-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u go’aamisay todobaadka soo socda in ay si rasmi ah u bilaabmeyso dhageysiga Dacwadda Muranka Soomaaliya iyo Kenya . Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dacwada badda iyo khilaafaadka. April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii. 1988: Waxaa la soo saaray sharciga badda ee Soomaaliya. 1989: Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 . April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday. October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob: Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya. Qodobadaaas ayaa kala ahaa: In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988 In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya. Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii. Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed. Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah. Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey. October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada. Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya. October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya. May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka. September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxay aheyd labo wareeg oo la dhageystay labada dal. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegay in maxkamadda aaney xaq u laheyn dhageysiga kiiska, waxaa uuna soo jeediyey in meel ka baxsan maxkamadda lagu dhameeyo halka Muqdisho ku adkeysatay in maxkamadda lagu dhameeyo. February 2, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. June 25, 2019: War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda, laakin arrintaas Kenya ayaa ka daba timid oo codsatay in sanad dib loo dhigo, laakin maxkamadda waxaa ay ka aqbashay uun 2 bil. Bilowgii September 2019: Kenya waxaa ay ICJ ka codsatay in dhageysiga dib loo dhigo muddo hal sano ah iyada oo sheegtay in qareenno la’aan heyso. September 5, 2019: Danjire Cali Fiqi ayaa xaqiijiyey dhageysiga maxkamadda dib loo dhigay 2 bil, isaga oo sheegay sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar. October 16, 2019: ICJ ayaa mar kale mudeysan in ay dacwadda dhageysan doono 8, June, 2020. April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19. May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bnaaadir, kaas oo lagu baadi-goobayey rag burcad ah oo dhac geysanayey. Ciidamada ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib markii lagu soo war-geliyey inay jiraan rab burcad ah oo dhac ka geystay xaafadda Horseed ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka daba-tageen raggaasi oo afar gaarayey, islamarkaana ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana kaddib dhex-martay is-rasaasey khasaare geysatay, iyada oo la dhawaacay labo ka mid ah burcadda, kadibna la qabtay. Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday labadii kale ee la socotay ragga la qabtay, xilli taleefanada gacanta iyo agabyo kale ay ka qaadanayeen dadka deegaanka. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Muqdisho kusoo badanayey falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah.
-
Waxaa la filaya in Saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxweeynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland . Sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ay Goobjoog News u sheegeen madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta imaan doonna Muqdisho. Dhankiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna la filaya in gelinka dambe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Labada Hogaamiye ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia - A Turkish military aircraft carrying a contingent of Somali commandos who had completed their training in Turkey landed in the Somali capital Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
-
DJabouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti, kadib markii guddi ka socday ay warbixin ka diyaariyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la baarayo faro-gelin iyo abaabulka jabhado hubeysan oo ay ka cabatay Soomaaliya. Gaba-gabadii sanadkii 2020 waxaa cirka isku shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dowladda Soomaaliya cayrisay wakiilladii Kenya ka joogay Muqdisho, iyadoo ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gudaha. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December ee sanadkaas isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana kulan ay yeesheen ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda urur goboleedka IGAD Jabuuti ayey xilligaas u xil saareen inay dadaal ku bixiso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogta ee Soomaaliya iyo Kenya, maalmo kadib waxay Jabuuti xuduuda labada dal u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah, kaas oo soo baaray waxa ka jira eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya. Warbaahinta gobolka ayaa baahisay nuqullo ka mid ah warbixintii uu diyaariyey guddigaas, waxaana weji kale yeelatay xiisadii jirtay, dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay natiijada warbixintii guddiga ay dirtay Jabuuti, warbixinta waxaa ku xusneed inay waxba kama jiraan yihiin inta badan eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhiggeeda Kenya. Dowladda Soomaaliya oo xilligaas