Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa qoraal uu baraha bulshada kusoo qoray ku sheegay inuu rajeynayo shirkii go’aanka looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka in lagu qaban doono Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan. Sidoo kale afhayeenka wuxuu qiray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble uu rajeynayo in lasii wado wadahalladii u dhaxeeyay dowladda iyo midowga musharaxiinta si gudu iyo si gaar ah, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka. Qoraalka uu afhayeenka soo dhigay twitter-ka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa u qoran sidaan: “Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka dhaco shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020, sidoo kale mudane Mohamed Xuseen Rooble wuxuu rajeynayaa iney sii socdaan wadahallada uu la lahaa musharaxiinta madaxweynaha si guud iyo si shakhsi ahba, si loo gaaro heshiis loona aado doorasho sida ugu dhaw” Hoping soon the upcoming summit btw the leaders of the FGS & FMS to be held in #Mogadishu to finalize the17 September 2020 Agreement, H.E @MohamedHRoble wishes to resume talks with Presidential Candidates both in general & in person ,to reach an agreement & go to elections soon. pic.twitter.com/GiTTJPnF6s — Mohamed Ibrahim Moalimuu (@MOALIMUU) March 7, 2021 Hadalka kasoo yeeray xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilii uu fashil ku dhamaaday shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, taasoo sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta ka gudbi waayay qodobo ay soo jeediyeen midowga. Midowga waxey ku eedeeyeen Rooble inuusan aheyn qof ay taladu ka go’do, balse waxaan la ogeyn hadii ay mar kale midowga ku qanci doonaan iney la fariistaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa.
  2. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir ku saabsan xallinta muranka doorashooyinka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shirka lagu dhammaystiri doono Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September Muqdisho lagu saxiixay. Sidoo kale, wuxu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble diyaar u yahay in uu sii wado kulamadii u dhexeeyay isaga iyo murashixiinta mucaaradka ah si loo gaaro heshiis iyo af-garad buuxa, islamarkaana dalku doorashu u aado. “Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada oo shir uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya inuu beri Muqdisho imaan doono madaxweyne Axmed Madoobe, halka Siciid Deni oo isna soo gaari doono maalinta Taaladada ah. Labada hoggaamiye ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhammaadka todobaadkan ka furmayo Muqdisho. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacaya xarunta Xalane, iyadoo doodo adag ay yeelan doonaan dhinacyada ka qeyb-galayaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli laísku hayaa hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. View the full article
  4. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqay inay Doorashooyinku si cadaaladi ku jirto dalka uga wada qabsoomaan, waxaanu ka digay in la musuqo, isagoo sharci daro ku tilmaamay in la xidho Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka iska soo sharaxay. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Komishanka Doorashooyinka waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu rabnaa inaynu qabsano Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaynu rabnaa in saddexda Xisbi si siman oo caddaalaadi ku jirto u tartamaan, waxaynu rabnaa in Musharixiintu hankooga Musharixinimo xor u ahaadaan, oo hadba Xisbiga ay doonaan iska soo sharaxaan, laakiin waa sharci-daro ah in Musharixiin ka sharaxan Xisbiyada Mucaraadka la xidho, in xabsiga loo taxaabo, in xorriyadda laga qaado, iyo in la isku dayo in la iska hor taagno hankooga musharaxnimo ee Xukuumaddu ha iska ilaaliso wax kasta oo mugdi iyo shaki galinaya Doorashooyinka iyo qabsoomidooda”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka masuuliyad culus baa saaran, waxaana laga rabaa inay Masuuliyadaas saaran sida ugu haboon uguna cadaalada badan uga soo baxaan, waxaa kale oo laga rabaa inay si cadaaladi ku jirto dhex ugu ahadaan Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa heer gaba-gabo ah, ayada oo muddadii ay socotay wajahday xaalad adag oo marar badan sababtay inuu hakad galo dhismaha jidkaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayso shirkad Turki ah. Intii uu socday dhismaha wadadaas ayaa waxa ku naf waayey injineero iskugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo ka wada-shaqeynayay dhismaha wadadaas, waxayna hanjabaado iyo weeraro joogto ah kala kulmeysay kooxda Al-Shabaab. Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose ayaa ah waddo muhiim ah oo sahleysa isku socodka dadweynaha, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysa isku xirka gobolka Banaadir iyo shabeellaha Hoose. Dhamaadka bishii January ee sanadkaan ayey aheyd markii Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee ka shaqeynayay dhismaha wadaas lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga sida ka muuqata sawirada hoose.
