-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bar, ciidamada ammaanka Kenya ayaana sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday. Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya uu dhexmaray dagaal socday ku dhawaad 15-daqiiqo, wuxuuna dagaalka ka dhacay xero ku taalla deegaanka Elram ee dhaca magaalada Ceelwaaq. Rono Bunei oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka, sidoo kalana ay iska caabin ku sameeyeen kooxo soo qaaday weerar uu ku sheegay arbushaad. “Dadka deegaanka waxaan ka codsaneynaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u ciribtiri laheyn kooxdaan waalan,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Waxaan rajeyneynaa iney ciidamada xoojin doonaan feejignaanta” Xerada ay weerareen dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa la sheegay in dhawaan la dhisay balse deegaankaas ay dhawr jeer weeraro khasaare kala duwan geystay ay ku qaadeen.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo maanta aas qaran loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka. “Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.” Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qoyska marxuum Cali Mahdi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa gaaraya magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq. Wasiir ayaa hogaaminayay wafdi balaadhan, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee caasimada, ayada oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Biyaha dalka Ciraaq, Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani. Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Ciraaq, Al-Hamdani. Wasiirka ayaa ka qeyb-galaya shirkii 1-aad ee Biyaha caalamiga ah ee Baghdad oo ka furmaya isla caasimada dalka Ciraaq, wuxuuna ku meteli doona Soomaaliya. Wafdiga ka socda Soomaaliya ee uu horkacayo Wasiir Xasan Cabdinuur ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalka Ciraaq, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya iskaashiga dhanka labada dowladood, gaar ahaan Maareynta kheyraadka biyaha.
-
NAIROBI, Kenya — Kenya’s head of criminal investigations said Friday that police now believe that a man who grabbed a gun from a police officer and shot randomly at people a week ago, killing two and seriously wounding six, is likely an Islamic extremist. Source: Hiiraan Online
-
Tanzania’s President John Magufuli is in good health and working normally, two officials said, after reports he flew abroad in critical condition with COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Trends Analysis of agrometeorology In Somaliland Part (2) Weather and climate are important factors determining the success or failure of agriculture. Weather influences agricultural operations from the sowing of a crop to the harvest and particularly rainfed agriculture depend on the mercy of the weather. • It can be used in frost prediction and protection of crop plants. • It can be used in giving the warning against the forest fires and cyclonic storm / dust storm. • It is helpful in planning irrigation. • It is helpful in predicting and controlling the insects and plant diseases. • It is helpful in predicting and controlling the pollution of air and water • It can be used to minimize the losses caused by heavy rain, floods and hail storm. • It helps in forecasting pests and diseases, choice of crops, irrigation, and other intercultural operations through short, medium, and long-range forecasts and help to identify places with the same climatic conditions (Agro climatic zones). This will enable us to adopt suitable crop production practices based on the local climatic conditions. • It also helps in the introduction of new crops and varieties, which are more productive than the native crops, and varieties and helps in the development of crop weather models, which enables to predict crop productivity under various climate. • It helps within the preparation of crop weather calendars for various locations. • It enables to issue crop weather bulletins to farmers and enables us to forecast the crop yield based on whether to plan and manage food production changes in a region. • It is needed to make the farmers more “weather conscious” in planning their agricultural operations. However, up-to-date equipment and enhanced skill for the staff is necessary to allow precise analysis and better presentation. Training the staff is another problem in addition to educating farmers. Closer contact with farmers is vital; it is very beneficial to train them at least to make field observations and collect and transmit data. Therefore the department is obliged to hire long term agrometeorology expert/consultant for a period of eight months who will conduct the following: • To capacitate the department for holding the following Assessments : Needs assessment Agrometereology observatory gaps Agrometereology Communication gaps Enhancing the skill to analyze data coming from weather stations • To prepare project proposal based on the outcome of these assessment Assist the department to collect different