-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa fashil kuso dhamaaday Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta kaasoo xalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho. Arrintan ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa ah in musharaxiinta laga qeyb-galiyo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble uu diiday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlayey magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa. “Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame. Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha midowhga Musharsixiinta ayaa isna Facebook kusoo qoray qoraalkaan: “Cashar cusub ayaan caawa siyaasadda Soomaaliya ka bartay. Ra’iisul Wasaare fariin meel fog laga soo diray lagu hagayo oo HAA iyo MAYA midna aan ku dhihi karin! NIN ADUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN.” Dhinaca kale, Shir jaraa’id oo wasiirka amniga Xasan Xundubeey uu qabtay kadib fadhigii labada dhinac ee lagu kala tegay ayaa sheegay in wada hadalladii Murashaxiinta iyo xukuumadda xil gaarsiinta ay qaataan waqti dheer oo 7 saacadood ah, balse aan lagu guuleysan in wax natiijo ah kasoo baxaan, maadaamma mucaaradku dalbadeen in laga qeyb-geliyo shirka golaha wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe ee mudo xileedka ka dhamaaday. Wasiir Xundubeey ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan horay u dhicin oo go’aan ahaanna aysan xukuumaddu lahayn, arrintaasina aysan mas’uuliyad ka aheyn xukuumadda ee uu yahay mid u yaal dowlad goboleedyada. Xundubeey ayaa sheegay in wada-hadalada mucaaradka iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan macnaheeda aheyn inuu xirmay ee ay sii wadayaan si wareegyada kale xal loogu gaaro dadaallada uu hoggaaminayo Rooble.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa shir jaraa’id oo deg deg ah goordhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku shaaciyeen guddi cusub oo qeyb ka noqonaya samato bixinta abaaraha dalka. Shirka jaraa’id ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha bini-aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gedo. Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowlada uu muddo xileedkeedu dhamaaday ay sameyn doonto gurmadkii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka. Guddiga cusub ee loo xil-saaray abaaraha ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiiro iyo ku-xigeeno ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. 1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda = Guddoomiye 2. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka = Xubin 3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta = Xubin 4. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta = Xubin 5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada = Xubin 6. Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha = Xubin 7. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha = Xubin Sanadkaan ayaa waxaa dalka saameyn xoogan ku yeeshay biyo la’aan iyo abaaro meelo kamid ah dalka ka jira, kuwaasi oo ay guddigan cusub ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada xaalada adag wajahaya.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weerar culus oo xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarka oo ay fuliyeen dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa ku bilowday qaraxyo lala beegsaday albaabka laga galo xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay. G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay. Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas. Dhinaca kale, war kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “howlgal guuleystay” uu ka dhacay xabsiga islamarkaana ay kusoo daayeen dad ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen. Dadka lasoo daayey ayay Al-Shabaab ku sheegeen inay ku jiraan xubno ayaga ka tirsan. Waxay sidoo kale sheegeen in dadka lagasii daayay xabsiga Boosaaso ay ku jiraan “dad shacab ah kuwaas oo si gardarra ah ugu xirnaa xabsiga.”
