Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo horkacaya wafdi culus oo dowladda u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya. Mahdi Guuleed ayaa muujiyey rajo wanaagsan oo uu ka qabo inay Soomaaliya guul kasoo hoyn doonto dacwadaas oo marxalado kala duwan soo martay tan iyo markii la gudbiyey dacwadaan, ayada oo dib u dhacyo badan wajahday. “15-ka Maarso 2021 ayay bilaaban doontaa in dacwadda la dhageyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in aan guul ka gaarno halganka badda oo maraaxil kala duwan soo maray, kalsooni wayn baan qabnaa, 2019-kii dabayaaqadkeeda ayay ahayd in la isugu yimaado dhageysiga dacwadda balse sababo jiro awgeed & cudurka Covid-19, hadda diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri. Mahdi ayaa horkacaya wafdi u badan wasiiro oo ay qeyb ka yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo ka qeyb-galaya dhageysiga dacwada oo dhaceysa toddobaad kadib. Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay ‘in u halganka badda uu qayb ka yahay xorriyadda waddanka’, islamarkaana Soomaalida guud ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo garab istaagi lahaa qareennada difaacaya Badda Soomaaliya. “Kenya marar kala duwan ayay codsiyo u dirtay maxkamadda ICJ si dib loogu dhigo dacwadda, badda Soomaaliya waa qayb kamid ah xorriyadda & awoodda Dalka, dastuurka dalka ayaa dhigaya in aan la aqbali karin in taako kamid ah dhulka, badda & cirka Soomaaliya lagu soo xad-gudbo, ujeedkii Soomaaliya ay ugu biirtay ICJ 1963-dii waxa ay ahayd in sidaan oo kale si nabadgalyo ah ugu gudbiso dacwadaha tan lamid ah,” ayuu yiria. Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay Maxkamadda ICJ. Si kastaba, dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala doodaya labada dhinac.
  2. Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Maxamud Cali, ayaa hambalyo ku aaddan Maalinka Caalamiga Haweenka ee 8-da Maarso u diray dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay door muuqda ka ciyaarayaan, isla markaana ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u soo kabashada ee dalkeenna ka jira. “Waxaan ugu hambalyaynaya dhammaan Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinka Caalamiga Haweenka awgeed. Hal adeegga ay muujiyeen sidii loo horumarin lahaa bulshada iyo hay’adaheenna dowliga ah, waa mid mudan bogaadin iyo in la sii xoojiyo” ayuu yiri Hanti dhowraha Guud Qaranka Maxamed Maxamud Cali. Maalinka Caalamiga ee Haweenka ayaa ah munaasabad kor loogu qaado, isla markaana lagu aqoonsado dadaallada kartidu ay ku dheehantahay ee ay haweenka dunidu ay u hayaan bulshooyinkooda. View the full article
  3. Haweenay intay iska furtay Ninkii ugu taajirsanaa dunida Guursatey Macallin Ciyaalkeeda u dhiga Maadada Sayniska MacKenzie Scott, oo ahayd xaaskii hore ee Jeff Bezos oo mar ahaa ninka ugu taajirsan adduunka ayaa guursatay macallin saynis ka dhiga iskuulka ay carruurteeda dhigtaan. Ms Scott ayaa ka mid ah haweenka dunida ugu taajirsan waxayna bixisay in ka badan $ 4bn (£ 2.9bn) hantideeda. Wararka la xiriira guurkeeda iyo Dan Jewett ayaa lagu shaaciyay website-ka hay’adda samafalka ee Giving Pledge. “Dan waa nin aad u wanaagsan, waana ku faraxsanahay guurkooda,” ayuu Mr Bezos ku yiri hadal uu soo saaray. Ms Scott, oo hantideeda lagu qiyaaso $ 53bn sida ku cad Forbes, ayaa sheegtay inay dooneyso inay bixiso inta badan. Tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeedii hore waxay bixisay lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar oo kaalma ah. Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay kamid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka. Haweeneydan ayaa waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar kamid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen ayaa waxay heshay boqolkiiba afar hantida shirkadda. Boggeeda qoraaga Amazon ayey ku sheegtay inay “ku nooshahay Seattle iyada iyo afarteeda carruur ah iyo seygeeda Dan.” Wuxuu wax ka dhigaa iskuulka ay dhigtaan caruurteeda. MacKenzie Scott and Dan Jewett. Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas. 35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay. Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993. Ms Scott waxay hada ku jirtaa kaalinta 22-aad ee qofka ugu taajirsan dunida halka Mr Bezos uu kaalinta koowaad ku jiro hantidiisa $ 177bn. Waxyar kadib markii ay kala tageen Bezos, waxaa ay ku biirtay olole ballan qaad oo la sameynayay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen maalqabeeno sheegay in ay doonayaan in qeyb kamid ah hantidooda ay rabaan inay bixiyaan. Website-ka The Giving Pledge waxaa loo sameeyay dadka bilyaneerada ah ee ballanqaada inay hantidooda qaar ka mid ah ugu deeqayaan hay’adaha samafalka.. Lacagtan ay bixisay 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa timid xilli dunida ay la daala dhaceyso saameynta ka dhalatay waxyeelada cudurka corona. Qaran News
