-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta oo khamiista 25/3,2021 waxaa lagu waday inuu furmo Shirkii Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ay qabanqaabadiisee wadeen Beesha Caalamku laakiin Shirkaas ilaa hada diyaar ma noqon. Sababaha hortaagan ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo oo isna ku dhawaaqay Shirka hada uga socda Afisyooniisaga iyo raga ay Xulufada yihiin, iyo Khilaaf wali taagan oo xal loo waysan yahay. Maalmihii lasoo dhaafay qayladii ayaa ka dhamaatay Beesha Caalamka Inkastoo Villa Soomaaliya ay qayladaas dhibsadeen hadana hadii ay Siyaasiyiinta Soomaalidu ay maqli waayaan talada Beesha Caalamka waxayna muuqataa in ay talaabo cad ay qaadi doonaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Beesh Caalamku ay wadeen oo dib u dhacay appeared first on . Source
-
Daafaca dhexe ee Thiago Silva ayaa la soo warinayaa inuu diyaar u yahay inuu sii joogo kooxdiisa Chelsea ee ka dhisan Galbeedka Magaalada London. Sida lagu daabacay Wargeyska The Sun, Thiago Silva ayaa doonaya inuu kordhiyo qandaraaska uu kula joogo Kooxda Chelsea. Waqtigiisii Magaalada London illaa iyo hadda waxa uu muujinayaa mid raaxo leh, inkastoo ay jiraan dib u dhacyo ay sababeen dhaawacyo soo gaaray laacibkan. 36-sano jirkaan reer Brazil ee daafaca dhexe ka dheela ayaa ku guuldarreystay inuu waqti badan u ciyaaro kooxdiisa Blues sanadkaan, sababo la xiriira dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa. Wararku waxa intaa ku darayaan in daafaca Chelsea ee Thiago Silva uu haatan qarka u saaran yahay inuu hal sano ku kordhiyo heshiiskiisa garoonka Stamford Bridge. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile , iyadoo lala eegtay sarkaal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Saruf ah oo uu la socday sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis & qaar ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacyo gaareen askartii la socotay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milatariga oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo meydka & dhaawacyada ka qaaday halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda & maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa. Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah ka fulisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo si kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.
-
Ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen hoobiyeyaal saaka lagu garaacay xerada Xalane iyo aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde. Mid ka mid ah hoobiyeyaasha oo ku dhacay guri u dhow xerada oo dad shacab deganaayeen ayaa lagu waramayaa in waxyeello kasoo gaartay dadkii deganaa. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay halka ilaa shan kale la leeyahay waa a ku dhaawacmeen, intaba waxaa la leeyahay waa hal qoys. Ma jirto warar rasmiga oo sheegaya inta hoobiye ee lagu tuuray xerada iyo khasaaraha ka dhashay, laakin waxaa xerada qeybo ka mid ah ka socda shirar ay leeyihiin dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta Salaam Somali Bank ee 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗼 ayaa maanta oo Khamiis ah laga bixiyay adeegga maal-gelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 (𝗙𝗿𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗰𝗿𝗼 𝗙𝗶𝗻𝗮𝗻𝗰𝗲), wajigiisa labaad ee sanadka 2021. Maalgelintan aan faa’idada laga rabin ayaa waxaa ka faa’iidaystay qaar ka mid ah dadka haysta ganacsiga yar yar ee ku sugan degmada Madiino ee magaalada 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼. Qaar kamid ah dadkan nasiibka u yeeshay maanta inay helaan maal-gelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taageeradda uu siiyay bangiga Salaam Somali bank. Waxay ganacsatadu tilmaameen in wax badan uu ka bedeli doono 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 gancasigooda yaryar, oo ay hadda rajadooda dib sameeyaan kobac dhaqaale ay aad u sareeyo. Salaam Somali bank ayaa sheegay in 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 loogu tala-galay dhiira-geliyo, islamarkaana laga ballaariyo ganacsiga yaryar, islamarkaana la gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka Soomaaliya. Dadkii horey u helay waxay sheegeen in hadda sameynayaan horumar ganacsiga oo aad u kobcaya, kadib markii ay qaateen maalgelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻, ee uu siiyay bangiga Salaam Somali bank. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kuwaas oo kala ahaa Aabe & wiil yar oo umul lagula jiray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka. “Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane. Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.
