-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Talks between the Somali government and opposition presidential candidates have collapsed, but some progress in the negotiations has resulted in relative calm in the past few days, Prime Minister Mohamed Roble said Friday. The government will continue holding talks on the electoral process to implement the pre-election agreement, which was reached on Sept. 17 last year, with leaders of the federal member states, the prime minister said in a statement. The negotiations collapsed Thursday evening after the opposition requested to be included in future election talks, he said, noting that some concessions were made following rounds of talks. Roble said an understanding had been reached on the issues discussed, but one of the demands from the candidates’ union was not in line with the country’s electoral process. The prime minister, who has previously been holding talks with the council of presidential candidates, a coalition of opposition candidates, said reopening the September 2020 election agreement needs broad approval from other signatories. Roble said his government encourages dialogue and that the doors are open to all, but that there is a need to show sincerity and compromise, and not to create new obstacles and conflicts. Some opposition leaders blame President Mohamed Farmajo for the collapse of the talks, saying the government was just buying time and had nothing concrete to offer. View the full article
-
Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar culus oo Xalay lagu qaaday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Weerarkan oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Booliska Xabsiga iyo Ururka Al Shabaab. Xabsiga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku xirnaa maxaabiis ay ku jiraan Xubno ka mid ah Ururka Al Shabaab, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Booliska oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta. Waxaa uu sheegay in weerarka lagu dilay labo askaro, islamarkaana sedex kale uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan. Isagoo hadalkisa sii wata ayaa intaasi waxuu ku daray in qaar ka mid ah maxaabiista ay baxsadeen inta uu socday weerarka. Dhinaca kale, bayaan ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 400 oo maxaabiis ah laga sii daayay Xabsiga. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in maxaabiista la sii daayay ay ku jiraan Xubno ka mid ah Ururka Al Shabaab. Degaano iyo Degmooyin hootaga Maamulka Puntland ayaa marar qaar waxaa ka dhaca Weeraro, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu sheegtaan Ururka Al Shabab. Inkastoo Ciidamada Maamulka Puntland ay qaadeen howlgallo dhowr, hadana waxaa muuqata in Al Shabaab ay weeraro ka geysanayaan Gobolka Bari. Degaanada Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa ka howlgalla Kooxda Daacish, kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ka geysta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. View the full article
-
Iyadoo uu natiijo la’aan kusoo dhamaadey Kulankii Xalay dhexmaray Xukuumada Xilkeedu dhamaadey iyo Mudharixiinta ayaa qoloba Qolada kale ku eedeeyeen Natiijo la’aantaas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharixiinta Madaxwrynaha ayaa Bartiisa Facebook wuxuu ku shaaciyey Qodobada la isku marieaayay, wuxuuna ukala dhigdhigay sidaan hoose… Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mahad Salaad waxay horey Raysal wasaaraha ugu eedeeyeen inuu yahay Nin aan kaligiis go’aan gaari karin. Puntlandi.com Muqdisho Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shaaciyey Qodobada Xalay miiska saaraa appeared first on . Source
-
Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo ka warbixinaya shirkii Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay,”IN doorashada dalka meelo kale ayaa laga carqaladaynayaa shacabka soomaaliyeedna arintaasi way ogyihiin.” Wasiirku waxaa intaas ku daray Siyaasadu inay ubaahan tahay samir, sal adayg iyo isu dulqaadasho. Ee aysan ahayn wax habeen inta laysku yimaado sidaas lagu dhamayn karo. View the full article
-
After months of bloodshed in Tigray, a region of Ethiopia claiming the right of self-determination, the United States is ramping up pressure to end hostilities, protect civilians, facilitate an independent investigation Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo qoray afar qodob oo ay hor dhigeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo sababay in shirka aysan wax natiijo ah kasoo bixin. Shirkii wajiga saddexaad oo ay isku arkeen midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaa xalay natiijo la’aan ku dhamaaday kadib saacado la is hor fadhiyay, waxaana lasoo bandhigay afarta qodob ee la hor dhigay Rooble. Qodobada la hordhigay Rooble waxaa ka mid ah: 1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo. 2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan. 3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado. 4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka. Afartaan qodob ayey hor dhigeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble, waxeyna ka dalbadeen inuu shacabka Soomaaliyeed u cadeeyo doorka uu qaadan karo iyo wuxuu ka fulin karo shuruudahaan.
