Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan ka tirsanaa golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Mahad Salaad ayaa sheegay in hey’adda sharci dejinta uu waqtigeedu dhammaaday isla markaana aan loo baahneyn in xilligan la kulmo. Mahad Salaad oo arrinkaas si khaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri‘‘Baarlamaanka 10-aad waqtigiisu waa dhacay goor hore, waa maxay baahida loo kulmayo iyo shaqada u taalo oo xilligan loo kulmayo’’ . Xildhibaankan afka dheer, ee lagu yaqaan la xisaabtanka maamulka Farmaajo, kana tirsan madasha badbaado qaran ayaa intaa ku daray in balanta uu maanta qabtay guddoonka ay tahay sharci darro, oo aan la marsiin habraaca isla markaana ay hor istaagi-doonaan. ‘‘ Ajendahan lama marsiin habraacii ahaa guddiga ku shaqada leh ama iney ka shiraan guddiga joogtada ah, waa mid soo bood ah, sidaas darted ma aha in golaha la keeno, waxaan dalban doonnaa in la joojiyo ka hadlidiisa’’. Dhanka kale, qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu ka digay in aan la tijaabin dulqaadka xildhibaannada. Arrimaha ayaa imaanaya xilli qoraal ay guddoonka xalay u direen xildhibaannadii hore waxaa ku qornaa ”Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha: Covid 19. Saacaddu 09:00 subaxnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Islamist insurgents with reported ties to ISIS have trapped over 180 people - including foreign citizens - inside the Amarula Palma hotel, killing "several people," as fighting raged for a third straight day around a gas hub town in northern Mozambique, AFP reported on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) - Kenya has no right to forcefully eject Somali refugees, Somalia has said in its response since Nairobi ordered the closure of the refugee camps. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda Ingiriiska oo warka soo saartay xaaladda Siyaasadda dalka, ayaa sheegtay in aysan taageri doonin Hanaan walba oo doorasho Hal dhinac. Qoraal ka soo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in hogaamiyayaasha Soomaalida in ay isku yimaadan si loo dhameystiro Heshiiskii doorashada 17 September iyo Is afagaradkii Baydhabo ku dhex maray Guddiyada Heer Faderaal iyo Heer Dowlad gobaleed 15-16 February . “UK waxeey hoosta ka xarriqeysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo Heshiiskii 17-kii Sebtember iyo soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo” ayuu yiri wasiirka Africa ee UK James Duddridge. James ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Ingiriiska aysan Taagera ka heli doonin hanaan walba oo hal dhinac ah ama isbar-bar socda. “(UK) ma taageeri doonto ficilada horseedaya geedi socodka doorashooyinka qayb ahaan ama isbarbar socda, ama si toos ah loogu kordhinayo waqtiga Hay’adaha Dowlada” Hadalka UK ayaa intaasi la sii raaciyay in Hogaamiyayaasha Soomaalida looga baahan yahay in ay xal ka gaaran Ismari-waaga ku hor gudban . ” Anagoo ka duuleyna danaha dadka Soomaaliyeed, iyo danaha wadajirka ah ee aan ka leenahay amniga, horumarka iyo koritaanka Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga jira, oo ay galaan wadahadallo wax ku ool ah oo ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.” Hadalka UK ayaa yimid xilli Madaxda Soomaalida maalmihii u dambeyay ay wajahayeen culeyso uga imaanayay Dowladaha Taagera Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab & Kaakuma. Dubbe ayaa shaaciyey in aysan Kenya xeri karin labadaasi xero, ayna qasab kusoo celin karin qaxootiga Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay ku joogaan sharci caalami ah. “Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga,” ayuu wareysiga uu siiyey BBCida ku yiri wasir Dubbe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya ay siyaasadeyneyso arrimaha bani’aadanimada, islamarkaana ay wado argoosi, sida uu hadalka u dhigay. “Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Kenya ay dan badan ku qabto qaxootiga deggan dalkeeda, islamarkaana ay ku hesho dhaqaale xoog leh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Kenya ay shaacisay in labo todobaad, kaddib ay albaabda isugu dhufan doonto xeryaha qaxootiga ee Dhahdhaab & Kaakuma ee dalkaasi.
