Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dilay Maanta sarkaal caan ka ahaa xaafadda kana tirsanaa Cidamada Booliska Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Dollar), waxaana lagu toogtay Garaash ku yaalla agagaarka Seybiyaano halkaas oo ah suuq lagu iibiyo qudaarta iyo Caanaha oo uu isaga mas’uul ka ahaa. Kooxaha dilka geystay ayaa marxuumka dhowr xabad kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana ugu dambeyn u suurta gashay inay meesha isaga baxsadaan, inkastoo ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan ragga falka geystay. Sarkaalka dilka loo geystay ayaa caan ka ahaa Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, wuxuuna heystay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, islamarkaana geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da. Ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Sarkaalkaan loo geystay oo ka tirsanaa ciidamada booliska, waxaana la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, oo ayadu inta badan geysata falalka noocan ah. Ma aha markii u horeysay ee Sarkaal ka tirsan ciidamada ay dabley hubeysan ku toogtaan magaalada Muqdisho, haddana waxay dhacdadan kusoo aadeysa xili uu dalka marayo marxalada xasaasiya. The post Mahad Dollar oo lagu dilay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  2. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waaxdeeda dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka oo qoraal kasoo saartay xaaladda Soomaaliya ee 2020-kii ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ay ku kacday falal ka baxsan banii’aadamnimada sida xarig sharci darro ah, diidmada isu soo bax, dad gacanteeda lagu waayey, baaris la’aan iyo arrimo kale oo wax u dhimmaya dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadana, Soomaaliya u sii dhoweynaya dowladaha kaligii taliska. Xukunka dilka ah, warbixinta waxaa ku jira in UNSOM ay qortay in inta u dhaxeysa November 5, 2019, iyo August 13, la fuliyey ilaa 32 xukun oo dil ah oo maxkamad ay amartay. Isla UNSOM waxaa ay qortay in Al-shabaab ay masúuliyad ka aheyd 60% dilka rayidka ee inta u dhaxeysay November 5, 2019, ilaa August 13. Waxaa la warbixinta ku jirta in ay jiraan dad la waayey, waxaa ka mid ah Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo la heystay February ilaa August. Abuja waxaa lagu eedeeyey inuu dil geystay iyo inuu xubin ka yahay Al-shabaab. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa ku jirta in dastuurka KMG ah uu kahor imaanayo in qof la xiro warqad qabo la’aan ama aan xabsiga lagu heyn karin ama biil qofka lagu deyn karo, iyada oo intaas dadku og yihiin hadana dowladda federaalka ah ma ixtiraamto, oo waa iska indho tirtaa. Waxaa kale oo lagu sheegay in dadka xoog la isaga xirto haba u darnaadeen dadka lala xiriirinayo Al-shabaab iyo kooxaha lasoo qabto. Waxaa lasoo qaatay xasbiyada siyaasiga ah sida Mukhtaar Roobow oo iska xiran maxkamad laáan tan iyo 2018-kii. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in ay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda labada heer oo magaca dowladda dhul ku xooga ama dad ku bara kiciya. Mareykanku waxaa ay sheegeen in dowladda ay ku guuldareysatay barista dilal loo geystay weriyeyaal sida Cabdiweli Cali Xassan, Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naaleeye Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa lagu dhaleeceeyey sida ay dowladda federaalka ah ugu guuldareysatay ilaalinta xorriyadda hadalka. Mar ay Mareykanku ka hadleen xariga weriye Cabdicasis Guribiye oo ah agaasime ku xigeenka iyo tifaftiraha guud ee Goobjoog ay u geysteen booliiska 14-kii April ee sanadkii hore, warbixinta waxaa lagu sheegay iney arrinkaas qeyb ka aheyn meelaha ay dowladda u adeegsaday xeerar baaliyoobay, oo aan la socon karin waqtiga. Isla kiiska Gurbiye waxaa ay Mareykanku sheegeen in la xiray weriyaha kadib markii uu daaha ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu amray in ventilator yaallay Isbitaalka Martiini la geeyo xarunta madaxtooyada, waxaa intaas lagu daray in sidaa ay dowladdu u sameysay in la qariyo hanti caafimaad oo dadweyne iyo qalad laga yaabo inuu dhaco. Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in Cabdicasis Gurbiye loo xiray qoraal uu soo dhigay Facebook xilli uu hey’adaha dowladda kula xisaabtamay Covid 19, waxaa lagu soo gabagabeeyey in kasta oo Gurbiye ay maxkamadda gobolka Banaadir xukun 6 bil ah ku ridday July 29, hadana waa uu iibsaday, laakin arrinkan waxaa ay saxaafadda Soomaaliyeed u aragtay farriin loo diray oo ah cabsigelin iyo inaan waxba laga qori karin arrimaha dowladda federaalka ah. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in musharaxiinta ay dowladda ka codsadeen isu soo bax, laakin ay dowladda federaalka ah iska diiday. Ugu dambeyntii, waxaa laga hadlay in guddiga maaliyadda oo helay in hey’ado ka tirsan ay dowladda ay galeen qandaraasyo badan oo aan xisaabtooda laheyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wararka naga soo gaarayo degmada Hodan gaar ahaan Saybiyaano ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska . Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mahad Ali Cilmi (Mahad Dolar ) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed . Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in sarkaal uu ahaa mid magac ku leh Agagaarka Saybiyaanoo illa Ex-control Afgooye . Dilka Taliyaha ayaa la sheegay in ay ka dambeeyen Kooxo bistoolado ku hubeysan kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday. Source: goobjoog.com
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay gadood ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa kasoo baxay Xerada Indha Qaris, iyaga oo la wareegay saddex koontarool oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa koonfurta Gaalkacyo, iyaga oo gaadiidka u diidaya isticmaalka waddooyinka magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysa ciidamadan ayaa shaaciyey in aysan wax mushaar ah qaadan illaa saddex bilood, isla-markaana ay waayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen Galmudug. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay billowdeen dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas dadaal badan ku bixinaya sidii loo xalin lahaa tabashada ciidamadaasi, dibna loogu celin lahaa xeradii ay kasoo baxeen. Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedyada Galmudug, kuna aadan xiisadaasi. The post Ciidamo gadoodsan oo xirtay waddooyinka magaalada Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
  5. MOGADISHU (HOL) - The UN and three other intergovernmental organisations have urged Somali leaders to resolve the ongoing political stalemate in yet another demand by the international community as the electoral gridlock continues. Source: Hiiraan Online
  6. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah. Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May, 2021. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo lacag ugu deeqay Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  7. Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada xal u helista doorashada. War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa lagu sheegay in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo is bar-baryaac ah, muddo kororsi iyo qorshe kasta oo dhaawici kara amniga, nabadda iyo xassiloonida Soomaaliya. Waxay ugu baaqeen labada dhinaca ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay heshiis ka gaaraan is-mariwaaga doorashada, laguna saleeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo is fahankii February 2021. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo IGAD oo baaq u diray madaxda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka Maalgashiga, kaasi oo muddo badan la sugaayay. Xeerkan ayaa ah mid lagu hagi doono maalgashadayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha, iyadoo xeerkani uu wax badan ka tari doono maalgashiga Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Hey’adaha caalamiga ah ayaa kooxaha Soomaalida ugu baaqay in xal laga gaaro ismariwaaga doorashada Soomaaliya. Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen hey’adaha Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay ka shalaynayaan guuldarrada wada hadalka doorashada. Afartan hey’adood ayaa yiri”Hey’adahan waxaa ay walaac ka muujiyeen ismariwaaga jira iyo saameynta xun ee ay ku leedahay nabadda, amniga, xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya iyo meelo ka fog” Arrintan ayaa jawaab u aheyd qoraal ay dowladda federaalka ah u dirtay golaha ammaanka oo ay ku sheegtay in faragelin laga daayo arrimaha gudaha Soomaaliya, lana ixtiraamo madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay. Wada-hadal khadka muuqaalka foggaan aragga ay yeesheen Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Madaxa Arrimaha siyaasadda, Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Bankole Adeoye, Agaasimaha Afrika ee Midowga Yurub Amb. Rita Laranjinha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada Rosemary DiCarlo ayaa ka soo saareen war murtiyeed wada jir ah. Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo dib u dhigi karta xasiloonida Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka digeen muddo korodhsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota. Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan ansixin ku sameeyaan heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul. Source
