Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aqalka Senate Mareykanka ayaa ansixiyay hindisaha dhaqaale ee lagu caawinayo dadka Amerikaanka ah oo dhaqaalahooda saameeyay safmarka coronavirus, kaas oo uu soo jeediyay madaxweyne Joe Biden. 1.9 tiriliyan oo dollar ayuu Biden ugu talagalay in uu wax kaga qabto dhibaatada dhaqaale ee dadkiisa ku keenay cudurka COVID-19, Sabtidii ayaa golaha aqalka sare meel mariyeen inkastoo dhammaan xubnaha jamhuuriyiinta ka hor yimaadeen qorshaha madaxweynaha. Sidoo kale, golaha wakiilada oo xisbiga Dimoqraadiga aqlabiyad ku leeyahay ayaa la filayaa in Tallaalada ay ansixin doonaan hindisahan dhaqaale. Madaxweyne Biden ayaa ansixinta aqalka sare ku sifeeyay talaabo dhanka wanaaga loo qaaday isagoo balan qaaday in la gaarsiin doono dadka loogu talagalay dhaqaalahan. Mareykanka hadda waxaa heysta dhibaatadii caafimaad ee ugu xumeyd muddo qarni ah soo marta, ku dhowaad 523,000 oo qof ayaa u dhintay cudur iyadoo 29 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay halka heerka shaqo la’aanta ay mareyso 6.2%. PUNTLAND POST The post Aqalka Senate oo ansixiyay 1.9 Tiriliyan oo loogu tala-galay la tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  2. NAIROBI, Kenya (AP) — The death toll has risen to at least 20 after a vehicle packed with explosives rammed into a popular restaurant in Somalia’s capital on Friday night, with 30 wounded, the government news agency reported Saturday. Source: Hiiraan Online
  3. A key U.S. partner in the fight against terrorism is growing increasingly uneasy about the Biden administration’s new guidance on the use of drones and airstrikes, concerned that the changes are giving an already emboldened al-Qaida affiliate more room to operate. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii habeen hore lala eegtay maqaaxida Luul Yamani ee degmada Xamarjabab ee Muqdisho ee ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale iyo guud ahaan xiisadda amni darro ee jirtay bishii ugu dambeysay waa qeyb ka mid ah qandhada doorashada. Marka madaxda ay ku mashquulaan loolanka siyaasadda, ciidamada amniga-na loo adeegsado in lagula dagaalamo siyaasiyiin iyo shacab aan hubeysneyn, waa ay dhacdaa in amniga xumaado, toddobaadyadii ugu dmabeeyana, sidaas ayuu ahaa xaalka Muqdisho. Haddaba, shantan qodob ee hoose, waxay soo koobayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo aan laheyn albaab looga baxo. Muqdisho kala xiran: Tan iyo markii ay kasii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, loolankana uu sii kordhay, waxaa Muqdisho meel walba daadsan ciidamo wato gawaari tikniko ah oo tiro badan, waxaa xusid mudan in qaraxa Yamani uu dhacay xilli ay ciidamadu jidadka xireen. Weli waxaa magaalada kusoo socda ciidamo kale, kuwaas oo isugu jira kuwa ay dowladda soo daabuleyso, iyo qaar kale oo taageersan musharaxiinta mucaaradka, taasi oo xaalad cabsi ah sii gelineysa magaalada. Burburka wada hadallada Rooble iyo musharaxiinta: Waxaa xirmay albaabka keliya ee u furnaa dejinta xiisadda Muqdisho, iyada oo uu burbur ku yimid wada hadallo u socday ra’isul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta. Burburka wada hadalladan waxaa ay sababi karaan in uu sii xoogeyso is aaminaad la’aanta iyo kala fogaanta u dhaxeysay midowga musharaxiinta iyo dowladda federaalka ah, ayada oo meesha ay kasii baxeyso kalsoonidii lagu qabay in Rooble uu noqon karo hoggaamiye go’aan qaata. Dibad-baxa oo baaqday: Midowga musharaxiinta oo shir jaraa’id qabtay Jimcihii ayaa baajiyey dibadbax ay Sabtidii iclmaaiyeen iyaga oo sabab uga dhigay xaaladda caafimaad ee dalka, iyo ciidamadii ay dowladda ku daadisay taallada Daljirka Dahsoon. Inkata oo ay balanqaadeen inuu mar kale dhici doono, haddana ma sheegin goobta iyo goorta, waxayse intaa ku dareen in amniga dibadbaxa ay iyagu sugi doonaan, waxaana jira warar sheegaya inay diyaarinayaan ciidamo xoog leh oo magaalada lagu soo gurayo. Xukuumadda oo mowqifkeedii ku adkeysaneysa: