-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in go’aankii lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka. Qoraal ka soo baxay dowladda Jarmalka, ayaa lagu sheegay in qaraarkaas uu khatar gelinayo amniga Soomaaliya, waxaana loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka. Jarmalku wuxu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, in ay sii wadaan wada-xaajoodka, si ay heshiis uga gaaraan arrimaha doorashooyinka. Wuxu sheegay in ay jiri doonaan tallaabooyin la qaadi doono, haddii dhinacyada Soomaaliya ku fashilmaan in ay heshiis ka gaaraan doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Jarmalka oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland iyo masuuliyiin katirsan xukuumadda ayaa maydka marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar kagala wareegay Dawladda Jabuuti garoonka diyaaradaha ee Hargaysa. Marxuum Ibraahim Jaamac Samatar ayaa ku geeriyooday dhawaan dalka Turkiga oo xaalad caafimaad loogu qaaday. Source
-
In ka badan 20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah, ayaa ku geeriyooday magaalada Niamey ee caasimadda Niger, kadib markii dab ka kacay iskuul xannaano ah oo halkaas ku yaal. Fasallada iskuulka oo ka samaysnaa cariishyo ayaa dabkan qabsaday, xilli ay ku sugnaayeen arday, waxaana baaris lagu wadaa sababta keentay dabka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Niger. Xubin ka tirsan ururka macallimiinta Niger ayaa sheegay in Iskuulkan oo fasalladiisu ahaayeen cariishyo oo ku yaal xaafadda caanka ah ee Pays Bas ee caasimadda Niamey ay dhiganayeen ardaydaas. Sarkaal kale, oo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa sheegay in 21 fasal uu dabku baabi’iyay, ayna carruurtan ku xanibnaayeen intiii uu socday. PUNTLAND POST The post In ka badan 20 carruur ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul ku yaal dalka Niger appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii Booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Saadaq Cumar ka xayuubiyay wixii xaquuq ah oo uu kula ciidanka Soomaaliya. Xilka qaadista, daraja iyo xuquuq ka xayuubinta ayaa timid kadib markii uu Generaal Saadaq Joon sheegay in uu joojiyey kulankii Isniitii loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka. Hadaba Madaxweyne Farmaajo xil ka xayuubin ma samayn karaa? Golaha Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa sheegay in aan madaxweyne Farmaajo xil ka qaadis iyo magacaabis samayn karin, maadaama uu dhamaaday, sida ay yiraahdeen mudo xileedkiisa sharciga ah oo ku ekaa Fabruary 8, 2021. Senetar Abshir Maxamed Axmed, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan waddo sharci ah u marin tallaabada uu qaaday ee ka dhanka ah Saadaq, wuxuuna soo qaatay dhowrka qodob:- “1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.” “2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.” Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo qaatay xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida, wuxuuna yiir: “Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.” Ma’ahan Markii ugu horaysay. Sep 8, 2018, ayaa warqad uu ku saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa darajadii ciidan looga xayuubiyay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye xigeenka hay’adda NISA. Waqradaasi oo isla xilligaasi dhaqan gashay ayaa Cabdalla Cabdalla gabi ahaanba waxa looga saaray xubinimadiisa hay’adda NISA. The post Farmajao awood sharci ah ma u leeyahay darajo ka xayuubinta Saadaq Joon? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in 1,860 qof oo ka qaxay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobalka Daarfuur ee Suudaan inay gareen dalka Chad. Mas’uul u hadlay Qarmada Midoobe ayaa sheegay in dadkaan oo u badan haween iyo carruur ay u tallaabeen xadka dalka deriska la ah Suudaan ee Chad, iyagoo ka cararaya colaadaha qabiileed ee dhaawan ka dhacay Daarfuur. Mas’uulka ayaa intaas ku daray in dadka qaxay ay hadda u baahanyihiin meel ay ku hoydaan iyo waxey cunaan. