Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The military in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has recaptured 87 out of hundreds of prisoners who escaped on Friday after Islamist group al Shabaab fighters stormed a jail and freed them, according to a statement from the military. On Friday al Shabaab said they had freed 400 prisoners in a raid on the main prison in Bosaso, Puntland’s largest commercial city, in the early hours of Friday. Seven Puntland military soldiers were also killed in the assault. “We attacked al Shabaab militants that had attacked Bosaso central cell (prison),” the Puntland military said in a statement. “In this operation in the hilly areas outside Bosaso, we also recaptured the prisoners.” Mohamed Abdi, a soldier in Puntland’s military separately told Reuters 87 prisoners had been recaptured and added some of the recaptured prisoners were members of al Shabaab while others belonged to Islamic State. In the statement, Puntland’s military said they had killed 20 al Shabaab fighters and captured four alive in a battle to free the prisoners. Al Shabaab frequently carries out attacks in Somalia and elsewhere as part of its campaign to oust the central government in Mogadishu and establish its own rule based on a strict interpretation of Islamic sharia law. An African Union (AU)-mandated peacekeeping force AMISOM has been helping defend the central government. Somalia has been convulsed by lawlessness and Islamist violence since 1991 when dictator Mohamed Siad Barre was toppled. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble. Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ka musharraxiin ahaan inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro doorashada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka ka jira dalka kaliya lagu xalin karo wada-hadal iyo in la’isugu yimaado miiska, si foolka fool ah. Musharraxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrinta taagan aan lagu xallin karin fagaare kale, loona baahan yahay in lasii wado dadaalada socdo iyo wada-hadallada. “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro,” ayuu yiri musharrax Geelle. Si kastaba hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo uu shirkii ugu dambeeyey ee musharraxiinta mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo dhamaaday fashil, kadib markii la’isku mari waayey qodobad qaar ee miiska lasoo saaran.
  3. Turkey on Saturday handed over military barracks to Somalia, according to an official statement. “As part of restructuring the Somali Armed Forces, the Northern Barracks – 1st Stage Facilities built by Turkey in Mogadishu were handed over to the [Somali] authorities,” Turkey’s National Defense Ministry said on Twitter. Relations between Turkey and the Horn of Africa nation are historically strong, and picked up pace after President Recep Tayyip Erdogan’s official visit in 2011, making him the only non-African leader to visit Somalia in 20 years. Besides military cooperation, the two countries also partner on health, education, and other initiatives. Turkey has built schools, hospitals and infrastructure, and has provided Somalis with scholarships to study in Turkey. View the full article
  4. A soldier and a civilian were killed and four more people injured in a suicide attack in southwestern Somalia on Saturday. A bomber blew himself up outside a small but busy restaurant in the town of Waajid in the Bakol region, according to Mohamud Kheyrow, a police official. The town is located some 350 kilometers (218 miles) southwest of the capital Mogadishu, where a suicide attack by the al-Shabaab terror group killed over 20 people and wounded more than 30 just hours earlier. “At least four people, including two paramilitary soldiers, were injured in the blast,” he told Anadolu Agency, adding that all the wounded have been shifted to a hospital in Baidoa, the administrative capital of Somalia’s South West State. While no group has claimed responsibility for the attack, Dahir Ali Mohamed, a senior military official in Waajid, said a security operation has started in the area and several suspected al-Shabaab members have been arrested. View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay magaalad Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo abaaraha. Sayid Aadan ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id uga hadlay is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in xal loo raadiyo caqabadaha iyo culeyska siyaasadeed ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda, hadii la’isugu imaanayo wada-hadallo dhab ah oo xal mideysan looga gaarayo khilaafka jira. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, gaar ahana gobolka Gedo, isaga oo shaaca ka qaaday in baartu ay saameysay dadka & duunyada oo u baahan gargaar bani’aadanimo oo deg dega. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale qoysaska ay saameysay abaarta u weydiiyey hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo caawin karta inay u gurmadaan dadkaasi. Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, sida khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee 2021-ka, abaaaraha iyo ammaanka dalka.
