Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fariimaha kulul ee dalalka beesha caalamka ah ee saaxiibada Soomaaliya uga hadlayaan doorashada oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba dowladda federaalka aqbaleyn faro gelin lagu sameeyo arrimaha gudaheeda oo ay kamid tahay arrinta doorashada oo xiisad ka taagan tahay. “Waxaa jirra danjireyayaal mararka qaar qora oo dira, oo usoo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-banaanida dalalka. Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad madax-banaan, arrimaheeda gudaheena ay yihiin lama taabtan lama faro-geliyaan,” ayuu yiri. “Soomaaliya cidna doorashadeed ma faro-geliso, twitter-na uma qorto sidaas oo kale Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka.” Hadalka wasiirka oo si toos ah ugu socda safaaradaha dalalka beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa uga digay inay sii wadaan fariimaha ku aadan arrimaha doorashooyinka ee ay u dirayaan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa maamul goboleedyada, si xal looga gaaro doorashada dalka. Sidoo kale waxa uu imanaya hadalka Dubbe, xili ay maanta Qoraalkii ugu adkaa ay u dirtay dowladda Norway, kaasi oo ay uga dalbatay madaxda waqtigooda dhamaaday inay iska wareejiyaan tallada, islamarkaana xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada, inkasta oo ay markii dambe ka laabatay. Si kastaba, Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan ku saaraya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisada doorashada, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2432021.mp3 View the full article
  3. (SLT-Oslo)-Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso. Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’. “Safaaradda waxa ay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka Norway. Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.” Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay. Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada la ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya in ayna runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xidhiidha xaalada Soomaaliya. Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horreysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhammaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka Soomaaliya. Musharaxiinta mucaaradka ayaa hore u sheegay in sababta xal looga gaadhi la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta FARMAAJO, xilli ay sheegeen inay caddahay in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto Source
  4. (SLT-Dubai)-Ku xigeenkii Amiirkii Imaarada Dubai, Sheikh Hamdan bin Rashid Al Maktoum oo ahaa 75 jir ayaa geeriyooday kadib markii uu bilihii la soo dhaafay uu xanuunsanayay. Sheikh Hamdan, wuxuu kale oo uu muddo dheer ahaa wasiirka Maaliyadda ee Imaaraadka Carabta, waxana ay walaalo ahaayeen ninka hadda xukuma Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum. Sheikh Hamdan wuxuu dhashay 25-kii bishii Diseembar 1949, wuxuu ahaa wiilkii labaad ee uu dhalay amiirkii waqtigiisu dhammaaday ee Sheikh Rashid Bin Saeed Al Maktoum. Sheikh Hamdan wuxuu hayey jagada wasiirka maaliyada tan iyo markii la magacaabay golahii wasiirada ee ugu horreeyey 1971 kadib dhismihii Imaaraadka oo uu sameeyey Amiirkii geeriyooday, Sheikh Zayed Al Nahyan. Waxaa lagu ammaanay inuu Dubai u rogay xarun caalami ah oo ganacsi iyo dalxiis, wuxuuna hoggaaminayay wufuud Imaaraad ah oo ka socday Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Ururka Sanduuqa Dhoofinta Batroolka ee Horumarinta Caalamiga. Sheikh Hamdan wuxuu xukumay shirkado badan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo qeyb ka ah dhaqaalaha Dubai, sida Maamulka Dekedaha Dubai, Xarunta Ganacsiga Dunida ee Dubai iyo Shirkadda Gaaska Dabiiciga ee Dubai. Sida walaalkiis oo kale, wuxuu magac weyn ku helay tartanka fardaha ee Imaaraadka, asaga oo aasaasay Shadwell Racing sannadkii 1981. Source
  5. Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilesya siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan hanaanka doorashada dalka. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalku gaaro. “Waxaan mar kale ugu yeereynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan. Qoraalka Turkiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale baaqa Turkiga ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aadan in xal deg deg ah la gaaro, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, ayada oo aan heshiis la gaarin.
