-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boqortooyada UK, ayaa si adag uga hadashay muranka ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, ee ka dhex taagan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Ingiriisku waxay ugu baaqday hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya, in ay isu’gu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo waafaqsan Heshiiskii 17-kii September ee Muqdisho iyo Isfahamkii 16-kii February lagu gaaray magaalada Baydhaba. Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in aysan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah, mid isbarbar socota iyo mudda kordhin loo sameeyo Golayaasha dowladda Federaalka ee haatan jira. Warka ka soo baxay UK ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor uga digtay Beesha Caalamka in ay fara-gelin ku sameeyaan Arrimaha doorashooyinka dalka, kadib markii ay qoraallo kulul soo saareen qaar kamid ah safiirada Shisheeye. PUNTLANDPOST The post Dowladda Ingiriiska oo si adag ula hadashay Hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Gardafuu (Puntland), ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Puntland. Doonyaha oo saddex ahaa, ayaa laba kamid ah lagu riday ganaax lacageed, kadib markii lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka tan saddexaadna wax danbi ah lagu waayay ,islamarkaana dib loo fasaxay. Labada doonyood oo kala ah: Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa tan kowaad lagu ganaaxay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar. Doonta saddexaad oo lagu magacaabo Al-Hilaal ayaa wax danbi ah lagu waayay. Sidoo kale, kalluunka saaran doonyaha Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa maxkamaddu xukuntay in dowladdu la wareegto maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukunno ku riday doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu goor dhowayd ka dhacay qarax xooggan oo khasaare kala duwan gaystay. Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari nooca loo yaqaan Qooqanta ah oo marayay nawaaxiga Hoteelka lagu magacaabo Oriental sida laga soo xigtay goobjoogaal ku sugan aagga Hoteelkaas. Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaan weli faahfaahin laga helin balse sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo qaraxaas gaarsiiyay gaariga lala eegtay. Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha cusub ee UK, Kate Foster oo dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ka guddoomay waraaqaha danjirinimo. Kulankaan oo ka qabsoomay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada amni ee dalka iyo dhismaha dowladnimada oo hormuud u yihiin hay’addaha nabad-gelyada. Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya, gaar ahaan mida ciidamada oo ay kamid taha dalalka sida weyn u taageera dhismaha dowladdnimada Soomaaliya. Labada mas’uul ay intii uu socday kulankaas waxay isku dhaafsadeen hadalo warbixin ah, iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. Talie Xijaar ayaa dowladda UK uga mahad-celiyay taageerada ballaadhan ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan garab istaaga joogtada ah ee ciidamada booliiska, isagoona ka dalbaday dar-dar gelinta taageerada ciidamada. UK ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageero maaliyadeed oo badan ku bixisa dowladda federaalka dib u dhiskeeda, midaasi oo ay muhiimsan tahay Hay’adaha nabad-geliyada oo booliisku ugu horeeyo.