data settings, analyze and record the data in proper manner. • Assist the department to establish central data base in the country for storage and analysis of the data • Assist the department to raise the standard of the weather stations to automatic weather stations. • Assist the department to expand and cover of weather stations in the country • Assist the department to Improve communication links and consider new facilities • Assist the department to Provide training (short and long-term) and analytical tools (introduce and improve methodologies); • Assist the department to update and strengthen information system and technology (computers, software, GIS technology, etc.) and data processing tools • Initiate roving seminars; and, Improve bulletins and introduce automation of data collection, processing, and information transfer • Create Early warning system strategies • Help Improve weather information and monitoring equipment • Help establish at least automatic station ( the location and the number will be determined later) • Help establish Weather stations ( the location and the number will be determined later) • Help provide early warning equipment • Skill development for maintenance of the equipment • Skill development for software and data base equipment • Skills to determine crop weather relationship to avert pest outbreak and other advisories • Skills to determine crop weather relationship to help increase crop yield and crop expansion • Help to produce pest weather calendar • Help early warning system skill established He / she will be using the following indices to predict rainfall, drought, soil water balance for crop expansion etc.: • Rainfall index • Drought index • Rangeland index • Soil water balance index • Specific Crop water requirement index • Precipitation index • Crop water satisfaction index • And much more After the consultant completes his/her task, the following are expected to be accomplished: • Central data base with capacity to perform data analysis and storage established • Produce agrometereological bulletins with early warning information • Set of automatic weather stations established • Set of weather stations established • New facilities for communication created (collection, processing, and information transfer established) • Capacitated with (computers, software, GIS technology, etc.) and more. • Capacity to hold Seminars and workshops • Establish Somaliland Agro-ecological zoning • Farming systems ( which crop/variety to grow and where • Crop calendar ( Sowing and harvesting periods of crops ) • Crop monitoring ( pest and disease out break • Early warning • Timing of fertiliser and pesticide application • Time of harvest • Early warning system skills, equipment and strategies established Regards, Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmailcom Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan ku geeriyoodah dalka Kenya, hase yeeshee waxaa janaasadda kasoo dhex-muuqda arrimo halistooda leh. Salaadda janaasada marxuumka oo ay ka qeyb-galeen inta badan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka ayaa banaanka usoo saartay heerka kalsooni darada siyaasadeed iyo tan amni. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo degan meel wax ka yar 1-KM u jirta halkii salaadda janaasada lagula tukaday Meydka Cali Mahdi ayaa kasoo qeyb-galin cabsi amni darro darteed, iyo inuusan isku haleyn karin Villa Somalia, sida ay sheegeen xubno ku dhow. Axmed Madoobe oo maanta la kulmaywakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. Dhanka kale, Is-mari-waa muddo qaatay oo qarka u saarmay inuu isku rogo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Musharaxiinta iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale ka dhacay afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde. Janaasadda waxaa ku wada sugnaa ilaalada gaarka ee Musharaxiinta Mucaaradka iyo Madaxda waqtigooda dhamaaday, waana tan keentay taag-taaga in AMISOM dhammaan u diido Madaxdi hore inay hub la galaan oo ugu dambeyn markii xaalka amni sii xumaaday la ogolaaday Istaafka madaxdii hore. Sida aan xogta ku helnay Amisom ayaa waxaa amarka siiyey madaxda dowladda federaalka, oo cabsi ka qabay in ilaalada musharaxiinta qaarkood ay sameeyaan falal amni-darro. Arrintan ayaa banaanka keenaysa heerka uu gaarsiisan yahay kalsoonida darada siyaasadeed iyo midda amni, ayada oo uu dowladda dhamaaday muddo xileedkeedii sharciga ahaa. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kaamirada ay qabatay isaga oo dhinac maraya oo xitaa aan salaamin musharaxiinta mucaaradka, taasi oo dad badan ay ku dhaliileen. Waxaa dad badan is weydiinayaan haddiiba xaalka sidaa yahay oo kalsooni darada ay sii xoogeysatay sidee doorasho lagu kalsoon yahay u dhici doontaa?!. Si kastaba, waxaa maalmihii u dambeeyay socday dadaalo ay beesha caalamka iskugu keenayso madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, waxaana lagu wadaa in shir u dhaxeeya dhinacyadaas uu ka dhaco teendhada Afisyooni, wallow uusan cadeyn in heshiis loo dhan yahay wada-gaari doonaan.