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-832021.mp3 View the full article
  5. Garowe (PP News Desk) — Shortly after Covid-19 was declared a global pandemic, experts had recommended face-covering as one of the preventive measures against the novel coronavirus. In Puntland the price of imported, disposable face-coverings have climbed. Puntland tailors in Garowe have stepped in to meet the demand for reusable face-coverings. A Puntland Post reporter visited Garowe market yesterday to see how tailors have found ways to design and tailor reusable face-coverings. Ruqiya has bought a face-covering made in Garowe “I have bought the face-covering I am wearing from a tailor in this marker. It was made from a clean fabric. I have more confidence in face-coverings manufactured here than those imported from foreign countries. ” said Ruqiya, a small business owner in Garowe. Ruqiya urged citizens to go to local tailors and order custom-made face-coverings to prevent the spread of Covid-19! Abdirahman: As tailors we are doing our bit to prevent the spread of COVID-19, and make affordable and reusable face-coverings “We are doing our bit to prevent the sprad of COVID-19. Consumers cannot afford to buy face-coverings sold at pharmacies. That’s why I have begun to make reusable face-coverings at affordable prices” said Abdirahman Boobsiiye, a tailor in Garowe, the administrative capital of Puntland State. Abdirahman said that he was exploring to make more types of the face-coverings. Puntland State Government is looking into making face-covering mandatory in public spaces. “Puntland Government should commission local tailors to make face-coverings to be distributed to the poor families free of charge” suggested Mohamud Ali, a teacher in Garowe. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Tailors Meet Surging Demand for Face-coverings to Prevent Spread of Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta baarlamaanka maamulkaasi ka jeediyey khudbadiisa sanad-laha ah ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda adag ee Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Muqdisho ‘ay yihiin dad afduuban’ islamarkaana laga yeesho sida la rabo, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogeneysa. “Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay. “Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa, ”ayuu yiri. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale khudbaddiisa diirada ku saaray arrimaha Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada la gaaray. Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka hadasho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.
  7. Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka baxay guddiga Dowladda Soomaaliya u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa saacad ka hor u ambabaxay magaalada Hague ee dalka Holland, wafdiga waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ku xeel arrimaha sharciga. Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda oo looga qeybgalayo labo qaab oo kala ah dad maxkmadda jooga iyo kuwo Online uga qeybgalaya. Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ ayaa dhawaan ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya. Dhageysiga dacwadda badda ayaa furmaya 15-ka bishan, wuxuuna ku egyahay 19 bishan Maarso 2021. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo wafdi ka qeybgalaya dhageysiga dacwadda badda u dirtay Hague appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu leeyahay gaari noociisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737, kaas oo ay dhowaan UN-ku shaaciyeen in laga yaabo in maalmaha soo socda uu isku qarxiyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo kasoo muuqday warbaahinta ayaa beeniyey digniinta kasoo baxday UN-ka, wuxuuna soo bandhigay gaariga oo uu sheegay in uu isagu leeyahay, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka la faafiyey ee ah inuu qarax sido. Sidoo kale ganacsadahan ayaa shaaca ka qaaday in qatar la galiyey naftiisa iyo maalkiisa, wuxuuna UN-ka ka dalbaday inay magdhow ka bixiyaan arrintaasi. Ciise Xaaji Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gaariga uu geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, kadibna la baaray, sida uu hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca UN-ka oo horey shaaciyey digniinta la xariirta in gaarigan uu sido walxaha qarxa. Si kastaba muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey digniino kala duwan oo la xiriiro weeraro ay abaabuleyso kooxda, kadib markii ay bateen qaraxyada Muqdisho.
