-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI - Somali immigrants living in Nairobi and people suspected of funding terrorism could be deported or have their properties requisitioned in the coming days as Kenya continues to flex its muscles amid deteriorating relations between Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Sawirro: HirShabelle oo la gaarsiiyey Tallaalka Coronavirus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaarada Caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kala wareegtay tallaalka ka hortagga COVID-19 oo loogu talagalay in ay ka faa’iideeystaan 25 kun oo qof oo ku nool dhamaan deegaannada Hirshabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa maamulka gobalka shabeellaha dhexe, kan degmada Jowhar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Wakiilka WHO Maxamed Cabdikariin ayaa bulshada ku bogaadiyay in laga faa’iideeysto. Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan tallaalka. View the full article -
NAIROBI - Kenyan authorities have ordered the United Nations refugee agency (UNHCR) to make plans to close two refugee camps that are home to more than 400,000 refugees, mainly Somalis and South Sudanese. While it's not the first time Kenya has threatened to close the camps, rights groups say the order could endanger refugees’ lives. Source: Hiiraan Online
-
Xasan Shire, Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in Puntland ka go’i karto Soomaaliya haddii habka federaalka la hirgalin waayo. Dhowr sababood awgood Puntland kagama go’i karto Soomaaliya. 1- Soomaaliya waa dal midnimadiisa dhuleed iyo siyaasadeed ay sharci tahay. Qofka qeyb ka mid ah Soomaaliya ku tilmaama dal kale waa qof yiri “Soomaaliya ma jirto.” 2- Habka federaalka Xasan Shire u qareemayo kama jiro Puntland. Puntland waxay u xuubsiibatay goofaf siyaasadeed madaxdeedu noqdeen kuwo aan lala xisaabtami karin. Eeg xaaladda Dekedda Boosaaso oo si fudud loogu wareejiyay DP World, tallaabo horseedday in kaabayaasha lagu dhisay canshuur Soomaalida laga ururiyay loo beddelo hanti beeluhu heshiis kula geli karaan shirkado shisheeye. Halkee ku dambeeyeen mashruucyadii waddada Eyl iyo Garoowe lagu hagaajin lahaa oo deked kalluumaysi lagaga sameyn lahaa Eyl? Markii ugu dambaysay Soomaalidu heshiisyo iyagoo beelo ah ay la saxiixdeen dalal waaweyn natiijadu waxay noqotay in dhul Soomaali deggen tahay lagu wareejiyo Xabashida. Mililiq (Menelik) iyo Xayle Salaase qarannimo (sovereignty) ayay cuskanayeen, waa sababta Soomaalidu u noqotay dadka keliya uu talis gumeyste ahaa ku wareejiyay gumeyste gibir qaada. Dad badan baa jira aan jeclayn in Soomaalidu lumiso qarannimadeeda hase ahaatee aan ka baaraandegin biyodhaca doodahooda qaarkood. Midnimada Soomaaliyeed wax lagu beddelan karo ma jirto. Waa tiirka qarannimada. Maxamed Ciise Turunji wuxuu ku qoray buugga Somalia: The Untold History 1941-1969 in Muuse Boqor, oo Wasiir ka ahaa dowladdii gobanimo-gaarsiinta, uu ka hor yimid Cabdullaahi Ciise, oo Ra’iisal Wasaare u ahaa dowladdii ‘daakhiliyada’. Muuse Boqor abaabul ayuu sameeyay isagoo ku eedeeyay Cabdullaahi Ciise maamuldarro iyo eex. Xaaji Diiriye ayaa tiriyay waxqabadyadii SYL ka fulisay gobollo Mudug iyo Bari ka mid yihiin. “Kama hor imanayno Ra’iisal Wasaaraha iyo SYL” ayuu Xaaji Diiriye u sheegay Muuse Boqor. Halkaas waxaa ku soo gabogaboobay abaabulkii siyaasadeed uu Muuse Boqor ku kicinayay beeshiisa. Casharka ugu weyn ku jira jawaabta Xaaji Diiriye bixiyay waa in ismaandhaaf siyaasadeed aan loo beddelin go’aammo Soomaalida kala sii fogeyn kara. Oday Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shir dhowr toddobaad ka hor ka dhacay Gaalkacyo wuxuu yiri “waqtiga ayaa dadkiisa wata.” Tan iyo 2014tii madaxda Puntland soo martay aad bay uga awood-badnaayeen kuwii ka horreeyay. Dabaqad siyaasadeed ka hantiyaysatay qasnadda dowladda