  6. Golaha shacabka oo waqtigoodu dhammaaday ayaa maanta loo balamiyey kulan looga hadlayo arrimaha Covid 19. Qoraal ay guddoonka xalay u direen xildhibaannadii hore waxaa ku qornaa ”Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha: Covid 19. Saacaddu 09:00 subaxnimo. Haddaba, arrintan waxaa shaki muujiyey qaar ka tirsan xildhibaannadii hore, iyada oo sheegay inuu jiro qorshe la qarinayo sida muddo kororsi, waxayna balan qaadeen iney ka hor tagi doonaan. Xildhibaannada baarlamaanka 10-aad sida Mahad Salaad, Maxamed Idiris, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka horyimid tallaabo ay sheegeen in lagu damacsan yahay muddo kordhinta Farmaajo. Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Muqdisho)-Dowladda UK ayaa shaacisay in ayna taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xidhiidha. “UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi wasiirka UK ee Afrika James Duddridge. Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaadhaan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo tallo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo. “Danta shacabka Soomaaliya darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guulleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yidhi James Duddridge. Baaqa UK ayaa imanaya iyada oo maalmihii ugu dambeeyey ay Muqdisho kusii xoogeysaneysay hadal-hayn ku saabsan isku day muddo kordhin oo ay wadaan xildhibaanada qaar. Sidaa kale waxaa jira shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeedhay xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
  8. (SLT-Asmara)-Qoraal shalay oo Jimce ahayd kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ee ku sugan ismaamulka Tigray ay halkaasi ka bixi doonaan. Abiy Ahmed oo cadaadis xooggan kala kulmayey Beesha Caalamka ayaa booqasho deg deg ah Khamiistii ku tagay dalka Eritrea si uu kulan gaar ah ulla yeesho hogaamiyaha dalkaasi Isaias Afwerki. Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu markii ugu horreysay qirtay Raysal wasaaraha Itoobiya in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobalka Tigrayga oo ay ciidamadiisa iyo kuwa Eritrea duulaanka ku qaadeen dhammaadkii sannadkii hore. Waxaanse weli la shaacin tiradda rasmiga ah ee ciidammada Eritrea ka jooga Tigray, iyadoo hay’adaha caalamiga ah iyo wadamada awooda kuleh Beesha Caalamka ku eedeeyeen ciidamadaasi ka amar qaata Isaias Afwerki inay xasuuq, kufsi iyo dhac ka wadaan magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka Tigray. Source
  9. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go’aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ahaa in gebi ahaanba la xiro xeryahaya qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo tobaannaan kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo. “Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.” “Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.” Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Kenya aysan dan ugu jirin dib u celinta qaxootiga oo iyada ayaaba ku qaadata malaayin lacag ah. Kenya iyada ayaa faa’iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.” “Waxaan hadda wadnaa dib u xoreynta dalka oo gobolladii muhiimka ahaa sida gobolka Jubbada dhexe oo ay dadka qaxootiga qaarkood ka yimaadeen waxaa haysta Al-shabaab marka waxaan is leeyahay in hadda la siyaasadeeyo arrimaha qaxootiga ee cadowga soo barakiciyay dhulkoodii in aanay dani ugu jirin darisnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha bariga Afrika.” Dubbe ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday inaan la siyaasadaynin arrimaha qaxootiga in Soomaaliya xitaa ay horay u qaadday tallaabooyin la xiriira ganacsiga sida joojinta qaadka ayaa sheegay in qaadka loo joojiyay ka hortagga fayraska coorna awggii. Soomaaliya ayaa horey xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh, inkastoo markii dambe dib loo furay. View the full article
  10. London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa shaacisay inaysan taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xiriira. “UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka UK ee Afrika James Duddridge. Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaaraan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo. “Danta shacabka Soomaaliyeed darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri James Duddridge. Baaqa UK ayaa imanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey ay Muqdisho kusii xoogeysaneysay hadal-hayn ku saabsan isku day muddo kordhin oo ay wadaan xildhibaanada qaar. Sidaa kale waxaa jira shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday. Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.
