-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-2732021.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay hay’addan bulshada, taasoo mas’uul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha. “Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday. View the full article
-
Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhamaadey Kulankii Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada maalintiisii labaad, Kulankaasoo ay saaka qayb ka ahaayeen Mudharixiinta Madaxweynaha. Wararka ay Puntlandi.com ka helayaan kulankaas, waxaa la islasoo qaadey in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Caqabad ku yahay in Dalku Doorasho aado sidaas awgeed ay xiligaan lama huraan tahay in uu banaanka ka joogo Howlaha loogu diyaargaroobayo Doorashada. Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa arintaan ka biyo diidan, Laakiin Murashixiinta Madaxwwynaha iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo taageero ka helaya Beesha Caalamka ayaa Qorshahaan wada, waana mid u muuqda in laga dhaadhiciyo Madaxweynayaasha kale. Waxaa lasoo jeediyey in Kulankii lagu balansanaa ee Wadatashiga Arimaha Doorashada lagu badalo Kulan cusub oo Madaxweyne Farmaajo uusan qayb ka ahayn, badalkiisana uu Raysal wasaaruhu yimaado. beri oo Axada ayuu dhamaanayaa kulanka Madaxweynayaasha, waxaana lagasoo saarayaa Warmurtiyeed ay ku seexan yihiin waxyaabaha lagu heshiiyey. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Qorshe Madaxweyne Farmaajo looga wareejinayo Arimaha Doorashada oo saaka bilowdey appeared first on . Source
-
PRESS RELEASE Ethiopian Prime Minster winds visit to Asmara The extensive consultations focused on bilateral partnership and the joint strategic development programmes on the offing ASMARA, Eritrea, March 26, 2021/ — Ethiopia’s Prime Minister, Dr. Abiy Ahmed, returned home this morning after two-days of regular, consultative, meetings with President Isaias Afwerki. President Isaias Afwerki bid farewell to the Prime Minister and his delegation on their departure from Asmara International Airport. The extensive consultations between the two leaders focused on bilateral partnership and the joint strategic development programmes on the offing within the framework of broader regional prospects and perspectives. In light of the common strategic partnership and envisioned joint trajectory, the vicious military attacks unleashed in the past five months, and attendant disinformation campaigns were also assessed in depth. The two sides agreed that important lessons have been gleaned from temporary hurdles precipitated by this reality that will further bolster the joint undertakings by the two sides in the period ahead. The two sides also agreed to hold follow-up consultative meetings in Addis Ababa. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Information, Eritrea. Qaran News
-
PRESS RELEASE African Continental Free Trade Area (AfCFTA): Free trade bloc can be a game changer for African people and business The African Development Bank is actively supporting or looking to support initiatives to boost trade and improve livelihoods for Africans ABIDJAN, Ivory Coast, March 27, 2021/ — Exploring strategies to deepen private sector participation in the implementation African Continental Free Trade Area (AfCFTA) was the highlight of a panel session during the 2021 WTO Aid-for-Trade Stocktaking meeting. The African Development Bank (www.AfDB.org), the United Nations Industrial Development Organization (UNIDO) and International Trade Centre (ITC) organized the session held on Wednesday 24 March. “The success of the AfCFTA hinges on the ability of African firms to understand and capitalize on the trade related opportunities offered by the AfCFTA,” said Pamela Coke-Hamilton, International Trade Centre (ITC) Executive Director. The Aid-for-Trade initiative – which promotes the role of trade in development and supports building productive capacities– should focus on three priorities to boost the private sector’s role in AfCFTA: empowering businesses with skills and know-how; fostering multi-stakeholder partnerships to attract investment for greater value addition and enhancing market connections using e-commerce and digital platforms, Coke-Hamilton said. Also participating were: Mr. Alan Kyerematen, Ghana Minister of Trade and Industry; Mr. Li Yong, Director-General of UNIDO; Mr. Solomon Quaynor, African Development Bank Vice President, Industry, Infrastructure, Private Sector and Trade; Ms. Tania Rödiger-Vorwerk, Director, Private Sector, Trade, Employment and Digital Technologies in Germany’s Ministry for Economic Cooperation and Development; Ms. Glwadys Tawema, CEO of Benin firm, Karethic; Mr. Emmanouil Davradakis, Senior Economist, European Investment Bank; Mr. Paul