Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali diplomat Nuur Mohamud Sheekh has been named the spokesperson for the regional bloc Intergovernmental Authority on Development (Igad). Source: Hiiraan Online
  2. MURFREESBORO, Tenn. — Two Middle Tennessee State University students have been charged with stealing over $114,000 from the school, according to the Tennessee Bureau of Investigation. Source: Hiiraan Online
  3. Authorities in Somalia’s Puntland regional state have escalated their attacks on media freedom by intimidating, harassing and arbitrarily arresting journalists ahead of presidential and parliamentary elections, Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  4. It has been more than a quarter of a century, but to this day the word "Somalia" sends a shiver down the backs of soldiers old enough to remember it. Source: Hiiraan Online
  5. Nuur Maxamuud Shiikh Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Af-hayeenka Rasmiga ah ee Urur Goboleedka IGAD, sida laga soo xigtay warqad ka soo baxday Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu. Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa waddanka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka cusub ee Urur Goboleedka IGAD. The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedkan. Mr. Nuur Maxamuud Shiikh, wuxu mudda 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda, isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Urur Goboleedka IGAD, waxa ku midaysan sideed waddan oo kala ah: Soomaaliya, kenya, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, Eritrea, Uganda iyo Sudan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Diblomaasi Soomaaliyeed oo loo magacaabay Af-hayeenka Urur Goboleedka IGAD appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xal u helidda muranka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo shirka ku saabsan Doorashada oo la filayo in uu dhowaan ka qabsoomo Muqdisho. Shirka oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa lagu turxaan-bixin doona Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September. “Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka labada mas’uul wuxu ka qabsoomay hooyga madaxweyne Axmed Madoobe ka degganyahay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubaland. Axmed Madoobe iyo Mr Yamamoto ayaa kulankooda uga wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo weli muran ka taaganyahay sida ay Jubaland sheegtay. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.” PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan soo gaaray cutub ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Gorgor, waana cutubka 15-aad oo tababar kusoo qaatay wadanka Turkiga. Warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kala hadashay Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhamaaday inaan siyaasad loo adeegsan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, sida ay horay u sameeyeen Mareykanka oo diiday in ciidamada Danab loo adeegsado qalalaasahii ka dhacay Muqdisho. Sarkaal magaciisa la qariyay ayaa dhowaan u sheegay wargeyska Washington Post in Mareykanka ay ku gacan seyreen codsi uga yimid Farmaajo kaas uu ku dalbaday inuu Muqdisho kusoo daabulo Danab, waxaana taa beddelkeed caasimadda la keenay Gorgor iyo Haramcad oo shacab dibad-baxayey ku dilay magaalada. Ma cadda, haddii Farmaajo yeeli doono codsiga Turkiga, waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga ay dhowaanahan isku dhowaayeen madaxweynaha waqtigu ka dhacay, ayada oo ka tagtay dhex-dhexaadnimadii ay ku jeclaadeen shacabka Soomaaliyeed. Imaatinka ciidamadaan waxey kusoo aadeen xilli mucaaradka ay dood badan ka qabaan hab adeegsiga ciidamada qaranka, waxeyna madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku eedeeyeen inuu si baalmarsan sharciga u isticmaalay ciidanka, iyadoo laga tusaale qaadanayo wixii dhacay 19-kii February. Ciidanka Gorgor iyo kuwa Haramcad waxaa tababarkooda iyo xoojintooda qaabilsan Turkiga oo ku tababara gudaha dalka iyo banaankaba, waxaana la diyaariyay ciidan xoogan oo awood u leh iney sugaan ammaanka caasimadda. Si kastaba walaac badan ayaa laga qabaa ciidamada ay dowladda Turkiga tababarta, maadaama aan loo adeegsaneynin dano qaran ee shakhsiyaad ay hogaanka u hayaan, waxaana muuqaneysa iney taasi tahay ku tumasho dhanka dastuurka iyo sharciga ah sidey leeyahiin dadka siyaasadda u dhuun duleela. Ciidamada waxey masuul ka yahiin nabad galyada, waana iney ka dhex baxaan siyaasadda ayey ku taliyeen dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, kaas oo muddo bil ah si sharci ah darro ah ku jooga aqalka looga taliyo dalka. Ugu dambeyntii dhaqanka FARMAAJO ee soo shaac baxay markii uu muddo xileedkiisa dhamaaday waxaa dib u dhac u arka mucaaradka, iyadoo la fiirinayo adeegsiga ciidamada iyo xaq dhawr la’aanta dastuurka maadaama uusan wali ogolaan inuu yahay xukuumad xil heyn ah.