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Daarfuur waxaa ku dhintay 144 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof. Gobalka Daarfuur waxaa ku badan dagaalada u dhaxeeya qabiilada kuwaas oo inta badan isku dagaala kheyraadka deegaanka. PUNTLAND POST The post Dad gaaraya 2000 oo ka qaxay colaadda Daarfuur ayaa gaaray dalka Chad appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri oo khadka taleefanka kula xiriiray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutierrez, ayaa ka codsaday in dib u eegid lagu sameeyo dacwadii Masar ay u gudbisay Qaramada Midoobay ee ku aadaneed dib u eegista muranka ka taagan Biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil. Intii uu socday wadahadalka ayauu wasiirka tilmaamay khatarta ay leedahay in Itoobiya, ay sii waddo tallaabooyin hal dhinac ah oo ku aaddan buuxinta labaad ee Biyo xireenka, iyada oo aan la gaarin heshiis wada jir ah. Af hayeenka u hadlay Wasaaradda Waraabka Masar, ayaa sheegay in xaaladaha ugu badan ee ay soo bandhigtay Masar, ay aheed ka hadalka dalabaadka dhigooda Itoobiya, ee ah buuxinta Biyo xireenka Al Nahda, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Itoobiya, wali ay dib u dhigeyso saxiixa heshiis kasta oo dammaanad qaadaya xuquuqda dowladaha wadaaga Wabiga Niil. Ugu danbeeyntii Af hayeenka Wasaaradda Waraabka Masar, ayaa sheegay in dhankooda ay fulinayaan dalabaadii kaga yimid dhinaca Itoobiya ee ku saabsanaa xagga horumarka iyo soo saarista awooda korantada, laakiin Itoobiya ayuu ku eedeeyay in ay ka meermeereyso fulinta heshiiskii & balanqaadyadeedii hore. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo eedayn u jeedisay Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal ay ka sameeyeen agagaarka deegaanada Sabiid iyo Caanoole, iyaga oo gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu dhowaan xaaskiisa ku dilay tuulada Muur-Diinle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaliya. Howl-galkan oo ay fulineen ciidanka guutada 14 October ayaa waxaay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Cabduqadir Cali Axmed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka xaaskiisa. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Khadiija Sheekh Nuur Cabdi, taas oo la sheegay inay laheyd uur sideed bilood ah. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya dilkan ayaa yimid, kadib muran soo kala dhex-galay haweeneyda iyo seygeeda oo markii dambe goobta isaga baxsaday, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo qabtay tuulada Muur-Diinle ee gobolka Sh/ Hoose. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh baarista, si maxkamad loo soo taago. Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo soo dhoweeyey soo qabashada eedeysane Cabduqadir Cali Axmed . The post Ciidamada DF Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Nin dilay xaaskiisa appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Ethiopian Migrants Return Home from Yemen with IOM Support in Wake of Tragic Boat Sinking More than 32,000 migrants, predominantly from Ethiopia, remain stranded across Yemen in dire, often deadly, circumstances ADDIS ABABA, Ethiopia, April 13, 2021/ — One hundred and sixty Ethiopian migrants have returned home safely from Yemen today with the assistance of the International Organization for Migration (IOM), just one day after a perilous journey across the Gulf of Aden claimed the lives of dozens of people, including at least 16 children. More than 32,000 migrants, predominantly from Ethiopia, remain stranded across Yemen in dire, often deadly, circumstances. “The conditions of migrants stranded in Yemen has become so tragic that many feel they have no option but to rely on smugglers to return home,” said Jeffrey Labovitz, IOM’s Director for Operations and Emergencies. At least 42 people returning from Yemen are believed to have died on Monday when their vessel sank off the coast of Djibouti. Last month, at least 20 people had also drowned on the same route according to survivors. IOM believes that, since May 2020, over 11,000 migrants have returned to the Horn of Africa on dangerous boat journeys, aided by unscrupulous smugglers. “Our Voluntary Humanitarian Return (VHR) programme provides a lifeline for those stranded in a country now experiencing its seventh year of conflict and crisis. We call on all governments along the route to come together and support our efforts to allow migrants safe and dignified opportunities to travel home,” added Labovitz. COVID-19 has had a major impact on global migration. The route from the Horn of Africa to Gulf countries has been particularly affected. Tens of thousands of migrants, hoping to work in the Kingdom of Saudi Arabia (KSA), now find themselves unable to complete their journeys, stranded across Djibouti, Somalia and Yemen. While the pandemic has also caused the number of migrants arriving to Yemen to decrease from 138,000 in 2019 to just over 37,500 in 2020, the risks they face continue to rise. Many of these migrants are stranded in precarious