-
Kadib fashilkii ku yimid shirkii Xubnaha Midawga Musharixiinta iyo Rooble waxaa soo baxayo in qodobo dhowr ah kuwaas oo sabab u noqday in shirka lagu kala tago. Qodobada doodda dhaliyay ee Midawga Musharixiinta ay Hordhigeen xukuumadda waxaa ka mid ah:- 1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo. 2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan. 3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado. 4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka. Source: goobjoog.com
-
By : Dr. Maxamud Maxamed Culusow Ayadoo la tixgelinayo qoraalkii MM ku codsadeen xil ka qaadista Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin ka hor wada hadalka heshiiska doorashada 2020/2021 iyo qoraalladii ka dambeeyay ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland codsadeen xil ka qaadista Taliyayaasha Militeriga, Nabadsugidda, Booliska, iyo Asluubta, kuwaaso aan u hoggansaneyn ku dhaqanka dastuurka kmg iyo ilaalinta sarreynta sharciga; Ayadoo la tixgelinayo dhawaaqii MM ku caddeeyeen inaysan aqoonsaneyn sheegashada xilka Madaxweyne ee Maxamed Cabdullahi Farmajo laga bilaabo 8 Febraayo 2021; Ayadoo la tixgelinayo in Maxamed Farmajo ilaa maanta garowsan in muddo xileedkiisii dhammaaday 8 Febraayo 2021 (24 maalmod ka hor), uusan jirin sharci lagu beddelay qodobka dastuurka 91 ee dhigaya 4 muddo xileedka 4 hab waafaqsan wax ka beddelidda dastuurka kmg; Ayadoo la tixgelinayo warka dhiillada leh ee Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland ku caddeeyeen inay halis tahay in la aamino Farmajo sababo aan hadda ka hor mas’uul shacbi lagu tilmaamin; Ayadoo la tixgeliyo in Ciidammada Hamarcad, Gorgor, Waran ay yihiin ciidammo aan dastuurka waafaqsaneyn, kana amar qaata Taliyaha Nabadsugidda iyo Ex Madaxweynaha Farmajo, Ayadoo la tixgelinayo in Ciidammada Nabadsuigga aysan ku shaqeyn dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga, iyo kan federaalka ah, kuna shaqeeyaan amarka Taliyaha Nabadsugidda iyo kuwa haysta kalsoonidiisa, ciidammadaaso intooda badan la qoray 4tii sano ee la soo dhaafay; Ayadoo la tixgelinayo in Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin ka sarreeyo dastuurka iyo sharciga qaranka oo aysan jirin cid uu mas’uul u ahay oo aan aheyn naftiisa iyo dowladda Qatar; Ayadoo la tixgelinayo in Taliyayaasha Ciiddammada dalka aan lagu dhaarin Kitaabka Quraanka inay dhawrayaan dastuurka kmg, shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhaqanka wanaagsan ee diinta Islaamka ee ku saabsan cadaaladda iyo gudashada mas’uuliyadda bulshada si waafaqsan xaqsoorka, Ayadoo la tixgelinayo gaboodfalkii dhacay 19ka febraayo 2021 kaddib markii Farmajo amar ku bixiyay weerarka Madax iyo shacab aan hubeysneyn oo rabay inay sameeyaan bannaanbax looga cabanayo sharcidarrada doorashada daahsan iyo sheegashada Farmajo xilka Madaxweyne, laguna dilay muwaadiniin soomaaliyeed, kuwa kalena lagu dhaawacay, oo Dowladda Federaalka aysan ka samafalin ilaa maanta; Ayadoo la tixgelinayo warsaxaafadeedka Wasiirka Amniga Xundubey ku caddeeyay in Ra’iisul Wasaare Roble mas’uul ka aheyn ka hadalka heshiiska doorashada dadban, sheegayna in Farmajo iyo Madaxweynayaasha DG mas’uul ka yihiin, inkastoo mar hore uu amar ku bixiyay in DG Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Gobolka Benadir bilaabaan doorasho aan heshiis lagu aheyn; Ayadoo la tixgelinayo in kaadiriinta Xisbiga Hantiwadda Kacaanka 21 Oktoobar 69 iyo xoogag xagjir ah ay taagersan yihiin Farmajo, kana talo qaato, kuwaaso ka horjeeda dastuurka kmg oo ku saleysan shareecada Islaamka; Ayadoo tixgelinayo in beesha caalamka u liicsan tahay inay la qabto doorasho jacbur ah, jujuub ah, ka horjeeda maslaxadda ummadda soomaaliyeed, kaddibna shacabka soomaaliyeed lagu ceebeeyo musuqmaasuqa iyo qalalaasaha ka dhasha doorashada jacburka ah; Ayadoo la tixgelinayo in RW Roble shaaciyay in fashilka shirka dhexmaray MM iyo wafdigiisa ee ka dhacay Hotelka Decale 4ta Maarso 2021 sabab u aheyd MM oo codsaday ka qaybgalka wada hadalka doorashada u dhexeeya DF iyo DG iyo Gobolka Benadir, isla markaana la isla oggolaaday dhammaan qodobbadii kale ee laga wadahadlay, taaso u baahan caddeyn dheeraad ah, Waxaan u soo jeedinaya MM talooyinka soo socda: Inay MM ka fiirsadaan bannaanbaxa lagu dhawaaqay maalinta sabtida 6da Febraayo ayadoo Ciidammada Ilaalinaya nabadgelyada ay madax ka yihiin Taliyayaashii la