr Isbitaal. Dowlada Federaalka ee Wakhtigeedu dhamaadey iyo Mucaaradka midna wali kama hadal Qaraxa iyo Dadka waxyeeloobay. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahintii u dambeysay Qarixii Xamar Jajab oo ay ku geeriyoodeen 23 Qof appeared first on . Source
  17. A suicide car bomb exploded just outside a restaurant near the port in the Somali capital Mogadishu late on Friday, sending plumes of smoke into the sky and triggering gunfire, witnesses and state-owned media reported. The number of casualties from the blast was not immediately clear. “So far we have carried about 25 injured people,” said Dr. Abdulkadir Aden of the AAMIN ambulance services. “The casualties may be more, we are rushing back to the scene.” The blast occurred at the Luul Yemeni restaurant near the port, witnesses said. “A speeding car exploded at Luul Yemeni restaurant. I was going to the restaurant but ran back when the blast shook and covered the area with smoke,” resident Ahmed Abdullahi, who lives near the site, told Reuters. Somalia’s state-controlled Radio Mogadishu reported there was “loss of lives,” injuries and destruction of property and that police had cordoned off the area. Al-Shabaab claimed responsibility for the blast. Islamist group Al-Shabab frequently carries out such bombings in Somalia and elsewhere as part of its campaign to topple the Horn of African country’s central government and establish its own rule based on its strict interpretation of Islamic sharia law. View the full article
  18. Several people are feared dead or injured after a car bomb blast has targeted a busy restaurant near Mogadishu seaport on Friday evening, Somali police said. Source: Hiiraan Online
  19. At least 20 people were killed and 30 wounded by a suicide car bomb just outside a restaurant near the port in Somalia’s capital Mogadishu late on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-532021.mp3 View the full article
  21. Ciidamada Amaanka Puntland ayaa warbixin kooban oo ay shaaciyeen waxay ku sheegeen in ay dib usoo qabteen Maxaabiistii lagala fakadey Xabsiga Bosaso isla markaasna ay dileen 20 Maleeshiyada Al-shabaab ah. Howlgalkii ay Ciidamadu maanta ka fuliyeen Buuralayda Gobolka Bari ayaa waxaa jira Maxaabiis lagusoo qabqabtay in kastoo Ciidanku aysan dhaacin tirada rasmiga ah. Wararka ay Puntlandi.com helayaan, waxaa jira ugu yaraan 15 dhawac lagusoo qabtay oo Maleeshiyada Al-shabaab ah, halka Tiro kale iyana gacanta lagu hayo ay ku jiraan Maxaabiistii Xalay Xabsiga ka fakatay. Puntlandi.com Bosaso The post Ciidamada Puntland oo shaaciyey inay dib usoo qabteen Maxaabiista ayna dileen 20 appeared first on . Source
  22. Wararka naga soo gaarayo agagaarka Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu ka dhacay Qarax Xoogan. Qaraxan oo inta badan dhawaqiisa laga Maqlay degmooyinka gobalka Benadir ayaa ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani oo u dhaw Xa‎bsiga Dhexe. Waxaana ay sheegayaan wararka aan ka heleyno in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabha qarxa oo la dhigay afafka hore ee maqaayadda. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa . Source: goobjoog.com
  23. Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo haatan warbixin soo saaray, ayaa sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaal maanta ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari. Taliska PSF waxay sheegeen in dagaallamayaashii Al-shabaab ee xalay weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, ay maanta ku qaadeen hawlgal qorshaysan, islamarkaana ka dileen 20 xubnoo, halka afar maxbuusna ay ka qabteen. Sidoo kale, waxay tilmaameen in dib Al-shabaab uga soo furteen maxaabiistii ay xalay kala baxeen xabsiga weyn ee boosaaso. Taliska PSF ayaa u mahadceliyay Laamaha kala duwan ee Ciidamada Puntland oo ka qayb-galay hawlgalka. PUNTLAND POST The post Ciidanka PSF oo warbixin ka soo saaray dagaal maanta ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab, kaas oo geystay khasaare nafeed. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu ahaa qaraxaas oo ka dhacay afaafka hore ee maqaayad lagu magacaabo Luul-Yemeni oo ku taalla meel u dhaw Xabsiga Dhexe ee Xamar. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari, sidoo kale waxaa goobta ka dhashay Dab, kaas oo hadda demintiisa lagu howlan yahay. Khasaare nafeed ayaa jira inkastoo aan weli la xaqiiji karin inta uu dhanyahay. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
  25. A big blast was heard in the heart of Mogadishu, the Somali capital on Friday night. An eyewitness says the explosion happened outside Lul Yemeni eatery around the city’s main jail and was followed by gunfire. Developing story, more to come soon View the full article