-
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi iyo wafdi la socda ayaa gaaray Caasimadda dalka Ciraaq ee Bagdaad. Wasiirka Waxa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani. Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka Biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee Biyaha Caalamiga ah ee Baqdaad. Wasiirka ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulamo la yeelan doona madaxda Wasaaradda biyaha Ciraaq, iyagoo ka wada hadlaya iskaashiga Dhanka Maaraynta kheyraadka Biyaha. PUNTLAND POST The post Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo gaaray Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Turkey, Russia iyo Qatar ayaa wada isku day wadajir ah oo la doonayo in wax looga qabto xaladdaa siyaasadeed ee Syria oo muddo 10 sano ah ay ka socdaan dagaalada,sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen wadahadalada ka dib, wasiiradu waxay sidoo kale ku xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, madax-bannaanida, midnimada iyo midnimada dhuleed ee Suuriya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in saddexda dal aysan raadineynin in la beddelo dadaalladii ay wadeen Turkiga, Ruushka iyo Iiraan ee sanadkii 2017 ,kaas oo ahaa in la joojiyo dagaallada ka socda Suuriya oo laga wada hadlo xal siyaasadeed. “Maanta waxaan bilownay hannaan wadatashi oo seddex geesood ah,” ayuu yiri Cavusoglu khamiistii kadib wadahadal uu kula yeeshay Doha wasiirrada arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Qatar. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Ruushka oo riixaya xal siyaasadeed oo laga gaaro Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasiya kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan, Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore walaac uga muujiyay amniga magaalada Muqdisho iyo isku haleynta ciidamada dowladda, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku kacay falal ka dhan ah xoriyatul qowlka ayaga oo ka amar qaadanaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Shirka looga arrinsanayo doorashada ayaa la qorsheynaya inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo ah meeshii afar sanno ka hor lagu soo doortay Farmaajo, kadib markii madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen in shirka uu ka dhaco Villa Somalia oo ay u arkaan goob aan amaan ahaan la isku haleyn karin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaaday dowladda ee ay ciidamada amniga ku xireen qeybo kamid ah wadooyinka Muqdisho. Xasan Xundubey ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyay dhibaatada ay u mareen waddooyinkii ay xireen ciidamada dowladda, taasi oo uu sheegay inay keentay Madaxdii kala duwaneyd ee ka qeyb-galeysay Aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Xundubey ayaa sheegay in dedaalka guddiga loo xil-saaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu alle u fududeeyay mas’uuliyadda laga sugayay oo dhowr qeyb ahayd sida uu sheegay, una kala qeyb-saneyd soo qaadista Maydka, Janaasada iyo aaska loo sameeyay. “Looma kala harin aaska loo sameeyay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed, howsha aaska oo saddex qayb ah waxa ay kasoo bilaabatay in laga soo qaado Nairobi, Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde iyo aaska qabriga la geeyo, waa howl culus oo dhammaan shacab, Madax, Ehel, Ciidamo, Saraakiil iyo cid weliba oo kaalin ka qaadatay aaska qaran, waana in loo soo wada duceeyo,” ayuu yiri. Salaada Janaasada ee marxuum Cali Mahdi ayaa waxa garoonka gudihiisa uga tukaday Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka. Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, waxaana saaka diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, ayada oo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