-
Hirdanka maamulka puntland ka wadda deegaano ka tirsan somaliland, ayaa ah kuwo soo if-baxay intii uu xilka hayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Deegaanadda Shidan, Buuhoodle Iyo Badhan, ayaa waxa gacan ku hayntooda hadda ku xoog badan maamulka puntland Magaaladda badhan, ayaa maamulka puntland ka samaysteen saldhig ciidan oo lagu tobabaro ciidanka daraawiishta ee puntland Hirdanka u dhaxeeya soomaaliya iyo maamulka puntland, ayaa ku socda deegaano ka tirsan somaliland waxaana xukuumada Biixi, noqotay mid sheeda ka daawata isla markaana aan qaadin wax talaabo ah Soomaaliya ayaa mudaharaado lagu abaabulayo in lagu taageero ayay ka waday deeganao somaliland ka mid ah kuwaas oo ay ka hortageen maamulka puntland. Source
-
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa cafiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee la xiriira Cabdirashiid Janan waxaa uu ku tilmaamay ‘guulo muddo kooban’ Safiirka midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibka ay dareemayaan dhibbanayaasha tacadiyada loo heysto Janan. Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii maamulka Farmaajo uu Baladxaawo uu soo dhoweyn ugu sameeyey ninka ay booliiska iyo cadaaladda ku daba jireen muddada dheer. Nicolas Berlanga ayaa waxaa uu yiri ‘”Waxaa ka fekerayaa dhibbanayaasha, dadka, barakacayaasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsanaya bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan, oo sharciga loo simman yahay’ ayuu ku yiri bartiisa Tweetterka. Safiirka ayaa intaas ku daraya ‘Waxaa hubaa in kuwa ka fekaraya guulo aaney iloobi in bulshada u baahanyahay tiirar adag oo lagu dhiso mustaqbalka’. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horjeestay Guddidii uu Madaxweyne Muuse Biixi dabayaaqadii sannadkii 2019-kii u Magacaabay ka hortaga cudurka Karoona Fayras,waxaanay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin Guddidaa,halka ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsadeen inuu baddelkooda Magacaabo. Shacabka Magaalada Hargeysa oo la hadlayey Telefishanka Star ayaa waxay haddaladoodii kamid ahaa kuwan:-“Guddidaas uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Saylici hoggaamin jirray lacago hore ee loo dhiibayna meel ay marisay lama hayo shaqadeediina kama soo bixin dadkiina wacyigelin umma samayn , hal hal gaadhi ayaa lagu wareejiyey Magaalooyinka oo karoonaha ka digaya, hal halkaa gaadhina wax yar oo Lacag ah ayaa ku baxaysay, laakiin Lacag baddan oo malaayin ah ayaa loo dhiibay malaayiintaa meel ay marrisay lama garanayo .” ayey yidhaahdeen Dhanka kalene shacabka ayaa sheegay in guddidaas aanay qaybin afsaarkii , isla markaan aanay wax wacyigelin ah samayn,iyagoo ku eedeeyey in guddidu ay wax kasta lacag ka dhigeen“ Wacyigelin may samayn may qaybin afsaarkii wax kastana lacag ayey ka dhigeen,markaa waanu ka soo horjeednaa wax-yaabaha ay samaynayso guddidaa ka hortaga karoona fayrasku ,Madaxweynaha Somaliland waxa aanu ka codsanaynaa in guddi cusub uu Magacaabo arrimaha karoona fayraska , maddaama guddidii hore aanay shaqaynayn” ayaa kamid ahaa haddaladoodii Geesta kalene bulshada reer Hargeysa ayaa waxay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin guddida hadda jirta ee karoona fayras, isla markaana aanay wax lacag ah cidi ku aaminay guddidaas, waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu baddelkooda Magacaabo “Shacabka kalsooni darro ayaa ku dhacday guddidana wax kalsooni ah kuma qabaan, wax alaale wax Lacag ah oo dambe loo dhiibi maayo sidii guddidii abaaraha oo kale ay dadku kalsooni darro uga qabeen,Waxa aan odhan lahaa Madaxweynuhu waa inuu sidan wax ka baddelo waa in waddanka xaalad deg deg ah la gelliyaa .” ayey sheegeen shacabkan la hadlay telefishanka Star. Source
-
