Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland waxaa laga manuucay Gawaarida bilaa calaamada ah ( Taarko) ee Wadooyinka maraya, waxaana Booliska awood buuxda loo siiyay inay gaarigii bilaabtaarko ah ay Furaha ka qaataan Wadahadal. Wareegto aan faahfaahsanayn ayaa Booliska lagu amray inay manuuc tahay in Wadooyinka lagu arka Baabuur bilaabtaarko ah, ha ahaado gaari gaar loo leeyahay ama gaari Dowladu leedahay. Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa ogaadey in Booliska Amar lagu siiyay in Gaarigii bilaa Taarko ah ay Furaha ka qaadaan wadaha gaariga, Wadaha gaariga waxaa Furaha la siinayaa markuu la yimaado Taarko sharciyasan uuna bixiyo Lacag Ganaax ah. Sharcigaan cusub wuxuu howlgalay 10/3,2021 Hoos ka alhriso Wareegtada lagu marayo Bileyska Puntlandi.com Garowe The post Ciidamada Booliska Puntland oo la amray inay fariisiyaan gaarigii bilaa yaarko ah appeared first on . Source
  2. Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa tacsi Qaran ugu tagay Qoyska Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Labada Masuul ayaa Tacsida lawadaagay Qoyska iyagoo ka dhagaystay Qoyska qaabka iyo goobta lagu aadayo Marxuumka, Madaxweynayaasha hore waxay tacsi Guud u direen Shacabka Soomaaliyeed, Qoyska Reer Mahdi Maxamed iyo Guud ahaan Ehelkiisii, Waxay kadib si Wadajir ah ugu duceeyeen Marxuumka. The post Xasan Sheikh iyo Shariif Sh Axmed oo tacsi ugu tagay Qoyska Marxuum Cali Mahdi appeared first on . Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal u diray Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo uu kaga dalbanayo taageero hor leh oo xilligan lasiiyo Soomaaliya. Dhambaalkan oo loo dhiibay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif ayaa gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abu Kheyt, isaga oo kulan gaar ah la qaatay, kaas oo ay uga wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya. Ugu horeyn wasiiru dowlaha ayaa u gudbiyey Ururka Jaamacadda Carabta farriinta uu ka sidday madaxweynaha ee ku aadan in la kordhiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee la siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama xilli adag lagu jiro. Sidoo kale qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay, sida uu ugu kalsoonyahay inay sii socon doonto taageeradaasi oo muhiim u ah shacabka & dowladda. Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kulanka ka hadlay ayaa isna ballan qaaday inay fulin doonaan dalabka kaga yimid madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana ay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya daruufo adag. Waxa kale oo u7u xaqiijiyey in Jaamacadda Carabta ay si buuxda uga go’an tahay inay sii wado taageeradda ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, deganaanshaha, dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha iyo Juhdiga dadaallka Soomaaliya looga cafin lahaa geymaha ay ku leeyihiin dalalka caalamka. Farriinta madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad ka dhalatay muranka doorashooyinka.