  11. Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan kuwaas oo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay la wareegeen inta badan Baraha koontaroolada magaalada . Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada oo la hadlay warbaahinta GoobJoog News ayaa sheegay in ciidamada ay ka cabanayaan Mushaar la’aan muddo seddax bil ah oo ciidamada hay’say. Ciidamada ayaana qabsaday baraha koontorolada magaalada iyagoo hakad geliyay isku socodka gaadiidka ee Magaalada Gaalkacayo. Askartan ayaa ka tirsan Ciidamada daraawiishta Galmudug qeybta Horseed ee magaalada Gaalkacayo , waxa ayna sheegen in aysan maamulka ka helin xuuqdii ay ku lahaayeen . Illa iyo hadda maamulka magaalada iyo kan Galmudug kama hadlin Cabashada ciidamadaan. Source: goobjoog.com
  12. Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada. Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyas.Gaadhi uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad. Waxaa soconaya baadhitaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay Dilka Ilyaas, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin. Qaran News
  13. Ciidan gadooday oo Goor-dhaweyd qabsaday Kaantaroolada laga soo galo Magaalada Gaalkcayo Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo. Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah. Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda. Qaran News
  14. Ganacsatada Qaadka ee Muqdisho oo ka cabanaya dad kala wareegay hawlaha ayaa ku dooday in la hoos geeyey soo dejinta Qaadka dad ay qaraabo yihiin Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Mid ka mid ah ganacsatada oo arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Niman aan xeerka jaadka aqoon oo Youtube laga soo dejiyay oo aan ganacsi jaad aqoon oo intaas iskugu timid 40 sano in aan ka yareyn ayaa gadeynaa Qaad, haddana waa la afduubay dad gooni ah ayuu u afduubanyahay umadda ilaahey baa og toban jeer ayaa sheegnay, annaga waxaa dacwad ka nahay dadka uu jaadka u afduubanyahay madaxweyne Farmaajo walaalkiis ayuu u afduubanyahay iyo saddexda nin ee u shaqeysa waa in nalaga soo gaaraa “. Ganacsatada kale ee Qaadka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ka mid ah hadalladooda: “ Waxaan cabasho ka nahay Jaadka hareeriga ah dad ayuu u qorsheysanyahay oo saddex qof ah anagana waxaa nahay dad shacab ah oo ku dhiban, waxaa naloo keenaa jaad dhagaxyo ah oo qoryaa”. Qof kale oo iibiya Qaadka ayaa yiri “ waa ku dhibannahay khaadka waxaan waligeen aragnay maahan waxaa la yaabnay nuucaas qoryaha ah oo wax naga ceshanaayo aysan jirin waa qashin jaad maahan dad aan Naxriis la heyn ayaa nala hoos geeyay”. Qof kale ayaa yiri “ nimanka jaadka u yimaado iyaga oo aan jaad u imaan ayaa anaga hareeriga noo imaan jiray boorsooyin ayaa hargeysa ka keensannaa waa nalka dhacay waa keesannaa waa nalka dhacaa nimanka garoonka jooga waxay u shaqeeyaan nimanka qaadka keensada ayay u shaqeeyaan hal marduuf oo kale meel kama keeni kartid tan labaad kii $5 doolar jooga waxay ku rabaan $10 doolar”. Mid kale waxa uu yiri “ dowladda waxaa u sheegeynaa waa dulmannahay meel aan u dacwoono ayaa weynay wax nala hadla ayaa weynay waa dulmannahay ugu yaraan halsano ayaa hareerigaas nalu ku heystaa dadbaa naloo gardarduubay si xorana maahan dowladana waa ay u jeedaa marka dulmigaas hanalga soo gaaro hoos ha noloo fiiriyo”. Codsi ay u direen ra’isul wasaaraha “ waa dadkii jaadka ka ganacsanaayay oo ganacsi kale heysan oo haddii iskuul tahay haddii caafimaad ay tahay iyo haddey tahay nolol dadkii intaas ka ganacsanaayay ayaa nahay, waa dadkii uu matalaayay ra’iisulwasaaraha codsi qaas ah ayaa u direynaa waxaan leenahay ra’iisulwasaare waa hurudaayee hurdada ka kac ganacsiga jaadka eek a yimaada Itoobiya waa ganacsi baadil ah umaddii waa lagu dhibaateeyay inta halkaan fadhisa waxa ay wakiil ka tahay dadka Muqdisho jooga iyo hareeraheeda”. Cabashada ganacsatadan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyada oo weli uu xayiranyahay Qaadka miraaga ahaa ee laga keeni jiray Kenya kaasi oo weli u xayiran arrimo la xariirka siyaasad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Dadaallada socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay markale miiska wada-hadalka isugu soo noqon lahaayeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyda, si xal loo wada gaaro. Wararka ayaa sheegaya in dadaallada iyo waan-waanta socota ay qeyb ka yihiin wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiin, hoggaanka ururada bulshada rayidka iyo dhaqanka. Ilo ku dhow dhinacyada wada dadaalladaasi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan waan-waanta laga dhex-billaabay ee lagu doonayo in dib loogu sii amba-qaado wada-hadallada. Sidoo kale xubnaha wada dhex-dhexaadinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonto waan-waantooda, isla-markaana ay dib u billaaban doonaan shirarkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay fashilmeen wada-hadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee Muqdisho. The post Waan-waan laga dhex-bilaabay madaxda Soomaalida iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  16. Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo. Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah. Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda. PUNTLAND POST The post Ciidan gadoodsan oo qabsaday kantaroollada Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali state media said that the federal government expects a shipment of Chinese-made COVID-19 vaccines to arrive in the capital on Sunday. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-London)-Ismaaciil Axmed oo ah Aasaasaha iyo Mulkiilaha Shirkadda Caalamiga ah ee World Remit, ayaa shaaciyey inuu aasaasay Hay’ad cusub oo taageeri doonta adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa uu Ismaaciil Axmed ku sheegay warbixin uu ka qoray Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu maalqabeenku xaqiijiyey inuu aasaasay Hay’adda Sahamiye Foundation oo uu kala badh hantidiisa gelin doono tobanka sannadood ee soo socda, waxaanay Hay’addaasi 500 oo Milyan oo Doolar ku saacidi doontaa adeegyada Caafimaad iyo waxbarashada hoose ee aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ganacsade Ismaaciil Axmed waxa uu tilmaamay in Hay’adaha dhaqaalaha ee aan ka shaqeynin Somaliland ay caqabad ku tahay fursadihii maalgashi ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka kasban lahayd Caalamka. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dhaqaalaha ay soo ururiyaan Hay’adaha caalamiga ahi qadar aad u yari ka gaadho bulshada reer Somaliland. Ismaaciil Axmed waxa uu Wargeyska The Guardian u sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland caalamka tusaale wax ku-ool ah ugu noqonayso waxqabsiga iyo isku-tashiga hoosta laga soo bilaabo. Waxaanu ku dooday in Somaliland wax qabasatay iyadoo aan cid kale ka helin taageero. Ganacsade Ismaaciil waxa uu tilmaamay in Warbaahinta caalamiga ahi ay xoogga saaro waxyaabo khaldan, hase ahaatee waxa uu xusay inay Somaliland tahay qaddiyad dhacdo ahaan guulaysatay. Wargeyska The Guardian wuxuu Somaliland ku sifeeyey dal madaxbannaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya oo ku naaloonaya dawladnimadiisa gaarka ah, isla markaana leh Baarlamaan, Lacag iyo Ciidammadiisa Ammaanka. Warbixintaasi waxa ay sheegtay Ismaaciil Axmed uu Ingiriiska ku soo galay qaxoontinimo sannadkii 1988kii, markii Somaliland uu ka dhacay dagaalkii, waxaanu Ingiriiska iyo Somaliland ka hirgaliyey sannadkii 2010kii mid ka mid ah shirkadaha farsamooyinka casriga ah u xawila lacagaha. Source
  19. Rai’sul wasaaraha UK oo aan ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip Dadka ayaa ubaxyo dhigaya goobta tacsida Rai’sul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday. “si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha feyriska Corona ” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha. Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota. 30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo amiir Philip oo jimcihii geeriyooday. Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa. Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka. Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahay markii uu dhimanayay 99 sano jir . Sidee ayuu u dhici doonaa aaska? Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle. Maamus sharafeed ayaa loo sameeyay saddexdii qof ee ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa, oo ay ku jirtay Hooyada Boqoradda sanadkii 2002, markaas oo 200,000 oo qof ay muddo ka badan saddex maalmood saf ugu jireen inay xushmad u muujiyaan. Diana, Amiiradda Wales ayaa sidoo kale loo sameeyay munaasabad taas la mid ahayd. Balse College of Arms, oo gacan ka geysata qabanqaabada munaasabadaha dalka, ayaa sheegtay in qorshaha munaasabadda duugta ay u dhici doonto sida uu doonayay Amiirka. Calanka u gaarka ah Amiirka, ayaa la filayaa in laga taago munaasabadaha. Calanka wuxuu muujiyaa waxyaabo noloshiisa ku saabsan, raadkii uu ku lahaa Giriigga iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay Britain. Sidee ayay dadku xushmaddooda u muujin karaan? Xayiraadaha Coronavirus