  11. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada ah oo saaka ka dhacay wadada Beexaani ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan. Qaraxa oo jugtiisu laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimadda ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Ugu yaraan illaa saddex askari ayaa ku dhaawacanay qaraxan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska aSoomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday. Muqddisho ayaa waxaa malamihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaanka dari oo u badan dilal iyo qaraxyo nooca miinada ah oo geystay khasaare dhimasho & dhaawac. View the full article
  12. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay saaka kulan xasaasi ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid aad isha loogu wada hayo ayaa lagu war-geliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib farriin ka timid guddoonka golaha. Ajandaha ayaa kulanka ee xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyey Soomaaliya. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar ay tuhun ka muujiyeen kulanka maanta, islamarkaana uu socdo ‘qorshe muddo kordhin ah’. Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka. View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2732021.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay wadada Beexaani dhanka degmada Shibis, sida ay Caasimada Online xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo geystay khasaare u badan dhaawac lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey illaa saddex askari oo la socotay gaari la qarxiyey oo uu noociisu ahaa baaburka Soomaalida u taqaano Qooqanta ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan dari, sida dilal, qaraxyo & dhac habeenkii loo geysto shacabka.
  15. KHARTOUM, Sudan (AP) — Ethiopia’s prime minister said Friday that Eritrea has agreed to withdraw its forces from the Tigray region, where witnesses have described them looting, killing and raping civilians. Source: Hiiraan Online
  16. For months Alberta’s Muslim community has been on edge. A series of racially motivated assaults against mostly Black, Muslim women in Calgary and Edmonton has left many in the community feeling anxious and unsafe. Source: Hiiraan Online
  17. Columbus' Somali leaders push for better access to COVID-19 vaccine Source: Hiiraan Online
  18. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) handed over control of Afgoye military base to the Somali National Army (SNA) as part of plans ensure the transfer of security responsibility to Somali forces. Source: Hiiraan Online
  19. Xildhibaan ka tirsan Guurtida S/land oo ka Hadlay Halista Laydhka Xukuumaddana farriin u Diray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Ilkacase, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland,ayaa ka hadlay halista laydhka iyo khatarta uu bulshada ku hayo. Waxaanu farriin u diray Xukuumadda Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay wax badan ka bedesho hannaanka shirkadaha laydhku u shaqeeyaan iyo sida ay dadka adeegbixiyeyaasha shirkadaha laydhku dadka ugu adeegaan iyo qiimaynta qasaaraha ka dhasha laydhka. Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlayay shirkadaha alydhku kaabadaha ay isticmaalaan iyo xadhkaha laydhka ee magaalada dul mara iyo halistooda,ayaa yidhi.