-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ay GoobJoog News ka heleyso gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay carruur ku sugan deegaano hoostaga Degmada Ceelwaaq ay gaajo ugu dhinteen halkaas. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 3 carruur ah ayaa Haraad iyo Gaajo ugu geeriyootay gudaha Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland. Deegaanka Cows Qurun oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa waxaa ku geeriyoday Laba carruur oo walaalo , Halka mid kalena uu ku geeriyooday Gaajo deegaan hoostaga Degmada Ceelwaaq. Deegaanada hoostaga Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa 48 saac ee la soo dhaafay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo aad u liidata , iyadoo ay deegaanadaas ay gebi ahaanba ka maqan tahay Isgaarsiinta. Qaar ka mid ah dadka degan deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq oo la hadlay GoobJoog News ayaa u sheegay in isgaarsiinta deeganada ay xaaladda adag ee dhanka bini’aadanimada ah ka jirto ay jareen ciidamo ka soo gudbay xadka Kenya . Sikastaba xaallada Bini’aadanimo ee Gobalka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay aad isku soo tareysay illa iyo haddana ma jirto deeq la gaarsiiyay shacabka deeganadaas. Source: goobjoog.com
-
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland. Sheikh Umal ayaa muuqaal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka. Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas. Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas. Hoos ka daawo Hadalka Sheikh Umal PUNTLAND POST The post Sheikh Umal: Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka mid yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Waraka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu deb xoogan uu ka kacay Dugsi lagu barto culuumta diinta Islaamka oo ku yaallo Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland . Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ku dhawaad 50- qof ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ah ardaydii dugsiga wax ku baraneysay halka kuwa kale laga soo badbaadiyay . Dadka dhaawacmay ayaa waxa ay kala yihiin 40 dumar ah iyo 8 rag ah oo uu ka mid yahay Askari ka tirsan ciidamada Deb damiska Somaliland. Machadka dabka uu ka kacay ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta Islaamka. Source: goobjoog.com
-
Dubai's airport, the world’s busiest for international travel, has introduced an iris-scanner that verifies one’s identity and eliminates the need for any human interaction when entering or leaving the country Source: Hiiraan Online
-
Cause of blaze under investigation Source: Hiiraan Online
-
Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, ayaa ku qulqulaya Buuraleyda Gobolka Bari, maalin uun kadib markii Madaxweyne Deni ku dhawaaqay guluf ciidan oo ka dhan ah Argagixisada. Ciidamada Daraawiishta iyo Kumaandooska Puntland, oo kaashanaya Qaybaha sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa ku jihaysan dhanka Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuuntan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Ciidanka Booliiska oo isna kaashanaya Laanta Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gudaha magaalada Boosaaso ka wada hawlgal culus oo lagu ugaarsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii la weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso halkaas oo Al-shabaab kala baxday maxaabiis ku xirnayd, inkastoo qaarkood dib looga soo furtay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Guluf dagaal ka bilowday Buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, boqollaal kalena waa ku dhaawacmeen, qaraxyo xooggan saacadihii la soo dhaafay gilgilay magaalada ugu weyn waddanka Equatorial Guinea ee Bata, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin dowladeed. Bayaan kooban oo laga sii daayay Telefishinka dowladda, ayaa lagu sheegay in Qaraxyadaas ay ka dhaceen xarun milatari oo ku taalla magaalada Bata, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa 20 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 500 oo kale. Telefishinka ayaa sidoo kale ka soo xigtay madaxweynaha dalkaas Teodoro Obiang in Qaraxyadu ay ka dhasheen dayac ka yimid maadada qaraxda ee dynamite, oo lagu isticmaalay gudaha xarunta milatari. Sidoo kale, Telefishin maxalli ah ayaa soo bandhigay kooxaha gurmadka oo maydad ka soo guraya burburka hoostiisa iyo dad ku qaylinaya in dhiig loo shubo dhaawacyada buuxiyay isbitaallada. Equatorial