-
Shirkii saddexaad ee ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo looga hadlay arrimaha doorashada ayaa ku dhamaaday is faham-waa. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay isku fahmiwaayeen hal qodob oo uusan kaligiis go’aan ka gaari karin, kaas oo ah ka qeybgalka musharaxiinta ee shirka doorashada. “Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeybgaliyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa”ayuu war qoraal ah ku yiri Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intaas raaciyay “wali albaabadeydu way u furan yihiin wadahadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”. Dhanka kale Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in ay isku deyeen tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo, balse dhinaca kale ka suuragelin wayday. “Midowga Murashaxiinta wuxuu isku deyey in uu sameeyo tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo. Nasiibdaro dhinaca kale taas kama suuragelin, sababtuna waa in ruux mas’uuliyad iyo awood siyaasadeed uu leeyahay cid ka hoosaysa fariin qoraal ka sugaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u hadlay mucaaradka. Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo isna ka hadlay fashilka shirka ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya meel kale laga carqaladaynayo. PUNTLAND POST The post Shirkii Rooble iyo Mucaaradka oo ku dhamaaday is faham-waa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu hadal hayaa sawirka Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo lagu dhax arkay shir uu Arbacadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaatay madaxda Bankiyada dalka. In badan oo kamid ah shacabka iyo dadka falanqeeya Arrimaha siyaasada ayaa is weydiiyay waxa uu Madaxweyne Cali Guudlaawe kulankaas ka doonay maadaama uu ahaa mid u dhaxeeyay Rooble iyo maamulayaasha Bankiyada dalka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo laga baahiyay sawirrada iyo Madaxtooyada HirShabeelle labaduba kama aysan hadlin sawirka hadal heynta dhaliyay oo ilaa hadda wax laga qorayo. Caasimada Online ayaa ogaatay in saddex dhibaato ay heysato Madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo aan haddii aan hada la xalin keeni kara fadeexado waa weyn oo uu la kulmo Guudlaawe, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah: 1 – Madaxweyne Cali Guudlaawe ma haysto wax la taliyaal wanaagsan ah, oo eega tallaabo kasta oo uu qaadayo kahor inta aanu ku dhaqaaqin, waana mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee uu wajahayo. 2- Madaxweynaha sidoo kale ma haysto shaqaale Baratakool oo wanaagsan oo kala shaqeeya howlaha muhiimka ah oo ay kooxdaas qabato waxaana dhowr jeer la arkay isagoo sameynaya talaabooyin aan wanaagsan, kuwaas oo ay aheyd in ay qabtaan kooxda Baratakoolka. 3- Cali Guudlaawe waxaa ku geedaaman koox dhalinyaro ah oo aan laheyn khibrad siyaasadeed iyo mid maamul, waxaana arintaas ay sababtay in siyaasiin iyo dad kalaba colaad u qaadaan Madaxweynaha oo aan shaqo ku laheyn waxyaabaha qaar. Cali Cabdullaahi Xuseen oo haysta fursad uu ku hogaamiyo maamulka HirShabeelle oo ah shan sano ayaa u muuqda mid beer dareynaya fursadaas, isaga oo inta badan waqtigiisa ku qaato Muqdisho. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa billaabay in ay go’doomiyaan degmooyin kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe oo markii hore ka nabdoonaa waxaana degmooyinkaas ka mid ah Jowhar iyo degaanka Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay.
-
Maya ma bedeli karno ! Ciidanka Socdaalka Somaliland: Geesiyaashii Foojignaa. Asalaamu Calaykum Waxay ahayd horraantii bishii Oktoobar ee sanadkii 2016 waxa ii yimi Mudane Axmed Xasan Carwo oo imika ah Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo waagaas ahaa La-taliyaha arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweyne Siilaanyo oo iga codsaday inaan u raaco Xarunta Laanta Socdaalka ee Hargeysa. Xiligaas Axmed waxaa ka lumay Baasaboorkiisii Ingiriiska ahaa, waxaanuu doonayay inuu Dalka UK u dhoofo oo uu ku biiro wefdi ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo xiligaas ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Dalka UK u socdaalayay. Hadaba Axmed waxa uu damcay inuu Baasaboorka Somaliland qaato oo markuu Adisababa gaadho uu safaarada Ingiriiska ka qaato Baasaboor British ah, ka dibna wefdiga oo maalmo ka sii horreeyay uu ka daba tago si uu gacan u siiyo. Markii aanu tagnay xarunta laanta socdaalka ee uu Axmed dalbaday