si caro leh uga hadashay warbixinta waxay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo guddigii ay soo dirtay ay qaateen doodii Kenya oo ay iska indha tiraya cadeymihii ay eedeynteeda u heysatay dowladda Soomaaliya. Maanta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagoo markii ugu horeysay ka jawaabaya eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti iyo xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxuu la hadlay BBC Somali. Ugu horeyntii Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo xusay in labada waddan ay daris yihiin, isla markaana aysan sina u kala maarmin. “Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. “Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. “Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’ waan iska diidi karnay oo waan oran karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle. Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri, “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrinba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeedka IGAD ayaa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa, cidda u buunbuunisay ee u qeylo dhaamisay annagu ma garaneyno.” Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii ka dhalatay warbinta guddigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Jabuuti. “Waan iska diiday inaan jawaab ama wax ka iraahdo arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu imaaneysa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban faro-galinta ay ka cabatay dowladda Soomaaliya iyo arrimaha Jubbaland oo kaliya, balse labada dal waxay isku heystaan xuduud badeed oo dheer. 15-ka bishan waxaa waxaa xarunta dhexe ee Maxkamadda ICJ ka bilaabaneysa dhageysiga dacwadda Baddaas oo indhaha Soomaalida, Kenyaanka iyo warbaahinta caalamku ay aad ugu mashquuli doonaan, waxaana dhageysiga kiiskaas ay maxkamaddu mudeysay inuu soo idlaanyo 19-ka bishan, wixii intaas ka dambeeyana waxaa maxkamadda laga sugi doonaa xukun aan racfaan laheyn. Kenya waxay dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska, balse garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba ka diiday dalabkaas, waxaana maanta Muqdisho ka baxay guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiska badda, kaas oo u diyaar garoobaya inay dacwada uga qeyb galaan xarunta maxkamadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoggaaminaya guddigan, Isagoo garoonka Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan guusha Soomaaliya ee kiiska badda.
-
Mogadishu (HOL) - A former Somali Airlines pilot who made history when his passenger jet was hijacked by defecting soldiers in the mid-'80s has passed away from COVID-19 in Mogadishu. Captain Mohamud Haji Elmi, better known as Captain Haji Dhagah, passed away on Monday morning in Martino Hospital after testing positive for Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A former Somali Airlines pilot who made history when his passenger jet was hijacked by defecting soldiers in the mid-'80s has passed away from COVID-19 in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Villa Soomaaliya hal bil iyadoo aysan jirin wax heshiis doorasho ah, taasoo ka dhigan arrin ugub ku ah dalka. Shalay oo aheyd 8-da Maarso waxaa dhamaatay bil kaamil ah maadaama muddo xileedkiisa uu soo dhamaaday 8-dii February, walina ma jiro heshiis loo wada dhan yahay oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka. Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday dowladda kumeel gaarka ah sanadkii 2012, ma dhicin in madaxweyne uu iska fadhiyo xafiiskiisa iyadoo muddo xileedkiisii uu dhamaaday hadana aan heshiis lagu aheyn hanaanka doorashada. Xasan Sheikh Maxamuud oo ah madaxweynahii 8-aad kana horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu arrimaha doorashooyinka heshiis ka gaaray iyadoo muddo xileedkiisa uusan dhamaanin. Iyadoo ay taasi jirto hadana su’aasha is weydiinta leh waxey tahay rajo malaga qabaa in la gaaro heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay? Khilaafyo badan ayaa ku hareereysan heshiiska doorashada, waxa ugu weyn waxey tahay in la dhaqan galiyo heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo sidoo kale meel marinta is fahamkii ay gaareen guddigii ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Mucaaradka waxey doonayaan in heshiiska laga qeyb galiyo, walina la iskuma raacin, waxaa jira tabashooyin badan oo ay ka mid tahay arrinta gobolka Gedo, xildhibaanada gobolada waqooyi iyo sharci la’aanta Farmaajo oo wali la hadal hayo. Arrimaha kale ee ku hoos jira waxyaabaha ku xeyndaaban doorashada waxaa ka mid ah shakiga laga qabo ciidamada dowladda oo la aaminsan yahay iney siyaasadda dhexda kasoo galeen, taasna ay walaac badan ku abuurtay mucaaradka dowladda. Si kastaba Farmaajo wuxuu aqalka dalka looga taliyo ku jiraa hal bil oo aan sharci aheyn walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta uma muuqdo mid qaadan kara kaalintiisa hirgalineed waxyaabaha horyaalla ee ah inuu dalka ka saaro marxaladda kala guurka. Inkasta oo madaxdii ka horreysay sida Xasan Sheekh iyo Shariif ay madaxtooyada joogeen billo kadib markii waqtigoodu dhammaaday, haddana waxaa jira inuu jiro heshiis doorasho, dib u dhacana uu ku yimid hab fasarmo, hase yeeshee Famaajo wuxuu kaga duwan yahay inuu xukunka sii hayo ayada oo aanu jirin heshiis doorasho, una muuqato inuusan diyaar u aheyn.