ayaa xoogeysatay. Waa dabaqadda waxa ay lunsadaan saamiyo shirkadeed u beddela. Sideedana dhaqaale ma kobco haddii lacagta sida fudud loo helay ay suuqa ku badato. Himilooyinkii horusocdnimada — iscafinta iyo nabad ku wada noolaanshaha — ka dhigay Puntland meel maamul barakacayaal ay dhiseen wuxuu maanta leeyahay tilmaamaha maamul ay qowlaysato ku adeegato. Hadalka Wasiir Xasan Shire saameyntiisu kama yara hadalkii Ururkii Maxkamaduhu ku qaateen go’aammo lid ku ah qarannimada Soomaaliya 2016kii kuna abureen isbahaysi caalami ah oo Soomaaliya u arka meel argagixiso degtay burburkii dowladnimada Soomaaliya awgiis. Sidoo kale hadalkiisu kama saamayn yara himilooyinkii ururkii Al Itixaad oo Boosaso maamulayay 1991-1992kii. Ummadi ma jiri karto qarannimo la’aan. Waa in Soomaalidu ka hortagto caadiyeynta doodaha taageeraya baabbi’inta qarannimada Soomaaliya. May aha doodo kaftan gala ama lagu boolaxoofteeyo. Liibaan A. Axmad Libahm@gmail.com The post Puntland Kama Go’i Karto Soomaaliya – Faallo appeared first on Puntland Post.
-
Nur Magan Mahdi planted tomatoes, pumpkin, watermelons, and maize in early January on his farm in southern Somalia’s Hiran region, hoping to harvest in 45 days and recover from the losses he suffered last year due to river floods and locust infestations. Source: Hiiraan Online
-
The International Monetary Fund (IMF) said it has granted additional interim assistance to Somalia under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative of 0.97 million U.S. dollars on a lapse of time basis. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi. Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March. Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter. “Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون”
-
Nairobi (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi. Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March. Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter. “Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون”
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2632021.mp3 View the full article
-
Kulankii ka dhacay tuulada Najax oo katirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa ka qaybgalay Wasiiro iyo saraakiil katirsan xukuumadda xilligeedu dhammaaday iyo Cabdirahsiid Janan wasiirkii hore ee Amniga DG Jubbaland, Inkasta oo aan labada dhinac soo bandhigin Qoraalka heshiiska ay wada-galeen haddana Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxamaan Yuusuf ayaa ka sheegay isu soo bax lagu soo dhoweynayey Janan & ciidanka la socday ayaa yiri: Wasiirku waxa uu halkaan ku yimid laba qodob oo is xambaarsan! Waa garasho iyo damqasho uu isagu gartay in uu Qaranka Soomaaliyeed u hiilliyo, in uu dadka magaaladan iyo gobolkan ku nool u hiilliyo! taasna waxa uu ku qaatay in uu ku qaybqaato Nabadgelyada iyo sidii loo soo afjari lahaa collaadda halkan ka jirtay. Kan labaad waa dadaal ay bixisay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii isfaham looga gaari lahaa tabashadii dadka reer Gedo, gaar ahaan Wasiir Janan iyo xiisaddii jirtay sidii loo xallin lahaa, go’aanka uu qaatay Janan waa hiil qaran oo Taariikhi ah. Cabdirashiid Janan oo isna kahadlay kulankaas ma xusin heshiis uu la galay Xukuumadda hayeeshee waxa uu sheegay in uu u qaatay go’aankan u nixid iyo u damqasho, Janan ayaa yiri: “Waxa aan rabaa in aan idin xaqiijiyo Ma maqli doontaan mana arki doontaan mana dhici doonto, colaaddii gobolkaan Gedo kajirtay ee u dhexeysay Dowladda Federaalka iyo DG Jubbaland galkaas waa soo xirnay! Waxa aan go’aansaday Qaybtii aan shaqsi ahaan uga jiray dhibka iyo siyaasadda in aan ka qaado Waddanka” Xildhibaan Cabdiraxman Kulmiye Xersi (Cabdiraxmaan dheere) Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka xukuumaddu xilkeedu dhammaaday oo kamid ah xubnaha ka socday xukuumadda ee kaqaybagalay