Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1032021.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.” Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow. Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi. Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii. Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya
  3. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa caawa ku geeriyooday Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku meelgaar ah burburkii kadib. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo u liitay maalmihii la soo dhafaay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne hore Cali Mahdi. Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii 1938. Wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, 1959 ayuu dalka Masar u aaday waxbarasho. Sanadkii 1969 ayuu isagoo aad u da’yar ka mid noqday Baarlamaankii Soomaaliya. Cali Mahdi wuxuu muddo ka shaqeynayay wasaaradii caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna noqday Agaasime guud. Sanadki 1977 ayuu Cali Mahdi ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey 1977 iyo 1990 wuxuu ahaa ganacsade caana. Siddeetamaadkii Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya. 1991 wuxuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, wuxuuna xilkaas ku magacownaa tan iyo Jun 1995. Cali Mahdi mudadii uu madaxweynaha ahaa waxaa dagaalo lagu huubtay ay dhexmareen isaga iyo Gen. Maxamed Faarax Ceydiid oo rabay in uu xilka xoog uga qaado. Cali Mahdi wuxuu xilkii ku madaxweyne ku wareejiyey shirkii Soomaalida Carta ee 2000. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.
  4. MOGADISHU (HOL) - Former Somali president, Ali Mahdi Mohumad has died of Covid-19 in Nairobi, the capital city of Kenya. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynahii 4-aad ee Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyoodey Nairobi. Taariikhdiisa oo kooban! Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Jowhar 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal tacsiya u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladii Marxuum Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Galabta geeriyoodey. Madaxweynaha Puntland isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo kan Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka tacsiyaynayaa Geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. “Wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed, Wuxuu Nabadoon Soomaaliyeed , Wuxuu kaalin mugweyn kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, Waxaa lagu xasuusanayaa taariikhdiisa uu iga tagay Shacabka Soomaaliyeed, maalmihii u dambeysay Gurigiisa wuxuu ahaa mid ay taalay Gogol badan oo Dalka Xal loogu raadinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka ayuu tacsi u diray Qoyskii, Ehelkii iyo Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. Wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Inuu ka waraabiyo Janadii Fardowsa, Aaaamiiin Aaaaamiiin aaaaamiiin The post Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi appeared first on . Source
  7. Illaahay ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Galabta geeriyoodey, Isaga ok 81 jir ah, Ehelada Madaxweynaha ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey. Illaahay ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi ayaa maalmahaan xanuunsanaa, wuxuuna maanta ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho. Dhamaan Howlwadeenada iyo Maamulka Warbaahinta Puntlandi.com waxay Tacsida la wadaagayaan Caruurtii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Dhacabka Soomaaliyeed, Marxuumkana Waxaan Illaahay uga baryaynaa Jano waarta. Aaaaamiiin Aaaaaamiiin The post Deg Deg Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyoodey appeared first on . Source
  8. (SLT-Nairobi)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu cisbital ku jiray. Source
  9. Allaah u naxariisto waxaa goordhaw magaalada Niarobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahadi Maxamed . AUN madaxweynaha ayaa muddooyinkii u danbeysay ku xanuunsanayay dalkaas. Cali Mahadi Maxamed ayaa dhashay 1 January 1939 . Madaxweyne Cali ayaa 26 January 1991 loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya kadib markii uu dalka ka tagay Maxamed Siyaad Barre . Waxa uu sidoo kale December 1997 uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixday Heshiiskii Qaahira . Cali Mahadi ayaa ahaa rug caddaa Siyaasadeed iyo Oday dhaqan. Source: goobjoog.com
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu isbital ku jiray. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1032021.mp3 View the full article