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa xalay geeriyooday Madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isbitaal ku yaal Nairobi ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafayna xanuunka safmarka ah ee Corona uu la ildarnaa. Waxaan halkaan kusoo koobeynaa taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Cali Mahdi iyo waxa lagu xusuusan doono. Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ku dhashay tuullada Caddoow-uul ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe qiyaastii 1938-kii, Waxaana yaraantiisa la keenay Xamar oo uu ku barbaaray, wuxuu waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho, isagoona heerka waxbarashada dheeriga ah kusoo dhameystay dalka Masar. Sanadkii 1969-kii wuxuu ka mid noqday xubnihii golaha baarlamaanka, iyadoo deegaan doorashadiisana aheyd magaalada Jowhar, oo waqtigaasi ka tirsaneyd gobolka Banaadir, baarlamaanka qaranka wuxuu ku biiray isagoo da’yar, wuxuuna sidoo kale uu howsha siyaasadeed u barbar socday arrimaha ganacsiga, wuxuuna ka mid noqday maal qabeenada waaweyn ee macruufka ka ah Soomaaliya. Allaha u naxariistee Cali Mahdi, xiligii xukunkii askarta wuxuu billaabay shaqada dowladda wuxuuna ka mid noqday madaxdii waaweyneyd ee wasaaradda caafimaadka maamuleysay, wuxuuna ahaa madaxii la dagaalanka cudurka duumada, iyo agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka. Markii ay dowladdii Kacaanka bilowday caburinta iyo eexsiga qabiilka ku dhisnaa Cali Mahdi wuxuu u xerga goostay inuu ku biiro siyaasiyiin dooneysay in dalka iyo dowladdaba lagu toosiyo wadada sharciga ee dastuuri ah kuna dhisan caddaalada iyo sinnaanta bulshada, wuxuuna aakhirkii isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku dhawaaqeen 15-05-1990-kii ururkii Maanafeesto ee dhabaha u xaaray in laga takhluuso awoodihii kalitalisnimadii Siyaad Barre, balse ujeedada ururkaasi ayaa ku saleysnaa in si nabad ah xilka uu ku wareejiyo Siyaad Barre, lana dhiso dowladd loo dhan yahay. Todobo bilood kadibna jabhado dadweyne ay xukunkii ka tuureen Siyaad Barre. Burburkii dowladdii Kacaanka 26-kii Janaayo, Cali Mahdi wuxuu juhdi geliyay in dalku noqdo mid la isku soo celiyo, waxaana qabsoomay shirkii loogu doortay madaxweynaha Somalia isagoo xiligaasi ka maqnaa madashii shirka oo lagu qabtay dalka Jabuuti 1991-kii. Dowladdii Jabuuti looga dhawaaqay ee Cali Mahdi loogu doortay waxaa ka horyimid Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isagana rabay in loogu dhawaaqo hoggaamiyihii badalay kaliyihii taliyihii Siyaad Barre. Beesha caalamka waxay soo dhoweysay dib u heshiisiintii iyo dowladdii ka dhalatay Jabuuti ee madaxda looga dhigay Mudane Cali, Nasiib darase waxay ka dhacday dowladdii iyadoo wada hannan maamulkii dalka in magaaladii Muqdisho ka qarxo dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadeen xooggagii afka dhulka daray kaliyihii taliyihii Siyaad Barre. Dagaalkaasi wuxuu dhacay 1992-kii wuxuuna sababay burbur, barakac, iyo inuu fududeeyo abaarihii wadanka dhacay. Dagaalkii afarta bilood oo ahaa dagaal aad u xoog badan inta taarikhda laga og yahayna Somalia horay usoo marin, wuxuu sabab u noqday inuu wadanka ka bilaabmo faragelin shisheeye oo ilaa hadda Somalia la ildaran tahay. Mudadaasi kadib labadii hogaamiye waxay bilaabeen waan waan iyo xal lagu dhameynaayo dhibaatadii wadanka ka dhacday, dabadeedna waxaa la isugu tegay shirkii Addis Ababa ka dhacay iyadoo wax u eg labadaasi hoggaamiye ay bilaabeen tanaasulaad aan hirgelin. Geeridii Jen. Caydiid kadib, Cali isna wuxuu ka tanaasulay sheegada inuu madaxweyne ka yahay wadanka, wuxuuna aakhirkii ka mid noqday hoggaamiyeyaashii taageerada weyn siiyay inuu qabsoomo shirkii Carte ee Jabuuti, taasoo lagu doortay mudane C/qaasim Salaad. Mudooyinkaasi kadib Cali Mahdi wuxuuu u xuubsiitay inuu noqdo oday Soomaaliyeed, ee saameyn iyo qeyb weyn ku leh nabadeyn iyo dib u heshiisiin, wuxuuna door ka qaatay shirkii Mbaghati oo u arkayay maslaxad Soomaaliyeed iyo fursado Soomaali dib loogu mideyn karo. Cali Alle ayaa oofsaday, waqtiyadiisii ugu danbeeyay wuxuu juhdi weyn gelshay isu keenida beelaha Soomaaliyeed oo uu ka bilaabay dib u heshiisiinta qowmiyada Muddullood, taasoo ku guuleystay, naqshadiisase waxay ku saleysneyd inuu heer Soomaaliyeed gaarsiiyo. Wuxuu ka bilaabay beelihii Muqdishoow deganaa, isagoona dhinaca kale xiriiro toos ah la sameeyay hoggaamiyeyaashii dowlad goboleedyada, sanadkii tegay ay yimaadeen Xamar. Cali Mahdi aas-aas fiican ayuu u dhigay qaranimada Soomaaliyeed hase ahaatee tallaabooyinkiisii waxay u baahan yihiin Hoggaamiyeyaal dhameystira. Qore: Ali Muhiyaddiin Ali Muxiyaddiin@hotmail.com London, United Kingdom