-
Everyone is impressed by Khowla Mohamed Abdow. She’s competent, helpful and hardworking. At 25 years old, she’s the coordinator of Baidoa’s Alternative Dispute Resolution Centre in South West Somalia, a Ministry of Justice facility supported by UNDP, where local people can come for help solving arguments ranging from land theft to domestic abuse. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool. Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha. Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo shir-gudoomiyay Shir ku saabsan Abaaraha appeared first on Puntland Post.
-
‘They left me on the street right in the middle of the COVID-19 pandemic,’ says Ahmed Muhammed Source: Hiiraan Online
-
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono. Axmed Maxamuud wuxu sidoo kale sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas. Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican Geeska Afrika lana magac-baxday Amni-badantii Garoowe. PUNTLAND POST The post Garoowe: Booliiska oo sheegay in qof kasta oo ka safraya magaalada laga rabo damiin appeared first on Puntland Post.
-
Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay xiisadda labada waddan Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay Jabuuti, xilli ay wehlinayeen madaxda Itoobiya iyo Jabuuti Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca xkuumadda federaalka Somaaliya. Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay. Hase ahaatee, xaaladda ayaa waji kale yeelatay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay aad uga carootay natiijada guddigii Jabuuti oo muujisay in ay “inta badan waxba kama jiraan ahaayeen eedeymihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya. Muxuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti? Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan. Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi “Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay. Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin. “Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. “Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yidhi. ‘Shir madaxeed baa lala sugayaa’ Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrininba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa ayaa ku qoran, waxa loo buunbuuniyay ee loo qeyliyay annagu ma garaneyno.” Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti. “Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Dacwadda Badda Arrinta Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban farogalinta ay Soomaaliya ka cabatay iyo arrimaha gobolka Gedo oo kaliya, balse labada waddan ayaa sidoo kale waxaa u dhaxeeyay muran dhinaca xadka badda ah oo in muddo ah soo jiitamayay. Maalmaha soo socda waxa ay mar kale indhaha warbaahinta caalamka ku mashquuli doonaan khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la filayo in 15-ka bishan ay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) billowdo dhageysiga kiiska dacwadda Badda. Kenya ayaa dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska inkastoo garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya labaduba ay arrintaas ku gacan seyreen. Maanta ayuu guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiskaas ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana ay u diyaar garoobayaan in ay dacwada uga qeyb galaan maxkamadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga matalaya Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan kiiska. Kenya ayaa heysata fursad ay dhageysiga dacwadda uga qeyb gasho qaab maqal iyo muuqaal ah ama in wakiilladeedu ay ku xaadiraan xarunta ICJ. Qaran News
-
Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab ku laayeen hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen inta u dhexaysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelooyinka. Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen, Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkaas lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil sare sidoo kalena lagu dhaawacay ilaa 15 dagaallame. “25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,” ayuu yiri Gen Odowaa. Sidoo kale, wuxu sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen dhawr degaan oo ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, halkaas oo haatan Ciidamadu gacanta ku hayaan. Hawlgalka waxa qayb ka ahaa duqaymo dhanka Cirka ah sida uu sheegay Gen Odowaa. PUNTLAND POST The post Milateriga Soomaaliya oo xubno badan Al-shabaab kaga laayay Gobollada Shabeelooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in laba dekedood laga dhisayo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hobyo laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan iyo deked yar oo ku kooban kalluumeysiga oo keliya. Agaasimaha ayaa tilmaamay in dekedda yar ee kalluumeysi uu dhismaheedu meel geba-gabo ah marayo islamarkaana kalluumeysatada degaanka laga doonayo in ay ka faa’idaystaan dekeddaas cusub. “Dekad Kalluumeysi ayaan ka barbar sameynaynaa Dekadda weyn ee Hobyo, taasi oo aan ugu talagalnay in ay ka faa’iideystaan kalluumeysatada” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in ay laba dekedood ka dhisayso degmada Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, siiba dadka socdaalaya ama safaraya ee ku sugan halkaasi. Booliska Garoowe ayaa shaaciyey in qof kasta oo soo galaya ama ka baxaya Garoowe looga baahan yahay damiin, ka hor inta uusan safrin, ama soo gelin gudaha magaalada. Sidoo kale taliska Booliska aya aintaasi kusii daray in qofka la doonayo inuu caddeeyo u jeedada uu uga baxayo Garoowe amaba uu u soo galayo magaalada. “Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.” ayuu yiri Axmed Maxamuud Cali oo ka mid saraakiisha ciidamada Booliska Puntland. Arrintan ayey Puntland kaga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa suurta-galnimada weeraro ka dhaca halkaasi. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii weerar culus dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdow Roose oo kamid ah dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degmada Jowhar, ayaa muddo laba todobaad ah u xiran booliska HirShabeelle. Nabadoonkaan ayaa u xiran amar la dul-saaray oo ah, in uu ka baxo dhul uu siiyay maamulkii Allah ha u naxariisteen Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in nabadoonka uu xiran yahay madaxda sare ee HirShabeelle kadib marki uu diiday in ay uu wareejiyo hantidiisa. Cabdow Roose, ayaa nabadoon u ah beelaha Carab Soomaali ee dagan Jowhar waxaana la sheegayaa in uu ku xanuunsanayo gudaha xabsiga. Ehellada iyo qaraabada Cabdow Roose ayaa codsaday in lasii daayo nabaddoonka ama la soo taago maxkamad, si loogu helo eedaha loo heesto ama lagu waayo. Jowhar waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo lagu qabo ciidanka amniga si gaar ah waxaa laga cabanayaa ku tagri fal awoodeed oo ay geysanayaan ciidanka amniga.
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxay ku dileen shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo oo iyaga ka dhan ah. Al-Shabaab waxay sheegeen in raggaan ay ahaayeen shabakad isku xiran oo la shaqeyneysay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo caalami ah. Dilal iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda ayaa lagu eedeeyey inay masuul ka ahaayeen shanta nin ee lagu dilay fagaaraha Bu’aale. Al-Shabaab waxay sheegeen in shabakabadaas uu hoggaamiye u ahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo isaga ay gowrac ku dileen, halka afarta kale mid mid loo toogtay. Afarta nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali. Dhulka ay Al-Shabaab ka maamulaan Soomaaliya waxaa sidaan oo kale joogto loogu dilaa dad intooda badan ay ku eedeeyaan basaasnimo, xatooyo, gogol-dhaaf iyo eedeymo kale oo cabsi xoog leh ku abuuray dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa howlgallo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Deegaanada uu militeriga Soomaaliya ka fuliyey howlgalkaas waxaa ka mid ah Ballow oo dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, waxaana halkaas lagu dilay xubno ka titrsanaa Al-Shabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale deegaanada la xusay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen waxaa ka mid ah Jambaluul oo lagu dilay xubnihii lagu weeraray ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbixinta howlgalladaas la wadaagay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah. Waxa uu sheegay in 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ay ku dileen howlgalkaas, ugu yaraan 15-kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kale dad looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab ayuu sheegay in lagu soo qabtay howlgalka. Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage waxa uu sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jiro u qaabilsanihii Al-Shabaab ee degaanada u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, kaas oo qabsoomidiisa ay dadaal badan ku bixinayaan wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Mareykanka iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa loo asteeyey inuu ka dhaco Teendhadii afar sano ka hor lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana taas loo yeelayaa fulinta shuruudii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dal baday in shirka lagu qabto goob ay ammaankeeda isku aamini karaan. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay Muqdisho imaanayaan inta lagu guda jiro todobaadkaan, waxayna wataan shuruudo cusub oo ay la imaa doonaan shirkaas. Dowladda Federaalka ayaa dooneysaa in shirkaas lagu soo koobo xaflad ay madaxdu ku kala saxiixanayaan qodobadii xalka looga gaaray khilaafka doorashada ee shirkii guddiyadii farsamada ee kala metelayey dhinacyada, kaas oo bishii hore ka dhacay magaalada Baydhaba ee K/Galbeed. Hase yeeshee xogta aan helnay waxay sheegeysaa in heshiiskii Baydhaba kadib, ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadeen seddax shuruudood oo cusub, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay la yimaadaan shirka Muqdisho, waxayna kala yihiin. 1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo Warqadda xil-gaarsiinta. 2 –In wixii sharciyad oo la ansixiyay 27-kii bishii December kadib, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka in laga laabto. 3 –In amniga doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo. Dhanka kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, waxaana la sheegay in ugu dambeyn ay dalka dib ugu soo laabanayaan Arbacada soo socota, si ay uga qeyb galaan shirka.