Xundubey oo ah wasiirka amniga ayaa ka hadlayey shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii, wuxuuna sheegay in xukuumadda federaalka ah cid aan aheyn aysan amniga dibadbaxa aaney sugi doona cid iyaga aan aheyn. Xaqiiqda ah ayaa ah in ujeedka xukuumadda uusan ahayn inay sugto amniga dibad-baxa, balse ay tahay in ciidamada la sheegay inay sugayaan amniga loo adeegsado in shacabka lagu caburiyo, ayaga oo laga xirayo waddo kasta, si loo yareeyo dadka dibad-baxa dhigaya. Fashilka shirkii doorashada: Guud ahaan waxaa fashilmay shirkii lagu saxiixi lahaa qoraalkii kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo ku shiray Febraayo 15-16. Shirka oo uu Farmaajo iclaamiyey inuu qabsoomo Khamiistii hore ayaa la iman waayey, waana markii 3-aad oo maamul goboleedyada ay diidaan shir uu isugu yeeray Farmaajo, shirkaas lama oga xilliga uu dhici doono. Weli xal waara lagama gaarin arrimaha la isku heyso ee guddiyadii doorashada ee lagu muransanaa iyo cidda xuleysa xildhibaannada Somaliland. Inkasta oo beesha caalamka ay qoraallo badan soo saarto, hadaba baaqdeeda waxaa ugu muhiimsan in aan ka qaban doorashooyin hal dhinac ah, isbarbar socda, waxayna ka digtaa qalalaaso, mana farageshato jiheynta arrimaha dalka. Iyada oo arrimhaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana dalka waxaa dhibaato kale ku haya Covid-19 iyo abaaro ka jiro gobollada badan, kuwaas oo haddii laga mashquulo keeni kara xaalad halis ah.
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya qarax xoogan lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen askar kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna fureen rasaas, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi. Ciidamada ammaanka ee ka howl-gala Waajid ayaa sidoo kale sameeyey howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, kuwaas oo laga fuliyey degmadaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya Baay iyo Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
  6. Ankara (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey bogga twitter-ka ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Turkiga – dowladda Turkiga ayaa Sabtidii maanta xero militeri oo muhiim ah ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya. Wareejinta saldhiggan waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga inuu fursad hor leh siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. “Iyadoo qayb ka ah dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xarumihii waqooyiga – xarumihii 1-aad ee Turkigu ka dhisay Muqdisho, waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga twitterka ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga. Xeradaan militeri ee Turkigu ku wareejiyey dowladda Soomaaliya sida ku cad qoraalkan waa tii koowaad oo ay ka dhisteen Soomaaliya, waxayna hadda ciidmada Soomaaliya ku tababaraan xerada Turkisom oo ku taalla inta u dhaxeysa xeebta Jaziira iyo caasimadda Muqdisho. Illaa hadda Turkigu waxuu Soomaaliya u tababaray qiyaastii 5,000 oo askari, waxuuna qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 15,000 illaa 16,000 oo askari, kuwaas mid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. In dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen dhismaha ciidanka tiro ahaan intaas dhan waxaa horay u shaaciyey safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heer aad u wanaagsan, tan iyo markii uu Madaxweyne Erdogan sanadkii 2011-kii booqashada ku yimid Muqdisho, xilligaas oo xaalad adag oo dhankasta ah ay ka jirtay dalka, waxayna booqashadaas Soomaaliya ku soo jeedisay indhaha caalamka. Waxii sanadkaas ka dambeeyey labada dal waxaa u bilaawday iskaashi ay ka sameeyeen dhinacyada, militeriga, caafimaadka, waxbarashada, diblomaasiyadda iyo dhinacyo kale. Turkiga waxuu Soomaaliya ku caawiyey gargaar toos ah, sidoo kale waxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, sida jidadka, dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.