17/2/1960 waxa guud ahaan Soomaalilaan ka bilaabmatay doorashadii baarlamaan ee ugu horraysay ee ay shicibku ku soo doorteen xubno gole sharci dejin ah. Waxa doorashadaasi ku tartamayey saddex xisbi oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF. Aakhrikii waxa lagu dhawaaqay 33 xubnood oo ahaa kuwii ku guulaystay inay noqdaan xubnihii baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Soomaalilaan yeelato. Xisbigii SNL ayaa helay aqlabiyadii xubnaha waxaanu helay 20 kursi, halka NUF uu helay hal kursi iyo USP oo heshay 12 kursi. Sidaasi ayaa lagu kala baxay. Xubnaha uu soo sharraxay xisbiga SNL waxa ku jiray Maxamed Biixi Shuuriya oo ka soo jeeday beesha Gabooye, gaar ahaan Tumaal. Wuxuu noqday xubnihii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Hargaysa. Hargaysi waxa ay lahayd 7 degmo doorasho oo kala ahaa: Dumbuluq, Baanka, Sheekh Madar, Gabiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley, sida ku xusan buugga Taariikhda Maantu waa siyaasaddii shalay ee uu qoray Maxamed Cabdi Ismaaciil’ Digtoorka’. Maxamed Biixi Shuuriye iyo Cabdilaahi Sheekh Muuse ayaa ka wada sharraxnaa Hargaysa gaar ahaan waxa ay cododka ugu badan ka heleen degmo doorashada Baanka, oo halka ilaa imika degmo doorasho ah ee Khayriyada u dhaw. Maxamed Biixi Shuuriye wuxuu goobtaasi kaga adkaaday Cabdilaahi Sheekh Muuse oo wuxuu helay 2,488 cod, halka Cabdilaahi Sheekh Muuse uu helay 0404 cod. Wakhtigaasi dadku sidan aad bay u dhaameen oo qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ayaa la eegi jiray, haatan se qof kastaa wuxuu codkiisa siinayaa sida muuqata nin reerkiisa ah. Haddaba maanta su’aasha taagani waxa weeyi afhayeen Barkhad Batuun oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ma noqon doonaa sidii Maxamed Biixi Shuuriye uu wacdaraha uga dhigay doorashadii baarlamaan ee dhacdy 61 sanno ka hor? Shaki kama jiro inuu Barkhad muujiyey karti iyo soo shaacbax mudakar ah oo uu qayrkii dhaamo. Laakiin waxa meesha iyana taalla dadku ma ugu hiilin doonaan inuu fursad u helo inuu ku guulaysto boos xilidhibaannimo? Waxa iyana meesha ku jirta xeeladda iyo farsamada uu Barkkhad ku kasban karo taageerayaal ka badan kuwa deegaankiisa ah sidii uu sameeyey adeerkii Shuuriya. Waynu se u wada jooji doonaa wixii xiga. Qalinka: Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Qarramada Midoobey ” Ma taageerri doono muddo korarsi ama doorasho hal dhinac ah War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin mudo korarsi ama doorasho hal dhinac. “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM. Warkan kooban ee ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili wali uu jiro ismariwaa la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu guuleysan la yahay in meel leysugu keeno madaxda Soomaalida si ay arintan uga wada hadlaan. Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diidan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka iyaga oo marka hore dalbanaya in wax laga qabto qoddbo dhowr ah oo uu baahan in la meel mariyo ka hor wada hadallo laga galo arinta doorashada. Laakiin beesha caalamka oo dadaalka ugu badan ku bixinaya sidii uu u miro dhali lahaa shirarka hadda socda ee dhinacyada loogu kala dabqaadayo ayaa cadaadis ba’an ku saaraya dhinacyada ay arintan ku quseyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah si dalku doorasho u aado Afkashicibka Qaran News
-