situations, sleeping rough without shelter or access to services. Many others are in detention or being held by smugglers. “We cannot find jobs or food here; Yemen is a problem for us,” said Gamal, a 22-year-old migrant returning on the VHR flight. “I used to sleep in the street on cardboard. I could only eat because of the charity people would give me and sometimes we were given leftovers from restaurants. I never had much to eat.” Since October 2020, in Aden alone, IOM has registered over 6,000 migrants who need support to safely return home. Today’s flight to Addis Ababa was the second transporting an initial group of 1,100 Ethiopians who have been approved for VHR to Ethiopia. Thousands of other undocumented migrants are waiting for their nationality to be verified and travel documents to be provided. Prior to departure on the VHR flight, IOM carried out medical and protection screenings to ensure that returnees are fit to travel and are voluntarily consenting to return. Those with special needs are identified and receive specialized counselling and support. In Ethiopia, IOM supports government-run COVID-19 quarantine facilities to accommodate the returnees on arrival and provides cash assistance, essential items and onward transportation to their homes. The Organization also supports family tracing for unaccompanied migrant children. Across the Horn of Africa and Yemen, IOM provides life-saving support to migrants through health care, food, water and other vital assistance. Today’s flight was funded by the US State Department’s Bureau for Population, Refugees and Migration (PRM). Post-arrival assistance in Addis Ababa is supported by EU Humanitarian Aid and PRM. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
PRESS RELEASE The Global Institute for Disease Elimination (GLIDE) Launches Inaugural Awards for Disease Elimination New Abu Dhabi-based global health Institute launches its first disease elimination awards; 5 awards of up to USD200,000 each ABU DHABI, United Arab Emirates, April 14, 2021/ — The Global Institute for Disease Elimination (GLIDE) (www.GLIDEae.org), a new Abu Dhabi-based global health Institute focused on eliminating infectious diseases of poverty, has launched The Falcon Awards for Disease Elimination, in a drive to discover and implement innovative approaches to disease elimination. Founded in 2019 by His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed, Crown Prince of Abu Dhabi, and the Bill & Melinda Gates Foundation, GLIDE identifies the latest scientific, cultural, and global health knowledge and puts it into action with partners through programmes to advance disease elimination. The Falcon Awards, which open for submissions online on 4th May 2021, invites Non-Governmental Organisations (NGOs), philanthropic foundations, coalitions or networks of Civil Society Organisations (CSOs), academic or research institutions, Public-Private Partnerships (PPP), and public or private sector institutions in endemic countries to submit proposals that aim to accelerate the elimination of one or more of GLIDE’s four focus diseases: malaria, polio, lymphatic filariasis, and onchocerciasis. GLIDE is particularly seeking proposals which address cross-border, cross-disease, cross-programme, or cross-sector approaches to disease elimination. Submissions should focus on the implementation of innovative ideas and established research which has a high potential to be catalytic, transformational, or genuinely novel in approach, or on operational research with prospects to provide solutions to existing disease elimination challenges. Simon Bland, Chief Executive Officer of GLIDE, commented: “At GLIDE, we firmly believe in an integrated and collaborative approach to tackling infectious diseases of poverty. The Falcon Awards for Disease Elimination will help advance and amplify these efforts.” Five winners will be announced later this year following a thorough evaluation by a jury panel comprised of esteemed global health experts. Each winner will receive a sum of up to USD200,000 to fund and implement their unique solutions to disease elimination. For more information on The Falcon Awards and how to enter, please visit: www.GLIDEae.org/awards. Distributed by APO Group on behalf of The Global Institute for Disease Elimination (GLIDE). Qaran News
-