  7. A key U.S. partner in the fight against terrorism is growing increasingly uneasy about the Biden administration’s new guidance on the use of drones and airstrikes, concerned that the changes are giving an already emboldened al-Qaida affiliate more room to operate. Since U.S. President Joe Biden took office January 20, the United States has not launched a single airstrike against al-Shabab in Somalia, after seven strikes were conducted from January 1 to 19. Senior Somali military officials worry the new guidance, which has imposed tighter controls on ordering airstrikes and requires the White House to sign off on operations, means al-Shabab will begin to gather momentum. “Lack of strikes mean al-Shabab leaders will come out of hiding,” a senior Somali military commander, who spoke on condition of anonymity because he was not authorized to talk about the issue publicly, told VOA’s Somali Service. “They will bring their battle wagons out. They will mount big guns on top of vehicles again. They will start to gather in large numbers again,” he said. “It will be detrimental not only to the security of Somalia but to the region if al-Shabab were given freedom to move around.” Grave threat U.S. defense and intelligence officials have long considered the Somalia-based al-Shabab one of the gravest threats emanating from Africa, targeting the group with 53 airstrikes in 2020 and 63 airstrikes in 2019. The impact, though, has been debatable. Recent U.S. intelligence estimates indicate al-Shabab commands as many as 10,000 fighters across Somalia and parts of Kenya. And despite consistent counterterrorism pressure, officials concluded by the latter half of 2020 that the group was starting to show it was operating without fear. “The terrorist threat in East Africa is not degraded,” the U.S. Department of Defense inspector general warned in a November report. “Al-Shabab retains freedom of movement in many parts of southern Somalia and has demonstrated an ability and intent to attack outside of the country, including targeting U.S. interests.” Intelligence gathered by U.N. member states, and included in a report last month, raised further concerns about al-Shabab’s ability to attack in major towns and along key transportation corridors. The report also noted what it said was a “remarkable increase in al-Shabab propaganda and in the group’s online presence to enhance recruitment and radicalization.” Those trends are what have Somali officials feeling ever more uneasy, especially given developments on the ground. “In the current political situation, where our security forces are diverted to electoral security and political tasks, this is again a boon to al-Shabab,” said Samira Gaid, who served as a senior security adviser to former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire. “The airstrikes changed their tactics and operation and kept pressure on them when Somali forces and AMISOM [the African Union Mission in Somalia] are not conducting regular operations,” she said. The Biden administration’s limits on U.S. counterterrorism strikes, first reported earlier this month by The New York Times, are part of a larger review of the existing “legal and policy frameworks” governing such actions. “The purpose of the interim guidance is to ensure the president has full visibility on proposed significant actions,” according to National Security Council spokeswoman Emily Horne. She said it would be “premature to anticipate” when the review would conclude. Review understood Current and former Somali security officials indicate they understand the new administration’s reasoning for the review. They just fear that the interim guidance is putting them and the U.S. at a disadvantage. “Of course, the operations should be conducted with the utmost care and should protect civilians,” Gaid said. “But the reality is, the group [al-Shabab] needs to be on the defensive and should not have freedom of movement and operations, and that’s what the airstrikes helped with.” The extent to which those concerns have made it up the Somali chain of command and have been communicated to U.S. officials is unclear. In a statement on civilian casualties Friday, U.S. Africa Command acknowledged Somali defense officials have said airstrikes are a critical part of the effort against al-Shabab. “The Somali National Army fully supports U.S. Africa Command’s efforts to degrade al-Shabab through kinetic airstrikes,” the statement quoted Somali Chief of Defense Forces Brigadier General Odawa Yusuf Raage as telling U.S. officials at a recent meeting. “These strikes are a key part in our fight against an enemy that has shown no hesitation in terrorizing innocent Somali citizens through repression, extortion and murder,” Raage said. But the Pentagon said Friday that if there has been any concern about the Biden administration’s tightening of control on airstrikes, that has not been shared. “I’m not aware of any such concerns that have been expressed to the department,” spokesman John Kirby told reporters. U.S. Africa Command, when asked directly about the Somali concerns, told VOA it “remains confident” it can provide its Somali partners with the necessary support to contain al-Shabab. “Airstrikes are only one of the tools available to counter the threat,” said Africa Command spokesman Colonel Chris Karns. “It won’t always be the first or best option for a given scenario.” Pressure in ‘various forms’ “Pressure will persist, but this pressure will occur in various forms and by various partners,” he added. As part of the ongoing effort to bolster Somalia’s campaign against al-Shabab, U.S. Africa Command pointed to training it conducted for the country’s elite Danab counterterrorism forces and an emergency response exercise in Mogadishu in January. “Our mission has not changed,” Major General Dagvin Anderson, the commander of Special Operations Command Africa, said in a statement at the time. “We remain committed to our Somali and regional partners and support their fight against violent extremism.” However, unlike some previous training missions and exercises, U.S. forces had to deploy to Somalia in January to work with the Somali forces after Africa Command relocated 700 troops from the country at the direction of then-President Donald Trump. And that came after the Defense Department inspector general raised concerns that Somalia’s security forces were not yet ready to take the lead in the effort to contain al-Shabab. Somalia’s security forces “continue to rely on international support,” the inspector general warned in November. “Al-Shabab is not degraded to the point where Somali security forces can contain its threat independently.” VOA’s Somali Service contributed to this report.