-
Qormo ku saabsan: Siyaasadda Soomaaliya iyo Duruufaha ku xeeran Sida Aqoonyahanada cilmiga siyaasada ku xeel dheeri ku macneeyeen siyaasadu waxa ay tahay waa Iskaashi iyo isku haynta fikradaha kala duwan, rabitaanka kaladuwan, tartamayaal kala duwan. siyaasadu waxa kala ay tahay mabaadii aas aasi ah oo dowladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqbalka isla markaasna ay ku maamusho dadka iyo dalka ay xukumeyso si ay u gaadhaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal fiican. Dadka Soomaaliyeed hadaad waydiiso waa maxay siyaasad? Iyo waxa ay ka aamin sanyihiin? Dadka badankiisa waxa ay kuu sheegayaan siyaasaddu in ay tahay ‘been oo kale’ oo ku hareeraysan sawir dhibaato, khalkhal galin, rabshado, khiyaano, wax is daba marinta, muran, iyo toogonimo. Hadaba, siyaasadu waxa leedahay micno balaadhan waa waxqabadka iyo hagaha ay dadku ku meel maraan waxna ku badalaan iyagoo umaraya xeerarka iyo qawaaninta u dajisan. Siyaasaddu waa cilmi labarto balse dad yar ayaa siyaasadda ku soo gala bilaa fikir gaar ahaan Soomaaliya waa ka duwantahay oo dadka siyaasiyiinta badankooda iyagoon siyaasadda aqoon iyo fikir fiican ka haysan ayay siyaasadda soo galaan. Waana sababta siyaasiyiinta soomaaliyeed badankooda ay siyaasada ugu fashilmeen. Hadaan is dultaago fashilka haysta siyaasadda Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa dad fiican oo leh dal fiican oo hodan ah illaahayna siiyay khayraad badan oo ay kamid yihiin; laba wabi, laba badood, dhul balaadhan oo beerashada ku fiican, macdan badan, shidaal, hawada marinka diyaarada oo balaadhan, kaluun badan, xoolaha sadaxda nooc gaar ahaan geela u badan caalamka, hawo fiican, dadka oo Muslim ah 100% iyo meel Istaraatiiji ah ku yaala. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nimco walbo nusqaanteeda leh. Inagoo waxaas oo nimco ah haysano haddana waxa mudo dheer shacabka Soomaaliyeed la daalaa dhacayeen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin; abaaro, daadad, cuduro, dagaalo sokeeye, qabyaalad, waxbarasho la’aan, dhaqaalo xumo, qaxooti, iyo mida ugu weyn oo waxaas dhibaato ah sababtay oo ah siyaasi iyo siyaasad xun oo aan u arko dhibaatooyinkaas oo dhan in uu sababta u badan leeyahay. Siyaasiyiinta soomaaliyeed oo badankooda aqoon iyo khibrad siyaasadeed lahayn oo salaanka siyaasada ku soo galay 4.5, tan iyo markii uu dalku bur buray waxa soo baxay kumaakun siyaasi soomaaliyeed. Tiradooda iyo waxa ay qabteen haddii la is barbar dhigo waxaa badan tiradooda waana wax laga naxo. Goobaha dadku ku kulmaan waxaad ku arkaysaa Ex Wasiir hore, xildhibaan hore, madaxwyne hore, Agaasime hore iyo wax lamida, iyaga oo ku faanayo masooliyadahoodii hore (title) ay soo qabteen iyo anagaa ka fiicnayn kuwan imika. War dhafoor ayuu ku yaalaa ayay Soomaalidu tidhaahdaa, balse hadaad