  4. Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ilaa hadda ma cadda sababta uu u dhintay, mana jirto baaris arrintan la xiriirta oo lagu dhawaaqay, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda loo dhigo aas qaran halka Villa Somalia ay sheegtay in saddex maalin hoos loo dhigay calanka, lana muumuusayo. Haddaba, Goobjoog News ayaa akhristeyaasheeda xusuusineysa waxyaabihii uu madaxweynaha ku hawlanaa geerida ka hor. 1. Yagleelidda Dowlad Rayid ah: Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa uu weligii diidanaa keligii taliska, xoog wax lagu doonno iyo askarta siyaasadda lugaha la gasha, isaga oo ku gadooday keligii taliyey Maxamed Siyaad sla markaana ahaa maalgeliyaha USC, madaxdii manifesto oo Barre kula taliyey inuu dadka u tanaasulo, markii dambana Gen. Caydiid isugu dhaceen in aanu askari lagu badalan karin askari kale, waxaase maalmahan dambe isaga oo nabadda uun ka shaqeynayey ka hadalsiiyey markii uu arkay habdhaqanka maamulka Farmaajo ee uu uga meermeerinayo qabashada doorasho. Madaxweynaha oo ka hadlayey haddii la waayo dowlad fiican waxaa uu yiri ‘‘Siyaasadda niman ayaa noogu jira, aniga siyaasi waa ahaay, hadda ma ahi, miskiin gurigiisa jooga ayaa ahay, laakin hal waxaad ayaan rabaa, qof aan ka waayo aan la dagaalamaayo, dowlad fiican, oo caadil ah, oo dalka caadil ku dhaqaayo ayaan rabaa, ninkii aan ka waayana qoraygii cadaa, weli xabaddii kama bixin, warku inuu cadaado ayaa la rabaa’’. 2. Dhaliilidda Aragtida Maamulka Farmaajo: Waxaa uu Farmaajo ku dhaliilay marar badan in aanu wax maqleyn, kursi isku dhejin, isla markaanu aanu cidna talo weydiin, waxaa uuna uga digay in kursiga isku dhejiyo oo dalka uu geliyo dagaal sokeeye, isaga oo yiri ‘’Cabdullahiyow waa soo dadaashay, waxbaad qabatay, xuduuddii ayaad joogtaa, kursi haddii darajo leeyahay, haddii janno lagu kasbanaayo, muddo lagu kasbado waad joogtay, haddii aan naar ku kasabatana, muddo lagu kasbaday waad joogta, waxaan kula talineynaa doorashadaasi waa iney ku dhacdaa waqtiga dastuuriga ah, cid Soomaali oo yeeleysaa in dib loo dhigo ma leh, haddii aad ku qabato waan ku xushmeynenaa, haddii aad soo noqoto waan ku xushmeheyna, haddaad dhacdo waan ku qadarineynaa madaxweynihii hore ayaa tahay, kursiga waan kaaga kaceynaa, laakin Soomaaliya haku hoggaamin dagaal dambe oo sokeeye’’. 3. Mideynta Beesha Mudulood: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa bilihii ugu dambeysay uu waday dadaallo la xiriira mildeynta beesha Mudulood, isaga oo qabtay shirar badan oo arrinkan la xiriiira. Mid ka mid ah shirarka waxaa uu ka yiri ‘‘Taariikhda ay Muduloow, waa kii Talyaaniga marka xukumayey axsaabta waxaa ay galayaan, xisbiga ku guuleysta ayaa xukuumadda dhisi doona, Leegada ayey galeen, gaalo jabiye ayaa loo bixiyey, ummadan meesha uma fadhiyaan iney qabiil ku duulaan, uma fadhiyaan iney dowlad maanta jirto ay dunto, waxay u fadhiyaan maadaama la is dishay, iyada dhexdeeda is cafiso, kadibna golol Soomaaliyeed ay dhigto. Muduluud waa Qaran, macnaheeda ma ahan qaran Soomaaliyeed waxaa ula jeedaa tirada, awoodda iyo baaxadda ayaa qaran ka dhigaayo’’. 4. Maqaamka Caasimadda Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu dadaal badan u galay in caasimadda yeelato maqam u gaar, isaga oo uga digay dowladda federaalka ah in aaney dhageysan 4 milyan. Mar uu ka hadlayey maqaamka Muqdisho waxaa uu yiri ‘‘Maamul gobolka uu yeeshaa rabnaa, gobolkan waxaa uu ka mid yahay 18 gobol, 17 gobol dadkii ku noolaa xuquuqdoodii waa heleen, gobolka Banaadir dadka ku nool xuquudoodii waa iney helaan, waa gobol 3 ama 4 milyan oo Soomaali ah ku noolshahay, waxa dhisanaayo Mogadishu Clan ma aha, Soomaaliya ayaa deggan, oo dhisaneysa, iney dowladda dhisto waan ka sugeynaa, haddii aysa diido, xuquuqda inkirto, dadka waa tashanaayaan’’. 