Bannaanbaxa lagu soo dhoweeyey Janan ayaa ugu hambalyeeyey Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisaba go’aanka ay qaateen, waxa uu sheegay in dowladda dhexe ka shaqeyneyso hirgelinta waxa uu ugu yeeray Jubbaland loo dhan yahay, sida ay ogaatay Mustaqbal Media Cabdiraxmaan dheere waa maskaxda ka dambeysay soo xera-gelinta Cabdirashiid Janan, Janan & Cabdiraxmaan dheere waxa ay kawada tirsanaayeen Ururkii Al-itixaad ee muddada dheer dagaalada kawaday gobollada Jubbooyinka, doorashadii Kursiga golaha shacabka ee Cabdiraxmaan dheere waxa kadhashay gacan kahadal sababay dhimashada hal qof Imaanshaha Cabdirashiid Janan ee Muqdisho & Kaalinta Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere Marka la isu geeyo dhammaan dhacdooyinka la xiriira habka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisuba ugu biirayaan dowaladda Soomaaliya iyo sida uu uga soo go’ay Jubbaland iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe waxa ay qabaan xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaan-goboleedka Jubbaland in uusan jirin heshiis rasmi ah oo Cabdirashiid Janan la galay Villa Somalia hayeeshee uu isu dhiibay dowladda sidii uu dowladda isugu dhiibay Sheekh Muqtaar Roobow Cali, taas beddelkeedana Janan waxa uu qaadanayaa lacag aan tiradeeda la sheegin balse Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere kamid yahay dhexdhexaadiyeyaasha iyo dallaalada labada dhinac u kala gudbiyey farriimaha. ISHA: MUSTAQBAL RADIO
-
Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Raxma Maxamuud Gacal oo ahayd Marwada Madaxweynihii hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay Isbitaal ku yaal Nairobi. Marxuumada iyo Madaxweyne Cali Mahdi labadaba waxaa la keenay Nairobi iyagoo Xanuunsan , 10 bishaan Maarso ayuu Madaxweynuhu geeriyoodey iyadoo Xaaskiisii tan iyo Xiligaas lala tacaalayay. Maanta ayay ku geeriyootay Isbitaalka, Waxaa Illaahay looga baryayaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf labadoodaba. Aaaamiiin Aaaamiiin The post Alla ha u naxariistee Raxma Gacal, Xaaskii Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyootay appeared first on . Source
-
Nabaddoon Abshir Cali Halow, oo kamid ah Nabaddoonada Gobolka Nugaal, ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto Laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, kaas oo ka burbursan nawaaxiga Tuulada Sinujiif ee Caasimadda Garoowe. Nabaddoonka oo hadal kooban ka jeediyay Kulan shalay ka dhacay duleedka Garoowe, ayaa Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada Gobolka ku boorriyay, in aysan sii fiirsan Laamiga burbursan oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o. Laamiga ayaa ka dunsan aga’gaarka buundada Midigar, waxaana go’an hal seed, kadib markii ay waxyeello daran gaarsiiyeen daadad sannadihii la soo dhaafay ku fatahay dooxadaas. Gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadada, ayaa cabasho xooggan ka muujinaya burburka Laamiga, oo mararka qaarkood ay ka dhacaan shilal dhimasho iyo dhaawac sababa. Hoos ka daawo Hadalka Nabaddoonka PUNTLAND POST The post Nabaddoon Halow: Puntland waxay qarka u saarantahay in la isu gudbi waayo appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas. Kenya waxey ka dhawaajisay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maalgalintaba. Xogta la faafiyay waxaa ku jirta in Kenya ay sheegtay iney hantidooda la wareegi doonto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maalgaliyaan argagixisada sida ay hadalka u dhigeen. Kenya waxey u muuqataa iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah maadaama ay guuldaro kasoo gaartay kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee ahaa baddii ay muranka galisay. Dhanka kale Kenya waxey horay ugu dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabatay in laba todobaad lagu xiro xerooyinkaas.