-
Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka.. Peter McAleese wuxuu ahaa calooshiis u shaqeysta aada goobaha dagaallada, xitaa Rhodesia (oo hadda ah Zimbabwe) Sannadkii 1989-kii, koox calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Britain ayaa u safray sidii ay u soo dili lahaayeen ninkii ugu halista badnaa caalamka. Waxaa kooxdaas hoggaaminayay Peter McAleese. Ninka ay raggaas qorsheynayeen in ay qaarijiyaan wuxuu ahaa Pablo Escobar, kaas oo hoggaaminayay burcadda daroogada ee Medellin, oo ka jirtay dalka Colombia. Wuxuu ahaa burcadkii ugu taajirsanaa abid ee dunida soo mara. Wuxuu ahaa ninkii soo saari jiray daroogadii ugu badnayd ee cocaine ah ee ka dibna caalamka oo dhan la geyn jiray – Wuxuu masuul ka ahaa maadooriyeyaasha dunida,, boqolkiiba 80%, xilligii uu noolaa. Kooxda Britain ka soo jeeday ee uu hoggaaminayay McAleese, waxaa kireysatay burcad kale oo dagaal uu kala dhexeeyay Escobar, oo ka jirtay Colombia. Filim iyo barnaamij cusub oo baaritaan oo loogu magacdaray “dilka Escobar” ayaa ugu dambeyn lagu shaaciyay in howlgalkaas uu fashilmay iyo ninkii ka dambeeyay waxa uu ahaa. Pablo Escobar wuxuu ahaa ninkii ugu taajirsanaa uguna halista badnaa ee burcaddii daroogada caalamka. Ninka filimkan cusub soo saaray, David Whitney wuxuu sheegay in McAleese uu ahaa nin “aan la saadaalin karin” oo uu haystay “jahwareer nafsi ah”. Muuqaalka dhexdiisa waxaa laga arkay McAleese, oo hadda ah 78 sano jir. Wuxuu sheegay: “Waxaa la ii tababaray in askarta dartood aan wax u dilo”. McAleese wuxuu sheegay in askeri uu noqday isagoo 17 sano jir ah, si uu xal ugu helo xanaaqiisa badan. Markii uu yaraa wuxuu ahaa qof dhib badan oo daandaansi iyo cuqdadba lahaa. Peter McAleese wuxuu ka mid ahaa askartii Britain ee sannadkii 1980-maadkii dagaalka la galay maleeshiyaadkii xuriyad-doonka ee uu watay madaxweynihii hore ee Zimbabawe, Robert Mugabe. McAleese ka dib markii uu ciidamada ka baxay, wuxuu noqday qof marba meel ka shaqeeya oo jahwareeray. Ka dib wuxuu xadgudub kula kacay gabadh uu shukaansanayay, wuxuuna ku muteystay xabsi. Markii la soo daayay, wuxuu wanaag u arkay in uu aasaasto koox ciidan oo isaga u gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah. Wuxuu billaabay in uu qaarijinta iyo shirqoollada dil ka shaqeeyo. Wuxuu qeyb ka noqday dagaalkii sokeeye ee Angola, ka dibna Zimbabawe iyo South Afrika ayuu ka fuliyay howlgallo lacag lagu siiyay oo dad lagu qaarijinayay. Wuxuu la shaqeysan jiray askeri kale oo ku xeel-dheeraa sida hubka qarsoodiga ah loo safriyo oo lagu magacaabay Dave Tomkins. Waxay ku kulmeen Angola. Waxay ahaayeen laba nin oo si wayn saaxiibbo u ah, waxayna ka wada shaqeeyeen qorshihii dilka-fashilmay ee Escobar. Kaarka Aqoonsiga Peter McAleese, intuu ka howlgalayay Afrika Jorge Salcedo, oo qeyb ka ahaa koox burcad ah oo ka jirtay Colombia oo lagu magacaabay Cali Cartel, wuxuu xiriiriye ka ahaa fulinta howlgalka dilka Escobar. Wuxuu qorsheeyay in Tomkins uu qorto koox awood leh oo fulisa duullaanka. McAleese wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la is weydiiyay. “La iskama kaa weydiisanayo in aad qorsheyso qaarijinta Pablo Escobar, haddii aadan lahayn khibraddeeda,” ayuu yiri McAleese. “Ma jirin anshax iga celinayay in aan dilo ninkaas,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray, “Marna uma eegin sida dil bareer ah. Waxaan u arkayay fulinta weerar bartilmaameed leh.” Burcadda Cali waxay kalsooni wayn ku qabtay in Escobar lagu dili karay gurigiisii raaxada