  9. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu amray bulshada Caasimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonnan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dad aan weli qaadan amarrada looga hortagayo xanuunka oo ay soo rogtay dowladda . Cumar Filish ayaa yiri ” Marka hore waxaa la yiri goobaha ganacsiga halaga illaaliyo dadka ka adeeganaya Afxir la’aan in ay galaan oo ay ka adeegtaan , suuqyada waa sidoo kale, dadka goobta ganacsiga wax ku iibinayana iyagana waa sidoo kale ay afka xirtaan oo aanay isku dhawaan, oo gacmaha la dhaqdo , wacyi gelintu intaas ayeey aheyd.” “Waa sii badate dadkii laga helaayay waxaa la xiray markaas Jaamacadihii iyo Iskuulladii waxaa la joojiyay dhamaan goobahii la isugu imaanayay sida Aroosyada iyo meel kasta oo ay bulshada isugu imaaneysay , haddii ay qatartu ay sii socoto waxaa la xiri doonaa Duulimaadyada laakiin illa hadda dowladdu go’aan ma qaadan lagu xiraayo duulimaadyada maxaa yeelay waxaa la raejeeynaya in ay dadku u dhega nuglaadan wacyi gelinta iyo tallooyinka caafimaad ee la bixinayo” ayaa intaas raaciyay Ugudambeyntii Gudoomiyaha Gobalka Ayaa u digay goobaha Waxbarashada ee Welli furan isagoo yiri “Welli waxaa jira Iskuulladii la yiri hala xiro qaar furan ayaa jiro , waxaa jira dadkii la yiri markii aad wada mareysaan ama BL ama Bajaaj aad raaceysaan ha idiin xirnaado Afsaab(Face Mask), weli uma xirna , een goobihi isu imaatinka qaar baa weli la isugu yimaadaa “. “Haddii intaas aan soo sheegnay weli ay sii taagan yihiin maxaa la sameyna sadar muuqda su’aal ka dhan waa in la ciiqaaba , ciqaabtu maxeey noqoneysa Ganaaxa ku imaanaya , ayaan dhaweyn 1 March markii aan arrintaan ka hadleynay waxaan irri Isbuuc kadib ayaa ganaax bilaaban doonna , haddana amarkii madaxda dowladda tiri Isbuuc kadib ayaa ganaaxu Bilaaban doonna , marka 15 bisha ayuu bilaabmi doona Ganaaxa “. Source: goobjoog.com
  10. 48 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka Kacay Dugsi ku yaal Hargeysa Sideed iyo afartan qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta ee Dacwa. Ciidanka Dab-demiska oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samatabixiyey dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa. afartan dumar ah iyo sideed rag ah ayaa ku dhaawacmay , sida oo kale waxa uu dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska kaasi oo samatabixinaayay dadka ku jiray dhismaha uu dabku ka kacay. Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada. Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday gaadhayayna 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhammaan ardaydaas oo ku jiray Dhisme ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid,Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, sidoo kale ardayda ayaa ku neefqabatoobday qiiqii Dabkaa ka dhashay. Qaran News
  11. Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo ku yaalla xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ahaa magaalooyin ay dhaqaale xoog leh ka soo gali jireenmaamulka Jubaland, kuwaas oo laga qabsaday sanad ka hor. Kumanaan lacag ayaa maalin walba laga qabtaa labadaas magaalo oo ay midiiba maraan ama ay soo galaan gaadiid ku dhow 60 gaari oo xamuul iyo adeegyo kale wada waana sababta ay muhiim u yihiin labadaan magaalo. “Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya adeegyada gala ee ganacsiga waa weyn ah waxaa laga soo qaadaa Suuqa-Bakaaraha ee Soomaaliya, loogama keeno Mambasa ama meelo kale oo Kenya ah, maalintii ugu yaraan 30 gaari ayaa ka gudubta xadka Soomaaliya oo qaarkood laga qaado $500 waa magaalo muhiim ah, Doolow ayaa la mid ah,” ayuu yiri xildhibaan kamid ah baarlamaanka maamulka Jubaland oo Gedo laga soo doorto, kaas oo la hadlay Caasimada Online. “Doolow iyo Beladxaawo lacagta uu Axmed ka heli jiray waxay ku dhow yihiinmida uu ka helo Dekada iyo Airport-ka Kismaayo, waa magaalooyin muhiim ah Axmed iyo Wasiir Janaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan oo aan qarinay magaciisa. Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland islamarkaana baarlamaanka ka soo gala Beladxaawo ayaa Caasimada Online u sheegay in hada lacagta kumanaanka kun ah ee laga helo magaalooyinkaas lagu shubo Banki ay leedahay dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maamusho wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janaan ayaa dhowr jeer weeraray magaalada Beladxaawo iyadoo ay dagaaladaas ku dhinteen tobanaan qof, kumana guuleysan inuu dib ugala wareego ciidanka dowladda.
