-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ka xumaatay tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen iinay dhaawac culus u geysteen dedaalladii ay wadeen wakiilada caalamka islamarkaana xaaladda sii adkeeyay. Sida aan xogta ku helnay, Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in ay qalad aheyd: 1 -In ciidanka ilaalada madaxtooyada uu geeyo madasha shirka ee Teendhada Afisyooni maalintii shirka uu furmayey ee Isniintii. 2 – Soo saarista jadwal aan lagala tashan ka qeyb-galayaasha shirka, kaasi oo ay baahisay madaxtooyada habeenkii Axadda. 3 – Iyo furitaanka shir hal dhinac ah, oo labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland ay qaadaceen. Qoraal ay wakiilada caalamka u direen Madaxweyne Farmaajo ayey ku sheegeen in dowladda ay sii adkeysay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ay rajo dishay shirkii la filayay in xal looga gaaro muranka doorashada Soomaaliya, kaas oo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay, illaa iyo haddana aan qabsoomin. Ayada oo arrintan ka duuleysa ayey beesha caalamka joojisay shirkii Afisyoone, waxayna taa beddelkeeda hadda xooga saareysa in shirar aan toos aheyn lagu xaliyo arrimaha taagan kahor shirka guud. Qoraal markii uu shirka fashilmay kasoo baxay QM ayaa lagu yiri “QM waxay qireysaa kulankii horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” Beesha caalamka ayaa sidoo kale kadib abaabushay shir kale oo u dhaxeeya madax goboleedyada kaliya, iyana ay goobjoog ka tahay, shirkaas oo xalay qabsoomay ayada oo ay ka maqan tahay beesha caalamka kadib markii Farmaajo uu ku cadaadiyey madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah inay diidaan beesha caalamka. Safiirada Mareykanka, UK, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo UN-ka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadinaya inuu u qoor dhiibto beesha caalamka si loo dhameeyo muranka doorashada Soomaaliya, taas oo laga cabsi qabo in dalka u horseedo qalaalo dagaalo sokeeyo. Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay qaata ka taagan tahay xaaladda dalka, ayna rumeysan tahay in mar kasta oo xal soo dhowaado uu Farmaajo si hoose u qaadayo tallaabooyin fashiliya. Waxaa sii kordhaya dareenka laga qabo in Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho, xitaaa haddii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay tanaasulaan, taasi oo walaac xooggan gelisay beesha caalamka.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2632021.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa badhtamihii bishii December ee sannadkii hore 2020-ka heshiis lagu tilmaamay muhiim ah la gashay dowladda Kenya. Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland. Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeyna muuqan illaa hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas. Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho isla dabayaaqada bisha March ee sannadkaan. Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xasaasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaadhan Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland. Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mudeysneyd bisha March gebi ahaanba ayna muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, iyada oo si weyn uga meeraysanaysa Kenya. Source
-
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siinayo si loogu taageero cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay. Lacagtan oo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar, ayaa qeyb ka ah kaalmada Saaxibada caalamka ay Soomaaliya ugu deeqayaan si qeyb uga noqdaan Barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya . Deeqdaan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd Hanaanka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya Kaalmadan ayaa socon doonta 25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 iyadoo la filayo in muddadaas ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ku gacan saydhay go’aan ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Ethiopia oo sheegay in aanay Doorasho ka dhacayn 30 goob Doorasho oo ku yaalla galbeedka gobolka Sitti. Mustafe, ayaa sheegay in Goobahaasi ay leeyihiin Soomaalidu islamarkaana aanay suuragal ahayn in muran la geliyo. Dhulkan ayaa waxa ku muransan Soomaalida iyo Canfarta Ethiopia. Waxa xusid mudan in Goobahan qaar kood hore ay uga dhaceen Doorashooyin iyaga oo raacsan dhinaca Deegaanka Soomaalida. Dhawr goor oo hore ayay Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Canfartu ku dagaallameen Galbeedka Sitti iyagoo ku muransan Dhul Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore 2020-ka heshiis lagu tilmaamay ‘mid macno gaar ah sameynaya oo muhiim ah’ la gashay dowladda Kenya oo xiligaas khilaaf xoogan kala dhaxeeyay dowladda federaalka. Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland. Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeysan muuqan ilaa hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas. Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaar isla dabayaaqada bisha March ee sanadkaan. Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xasaasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaaran Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland, oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya. Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mudeysneyd bisha March gebi ahaanba aysan muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, ayada oo si weyn uga meer-meerayso Kenya. Kenya ayaa lasoo warinaya in heshiiskaan ay uga war-wareegayso arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, waxayna falan-qeeyayaasha siyaasada ku doodeen in ugu horeyntiiba ay ujeedo gaar ah uga dhigtay dabayaaqada March, ka hor muddo xileedka dowladda federaalka oo ku mudeysnaa bilowgii Febraayo, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan heshiis rasmi ah laga gaarin doorashada dalka. Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa muddooyinkii dambe ka dhaxeeyay khilaaf diblumaasiyadeed, kaasi oo gaaray in xiriirka u jarto dowladda federaalka oo ku andacooneysa faro-gelin gudaha ah, sidoo kale waxaa ka dhaxeeysa dacwada kiiska Badda oo dhawaan ka furmatay maxkamdda ICJ, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya.