ee beerta Hacienda Napoles. Qoryaha iyo bambooyiinka Beerta uu guriga ku dhex yaalay waxaa buuxay xaywaanno kala duwan, baabuur aad u badan, sidoo kale garoon diyaarado oo gaar ah ayaa ku dhexyalay, wuxuuna lahaa gidaarro difaac oo adag. McAleese wuxuu diyaarad ku dul maray beerta, wuxuuna sheegay in howlgalka la fulin karo. Qorshihii qaarijinta ayaa sidaa ku bilowday. Tomkins wuxuu sidoo kale qortay 12 qof oo calooshood u shaqeystayaal ah – waxay ka koobnaayeen dad uu horey ula soo shaqeeyay iyo kuwo lagula taliyay. In dalka Colombia ay si qarsoodi ah ku galaan waxaa ka caawiyay Jorge Salcedo oo ka tirsanaa burcadda Cali. Raggaas oo dhan waxaa loo qoray mushaar ah $5,000 dollar bil kasta iyo bixinta qarashaadkooda intii uu howlgalka socday. Balse Tomkins wuxuu maalin kasta qaadanayay $1,000 dollar. Kooxdii loo qoray fulinta dalka oo ku tababaranayay dalka Colombia. Filimka cusub ee laga sameeyay waxaa lagu soo bandhigay muuqaallo uu duubay Tomkins, waxaana laga arkay ragga oo haystay lacag badan. Marka hore, waxay ku sugnaayeen magaalada Cali, balse si aan loo arkin darteed waxay u guureen meel beer ah oo ku taallay duleedka magaalada, halkaas oo loogu geeyay hub aad u badan. “Waxay ahayd xilliga ciidda masiixiyadda,” ayuu yiri McAleese. “Waxkasta oo aan u baahnayn sida hubka waan naloo keenay.” Calooshood u shaqeystayaasha si fiican ayey ugu tababarteen howlgalka, balse Tomkins iyo McAleese, way garanayeen qofka uu bartilmameedka yahay. Ka hor inta aan xubnaha kale ee kooxda aan loo sheegin qofla la dili rabo, mid ka mid ah raggii la soo qoray ayaa isaga haray howlgalka, wuxuuna dib ugu noqday dalkiisa. Ka dib wuxuu warkii u sheegay wargeys, balse ma uusan magacaabin kooxda iyo halka uu howlgalka ka dhacayo. Markii uu soo dhowaaday xilligii weerarka, kooxda waxay galeen duurka si ay u tijaabiyaan hubkooda iyo bambooyiinka. Sawir dhab ah oo laga qaaday kooxda, markii ay duurka ku jireen. Qorshaha weerarka waxaa ka mid ahaa laba diyaarad oo ah kuwa qumaatiga u kaca, oo ku dul duula beerta Hacienda Napoles, xilliga ay kooxdan dhulka ka galayaan dhismaha – ujeedada waxay ahayd in si xoog ah lagu maro ilaalada awoodda leh ee halkaas ku sugnayd. Waxay doonayeen in madaxa Escobar ay horey usoo qaataa si guusha ay ugu dabaaldegaan. Markii ay maqleen in Escobar uu dhismaha ku sugan yahay, si degdeg ah ayey isu diyaariyeen. Laakiin weerarkaas marna lama fulin oo maba dhicin. Diyaaraddii siday McAleese iyo Tomkins ayaa shil ku gashay aagga Andes, waxaana ku dhintay duuliyihii. Ballanqaadkii uu sameeyay Dadkii kale ee diyaaradda saarnaa way badbaadeen, laakiin McAleese ayaa si xun u dhaawacmay, waxayna ku sugnaayeen dhul buuraley ah. Illaa seddax maalmood ayuu dhul yaal ahaa, ka dib ayaa la soo badbaadiyay. Escobar ayaa maqlay qoshihii ku saabsanaa in la qaarijin rabo, ka dib askartiisii ayuu u diray buuraleyda si ay raggaas u soo qabtaan. “Haddii Pablo uu i qaban lahaa, dhiibaato wayn ayay igu noqon lahayd, silac iyo saxariir na waan u dhiman lahaa,” ayuu yiri McAleese. Laakiin wuu ka badbaaday wuxuuna wacad ku maray in uusan ku laaban doonin howlgal noocaas ah – intii uu iska yaallay dhulka buuraleyda ah, isagoo dhaawac ah oo aan dhaqaaqi karin. Hadda waa 78 sano jir, Peter McAleese wuxuu sheegay in uu wax badan ka shallaayay, balse hadda uu nabad ku nool yahay. “Wax badan oo aan ka shallaayay ayaa jiro, mana ahan goobta dagaalka, balse waa in aan u fashilmay aabe ahaan iyo sey ahaan,” ayuu yiri. Hadda waa 78 sano jir, wuxuuna sheegay in uu si nabad ah u noolyahay. Dhanka kale, Pablo Escobar waxaa la dilay sannadkii 1993-dii, xilli uu ka baxsanayay maamulka