Mareykanka iyo Yurub ayaa si adag ugu hor yimid qaabka uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore si iskiis isugu daray labo sano oo muddo kordhin ah. Qoraallo kala gaar ah oo talaadadii ay soo saareen wasiirro ka tirsan Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ka niyad jabeen go’aanka halka dhinac ah ee Farmaajo iyaga oo balanqaaday iney tallaabo ka qaadaan kuwa ka dambeeya in laga baxo heshiiskii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee September 2020. Mareykanka oo Lahjad adkaa waxaa uu sheegay in dib u eegi doonno xiriirka diblomaasi, soo rogi doono cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka socdaalka ah, waxaa aad ugu dhowwaa tillaabadaas midowga Yurub halka UK ay sheegtay in ku gowracan tahay go’aanka beesha caalamka. Antony Blinken oo ah xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka oo arrinkan ka hadlayaa sheegay in dib u qiimeyn doonaan xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo ay ku jirto xiriirka diblomaasiyadeed, cunaqabateyn iyo xayiraado fiiso iyada oo go’aanka Farmaajo looga jawaabayo. Wasiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa Africa James Duddrige ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK ayaa sheegay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka aad uga xun yihiin Mudda kordhinta loo sameeyay Farmaajo. Wakiilka sare ee midowga Yurub Josep Borrell Waxaa oo arrintan ka hadalay ayaa sheegay in go’aanka Farmaajo uu qalqalgelinayo xasiloonida dalka geeska Afrika ku yaalo isla markaana uu horseedayo kala qeybsanaaan. Midowga Yurub ayaa ku goodiyey inuu cunaqbateyn saarayo Soomaaliya haddii lagu socdo go’aanka hal dhinac ah ee golaha shacabka uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo. Meelaha ugu muhiimsan ee bartilmaameedka u ah beesha caalamka, haddii cunaqabateyn lasoo rogo waxaa ka mid ah marka laga soo tago Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka in la xaddido taageerada militariga iyo booliska, kabka miisaaniyada, fiisooyinka, iyo xayiraada saraakiisha sarsare ee dowlada iyo xildhibaanada oo badankood wata baasaboorada UK, US ama EU. Dhanka kale, xilli reer galbeedka ay dhabarka aadiyeen Farmaajo Ayaan weli laga war heyn dunida muslimka, carabta, Turkiga iyo dalalka bariga kuwaas oo aan la ogeyn halka ay jiraan. W/Q: Cabdicasis Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Oline) – Deegaanada Somaliland waxaa weli fara kulul ku hayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad ku laba kacleeyey maamulkaasi. Xukuumadda Hargeysa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyey ee la diiwaan-geliyey iyo xaaladaha soo kordhay ee la xiriira cudurka Covid-19. Sheekh Khaliil Cabdillahi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa sheegay in bishan lagu jiro April ay xanuunka u dhinteen 64 qof oo ku sugan degaanada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu bulshada ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka ee lagu xakameynayo faafintaanka cudurka Coronavirus. “Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta maamulka Somaliland. Si kastaba Somaliland ayaa faafitaanka xanuunka Covid-19 ee deegaanada Somaliland aya waxaa loo sababeynayaa in maamulka ka gaabiyey xayiraadihii hore ee soo rogay ee looga hortagey faafitaanka cudurka oo mar labaad ku soo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka. The post Dad gaaraya 64 qof oo ku dhintay Somaliland iyo wararkiii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed has signed a controversial law extending his mandate for another two years, despite threats of sanctions from the international community. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa Africa James Duddrige ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK ayaa sheegay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka aad uga xun yihiin Mudda kordhinta loo sameeyay Farmaajo. Xil Duddrige ayaa sheegay in UK ay ka walaacsan tahay mudda kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Farmaajo. “Waxaan aad uga xunahay go’aankii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu labo sano ugu kordhiyay Maxamed Farmaajo xilka Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka Soomaaliya. Tani xal uma ahan culeysyada joogtada ah ee saaran hanaanka doorashada, laakiin taa badalkeeda waa talaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hogaaminta Soomaaliya isla markaana qatar ku ah badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Wasiirkii Hore ee Africa James Duddrige . Duddrige ayaa intaas hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan si isdaba joog ah uga soo horjeednay dadaal kasta oo horseed u noqda geeddi-socod is barbar socda, doorasho qayb ah ama kordhinta muddooyinkii hore. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ka waantoobaan ficil kasta oo dheeri ah oo kali ah oo kicin kara xiisadaha siyaasadeed ama rabshadaha. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.” Qoraal ka soo baxay Xildhibaanka ayaa waxa lagu sheegay in hergelinta Heshiiskii 17 September ay laf dhabar u tahay xasiloonida dalka. “Wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhexeeya madaxda Soomaalida ayaa lafdhabar u ah xaqiijinta dhaqan gelinta heshiiskii 17kii Sebtember ee qaabka doorashada. Heshiiskaasi waa aasaaska kaliya ee sharciyeysan ee doorashooyinka. Hadda waxaa la joogaa xilligii madaxda Soomaaliya ay eegi lahaayeen wixii ka baxsan danaha gaarka ah ee gaarka ah oo ay dhowraan mas’uuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya in ay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si loo helo xalal wax ku ool ah isla markaana heshiis looga gaaro arrimaha harsan, iyadoo la muujinayo is xakameyn iyo tanaasul.” “Maaddaama uusan jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto iyada oo aan dib loo dhigin, xiriirka bulshada caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya ayaa is beddelaya. Boqortooyada Midowday (UK) waxay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xiriirkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya.” Source: goobjoog.com
-
(SLT-Taiwan)-Danjiraha Dawladda Taiwan u fadhiya Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dhul hodan oo ay ka caawinayaan arrimaha horumrinta wax soo saarka iyo tiknoolajiyada . Mr Lou oo la hadlay idaacada dunida la hadasha ee BBC-da ayaa ku sifeeyay xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan guul labada dhinac ah “Taiwan waxay Somaliland ka caawisaa beeraha, tikniyoolojiyadda, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, doorashooyinka iyo tamarta” ayuu yidhi Allen Chenhwa Lou ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay goob istiraatiiji ah, keyd kalluumeysi oo hodan ah, kheyraad dabiici ah iyo dalxiis “Somaliland waxay ugu yeedhaa Taiwan walaalkeeda weyn, waxaan doorbidayaa in xidhiidhkeennu uu noqdo mid wax wada qabsi iyo iskaashi ah. Mar walba wadajir baan ahaan doonnaa Somaliland” “Uma baahnin inaan raadinno madax banaani hada sababtoo ah durba waanu madax bannaan nahay, waxaa labadeennaba aan u baahanahay waa aqoonsi” ayuu yidhi Allen Chenhwa Lou Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay go’aankii dhawaan ay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay mudda kordhinta ugu sameeyeen Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay inay si aad ah uga xamaadeen qaraarkii dowladda Soomalaiya ee lagu ansixiyay muddo 2 sano ah oo loogu kordhiyay muddo xileedka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka. “Waxaan hore ugu celcelinay inay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, badhaadhaha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaadhaan heshiis ku aadan sidii hore loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda. Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa uu Mareykanka ku celiyay in marnaba ayna taageeri doonin muddo koradhsiga la sameeyay, doorashooyin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada ayna minjaxaabinayso nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. UK Wasiirka Arrimaha dibadda ee Midowga Boqorotooda UK, ayaa dhankiisa si lamid ah kuwa kale ee Beesha caalamka soo saarey qoraal si weyn loogu digaayo Hoggaamiyaha mudada korodhsadey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu yidhi qoraalkaasi: Waxaan aad uga xunahay go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu laba sanno ugu kordhiyay xilka Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka Soomaaliya. Tani xal uma ahan culeysyada joogtada ah ee saaran hanaanka doorashada, laakiin taa badalkeeda waa tallaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hoggaaminta Soomaaliya isla markaana khatar ku ah badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliya. Maaddaama oo aanu jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto oo aan dib u dhac ku jirin, xidhiidhka beesha caalamka ay la leedahay hoggaanka Soomaaliya waa isbadalayaa. Midowga Boqortooyada (UK) waxa ay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xidhiidhkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya. James Duddridge Source