  6. Xoghayaha Fulinta ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD) H.E. Dr Workneh Gebeyehu ayaa maanta Nuur Maxamuud Sheekh u magacabay Afhayeenka Urur gobaleedka IGAD . Nuur Maxamuud Wuxuu muddo 30 sano ah ka shaqeeynayay howlaha xagga diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta, ilaalinta qaxootiga, iyo arrimaha bani’aadamnimada. Magacaabistaan ka hor, Nuur wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyey Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ee Koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka mid ahaa kooxdii dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskii nabadeed ee Sebtember 2018. Nur Xirfadihiisa shaqo waxa uu arkay isaga oo la falgalaya qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo waxqabadka faragelinta heer qaran iyo heer gobol iyada oo la kaashanayo ururada dhinacyada badan leh; IGAD, AU, EU iyo UN ”, ayuu yiri Dr Workneh . Nuur Maxamuud Sheekh waxa uu sidoo kale doorweyn uu qaatay xoojinta wadashaqeynta Dowladaha iyo hay’adaha dhinacyada badan IGAD. Mr Sheekh wuxuu shahaadada sare ee Colaada iyo Horumarka ka qaatay Iskuulka Cilmiga Oriental iyo African Studies ee Jaamacadda London. Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay jirto Qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinaca Xukuumadda ah, taasina tahay waxa dalka dib uga dhigay inuu horumar muuqda sameeyo. Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in lixdankii ay Hoggaan xumo kharibtay Shacabka Somaliland, maantana ay Somaliland ka jirto Hoggaan xumo Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Lixdankii waxa ina kharibay waxay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo.” Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dhaliilay habka loo Magacaabo Wasiirrada iyo Wasaaradaha “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, ta dhaqaalaha, ta Bulshada, ta difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay yooyootan, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii..” Source
  8. MOGADISHU (HOL) - The African Unio Mission in Somalia (AMISOM) has mourned the death of its founding ambassador Nicolas Bwakira and praised him for his role in building the foundation of the African Union sanctioned force which has been operating in Somalia for over a decade now. Source: Hiiraan Online
  9. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has mourned the death of its founding ambassador Nicolas Bwakira and praised him for his role in building the foundation of the African Union sanctioned force which has been operating in Somalia for over a decade now. Source: Hiiraan Online
  10. Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay Midawga Musharixiinta iyo Xukuumadda xilgaarsiinta . Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah midawga musharixiinta ayaa shegay in si xal loo gaaro loo bahan yahay in ay sii socdan Wadahadalada. Qoraal uu soo dhigay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayuu ku sheegay in la rabo in arrinta ay miiska wada hadalka ku dhamaato. “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro.” Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in mar dhaw la qaban doono shir ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka Si loo dhameeystiro Heshiiskii 17-September. Moalimuu ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe dib loogu furayo wadahadaladii Fashilmay . Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri ” Waxaan rajeyneynaa in mar dhow shir madaxeedka soo socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobaleedyada uu ka furmo Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. “Maxamed Hussien Roble wuxuu doonayaa inuu dib u bilaabo wadahadalkii uu la lahaa Musharixiinta Madaxweynaha guud ahaan iyo shaqsi ahaanba, si loo gaaro heshiis isla markaana loo galo doorashooyinka dhowaan.” Hadalka labada dhinac ayaa ku soo aadaya xilli 48-saac ee la soo dhaafay xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan laheyn Jiho loo raaco. Source: goobjoog.com
  11. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay abaarta ka jirta Gedo. Ugu horreyn Sayid Aadan ayaa shaaciyey in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Gedo, islamarkaana ay ka taagan tahay abaar saameysay dadka iyo duunyada. Sidoo kale wuxuu baaq u diray hay’daha samafalka ee ka howl-gala Jubbaland inay gurmad bani’aadanimo gaarsiiyaan qoysaska ku dhibaateysan halkaasi. Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo yeereysay qeylo dhaan ku aadan xaalad biyo laáan ah iyo mid nololeed intaba. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho. Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto. “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri. “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.” Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida. “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah. “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne. Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo. “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid. Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka. “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa. Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin. “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. VOA