Baasaboorkii Somaliland waxay saraakiisha socdaalku weydiiyeen kaadh dhalasho iyo kaadhkii codaynta doorashada, waanu u dhiibay, balse waxa uu Axmed codsaday in bisha dhalashada oo ka duwanayd ta Baasaboorka Ingiriiska ah la isu waafajiyo, hadii aanan khaldanayn Sanadka dhalashadu isku mid ayuu ahaa bisha iyo maalinta ayaa kala duwanaa. Askarigii laanta socdaalku wuxuu yidhi suurto gal maaha inaan taariikhda dhalashada bedelo oo awwood uma lihi, dabcan Askarigu wuu na garanayay in Axmed Carwo ahaa La Taliye Madaxweyne, aniguna aan ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Qorshaynta, hase-yeeshee askarigu shaqadiisa ayuu qabsanayay oo dan kamuu lahayn xilalka aanu haynay. Dabcan anaguna sidii ku jirtay riwaayadii Sooraan maanaan odhan waar waxan aanu sidanaa miyaanuu laptop ahayn ! Umanaanaan atoorayn askarigii ee waxaanu ka codsanay inuu Taliyaha laanta Socdaalka Gen. Dayib uu noola hadlo si aanu codsi ugu gudbino. Nasiib wanaag Taliyihii Dayib ayaanu aragnay oo aanu ka codsanay inuu taariikhda Baasaboorrada isu laaya waafajiyo. Taliye Dayib intuu si ixtiraam ku jiray noola hadlay ayuu yidhi Awood uma lihin inaanu taariikhda dhalashada bedelno maadaama uu Kaydka Dawlada ku jiro macluumaadka kaadhka dhalashadaada iyo ka codayntu, wuxuu noo sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo keliyi uu na caawin karo. Waxaanu usoo dhaqaaqnay xagii Wasaarada Arramaha Gudaha, waxaanu la kulanay oo aanu arrinkii aanu u soconay u sheegnay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Mudane Jaamac Biin iyo Amb Abdifataax Siciid oo wakhtigaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada, nasiib darro go’a ayay noo rideen waxaanay noo sheegeen in aanay awwood u lahayn inay taariikhda dhalasho ee Kaydka Qaranka ku jirta ay bedelaan , waxaanay nagula taliyeen in aanu Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulano oo keligii uu awwood u leeyahay bedelkaas. Xiligaas waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Wasiir Yaasiin Faratoon oo nasiib wanaag aanu kula kulanay isaga oo Wasaarada soo gelaya, xafiiskii ayaanu la fadhiisanay oo uga warranay hawshii aanu u soconay, isaga oo aad uga cago jiidaya ayuu noo Amrray in taariikhdii la saxo. Waxaana Wasiirku uu noo sheegay inay aad u adkeeyeen in la bedelo taariikhaha dhalashada wixii aad iyo aad u daruuri ah ee ay ka fursan weydo mooyaane. Dabcan Dawladnimada iyo Nidaamka Maamul ee Somaliland ka dhismay kana hana qaaday waa mid aad iyo aad uga qoto dheer sida ay dadka qaarkii u haystaan. Ha dhayalsanina Dawladnimada Somaliland …. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
-
Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Caawa Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso. Weerarkan oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo haatan ka socdo Magaalada Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Weerarka. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Qaraxyo iyo rasaas xoogan laga maqlayo nawaaxiga Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso. Xabsiga caawa weerarka lagu qaaday sida la sheegay waxaa ku xiran Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ama Daacish. Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan lagu qaaday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso. Kala soco Radioshabelle.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo. View the full article
-
Bosaso (PP News Desk) — Unidentified gunnmen have attacked Bosaso Central Prison at about 23: 30 East Africa time. Details about the attack are scant but people living near the jail said attackers had used explosives to force their way into the jail where Al-shabaab and ISIS suspects have been detained. Al-shabaab and ISIS suspects are in detention in Bosaso Central Prison Live clips shared on Facebook indicate that attackers were using mortars to launch the attack. A Bosaso resident whom Puntland Post reporter interviewed had said that attackers seem to have planned the attempted storming of the jail. “They blocked roads leading to the jail to prevent reinforcements from reaching the jail” the Bosaso resident said. The firefight between attackers and jail guards lasted for more than two hours. Neither Bari regional administration nor the security force has issued a statement on the attack. Yesterday, Bari regional administration banned carrying firearms in the town. © Puntland Post, 2021 The post Gunmen attack Bosaso Central Prison appeared first on Puntland Post.