-
The UN humanitarian agency said Wednesday attacks on aid workers delivering humanitarian supplies in Somalia resulted in the death of 15 aid workers in 2020. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, March 25 (Xinhua) -- Delayed rains in the Horn of Africa have helped keeping the locust population down, the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations said in its latest update on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay sarre u kacay musuq-maasuqa iyo laalushka ay hay’addaha dowladda qaadato, midaasi oo hoos u dhigtay la dagaalanka musuq-maasuqa, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay hay’adda la dagaallanta musuq-maasuqa Soomaaliya ee MARQAATI. Hay’adda ayaa daraasad ay ka sameysay heerka musuqa dalka ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya, ayada oo xustay in 50% dadka ku nool caasimada dalka ay bixiyaan laaluush joogta ah. “Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisaabtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an maxaa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu daciifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee dowladda federaalka, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka”. Inta badan lacagaha laalushka ee caasimada dalka ayaa waxay daraasadu muujineysa in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, halka kuwa goboladana la siiyo Ciidamada maamulada iyo kooxda Al Shabaab oo iyadu meel sare kaga jirta liiska. Marqaati ayaa sheegtay in sababta uu musuq-maasuqa ugu sii baahayo caasimada ay tahay ‘xoojinta hay’ádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakameynin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka’. Ugu dambeyntiina waxaa daraasada cusub lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay la dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay awooda dowladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda, midaasi oo meesha ka saartay xakameynta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada ka wadaan gudaha caasimada iyo musuq-maasuqa baahay.
-
Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Eritrea ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray, waxaa sidaas maanta shaaciyey ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Shaac ka qaadistan ayaa timid ayada oo Abiy uu wajahayo cadaadis sii xoogeysanaya oo ku saabsan inuu soo geba-gebeeyo dagaalka Tigray, oo ciidamada labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea lagu eedeeyey inay ka gaysteen xadgudubyo ay ka mid yihiin dil wadareedyo iyo kufsi. Addis Ababa iyo Asmara ayaa muddo beeninayey in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, ayaga oo ka hor-imanaya caddeymo xooggan oo laga haleyo dadka deegaanka iyo diblomaasiyiinta, iyo xitaa qaar ka mid ah shacabka iyo militariga Ethiopia. Abiy ayaa ugu dambeyn qirtay kaalinta Eritrea ee dagaalka kadib khudbad uu Talaadadii u jeediyey baarlamanka, wuxuuna kadib Khamiistii u duulay Asmara, si uu ula kulmo kaligii taliyaha dalkaas Isaias Afwerki. “Intii lagu guda jiray booqashadeeda, dowladda Eritrea waxay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo xuduudda Ethiopia,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan maanta lagu daabacay twitter-kiisa. “Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia ayaa la wareegi doona ilaalinta aagga xuduudda, laga billaabo iminka,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel oo ay xiriir la sameysay wakaaladda wararka AFP ayaan ka jawaabin codsigii loo diray ee ku aaadanaa inuu ka hadlo arrintan. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku eedeeyey ciidamada Ethiopia dilka boqolaal shacab oo Tigray ah, bishii November, markaasi oo xasuuq uu ka dhacay magaalada Axum. Isha: AFP
-
Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa Mareykanka uga digtay inaysan ka bixin heshiiska ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan Afghanistan kahor 1-da bisha May, ayada oo wacad ku martay falcelin ay ka mid yihiin weeraro culus haddii ay sidaas dhacdo. Taliban ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhisi doonta dowlad Islaami ah kadib marka ay baxaan ciidamada ajnabiga, sida horey loogu heshiiyey wada-hadalladii sanadkii tegay ka dhacay Doha. Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan heshiiska oo ay wada saxiixdeen Taliban iyo maamulkii madaxweyne Donald Trump. Biden ayaa Arbacadii u sheegay taleefishinka ABC “inay waqtiga la qabtay ee 1-da May ay dhici karto, balse ay adag tyahay,” isaga oo intaas ku daray in haddii waqti laga sii dheereeyo 1-da May uusan noqon doonin mid badan. “Waa inay baxaan,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Suhail Shaheen oo ka mid wada-xaajoodayaasha Taliban isaga oo ku sugan Moscow, halkaasi oo ay wada-hadallo uga socdaan Taliban iyo dowladda Afghanistan. Shaheen ayaa ka digay in sii joogistan1-da May kadib ay jebieneyso heshiiska. Shaheen ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Taliban aysan ku qanci doonin wax aan ka ahayn in dowlad Islaami ah laga dhiso Afghanistan. Shaheen waxa uu carabka ku adkeeyey in dowladda hadda ka jirta Afghanistan ee madaxweyne Ashraf Ghani aysan ku habooneyn qeexitaankooda dowlad Islaami ah.
-
Immense socio-economic and political challenges anywhere produce, more often than not, a new wave of political thoughts and the people to turn them to a reality. Source: Hiiraan Online
-
Xisbiga UCID Oo Sheegay In Xukuumadda Somaliland Xabsiga Dhigtay Murrashax Shucayb Maxamed Muuse Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ah Xubnaha Doorashadda Golaha Wakiiladda ee Gobolka Maroodi Jeex u Tartamaaya kana Tirsan Saraakiisha Xisbiga Ucid oo Xilka Xoghayaha Beeraha uu ka hayey’ ayaa Goor Dhawayd Xibsiga ay u Taxaabeen Ciidamadda amaanka ee Somaliland. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yusuf Kayse Guuxaa oo Warkani ii Xaqiijiyey’ ayaa sheegay in Qoyska Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo Xisbiga UCID la soo Xidhiidhay inay u la socod siiyeen in Goordhawayd ay Ciiddamo kuwa ahaanka ee Dowladda Somaliland ka Tirsani Xabsiga u Taxaabeen Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo Hargeysa ku sugnaa’ balse Xoghaye Yuusuf Kayse wuxu sheegay in aanu ilaa hada ogayn Xisbiga UCID Sababta ay Dowladdu u cuskatay cid kala soo xidhiishayna aanay jirin Xisbiga sababta rasmiga ee Dowladdu ku sababaysay iyo dambi loo xidhay Sarkaalkan Xisbiga ka tirsan ee sido kale ka mida Xubnaha 20 ka Murashax ee UCID uga qaybgalaaya Doorashadda Golaha wakiiladda ee Somaliland. Ugu dambayn Murashax Shucayb Maxamed Muuse ayaa maalintii Salaasadii Salaasadii ee ina dhaaftay Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye ay Shirqoolo iyo Jalaafooyin ka dhan ah Murashaxnimaddiisa Kursiga Baarlamaanka ee xisbiga UCID uu kaga sharaxan yahay lagu doonaayo in xoog iyo Awood Dowladdeed loo adeegsanaayo si looga faro maroojiyo ama uu u Tanaasulo balse Taabadalkeeda uu ku Hanjabay in aanay marnaba arin u Cuntamaysa oo lagu baraq jabin karo aanay ahayn isku dayga Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ay isaga dagaalka kula jiraan waa sida uu hadalkiisa u dhigaye. Source
-
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah. Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan maanta ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay. Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay. PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal oo soo bandhigay qodob Puntland u saamaxaya in ay Soomaaliya ka go’do appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid xildhibaanada taabacsan Golaha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana golahaas ku mideysan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo midowga musharaxiinta. Xildhibaanadaas oo ka socday labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa kulankoodii maanta ku soo dhaweeyey dhismaha isbaheysigaan cusub, sidoo kale waxay saxiixeen codsi ay Madashan u soo gudbisay xildhibaanada, kaas oo looga hor tegayo mudo kororsi la sheegay in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay. “Waxaan saxiixnay petition lagu cadaynayo mowqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxaanan sidoo kale baaq u dirnay dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.” Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga digeen in dalkan burburintiisa iyaga loo adeegsado, isla markaana ay iska diidaan mudo kororsi uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu damacsan yahay. “Waxaan uga dignay Gudoonka Barlamaanka inaan dalka gacantooda lagu burburin. Hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlamaanka,” ayuu yiri Mahad Salaad.