  12. (SLT-Hargewysa)- Maamulihii qaybta Habalaha ee Dugsiga Sare ee Salaama, Nuur Cumar Iidaan ayaa la xidhay. Gelinkii Hore ee Maanta ayaa waxa Isna la xidhay Maamulihii Guud ee Dugsiyada Salaama, Siciid Faarax Xuseen. Xadhiga labbada Maamule ayaa la ii sheegay In ay Khusayso Dhacadadii Maanta ka Dhacday Dugsiga Sare ee Salaama Qaybta Inamada. Cabdifatax Sh. Cabdilaahi oo ka mid ah maamulka dugsiyada hoose/dhexe ee Salaama ayaa ii xaqiiyey. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta qaaday tallaabo muran leh oo ay ku muujineyso in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday bil ka hor, uu weli haysto sharciyad madaxweyne. Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster, oo dhamaadkii bishii hore timid dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa”. Arrintaan ayaa waxaa dhowaanahan ka taagneyd dood adag, waxayna muran ka dhex dhalisay safaaradda UK ee Soomaaliya, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada ay iskaga horyimaadeen cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub, maadama uu Farmaajo ka dhamaaday muddo xileedkiisu. Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, midaasi oo aheyn arrin ku cusub safaarada, sida ay ku doodeen. Afar sano ka hor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya, David Concar ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo, maadama uu xiligaas kusoo aaday dhamaadka mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana warqadihii aqoonsiga laga guddoomay 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Kate Foster ayaa lasoo warinaya inay hore uga madax adeygtay inay waraaqaha aqoonsiga u gudbiso Farmaajo, maadama uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga, mana cada sababta xiligan ku kaliftay arrintaas. Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligana Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda. Si kastabam UK ayaa maanta sharciyad siisay Farmaajo inkasta oo sida ku cad dastuurka uu muddo xileedkiisa sharciga ahaa dhammaaday.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi. View the full article
  15. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalda Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta Guddoomiyay shir looga hadlayay dardargalinta iyo sugitaanka amniga caasimada iyo uruurinta daqliga. Kulanka ayaa ka dhacay xarrunta dhallinyarada Gobolka Banaadir. Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka iyo maaliyadda Gobalka Banaadir, agaasimeyaasha maamulka gobolka iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ee ee gobolka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sugida amniga caasimadda iyo in la kordhiyo howsha daqli uruurinta oo mas’uuliyad gaar ah la iska saaro. View the full article
  16. Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha danjirino maanta ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Uganda, danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur). Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay u soo ahaa diblimaasi ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Pakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda. View the full article
  17. War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa looga tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. “Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii ku timid Xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonoow oo magaaladda Baydhabo ku geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka. “Gudoonka Golaha Shacabka sidoo kale waxay si gaar ah ugu tacsiyadeeyeen qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Boonoow sidoo kalena ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda Amniga gudaha, waxaana marxuumka uu kamid ahaa ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka Soomaaliya muddo dheer” ayuu lagu soo gunaanaday bayaanka. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshil Group oo ka jawaabeysay baaqii wasaarada caafimaadka Soomaaliya, ayaa Oxygen gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warsaxaafadeed Shirkadda Dahabshil Group oo u damqaneeysa bulshada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay baaqii wasaarada caafimaadka, kaasoo ahaa in si degdeg ah loo soo gaarsiiyo Oxygen isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay caabuqa Covid 19. Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu danbeeyay Oxygen yari ay ka jirtay isbitaalada lagu dabiibayo bukaanada qaba Covid 19. Taasoo si siman looga dareemay go’naanta Oxygen-ta guud ahaan isbitaalada dowlada & kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa Oxygen la’aan darted u geeriyooday boqolaal bukaan kuwaasoo u baahnaa gargaar degdeg ah in loo fidiyo islamarkaana lala garo Oxygen bukaanada Covid 19 si ay neef la’aan ugu dhiman. Shirkadda Dahabshil Group oo si degdeg ah uga soo jawaabtay baaqii dowlada soomaaliya, sidoo kale ahmiyad gaar ah siisay baahida ay qabaan shacabka soomaaliyeed xiligaan adag ee lagu jiro iyadooo bulshadu isugu darsantay Coovid 19 mowjadiisii 2aad, abaaro & biyo la’aan ku habsaday gobolada koonfurta & bartamaha soomaaliya qaarkood. Dahabshil Group ayaa ugu deeqday wasaarada caafimaadka & isbtaalka martini warshad dhalisa Oxygn-ta, taasoo ay ka faa’ideysan karaan malin kasta ilaa 250 bukaaan. Shirkadda dahabshil Group ayaa xal la taaban karo u heshay mushkiladii oxygen-la’ aanta ka jirtay isbitaalada lagu daweeyo bukaanada uu soo ritay Cudurkaan Halist ah ee Covid 19. Dahabshil Group ayaa balanqaaday Qarasha ku baxaya rakibida (PSA Oxygen System) & Habsami usocodka shaqooyinka maalinlaha uu Machine-kaan qabanaayo Waxaa intaas dheer cilad bixintiisa hadii ey cilad ku timaado. Sidoo kale shirkadda dahabshil Group ayaa waxa ay haatan olole biyo dhaamin ka wadaa gobalka Gedo oo laga soo sheegayo abaar baahsan & biyo yari saameeyay dadka iyo duunyada intaba. Horaantii sanadkii tagay ayey aheyd markii ay Dahabshil Group ugu deeqday gaari Ambulance Hyundai casri ah (Zero Mile) kaasoo ka qeybqaatay ololaha gurmadka bukaanadii uu haleelay caabuqa Covid 19 Heerkiisii 1aad ee sanadka 2020.