Guinea waa dal yar oo ku yaalla xeebta galbeed ee bartamaha Afrika, oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, kuwaas oo badankoodu faqiir ah, waxaana aad looga deyriyaa xarumaha iyo adeegyadiisa caafimaadka. In ka badan 42 sano waxa dalkaas ka talinayay madaxweyne Teodoro Obiang, kadib markii uu adeerkiis ka inqilaabay xilka 3 Agoosto 1979-kii. Sidoo kale, waxa madaxweyne ku xigeen iyo wasiir difaac u ah wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, kaas oo awood badan ku dhex leh dowladda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Qaraxyo xooggan oo gilgilay magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Farmajo Disregarded the Constitution and Embraced Dictator’s Playbook Somali patriots, including moderate Islamists are haunted by how candidate Mohamed Abdullahi “Farmajo” fooled them when they enthusiastically took to the streets of Mogadishu to celebrate his election in February 2017, and to the media chanting “please take us to Farmajo.” The public euphoria was genuine because in the six (6) years preceding 2017 election, candidate Farmajo had hit the right buttons when criticizing the incumbent Government of President Hassan Sheikh Mohamud for abuse of power and bad governance. The general perception was that candidate Farmajo was authentic, trustworthy, and experienced leader who spent years in the United States of America – the shining city on the hill for the world for democracy and good governance. He looked like being the type of leadership Somalis yearned for. During his presidential campaign, he used to talk to the people, giving interviews, issuing statements, and attending public gatherings, practices he abandoned after he was elected. His public statements and commitments included that the president must respect the constitution, the freedoms of the press and citizens, the separation of powers between legislative, executive, and judiciary branches of the federal government, and the autonomy of the federal member states (FMS). Furthermore, he promised that he will liberate the country from terrorist group Al Shabab, pay compensation to the victims of Al Shabab attacks, eradicate endemic corruption and nepotism, reform security and justice system, complete the building of federal institutions, promote accountability and integrity of government institutions, prepare and hold free and fair election on time, appoint qualified individuals to federal government positions, and end Ethiopia influence in the internal affairs of Somalia. Unfortunately, the elected Farmajo didn’t have the presumed qualities and his temperate appearance deceived the desperate Somalis. None of his promises was fulfilled. Abuse of power, use of violence, media clampdown, patronage, nepotism, branding opponents as agents of foreign countries were his method of governance. In less than a year, the majority of the Somali people realized that they made grave mistake for electing president Farmajo who turned out to be unpatriotic, incompetent, callous, and duplicitous, but they decided to honor the legitimacy of his election for four years unless the federal parliament impeaches and remove him from office. As the wolf in sheep’s clothes, President Farmajo became suspected of being a member of secret society in cahoots with terrorist group Al Shabab. His supporters are dominated by anti-democratic elements, religious personalities affiliated to Al Itisam faction, former socialist cadres, and crooks. He disregarded the Somali Constitution soon after he took the oath of office and embraced dictator’s playbook. He became admirer of President Isaias Afwerki of Eritrea and Emir of Qatar. The Somali Provisional Constitution addresses three core issues that props the stability and functionality of the Somali State. First, it defines the national identity and purpose of the Somali State which is federal, republic, founded on democracy, multiparty representative system and pursue of social justice. These words stand for values to be achieved as quickly as possible. Second, it lists the inviolable, undeniable human rights that every Somali citizens must enjoy with no restriction except in rare cases that are in line with the underlying democratic values of the constitution. Third, it dictates the laws and institutions needed to form the federal republic of Somalia. This means that the provisional constitution is a roadmap for building the democratic state of Somalia on foundation which