-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa goordhow ilaa afar hoobiye ay ku dhaceen xerada Xalane ee saldhigga u ah hey’adaha shisheeye. Xerada ayaa isku diyaarineysa iney marti geliso Shirka madaxa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war Murtiyeedka guddiga Farsamada ee Baydhabo 15-16 bishii Hore Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay. Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhawaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka soo qeybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo Source
-
Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xalane oo ah Bogcada Safaaradaha & Hayadaha Caalamku ka degan yihiin Muqdisho War goordhow warbaahintu heshay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa warbaahinta u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Qaran News
-
Ugu yaraan illaa 25 ka mid ah Al-Shabaab ayaa la dilay, 15 kalena adhaawacyo ayaa soo gaaray kadib duqeyn lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha Xoogga dalka. Sarreeyo Guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gal saacado qaatay lagu dilay sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howl-galadan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku guddoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubbaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool. Shirka waxaa madaxweynaha kala qeyb galay guddi gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha. Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala guddaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka dowladda Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubbaland ay ka kooban tahay. View the full article
-
Xili maalinta Beri ah lagu wado inuu furmo Shirka Wadatashiga Madaxda Soomaaliya ayaa maanta la weeraray Xerada Xalane oo hooy u ah Beesha Caalamka. Dad ku sugan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in uhu yaraan 7 Madfac ay ku dheceen Xalane. Lhasaaraha ka dhashay weerarka lama dhaacin ilaa hada , Ciidamada Amisom oo gacanta ku haya Amaanka Xalane iyaguna wali kama hadal weerarkaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking — Xerada Xalane oo Hoobiyayaal lagu garaacay appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu galabka soo gaaro caasimadda Muqdisho Waxaa saaka diyaar gaar ah ku yimid ilaalada Madoobe oo aad ugu labisnaa hub, waxaa ayna taasi sii xoojisay sida aaney ugu kalaooneyn amniga Villa Somalia. Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy. Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo. Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka. Source: goobjoog.com
-
Weerar culus oo hoobiyaal ah ayaa goor dhowayd lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan, in ilaa lix hoobiye lagu duqeeyay Xarunta Xalane, inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah, kuwaas oo Al-sahbaab sheegteen. Waxaase xusid mudan in weerarka aysan weli cidna sheegan . PUNTLAND POST The post Madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-932021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah.
-
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biirtay ciidamada cirka ee Itoobiya Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay. Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan. Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen. Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan ayaa BBC u sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada. Qaran News
-
Nin Soomaali ah oo uu ku nool waddooyinka Faransiiska+Sababta ku keliftay? Nin Soomaali ah oo ku nool dalka Faransiiska ayay danta ku khasabtay in uu ku noolaado waddooyinka dalkaas kadib markii labo dal ka tirsan Yurub ay u diideen inay magangelyo siiyaan, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu. Axmed Maxamed ayaa Anadolu u sheegay in Faransiiska uu diiday in magangelyo uu siiyo kadib markii 2 sano uu sugayay codsi uu dirsaday isla markaana waxaa xoog looga saaray xarun la geeyo dadka magangelyada la siiyo. Wuxuu sheegay in Belgium ay meesha ka saartay codsi uu uga raadinayay magengelyo, muddo 11 bilood ah ayuu ku sugnaa xeryo ciriiri ah oo ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah. Wuxuu intaas ku daray in kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda racfaanka balse mar kale loo diiday in magangelyo la siiyo, sanadkii 2017-kii ayuu dib ugu soo laabtay Faransiiska. “Waxaan ku suganahay xaalad daran, waxay iiga tageen in aan ku noolaado waddooyinka xilliggan uu dunida saameeyay cudurka safmarka ah, nolosheyda halis ayay ku jirtaa, dib ugama laaban karo dalkeyga” ayuu yiri Maxamed oo u warramayay wakaaladda wararka ee Anadolu. Qaran News
-
Gudiga gurmadka abaaraha Degmada Baladxaawo Ee Gobalka Gedo ayaa bilaabay biya dhaamin loogu gurmanayo dadka xool dhaqatada ah ee ay abaarta saamaysay. Iyadoo inta badan Gobalka Gedo ay ka jirto abaar baahsan taasi oo saamaysay dadka iyo duunyada ayaa waxaa maanta gudiga gurmadka abaaraha degmada Baladxaawo ay 17 booyadoodoo oo biya dhaamin waxa ay ka amba bixiyeen degmada Baladxaawo si loo bad baadiyo dadka iyo duunyada kudhaqan deegaanada miiga ee gobolka gedo kuwaasi oo kujiro xaalad bini aadan nimo. Gudiga ayaana ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dadka muxsiniinta in ay usoo gurmadaan dadka reer guuraaga ah oo u dhimanayo haraad iyo gaajo kuwaasi oo u baahan gar gaar bini aadan nimo. View the full article
-