5. Geed Fadhigga Mucaaradka: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu bilihii dambe geed fadhi u ahaa mucaaradka dowladda, waxaana booqasho joogta ah ugu tagi jiray madaxweyneyaashii hore iyo in kale oo badan oo musharaxiinta ah si ay ugala tashtaan xaaladda dalka, marxaladda kala guurka iyo diyaar garowga doorashada 2021. 6. Bilic Soo Celinta Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu ku hawlanaa soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho isaga oo hadda dhisayey dabaqa ugu dheeraa, waxaa kale oo uu ganacsatada kula taliyey in dalka kusoo noqdaan, oo maalgeshtaan. Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelkiisa ku yaal xeebta Liido ayaa yiri ‘‘Waxaan go’aansaday in Soomaaliya ka dhiso hotel 5 star ah, oo u qalma hotellada caalamiga ah, dabcan keligiis kuma filno, oo 30 hoteel noocaan ah la dhiso, waddanku uu nabad helo, waa ku yaraanayaan, oo hotelo kale aye u baahnaan doonaan, laakin aniga waxaan noqday kii ku dhiirada inuu bilaabo hotel saasa ah, oo u baahan lacag xoog leh, dhismaha aan u jeediin Ingineer aan Soomaali aheyn waxba kuma darsan, gacansatada Soomaaliyeed ee Kenya waxaa kula taliyey xoolaha ay ajnabiga gelinayaan in aaney iyagu laheyn, haddii aadan Soomaaliya geyneyn ugu yaraan 50% dalka keliya, dal walba waxaa dhiso dadkiisa, laga sumi waayo dowlad oo sharci ayey sameysaa, maalgelinta waxaa leh ganacsatada uu ilaah xoolaha siiyey’. 7. Xariirka Farmaajo iyo Cali Mahdi: Madaxweyne Cali Mahdi Waxaa uu sheegay in aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Farmaajo, isaga oo ka hadlayey labo jeer oo ay kulmeen waxaa uu yiri ‘‘Aniga madaxweynaha colaad gooni ah uma qabo, saxiibtinnimo gooni ah uma qabo, Farmaajo aniga labo jeer ayaan arkay weligey, maalin waxaa ii geeyey Governatooraha Cumar Finish, innaga oo faataxeysaneyna sooma kala tagin, waxaan kusoo kala tagnay waxaan kuu gooynaa kaar aad magaalada ku marto, maalin taas ayey aheyd taariikh madow ayey aheyd, marna waxaan u tagay isaga ayaa isoo wacoo, dad isoo diray, xafiiskiisa ayaa galay kursiga uu fadhiyo inta aanan tagin, irida aan 5 daqiiqo istaagneyn, waana kasoo tagay, mana go’aansan in aan mar dambe u tagin’’. Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa arbacadii ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Shabeellada dhexe 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. W/D: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Alberto Vecchi ayaa maanta heshiis muhiim ah ku saxiixay Muqdisho. Heshiiskan oo ah mid deyn cafin ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Sidoo kale heshiiskan & qorshihiisa ayaa ahaa mid ay labada dhinac muddo kasoo wada shaqeynayeen, sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Talyaaniga kaga mahad-celiyey, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay dowladda & shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya & Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi. Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey dadaal badan ku bixisay barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.
  6. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto, kaas oo booqasho ugu tegay hoygiisa. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli qabsoomida doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka Sidoo kale labada dhinaca ayaa isla soo hadal qaaday sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan laheyd dadaallada socda, siiba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland. Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni. Si kastaba madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ka wada caasimada, isaga oo horey ula kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Midowga mushrraxiinta.