  10. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka Weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale & Cumar Dheere oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka uu ahaa goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howl-galkaasi ay ku soo qab-qabteen illaa 18 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka aasida qaraxyada miinooyinka. Ugu dambeyn saraakiisha ka warbixiyey howl-galka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya deegaanadaas gobolkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidanka huwanta.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada. Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee laga hadli doono waxaa ka id ah arrimo ku saabsan Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique. Sida lagu shaaciyay wargeyska Foreign Policy, waxaa klanka lagu dhageysan doonaa xaaladahii laga diiwaan galiyay arrimaha Soomaaliya, ayada oo QM ay cadaadineyso in dhinacyada Soomaaliya ay gaaraan heshiis doorasho. James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka ku faah-faahin doona arrimo badan oo uu ka diyaariyay waxyaabahii ka dhacay Soomaaliya dhanka amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo uu gacanta kula jiro. Fadhigii ugu dambeeyay ee golaha ammaanka uu ka yeesho arrimaha Soomaaliya waxey aheyd 22-kii February, sidaas darteed wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay ee ku xeeran xaaladda soomaaliya ayaa la dhordhigi doonaa guddiga. Si kastaba Beesha caalamka waxey ka shaqeyneysaa sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda kala guurka iyadoo James Swan uu si gaar ah ugu shaqeynayo inuu isku soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si ay u dhameytiraan heshiisyadii horay loo gaaray
  12. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga, oo ay Boosaaso ku yeesheen Golaha xukuumadda Puntland. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in kulankaas looga hadlay dardar gelinta Hawlgallada Amni ee ka socda Gobolka Bari, oo meel wanaagsan maraya. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana dowlad iyo shacab loo guntaday sidii Argagixisada looga sifayn lahaa guud ahaan Puntland. “Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka hadashay Gulufka ka socda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  13. Taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi+Nooca xanuunku u geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maalmihii dambe la xanuunsanaa cudurka Covid-19. Kumuu ahaa Cali Mahdi? Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar. 1991-kii ayuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii Soomaaliya Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan. Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid. Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas. Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen. Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre. Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay. Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto”. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay geerida Allaha u naxariistee madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu horeyn tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda, si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso ‘dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.’ Madaxweynaha ayaa ugu sambeyntii yiri, “Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.” Dhanka kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, kaas oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxayna kala yihiin xubnaha guddigaas. 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin. Hoos ka Daawo MW Farmaajo
  15. Mogadishu (PP News Desk) — Ali Mahdi Mohamed, a former Interim President of Somalia and one-time hotelier, has passed away in a Nairobi hospital. The cause of the death was Covid-19. United Somali Congress installed Ali Mahdi as an Interim President in 1991, shortly after the overthrow of the military regime led by Mohammed Siad Barre. He was a member of the USC Central Committee. Although his political clout waned Ali Mahdi Mohammed was critical of the incumbent Federal Government of Somalia. Born in 1938, Mahdi was a key signatory of the historic 1990 Manifesto that called for Siyad Barre to relinquish power. General Mohammed Farah Aidid, a leader of USC military wing, had objected to the nomination of Ali Mahdi as an Interim President in July 1991 in Djibouti where reconciliation conference was held for representatives of Somalia’s armed opposition organisations. The election of General Aidid as the Chairman of United Somali Congress at Guled Hotel in Mogadishu intensified the power struggle that had