codsaday in la beddelo ama ciidammada yihiin kuwa aan sharci laheyn ee ka amar qaata Taliyaha Nabadsugidda Fahad iyo Farmajo; In MM iyo bannanbaxyasha ku tala galaan halista ciidammada magaca dowladda federaalka sheeganaya haseyeeshe aan dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta u hoggansaneyn, isla markaana ka amar qaadanaya taliyayaal la codsaday in xilka laga qaado; In MM, Guddomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynaha DG Puntland iyo Jubbaland ka wada hadlaan si looga baxayo marin haabinta mowqifka looga soo horjeedo xil Madaxweyne sheegashada Farmajo oo muddo xileedkiisi dhammaday, kana go’an tahay inuu dalka ku xukumo xoog sharcidarro ah. Wada hadallada iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah waxaa ka horreeya in Farmajo aqbalo inuusan aheyn Madaxweyne, soo saaro dekreto uu arrintaas ku caddeynayo, xilkana ku wareejinayo Golaha Badbaada Qaranka oo ka kooban Madaxweynayaasha DG iyo labada Guddoomiye ee Barlamaanka Federaalka, kuwaaso ku dhawaaqi doona xil ka qaadista Taliyayaasha Ciidammada Mileteriga, Nabadsugidda, Booliska, Asluubta, xakameynta Ciidammada Hamarcad, Gorgor, Waran, iyo kuwii kale ee jira loona sameeyo Taliye KMG ilaa inta laga ogaanayo sababaha iyo baahiyada looga saaray qaab dhismeedka ciidammada dowladda federaalka. Waa in la kala dira Guddiga Doorashada Federaalka ka hor intaan laga hadlin heshiiska doorashada; In Ra’iisul Wasaare Roble ka amar qaato Golaha Badbaada Qaranka, kana baxo hafrashada uu ku ceeboobayo oo ah inuu yahay “mas’uul wax ka qaban kara ismari waagga ka taagan doorashada.” Shirka fashilmay caawa 4ta Maarso 2021 ee MM iyo wafdiga RW Roble ku dhexmaray Hoteelka Decale wuxuu daaha ka qaaday in Farmajo iyo Kooxda talada ku laheyd magacaabista RW Roble ay leeyihiin go’aan ka gaaridda arrimaha ku saabsan doorashada; In Beesha Caalamka lala wado wada hadalka aan jid iyo jaho laheyn ilaa la fahmayo ujeedadooda. Dr. Maxamud Maxamed Culusow The post Dr. Maxamud Maxamed Culusow : – Talojeedin ku socota Midowga Musharrixiinta (MM) Xilka Madaxweynaha JFS appeared first on . Source
-
Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa. Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed xuseen Rooble View the full article
-
Waxaa natiijo la’aan ku soo idlaan kulan ay xalay fiidkii illaa xilli dambe ay huteelka Décalé ee magaalada Muqdisho ku lahaayeen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ah. Kulanka oo si weyn isha loogu hayay ayaa waxaa la filayay in dhinacyada ay ku heshiiyaan qodobo ku aaddan doorashada, si dhinacyada ay khuseyso ay u saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo lagu gaaray bartamihii bishii hore. Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo kulanka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka uu u fashilmay arin uusan go’aankeeda lahayn. “Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha. Waxa uu sheegay in weli uu diyaar u yahay inuu la farsiito mucaaradka si looga heshiiyo doorashada. “Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”. DOODDA MUCAARADKA: Midowga murashaxiinta mucaaradka dhankooda fashilka kulanka ku eedeeyay ra’iisal wasaare Rooble. Cabdiraxmaan Cabdishakur oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa ka warramay waxyaabaha ay la shir tageen. “Midowga waxa uu soo jeediyay qodobo wax ku ool ah oo ay tahay in la xalliyo, ayna kamid yihiin amniga doorashooyinka, saaxadda siyaasadda in la furo, mandate-ka madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa laga yeelayo iyo arimaha la xiriira kaalinta midowga uu ku yeelanayo wadahadallada doorashooyinka la xiriira ee shirarka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Waxa uu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha in go’aanka uu ka sugayay cid ka baxsan kulankaas, oo uu ula jeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Waxaan isku daynay xalka kasta oo suuragal ah inaan gaarno. Nasiib darro taasi se laguma guulaysan. Dedaal kasta iyo tanaasul kasta oo uu midowga bixiyay bedalkeeda ma aanan arag. Qoraal kasta iyo is-afgarad kasta oo aan gaarno waxay ahayd in laga soo ansixiyo meel shirka ka baxsan. Ciddii farriin qoraalka soo direysay ayaa diiday in horay loo socdo,” ayuu hadalkiisa raaciyay. KULANKII MADASHA QARAN: Heshiis laga gaaro kulanka xalay ayaa fududeyn lahaa in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay Muqdisho ku saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo, sida ay qabaan dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya. Madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland oo ka baaqday kulan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in 4-tii bishan, ayaa shuruuda ay ku xireen shirka waxaa kamid ahayd in fursad la siiyo wadahallada u dhexeeya ra’iisal wasaaraha iyo mucaaradka. Maadaama hadda uu guuldaraystay kulankaas, ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan maamullada Garowe iyo Kismaayo. BEESHA CAALAMKA: Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada. Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan. Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay. Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan si dhinacyada ay ku kala saxiixdaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada, ayaa saddex goor qabsoomi waayay. Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto. ISHA: BBC SOMALI
-
Waxaa fashil ku soo dhamaaday shir Muqdisho uga socday Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga musharixiinta. Shirkan oo ahaa midkii seddaxaad oo ah yeeshaan labada dhinac ayaa looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka dalka. Xukuumadda oo horay u qaadatay muucaradka ay kala qeyb qaadato banaanbax jiritaankeeda looga soo horjeedo , ayaa kulanka loogu gorfeynayay sidii shirarka arrimaha doorashooyinka uga mid noqon lahayen Mucaaradka. Kadib saacado badan oo uu shirka socday ayey xukuumadda ka biya diiday dalabka musharixiinta kaas oo ugu danbeyn sababay in lagu kala tago shirka. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeyay in uu ka danbeyay fashilka . Rooble ayaa dhankiisa sheegay in ah sameeyen tanaasulad balse Mucaaradka ay ku adkeysten in ay doqob kaas ka fuqin. Waxa uuna xusay in haddii mucaaradka loo ogolaado ka qeyb galka shirka Arrimaha doorashooyinka uu meesha ka baxayo heshiiskii 17 September ee Muqdisho lagu gaaray sanadkii hore. Dhanka kale Midawga Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa fashilka shirka ku eedeyay xukuumadda iyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka shirka. Rooble ayuu sidoo kale ku eedeyay in uusan qaadan karin go’aanno ka madax banaan Farmaajo. ” Qof awood dastuuri ah leh ee aan awooddiisa aqoon waaye Rooble, Farrimaha uu usoo dirayay Farmaajo ayaana shirka fashiliyay” ayuu warbaahinta u sheegay Abdirahman Abdishakuur Warsame. Sikastaba fashilka shirkan ayaa waxa uu caqabad ku sii noqonaya Doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
-
People with certain blood types could be more likely to contract COVID-19, according to a study in the Blood Advances journal published Wednesday by the American Society of Hematology. The study has found that the novel coronavirus is particularly attracted to the blood group A antigen found on respiratory cells. This finding, however, may also provide clues about the potential relation between blood group A and COVID-19 infection, according to the study. “If we can better understand how the virus interacts with blood groups in people, we may be able to find new medicines or methods of prevention,” one of the authors Dr. Sean Stowell of Brigham and Women’s Hospital in Boston said in the study. “Our observation is not the only mechanism responsible for what we are seeing clinically, but it could explain some of the influence of blood type on COVID-19 infection,” he added. The novel coronavirus has so far claimed more than 2.5 million lives in the world with over 115 million infections. The US still leads the world with over 518,000 deaths and 28.7 million cases, Johns Hopkins University data showed. Out of 107 million distributed doses of vaccines in the US, 80.5 million have been administered as of 6 a.m. EDT (1100GMT) Wednesday, but only 26.9 million people, or 8.1% of the US population, have received two doses, according to data from the Centers for Disease Control and Preventio aa Qaran News
-