  8. Gudoomiyaha Baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii habeen ka hor ka dhacay maqaayadda Yemeni ee magaalada Muqdisho Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo soomaaliya uuna taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab Gudoomiyaha ayaa muujiyay diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida. Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay PUNTLAND POST The post Baarlamanka Carabta oo si adag uga hadlay Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib “codsi uga yimid shacabka”. Geelle oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dadkiisa ay ku “khasbayaan” inuu u tartama doorashada madaxtinnimada dhaceysa 23 April. Waxa uu awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1999-kii. Waa la igu khasbayaa “Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada. Billooyinkii dahwaa waxaa dalka Jabuuti ka dhacayay dibadbaxyo naadir ah oo lagu diidanaa xukunka iyo siyaaasadaha dowladiisa. Xoogagga ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay is hortaageen dibadbaxyo isbuucyadii la so dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka. Diyaargarowga doorashada Wakhtiga ka dama beysta ee diwanagelinta musharrixiinta ayaa ah 10 -ka bishan March oo ku aadan Arbacada soo socoto. Balse in badan oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada April oo ay ku tilmaameen riwaayad. Ma jira guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha. Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka. Madaxwene Geelle ayaa eeeyntaasi ku gacanseyray. “Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi(doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uunbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo”, ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixinta oo billaabatay 25-kii February ay “si wanagsan u socoto” siina socon doonto ilaa iyo 8-da April. Isha: BBC SOMALI
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-632021-ok.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey markii xalay qaraxa lagu weeraray maqaayadda Luul-Yemeni oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, waxaa soo xoogeysanaya shaki ay muujinayaan siyaasiyiin u badan mucaaradka. Siyaasiyiintan waxay ka mideysan yihiin in su’aasha ah halka uu ka yimid ama la soo marsiiyey gaariga qarxay, maadaama ay wadooyinku xirnaayeen habeenkii qaraxu dhacay iyo maalinkeedii. Ugu horeyn Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadaas ayaa yiri, “Waan bogaadinayaa in xogtaan hore loogu bixiyay dadaal lana soo gudbiyay, balse waxaa nasiib dara ah in ayada oo xogtaan khatarta ah lahayo in ciidamadi amniga shacabka sugi lahaa loo adeegsado laguna mashquuliyo carqaladaynta shacab diidan dictatorship dalbanayana Doorasho Dimoqoraadi ah una Banaanbaxaya si nabad ah, sidaasne dadki loo dayco waana danbi la’iskula xisaabtami doono.” Qoralka Xildhibaan Cabdullahi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa cajiib ah in Ninkaan Mudda xileedkiisi dhamaaday ee xukun jaceelku waalay xataa uu kari waayay in uu u tacsiyeeyo 30ki qof ee xalay Muqdiaho lagu dilay, dhacdadaan iyo dhacdadi Xabsiga boosaasaba waxaa ay adkaynayaan xanti ahayd in ay laba Shabaab wada shaqeeyaan.” Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ciidamada shacabka boorarka iyo calamada sita lagu baacsanayo, qaraxyada iyo weerarada Alshabaab ku gumaadayaan shacabka maa looga difaaco. Mise waa shaqo shirko lagu wada yahay.” Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah. Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan.” Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna yiri, “Wixii maanta ciidan kala duwan oo banaanbaxa nabdeed looga hortagaayay xagguu qaraxu ka soo maray. Mase banaanbaxa ayaa bari lagu qarxin rabay si eedda Murashaxiinta loo saaro.” Ugu dambeyntii Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa soo qoray, “HASHA MAANKEYGA GADAYE MA MASAAR BEY LAQDAY! Jidadka ayaa Shacab si nabad ah u Mudaaharaadaayo ka xiray iyo xabsiga dhexe Checkpoint kiisa maqaaxi ku taalla la qarxiyey iyo boola xoofteentii galabta, isma qabtaan! Intii dhimatey Allaha u naxriisto.” In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxaana ka dhashay dhaawacyada ugu yaraan 30 kale, mas’uuliyadiisa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin. Source