Qaar ka mid ah deeganada Hoostaga magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga soo warinaya in ay ka jirto Abaar aad u daran . illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Seddax ruux oo isugu jira carruur iyo dad da’ah ayaa Haraad iyo baahi ugu dhintay deegaan hoos taga degmada Raage ceelle . Laba carruur ah oo mid ka mid ah uu yahay 7 jir , halka midka kale uu jir 13 sano iyo qof da’ah ayaa la xaqiijiyay in ay 48 saac ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen deegaana hoostaga Raaage Ceelle Xasan Weli oo ka mid ah dadka deegaanka Raage ceelle ayaa GoobJoog uga waramay xaaladda deegaanka isagoo sheegay in xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto deegaanka Raage Ceelle iyo deegaanada . Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xassan Weeli https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/03/wareysi-dad-ku-dhintay-raage-ceelle-.mp3 Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu iskasoo hor mariyey ilaaladiisa Gaarka ah, iyaguna Muqdishuu kusoo wajahan yahay, si uu kulamo hordhac ah ula qaato Mudharixiinta amadaxwwynaha Soomaaliya. Shirka Wadatashiga Doorashada ee beri ka furmaya Muqdisho wuuu ka duwan yahay Kuwii hore, Kolkaan waxaa goobjoog ahaanaya oo markhaati ahaan u joogi doona Xubno ka socda Beesha Caalamka , waxaana sidaas dalbadey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa hada la diyaariyey Teendhadii lagu shiri lahaa, Ee Sawirada hooos ka daawo The post Sawiro Ciidamada Jubbaland oo gaaray Muqdisho iyo Goobta Shirku ka dhacayo appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinka danbe maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qayb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho. Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynw Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy. Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo. Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maalmaha soo socda ka dhacaya Teendhada Afisyooni. Mahad Salaad ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo shaaca ka qaaday inuu fashil u horseeday dalka & doorashada. Xildhibaanka ayaa tilmaamay Madaxweyne Farmaajo uu kala irdheeyey dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ku eedeysan dambiyo dagaal, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray shirka ka dhacaya Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay 4 sano uusan laheyn agaasinkiisa, ayna amnigiisa sugayaan ciidanka Amisom. “FARMAAJO 4 SANO KADIB: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirkaasi oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, islamarkaana looga hadlayo doorashooyinka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo aad u habeysan ayaa wata illaa saddex Cabdi Bile oo loo sii diyaariyey, waana ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe. Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro Axmed Madoobe, iyada oo soo dhoweyntiisa laga dareemayo garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa haatan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, kuwaas diyaar u ah soo dhoweynta waftiga madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacayo Teendhada Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay madaxweyne Farmaajo. Shirkan wada-tashiga ah oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka, iyadoo sidoo kale magaalada Muqdisho uu imaanayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.
-
(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa kooxda reer Yemen ee Xuuthiyiinta ku eedaysay duqeyn Axadii shalay lala beegsaday kaydka shidaalka ee ku yaal dekada Ras Tanura ee Bariga Boqortooyada Sacuudiga. Ma jirin khasaaro weyn oo ka dhashay weerarkaasi oo loo adeegsaday Drone bambaano lasoo saaray sida ay sheegeen warbaahinta Sacuudiga. Goobtaasi la duqeeyey oo kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kaydka batroolka ee shirkada Sacuudiga Aramco, waana weerarkii ugu weynaa oo sanadkan lala beegsado xarumaha shidaalka ee Sacuudiga. Source
-
(SLT-Khartoum)-Raysal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay duhurnimada maanta booqasho ku tagaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh. Waftigaasi waxaa qeyb ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Qorsheynta Dhaqaalaha, Beeraha, Maalgashiga Caalamiga, Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi. RW Xamduuk waxaa jadwalka safarkiisa ka mid ah inuu kulamo la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS) iyo Ma’uuliyiin kale, halka Wafdigiisa Wasiirada ay kulamo la yeelan doonaan dhigooda Sacuudiga. Madaxda Labada dhinac waxay isla gorfeyn doonaan Xiriirka Taariikhiga ee labadooda dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada Ammaanka iyo Deganaanshaha labadooda Waddan ee walaalaha ah. RW Sudan waxaa la sheegay inuu Sacuudiga ka dalban doono inay kordhiyaan Taageeradda Dhaqaale iyo midda Farsamo ee ay Sudan siiyaan, inkastoo uu dhaqaalaha Sacuudiga beryahan saamayn ku yeeshay Duqeymaha Kooxda Xuutiyiinta Yemen ku hayaan Xarumaha Shidaalka ee halbowlaha u ah Dhaqaalaha dalkaasi. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laalay duqeynta diyaaradaha aan cidnka wadin ama drone-ka ay ka sameeyaan goobo aanu Mareykanka dagaal uga jirin, siyaasaddan oo ka duwan madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, ninka dambe ayaa ogolaaday iney Mareykanka duqeeyaan meel walba oo ay ku jirto Soomaaliya. “Sida ku cad warbixin soo baxday, duqeyn kasta oo la xiriirta drone-ka oo ka dhan ah Islaamiyiinta ku sugan meel ka baxsan Afghanistan, Syria iyo Iraq, waxaa in ay ogolaanshiyo ka heysataa aqalka cad’ sidaa waxaa isniintii sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. Arrintan ayaa loo sameeyey sida la sheegay inuu madaxweynaha la socdo tallaabo kasta oo arrimahan la xiriira. Drone-ka Mareykanka waxaa ay fuliyeen 52 weerar 2020, 63 sanadkii 2019, 47 oo ahaa 2018, iyo 35 sanadkii 2017, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle), ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo sarkaal ka tirsan Booliiska Puntland oo keligiis soo saaray awaamiir ku saabsan sugidda Amniga Garoowe, taas oo aysan dowladdu ogayn. Taliye Degelle ayaa amar ku bixiyay sheelada lagu tuuro Axmed Maxamuud Cali oo ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, kadib markii lagu eedeeyay in uu go’aan iskiis ah ku sheegay in qof kasta oo ka safraya Garoowe uu damiin keeno, si loo fasaxo safarkiisa. Puntland Post waxay ogaatay in haatan sarkaalkaas ay xabsiga dhigeen Booliiska, kadib markii su’aalo laga weydiiyay amarka uu soo saaray, oo sida la sheegay keligiis ku koobnaa. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal sheegay in damiin laga rabo qof kasta oo ka safraya Garowe appeared first on Puntland Post.