Colombia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah ay kulan deg-deg ah ka yeeshan xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo is-mari-waaga doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka. Shirkaan ayaa waxa warbixin dheer ka jeedin doona Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, midaasi oo uga hadlayo arrimihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed alka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Swan ayaa sidoo kale inta uu socdo shirka waxa uu Golaha uga warbixin doona dadaaladii u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ka sameysay xaalada dalka iyo isku soo jiid-jiidka madaxda is diidan ee isku haya doorashada. Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon, islamarkaana ay isku wada raacsan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka oo iyagu hore u kala saxiixday heshiis dhaqan-gali waayay 17-kii Septemer ee 2020-ka. Kulankaan oo u dhacaya qaabaka fogaan araga ayaa waxa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada doorashooyinka, waxaana gaba-gabada kulankaas laga soo saari doona War-saxaafadeedka lagu faah-faahinayo natiijada kasoo baxday shirkaas deg-dega ah. Ma aha markii u horeysay ee Golaha amaanka uu fadhi deg-deg ah ka yeesho xaalada Soomaaliyada, waxaana dhamaadka bishii hore uu shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo saaray baaq la xiriira in deg-deg loo qabto doroashada, midaasi oo uu sheegay inay lama maarmaan u tahay geedi-socodka Soomaaliya.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA). Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/03/2021, si rasmi ah u soo xidhay shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland, oo labadii cisho ee u danbeeyay shir uga socday magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qayb galeen garyaqaano ka kala yimid dhammaan gobolada dalka. Guddoomiyaha oo madasha shirka soo gunaanaday ayaa xusay caqabadaha Ururka ku gadaaman iyo sida looga bixi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in Ururku lahaado qaab-dhismeed dhaxal-gala si jiilba jiil ugu dhiibo. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay hoggaankii hore ee SOLLA sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, halka uu hoggaanka cusubna u rajeeyay in ay si fiican u wada shaqayn doonaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu bogaadiyay gabdhaha muddooyinkii u danbeeyay ku soo biirayay Ururka qareenada, kuwaasi oo saddex ka mid ahi ka mid noqdeen boodhka cusub ee Ururka. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in aannu jirin duulaan hay’adda garsoorka kaga socda Ururka Qareenada waxaanu yidhi “Ma jirto duullaan ama wax dagaal ah oo hay’adda Garsoorka kaga socda ama qorshaysan ururrada qareenada ama garyaqaanada ma jirto, anoo afkii Garsoorka ku hadlaya waxaan aaminsanahay in qareenku yahay rukun lagama maarmaan ah oo hay’adda Garsoorka ka mid ah”. Ugu danbayn waxa uu garyaqaanada u soo jeediyay in aanay si barbar yaacin ee ay nidaamsanaadaan, oo si nidaamka waafaqsan arrimahooda u dhamaystaan. Halkan riix si aad muuqaalka uga bogato. https://fb.watch/4anhKJBooT/ Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Marxuum Cali Mahdi oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Mucaarad iyo Muxaafid oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Aaska, The post Sawiro, Madaxweynihii hore ee Dalka oo Aas Qaran loo sameyay appeared first on . Source
-