“Marka biyaha laga yimaado qodobka labaad ee soo raaca waa laydhka, mar xalado badan iyo culays badan ayaa laydhka laftiisu innagu hayaa, dhammaan Kaabadaha laydhku maanta ku xidhan yahay waxaa ay u badan yihiin kuwii xilligii dawladii Soomaaliya la taagay, wax dayactira oo dambe oo ay heleena ma jirto, waliba intan shirkaduhu sameeyeen mooyaane intii hore. Xadhkaha saararina waa ay daaleen maanta, waxa aynu u baahannahay in dib u qiimayn lagu sameeyo, kaabadahaas oo dhan iyo xadhkaha saaranba” Xildhibaan Ilkacase waxa uu is dul taagay dhibaatada kala duwan ee ay laydhka bulshadu kala kulanto. “Dhibaatooyin fara badan ayuu dabku xaafadaha ku hayaa, oo shacabka iyo dadka danyarta ah ku hayaa, dabkay soo daynayaan iyo guluubka xadhiga laydhka ku jiraana ismalaha, dab ka badan ayay soo daynayaan, wax allaale wixii agab yaallay guryahaasi waa ay gubtaan, cid allaale cid u magdhawda iyo cid ay u dacwoodaana ma jirto, qofka marka laydhka loo gelinayo waraaq ayaa laga saxeexa waxaana ku qoran wax alaale wixii gurigaaga soo gaadha adaa isu qaba, waana lagu wada qasbana, balse waxa loo baahan yahay in dawladdu dib u eegto waraaqaha heshiiska ay dadka la gelayaan, oo dadka danyarta ah iyo dadka adeeg bixiyeyaasha ay dawladdu u dhaxayso, oo heshiisyada ay la gaalaan dib loo eego, oo wixii dibedda kaga yimaadana waa in lagu yeesho adeeg bixiyihii, wixii guriga gudihiisa ka yimaada ee aan shoodh dibedda kaga yimid ahayn qofkuba ha qabbo.” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.“Hase ahaate imika guryihii ayaa gubanaya, qasaaladihii ayaa gubanaya, Tv-yadii ayaa gubanaya, wax alaale wixii alaab electronic ahayd habeenkii dadkii oo hurda ayaa shoodh dibedda kaga imanaya deetana waa ay wada gubanaysa, halis ayay marka dadkii ku jiraan, guriba gubtay ayaa la odhanaya qiimayntiisa lama garanayo sababto ah waxa la odhanaya dab ayaa gubay, ma gudaha ayuu ka yimid mise guriga dibediisa ayuu ka yimid. Marka waxaa aynu u baahanahay, hay’adda tamarta waata la sameeye in la sameeyo dabagal rasmiya, taasina waa qodobka u baahan in la is dul taago oo dadka in loo dhaxeeyo, oo ay dawladdu xil iska saarto.” Qaran News
  20. Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank. Wajiga labaad ee Barnaamijka Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla. Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Salaam Somali Bank ee Afgooye ayaa ganacsatada lagu wareejiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda. Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka. Sida uu sheegay maamulka Bangiga, Barnamijak Qardu Xasanka waa mid loo sameeyay in lagu dhiira-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda. Maal-gelintan ayaa la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho. View the full article
  21. Laba garab oo ka tirsan kooxda Daacish, ayaa Jimcihii ku dagaallamay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Amniga ah. In ka badan lix xubnood oo ka tirsan labada garab ee Daacish, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo duhurnimadii shalay ka dhacay dhul buuraley ah qiyaastii 40KM u jirta degaanka Dhaadaar. Loollan adag uu ku salaysan dhanka awoodda ayaa ka dhex aloosan malayshiyaadka, oo u kala jabay laba garab, islamarkaana ku muransan cidda beddeli doonta hoggaamiyaha Kooxda Cabdulqaadir Mu’min, kaas oo la il-daran xanuunka loo yaqaan Macaanka. Loollanka iyo khilaafka soo jiitamayay ee sannadihii u dambeeyay ka dhex jiray Daacish ayaa sababay dagaallo kala duwan oo labada garab ee kooxda ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo kooxda Daacish ku dhexmaray buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo badan oo ku gadaaman xaaladda dalka gaar ahaan doorashada. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad aad u adag kadib markii shirar looga hadli arrimaha doorashooyinka ay qabsoomi waayeen, kadib markii dhinacyada is-haya ay isku xireen shuruudo, qaarna ay qaadaan tallaabooyin ay ku carqaladeynayaan. Jabriil ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu la qaatay beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada yimid magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaqiijiyo hiigsiga dowladnimo. Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle waxaa uu si dareen leh uga hadlay arrinta walaaca laga qabo ee doorashooyinka, wuxuuna ka digay in halis loogu jaro in talada ay ka baxdo gacan Soomaaliyeed. “Haddii aan xal la helin, oo aan arrintan xal laga gaarin, arrinta doorashooyinka, waxay keeni doontaa, in awooddii aan heshiis ku gaari laheyn, ama awooddii aan dalkeeni annaga hoggaan ugu noqon laheyn ay cid shisheeye gacanta u gasho,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle. Waxaa uu ku taliyay in aan lagu kala tagin shirka Muqdisho ka furan ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo habsami u socodkiisa shaki wayn laga muujinayo. Waxa uu ugu baaqay in madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe inay u tanaasulaan danta guud oo ay qaataan go’aan waddo wanaagsan u xaaraya dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in afartii sanaba mar ay muhiim tahay inay dalka ay doorasho ka dhacdo, taasi oo mar walba jiheysa dowladnimada dalka. Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in hadii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka, taasi oo aheyd xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray Hoos ka daawo Jabriil
  23. Dowladda Kenya oo sheegtay iney tarxiili doonto Soomaalida ku nool dalkeeda Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay iney dalkeeda kasoo tarxiili doonto Soomaalida ku nool gaar ahaan kuwa aanan haysan sharciga dalka Kenya. Waxay sidoo kale sheegtay dowladda Kenya iney si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakisan yahay argagixisada kuwaas oo aay sheegtay iney kala wareegi doonto hantidooda. Hadalkan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa imaanaya xili maalin ka hor ayay aheyd markii Kenya aay ku dhawaaqday iney xereyso dhamaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkeeda oo aay Hay’adda UNHCR aay u qabatay muddo 14 cisho iney ku xirto xeryahaasi oo aay ku nool yihiin boqolaal Soomaali ah. Isku soo wada duuduubo arrimahan Kenya aay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda ayaa imaanaya xili Kenya aay ku guul dareysatay ka qeybgalka dhageysiga kiiskii Dacwada Badda Soomaaliya ee murunka galisay dowladda Kenya. Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujinaya khilaafka cirga isku sii shareeraya ee ka dhaxeeya dowladaha kenya iyo Soomaaliya. Qaran News
  24. Maxaad ka taqaanna luuqadaha tarjumaadooda loo taag waayey? Dunida waxaa ka jira in ka badan toddobo kun oo luqadood, kuwaas oo afar kun oo ka mid ah la qoro. Balse 100 luqadood oo keli ah ayaa la tarjumi karaa iyadoo la adeegsanayo aaladaha ama mashiinnada tarjumaadda sida Google Translate. Waqti xaadirkanna waxaa socda cilmi-baaris cusub oo ididiilo wanaagsan leh oo naga caawin doonta inaan luuqado badan ku wada xiriirno. Kaba soo qaad waxaa ku soo gaartay farriin ama macluumaad gacan ka geysanaya badbaadinta qof noolashii, balse mushkiladdu waxay tahay inaad hal erey ka fahmin farriinta ku soo gaartay waxaana taa ka sii daran kumannaanka luuqadood ee dunida ka jira inaad wax badan ka aqoon, farriinta qoraalka ah fahankeedna daa, haddaba maxaad sameyneysaa? Haddii farriinta ku soo gaartay ay ku qoran tahay luuqadda Faransiis ama Spanish adiguna afafkaasi aadan garaneyn waxaa taa xal u noqonaya mashiinta luuqadaha tarjunto oo aad farriinti ku soo gaartay ku qortid markiba waxaad heleysaa tarjumaaddi oo Ingiriisi ah ama luuqadda aad garaneyso. Balse weli waxaa jira luuqado aad u badan oo dunida looga hadlo oo aan loo heleyn mashiinno tarjumo oo ay malaayiin qof oo dunidan ku noolna ay ku hadlaan sida luuqadaha Wolof, Luganda, Twi iyo Ewi oo waddama qaaradda Afrika ka mid ah looga hadlo. Taasoo uga wacan Algorithm-ka ay ku tiirsan yihiin nidaamka ay mashiinada wax tarjumo ku shaqeeyaan. Luuqadaha Tarjumaadooda sida aadka ah dunida looga adeegsado waxaa ka mid ah luuqadaha Ingiriisiga, Faransiiska iyo Spanish. Barlamaanka Canada, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub sanad walba waxay soo saaraan