indha caafimaad qabo ku eegtid taariikhdoona iyo waxa ay soo qabteen iyo fursadaha iyo xoolaha umadda ay qasaariyeen waxa aad is odhanaysaa armay u qurux badantahay in ay is qariyaan oo ayna ku faafin fursadaha ay shacabka ka qasaariyeen. Maxaa yeelay hadday waxbadan soo qabteen waxa ay ka muuqan lahayd dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo wali la daalaa dhacayo dhibaatooyin badan oo sababay siyaasi xumo iyo dowlad la’aan. Iyada oo ay jiraan siyaasiyiin fiican hadana inta badan siyaasiga Soomaaliyeed waa mid u soo qaraab taga sidii uu xoola uga tabcan lahaa isagoo meel iska dhigay ama is illowsiinayo dhaartii uu dhaartay, diinteena, dhaqankeena iyo masuuliyada uu u qaaday in uu u adeego shacabka masaakiinta ee la daalaa dhacayo. Iska daa in uu wax u qabto shacabka ee qaarkood dhibta ayay ku sii badiyaan oo ay marar badan isku dayaan ama ku soo noqdaan mansabyo siyaasadeed iyagoo leh shacabka wax u qabanaynaa, oo kasii daranee tiro taageerayaal ah wata. Siyaasiyiinta doorashada isku haysta ee khilaafku ka dhaxeeya iyagana hal mid ayaan u soo jeedinayaa. Walaalayaal waxaad u soo ban baxdeen oo rabtaan in aad dalkan iyo dadkan aad wax u qabataan idinkoo isku arko in aad tihiin dadkii ku haboonaa in ay dalkan hogaamiyaan, hal dhinacna waa u wada jeedaaan oo ah in doorasho dhacdo, waxaana hubaa in aad saaxiiba soo ahaydayn, tihiin, mustaqbalkana noqon doontaan. Dhinacyada khilaafka ka dhaxeeyo waxaan u soo jeedinayaa dulqaadka, tanaasulka iyo wada hadalka hala joogteeyo hana la badiyo, is maquuninta hala joojiyo dhinacba dhinaca kale uu rabo in 100% ka guulaysto (dominant). dhinac kasta ama qof kasta waxa uuna jeclayn in lagu sameeyo ama loola yimaado yaanan la isku samayn la iskuna dayin. Xukunka Allah ayaa bixiya ha isku muuqanina, danihiina yayna idiin muuqan ee mar walba ka eega danta shacabka iyo dalka. Dagaalka idinka dhaxeeyo yaanuu noqon mid wadan shisheeye aad kula jirtaan oo kale sida Kenya oo badeena damacday oo kale oo aad la dagaalamaysaan, cidiyaha ha ku dagaalamina ee khilaafka idinka dhaxeeya waa mid walaaltinimo kuna eega indho wadan jacayl is qanciya wada hadalna ku dhameeya arinta, taas ayay danta guud iyo mida gaarka ahba ku jirtaa. Dhinaca saxaafada iyo dadka baraha bulshada isticmaalo(social media) waxaan u soo jeedinayaa garabyada is haya ha ku kala taageerina dana gaara iyo mid qabiil, hana isku soofaynina, Allah ka cabsada oo arinta hala isku soo dhaweeyo suluxna halaga shaqeeyo yaanan la isku sii hurin siyaasiyiinta. taas ayaa danteena iyo danta qarankaba ku jirtaa.Dowladihii soomaray Soomaaliya haba yaraatee wax way qabteen, wax badana waa ay dhimanyihiin oo fari kama qodna. Dadka wanaagsan ee waxbartay waxaan u soo jeedinayaa in ay dalkan iyo dadkiisa usoo qalab xidhaan sidii ay u bad baadin lahaayeen oo ay