  13. Taariikhda AHUN Cali Axmed Saalax “Cali Dhahar” (1963-2021) oo kooban. Cali Axmed Saalax oo loo yaqaano Cali Dhahar waxa uu ku dhashay degmada Badhan ee gobolka Sanaag sannadku markuu ahaa 1963-dii bishii juun, waxa uu ku barbaaray isla gobolka Sanaag. Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu ku qaatay gobolka Sanaag, sannadihii 1985 illaa 1989 ayuu kulliyadda Waxbarasha Lafoole ka diyaariyey cilmiga Kimistari iyo Bayoolaji (Chemstry and Biology), Cali ayaa ahaa arday aad u firfircoon isaga oo noqday gudoomiyaha ardayda Lafoole. Kadib waxbarashadiisii iyo burburkii dalka waxa uu in badan kasoo shaqeeyay goobo kala duwan khaasatan hay’ado samafal oo kala duwan, waxa uuna wax ku daabici jiray wargaysa Puntland sannadihii 1994/5 illaa 1996, wargayskan oo fadhigiisu ahaa Badhan iyo Laasqoray. Xil. Cali ayaa qayb ka ahaa aas-aaskii dawladda Puntland isaga oonna xilal badan kasoo qabtay kana shaqaynayay muddadii ay jirtay. Laga bilaabbo sannadkii 1999 waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, xilalka uu soo qabtay waxaa kamid ah: Agaasimaha waaxda dooroshooyinka iyo dastuurka oo ahayd shaqadiisii u horaysay, wuxuu kaloo noqday Agaasimaha maamulka shaqaalaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud, aakhirkii Xil. Dhahar wuxuu u dallacay Agaasimaha xogahayaha guud ee GWDPL xilkan oo uu muddo shan sanno ah hayay ayuu 2019-kii ka mid noqday mudanayaasha baarlamaanka Puntland isaga oo xildhibaanka deegaan doorashadiisu ahayd gobolka Sanaag, kadib ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada iyo dhaqanka ee golaha wakiillada Puntland. Dhahar ayaa wax badan kasoo maamulay doorashooyinka Puntland iyada oo ay ugu danbaysay doorashadii lagu doortay Md. Siciid Deni, Md. Xigeen Axmed Karaash iyo gudoomiyihii hore GW Dhoobadaareed doorashadan ayaa ahayd mid si xoog ah loogu ammaanay Xil. Cali oo markaa ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada. Xil. Cali Dhahar waxay ku sifeeyaan dadka yaqaanna inuu ahaa nin daacad ah, samatalis ah, damqasho badan ayna ku waynayd saaxiibtinimada iyo u hagar bixidda bulshada, waxa uu ahaa nin cibaado badan, deggan, wanaagga ka shaqeeya oo af-gaaban laguna tilmaamo dadka maskaxda fiican Illaahay siiyay. Maanta oo ay taariikhdu tahay 6-dii Maarso 2021 ayuu Cali Axmed Dhahar ku geeriyooday magaallada Badhan, Xildhibaanka ayaa u geeriyooday shil uu ku galay duleedka magaallada Badhan isaga oo u socda tacsida hooyadii Raxmo Ciise Rabaadin oo aroortii maanta ku geeriyootay magaallada Badhan. Alle ha’unaxariisto marxuun Cali Axmed Dhahar waxa uu ifka kaga tagay 7 caruura. Qalinkii: Ahmadek Sanwilwilo. Source
  14. Boosaaso (Caasimada Online) – Rabbi ha u naxariistee, waxaa maanta shil gaari ku geeriyoodey Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland. Shilka ayaa ka dhacay tuulada Midigalo ee gobolka Sanaag, waxaana uu ku sii jeedey degmada Badhan. Cali Dhahar ayaa hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo hooyadiis inay isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan. Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise. Xidhibaanka ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland. Xildhibaanka waxaa markii hore soo gaarey dhaawac aad u culus, waxaana uu geeriyoodey saacado yar kadib. Xildhibaan Cali Dhahar muddo dheer ayuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu sanadkii 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka isaga oo ka soo galay degmada Badhan. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.