  13. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray deegaanka Feer-feer ee Gobolka Hiiraan. Wafdiga Guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ah Duqa Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan iyo Ganacsato. Wafdigaasi waxaa soo dhoweyn heerkeeda sareeya gudaha degmada Feer-feer ugu sameeyay qeybaha bulshada deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Feer-feer ka daah furi doona mashaariic horumarineed. View the full article
  14. Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la kulmo la-taliyeyaashiisa siyaasadda. Laba-bogleyn ku saabsan ka sii mid ahaanshaha Midowga Murrashixiinta ayaa soo foodsaartay madaxweynihii hore. Sanadkii 2016 wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inay si “qeyrul mas’uulnimo u sahladeen baddeennu inay baxdo…” Wuxuu ku tilmaamay labada siyaasi kuwo aan u qalmin inay u tartamaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya. Miyuu isbeddelay? 2016kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dibindaabyo qaran. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u ekaanayaa siyaasi dadka been u sheegayay 2016kii hadduu maanta madal kala soo muuqdo Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo aamminsan inay u qalmaan in loo doorto Madaxweyne” ayuu yiri Aweys Cali, oo ah bare ku sugan Afgooye. “La-taliyayaasha Xasan Sheekh laba arrimmood mid uun waa inay kula taliyaan Xasan Sheekh. Inuu ka tanaasulo murrashaxnimada ama inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Puntland Post ka codsaday inay xigato magaciisa oo aan la sheegaynin. Midowga Murrashixiintu waxay u badan yihiin xubno aan ku mideysnayn siyaasad dhaafsiisan in xukunka lagala wareego Madaxweyne Farmaajo. Waxay ku hungoobeen codsi ay u direen xildhibaannada Digil & Mirifle oo ka biyodiiday xubinnimada Shariif Xasan Aadan, oo ay u arkaan inuu bahwadaag siyaasadeed la yahay Aala Sheekh iyo Damuljadiid, laba kooxood ay xildhibaannada beeshu u arkaan “kuwo aan lahayn barnaamij siyaasadeed danta qaranka Soomaaliyeed ku qotoma”. © Puntland Post, 2021 The post Xasan Sheekh Maxamuud oo ka fiirsanaya inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta appeared first on Puntland Post.
  15. Burundian diplomat Amb. Nicolas Bwakira who held senior positions at the UN High Commission for Refugees from 1970 to 2002, and the African Union’s Special Representative for Somalia has passed away Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-732021.mp3 View the full article
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay Musharaxnimada uu darteed uga tagay xilka muhiimka ah. Faratoon ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi uu uga tagay sidii uu ugu ololeyn lahaa Kursiga Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas oo uu sheegay inuu u sharaxan yahay. “Hadda waan is casilay, waxaana iskaga casilay xilkii aan qaranka u hayey oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in aan isku soo sharaxo xilka Golaha Wakiilada, gaar ahaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan u sharaxan nahay, Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa inuu iga gudoomo is casilaada,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inuu ku guuleysanayo jagada Golaha Wakiilada, islamarkaana uu hubo inuu hananayo kursiga ugu sarreeya golahaas ee Guddoomiye-nimada, xili aan weli loo dareerin doorashada xildhibaanada golaha. “Markasta dalkayga iyo dadkayaba si daacadnimo iyo dadaal ku jiro ayaan ugu soo shaqeeyey, haddii noqoto Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashadaba, insha allaah waan ugu shaqeeyn doona”. Hadalkan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu dabada ka riixayo musharaxnimada Faratoon, islamarkaana uu la rabo inuu ka dhigo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland. Faratoon ayaa xilkii Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u baneeyay si uu uga madax banaanado ololaha musharaxnimadiisa, wuxuuna door weyn kasoo qaatay dadaalka ay Somaliland ku baadi-goobeyso madax-banaanida ay ku doodo.