  12. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN. Allaah ha u naxariistee waxaa saaka oo ah Isniin 08.03.2021 ku geeriyooday magaalada Muqdisho Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille Dirir( Xaaji Dhagax) Marxuum Pilot Xaaji Dhagax ayaa ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee lagu aasaaso Ciidankii Cirka ee Somaaliya, isagoo license duuliyenimo qaatay sannadii 1955. Marxuum Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi ayaa mudo dheer oo ku sugan 1965 ilaa 1991 duuliye ka ahaa Shirkadii Diyaaradaha Somaaliyeed ee ( Somali Airlines ) isagoo ahaa duuliyihii waday Diyaaradii Somali Airlines ee loo afduubay dalka Ethiopia sannadkii 1984. Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Duuliye sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille ( Xaaji Dhagax ) Tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Source
  13. MOGADISHU (HOL) - Somalia has dispatched its team to the Hague for the maritime case with Kenya which is set to resume on March 15. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo Isniin ah Fadhiga wada jirka ah ee Golaha Baarlamanka Somaliland (Guurtida & Wakiillada) ka jeedinayaa Khudbad-sannadeeddii Dastuuriga ahayd oo markii Afraad uu Golahan ka jeedin doono Muddo Xileedkiisa, tan iyo Bishii November 2017 oo uu ku sugan yahay qasriga looga arrimiyo Somaliland. Shacabka Somaliland waxa ay khudbadda Madaxweynaha ka filaan in uu ku soo qaado arrimaha waaweyn ee u qabsoomay muddoda u dhaxaysa labada khudbadood ee uu sannad kasta horraantiisa ka jeediyo golahan iyo sidoo kale in uu ka warbixiyo xaaladda dalka ee wakhtigaasi taagan, inkasta oo dadka khudbadaha Madaxweynaha dhaliilaa ku tilmaamaan kuwo gole ka fuul ah oo sheeko dheer u badan oo aan qodobaysnayn. Khudbaddiisa Afraad ee sannadkan 2021 ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti aanay wali waxba iska baddalin Nolosha shacabka iyo guud ahaan xaaladda dalku muddadii u talada dalka hayayna Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay wax muuqda oo la taaban karo xukuumaddiisu ka qaban waddanka marka dib loo milicsado Toddobadii Tiir ee uu ololaha Doorashada Madaxtooyada ku galay sannadkii 2017 oo ah kuwo qabyo ah ama aan intooda badan waxba laga qaban. Maxay ahaayeen 7-da tiir ee Madaxweynuhu ololaha doorashada ku galay 2017? Waxa ay ahaayeen 7-tiir oo guud kuwaasi oo ay ka farcamaan qaybo faahfaahsani, waxaanay tiiraarkaasi kala ahaayeen: Tiirka Arrimaha Bulshada, Tiirka Amniga iyo Nabadda, Tiirka Dhaqaalaha, Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda, Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada. Tiirka Arrimaha Bulshada oo ay hoos yimaaddaan arrimo kala duwan sida Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinka, Biyaha iyo wixii la mid ah waxa muuqata in Shacabka Somaliland wali dhibaato weyn ka qabanaan oo iska daa Gobolada iyo degmooyinka dalka’e wali Hargeysa oo caasimadda ahi wax ka yar 20% ay helaan biyo nadiif ah. Waxa ay shacabku is waydiinayaan maxay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka qabatay muddo xileedkiisa xaaladahan? Waana arrin la dhawrayo bal waxa uu maanta ka yidhaa. Tiirkaasi waxa ballanqaadyada KULMIYE ee aan wali soo muuqan wax ka qabshadoodu ka mid ah xaaladda caafimaad ee dalka oo ah mid liidata, tayada waxbarasho ee dugsiyada xukuumadda oo wali ah mid tabcaan ah. Waddooyinkii ay ballan qaaday in ay dhamayso xukuumadda KULMIYE oo aan wali faro ka qodnayn sida Jidka Ceerigaabo, Jidka Oodweyne illaa Hargeysa, Jidka Sallaxlay-Hargeysa, Jidka Balligubadle-Hargeysa, iyo jidadka kale oo dhan. Xaaladda Dhaqaale ee dalka ayaa inkasta oo uu sarrifka lacagaha qalaad sugan yahay oo aanu muddo dheer halkiisa dhaafin haddana khubarada dhaqaaluhu