  15. uddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shil baabuur oo ka dhacay waddada u dhaxaysa Ceel View the full article
  16. Editor’s note: Omar Sheikh Abdirahman was a classmate of President Hassan Sheikh Mohamud’s at 21 October Intermediate School in May 1st Neighbourhood of Waaberi. I have read the in-depth report on the maritime dispute between Somalia and Kenya posted in Puntland Post. I have acquired a wider understanding of the issue. In 2016, when the former President Hassan Sheikh Mohamud accused three Somali political leaders of treason for signing a Memorandum of Understanding with Kenya in 2009, I was not able to make my mind up about the veracity of what President Mohamud had said about rival politicians. Now, I can judge that President Mohamud’s view is based on the letter and spirit of the MoU signed with Kenya: Somalia allowed Kenya to claim a part of its maritime territory. President Mohamud said that the leaders in question “are responsible for the loss of our maritime territory”. This is the judgement of a President in a country that does not have effective judiciary that can put treason suspects of trial. President Hassan Sheikh Mohamud shouldn’t tarnish his patriotic credentials. I commended him for his candour. As a Somali citizen I agree with President Hassan Sheikh Mohamud that the leaders in question betrayed their country by letting Kenya to claim Somalia’s territorial waters. I am at a loss to understand why President Mohamud is now, under the Union of Presidential Candidates platform, with the same leaders he accused of treason back in 2016. The Federal Government of Somalia under President Mohamud submitted Somalia’s case to the International Court of Justice for adjudication after Mogadishu realised that Kenya filed the MoU with the United Nations as a case that Somalia and Kenya will amicably resolve although there was no a maritime dispute between the two coastal countries in the first place. Another member of the Union of Presidential Candidates is Sharif Sheikh Adan, a former Finance Minister of the Transitional Federal Government of Somalia that signed the MoU with Kenya. The national interest of Somalia is more important than maintaining the camaraderie of opposition Presidential Candidates to unseat the incumbent President Mohamed Abdullahi Mohamed. What is now at stake is one of the foundations of the Somali sovereignty betrayed by leaders who were sworn in to protect it. Giving this group of politicians a succour will irreparably tarnish the patriotic credentials of President Hassan Sheikh Mohamud. By Omar Sheikh Abdirahman, London, omarbile601@gmail.com The post President Hassan Sheikh Mohamud Should Not Tarnish His Patriotic Credentials appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta loo diiday inay banaanbax ku dhigaan fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen. Dhalinyaradaan oo tiro ahaan gaareysa shan qof ayaa si adag ula hadlay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo uga digay in dalkan uu ku celiyo nidaamkii uu ku burburay 30-sano ka hor. “Waxaan saakay u jarmaadnay Daljirka Daahsoon si dareenkeena dastuuriga ah aan u cabirno, laakiin ciidamadii ku sugnaa goobtaas waxaan kala kulanay bahdil iyo handadaad, waxayna nagu garaaceen liif, waxay nagu aflagaadeeyeen in dareekeena aannaa cabiri karin, waxaan leenahay Farmaajo anagoo ka soo jeedna Somaliland, maanta ciidamadaada waxay nagu garaacayaan madaxtooyada horteeda,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaas. Waxyaahaba ugu badan ee dooda dhalinyaradaan ay ku saleysan tahay waa hubanti la’aanta ka soo wajahday hanaanka doorasho ee kuraasta siyaasadeed ee Somaliland, waxayna ku goodiyeen in aysan jirin cid go’aan uga gaari karta masiirkooda. “Kuraasta Somaliland muwaadiniin ayaa leh go’aanna iyagaa ka gaaraya, Madaxweyne weli waan ku ixtiraameynaa, ma