siyaasada soo galaan. Gaar ahaan dhalinyarada wax baratay waa in ay dalkooda nafta iyo waqtigaba u huraan(sacrifice) iyagoo kudayana dhalinyaradii hore ee SYL. Siyaasiga xuna waxaan u soo jeedinayaa aakhiradaada, shacabkaaga iyo naftaada u tur xoolo umadeed waa qaaxo kugu maqan. waxa jira wadamo badan oo caalami ah iyo kuwa jaarka ah oo Soomaaliya dano kale waana in lala yimaadaa siyaasad arimo dibadeed oo ku fadhido ugu yaraan 30 sano ee soo socda isla markaana la is waafajiyaan danaha soomaaliya iyo danaha iyo xidhiidhka ay naga leeyihiin wadamada caalamka. Waxa aan ku soo gaba gabaynayaa qoraalkayga waa in lakala horaysiiyaa baahiyaha Soomaliya ee waqtigan taagan (priorities) sida dib u heshiisiinta, soo celinta kalsoonida shacabka, nabadgalyada, dowlad dhisida, dastuurka iyo dimuqraadiyada. WABILLAAHI TOWFIIQ Qore: Sayid Abdullahi Email: ab.hersi19@gmail.com Mogadishu, Soomaaliya Qaran News
-
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ee Soomaaliya uu kusii jeedo Magaalada Adis Ababa halkasoo ay ku sugu foonaan Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea. Hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea Abiy Ahmed Iyo saias Afwerki ayaa Todobaadka soo socda waxay ku balansan yihiin Adis ababa, Kulankasoo Madaxweyne Farmaajo lagu casumay. Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegay in labadaan Masuul ay ka walwalsan yihiin in Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya in Isbadal deg dega ku yimaado. Macada sababta Adis Ababa ay ugu yeereen Madaxweynaha Soomaaliya ee Xilkiisu dhamaadey, Waxaan iyana ilaa hada cadey Dharciyada Madaxweyne Farmaajo oo Walhtigiisu dhamaadey inuu Dalka ka duuli karo iyo in kale, Puntlandi.com Nairobi The post Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa looga yeeray appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn ayaa ka dhashay kulan maalinta berri ah loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay. Kulanka loogu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda cudurka COVID-19, ayada oo uu shir guddoomin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. Xildhibaanada qaar ayaa wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin ayna ka xigaan gacan ka hadal in muddo kordhin sharciga ka baxsan loo sameeyo hay’adaha waqtigoodu dhammaaday. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!” Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. QM ayaa isla maalinkii xigay ka digtay isku daygan ayada oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in beesha caalamka aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin. Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore.” Haddii Mursal, oo xulufo la ah Farmaajo, uu ku dhaqaaqo tallaabadan waxay noqon doontaa is-miidaamin siyaasadeed oo qalalaase xooggan gelisa dalka.