sida ay sheegaan waxa dalku ku jiraa xaalad dhaqaale oo qallafsan iyada oo nolosha shacabku cidhiidhi tahay, sicir bararka maciishadda quutal daruuriga ahina halkeedii ka sii socoto. Ganacsigana hoos u dhac weyni ku habsaday sannadihii ugu dambeeyey. Dhinaca kale Garsoorka iyo Caddaaladda oo madaxweynuhu wakhtigii ololaha ballan qaaday in uu wax ka qaban doono ayaa wali shacabku ka qaylinayaa iyada oo warbixinnihii ugu dambeeyey ee hay’adaha waddaniga ah ee xuquuqal Insaanku ka dayrinayaan xadhiga muwaadiniinta ee aan loo marin sifaha sharciga ah, qofka oo muddo dheer xukun la’aan xabsiyada ugu jira mar walbana la rummaan gareeyo, xeerarka gaboobay ee wali ka shaqaynaya maxkamadaha dalka iyo arrimo kale oo ku aaddan dhinaca caddaaladda oo taagan. Dhinaca maamul wanaagga wali adeegyada xafiisyada dawladaha Hoose iyo Kuwa dawladda dhexeba (Public Services) ayaa ah kuwo liita oo shacabku cabasho badan ka muujiyaan oo aanay waxba iska baddalin. Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo galaangalka Somaliland ee Beesha caalamka ayaa Iyana aad loogu dhaliilaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi halka tiirka ugu dambeeya ee deegaanka iyo is baddalka cimilada adduunka aanay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dadaal dheeraad ah waxba kaga baddalin Nolosha shacabka. Xaalado biyo la’aaneed ayaa qaylo dhaanteeda kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirrada lagaga hadlayay, cunto yaraan iyo xaalufinta deegaanka ayaa ah kuwo halkii taagan oo aan marnaba hoos u dhicin. Isku soo wada duuboo intaasi iyo in ka badanba shacabku waxa ay ka dhawrayaan waxa uu maanta ka yidhaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa dastuuriga ah ka jeedin doona fadhiga wada jirka ah ee Golah Baarlamanka. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilka Case oo kamid ah muddanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal dhanka Hawada ah ku hayso Somaliland, isla markaana ay mararka qaar Hawada ka saaraan Taawarka laga haggo diyaaradda ee Madaarka Hargeysa ku yaal,taas oo sababta in diyaaraddo kusoo jeeday Somaliland marka ay xidhiidh waayaan inay dib u noqdaan Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) ayaa sidaas ka sheegay mar uu haddal ka jeedinayey xarunta Golaha Guurtida Somaliland,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Waxa kale oo aan arkaynaa oo caqabad baddani ay kusoo kordhayaan,iyadoo ay markii horeba ay iska laan-gadhaynaysay arrimihii Hawada,Somaaliya taawaradii wey la wareegtay,wax-baddan oo qarsoon oo aynaan xog ka haynina wey jiraa,xogta soo baxaysa waxa kamid ah in Taawarka Hargeysa yaal uu ka Xamar yaallaa ka awood baddan yahay oo saacad ale saacada ay doonto ay ka bakhtiiso ka Somaliland yaalla,debeetana Diyaaradii Somaliland kusoo socotay haddii ay ilbidhiqsi keliya ay ka weydo Hawadda Taawarkii ay la xidhiidhaysay khalkhal amni ayaa imanaya iyo baqasho baddan,waxaynu soo jeedinaynaa bal Hay’adda duulista in aynu cid uga yeedh-no si aynu xog uga helno arrimahaasi waa arrimo soo xoggeysanaya.” Geesta kalena waxa uu sheegay in maamulka Xamar ay bilaabeen in diyaaradda aan ruqsad ka haysan iyaga in aanay kasoo deign Madaarada Somaliland,waxaanu ku baaqay inay Golaha Guurtidu u yeedhaan Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland si wax looga weydiiyo arrimahaas soo kordhay “Waxa kale oo ku jira oo iminka ay bilabeen wax ale wixii duulimaadyo wadankii Somaaliya la isku odhan jiray imanayey inay diiwaangeliso Dowladda Xamar oo ay calankii ku dhejiso oo diyaarad aan halkaa laga diiwaangelini meel ay kusoo degi kartaa aanay jirin ,taasina waxa an filayaa caqabad ayey inagu noqon doontaa ,markay wax dhacaan ayeynu qaylinaa waxaad moodaa inta hore in aynu ka hurudno ,waxaynu u baahanay in arrinkaa wax la iska weydiiyo oo aynu u yeedh-no Mareeyaha Hay’adda Duulista”. Ayuu yidhi Xil Maxamed Ilkacase Source