ee diidaya in dad badan ay isku yimaadaan gudaha England ayaa waxay ka dhigan yihiin in qorshooyinkii in muddo ahba uga degsanaa maalmaha ka horreeya duugta wax laga beddeli doono. Bulshada ayaa laga codsaday inaysan isku dayin ka qeyb galka munaasabadaha duugta, sababo la xiriira talooyinka caafimaadka. Qoyska Boqortooyada ayaa sidoo ka codsaday dadweynaha inaysan ubaxyo dhigin bannaanka dhismaha aqalka Boqortooyada. Barta Internet-ka ee Qoyska Boqortooyada, xubno ka tirsan dadweynaha ayaa laga codsaday inay sadaqo siiyaan hay’ad gargaar beddelkii ay ubaxyo ku maamuusi lahaayeen Amiirka. Boor lagu soo bandhigay bannaanka Aqalka Buckingham, oo lagu shaacinayay geerida Amiirka, ayaa markii dambe laga qaaday, iyadoo laga cabsi qabo inuu soo jiito dad fara badan. Si kastaba, dadka ayaa ubaxyo, kaarar iyo qoraallo maamuus ah dhigayay bannaanka aqalka oo ku yaalla Windsor Castle, inkastoo laga codsaday inaysan sidaas sameyn. Qaran News
  20. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah Dowladda Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay. Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxeexay heshiis tallaal lagaga hortego Cudurka COVID-19 lagu geynayo dalka Soomaaliya. Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka adduunka Aafeeyey ee COVID-19 la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho la keeni doono tallaalka Sinopharm oo ay soo saartay dowladda Shiinaha. Source
  21. (SLT-Cape Town)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay ahayd deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi. Budhcadda ayaa weerar ku qaaday nin Soomaaliga ah, xili uu watay gaadhi, isla markaana socdaal ku marayay xaafadda Elsie’s River ee Magaalada Cape Town, iyagoona rasaas xoogan ku furay, kadibna uu ku dhintay. Allaha u naxariistee ninka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Ilyaas, waxaana weerarka lagu qaaday ka badbaaday saddex kale oo Soomaali ah oo gaadhiga la saarnaa. Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Elsie’s River tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo bixin. Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto dadka Soomaalida ah, waxaana sannadkaan gudihiisa lagu dilay Soomaali badan oo lahaa goobo Ganacsi. Source
  22. Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay baaritaanka dilkii loo geeystay Allaah U naxariistee Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi xakiin Dhegajuun. Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Genaral Cabdullahi Buulle Kameey oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay baaritaanadii dilka Guddoomiyaha. Waxa uu sidoo kale xusay in dhawaan loo fadhiisan doono dhageysiga dacwadda Genaral Kameey ayaa sheegay in dilka gudoomiyaha uu ahaa mid si ula kac ah loo geeystay. “Baaritaanka guddi baa loo saaray waxaa ay ku soo gabagabeeyen dil kas ah” ayuu yiri Generaal Cabdullahi Buulle Kameey. Bilawgii sanadkan ayey aheyd markii xilli Habeen ah ciidamo ka tirsan Kuwa Booliiska Soomaaliya oo ku sugan agagaarka Isgoyska degmada Howl-wadaag ay dil ugu geeysteen Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdi Xakiin Dhega Juun . Source: goobjoog.com
  23. Qareenkii Saddam Hussein iyo Slobodan Milosevic oo geeriyooday Ramsey Clark Xeer-ilaaliyihii guud ee hore ee Mareykanka Ramsey Clark, ahaana qareenkii Madaxweyneyaashii Iraq iyo Yugoslavia ee Saddam Hussien iyo Slobodan Milosevic ayaa ku geeriyooday magaaladda New York ee gobolka New York ee wadanka Mareykanka. Intii Clark uu ka tirsanaa waaxda caddaaladda Mareykanka, gaar ahaan xilligii madaxweyne Johnson wuxuu kormeere ka noqday sharcigii xuquuqda codbixinta ee 1965, kii xuquuqda madaniga ah ee dadweynaha Mareykanka ee sanadkii 1968, isagoo sidoo kale ka soo horjeestay ciqaabta dilka ah. Markii uu ka tagay shaqada dowladda Mareykanka wuxuu Clark talooyin sharci siiyay madaxweyneyaal caan ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saddam Hussien, Slobodan Milosevic, hoggaamiyihii Libya Kolonel Muammar Gaddafi iyo madaxweynihii Liberia Charles Taylor, wuxuuna Clark aad uga soo horjeestay siyaasadda gaashaan-dhigga iyo arrimaha dibadda Mareykanka. Inkasta oo difaacista hoggaamiyeyaashaas uu kala kulmay dhaleeceyn adag, haddana maadaama loo arkayay shakhsi ay qadariyaan wadamadda qaar, ahna u dhaq-dhaqaaqe xuquuda aadanaha ayaa madaxweyne Jimmy Carter wuxuu sanadkii 1979 Clark ka codsaday inuu Iran kala xaajoodo siideynta 53 qof oo Mareykan ah oo Tehran ay qabsatay, hase yeeshee qorshahaas kuma guuleysan madaxweyne Carter. Clark, wuxuu ahaa shakhsigii ugu dambeeyayay ee ka noolaa xukuumaddii madaxweyne Lyndon Johnson. Facebook Forum Qaran News