-
Inkastoo Shirku baaqdey markii hor kadib markii Madaxweyne Farmaajo is hortaagay Madaxweynayaasha Sadexda ah ee garabkiisa ah. Warar rasmi ah oo Puntlandi.com ah ka heleen ilo Dublamaasiyadeed Beesha Caalamka ayaa aad uga carootay in Madaxweyne Farmaajo uu is hortaago Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Beesha Caalamka ah si toosa ugu casuntay Shirkaan, iyagoo shalay aqbalay Sadexdaan Madaxweyne. Ergayga Gaarka ah oo ku hadlayay Magaca Beesha Caalamka ayaa Sadexdaan Madaxweyne hoosta uga xariiqay in ka Maqnaanshohoodu Shirkaan uu yahay mid aan la aqbali karin. Dhinaca kalena Madaxweyne Deni ayaa qayb weyn ka qaatay in Sadexdaan Madaxweyne ay yimaadaan Hotelka Shirku ka dhacayo, Sida ay ilo Dublamaasiyadeed ay sheegayaan Shanta Hogaamiye Dowlad Goboleed waxay hada ku sugan yihiin Xalane, Ma cada in Shirku u bilowdey Laakiin Shantaan hada Xalane ayay ku sugan yihiin, Wararkii hore ee aan haynay waxay sheegayeen in Shirku beri u dhacay, Wixii kasoo baxa halkaan kala soco Puntlandi.com The post Shirkii Madaxweynayasaha oo aakhirkii caawa furmay, Maxaa isbadalay appeared first on . Source
-
PRESS RELEASE Ethiopia: The Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights (OHCHR) and the Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) to conduct a joint investigation with a view to a credible accountability process The EHRC and OHCHR have been monitoring closely the human rights situation since the start of the conflict on 4 November 2020 GENEVA, Switzerland, March 25, 2021/ — The Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) and the Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights (OHCHR) have agreed to conduct a joint investigation into the human rights violations and abuses allegedly committed by all parties in the context of the Tigray conflict, as part of the much-needed accountability process for the victims. The EHRC and OHCHR have been monitoring closely the human rights situation since the start of the conflict on 4 November 2020. Both organizations remain concerned about the reports of serious human rights violations and abuses and the devastating impact of the conflict on the civilian population. With multiple actors involved in the conflict and the gravity of the reported violations, an objective, independent investigation is urgently required. The agreement to collaborate in a joint investigation is the result of an ongoing partnership and engagement between the two organizations, founded on shared objectives to advance and strengthen respect and protection of human rights as well as accountability for violations of international human rights law and international humanitarian law committed by all parties in the context of the Tigray conflict. Such investigations are within the existing mandate of both organizations. The deployment will start as soon as possible for an initial period of three months. Distributed by APO Group on behalf of Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR). SOURCE Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Airport Hotel oo ku yaalla xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shirkan oo u gaar ah shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii maanta la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada. Shirkaas ayaa baaqday kadib markii Farmaajo uu cadaadis ku saaray saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee taabiciyiinta ah in aanay ka qeyb gelin kulanka. Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka. Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay in beesha caalamka goobjoog ka noqoto, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn. Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in Farmaajo goordhow uu warbaahinta dowladda ku baahiyey qoraal uu isku dayayo inuu ku sheegto abaabulka shirka goordhow u furmay madaxda dowlad goboleedyada. Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha JFS mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha HirShabeele.” Shirkan ayaa inuu dhacayo waxaa la ogaa xalay iyo maalmihii tegay. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka caawa furmay. Sidaas darteed maxay tahay ergada uu sheegay in Farmaajo uu galabta un soo diray? Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo uu sidan oo kale u sheegto shir uusan wax kaalin ah ku laheyn. Tusaale, markii uu ogaado in beesha caalamka ay abaabushay shirkii Afisyoone, wuxuu soo saaray qoraal uu shir isugu yeerayo madax goboleedyada. Arrintan ayaa muujineysa in Farmaajo talo gacantiisa ay kasii baxeyso, balse uu isku dayayo in weli ay wax walba ku dhacayaan rabitaankiisa, taasi oo ku qasbeysa in arrimo uusan shaqo ku laheyn oo saacad akhiira kula qabsado.