dokumantiyo aad u badan. Midowga Yurub oo keli ah 10-ki sano ee la soo dhaafay in ka badan 1.37 balyan oo erey ayey ku tarjumeen 23 luuqadood. Luuqadaha qaarkoodna wey adagtahaya in tarjumid sax ah loo helo maadaamaa ay baahsan yihiin waana sababaha luuqadaha noocaasi ah loogu yeero luuqadaha faraca yar. Halka mashiinta ‘Google Translation’ ee la wada garanayo ay dadku u saamaxdo iney ku wada xiriiraan 108 luuqadood, barnaamijka kale ee tarjumaadda ay Microsoft sameysayna waxay suuragelisay 70 luuqadooda in lagu wada xiriiro. Balse afafka dunida looga hadlo oo kor u dhaafaya 7,000, 4,000 oo afafkaasi ka mdi ah ayaa la qoraa. Qaramada midoobay sanad weliba waxay adeegsataa tarjumaadda lqoraallo aad u badan “Inta badan dadku waxay xiiseeyaan iney fahaamaan macluumaadka adduunka, waxaana si kordheysa baahida loo qabo helitaanka xogaha aan ku qorneyn luuqadda Ingiriiska” ayuu yiri Car Rubino oo ka mid ah cilmi baadhayaasha cilm-baadhista cusub ku howlan. “Wakhti dheer ayeyna qaadaneysaa in dadka wax tarjumo tababarro la siiyo ama khubarada la baro luuqadaha cusub oo tarjumaaddooda loo baahan yahay in la hormariyo, tusaala ahaan dalka Nigeria oo keli ah waxaa looga hadlaa in ka badan 500 oo luuqadood” ayuu yiri. Kooxda khubarada ee waddo cilmi-barista luuqadaha kala duwan sidi loogu heli lahaa mashiinno tarjumo waxay xoogga saareen siddeed luuqadood oo ay ka mid yihii Soomaaliga, Kiswahili, Tagalog iyo Kazak. Mashiinnada wax tarjuma ayaa qofka ka caawin kara inuu macluumaad helo marka aan la heli karin qof wax u tarjuma Khubaraduna waxay si buuxda ugu guuleysteen xoga qoraal ama cod ah oo ku saabsan afafka ay cilmi-baaristooda xoogga ku saarayeen iyaga oo xogahaasi ka helayey Internet-ka, qoraallada bogagga kala duwan la soo dhigo iyo muqaallada afafkaasi ku duuban oo la baahiyo. Xogahaasi oo dhan waxay khubaradu ka heleen internetka waxayna u mahadcelinayan dadka internet-ka isticmaala oo daafaha dunida ku nool oo qoraallada afkooda hooyo ku soo bandhiga. “Haddi aad rabtid xog ku saabsan Af-Soomaaliga waxaad internet-ka ka heleysaa boqollaal malyan oo erey, ayuu yiri Scott Millerm oo ah Saaynisyahan dhinaca Koombiyuuutarrada ah oo ka tirsan jaamacadda Southern California oo cilmi-baadhista qayb ka ah. . Kooxaha khubaradu waxay soo saareen nidaam suuragelinaya halki mar inuu luuqado badan la raadiyo waxayna hagaajiyeen waxtarkooda iyagoo ku daray luuqado cusub “Qalabkan tikniyoolajiyaddu waxay wax ka beddelayaan qaababka falanqeeyayaashu ay xogta uga soo ururiyaan qoraallada ku qoran afafka qalaad, maadaama ay u oggolaan doonaan falanqeeyayaasha ku hadla afka Ingiriiska oo keliya inay falanqeeyaan xog aysan markii hore awood u lahayn inay akhriyaan ama fahmaan,” ayuu yiri Rubino. Dadka ku hadla luuqadaha aan aadka u kobcin aanna haysan dhaqaale ay luuqaddooda ku hormariyaan ayaa iyaguna ka qaybqaata mashruucan, maadaama ay u baahan yihiin macluumaad muhiim ah oo lagu qoro afafka qalaad, oo aan loogu talo gelin basaasnimo, laakiin gacan ka siiyo tayada nolal maalmeedka. Howsha cilmi-baarista waxa iyaguna qayb ka ah xubno ka soo kala jeeda bulshooyinka Afrika si ay u soo uruuriyaan macluumaadka la xiriira afafka Afrika looga hadlo sida Ayo, Fon, Tuy iyo Luiganda. Haddaba khubarada cilmi-baarista luuqadaha kala duwan mashiinno tarjumi karo sidi loogu soo saari lahaa ka shaqeynaya waxay ku rajo weyn yihiin iney imaaneyso maalin aan dhammaanteen heleyno mashiinno afaf kala duwan noo tarjumi karo iyada oo hal badhan oo keli ah la taabanayo. Balse hadda haddii aad rabto inaad fahanto mid ka mid ah qoraallada luuqadaha aan badankood tarjumaaddooda la helin waxa keli ah ee kuu suuragelin kara waxay tahay inaad afkaasi barato adiga oo ka mid noqonaya bulshooyinka afkaasi ku hadlo si aad uga barato si loo diyaariyo aaladaha mashiinnada tarjumaadda iyo farsamooyinka la xiriira. Qaran News