  18. ka qaybgal Qoraalkii ugu horreeyay ee Twitter la soo dhigay oo malaayiin dollar lagu iibinaayo Jack Dorsey Jack Dorsey oo kamid ah dadkii wax ka bilaabay shirkadda Twitter ayaa sheegay in uu iibinayo qoraalkii ugu horreeyay ee uu soo dhiga bartaas. Wuxuu doonayaa in looga iibsado 2.5 malyan oo doolar. Wuxuu qoraalkaas soo dhigay Twitter-ka bishii March ee sanadkii 2006-dii, kaas oo u dhignaa sidatan, “Waxaan ka shaqeynayaa sidii aan u sameysan lahaa bogeyga Twitter-ka” Qofka iibsada qoraalka waxaa la guddoonsiin doonaa shahaado casri ah oo uu ka saxeexan yahay magaca Dorsey iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan qoraalkii ugu horreeyay iyo xilliga rasmiga ah ee lasoo dhigay Twitter-ka. Qoraalka ayaa isaga jiri doonaa Twitter-ka xitaa haddii la iibiyo. Article share tools Qaran News
  19. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladda oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir. Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqank Golaha Wakiillada DPL. “Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Alle naxariistii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha Wakiillada, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntland ” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cali Dhahar oo aas Qaran loogu sameeyay Badhan appeared first on Puntland Post.
  20. Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku warejisay xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Soomaaliya. War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Soomaaliya lagu wareejiyay xarun tababar oo uu dhisay turkiga taas oo ku taalla Muqdisho . Xiriirka ka dhexeeya Xukuumadda Ankara iyo waddanka Geeska Afrika ayaa 10-ki sano ee la soo dhaafay ahaa mid kor u kacayay kadib booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011, taasoo ka dhigaysa inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah. Iskaashiga dhanka militariga ka sokow, Muqdisho iyo Ankara waxay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale. Turkiga wuxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga. Source: goobjoog.com
  21. Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kormeer shaqo oo afar maalmood qaatay ku tagay deegaanada Waqooyi ee magalada Kismaayo, deegaanada uu Madaxwayne ku xigeenku kormeerka ku tagay ayaa waxaa ka mida Sanguuni,Wirkooy, Buulaguduud Yoontooy iyo Goobwayn. Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanadaas. U jeedka kormeerkaan ayaa darnaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada iyo maamulada deegaanadaas oo uu kala hadlay xaaladda guud, isagoona warbixinno kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada. Jubbaland ayaa sidoo kale gaarsiisay gurmad raashin ah oo lagaga jawaabayo abaarihii ka dhacay deegaanada uu madaxweynahu kormeerka ku tagay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo booqday xeryaha Ciidamada dowlada Federaalka appeared first on Puntland Post.
  22. Tani waa sheeko sawir muhiim ah ka bixineysa Halista Tahriibka iyo doorka ay Mukhalisiinta ku leeyihiin ku hoobashada ay dhallinta ku hoobtaan jidkaas halista badan. Tebintii: Ifrax Axmed, TRS Tahriibku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee xilligan ay dunida wajaheyso, waxaana ku dhamaada dhallinyaro u badan hanaqaad oo naftooda halis galiya iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadaan amni darro ama duruufo shaqo la’aan ah oo galiya niyad jab ay naftooda halis ku galiyaan. Barnaamijyo taxane ah oo lagu soo bandhigayo Halista Tahriib, kuwaas oo ay soo bandhigtay The International Emerging Film Talent Association (“IEFT”), ayna