-
Go’aan : Ka Tanaasul tartankii doorashadda murasha Golaha Wakiilada MJ. Galabta oo ay taariikhdu tahay 25.03.2021 waxaan si rasmi ah oo kama dambays ah uga hadhay tartankii Kursiga Golaha Wakiilada ee Maroodi-jeex ee doorashada isku sidkan ee sanadka 2021 dhacaysa duruufo siyaasadeed oo dhacay awgeed, kuwaas oo khasbay inaan qaato go’aankan dambe. Waxaan u tanaasulay anigoo ku niyadsan Guud ahaan Xisbigayga Waddani gaar ahaana Gud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Xisbiga Waddani anigoo ahaa qofkii u dambeeyay ee ku soo biira ayaan qabtay jagaddii ama Xilkii ugu mudnaa Xisbiga Sanadkii 2017-kii kaas oo ahaa Madaxa Ololaha heer Qaran ee Xisbiga. Maanta waxaan go’aansaday in dad kale oo cusub oo laga yaabo inaad u aragtaan inaan ka soo horeeyay ugana tacab badnaa aan fursad siiyo oo ay iyagu tartamaan. In lagu soo kala horeeyay balse aan la kala lahayn ama/iyo la kala mudnayn Xisbigani waa dhaqan bogaadin mudan oo ay tahay in aan anigu xoojiyo. Qofnimada hufan iyo hogaaminta toosan baa sidaa i faraysa. Waxaan ku kalsoonahay in taageerayaashayda Sharafta iyo Gobanimada badan ee leh gobol kasta; lab iyo dheddig ; yar iyo wayn iyo beel walba ee igu garab taagnaa riyadaas aan ku rabay in kaalin sharci-dajineed oo qaran-dhis iyo hindise umadeed leh aan galo inay ka garaabi doonaan go’aankan isaga ah iguna barbar istaagi doonaan. Waxaan u socday ma ahayn dan qofeed balse waxay ahayd mid qaran taas oo aan diyaar u ahaa inaan u huro waqtigayga, naftayda, muruqayga, maalkiina/maalkayga iyo maskaxdayda balse dedaal iyo doonis kasta oo aan sameeyay aan Alle (swt) qadaray in aanay hadda suurtoobin. Waxaan abaal aan duugoobayn idiinku hayaa taageeradii iyo taladii aad ila barbar joogteen tan iyo intii aan hawshan ku jiray. Waxaan balan idiinku qaadayaa inaan kaalin kale oo bulsho oo siyaasi ah ku sii jiri doono. Waxaanan ilaawayn isla markaana mudan inaan si gaara u majiirto Hooyaday, Xaaskayga iyo Caruurtayda oo intii aan hawshan ku jiray aan ka gaabiyay kaalintii waalidnimo, tii saynimo iyo tii aabo-nimo ee ayga mudnaayeen. Ugu dambayntii, mar kale oo haboon ayaan faahfaahin dheeraad ah bixin doonaa caqabadihii iyo dhaabaddaha siyaasaeed aynu la kulanay intii geedigan aan ku jiray. Waxaan gadaal ka soo sheegi doona murashax Golaha Wakiilada ee aan dhisayo. Waxaan idinkana idinku ixtiraami doonaa cidaha aad halkaygii ku bedeshaan ee aad taageertaan. Waxaan Alle ka baryayaa in dalkeena iyo dadkeenu noqdo mid taabogal noqda oo aynu ku naaloono cadaalad, sinaan, barwaaqo iyo xasilooni Allaa Mahad leh, Xamse Cabdiraxmaan Khayre Murashax-hore Gole Wakiilo Maroodi-jeex Source