  6. MOGADISHU (HOL) - Three Somali National Army soldiers were Sunday killed in a landmine attack in Bakool region in south western Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Golaha Senate-ka ayaa ansixiyay $ 1.9 tiriliyan oo doolar oo ah qorshaha gargaarka coronavirus Sabtidii, taas oo ka dhigaysa Congress-ka hal talaabo oo u dhow fulinta ballanqaadkii doorashada ee Madaxweyne Biden iyo xulafadiisa Dimuqraadiyiinta, kadib dhaqaale xumidii u sababay Cudurka . Ballaarinta shaqooyinka ee barnaamijyada shabakadda badbaadada bulshada ee federaalka Mareykan , xirmada ayaa lagu wadaa in lagu tiriyo mid ka mid ah tallaabooyinka samatabbixinta ee ugu weyn taariikhda Mareykanka, taas oo ka tarjumeysa ballanqaadyada Joe iyo Haris ee ah in la tirtiro kala duwanaanshaha muddada dheer ka hor cudurka faafa. Sharciga ayaa u oggolaanaya $ 1,400 , malaayiin Mareykan ah oo dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaad ah, wuxuu ku xoojinayaa qoysaska iyadoo la siinaya faa’iidooyinka canshuuraha carruurta ee sannadlaha ah. “Waxaan u ballanqaaday in dadka Mareykanku ay caawimaadda ay u sii socondoonto ,” ayuu yiri Biden Sabtidii, isagoo u dabaaldegaya guushii ugu horreysay ee sharci-dejinta ee maamulkiisa. “Maanta, waxaan dhihi karaa waxaan qaadnay hal talaabo oo balaaran oo ah inaan fulino balanqaadkaas.” Meelmarinta aqalka Senate-ka ee cabbirka, oo loo yaqaan “Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka,” ayaa keenay war cusub oo ka soo kordhay Aqalka Cad. Toddobaadyadii la soo dhaafey, maamulka Biden wuxuu hogaaminayey suuq shaqo oo soo hagaagaya – in kasta oo ay weli jiraan 9.5 milyan oo shaqaale ah oo ka badan shaqaalihii ka horreeyey intaan la helin faafka. Laakiin codka Guurtida wuxuu muujiyey xaqiiqooyinka siyaasadeed ee qallafsan ee soo foodsaaray Biden iyo himilooyinkiisa dhaqaale ee hanka leh. Balanqaadkii hore ee madaxweynaha ee midnimada iyo laba-geesoodka ayaa ku dhacay xaqiiqada Capitol Hill, halkaas oo Dimuqraadiyiintu ka doorteen ka-qaadista dib-u-kicinta si weyn si ay u soo jiitaan taageerada GOP. Lacagahaan ayaana lagu maareyn doona Safmarka Corona ee Mareykanka. Sharcigan uu meel mariyay Senate-ka ayaa waxa horay u diiday madaxweeynihii hore ee Mareykanka Doland Trump. Source: goobjoog.com
  8. Boosaaso (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ciidamada ammaanka Puntland ay xalay ka sameeyeen gudaha & duleedka Boosaaso. Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in howl-galkaasi lagu qabtay illaa 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena la weydiinayo su’aallo dheeraad ah. Baaritaanadan ayaa yimid, kadib amarkii kasoo baxay madaxweyne Siciid Deni oo faray laamaha ammaanka inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey iyo kuwii fududeeyey weerarkii habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale howl-galladan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isku dadka iyo gaadiidka. Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri iyo weeraro ay qaarkood sheegteen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.