At least two people have been killed and three others wounded in an attack by suspected militants early Friday on a prison in the port city of Bosaso in Somalia’s Bari province. Security sources said the central prison, which is holding members of the al-Qaeda-affiliated al-Shabaab terrorist group, remains under siege. “It is too early to determine the exact number of casualties. But so far, we know that two people were killed and several others were wounded,” a local security official said on condition of anonymity, adding the death toll could rise. Somali state TV confirmed the attack, saying Bosaso’s main prison is under attack and security forces are dealing with it. Bosaso is a commercial port city located 1,388 kilometers (862 miles) from the capital Mogadishu. No group has claimed responsibility so far, but al-Shabaab has admitted to recent attacks in the country. The Somali-based terrorist group is also active in Bari. Paramilitary forces of Somalia’s semiautonomous Puntland region have fought against the terror group many times in the Galgala mountains in the province. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/warka-shabelle-532021-jimco.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulkii ugu dambeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ku aadan banaanbaxa looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Banaan-baxaan ayaa la filayaa in uu dhaco maalinta Sabtida ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 6-da Bisha Maarso. Sida la filayo, waxaa ka qeyb geli doono madaxdii hore ee dalka iyo xubno ka mid ah mucaaradka, iyadoo ay abaabulka ay qeyb ka yihiin xubno ka mid ah dowaldda Soomaaliya oo ka tirsan guddiga loo xil saaray. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradku ay diyaariyeen gaadiid lagu xiray sameecado waa weyn, kuwaas oo taga taallada Daljirka Dahsoon halka qaar kalane ay wareegi doonaan xaafadaha Muqdisho. Sameecadaha ku xiran gaadiidka ayaa la filayaa in laga daaro heeso iyo codad la duubay oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo waji kale u yeeli kara banaan-baxaan oo ay abaabulkiisa qeyb ka tahay xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale mucaaradka ayaa diyaariyay kaamiriyooyinka ku xiran diyaaradaha drone-ka ee dusha sare wax ku duuba kuwaas oo loo yaqaano Drone Camera. Kaamirooyinkaan ayaa laga damacsan-yahay inay oogada sare ka duubaan banaanbaxayaasha oo la filayo in ay noqdaan kuwii ugu badnaa ee isugu baxa Muqdisho. Aad ayaa loo hadal haayaa banaanbaxa la filayo ee mucaaradka waxaana jiro daruufo badan oo ku geedaaman, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin magaalada oo ay suurtagal tahay in la xiro.
-
The Biden administration secretly put temporary limits on the use of drone strikes and commando raids outside of traditional battlefield settings like Afghanistan or Syria, part of a larger national security review of whether to alter use of force rules from the Trump administration. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay dabley hubaysan ku qaaday xabsigaas. Taliyaha ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay. G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay. Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas. Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso. Halkaan ka daawo Hadalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo faahfaahin ka bixisay weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
At least 2 killed, 3 wounded in attack on prison in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Death toll may rise in attack on central prison housing members of al-Shabaab terrorist group Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay fashilkii ku yimid shirkii saddexaad ee uu xalay la yeeshay xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka. Rooble ayaa sheegay in is-faham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wadahadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qodobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey, sida uu sheegay. Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu “ay dhiirigelinayso wada-hadalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba, laakiin loo baahan yahay in la muujiyo daacadnimo iyo tanaasul, islamarkaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.” Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray. Rooble ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, isla markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo. Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlay magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa. “Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame. Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.