  6. The security minister of a Somali regional administration said on Wednesday he had defected along with hundreds of troops and allied himself to President Mohamed Abdullahi Mohamed, who faces calls by rivals to quit after his term as national leader ended. Abdirashid Janan, security minister of the semi-autonomous Jubbaland state, said he had defected together with 400 troops from Jubbaland’s forces, potentially bolstering the position of the president, known in Somalia by his nickname ‘Farmajo’. Mohamed is facing pressure to resign, including from Jubbaland and another semi-autonomous state, Puntland. Somalia’s remaining three regional governments back him. The standoff has stoked tensions in the Horn of Africa nation that was ripped apart by civil war and which is still battling an insurgency by al Shabaab, an Islamist group that launches attacks in Mogadishu and elsewhere. “I defected to the federal government. I do not want to be part of the … war in the region,” Janan told Reuters, adding a colonel was among the defecting troops. Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam Madobe said in a statement he had sacked Janan as security minister for conducting talks with the president. Officials in both Jubbaland and Puntland say they do not recognise Mohamed as Somalia’s president since his term expired. Mohamed’s four-year term ended last month without a successor. Somalia’s parliament was supposed to elect a new president on Feb. 8, but the exercise was delayed because new lawmakers have yet to be picked. Opponents of Mohamed, who is seeking a second term, also accuse him of packing his supporters into the regional and national boards who choose the legislators. Talks have been taking place involving Mohamed, various political leaders and members of the international community aimed at fixing a new date for elections. The presidents of Jubbaland and Puntland however refused to participate, arguing Mohamed must not chair the talks as he was no longer president. In a sign the president is expanding support for his continued stay in office, residents in Dhahar district in Puntland demonstrated on Wednesday, expressing approval for Mohamed while denouncing the state’s president. “We want Farmajo, we don’t want president Deni,” they chanted, referring to the state’s leader. Police dispersed the protesters by firing in the air. View the full article
  7. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soosaareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed. “Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay in ay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. View the full article
  8. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Beesha Caalamka qaarkeed ay ku xadgudbeen arrimaha gudaha iyo madax-bannaanida shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Wasiirka Dubbe ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen danjireyaasha Beesha Caalamka qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda diblumaasiyadeed ee caalamka. “Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira danjireyaal u soo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” ayuu yiri Wasiir Dubbe. Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka maalintii saddexaad ka socda xarunta Afisyoone ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ka hadashay qoraaladii Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  9. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegey iney ka xunyihiin isla markaasna rabaan Raaligalin buuxda in laga bixiyo Twitter ay Xalay oo talaado ahayd ay soo saareen Safaarada Norway. Qoraalka kasoo baxay Safaarada ayaa ahaa mid lagula talinayo Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxayna Norway kula taliyeen iney Xilka Wareejiyaan. Waatan warqadii Villa Soomaaliya ay u direen Safaarada Norway The post Villa Soomaalia oo ka carootay Hadalkii kasoo baxay Safaarada Norway ee ahaa inay Xilka wareejiyaan, Qoraal appeared first on . Source
  10. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen. Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada. Janan ayaa sheegay inuu u tanaasulay dhibaatooyin faro badan oo uu sheegay inay wajahayaan shacabka gobolka Gedo, islamarkaan uu ula heshiiyay dowladda federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Abaarta, Xanuun & Soo labo kacleynta Coronavirus. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagna gobolka Gedo uu soo afmeermay, isagoo ku hadlaya magaca maamulka Jubbaland oo uu hore uga tirsanaa, maadama uu xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Madoobe. “Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mardambe uusan qeyb ka noqon doonin dagaal ka dhaca gobolka Gedo oo ay isku haystaan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu hore uga tirsanaan jiray Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan oo hore uga tirsanaa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hadda banaanka ka jooga kadib markii uu heshiis la galay dowladda, mana cada go’aanka ay maamulkiisi ka qaadan doonaan arrinta uu balan qaaday maante ee inuusan dagaal dambe ka dhaceyn gobolka Gedo.