  9. Wax-is-weydiinni ma Xumee, Wax-is-waydaarin taa Daran! Sanadguurada 30aad ee qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland ayaa soo dhow, waana munaasabad muhiimadeeda leh. Muhiimadda taas ah ma qabo in lagu muujiyo durbaanno iyo sacab keliya. Sodonkaas sanadood marnaba si micno leh, oo caadifaddu ku yartahay ama kaba madhantahay loogama doodin jihada loo socdo, iyo hadiiba jidka lagu taaganyahay uu yahay kii saxda ahaa. Kolka la doodo ee maskaxda la tuujiyo, wax kasta oo hagaagsani si uu ku sii hagaago ayaa soo baxda, wixii khasaare ah na wuu qaawismaa, dabeeto laga tashadaa sidii looga gudbi lahaa. Waxa aan is waydiinayaa, hadiiba ay si uun suurtagal u tahay in dadka waxgaradka ahi ay sanadguuradaan uga faaiidaystaan fursad si dhab ah loogu qiimeeyo dhib iyo dheefba wixii wakhtigas la soo mutay, iyo sidii wixii wanaag ah loo sii wanaajin lahaa, wixii khasaare ah na looga weecan lahaa. Sodonka sanadood ee kuwan tegay xiga, sidii ay u ekaan lahaayeen baa u baahan in la is waydiiyo, iyada oo sodonka tegay iyo sodonadii ka horeeyay laga dhimbiil qaadanaayo. Calamo iyo durbaano waa wax saacado kooban ku eg, dhaxal na aan lahayn. Wax intaas ka gun dheer, oo dhaxal na reeba ayaa la curin karaa aniga sida ay ila tahay, in aan qaldanahay na waa suurow. Tusaale ahaan, hadii shicib iyo xukuumad ba la isugu tago, waxa la qaban karaa shir dhowr maalmood socda, oo si dhab ah, oo aqooni ku dheehantahay, looga doodo qodobo dhowr ah, sida: 1. Wax-wada lahaanshaha iyo midnimada dadka dhulkaas ku wada dhaqan, oo si kasta oo xaalku ku dambeeyo ba, koley iyo koleyba is hurran – qodob dood fiican u baahan weeye. 2. Qadiyadda aqoonsiga ama aqoonsi doonka, taas oo ahayd, welina ah, qodobka u gu culus ee 30 gaas sanadood la hadal hayay marba heer uu joogayba, cid mudadaas si dhab ah oo furan uga dooday na aanay jirin, ayaa iyaduna qodob lama dhaafaan ah noqonaysa. Aqoonsigu suurtagal horta ma yahay? Hadii uu yahay, 30 gaas sanadood maxaa loo heli waayay? Hadii aanu ahayn, jid/jidad kale oo noocee ah baa noo furan? 3. Nidaamka dawladnimo ee qaabka Madaxweynaha ku salasan, oo 30 sanadood ka hor loo arkaayay kan u gu wacan, ay manta se ka soo baxeen dhaliilo waawayn oo ka tashi u baahan, ayaa iyaduna is waydiin micno leh u baahan. Ma la heli karaa hanaan ka munaasibsan, oo nidaamka dhaqan-dhaqaale ee dadku leeyahay na la jaan qaadi kara? Nidaamka Madaxweyne ee Afrika, hayadaha kale oo dhan baa shiikha, taladu na hal qof uun bay ku ururtaa, taas oo dhib badan iyo dheefteeda ba leh. Soddonka sanadood ee soo socda hanaankaas miyaa la sii wadayaa, mise wax baa laga bedelayaa? Waa qodob dood u baahan. Maxay adiga kula tahay? W/Q Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay xarunta wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo laamaheeda kala duwan. Baadhistaasi ayaa ka kooban saddexda nooc ee uu xaqiijiyay xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016. Kaas oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Waxqabad, iyo Baadhis waafaqsanaanta shuruucda ah kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan saraakiil caalami ah oo u tababaran arrimahaasi. Sidoo kale xafiiska Hanti dhawrka guud ee qaranka waxa uu baadhis taas lamid ah ka bilaabay wakaaladda dekedaha qaranka, wakaaladda Haamaha shiidaalka, iyo wakaaladda Biyaha ee Berbera. Kuwaas oo dhammaan xaruumahoodu yihiin magaalada Berbera, kuwaas oo baadhitanadooda la waafajin doono xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016. Source
  11. (SLT-Jubba)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka dalka Koonfurta Suudaan. Warar ka duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan. Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya Tallada dalkaasi, Jeneral Cabdifataax Al-burhaani iyo Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk. Madaxweynaha Masar CabdiFataax Al-sisi ayaa waxaa uu sheegay inuu ammaanka Suudaan qeyb ka yahay ammaanka Masar, isagoo hadalkaas ka sheegay jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya tallada dalka Sudan, ku qabteen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum. Source
  12. (SLT-Jabuuti)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo lagaga hortagayo coronavirus uu shalay gaadhay Jamhuuriyadda Jabuuti. Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul inay cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir . Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha . Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka. “Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aad ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da’da ah,” ayuu yidhi. Wasiirka ayaa sheegay in xidhmooyinka haatan soo gaadhay ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xidhmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha. Jabuuti ayaa qorsheyneysa in la tallaalo 715,000 oo qof. Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaadhay tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qara ka mid ah dalalka Afrika. Jabuuti ayaa sheegtay in xilligan ayna dalkaas ka jirin khatar sare oo xanuunka ah, isla markaana la xakameynayo. Waxay ka mid noqoneysaa dalalka ku yaalla Afrika ee helay tallaalka coronavirus. dalalka Kenya iyo Rwanda ayaa iyaguna ay soo gaadhay xidhmooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka xanuunka. Source