-
Soldiers dressed in Gorgor uniforms and wearing red caps tortured Cameraman Mahad Tawakal of Shabelle TV based in Mogadishu on Thursday night. The incident took place in front of the Network’s headquarters, where soldiers confiscated a Canon 5D Mark IV camera, two Wireless microphones, and a Samsung phone. The perpetrators also fled on a Tuk-Tuk, heading towards the KM4 junction. The attack appears to have been targeted and took place as Mahad Tawakal was returning from an assignment. View the full article
-
Dabley hubaysan ayaa Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gobolka Bari. Dagaal xooggan oo laba dhinac ah, ayaa haatan ka socda xabsiga weyn, waxaana bannaan xabsiga ka soo dhacaya duqeyn hoobiyaal ah, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga. Cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa goobta gaaray, waxaana saraakiishu tilmaameen in kooxda weerarka soo qaadday ay go’doon ku jiraan, islamarkaana aysan ku guulaysan in ay xabsiga la wareegaan. Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegayaa goobta, balse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah maadaama dagaalkaas weli socdo. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka socda xabsiga weyn ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Sida uu baahiyey Wargeyska New York Times Militeriga iyo Hey’adda Sirdoonka ee dalka Mareykanka ayaa lagu war-geliyey in aysan Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka ah ama mid kumaandoos ah, ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu sheegay warbintan in amarkaas uu si hoose u bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. New York Times oo soo xiganeysa mas’uuliyiin magacyadooda saxaafadda ka gaabsaday ayaa warbintan ku xustay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu doonayo in si dhab ah loo hubiyo cidda lala beegsanayo howlgalka ay fulinayaan ciidamadiisu, waxaana waajib looga dhigay howlgalayaasha in Aqalka Cad ay lasoo wadaagaan caddeymo muuqaal iyo faahfaahino qoraal ah, inta aysan howlgal fulin. Tallaabadan ayaa u muuqata mid bilow u ah dib u qaabeyn uu maamulka Joe Biden ku sameynayo shuruucdii uu ku shaqeynayey mamulkii ka horeeyey ee madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ciidamada Mareykanka u ogolaanayey inay u madax-banaan yihiin halka ay ku beegsanayaan howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Nidaamkii Madaxweyne Trump ayaa duqeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aagagga ka baxsan colaadaha waxuu ku dabaqay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qabasho, isagoo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay inay tahay ‘aag colaadeed’. Afartii sano ee lasoo dhaafay oo ah intii uu xukunka joogay madaxweyne Trump 276 howlgal oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayey ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixin la baahiyey todobaadkii hore.
-
Ciidamo ku labisnaa dareeska Gorgor, isla markaana watay Koofi Cas ayaa qalabkii ka qaatay, kadibna jir-dilay, Camiro-Man Mahad Tawakal oo ka tirsan Shabelle TV. Falkan ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ragga ka dambeeyey falkan ayaa ku baxsaday mooto Bajaaj ay wateen, iyaga oo aaday dhanka isgoyska KM4. Qalabka ay qaateen raggan ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa ahaa Camiro nooca loo yaqaano Canon 5D Mark IV, labo Makarafoon oo ah Wireless iyo taleefan Samsung ah. Weerarkan ayaa u muuqdo mid bartilmaameed ahaa, waxaana uu dhacay, xilli uu shaqo kasoo laabtay Mahad Tawakal oo ka mid ah howl-wadeenada Shabakadda Warbaahinta Shabelle. View the full article
-