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si cad uga soo horjeesatay mudda kordhin loo sameyay Maxamed Cabdullahi Farmaajo . Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka fikirayo Cunaqabateyn uu Saaro Soomaaliya , In uu Hakiyo xiriirka uu la leeyahay iyo sidoo kale in uu Joojiyo Safarada uu ku yimaado Soomaaliya . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Mareykanka Mareykanka wuxuu si aad ah uga xumaaday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ansixisay sharci dejinta oo labo sano ku kordhisay howlaha madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan si isdaba joog ah carabka ugu adkeynay inay muhiim u tahay nabada, xasiloonida, barwaaqada, iyo dowladnimada Soomaaliya in Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan dariiqa loo marayo geeddi socodka doorashooyinka. Waxaan sidoo kale si cad u sheegnay in Mareykanku uusan taageerin muddo kordhinta iyadoo aan taageero ballaaran laga helin daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, sidoo kale Mareykanku ma taageerayo geeddi-socodka doorashooyinka isbarbar socda ama qeyb ahaan. Tallaabooyinka noocan oo kale ah waxay noqon doonaan kuwo si qoto dheer u kala qaybiya, wiiqaya hannaanka federaalka iyo dib u habeynta siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo iskaashiga lala yeelanayo bulshada caalamka, waxayna ka weecinayaan ka hortagga Al-shabaab. Waxay sidoo kale dib noqonayaan u dhac dheeri ah oo ku yimaada doorashooyinka Shacabka sugayaan . Dhaqangelinta sharcigan ayaa caqabad weyn ku noqon doonta wadahadalka isla markaana sii wiiqaya nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxay ku qasbi doontaa Mareykanka inuu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb qaadashada diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo inuu tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida. Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa xalinta xiisada doorashada. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, ayna ka fogaadaan ficillo dheeri ah oo hal dhinac ah oo sii hurinaya xiisadaha isla markaana wiiqaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hay’adaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxeexay sharciga gaarka ah ee khilaafka uu ka taagan yahay ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Isniintii. Farmaajo ayaa saxeexay sharcigan iyadoo Aqalka Sare aan la horgeyn isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku tilmaamay mid sharci darro ah. Sharcigan ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey qaar ka mid ah Madaxda Dowla goboleedyada dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo saaxibo la ah dowladda Soomaaliya. Waxana Sharcigan uu yahay mid u oggolaanaya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo waqtigoodu dhamaaday inay sii shaqeeyaan labada sanno ee soo socota. Source
-
Mogadishu (HOL) - The United States and the United Kingdom governments have voiced their opposition to the extension of Somalia's presidential and parliamentary terms by two years. President Farmajo formally signed the legislation on Tuesday despite objection from Somalia's Upper House of Parliament. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay mudda kordhinta aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka. War qoraal ah oo ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa lagu sheegay, in dowladda Maraykanku ay dhawr jeer hore ugu celisay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay gaaraan heshiis la isku raacsanyahay, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, wuxu sheegay in mudda kordhinta loo sameeyay dowladda Federaalka ay tahay tallaabo lagu wiiqayo hannaanka federaalka iyo dib u habaynta siyaasadeed oo halbowlaha u ah hormarka iyo xasiloonida Soomaaliya. Qoraalka waxa lagu caddeeyay, in tallaabadan ay Maraykanka ku khasbi doonto in uu xiriirka u jaro dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cunaqabatayn iyo xaddidaad dhanka safarka ah ku soo rogo, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasiloonida dalka. “Tallaabadan Waxay ku qasbi doontaa Mareykanka in uu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb qaadashada diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in la tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda safarada, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.” Ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday, in ay si deg deg miisanka wada-hadalka ugu laabtaan, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo dowladda Soomaaliya ugu hanjabay cunaqabatayn iyo xayiraad dhanka socdaalka ah appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON (Reuters) – The United States is “deeply disappointed” by Somalia’s approval of legislation that extends the terms of the president and members of parliament by two years, U.S. Secretary of State Antony Blinken said in a statement on Tuesday. “Implementation of this bill will pose serious obstacles to dialogue and further undermine peace and security in Somalia,” Blinken said. “It will compel the United States to reevaluate our bilateral relations with the Federal Government of Somalia, to include diplomatic engagement and assistance, and to consider all available tools, including sanctions and visa restrictions, to respond to efforts to undermine peace and stability,” he said. Somalia’s lower house of parliament voted on Monday to extend President Mohamed Abdullahi Mohamed’s four-year term, which expired in February, for another two years. The Senate rejected the move. Senator Ayub Ismail Yusuf told Reuters the lower house had authority to decide on elections, but Senator Ilyas Ali Hassan from the opposition disagreed. Lower House speaker Mohamed Mursal Sheikh said the measure would let the country prepare for direct elections. The political crisis threatens to deepen Somalia’s divisions, distracting attention from the fight against the Islamist al Shabab insurgency which has killed thousands of civilians in the region in the past 12 years. The African Union, European Union, United Nations and regional bloc the Intergovernmental Authority on Development said in a joint statement on Saturday that they would not support any extension of the president’s term. Reporting by Eric Beech; Editing by Mohammad Zargham and Cynthia Osterman The post U.S. ‘deeply disappointed’ by Somalia bill extending terms for president, parliament – Blinken appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay in saaxiibada Soomaaliya ay ka fikirayaan sidii ay cunaqabateyn u saari lahaayeen qaar ka mid ah madaxda waqtigooda dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha caalamka ay cunaqabatayn ugu goodisay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Craxmaan iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyo Mahad Cabdalla Cawad. Afartan mas’uul ayaa loogu goodiyay in la saari doono cunaqabateyn islamarkaana laga xayiri doono safarada dibedda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale madaxdaan ayaa loogu goodiyay in sidoo kale qoysaskooda la saari doono cunaqabateynta. Xogta aan helnay waxaa sidoo kale si dadban u xaqiijiyey xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka oo qoraal oo ay soo dhigtay twitter laguna taag gareeyey afartan mas’uul ku yiri “Muddo kororsiga dowladda federaalka waxay sii dheereyneysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya. Hoggaamiyayaasha waa inay deg deg ugu laabtaan wada-hadallada ayna xaliyaan xasaradda doorashada @AmbMursal @AbdiweliMudey @awed_mahad @M_Farmaajo.” The extension of the Federal Government’s term deepens Somalia’s political divide. Leaders should return to talks urgently and resolve the electoral crisis. @AmbMursal @AbdiweliMudey @awed_mahad @M_Farmaajo https://t.co/o9Uh0IUNV6 — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) April 14, 2021 Wadamada qorshahaan wado waxaa ugu tun weyn Mareykanka, UK iyo Faransiiska. Sidoo kale dowladaha Midowga Yurub ayaa raba in talaabadaas la qaado kadib markii ay muddo kororsi sameesteen hay’adaha dowladda Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa la filayaa inay dhowaan soo saarto go’aan qaraar oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, kaas oo aad loo dhowrayo tan iyo markii ay Golaha shacabka go’aanka gaareen. The post Xog: Farmaajo, Mursal iyo shaqsiyaadka kale ee DF ee wajahaya cunaqabateynta appeared first on Caasimada Online.
-
Taking the opportunity of the rising number of their fellow nationals living in the Turkish capital, Somali entrepreneurs both earn and contribute to the country’s economy with various shops they opened in the city. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, (CAJ News) – GOVERNMENT and the humanitarian community are concerned about the worsening drought conditions in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The United States and the United Kingdom governments have voiced their opposition to the extension of Somalia's presidential and parliamentary terms by two years. President Farmajo formally signed the legislation on Tuesday despite objection from Somalia's Upper House of Parliament. Source: Hiiraan Online