  16. (SLT-Netherland)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafti culus u diraysa dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehelin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya mulkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal. Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xidhiidha cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ. Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay hareero taagnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’aanada lagu xakameynayo cudurka Covid-19. Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii baaheyso dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka lagu xakameynayo Coronavirus. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doonaan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aannada dowladda. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi doono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhiimaddu tahay bad-baadinta shacabka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo labo-kacleeyey Soomaaliya. Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado lagu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.
  18. (SLT-Khartoum)-Ciidanka Dowladda Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee Koonfur Bari ee Sudan. Ilo-Millatari oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka. Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan. Taageeradda Millatari ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee dalka Sudan, iyadoo lagu wareejiyey Joseph Touka iyo qaar ka mid ah Taliyayaashiisa Ciiddamadda. Ilaha Millatari ee Dowladda Sudan waxay sheegeen in qorshaha Itoobiya u hubeynayso Kooxdaasi tahay sidii uu Joseph Touka u qabsan lahaa magaalada Kurmuk, iyadoo Madaafiicda Itoobiya ka taageerayaan Duullaankaasi. Bishii October ee sanadkii hore, Heshiis Nabadeed ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Sudan iyo Wakiillo ka kala socday Dhaqdhaqaaqyada Hubeysan ee ka tirsan Isbahaysiga Jabhadaha Kacaanka (The Revolutionary Front Alliance). Source
  19. Todobaadka soo socdo maalinta Isniinta waxaa si rasmi ah u bilaabmaya dhageysiga garmaqalka Muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ICJ oo dhowr mar hoore codsiya ka yimid dowladda Kenya dib ugu dhigtay ayaa go’aamisay dhamaadkii February in aan mardambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda labada dal. ICJ ayaa sidoo kale bilawgii bishaan March go’amisay in ay dacwadda Baddenna ee muranka galisay dowladda kenya qaadi doonto 15 March . Soomaaliya waxaa Maanta muqdisho ka amba baxaya masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qayb galaaya dhagaysiga Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Somalia. Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) . Kiiskan oo ay dowladdii Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud u gudbisay Maxkamdda ICJ . waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag waxa ayna kala yihiin : 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3-dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Soomaaliya ayaa markan qabta kalsoonida ah 100% in ay ku guuleeysaneyso kiiska dacwadda , haddii ICJ ay wax ku xukmineyso caddeymo, khariidado hore, sooyaal ay ka tageen gumeystihii iyo sharciyada caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  20. Anger over violence that UN says could amount to war crimes drives recruitment in Tigray Source: Hiiraan Online
  21. For more than 100 years, International Women’s Day has been celebrated by honoring the achievements of women globally. Source: Hiiraan Online