Hotel kubyaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa caawa ka socda Shirkii Mucaaradka iyo Raysal wasaaraha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Rooble, Beesha Caalamka oo iyana maanta la hadlay Mudharixiinta waxay Bogaadiyeen Dadaalada socda. Qodobada caawa laga wadahadlay waxaa ugu weyn Sidii horey loogu socodsiin lahaa Arimaha Doorashada iyo Doorka ay Musharixiintu ku yeelanayaan Wadahadalada Doorashada. Warar hordhac ah Oo Puntlandi.com heleen, Raysal wasaaraha iyo Musharixiintu aad ayay isugu dhowyihiin waxayna u badan tahay in heshiis laga gaaro Doorka ay Musharixiintu ku yeelan doonaan shirarka looga hadlayo Arimaha Doorashada, Puntland iyo Jubbaland ayaa ku taageersan Musharixiinta inay Doorkooda ka helaan Kulamada Mustaqbalka looga hadlayo Arimaha Doorashada. Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hada u muuqda Nin la go’doomiyay, Shirkii uu ku baaqay ee maanta wax hadal haya ma jiraan, Villa Soomaaliya ruuxooda Masoo hadal qaadin kulankay iclaamiyeen, Beesha Caalamka ayaa xitaa u muuqda inay dafirayaan Madaxweynaha, waxay maanta kulan Zoom-ka ah ay la qaateen Mudharixiinta ka hor kulanka caawa, waxayna aad u dhiiri galiyeen Dadaalka ay wadaan iyaga iyo Raysal wasaaruhu. Wixii kulanka kasoo baxa kala soco Puntlandi.com Facebook Ama Twitter Siwiradaan hoose waa kulanka caawa ka socda Haroonka Fiyaaradaha Puntlandi.com Muqdisho The post Sawiro— Farmaajo oo la go’doomiyay iyo Shirka ka socda Garoonka Diyaaradaha appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-432021.mp3 View the full article
-
Waxaa goordhaw markii seddaxaad kulan uga furmay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga Musharixiinta. Kulanka ayaa looga hadlaya sidii ay midawga musharixiinta xubna ugu yeelan lahaayeen Shirka arrimaha doorashooyinka dalka. Labada dhinac oo markii seddaxaad kulmaya ayaa la filaya in ay soo saaran heshiis gogol xaar u noqda kulamada Arrimaha doorashooyinka. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow uu shir ugaga furmay Hoteelka Decale ee Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ah inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Midowgaas Shariif Sheekh Axmed. Shirkaan oo ah midkii Saddexaad, waxaa looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka ka jira doorashooyinka dalka. Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hore u yeeshay labo kulan oo arrimihii ugu badnaa ee loogaga hadlay ay ahaayeen banaanbaxa ay midowga musharaxiinta ku baaqeen. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho. Shirkaan oo ah midkii seddaxaad, waxaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxuuna shirkan qeyb ka noqonayaa shirar maalmihii lasoo isla hotelkan ku dhex maray labada dhinac. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Kulankii 3aad oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka furmay Muqdisho.” Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale. Sida aan xogta ku helnay qodobada caawa miiska saaran ee shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah, in xukuumaddu ka shaqeyso sidii shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada ay uga qeyb-geli lahaayeen metelayaal ka kala socda midowga musharixiinta, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah. Shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo uu ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
U.N. seeks access to Ethiopia's Tigray for war crimes probe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GENEVA (Reuters) - The United Nations’ human rights chief asked Ethiopia on Thursday to allow monitors into Tigray to investigate reports of killings and sexual violence that may amount to war crimes in the northern region since late 2020. Source: Hiiraan Online -
Taliyaasha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Diomede Ndegeya, iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Odowaa Yusuf Raage, ayaa maalinimadii shalay booqday Xarunta Taliska Ciidamada Yuganda ee Magaalada Muqdisho. Saraakiishaasi ka socday Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya,waxa ay halkaasi warbixin kaga dhageysteen madaxda qeybaha ciidamada oo ka warbixiyay howlaha iyo waxqabadka kala duwan ee ay u xilsaaran yihiin iyo dadaalada ku aadan sugidda amniga Madaxdaasi waxa ay kula dardaarmeen saraakiisha taliska Yugaandha in la xoojiyo wadashaqeynta labada ciidan iyo guud ahaan dardargalinta waajibaadka shaqo ee loo idmaday. View the full article