is totally different from dictatorship. The Somali people detest authoritarianism. Respecting the constitution is necessary condition for legitimate Somali state. In the last months of 2017, members of the federal parliament (MPs) decided to impeach president Farmajo for his egregious abuses of power. Then, they had to postpone when forces of the Intelligence Services (NISA) attacked the house of Abdirahman Abdishakur Warsame, former political advisor of the Special Representative of the UN Secretary General and leader of Wadajir Party, killing five soldiers assigned to his protection, wounding others, and arresting himself. Until today, the parents of the killed soldiers are looking where the federal government buried the bodies of their loved ones. That case represents the prime face of the banditry and cruelty of President Farmajo. After few months, the social media circulated the news of the impeachment, which irritated president Farmajo who immediately ordered the dismissal of the Speaker of the parliament Mohamed Sheikh Osman Jawari for not being loyal. The Prime Minister, the first Deputy Speaker and Ministers who were also MPs joined efforts to dismiss the speaker with any way necessary. The move led to armed confrontation in the federal parliament. Speaker Jawari resigned after delivering scathing speech against the coup of the executive branch for taking over the control of the federal parliament. Again, in December 2018, Speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman accepted formally an impeachment motion against president Farmajo signed by 92 MPs. The FMS leaders supported the motion. To impugn the motion, President Farmajo asked 14 of the 92 signatories of the motion, who were either ministers or allies to claim that their signatures were forged. He harassed Speaker Mursal who had to move out of his Villa Somalia residence after he feared for his life. The impeachment motion was later dropped for the absence of constitutional court responsible to review the legality of the articles of impeachment, external interventions, and dirty deals. From that date, the separation of power between the three branches of the federal government ended and the parliament became part of the executive branch. The checks and balances on the abuses of power of the president and the executive abolished for good. The concentration of power in the hands of president Farmajo constitutes major obstacle to the establishment of an accountable federal government in Somalia in the foreseeable future. The FMS went through four years of exhausting struggle to fend off the continuous attacks of the federal government to subjugate them. Somaliland has been alienated with harsh policies of isolation and strangulation. The struggle has crippled the working relationship between the federal government and FMS and the viability of the federal system. Ultimately, Galmudug, Hirshabelle, and Southwest became vassals of the federal government serving the wishes of President Farmajo. Puntland and Jubbaland maintained some kind of autonomy but didn’t escape from the harassments of the federal government. The power grab of President Farmajo had crowed out national reconciliation and the implementation of development activities planned during his tenure. After rigging successfully the elections in three FMS, president Farmajo felt confident rigging the federal election easily. But, he met stiff resistance from different political forces, particularly the Prime Minister, Puntland, Jubbaland, and opposition forces. The Prime Minister was fired on seven minutes. The resistance delayed the holding of parliamentary and president elections on schedule. Then, the term in office of President Farmajo expired on February 8, 2021, which set off a constitutional and political crisis. The Union of the Presidential Candidates (UPC) called public demonstrations on 19 February against the delayed federal election and Farmajo’s illegitimate presidency. The demonstration didn’t sit well with Farmajo and decided to stop at any cost. He ordered use of lethal force against the leaders of the demonstrators – former Presidents, Speaker, and Prime Minister – who narrowly escaped death and injury. A number of protestors were killed and wounded. As usual, President Farmajo has remained silent on the attack and the casualties and to double down on his determination to use deadly force if necessary, he withdrew large number of soldiers from the frontline of