-
Caawa waxaa kulan ku balansanaa Madasha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor iyo Mudane Cali Guudlaawe laakiin kulankaas wuu baaqdey, daqiiqadihii u dambeeyay xiligii la balansanaa ayay Madaxweynayaashii la casumay ay sheegeen ineysan imaan karin kulanka. Kadib waxaa la ogaadey in Madaxweyne Farmaajo uu Casho u sameeyay Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe Cashadaasoo lagusoo aadiyay saacadii ay la balan sanaayeen Madasha Musharixiinta. Maalmahaan waxaa Muqdisho kusoo batay Isbaarooyinka uu Madaxweyne Farmaajo u dhiganayo kulamada Siyaasada. Bishaan bilowgeedii ayaa Beesha Caalamku ku dhawaaqdey inay shir isugu keenayso Madaxda Soomaaliya Shirkasoo loo diyaariyey Teendhada Afisyooni, qabanqaabadii Shirka oo meeshii u dambaysa maraysa ayaa Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigtay Shirkii. Waxaa xigay Kulankii 5 Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubbaland oo shalay duhuradii ka dhici lahaa Xalane, Kulankasoo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Caalamku, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulankaaana isku dayay inuu isbaaro u dhigto, Laakiin Dagaal culus oo Beesha Caalamku la gashay kadib Isbaaradaas waa laga burburiyay Madaxwwynaha, shirkiina aakhirkii Xalay ayuu dhacay, inkastoo uu Madaxweynu warqad kadaba tuuray, uu leeyahay Madaxweyne Qoorqoor, Madaxweyne Guudlaawe iyo Madaxweyne Laftagareen Ergo ahaan Ayaan ugu diray Deni iyo Madoobe si ay ugasoo dhaadhiciyaan kasoo qaybgalka Shirka ka socda Afisyooni, Caawa xaaladu waxay maraysaa inuu Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigto kulankii Madasha Musharixiintu ay ku casumeen Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo isbaaro u dhigtay kulankii ay caawa ku balansanaayeen Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele appeared first on . Source
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Mursal ayaa maanta Fariin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed wuxuuna faray in beri oo sabti ah 27/3,2021 ay Xildhibaanadu isugu yimaadaan Kulan aan caadiyan ahayn oo looga hadlayo Xanuunka faafa ee Covid19. Siyaasiyiin dhowra oo aan waxka waydiinay kulankaan waxay shaki ka muujiyeen Kulanka iyo Ajandihiisa qarsoon ee ku hoos jira. Warar kala duwan waxay sheegayaan in kulankaan uu Gudoomiye Mursal isugu yeeray Xildhibaanada uu yahay mid mudo kororsi loogu samaynayo Xukuumada Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa maalin ka hor ka digtay in lagu fakaro mudo kordhin iyo isfeeryaac Siyasadeed. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa ku qarsoon Kulanka Bari oo Sabtida uu Xildhibaanada isugu Yarey Gudoomiye Mursal appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday shir lagu waday in caawa yeeshaan Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo Midowga Musharaxiinta, kadib faro-gelin ka timid madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirka caawa ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf caawa lagu qabanayo Villa Somalia oo goor dambe oo maanta ah ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ay xulufo dhow yihiin, kadib markii la ogaaday kulanka Midowga Musharaxiinta. Ma cadda sababta Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen kulan ay imaatinkiisa ballan-qaadeen, hase yeeshee xildhibaano ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan laheyn xorriyad, oo saacad kasta oo looga yeero Villa Somalia ay ku qasban yihiin inay tagaan. Waa markii labaad ee laba maalmood gudahood ah ay faro-gelin ka timid Farmaajo wax ka beddeshay qorshaha madaxweyne goboleedyada taabacsan, kadib markii sidoo kale uu shalay xilli ay la ballansanaayeen beesha caalamka iyo Axmed Madoobe iyo Deni uga yeeray Afisyoone. Farmaajo ayaa kadib u sheegay Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay la kulmi karaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, balse aysan beesha caalamka goobjoog ka noqon karin, taasi oo ay aqbaleen lana kulmeen xalay xilli dambe. Dhanka kale, waxaa caawa la filayaa in uu qabsoomo shir u dhaxeeya Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, kadib cashada Villa Somalia, wuxuuna qeyb ka noqonaya shir docoodyada loogu gogol xaarayo is-faham ay shanta madaxweyne goboleed ka gaaran doorashada.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2632021.mp3 View the full article
-
Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa Xalay u bilowdey Kulan loogu gogol xaarayo Ajandaha Shirka Watashiga Dooradhada ee ka furmi doona Afisyooni. Kulankii Xalay waxaa looga dooday Qodobada hortaagan Heshiiskii 17 Sebtembar qaabka looga dhigi karo Ajandaha Shirka, waxayna Madaxdu ay durba iska ilaaween wixii khilaaf ah ama lakala tabanayo, taasna Way isla garteen iyagoo ku balamay in la iska ilaaliyo Waxwalba oo horseedi kara khilaaf. Madaxda Maamul Goboleedyadu waxay Xalay muujiyeen inay ka go’antahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho heshiis lagu wada yahay. Kulanka Xalay oo bilow ahaa waxaa la isugusoo laabanayaa Sabtida. Saameynta Madaxweyne Farmaajo ee kulankaan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey kuma qanacsanayn Shirka, wuxuuna shalay isku dayay inuu horb staago Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, laakiin Beesha Caalamka