  11. Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa galabta gaaray degmada Beledxaawo, kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaalya, maamulka gobolka Gedo iyo shacabka reer Beledxaawo ayaa ku soo dhoweeyay Janan gudaha degmada Beledxaawo oo ay horey ugu dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis rasmi ah la galay dowladda Soomaaliya, kadib wada-hadallo uu la yeeshay saraakiil ka tirsan hay’adda NISA. Sidoo kale Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa la sheegay in ay u tageen gobolka Gedo dhameystirka heshiiska iyo soo dhoweynta Janan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Masuuliyiin ka Socda Ingiriiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska dawladda Ingriiska ee Somaliland. Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaciil, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf iyo La-taliyaha Wasiirka Sucaad Daahir Maxamed, waxa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyntii hay’addaha dawaladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka cudurka COVID-19 Wasiir Koore ayaa tafaasiil ka siiyey masuuliyiintaas kaalinta Wasaaraddu ku leedahay wacyigelinta xannuunkan iyo kor u qaadista wacyiga guud ee bulshada Somaliland. Waxa kulankaas laba dhinacba ku balameen inay yeeshan shirar dambe oo lagu sii xoojinayo wada shaqeyntooda. Qaran News
  13. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka. Janan ayaa waxaa Beled Xaawo kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ee dowladda sameysay iyo Shacab aad u badan Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlayey goobta lagu soo bandhigay Janan ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah heshiis ula gashay janan. Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya. “Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu. Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna,” ayuu yiri Janan. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo. Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula kulmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna wararka sheegayaan in loo soo gudbin doono Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso. Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’. “Safaaradda waxay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Norway. Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.” Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay. Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xiriira xaalada Soomaaliya. Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhamaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka. Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto
  15. In the maritime boundary dispute case between Kenya and Somalia, the International Court of Justice held: “the Memorandum of Understanding between Somalia and Kenya is a valid Treaty entered into force upon signature and it is binding on the parts under international Law “(paragraph 50). With this judgment delivered on 2 February 2017, the controversy over the validity of the 2009 MoU between Kenya and Somalia has finally been put to rest. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Janan uu ugu soo biirayo isbaheysiga Farmaajo, oo ay isku beel yihiin. Cabdirashiid Janan oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi doonin. Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dowladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro ahaan lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Jubbaland. QODOBADA LAGU HESHIIYAY: 1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland 2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah. 3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya 4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay 5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin Masuuliyiin ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana waxey wararka qaar sheegayaan inuu imaan doono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turkiga. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
  17. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka jawaabay Hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Kaasi oo uu ku dalbaday inay wada yeeshaan Dood Furan. C/laahi Obokor Cismaan, Wasiirka Gaadiid iyo Horumarinta Jidadku waxa uu ku Jawaabay “Sxbkay Khadar Faji “ Magac Bilaash uma baxo” Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiime. Aqoontu maaha article la soo akhriyo lagana akhriyo Mass-media-yaha ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaraddaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeega Dadweynaha”. “Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo cadaynteed leh, Waxaad keeni doontaa cadaymo ku filan difaacaaga” Labba Faras Fuulka………”, Ugu dambayn, waxaan sxbkay leeyahay Sxbkaana keen goobta, Codkana soo noolee” Source
  18. Bileyska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada Sadex Qof oo ahaa Rakaab saaran Gaari Bus ah oo Qarax la kacay wadada Arabia Road ee Magaalada Mandheera, ugu yaraan dhowr iyo toban Qof ayaa dhacday waxaana loo qaadey Isbitaalka Mandheera. Qaraxa ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso, Baska oo subaxnimadii hore kasoo baxay Tuulada Afey ayaa wuxuu soo galayay Mandhera. Falkaan waxaa looga shakisan yahay inay Al-shabaab ay Xalay ku aaseen Qaraxa, laakiin waxaa hada baaritaan wada Ciidamada Booliska oo kaashanaya xeeldheerayaasha Waxyaabaha Qarxa. Ilaa hada cidna ma sheegan Qaraxa, Sawirka hoose waa Baska la qarxiyay Puntlandi.com Nairobi The post Qarax lala beegsadey Bas, magaala xuduudeedka Mandheera appeared first on . Source
  19. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah ciidamadaasi waxaa lagula beegsaday deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxaana ay shaacisay in qaraxyadaasi ay ku gubtay labo gaari oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM. Xaaladda goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada AMISOM ay sii wateen socdaalkooda,kadib qaraxyadaasi. View the full article
  20. Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidamo gaaraya 2,416 askari oo mudo hal sano ah ka qeyb ka qaaadan doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Abaanduulaha ciidamada difaaca Uganda General David Muhoozi oo ka qeyb-galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay ciidamadaasi ka mid noqonaya howl-galka AMISOM ayaa sheegay in ay qeyb libaax leh ka qaadan nabad ilaalinta Soomaaliya. Taliyaha xarunta taageerada howl-gallada iyo tababarada oo munaasabadda sagootinta ah lagu qabtay General Bonny Wolimbwa ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay tababar qaadanayeen muddo sanad ah, kahor inta aan loo soo dirin Soomaaliya. Wolimbwa ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamadan ay noqonayaan kuwii labaad ee tababar ay siiyaan saraakiil Uganda u dhashay ee ka qeyb galaya howl-galka AMISOM. Uganda oo ciidamo ku leh howl-galka AMISOM ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6,000 oo askari kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya howl-galka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  21. Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyt ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu dadaal ballaaran ku bixineeyso taageeridda Soomaaliya, si loo gaarsiiyo xasilooni iyo horumar ballaaran. Arrintaan ayaa timid kadib markii uu magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo maalmahaan booqasho ku jooga dalka Masar. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ariimaha ugu danbeeyay ee xaaladda Soomaaliya iyo sidii taageera dhameystiran loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha hor yaala. Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageeridda Sooomaaliya si looga guuleysto Kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta sida ay u garab istaagtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna codsaday in lasii laba jibbaaro dadaalada lagu taageero Soomaaliya. View the full article