the war against Al Shabab and deployed them in Mogadishu to threaten mass causality and destruction if opposition leaders call for another demonstration. His message was simple “no demonstration against me, but yes demonstration for my support.” This is the classical dictator’s playbook. Another issue of great personal interest for president Farmajo was and continue to be the oil and gas business, a lifeline for every dictator. He ordered the signing of Oil and Gas contracts with two foreign oil companies, just days before the end of his tenure, while proper legal frame and credible institutions were not in place. Luckily, powerful, influential international actors and opposition outcry forced him to back off for the time being. This could be temporary hiatus. Loyalists are packed in the Petroleum Institutions for pressing ahead with the award of oil and gas contracts. In fairness, President Hassan Sheikh was more progressive, patriotic, and wise in dealing with international and domestic critics. With its weaknesses, Hassan’s government advanced the goals of peace and state building process. In contrast, Farmajo’s government wiped out the progress made in the past. President Farmajo became tormentor of the FMS, fierce opponent to democratic norms and accountability. Somalia was anxious to face the same tragic fate the Tigray people of Ethiopia are facing. The legacy of his tenure is deterioration of the humanitarian, terrorism, insecurity, and foreign relations situations. Somalia is on the brink of civil war unless preventive actions are taken before it’s too late. Somalia is under Chapter VII of the UN Charter and the international community has the moral responsibility to support it to achieve peaceful, sustainable self-governance with the ownership of its security and defense responsibilities as soon as possible. It has lost 4 years. The hold onto power of President Farmajo after February 7, 2021 constitutes high risk for the future of Somalia and the interests of the international partners. The only way out of current tension is to pressure Farmajo to relinquish power and leave office immediately for credible elections. A forced exit after mandate expired is a legitimate writ which saves Somalia from collapse and international community from condemnation and humiliation. Dr. Mohamud Uluso – Is Former governor of Central Bank of Somalia. – He can be reached at Mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Hagreysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaasadeed ku hagayo xukuumaddiisa. Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay inay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey, sida uu sheegay. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd. “Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaaltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qura oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, midda dhaqaalaha, tan Bulshada, tan difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii,” ayuu yiri mar kale Feysal. Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana diyaar garow loogu jiro doorashada golayaasha Wakiiladda iyo guurtida oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah. Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen. Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo. Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay. Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa wajahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. Magaalada Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dhow bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.
-
Adduunyadan xil kasta oo la qabtaa, hadduu yahay xil ummadda loo hayo iyo hadduu mid gaar aba yahay, waxa looga baahan yahay shakhsiga qabanayaa xilka in uu leeyahay lana yimaado anshax, aqoon iyo qiyam uu si habsamiya ugu guto xilka, oo aan marna la dhayalsan karin lana dhaafi karin. Haddaba shaqadu ama xilku waa kala duwan yihiin. Shaqooyinka iyo xilalka qaar ayey lagama maarmaan tahay in qofka qabanayaa uu lahaado aqoon iyo khibrad, waayo shaqooyinka iyo xillalka qaar ayaan qof waliba gudi karin haddaano u aqoon u la hayn sida loo qabto. Masalen qof aan dhakhtarnimada baranin dee dad buka dhakhtar u furan maayo, qof xisaabiye ahi, dembi baadhe looma qoran karo, qof aan afkiisa hooyo mooyee, afkale baran, dee af-qalaad ma turjumi karo. Siyaasadda iyo maamulku waa laba shaqo oo aan marna kala maarmin. Siyaasadda iyo maamulka waxa isu keena, isku