-
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliiska lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska. Labada mas’uul ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho, danjiraha ayaa bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. Taliyaha Booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska. Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo. PUNTLAND POST The post Taliye Xijaar oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Dowlada Masar ayaa sheegtay in ay qaadan doonto maalmo ama Asbuucyo in dib loo furo Kanaalka Suweys oo uu ku xirmay Markab weyn oo konteenaro sida. Markabkan oo lagu magacaabo Ever Given ayaa qabsaday ciida bartamaha kanaalka oo ay isticmaalaan maraakiibta xaamulka u kala qaada caalamka oo dhan. In ka badan 100 Markab ayaa hada ku xaniban Kanaalka arrintan oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato suuqayada Caalamka. Hawsha lagu furayo Kanaalka ayaa socota iyadoo aan weli lagu guuleysan in markabka Kanaalka xiray halkaasi laga jiido. PUNTLAND POST The post Masar oo ka hadashay xannibaadda Kannaalka Suweys appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay dadaallada ay beesha caalamka ku dooneyso iney dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay. Daahir oo sidoo kale ah afhayeenka midowga musharaxiinta ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan dadaal walba oo lagu bixinayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho aan hal dhinac aheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ineysan ka niyad jabin natiijada isla markaana ay taageeraan dadaallada socda. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA DAAHIR GEELLE: Waxaan si dhaw ula soconnaa, bogaadinayaana dadaallada ay saaxibbada Soomaaliya ku bixinayaan in xal laga gaaro ismariwaaga arrimaha doorashooyin. Haddaanu nahay qeybaha kala gadisan ee siyaasadda dalka ( XFS, DGs iyo Midowga Murashaxiinta ) Waxaa nala siman in aan u hoggaansanno himilada dadkeenna ee ah nabad, wadahadal iyo doorashooyin xor iyo xalaal tixgalinno dadaalka saaxiibada Soomaaliya. ugu danbeyn edda looma sinno oo XFS ayaa leh balse xalku waa mid noowadayaal. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in aysan dhacdooyinka taagan ku niyad jabin, rajada iyo yididiiladu waa ay wanaagsantahay.
-
Dowladda Shiinaha oo taageertay madax-bannaanida Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye. Qoraal lagu daabacay barta Twitter ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye. Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh. PUNTLAND POST The post Dowladda Shiinaha oo taageertay madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post. -
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliiska lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska. Labada mas’uul ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho, danjiraha ayaa bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska. Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo. View the full article
-
Guddiga fulinta ee hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay. Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya. 25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee IMF ay sheegeen in Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta, kolkaas oo Soomaaliya la siiyay in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo soo socda. View the full article
-
Guddiga fulinta ee hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $1.5 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay. Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya. 25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta. Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee IMF ay sheegeen in Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta, kolkaas oo Soomaaliya la siiyay in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo soo socda. PUNTLAND POST The post Hay’adda IMF oo ansixisay kaalmo dhaqaale oo Soomaaliya la siinayo appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal lagu daabacay barta Twitter ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye. Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh. View the full article
-
Cutubyo kala duwan, oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa tababar mudda u socday loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cutubyadan oo loo carbiyay takhakhusaad kala duwan, waxa tababarka loogu soo xiray taliska guud ee ciidanka PMPF ku leeyahay Boosaaso, halkaas oo ay ku soo bandhigeen wixi la baray. Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankan. Madaxda iyo saraakiishi ka qayb-gashay munaasabadda xiritaanka tababarkaas ayaa bogaadiyay tababarka iyo dib u habaynta dowladdu ku wado qaybaha ciidamada Puntland. View the full article