soo saare ka tahay Ifraax Axmed oo ah ololeeye Soomaaliyeed oo aad loo qaddariyo ayaa waxaa ay diiradda saarayaan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa Halista dhabta ah ee Tahriibka iyo sheekooyinka naxdinta badan ee laga warinayo dadka ka soo badbaaday tahriibka. TAHRIIB – BUUFIS KHATAR AH Tahriibku waa buufis khatar ah oo halis galiyo nafta qof walba ee tahriiba. Waxaa dhacda in tahriibayaasha iyaga oo silac badan maray, haddana, ay ku dhintaan tahriibka oo ay u rumoobi weydo riyadoodii aheyd in ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay ka tahriibayaan. Ama iyaga oo rafaad badan soo maray inay doon raacaan oo ay badda kula qalibanto. Intii dhimatay mooyee inta badbaadday in dib loogu soo celiyo halkii ay doonta ka raaceen markii hore. Taasi waxay u horseeddaa niyad jab kale oo hor leh, kaas oo keeni kara inuu qofku galo xaalad adag. Waxaa jira kooxo loogu yeero muqalisiin kuwaas oo dhallinyarada ku qanciya in ay tahriibaan, kaddib markii ay magafayaasha u gacan galaan lacagta ay madaxfurashada u qaataan magafayaasha ayaa qeyb yar laga siiyaa muqaliska. Ridwaan waa wiil Soomaaliyeed oo tahriibe ah, kaas oo ka tahriibay magaalada Boorama kaddib markii uu dhiirigalin ka helay saaxiibadiis horey u tahriibay oo nasiibka ku saaciday in ay ka gudbaan jidkaas halista badan ee isugu jiray saxaraha, magafayaasha iyo badda. Ridwaan waxaa uu sharaxayaa sida uu ku baxay isaga oo aan la tashan waalidkiis iyo dhibaatada ka qabsatay markii uu u gacan galay magafayaasha. “Markii aan tahriibay ee la i qabsaday ayaan qoyskeyga u sheegay in aan tahriibay oo nimankii magafayaasha ahaa gacantooda aan ku jiro, magafayaasha in markiiba lacag horey laga soo diro ayey rabeen, dadkaygiina way ku adag tahay oo lacagtii ma hayn, muddo ayaa la i heystay aadna la ii silcinayey. Muddadaas la i heystay ee la i silcinayey waxaan ku maaweelinayey magafayaasha in ay lacag soo socoto, waxaan u sheegayey in qoyskeyga ay lacagta soo diri doonaan, balse waa la i jirdilayey mar walba waxaa la i lahaa la hadal qoyskaaga, waanse iska adkeysanayey maadaama aan ogaa in qoyskeyga aysan lacagta si deg deg ah u soo diri karin, waana xanuun xiskeyga aad saameyn ugu leh illaa hadda” Ifraax Axmed waxaa ay koox tahriibayaal ah dhex dhigtay su’aal ah sida ay u arkaan dhibaatada uu ka sheekeeyey Ridwaan. “Waxaa uu nala wadaagay waa dhibaatooyinka tahriibta qayb ka mid ah uun, waana dhibaato xanuun badan oo dareen xanuun badan xambaarsan” Tahriibe ayaa yiri Hooyo Soomaaliyeed oo qudheeda horey tahriibka u saameeyey ayaa tiri “Tahriibku waa dhibaato dhallinyarada heysata, saaxiibadood Yurub tagay ayaa u soo diraya sawiro qurxoon oo ah halka ay Yurub ka joogaan, taas ayaa ku dhiirri galinaysa in ay halista u bareeraan. Dhibaatada kale ee jirtana waa in aysan waalidkood u sheegayn marka ay tahriibayaan, waa ay ka dhuuntaan waalidka wada tashi la’aan, waalidkooda lacag ha hayo ama yuusan heyn dhalinyarada way iska dhuumataa, marka ay magafaha u gacan galaan uun ayey soo ooyaan” Tahriibe kale oo isaga qudhiisa soo arkay xanuunka uu ka sheekeeyey Ridwaan mid la mid ah ayaa yiri “Tahriibku waa arrin dhib badan, waayo qofka wuu iska socdaa, waddamo uusan u dhalan ayuu sifo sharci darro ah ku galaa, halistuna way weyn tahay, qof kastana wuu og yahay” Hooyo Soomaaliyeed oo la tahriibtay lix carruur ah oo ay dhashay ayaa iyadana ka sheekeysay dhibaatada ka qabsatay Tahriibka. “Aniga oo lix ciyaal ah wata ayaan jidkaas dhibka badan ka soo gudbay oo Ilaahey Masar i keenay, waxaan ka soo tarhiibaySoomaaliya, waxaan soo maray Itoobiya, Suudaan illaa Masar. Markii aan Masar nimid oo ay