ayaa sigaara u cadaadisay xubnahaan si ay Shirka u yimaadaan, Wayna aqbaleen, Aqbalaadaas ka dib Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey in Shirka laga dhigo Jamcada (maanta ahayd) Laguna qabto Teendhada Afisyooni, inkastoo Beesha Caalamku ay dalabkaas soo dhaweeyeen hadana waxaa diidey Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ku adkeystay in kulanku uu ka dhaco meeshii loo qorsheeyay oo ahayd Hoolka Hotel ku yaal Garoonka diyaaradaha, saas ayayna noqotay aakhirkii, Madaxweyne Farmaajo mar Sadexaad ayuu isku dey sameeyey wuxuuna Dalbadey in Laba Wasiir oo isaga matalaya ay Shirka ka qayb noqdaan, Taasna intaan Deni iyo Axmed Madoobe la gaarin waxaa is hortaagay oo diiday Beesha Caalamka iyagoo ku adkeystay in kulanku uu dhexmarayo oo qura Shantaan Madaxweyne. Madaxweyne Farmaajo ma harin oo markay Sadexdii Madaxweyne ay u dhaqaaqeen dhankaas iyo Xalane wuxuu kasoo daba tuuray warqad uu leeyahay sidaan “ Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug Ayaan u direy Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ay ugu soo qanciyaan inay kasoo qaybgalayaan Shirka ka socda Afisyooni”. isjiidjiidkaan ayaa keenay in Xalay uu Shirku bilowdo, qorshuhu wuxuu ahaa in uu Shirku bilowdo maalinimadii shalay ahayd. halkaas ayuu xaalku marayaa hada. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shirkoodu sii socon doona beri oo sabti ah appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageerayso hanjabaadii ay dhawaan dowladda federaalka u dirtay dalalka beesha caalamka ee inta badan sida adag uga hadla xaalada dalka, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada. Shiinaha ayaa sheegay inuu dhowrayo madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana uu taageerayo horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka, sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya. “China waxay ixtiraameysaa madax-banaanida Soomaaliya, madax-banaanida dhuleed, xoriyadda iyo sharafta siyaasadeed, waxayna si adag u taageerayaa nabadda, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna ilaalineysaa mabda’a ah ‘Milkiyad Soomaaliyeed iyo Hoggaan Soomaaliyeed’,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha. China respects Somalia’s sovereignty, territorial integrity, political independence and dignity, firmly supports Somalia’s peace, development and prosperity, upholds the principle of “Somali Ownership, Somali leadership”.#Somalia — Chinese Embassy in Somalia (@ChineseSomalia) March 25, 2021 Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo muujinaysa la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka. “Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye,” ayaa lagu yiri warbaahinta dowladda federaalka oo si weyn u baahineysa qoraalka Shiinaha. Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba ka aamusi jirtay fariimaha ay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay soo saaran, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay u badnaa hanjabaado iyo canaan toos ugu socota Villa Somalia iyo madax goboleedyada, oo la xiriirta xal ka gaarista khilaafka doorashada. Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan mareysa marxalad xasaasiya, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana uusan jirin heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hanaanka doorashada. Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa, xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, midaasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, taasi oo uusan dooneyn.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee xalay uga furmay Airport Hotel ee xarunta Xalane ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo isu soo dhawaansho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shirka ayaa marka hore ku billowday is-eedeyn iyo dood kulul, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay eedeeyeen saddex madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo, kana dalbadeen inay qaataan kaalintooda hoggaan oo aysan noqon kuwa wax kasta loo meeriyo. Dhanka kale, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa iska difaacay eedeymahaas ayaga oo Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeeyey in caqabadda ay dhankooda ka imaneyso, oo mar kasta oo xalku dhow yahay ay la imanayaan shuruudo cusub. Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah ajendaha shirka, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay caddeeyeen inaysan dooneyn in Farmaajo uu shirka guddoomiyo, maadaama sida ay sheegeen uu muddo xileedkiisu idlaada, islamarkaana uusan haysan maqam madaxweyne. Axmed Madoobe iyo Deni waxay sidoo kale caddeeyeen inay doonayaan daamanadda beesha caalamka, ayaga oo ku dooday inaysan aamini karin Farmaajo. Ilo-wareedyo ka ag dhow dhinacyadaas ayaa sheegay markii dambe la isku soo dhowaaday la iskuna fahmay laguna ballamay shirar kale oo kan ugu horreeya ay berri subax iskugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxdo shirarkooda. Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen mar kale ay isbeddelaan marka ay ku laabtaan Farmaajo, sida horey looga bartay. Shirkaa oo u gaar ahaa shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii shalay galab la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.