(SLT-Boorama)-Xildhibaan Xasan Jaceyl oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmadda Boorama ayaa sheegay in ay ogsajiin la’aani soo waajaday magaalada Boorama iyo guud ahaan-ba gobolka Awdal, taas oo sababtay in bukaanada uu asiibo cudurka karoona fayras ay eheladoodu u soo qadaan Magaalada Hargeysa si halkaas loogu dabiibo oo ay u hellaan daryeel caafimaad iyo ogsajiin. Xildhinaan Xasan Jacayl ayaa waxa kale oo uu sheegay inay jidka Hargeysa iyo Boorama u dhexeeya ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay haweenay,taas oo loo soo wadday in lagu dabiibo cisbitaalada Magaalada Hargeysa,balse aan la soo gaadhsiin ee ay jidkaas ku geeriyootay,waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka Eryal tv Xildhibaan Xasan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan :-“Wasaaradda Caafimaadkii wey ku fashilantay halkaas ceeb ayaa ka raacday sababtoo ah maanta gobolkii intaa leeg haamihisii wey dhammaadeen ogsajiinta ahaa wax alaale wax haamo ah oo yaallaa ma jirraan dhawr xabbo ayaa la sheegayeen,ogsajiin dhaliyihii weynaa Magaalada Hargeysa ayuu yaallaa halkaas ayaa loo doonnayaa ogsajiin,waxaasina wax loo dul-qaadan karro maaha maxay qabanayaa.’’ Sidoo kalena Xildhibaanka ayaa sheegay in haweenay loo soo siday cisbitaalada Hargeysa inay ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay jidka u dhaxeeya Boorama iyo Hargeysa “ Waxa igu maqaalo ah gabadh Hargeysa ku socotay inay dhex-da ugu dhimatay Ogsajiin la’aan.” Xildhibaan Xasan Jacayl. Dhanka kalene mid kamid ah Bulshada Boorama ayaa isna ka hadlay xaaladaasi ayaa sheegay sidan:- “ Sida aad ogtihiinba waxa ka jirra ogsajiin la’aan gobolka Awdal gaar ahaan degmadda Boorama ,taas oo sababtay inay shaqsiyaad baddan ay ugu dhiteen Magaalada Boorama billaa ogsajiin la’aan oo xattaa kii lacag haystay uu u doonnanayo Magaalada Hargeysa kaas-na inta loo sii sido ama loo soo waddo ayuu ku neef qabatoomayaa dhakhtarka Magaalada Boorama dhex-diisa”. Xaaladda Halista ah ee cudurka Karoona Fayras ayaa si weyn ugu laba kacleeyey Somaliland iyada oo dhammaanba magaalooyinka waaweyn si weyn looga dayrinayo xaaladda dadka bukaabka ahi ku sugan yihiin iyada oo ay xaddiga uu soo ridanayaa aad u sarrayso sidoo kalena aanay dadku haysan adeegyo caafimaad maadaama marka horeba dalku si weyn uga liitay dhinaca adeegga caafimaadka. Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa la sheegay in xaddiga tirade dadka uu soo ridanayo maalin walba ay tahay mid aad u soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa shacabkuna werwer badan qabaan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga. Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay caddaaladda horgeeyso Cabdirashiid Janan oo shalay la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda. Amnesty ayaa sheegtay in xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay Cabdirashiid Janaan gobolka Gedo loona baahan yahay in sharciga la horgeeyo. “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay Janan inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaadhay waxa ay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Amnesty International. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo isagoo ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya. Source
-
Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa lagu wadaa maanta inay kula kulmaaan magaalada Muqdisho wakiilada xubnaha beesha Caalamka. Wararka ayaa sheegaya in uulankan uu ka dhacayo Tendhada Afisyoone kadib markii wadahadalo gaar gaar ah ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlayaa sidii heshiis loogaga gaari lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada. Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in laga gaaro xal kama dambeys ah khilaafka doorashooyinka dalka Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed. Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro. – Dhamaad- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2532021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa maanta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka maanta dhacaya, oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-galaan wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+. Waxaa la filayaa in shirkan looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Waxaa la filayaa in shir gaar ah loo qabto loona sheego in dalka badbaado ka rabo maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore. Beesha caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay gashay mashquul badan oo arrimaha Soomaaliya ah maadaama ay sii kala fogaadeen madaxda Soomaalida, islamarkaana laga heshiin la’yahay arrimaha doorashada Soomaaliya. Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda Soomaaliya oo hadda mareysa meel adag waxaana wadanka ka socda kulamo kala duwan oo ay wadaan dhinacyada siyaasadda, hogaamiyaasha arrimaha bulshada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay heshiiska dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa wareysigan ku sheegay in go’aanka Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana uu weli sideedii yahay mowqifkeeda. “Janan waa wasiirkii hore ee amniga muddo dheer ayuu Jubbaland u soo shaqeynayey, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay wuu la wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeeda waa sidii,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa soo hadal qaaday waxa ay Jubbaland kala socotay wada-hadallada Janan iyo dowladda dhexe, wuxuuna uu tilmaameen in waqtiyadii u dambeeyey ay ka war-heleen, balse go’aanka uu ahaa mid dhacay oo ay wada gaareen labada dhinac. “Waqtiyadii u dambeeyey ayaan ka war-helnay, laakiin go’aanku marbuu dhacaa waa uu dhacay kolley hadda muhiim maaha wixii hoostooda ay usoo wada-hadlayeen, laakiin muhiimku waxa ay tahay inuu go’aanka gaaray, iyagana ay gaareen,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Janan iyo dowladda Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana shaqadu ay halkeeda kasii socon doonto, ciidamaduna ay joogaan meeshii loogu tala-galay. “Anaguna xilka waa laga wareejiyey marka shaqaduna sideedii-beyn u soconeysaa, ciidamadiina aagii ayey ku sugan yihiin,” ayuu kuu soo gabagabeeyey wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo muddo dagaal kula jiray dowladda federaalka lagu soo dhoweeyey gudaha degmada Beledxaawo) kadib heshiis uu la galay saraakiil ka socotay hay’adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.
-
ANKARA - Turkey on Wednesday voiced concern over the election impasse in Somalia, calling on stakeholders to resolve their disputes through constructive dialogue. Source: Hiiraan Online
-
A film has been produced that aims to tackle mistrust of the coronavirus vaccine among the Somali community. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay iney jirtay saddex arrimood oo xal looga gaari jiray murada hareeya doorashooyinka Soomaaliya, balse ay dowladdaan hareer martay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo dadka ku hareereysan ay gabeen saddexdii xal ee lagu xalin jiray muranada arrimaha doorashada. Waxa uu sheegay arrinta koowaad iney tahay awoodda ra’iisul wasaaraha, taasoo meesha hadda ka maqan, halka midda labaadna uu ku sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo inuu soo bixi karo, taasna ay ku dhalisay cabsi hor leh. “Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhago, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah Farmaajo kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana in loo gooyo ayuu rabaa.” “Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa. Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.” Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid aan laa sugeyn inuu isdaba qabto, ra’iisul wasaaruhuna kaaintiisa aan laga sugeyn, sidaas darteed ay dhici karto faragalin shisheeye oo toos ah. “Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga gacanta qabta, qarankana u hiilaya waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.”