xidha iskuna qobtala in ay wada shaqeeyaan, shaqo keliyana inta badan wada hayaan “maamulidda iyo maaraynta” (administration and management). Dawlad kasta shaqadeedu waa maamulid iyo maarayn. Dadka, dalka iyo duunyada, intaba waxa u xil saaran oo u egman in ay masmusho dawladda. Aragti iyo aqoon haddii aanay lahayn dadka loo doortay in ay ka shaqeeyaan daryeelidda dadweynaha, horumarinta dalka iyo abuuridda iyo hindiseyaal lagu abuuri karo shaqooyin dhaqaalaha dadka kobciya iyo shuruuc kala furfurta dadweynahan iyo dawladdan dhegeha markasta iskula jira, warareeg iyo wanjalaad ayey siyaasadda iyo maamulka dadka iyo dalku ku jirayaan. Hadday taagan tahay. Sida u qorshaysan maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah muddo seddex bilood ka yar ayey u dareeri doonaanbdadweynaha Somaliland doorashadii golaha wakiilada iyo kuwii deegaanka. Dadkii isu soo sharaxay labadan xil in ay kala qabtaan waxa lagu xidhay shahaadooyin qeexaya heerka waxbarashada halka ay ka gaadheen musharraxiintu. Waxa kale oo ay wasaaradda tacliintu iyo komishanka doorashooyinka ee la ogaa in uu gacan ku rimis ahaa, ay ku hanjabeen in shahaadaha ay soo qadimaan musharraxiintu ay hubin doonaan in ay bug yiin iyo inkale. Haddaba bal aan is wediino musharraxiintu xilka (shaqada) ay isu soo sharaxeen in ay u qabtaan ummadda Somaliland waxa uu yahay? Ma xil maamul iyo maarayn ku lug leh baa? Ma xil cadaalad darrada iyo cilin saarista maamul xummidda dalka iyo dadka haystaa? Ma xil daryeelka dadweynaha, dejinta shuruuc lagu kala socdo iyo distoor illaalinta ku kooban baa? Ma xil manaasib siyaasadeed ah baa? Ma xil dhaqameed baa? Shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta waa qaar caynkeeya? Khibrada iyo aqoonta musharraxiinta xildhibaanada looga baahan yahay maxay tahay? Ma in ay mushararaxiintu xisaabta, ingiriisiga, fiisigiska, kimisteriga iwm yaqaaniin baa? Mise waa in ay yaqaanaan xalinta mashaakilka, maaraynta dhaqaalo xummida, iyo dhaqista bulshaweynta? Shahaadahu wax ma xalilaan waxna ma xumeeyaan. Caqliga iyo camalka bin’aadmiga ayaa wax xalila waxna xumeeya. Caqliga iyo aqoonta dadka Illaahay geliyo ayaa cilmiga la barto sameeya oo abuura. Dadka sameeyey sharciga shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta xildhibaanada golayaasha waxay ku saleeyeen ee ay u cuskadeen waa in ay cadeeyaan, dadweynahana u sharaxaan. Sharci aan qodobo laga baaraandey ku fadhiyin lays kama sameeyo. Sidaynu ognahay doorashooyinku dadweynaha Somaliland waxyeelooyin ayey had iyo jeer ku hayaan. Dadkay coleysiiyaan, turxaan, godob iyo cadaawed ayey dad isku caailad ah kala dhex dhigaan. Dawladda lefteeda ayaa fara-gelin danaysinimo ku dhisan ku haysa reeraha u codka siinaya musharaxiinta. Xisbiyada qudhoodii ayaa ayaguna kala boobaya musharaxiintii. Komishan dhan walba ka madax banaan oo dalka iyo dadka u dhaarsan oo aqoon u leh sida loo kala saaro ee loo kala doorto musharaxiinta xilal siyaasadeed qaban kara laguna aamini karana malahin. Taasina waa dhib dalka haysata, cid u taagan in ay dar illaahay u gudato xilkana illaa hadda ma hayno. Sidaynu ka dhegregsanahay xilalka waxa loo doontaa in biil laga helo. Inta ku hamida dadka iyo dalku sida uu hadda yahay loona maamulo in wax ka bedel ku sameeyaan waa yar yiin, waayo siyaasaddii iyo xil raadsigii ayaa waxa uu noqday “tafaqsi iyo danaysinimo.” Waxaan ku soo gebagabeynaa mawduucan ku saabsan waxa looga baahan yahay in ay ka muuqato musharraxiinta xildhibaanada golayaasha shahaadado kum jirto kana heli meysaan ee waxa kale ha laga eeg. Shahaadadi waxma kordhiso waxna ma dhinto. Caqliga iyo aqoonta dadka ku jirta ayaa wax kordhiya waxna dhimma. Period. By: Jama Falaag Hargeysa, Somalilan jamafalaag@gmail.com Qaran News
-
Saynab Abdikarin has ventured into an industry that was exclusively male-dominated in conservative Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka. Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caalamku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doorashada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020. Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muqdisho soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa in berri iyo maalinta xigta ay soo gaari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doono gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalbadeen in lagu qabto. Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maadaama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dareysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soomaalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka, maadama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka. Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hirdamayaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, ayada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasimada, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaaradka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado. Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin. “Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre. Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo. “Waxaan ka soo hor jeedaa doorasho boob ah, oo askar inta meel la geeyo ay codeeyaan ama xildhibaano xoog lagu soo xusho, anigu waxaan u taaganahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka oo dhan ay isla wada ogolyihiin. 25-kii bishii July ee sanadkii 2020 ayaa Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka, kadib markii ay arrimaha doorashada isku khilaafeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo. Hoos ka Daawo
-
Abdi (left) competes against Mo Farah (right) in the Djibouti half marathon Somali-born Belgian long-distance runner Bashir Abdi shared glowing tributes of Olympic champion Mo Farah who beat him in the inaugural Djibouti half marathon championship at the weekend. Abdi, sponsored by the East Africa Bank and Dahabshiil Group of companies, which include Edahab mobile payment and Somtel, said he is learning so much from 37-year-old Farah as he aims to become an Olympic champion in the future. “Farah is always inspiring to every young and upcoming athlete. For us young Somali-born athletes, he is our leader and I appreciate we have support from corporates like East Africa Bank helping build sports in this part of Africa,” said Abdi. In the event attended by the President of Djibouti, Ismail Omar Guelleh, government ministers, and high-level delegations from the region, Farah opened up his Olympic season with a victory as he set his focus on defending his 10,000m title for the second time in Tokyo this summer. He won the race in 63 minutes and seven seconds. Abdi, the four-time Olympic champion’s training partner, finished four seconds behind him. This was the first time Farah had raced since winning the Antrim Coast half-marathon on 12 September in 2020. Abdi, who set a world 20km record in the same Brussels track event where Farah broke the one-hour mark was his main challenger and followed him home almost a minute clear of third-placed local athlete Moumin Bouh. Sweden’s David Nilsson (64:06) and the Djiboutian duo of Jamal Dirieh (64:22) and Mouhyadin Abdi Waisss completed the top six. Abdi is a Somali-Belgian athlete who qualified for the 2016 Olympics and won silver in 10,000 metres in the 2018 European Athletics Championships. For the Djibouti race, Abdi said he was proud to be part of the East Africa Bank team, as the bank and Dahabshiil always put its customers first. The race attracted hundreds of spectators including Ali Yusuf who appreciated the input of the event. “We are so proud international and local athletes are running in this half marathon. We are very grateful to everyone who made it possible, by doing so, such institutions show they care about the youth, sport, and development opportunities,” observed Yusuf. Nairobi news Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-732021.mp3 View the full article
-
Gabadh 19-jira oo ku nool Muqdisho oo u badheedhay shaqo aan Dumarka lagu aqoon XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho Maxamed Caasha Maxamed oo 19 sano jir ah waa taksiile ku nool Soomaaliya, iyada oo kharashka ka soo gala ku dabbarta nolol-maalmeedkeeda qoyskeeda. Tan iyo sanadkii la soo dhaafay, gabadhan da’da yar ayaa lagu arkayay iyada oo gaari ku dhex wadda magaalada Muqdisho. Sababta ay ku dooratay gaari kaxaynta waa xirfad ay jeceshahay, sidoo kalena waa wax ay ku qasbaneyd maaddaama ay kala tageen seygeeda – oo ay is guursadeen iyada oo 16 jir ah—waxayna haatan daryeeshaa nolosha labadeeda carruur iyo hooyadeed. In gudaha Muqdisho ay haweenay gaari ku dhex waddo waa mid naadir ah. Sidoo kale waa halis maaddaama ay isgoysyada magaalada ka dhacaan qaraxyo gawaari loo adeegsaday. Qaraxii 13-kii February ka dhacay magaalada, saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen. Balse Caasho oo aad u jecel gaari kaxaynta, taasi ma cabsi gelinin. “Yaraanteydii, waxaan jeclaa inaan maalin uun darawal noqdo, balse kuma fekereynin inaan taksiile noqon doono,” ayay tiri. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho ayaa sheegtay inay yaraanteedii jecleyd gaari kaxaynta Waxay sheegtay in fursadda gaari kaxaynta ay siisay shirkad takaasi oo cusub oo lagu magacaabo Rikaab. “Tirada haweenka taksiileyda ah way yaraayeen sababo dhanka ammaanka ah, balse tirada haweenka gawaarida kaxeeya way soo badanayaan,” ayay tiri Ilhaan Cabdullaahi Cali, oo ah madaxa maaliyadda ee Rikaab. Si kastaba, keliya saddex ka mid ah takaasida shirkadda ee 2,000 gaaraya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaxeeya haween. Caasho waxay maalintii heshaa $40, taas oo u suurto gelisa inay ku biisho qoyskeeda, waxayna rajeyneysaa inay wax ka beddesho fekerka ay ragga ka qabaan doorka haweenka. Haweenka iyo doorashada Puntland Sawirro: Sida caalamka looga xusay Maalinta Haweenka XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho ayaa kharashka ka soo gala taksiga ku dabbarta qoyskeeda Macaamiisha ayay mar walba la yaab ku noqotaa marka ay soo galaan gudaha gaariga cad ayna arkaan Caasho, oo uu u marsan yahay make-up isla markaana xiran xijaab midabbo leh. Sadiiq Daahir, oo dhigta Jaamacadda Salaam, ayaa qirsan inuu la yaabay markii ugu horreysay ee uu arkay Caasho oo u timid inay isaga soo qaaddo, balse fekerkiisa ayaa isbeddelay. “Dhawaan waxaan isticmaalayay adeeggan Rikaab. Inkastoo ay tahay shaqo ay raggu u badan yihiin waxaan door bidayaa darawallada haweenka ah sababtoo ah si taxadar leh ayay gaariga u wadaa waqtigana way ilaaliyaan”. Qaran News
-
Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka walaacay go’aankii Biden ka soo saaray Isticmaalka Diyaaradaha Drones-ka Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho. Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto. “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri. “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.” Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida. “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah. “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne. Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo. “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid. Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka. “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa. Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin. “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta. Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay. Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato” Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal” Dhanka kale waxa uu Sheekha yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.” “Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato,” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya. Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka tanaasulo isaga oo yiri “Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa.” Ugu dambeyn Sheekh Umal ayaa Midowga Musharaxiinta la hadlay waxaana uu u sheegay in kursiga iyo Boqortooyada uu ilaah bixiyo, “dadaal iyo dagaal loo galayna kursiga laasim ma ahan in kursiga lagu gaaro mid aan dadaalin buu ilaah siiyaa” “Kursiga waa mid 2 ruux ma qaado, 10 ma qaado, 7-na ma qaado, kursigaa halka qof qaado waa midkii Soomaaliya ay isku dagaashay, waxaan leeyahay luuqada qabyaaladda daaya, hadalka xanafta leh daaya, fitniada kicinteeda ka fogaada, si Mas’uuliyad ku jirta u dhaqma, dalka iyo dadka u tura oo Ilaah ka baqa, waa tii aan ku hogownay ee aan ku burburnay waa laga fogaadaa, waa laga taxadaraa, ka hor tag mooyee kadaba tag maleh, aafada hadey hurto oo holaacdana nin walbo ay saameysaa,” ayuu yiri Sheekha. Mar uu ka hadlayay Banaaabaxa ay abaabulayan Midowga Musharaxiinta waxa uu yiri “ Umadaan aad isku keeneysiin aad leedihiin mudaaharaad sameeya, oo saaxadaha iyo banaanada aad isugu keeneysiin, oo Dastuurka noo ogol leedihiin, waxaan leeyahay meesha waa Muqdisho, bishiiba intaas oo qarax ayaa ka dhaca, malintii intaas ayaa lagu dilaa, war kooxa dadka laaya ayaa buuxa, war mid baa ku dhex dhuuman kara oo is qarxin kara, mid baa rasaas ku furi kara, waxaa imaanaya hani a la burburiyo, mudaaharaad lama Kontarooli karo, USA, France iyo UK iyo dowladihii xoogga lahaa ayaa kontarooli waayay, waxa dhici kara dhiiga daadan kara iyo bururka dhici kara, si aad cadaadis u saarto kooxda kursiga heysato waxaan leeyahay halaga joogo” By: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Mogadishu-Somalia