Cunno la’aantii ugu darnayd taariikhda casriga ah ayaa ku dhufatay dalka yamen. 5 daqiiqo 4 caruur ah ayaa nafaqi darro iyo gaajo ugu dhinta dalkaasi, 400 oo kun oo caruur ah ayaana la qiyaasaya in geeridu haleeli doonto sanadkaan. 16 milyan oo qof ayaa ubaahan gargaar degdeg ah si ay u noolaadaan, guud ahaan 80 boqolkiiba dadyowga dalkaasi aya waxa ku tiisanyihii deeqaha caalmiga ah. Colaadda dalkaasi aya bishan sii laba kaclaysay, xutiyiinta ayaa weerar ba’an dhowr jiho kaga qaaday gobolka ma’rib oo ah gobolka kali ah ee ay joogaan kooxaha ay dawladda sacuudigi tageero kaga sugantahay bartamaha iyo waqooyiga dalka. xulafada Sacuudiga iyo Emaaraat ka aya weeraro duqaymaha diyaaradaga dagaalka ah si tallantaali ah ugu haya magaalada sanca si ay xutiyiinta cadaadis ugu saaraan in ay hakiyaan gulufka ay ku hayaan gobolka ma’rib. Xutiyiinta dhankooda waxa ay weeraro ay u adeegsanayaan diyaaradaha an duliyaha lahayn iyo gantaalada balaastiga ku hayaan gobolada bartama iyo waqooyiga sacuudiga, waxayna 10kii maalmood ee laso dhaafay ugu yaraan 30 diyaaradood ku weerareen boqortooyada. Source: goobjoog.com
-
Orange Democratic Movement (ODM) leader Raila Odinga has tested positive for Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Allaah U naxariisto waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho maanta laga soo dejiyay meydka Madaxweeynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed . Madaxweyne Cali ayaa maalin ka hor waxa uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu isbitaal ku yaallo ku xanuunsanayay. Meydka Marxuumka ayaa gudaha Garoonka Aden Adde lagula tuaday salaadda Janaasada , iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madax hore . Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay Aaska madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaashi hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Gudoomiyaba Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman , Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Mas’uuliyiin kale . Saaladda kadib ayaana madaxweynaha lagu wadaa in la aaso. Cali Mahdi ayaa Dalka Madaxweyne ka noqday intii u dhaxeysay sanadihii 1991 illa 1995 . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhaw laga soo dajiyay garoonka caalamiga ah ee Aadn Cadde, iyadoo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, waxaana laga soo dajiyay Muqdisho. Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka ayaa garoonka gudaha u galay si ay salaadda Janaasada ugu tukadaan. Meydka marxuumka ayaa loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso. DAAWO SAWIRADA:
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka. Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah. Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo. is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan. Sidoo kale wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga loo balansan yahay in lagu aaso madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah dagmada Yaaqshiid iyo agga u dhaw garoonka diyaaradaha ayaa la xiray, iyadoo aan la ogoleyn isku socodka gaadiidka. Madaxweynayaashii hore, guddoonka labada aqal e Barlamaanka, xildhibaano, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay aaska marxuu Cali Mahdi Maxamed.
-
Allah U naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyoday Dr Xaydar Cali Raage oo si weyn looga yaqiin gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho. Dr Xeydar ayaa in muddo ah waxa uu ka shaqeynayay xarumaha Caafiimaad ee dalka, DR Xeydar ayaana waxa uu caan ku ahaa daweynta cudurka Qaaxada ama TB-da loo yaqaan. Xeydar ayaa 30-kii sano ee u dambeyay ka mid ahaa sidoo kale bahda caafimaad ee bulshada xilliyadii adkaa wax u qabaneysay. DR ayaana aad looga yaqiinay geyiga ay dagto Soomaalida gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay Source: goobjoog.com