  19. Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka. Guddoonka, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha shacabka ayaa iyagu dhankooda ka tacsiyeeyey, waxayna allah uga baryayaan ehelkii Iyo Qaraabadiisii inuu samir iyo imaan kasiiyo, Isaga allah janadii fardowsa ka waraabiyo. Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu soo noqday Wasiir dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed. View the full article
  20. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster. Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi. Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska Danjire Kate oo la soo magacaabay bishii Jannaayo ayaa badashay Danjire Ben Fender. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan waxaa teendhada Afisyooni ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo ay goobjoog ka tahay beesha caalamka, shirkaas oo looga hadlayo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogeyn kaalinta uu ku yeelan karo shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo aheyd halkii lagu doortay afar sano ka hor. Beesha caalamka ayaa FARMAAJO ku cadaadisay inuu shirka furo islamarkaana soo xiro, balse uu shirka toos uga qeyb gali doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-heynta Maxamed Xuseen Rooble, waana arrin aysan ku qancin qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Farmaajo uu rabo inuu ka cudur daarto ka qeyb galka shirka ka dhacaya teendhada Afisyooni, iyadoo cudur daarka laga dhigayo xanuunka Covid-19, isla markaana uu wakiilan doono Rooble. Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa jira saddex shardi oo ay soo gudbiyeen Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo laba ka mid ah ay hirgaliyeen beesha caalamka taasoo ah in goob amaan ah loo dooro shirka, sidoo kalana ay beesha caalamka goob joog ka noqoto, marka laga tago intaas waxaa haray qodob xasaasi ah oo madaxweynayaasha ku xireen furitaanka shirka. Qodobka xasaasiga ah wuxuu yahay in madaxweynaha uu qoro warqad uu ku caddeynayo inuu dalka doorasho galaayo, isla markaana la xakameeyo awoodahiisa, waxaa sidoo kale soo raacaya qodobo kale oo laga sugayo inuu saxiixo Farmaajo ka hor shirka. 1. Inuu ogolaado inuusan saameyn ku yeelaneyn doorashada oo loo xil saaro xukuumadda xil heynta iyo ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan AMISOM. 2. in guddiyada doorashada si mug leh loo badalo, lagu daro xubno dhex-dhexaad ah oo aan dhinacna raacsaneyn. Beesha caalamka waxey xoogga saari doontaa sidii la isugu keeni lahaa hogaamiyayaasha maamullada iyo dowladda dhexe si ay u saxiixaan heshiis doorasho, loona guda-galo fulinta wixii lagu heshiiyay. In mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ka qeyb galaan shirka ayaan loo arkin wax weyn, taasna waxey u badan tahay in meesha laga saari doono, maadaama Farmaajo aad u diidan yahay. Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya Afisyooni, isla markaana uu rabo inuu Rooble wakiisho. Qof walba wuxuu xasuusanayaa shirkii dhexmaray midowga musharaxiinta iyo Maxamed Xuseen Rooble kaas oo ku dhamaaday fashil, shaki badan ayaana ka jira in Farmaajo ka qeyb galayo shirka lagu balansan yahay iyadoo qaar ka mid ah madaxda maamullada ay doonayaan inuu yimaado iyadoo beesha caalamka goob joog tahay.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane. Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan. Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.
  23. Maamulka gobalka Benaadir ayaa ku Amar ku soo rogay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir ayaa laga soo saaray Amaro looga hortagayo safmarka Corona . Maamulka ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo xanuunka ay bateen maalmihii la soo dhaafay , loona baahan yahay in ay shacabka ka taxadaraan. Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Carab ayaa sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu soo qaato qalabka looga hortago Xanuunka , ciddi soo qaadan weysaysana la dul dhigayo Ganaax Lacageed. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in laga bilaabo maanta qofkii aan wadan qalabka Afka lagu xirto Face Mask in la ganaaxi doono. Qofka ka soo tago Face Mask ayeey sheegen in laga qaadi doono lacag dhan $5 , ciddii aan bixinna Xabsiga lageyn doono. Source: goobjoog.com
  24. Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Yaaqshid. Cabdullaahi Shiilow, Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Yaaqshid ayaa la sheegay in uusan la socon xilliga uu qaraxa dhacay Gaariga . Inta la xaqiijiyay in kabadan 4 qof ayaa ku dhimatay halka tira kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhacay Yaaqshid. Gaariaga ayaana qaraxa lala eegtay xilli uu mareyay agagaarka Hotel Guuleed ee degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir . Qaraxa ayaana ah midkii labaad oo maanta ka dhaca caasimadda . Source: goobjoog.com