  13. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Bakool. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan milatariga Soomaaliya lagula beegsaday qeybo ka mid ah degmada Waajid ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan loo adeegsaday qaraxa ku dhintay illaa saddex askari, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyey qaraxa, kadib howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan Baay iyo Bakool ayaa inta badan weerar culus ka fulisa labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  14. Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Adel Bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay maqaaxida Luul Yemeni ee magaalada Muqdisho. Adel Bin Abdulrahman Al-Asoumi wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo Baarlamaanka Carabta u hayo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta caalamiga ah. Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii kale ee dhaawacmay. View the full article
  15. Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo kamid ahaa Golaha Wakiillada Puntland ayaa geeriyooday kadib markii uu dhaawc uu ka soo gaaray shil gaari uu galay . Xildhibaanka ayaa shil ku galay duleedka degmada Badhan xilli u u socday tacsida hooyadii oo dhimatay. Xildhibaan Cali Axmed Dhahar ayaa muddo dheer ka mid ahaa baarlamaanka Dowlad gobaleedka Puntland , isagoo maamuladi kala gidisanaa ee Puntland Soo maray xilal ka soo qabtay . Dhanka kale Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaanka iyo Hooyadii. Hoos Ka Akhriso Tacsida Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Source: goobjoog.com
  16. Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo looga hortagayo faayraska Korona uu shalay gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti. Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir . Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha . Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka. Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir . Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha . Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka. “Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aad ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da’da ah,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha. Jabuuti ayaa qorsheyneysa in la tallaalo 715,000 oo qof. Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaaray tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qara ka mid ah dalalka Afrika. Jabuuti ayaa sheegtay in xilligan aysan dalkaas ka jirin khatar sare oo xanuunka ah, isla markaana la xakameynayo. Waxay ka mid noqoneysaa dalalka ku yaalla Afrika ee helay tallaalka coronavirus. Dalalka Kenya iyo Rwanda ayaa iyaguna ay soo gaartay xirmooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka xanuunka. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ahaa dadaallada socday ee wada-hadallada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo musharraxiinta ayaa faah faahiyey sababihii keenay inuu fashilmo shirkii ugu dambeeyey ee ay dhowaan yeesheen labada dhinac. Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in arrin nasiib darro ah ay tahay in lagu kala tego wada-hadalladii soo socday ee la doonayo in xal looga gaaro xaaladda cakiran ee dalka. Sidoo kale wuxuu fashilka shirkan ku eedeeyey dhinaca xukuumadda federaalka, isaga oo sheegay inuu jir qorshe deganaa oo ujeedkiisu ahaa in dibad-baxa mucaaradka la fashiliyo, si taas loogu guuleystana laga hortago in wada-hadallada ay miro dhalaan. Waxa uu hoosta ka xariiqay guddiga ka socday dhinaca ra’iisul wasaaraha uu ahaa mid ay ka go’an taghay fashilinta dibadbaxa Musharraxiinta, taasina ay caddeyneyso shuruudaha uu soo gudbinayey. “Wada-hadalka xukuumadda Xil-gaarsiinta waxa uu ka dhashay ergo ku beel ah ra’iisul Wasaare Rooble oo damacsanaa baajinta isu-soobaxa Musharixiinta, markii dambe waxaa toos uwada hadlay labada dhinac oo sidaas waxaa ku yimid heshiiska 25-ka Febaraayo 2021, Rooble waxa uu wajahayay culays ah in dabada looga dhegan yahay oo la carqaladeynayo heshiiska uu gaaray,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay muhiim tahay in laga wada-fakiro danta guud iyo maslaxada dalka, si looga gudbo marxaladda adaga ee ay wajaheyso Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu baaqday dibad-bixii mucaaradka oo lagu waday inuu shalay ka dhaco Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.
