Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay geerida Allaha u naxariistee madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu horeyn tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda, si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso ‘dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.’ Madaxweynaha ayaa ugu sambeyntii yiri, “Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.” Dhanka kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, kaas oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxayna kala yihiin xubnaha guddigaas. 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin. Hoos ka Daawo MW Farmaajo
  2. Mogadishu (PP News Desk) — Ali Mahdi Mohamed, a former Interim President of Somalia and one-time hotelier, has passed away in a Nairobi hospital. The cause of the death was Covid-19. United Somali Congress installed Ali Mahdi as an Interim President in 1991, shortly after the overthrow of the military regime led by Mohammed Siad Barre. He was a member of the USC Central Committee. Although his political clout waned Ali Mahdi Mohammed was critical of the incumbent Federal Government of Somalia. Born in 1938, Mahdi was a key signatory of the historic 1990 Manifesto that called for Siyad Barre to relinquish power. General Mohammed Farah Aidid, a leader of USC military wing, had objected to the nomination of Ali Mahdi as an Interim President in July 1991 in Djibouti where reconciliation conference was held for representatives of Somalia’s armed opposition organisations. The election of General Aidid as the Chairman of United Somali Congress at Guled Hotel in Mogadishu intensified the power struggle that had culminated in a three-month battles in Mogadishu between forces loyal to General Aidid and President Mahdi. General Aidid (left) and Ali Mahdi hailing their 1993 meeting in Mogadishu organised by the United Nations. In January 1992 the United Nations brokered talks in New York between representatives from the two warring USC factions. In 1993 in Mogadishu the UN organised a meeting between Ali Mahdi and General Aidid. After the death of General Aidid in 1996, Ali Mahdi’s political clout in the then divided capital of Somalia waned. In 2007 he chaired a reconciliation conference organised by the former Transitional Federal Government of Somalia. He did not sit on the sidelines in Somali politics. From time to time he commented on the electoral deadlock. Politically, Ali Mahdi viewed the federal system as divisive and cumbersome. The President of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed and Prime Minister Mohammed Hussein Roble have sent a message of condolence to the family of the former Somali leader. “The Somali flag will fly at half-mast for three days” said President Mohammed in a televised statement. © Puntland Post, 2021 The post Former Interim President of Somalia Passes Away in Nairobi appeared first on Puntland Post.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; 1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye 2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen 3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin 4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin 6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin 7. Durraan Axmed Faarax, Xubin 8. Cumar Cali Rooble, Xubin 9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin 10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin 11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeyay marxuun Cali Mahdi appeared first on Puntland Post.
  4. MOGADISHU, Somalia - At least one person was killed and three others wounded in a bomb blast targeting a COVID-19 pandemic awareness team in the Somali capital Mogadishu, local media reported. Source: Hiiraan Online
  5. The UN top envoy in Somalia on Tuesday condemned a mortar attack on an international airport in Mogadishu which injured an unknown number of people. Source: Hiiraan Online
  6. The political impasse over when and how the next Somalian election will be conducted, coupled with the increasing number of attacks from the Islamist terrorist group, al-Shabaab, has put Somalia on an unpredictable path. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saxaafadu ku dhaliidhay inuu ka aamusay inuu tacsi u diro Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Dalka Cali Mahdi oo Makhribkii maanta ku geeriyooday Dalka Kenya ayaa aakhirkii soo duubay cajilad tacsi ah Oo caawa saqdhexe lasoo dhigay Baraha Bulshada Abaarihii 23:38, Shan saac kadib Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka. Waakan Twitter The post Madaxweyne Farmaajo oo tacsiyeeyey 23:39 Sacada Muqdisho isagoo isticmaalay Baraha bulshada appeared first on . Source
  8. Sida ay Puntlandi.com ay kasii xigteen Ehelka Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, waxaa la qorsheynayaa in beri oo Khamiista la soo qaado Marxuumka loogasoo qaado Muqdisho. Diyaarad Khaasa ayaa Soo qaadeysa Marxuumka waxaana la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho in kastoo aysan Qoyskiisa wali go’aankaan halka lagu aasayo. Illaahay ha u naxariisto Marxuumka, Samirna hakasiiyo Qoyskiisa iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Puntlandi.com Nairobi The post Deg Deg Diyaarad khaasa oo beri soo qaadeysa Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya appeared first on . Source
  9. Madaxweynaha Wakhtigiisu Dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ilaa iyo hada kama uusan tacsiyayn Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Alla ha u raxmee Cali Mahdi Maxamed io Caawa ku geeriyooday Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweyne Farmaajo Waxaa hubaal ah in hadii Gabar yar Ay ku dhawacanto Adis Ababa caawa inuu Daqiiqado gudohood uu tacsi ugu diri lahaa Raysal wasaare Abiye Laakiin Madaxweynuhu wuxuu caawa garan waayay inuu kala saaro Dagaal Siyaasadeedka iyo Waajibaadka Qaran ee Saaran Masuulka kolkaas degan Villa Soomaaliya. Waxaase aan sugnaabaa inuu caawa saqda Dhexe kolka Diiqu uu ciyo in la maqli doono Dhawaaqa Wasiir Dube iyo Tacsida Villa Soomaaliya , too late too little, The post Madaxweyne Farmaajo wali ma tacsiyayn, Dube-na ma dhawaaqin appeared first on . Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho. Qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay ka wadahadleen sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay. “Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankaan uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka waxaa ka horeeyey kulan kale oo uu isla maanta la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dhammaan kulamadaas lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa hooyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana qoraal uu xafiiska Axmed Madoobe ka soo saaray kulankaas lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.” Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1032021.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.” Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow. Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi. Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii. Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya
  13. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa caawa ku geeriyooday Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku meelgaar ah burburkii kadib. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo u liitay maalmihii la soo dhafaay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne hore Cali Mahdi. Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii 1938. Wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, 1959 ayuu dalka Masar u aaday waxbarasho. Sanadkii 1969 ayuu isagoo aad u da’yar ka mid noqday Baarlamaankii Soomaaliya. Cali Mahdi wuxuu muddo ka shaqeynayay wasaaradii caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna noqday Agaasime guud. Sanadki 1977 ayuu Cali Mahdi ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey 1977 iyo 1990 wuxuu ahaa ganacsade caana. Siddeetamaadkii Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre. Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya. 1991 wuxuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, wuxuuna xilkaas ku magacownaa tan iyo Jun 1995. Cali Mahdi mudadii uu madaxweynaha ahaa waxaa dagaalo lagu huubtay ay dhexmareen isaga iyo Gen. Maxamed Faarax Ceydiid oo rabay in uu xilka xoog uga qaado. Cali Mahdi wuxuu xilkii ku madaxweyne ku wareejiyey shirkii Soomaalida Carta ee 2000. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU (HOL) - Former Somali president, Ali Mahdi Mohumad has died of Covid-19 in Nairobi, the capital city of Kenya. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynahii 4-aad ee Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyoodey Nairobi. Taariikhdiisa oo kooban! Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Jowhar 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade. Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre. Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991. Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen. Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya. 2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal tacsiya u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladii Marxuum Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Galabta geeriyoodey. Madaxweynaha Puntland isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo kan Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka tacsiyaynayaa Geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. “Wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed, Wuxuu Nabadoon Soomaaliyeed , Wuxuu kaalin mugweyn kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, Waxaa lagu xasuusanayaa taariikhdiisa uu iga tagay Shacabka Soomaaliyeed, maalmihii u dambeysay Gurigiisa wuxuu ahaa mid ay taalay Gogol badan oo Dalka Xal loogu raadinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka ayuu tacsi u diray Qoyskii, Ehelkii iyo Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. Wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Inuu ka waraabiyo Janadii Fardowsa, Aaaamiiin Aaaaamiiin aaaaamiiin The post Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi appeared first on . Source
  17. Illaahay ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Galabta geeriyoodey, Isaga ok 81 jir ah, Ehelada Madaxweynaha ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey. Illaahay ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi ayaa maalmahaan xanuunsanaa, wuxuuna maanta ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho. Dhamaan Howlwadeenada iyo Maamulka Warbaahinta Puntlandi.com waxay Tacsida la wadaagayaan Caruurtii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Dhacabka Soomaaliyeed, Marxuumkana Waxaan Illaahay uga baryaynaa Jano waarta. Aaaaamiiin Aaaaaamiiin The post Deg Deg Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyoodey appeared first on . Source
  18. (SLT-Nairobi)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu cisbital ku jiray. Source
  19. Allaah u naxariisto waxaa goordhaw magaalada Niarobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahadi Maxamed . AUN madaxweynaha ayaa muddooyinkii u danbeysay ku xanuunsanayay dalkaas. Cali Mahadi Maxamed ayaa dhashay 1 January 1939 . Madaxweyne Cali ayaa 26 January 1991 loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya kadib markii uu dalka ka tagay Maxamed Siyaad Barre . Waxa uu sidoo kale December 1997 uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixday Heshiiskii Qaahira . Cali Mahadi ayaa ahaa rug caddaa Siyaasadeed iyo Oday dhaqan. Source: goobjoog.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada, oo uu isbital ku jiray. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1032021.mp3 View the full article
  22. (SLT-Hargewysa)- Maamulihii qaybta Habalaha ee Dugsiga Sare ee Salaama, Nuur Cumar Iidaan ayaa la xidhay. Gelinkii Hore ee Maanta ayaa waxa Isna la xidhay Maamulihii Guud ee Dugsiyada Salaama, Siciid Faarax Xuseen. Xadhiga labbada Maamule ayaa la ii sheegay In ay Khusayso Dhacadadii Maanta ka Dhacday Dugsiga Sare ee Salaama Qaybta Inamada. Cabdifatax Sh. Cabdilaahi oo ka mid ah maamulka dugsiyada hoose/dhexe ee Salaama ayaa ii xaqiiyey. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta qaaday tallaabo muran leh oo ay ku muujineyso in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday bil ka hor, uu weli haysto sharciyad madaxweyne. Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster, oo dhamaadkii bishii hore timid dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa”. Arrintaan ayaa waxaa dhowaanahan ka taagneyd dood adag, waxayna muran ka dhex dhalisay safaaradda UK ee Soomaaliya, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada ay iskaga horyimaadeen cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub, maadama uu Farmaajo ka dhamaaday muddo xileedkiisu. Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, midaasi oo aheyn arrin ku cusub safaarada, sida ay ku doodeen. Afar sano ka hor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya, David Concar ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo, maadama uu xiligaas kusoo aaday dhamaadka mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana warqadihii aqoonsiga laga guddoomay 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Kate Foster ayaa lasoo warinaya inay hore uga madax adeygtay inay waraaqaha aqoonsiga u gudbiso Farmaajo, maadama uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga, mana cada sababta xiligan ku kaliftay arrintaas. Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligana Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda. Si kastabam UK ayaa maanta sharciyad siisay Farmaajo inkasta oo sida ku cad dastuurka uu muddo xileedkiisa sharciga ahaa dhammaaday.
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi. View the full article