-
The Trump administration’s movement of most U.S. troops out of Somalia to other countries in Africa “probably” had “significant downsides,” a Pentagon official said Thursday. “From my perspective, there is probably significant downsides to the pullout from the perspective of cost and effectiveness,” Christopher Maier, acting assistant secretary of Defense for special operations and low-intensity conflict, told the Senate Armed Services Committee. “But that’s my initial look, and this will have to be an interagency look.” In the final months of his tenure, former President Trump ordered almost all of the 700 U.S. troops that were in Somalia to withdraw. The troops were in Somalia to help local security forces fight al Qaeda affiliate al-Shabaab and the local ISIS affiliate. At the time, the Pentagon insisted Trump’s order was “not a change in U.S. policy” and U.S. Africa Command held that troops “remain capable of striking al-Shabaab at the time and place of our choosing—they should not test us.” While Trump framed the move as part of his efforts to end “forever wars,” most of the U.S. troops that left Somalia were repositioned to other nearby countries such as Kenya and Djibouti and have continued to conduct operations inside Somalia. The Biden administration is in the midst of a review of U.S. military posture around the globe that could result in a reversal of Trump’s withdrawal or other changes to the U.S. military footprint in Africa. Maier, who led the Pentagon’s ISIS task force during the Trump administration until he was fired in Trump’s post-election Pentagon purge and was brought back into the department by Biden, alluded to the posture review as he spoke Thursday about the Somalia withdrawal. The effect of withdrawing from Somalia “is something that is being looked at both from the counterterrorism perspective, and the broader regional objectives we have in the Horn of Africa,” Maier said Maier, who said “one of the benefits of a beginning of a new administration” are posture reviews, also said one of the “key elements” of the global review is balancing “the need to continue to protect the American public, citizens, our interests against the al Qaedas and ISIS and their affiliates that are still out there” with pivoting the military toward so-called great power competition against Russia and China. Maier was responding to questions from Sen. James Inhofe (R-Okla.), the ranking member of the Senate Armed Services Committee, who in a rare break with Trump opposed the Somalia withdrawal. Inhofe told Maier he’d like to be “in on” the Biden administration’s Somalia review, highlighting how he disagreed with Trump on the issue. “I was pretty outspoken when that decision was made, and I’d like to see how we are doing on that,” Inhofe said.
-
The federal government of Somalia has called on diplomats in the country not to interfere in the country’s internal political affairs. The notice by Information Minister Osman Dube came after representatives of various entities, including the United States, the European Union and the U.N. office in Somalia, said they would not support a possible partial term extension for Somalia’s current president. Dubbe said his government expected its international partners to respect Somalia’s sovereignty and territorial integrity within the principles of international law. He added that it’s illegal to intervene in a sovereign state’s internal issues, calling it a red line that must never be crossed. The government of President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as Farmajo, is facing international pressure to conduct elections. Disputes over the electoral process have held up the polls, and talks among political stakeholders to end the standoff have yet to bear fruit. Meanwhile, the president’s term officially expired last month, and opposition groups have said he no longer has a mandate to run the government. Political analyst Mohamed Muse Aden said the strong comments from the international community were expected because Farmajo’s administration failed to utilize its mandate during its term in office to plan for transparent polls. “Actually, the role of the international community for pressuring the Somali actors in conducting the elections is very crucial, especially in this period where the electoral impasse creates uncertainties for the Somali people,” Aden said. “Although historically, they used to play similar roles in helping the stakeholders to come together and chart out peaceful and inclusive electoral processes, but this time round, their influence and presence is more critical.” Mohamed Matan, a senior lecturer of international relations at the University of Somalia, said the international community has invested in Somalia’s recovery and has a say when things are not going in the right direction. Matan said international relations are based on economy, security and law, and that therefore it’s not right for Somalia, through the minister, to warn against interference. He added that in his opinion, the diplomats’ comments about delayed elections were not against sovereignty of the nation, but were for the norms of international law. Meanwhile, U.N. envoy James Swan has held meetings with Somali state leaders in the past week to iron out differences.