culminated in a three-month battles in Mogadishu between forces loyal to General Aidid and President Mahdi. General Aidid (left) and Ali Mahdi hailing their 1993 meeting in Mogadishu organised by the United Nations. In January 1992 the United Nations brokered talks in New York between representatives from the two warring USC factions. In 1993 in Mogadishu the UN organised a meeting between Ali Mahdi and General Aidid. After the death of General Aidid in 1996, Ali Mahdi’s political clout in the then divided capital of Somalia waned. In 2007 he chaired a reconciliation conference organised by the former Transitional Federal Government of Somalia. He did not sit on the sidelines in Somali politics. From time to time he commented on the electoral deadlock. Politically, Ali Mahdi viewed the federal system as divisive and cumbersome. The President of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed and Prime Minister Mohammed Hussein Roble have sent a message of condolence to the family of the former Somali leader. “The Somali flag will fly at half-mast for three days” said President Mohammed in a televised statement. © Puntland Post, 2021 The post Former Interim President of Somalia Passes Away in Nairobi appeared first on Puntland Post.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeyay marxuun Cali Mahdi appeared first on Puntland Post.
  17. MOGADISHU, Somalia - At least one person was killed and three others wounded in a bomb blast targeting a COVID-19 pandemic awareness team in the Somali capital Mogadishu, local media reported. Source: Hiiraan Online
  18. The UN top envoy in Somalia on Tuesday condemned a mortar attack on an international airport in Mogadishu which injured an unknown number of people. Source: Hiiraan Online
  19. The political impasse over when and how the next Somalian election will be conducted, coupled with the increasing number of attacks from the Islamist terrorist group, al-Shabaab, has put Somalia on an unpredictable path. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saxaafadu ku dhaliidhay inuu ka aamusay inuu tacsi u diro Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Dalka Cali Mahdi oo Makhribkii maanta ku geeriyooday Dalka Kenya ayaa aakhirkii soo duubay cajilad tacsi ah Oo caawa saqdhexe lasoo dhigay Baraha Bulshada Abaarihii 23:38, Shan saac kadib Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka. Waakan Twitter The post Madaxweyne Farmaajo oo tacsiyeeyey 23:39 Sacada Muqdisho isagoo isticmaalay Baraha bulshada appeared first on . Source
  21. Sida ay Puntlandi.com ay kasii xigteen Ehelka Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, waxaa la qorsheynayaa in beri oo Khamiista la soo qaado Marxuumka loogasoo qaado Muqdisho. Diyaarad Khaasa ayaa Soo qaadeysa Marxuumka waxaana la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho in kastoo aysan Qoyskiisa wali go’aankaan halka lagu aasayo. Illaahay ha u naxariisto Marxuumka, Samirna hakasiiyo Qoyskiisa iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Puntlandi.com Nairobi The post Deg Deg Diyaarad khaasa oo beri soo qaadeysa Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya appeared first on . Source
  22. Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ilaa iyo hada kama uusan tacsiyayn Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Alla ha u raxmee Cali Mahdi Maxamed io Caawa ku geeriyooday Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweyne Farmaajo Waxaa hubaal ah in hadii Gabar yar Ay ku dhawacanto Adis Ababa caawa inuu Daqiiqado gudohood uu tacsi ugu diri lahaa Raysal wasaare Abiye Laakiin Madaxweynuhu wuxuu caawa garan waayay inuu kala saaro Dagaal Siyaasadeedka iyo Waajibaadka Qaran ee Saaran Masuulka kolkaas degan Villa Soomaaliya. Waxaase aan sugnaabaa inuu caawa saqda Dhexe kolka Diiqu uu ciyo in la maqli doono Dhawaaqa Wasiir Dube iyo Tacsida Villa Soomaaliya , too late too little, The post Madaxweyne Farmaajo wali ma tacsiyayn, Dube-na ma dhawaaqin appeared first on . Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho. Qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay ka wadahadleen sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay. “Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankaan uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka waxaa ka horeeyey kulan kale oo uu isla maanta la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dhammaan kulamadaas lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa hooyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana qoraal uu xafiiska Axmed Madoobe ka soo saaray kulankaas lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.” Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.