dooneyno in dalku qalalaase galo, fadlan dalka doorasho la isla ogolyahay ka qabo, waxaadna ogaataa in kuraasta Somaliland uusan qof boobaya go’aan ka gaari karin,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada hadashay. Waxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed ma aqbalayaan in Villa Somalia aad sharci darradaas ku sii joogto, waqtigaagii waa dhamaaday, fadlan ka soo bax madaxtooyada, ma aqbaleyno waxa aad dalka ku wado, hadaan nahay dhalinyarada Somaliland, lama bililiqeysa karo kuraasteena iyo metelaada aan xaqa u leenahay.” Sidoo kale dhalinyaradaan ayaa xubnaha ku metela dowladda federaalka oo ay ka xuseen ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, waxay u sheegeen inay ogaadaan inay dad metelaan oo aan cidlo laga keenin. Hoos ka Daawo
  18. Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo kaashanaya Hay’ado ay kamid yihiin UNICEF ayaa Dadaal ku bixiyay in Talaalka Covid 19 ay si Lacag la’aan ah ku helaan Dalalka Soo koraya ee aan awoodin inay soo iibsadaan Talaalka. Barnaamijkaan lagu caawinayo Dunida Sadexaad ayaa loo bixiyay COVAX. Hadabada Jabuuti iyo Muqdisho waxaa soo gaaray Talaalkii u horeeyey, Kasoo loogu talagalay in marka hore lagu talaalo Dadka ka shaqeeya Goobaha Caafimaadka iyo Dadka qaba Cudurada Khatarta ah oo isla markaas aan xamili karin ama iska Difaaco karin Covid19. Puntlandi.com The post Jabuuti iyo Soomaaliya oo lasoo gaarsiiyey Talaalka Covid 19 appeared first on . Source
  19. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaasi oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday. Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta. View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-632021.mp3 View the full article
  21. Inside their trek through Blueridge Mountains and rural Somali villages Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay dibad-baxa ay mucaaradka qorsheeyeen inay ka dhigaan Muqdisho ee mar kale maanta baaqday. Dibad baxii lagu balansanaa inuu DALJIRKA DAHSOON ka dhaco maanta ayaan qabsoomin kadib markii ay musharaxiinta shalay sheegeen in ballankii looga baxay, maadaama ciidamo badan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho. Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in burburka ay haatan Soomaaliya kasoo kabaneyso ay sababtay ciidamada oo ku milmay siyaasadda, wajiga ay leedahay iyo sida ay u tahay wax xunna laga heysto xusuuso xun oo laga sheekeyn karo. “Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso,” ayuu yiri Shariif. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay.” Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in midowga musharaxiinta aysan weli ka tanaasulin dibad-baxa, islamarkaana ay dhowaan iclaamin doonaan maalinta xigta ee la qaban doono dibad baxa nabadeed, sidoo kalana wuxuu carabka ku dhuftay iney dibad baxaas sugi doonaan amaankiisa ciidamo ayaga taabacsan. Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan marnaba ogolaan doonin inuu dhaco dibad bax aysan mas’uuliyadda amnigiisa iyaga ku xirneyn. Walaaca dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa sare u kacay kadib markii ay dib usoo laabatay aragti kala duwanaantii dibad baxa iyo xaaladda guud ee magaalada, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan waxyaabo horay looga digay.
  23. Guddida doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqday Wakhtiga la Bilaabayo Qaybinta Kaadhka Codbixiyeyaasha. Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu dalka ka bilaabmayo qaybinta kaadhka codbixinta, ee dadkii dhawaa la diiwaan geliyey. Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in 11-ka Bisha March ay dalka ka bilaabi doono kaadh qaybinta codbixiyeyaasha, iyada oo Gobollada Sool, Sanaag iyo Saaxil. Guddoomiye Riyo-raac, waxa bulshada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhka codbixinta, ee dadkii uu dhawaan is diiwaan geliyey Source