  18. Jabuuti oo heshay tallaalka coronavirus Koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha ayaa horay u gaaray magaalada Jabuuti Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in maanta oo Sabti ah ay heshay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19. Lama sheegin cadadka soo gaaray Jabuuti, hase yeeshee, waxaa hay’adaha gargaarku sheegeen in toddobaadkii horena ay Jabuuti heshay cirbadihii loo isticmaali lahaa in tallaalka lagula mudo dadka. Jabuuti waxaa la sheegay in ay muhiimadda u horreysa siinayso dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka. Jabuuti waa waddankii ugu horreeyey ee dalalka Gobolka la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa (MENA) oo tallaalkan soo gaaro. Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa. Ka sokow Jabuuti, waxaa sidoo kale ilaa haatan wadammada Bariga Afrka ee helay tallaalka ka mid ah dalka Kenya oo toddobaadkii hore uu soo gaaray 1 milyan iyo 20 kun oo goojo oo tallaalka ah. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay mudnaanta siinayso shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee ka shaqeeya safka hore. Dalka Ethiopia ayaa sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen in ay filanayaan shixnadda ugu horreysa ee tallaalka maalinta Axadda ee berri ah. Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in tallaalku uu soo gaari doono dabayaaqadii bishii tagtay ee Febraayo ama horraanta bisha Maarso. Hase yeeshee, ilaa iyo haatan, tallaalkaasi ma soo gaadhin dalka. Warar ay idaacadda VOA ka heshay il-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in 300 oo kun oo goojo oo ah qaybtii ugu horraysay ee tallaalka ay sugaysay Soomaaliya oo ahaa 1 milyan iyo 200 kun uu maanta soo gaadhay magaalada Nairobi. Haddii Soomaaliya ay wada hesho 1.2 milyan ee tallaalka ugu horreeya, waxay taasi ku filan tahay 1% dadka Soomaalida ah. Has eyeeshee, dowladaha ay soo gaaraan shixnadda tallaalka ayaa laga filayaa in ay la yimaadaan qorshe ay tallaalka ugu qaybinayaan dhammaan gobollada dalka. Ilaa haatan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma aysan shaacin qaabka ay doonayso in dalka loogu qaybiyo tallaalka, iyo gobol walba inta uu helayo. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa in ay dadweynaha u sharraxdo imaatinka tallaalka iyo dadka ugu horreeya ee helaya, iyo taariikhda la bilaabayo tallaalista muwaadiniinta. Mid ka mid ah khubarada caafimaadka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in dhibaatada ugu weyn ay noqonayso haddii daawada dalka la keeno, iyadoo aan la haynin qorshihii lagu qaybin lahaa, ama lagu bilaabi lahaa tallaalka. VOA waxay isku dayday in ay la xiriirto Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur, ilaa haatanna nooma suurtogelin inaan ku helno Khadka telefoonka. Qaran News
  19. Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya, in xukuumadda Somaliland ay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag ka bilowday Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta. Degaanka ay Somaliland haatan ka bilowday Macdan Qodista oo lagu magacaabo Shidan, waxaa muddo sannado ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood, taas oo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin. Wararku waxay sheegayaan, in Somaliland ay shirkado shisheeye heshiis hoose kula gashay barnaamij ku saabsan Macdan Qodista, oo la doonayo in laga sameeyo Buuraleyda ku teedsan xeebaha Gobolka Sanaag. Barnaamijkaas ayaa loo xil saaray Ganacsato ka soo jeeda Somaliland, si aan loo dareemin Qorshaha xukuumaddu wadato. Tallaabadan ay Somaliland qaadday ayaa laga cabsi qabaa in ay uga sii darto xiisadda qabiil ee ka aloosan Degaanka Shidan maadaama ay, halkaas wada degaan laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo macdan Qodis qarsoodiya ka bilowday Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  20. Hamdi Mohamed has had a connection to the Port of Seattle in one way or another for the majority of her life. Source: Hiiraan Online
  21. Djibouti (HOL) - Djibouti has received its first batch of the COVID-19 vaccine through the COVAX initiative on Saturday, becoming the second nation in the Middle East and North Africa (MENA) to obtain the vaccine. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-732021.mp3 View the full article
  23. Mudaaharaadyada Looga Soo Horjeedo Xaaladda Nolosha iyo Qiima Dhaca Lacagta ayaa Weli Ka Socda dalka Lubnaan. Xaaladda waddanka Labnaan ayaa maalmihii u danbeeyey ahayd mid la kowsattay banana-baxyo xooggan oo ay samaynayaan qaybaha kala duwan ee dadweynaha dalkaasi Labnaan. Dibadbaxayaasha ayaa ku hor mudaaharaaday xarunta Ururka Bangiyada ee Lubnaan, iyagoo dalbanaya in wax laga qabto xaaladaha adag ee la xiriira dhinaca nolosha iyo qiimaha dhaca ku yimi lacagta dalkaas, kuwaas oo ah arrimaha ay ka dhasheen ama sababay banaan-baxyada. PUNTLAND POST The post Mudaharaadyo xoogan oo ka socda Lubnaan appeared first on Puntland Post.