  7. MOGADISHU (HOL) - Banaadir Regional Administration has announced a $5 penalty for those who fail to wear face masks as the city battles with the COVID19 menace. Source: Hiiraan Online
  8. Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in Cali Mahdi ilaa afar cisho kahor la keenay magaalada Nairobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen. “Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona”, ayuu yiri Yaxye Caamir. Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladiisa saacadihii lasoo dhaafay. Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona. View the full article
  9. Robert F. Kennedy Human Rights urges state authorities and international actors to take immediate action to release freelance journalist Kilwe Adan Farah from nearly three months of arbitrary detention in Puntland, Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Robert F. Kennedy Human Rights urges state authorities and international actors to take immediate action to release freelance journalist Kilwe Adan Farah from nearly three months of arbitrary detention in Puntland, Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo. View the full article
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin Xasan Xuseen Xaaji, Xubin Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin Durraan Axmed Faarax, Xubin Cumar Cali Rooble, Xubin Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi View the full article
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Cali Mahdi door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, islamarkaana muddo illaa saddex cisho hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey. Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooda View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. “Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah. Sidoo kale waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Ummadda Soomalaiyeed. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Cali Mahdi Maxamed uu door weyn kasoo qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka. Halkan hoose ka aqriso:- Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey. Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  15. Lamu Fishermen have voiced their concerns over the government’s decision to steer ahead with the Kenya-Somali border dispute case at The Hague currently, indifferent to their non-involvement in the case stating that they are likely to suffer the most if Kenya loses in its bid to retain its territorial waters. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo xalay marti ku ahaa barta Xiriirka Bulshada ee loo yaqaan Club House, ayaa ka warbixiyay Arrimaha Guddiga uga qabsoomay diyaarinta Hannaanka Xisbiyada badan. Guuleed Saalax ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan Habraacyada iyo xeerarka ku saabsan hirgelinta Barnaamijka xisbiyada badan, si loo qabto doorashooyin ku salaysan Hannaanka qof iyo cod, islamarkaana looga gudbo Nidaamka Qabaliga ah. Mr Guuleed wuxu sidoo kale tilmaamay in Guddigu soo iibsaday Qalabka Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo casriya, kaas oo Indhaha iyo Wejiga qofka laga qaadayo, sidaas darteedna aysan suurta-gal ahayn in qofkaas laba jeer is diiwaan-geliyo, si uu laba jeer u codeeyo. Ururada Siyaasadda ee haatan ka dhisan Puntland, ayuu sidoo kale ku tilmaamay kuwa macna weyn, oo ay ku jiraan %90 siyaasiyiinta miisaanka leh ee Puntland. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay doorashooyin hordhac ah oo bartamaha sannadkan laga qaban doono saddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo tijaabo u noqon doona Hirgelinta Doorashooyinka qof iyo cod. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sannadkan gudihiisa qabanaysa doorasho ku salaysan qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Kulankii Khamiislaha ahaa eeGolaha Wasiirada wuxuu Xalay kula yeeshay Bosaso qaar kamiada Golaha Wadiirada. Kulanka ayaa Furitaankiidii loogu duceeyay Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi oo shalay makhribkii ku geeriyooday Nairobi. Kulanka waxaa looga hadlay Amaanka gaar ahaan howlgalada ka socda Gobolka Bari, Waxaa kaloo looga hadlay oo u muhiimsanaa Doorashada Soomaaliya iyo Wadahadalada lagu balan sanyahay inay ka dhacaan Muqdisho. Hoos kabdaawo Sawirada The post Madaxweyne Deni oo Bosaso kulansgiray Golaha Wasiirada appeared first on . Source
  18. Allaah U naxariisto waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Martiini ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliye Sareeye Guuto Axmed Jaamac Muuse . Taliye Axmed ayaa mudda dheer soo maamulayay ciidaada Booliika Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa waaya arag dhanka Ciidamada ah. S/G Axmed Jaamac Muse ayaa hadda ka mid ahaa Lataliyayaasha Taliyaha Ciidamada Booliska Xijaar . Source: goobjoog.com
  19. Gudoomiyaha Jaamacada Golis Faraceeda Magaalada Berbera Xil Naasir Cali Shire ayaa Waxba kamo Jiraan ku tilmaamay Wararka sheegaya inuu Mayirka degmada Berbera ka mid yahay Ardayda ka qalin Jabinaysa maalinta beri ah kuuliyadaha kala duwan Ee jaamacadaasi. Xildhibaan Naasir Xaaji shire oo u waramay Weriye Axmed Siciid Maxamed ayaa yidhi “Arrinkaasi Baraha bulshada la Wareejinayo wax ka jiraa ma jiraan , aniguna waxaan ahayn qof qiyam leh igamana suurtowdo inaan qof aan kamid ahayn Ardayda dhigata Jaamacada aan ku Daro kuwa qalin Jabinaya Cidda uu doono ha ahaado, lacagta uu doono ha haysto” Gudoomiyaha Jaamaacada Golis Berbera Nasir Xaji Cali shire Source
  20. Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar. Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan. Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid. Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas. Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen. Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre. Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay. Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto” View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1132021.mp3 View the full article
  22. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has ordered the lowering of the flag to half-staff for three days following the death of former Somali President Ali Mahdi Mohamed. Source: Hiiraan Online