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya. Guddiga fulinta IMF ayaa ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta. Geedi socodka deyn cafinta ee dhaqaalahan cusub loo adeegsan doono ayaa waxa uu ka dhaxeeya Hay’adda lacagta aduunka IMF, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Kaalmadan dhaqaale ayaa socon doontaa muddo sanad ah, midaasi oo ku taariikheysan 25, Maarso ee 2021 ilaa 24, Maarso ee 2022-ka, taasi oo ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Muddo Sanad ah ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee hay’adda lacagta aduunka ay shaacisay in dowladda Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta. Si kastaba, Barnaamijka deyn cafinta ayaa waxay hay’adda IMF ay hore u siisay Soomaaliya in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo badan soo jiitamayey.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya. Guddiga fulinta IMF ayaa ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta. Geedi socodka deyn cafinta ee dhaqaalahan cusub loo adeegsan doono ayaa waxa uu ka dhaxeeya Hay’adda lacagta aduunka IMF, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Kaalmadan dhaqaale ayaa socon doontaa muddo sanad ah, midaasi oo ku taariikheysan 25, Maarso ee 2021 ilaa 24, Maarso ee 2022-ka, taasi oo ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Muddo Sanad ah ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee hay’adda lacagta aduunka ay shaacisay in dowladda Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta. Si kastaba, Barnaamijka deyn cafinta ayaa waxay hay’adda IMF ay hore u siisay Soomaaliya in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo badan soo jiitamayey.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaasim Salaad ayaa codkiisa ku biiriyey mas’uuliyiinta ku baaqay inay tanaasul muujiyaan dhinacyada isku haya doorashada dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa marka hore xusay inay muhiim tahay in la xasuusto cabsida Alle, loona laabto si dhibaatada dalka iyo dadka heysta Alle nooga dulqaado Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho wada-ogal ah, taasna ay keeni karto isku soo dhawaanshaha dadka Soomaaliyeed. Hadalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaayo, xilli xaaladda siyaasadeed ay tahay mid cakiran, kadib muranka ka dhashay doorashada. View the full article
-
Xaaskii uu ka geeriyooday Ex-Madaxweyne Cali Mahdi oo iyana hadda geeriyootay+Sababta geeridada loo nisbeeyay Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi. Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March. Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter. “Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون” Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ku hanjabtay inay ka go’ayso Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib khilaaf muddo badan soo jiitamayey oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, midaasi oo ay dab kusii shiday xiisada doorashada. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas ayaa waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah. Xasan Abgaal ayaa ku dooday in dastuurka Puntland qoddobo kamid ah uu xaq u siinayo inay ka go’do Soomaaliya haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay haddii la waayo dowladda federaal oo dhowreysa heshiisyada iyo dastuurka dalka inay xaq u leeyihiin gooni-goosad, midaasi oo ka dhigeysa maamul goboleedkii labaad ee madax-banaani ku dhawaaqa, marka laga imaado Somaliland. Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso dowlad goboleedyo dhisan iyo dowlad dhexe oo wax wadaag, laakiinse aysan dooneyn hal qof wax uu xukumo, taasi oo dalka u horseedaysa bur-bur hor leh. Arrintan ayaa noqoneysa haddii ay ku dhaqaaqdo Puntland fur-furka nidaamka federaalka oo ay hore uga maqneyd Somaliland, oo iyadu muddo 30-sanno ah ku doodeysay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, waxayna kusoo aadeysa xili ay si weyn isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ku hanjabtay inay ka go’ayso Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib khilaaf muddo badan soo jiitamayey oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, midaasi oo ay dab kusii shiday xiisada doorashada. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas ayaa waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah. Xasan Abgaal ayaa ku dooday in dastuurka Puntland qoddobo kamid ah uu xaq u siinayo inay ka go’do Soomaaliya haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay haddii la waayo dowladda federaal oo dhowreysa heshiisyada iyo dastuurka dalka inay xaq u leeyihiin gooni-goosad, midaasi oo ka dhigeysa maamul goboleedkii labaad ee madax-banaani ku dhawaaqa, marka laga imaado Somaliland. Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso dowlad goboleedyo dhisan iyo dowlad dhexe oo wax wadaag, laakiinse aysan dooneyn hal qof wax uu xukumo, taasi oo dalka u horseedaysa bur-bur hor leh. Arrintan ayaa noqoneysa haddii ay ku dhaqaaqdo Puntland fur-furka nidaamka federaalka oo ay hore uga maqneyd Somaliland, oo iyadu muddo 30-sanno ah ku doodeysay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, waxayna kusoo aadeysa xili ay si weyn isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.