carruurteydii waxay arkeen in ay doomo Tahriib ah ka baxaan halkan, way igu ooyeen oo waxay rabeen in aan u fasaxo oo ay doonta isku biimeeyaan, waan ka diiday. Been ayaan ku maaweeliyaa wiilasheyda, UN ayaa na qaadi doona ayaan ku dhahaa”. SAFAR DILAA AH Tahriibku waa safar dilaa ah oo qatartiisuna la isku wada raacsan yahay, waxaana ku lug leh laba koox oo qawleysato ah oo kala ah Muqalisiin dadka been u sheega, dhiirrigaliya, una dira tahriibka iyo magafayaal dadka qabsada, ciqaaba, ugu xadgudba si daran, kana qaata lacag kumanaan doolar ah ah oo madaxfurasho, taas oo ay qeybsadaan iyaga iyo muqalisiinta. “Xanuunka uu tahriibku leeyahay waxaa ugu weyn in aad ku dhimato, waxaana ugu yar in ay ku diloodaan gaajo iyo harraad, waxaanse intaas ka sii daran in gabdhaha la kufsado, ragga iyo dumarkaba la jir dilo, la silciyo, haddana lacag madaxfurasho ah laga qaato” Ayuu yiri Tahriibe kale “Meesha ugu xun ee loo tahriibo waa Liibiya, silcinta xad dhaafka ah waxaa ka daran in sheekooyinka kale ee xanuunka badan ee laga soo warinayo. Qof harraaddan oo biyo waydiistay qof kale ayaa gacanta looga jabiyey, yacni biyo aan nafta ku ceshado isii qof aad dhahday inuu gacanta kaa jabiyo wax ka arxan darro badan ma jiraan” Tahriibka oo ay maraan kummanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah waxaa laga soo wariyaa sheekooyin xanuun badan oo aan la dhegeysan karin, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dadka lagu hayo meel saxare ah oo aad u kulul, iyaga oo aan cunto iyo biyo la siineyn, kaddibna habeenkii lagu hayo meel ay ka dhacayaan dabeyl aad u qabow, siigo guurguureysa iyo masas ciidda la socda oo dad dil ah, kuwaas oo galiya nafta tahriibaha. SABABAHA QASBA TAHRIIBKA EE U BAAHAN IN WAX LAGA QABTO Dadka tahriibka xanuunkiisa soo arkay ee kaddibna geeridiisa ka soo badbaaday waxaa ay ka sheekeynayaan dhibaatooyin uusan maanku xamili karin oo dhegeysigooda laga qaado qalbi xanuun. DHibaatooyinkaas oo isugu jira kuwo tahriibayaasha qaar ku qasbay in ay dalkooda ka cararaan iyo kuwa ay kala kulmeen jidkii ay ku tahriibeen iyo halkii ay tageen, waxaase ka sheekeeya Tahriibayaasha geerida ka badbaaday. Tahriibe ku sugan Masar ayaa ayaa Ifraax Axmed uga sheekeeyey dhibaatada ku qasabtay inuu tahriibo iyo silaca uu ka maray tahriibka. “Aniga waxaa igu kallifay in aan soo cararo waa markii la ii hanjabay, kaddibna la isoo weeraray, si la ii dilo, waalidkeygana waa la dilay” “Waa la i dili lahaa haddii aan sii joogi lahaa dalka, Ilaahey ayaa nafta haya, laakiin in aan noolaan lahaa ma filayo. Waayo aniga oo dhaawac ah oo aan heysan fursad aan isku daweeyo ayaan Muqdisho ka soo cararay, waxaa qarax lagu dilay hooyadey, waxaa la ila afduubay walaalkey kaddibna la dilay, aniga oo dhaawac ah ayaan soo fakaday. Waxaa intaas ka daran, 30 tahriibe ayaan Suudaan ku soo galnay, dhammaantood tahriibka ayay ku dhinteen, aniga kaliya ayaa ka nool soddonkii” GUNAANAD Tahriibku waa jid khatar badan oo qofka tahriibay u uku galo halis badan oo ay ka mid tahay in la dilo, inuu saxaraha ku dhinto, in lacag madaxfurasho ah laga qaato, in la kufsado, inuu badda ku dhinto, in la ciqaabo oo baco la dhalaaliyey lagu gubo, in la silciyo oo xubnaha jirka laga naafeeyo iyo in uu qofka galo xaalad waalli ah oo uusan mar danbe miyir yeelan. Waxaa waajib ku ah dowladda iyo maamulgobaleedyada dalka in ay ammaanka sugaan, dhalinyaradana shaqo u abuuraan. Waaliddiintana waxaa ku waajib ah in ay carruurtooda ka waaniyaan tahriibka. Hormuudka bulshadana waxaa ku waajib ah in ay qaadaan olole dadka lagu wacyi galiyo si loo joojiyo halista tahriibka. =Dhamaad= View the full article