Walters, Director for Trade & Development, UK Foreign, Commonwealth and Development Office and Mr. Michael Kottoh, Head of Strategy & Research, AfroChampions. “This is a trade area of the people, so we need to understand and engage the people to go forward and believe in this dream of an African free trade area,” said Ambassador Usha Dwarka-Canabady, Permanent Representative of Mauritius at the United Nations Office at Geneva and coordinator of the African Group at the World Trade Organization, who moderated. Discussion focused on boosting private sector involvement in policy dialogues on trade, investment and infrastructure, strategies to increase participation by micro, small and medium enterprises, and the need for greater partnerships to attract investment in promising industries. Kyerematen proposed that bridging information gaps between governments and the private sector would help build confidence around the free trade agreement and noted that fiscal incentives, including subsidies, might be needed in some instances. Li emphasized the private sector’s role in speeding up industrial development and economic diversification, particularly in the context of the ongoing pandemic and other development challenges. “The private sector accounts for 80% of total production, two thirds of investment, three-quarters of credit and employs 90% of the working age population.” He also noted “several determining factors, including an enabling business environment, affordable connectivity, accelerated digitalization and opportunities to forge strong public-private partnerships” as crucial to ensuring businesses’ commitment to trade and invest in the AfCFTA. The African Development Bank, UNIDO and the ITC have each engaged with the private sector at the continental, regional and sub-national level to facilitate the African business community’s access to the new single market, said Vice-President Quaynor. The African Development Bank is actively supporting or looking to support initiatives to boost trade and improve livelihoods for Africans, Quaynor said, citing the Ethiopian Commodity Exchange as a model to be replicated across Africa, referring to the commodities exchange established in 2008 that is transforming the country’s agricultural trade. “African farmers receive only 20-25% of the final price of their market produce, compared to the 70-85% that Asian farmers receive.” Quaynor also named AfroChampions, a public-private partnership designed to accelerate economic integration and support the emergence of African multi-nationals, as an initiative that is making an impact. The meeting comes in the wake of the entry into force of the AfCFTA on 1 January 2021. The free trade area brings together 1.3 billion Africans in a $3.4 trillion economic bloc. The bloc is the largest free trade area since the establishment of the World Trade Organization, and economists project that its benefits and impacts could lift tens of millions out of poverty over the next 15 years. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 update (26 March 2021) ADDIS ABABA, Ethiopia, March 27, 2021/ — Daily: Laboratory test: 8,171 Severe cases: 769 New recovered: 1,336 New deaths: 28 New cases: 2,097 Total: Laboratory test: 2,316,739 Active cases: 41,342 Total recovered: 152,508 Total deaths: 2,769 Total cases: 196,621 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. Access Multimedia Content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - A federal parliament session in Mogadishu was adjourned on Saturday after a major disturbance caused by Members of Parliament prevented MPs from opening the hearing. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen kulankii gaarka ahaa oo ay Maanta la qaateen madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho. Afhayeenka Midowga Musharixiina Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ay la wadaageen dareenka ay qabaan xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo doorashooyinka aan weli heshiiska laga gaarin. Daahir Geelle, oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in hagar daamooyin ay soo gaareen doorashooyinka, islamarkaana inay meel mari waayaan uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Musharax Daahir Geelle ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu hor istaagay wax kasta oo sahli karay inay dalka doorasho ka dhacdo, waxaana suu si cad u sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ka dalbadeen in kaalintooda kaga aadan ka qaataan Arrimaha doorashooyinka. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in Madaxda dowlad Goboleedyada ay ka codsadeen in howlaha amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si aysan u dhicin dhacdooyin la mid ah kuwii 19-kii Febaraayo. 19-kii Febraayo ayaa ciidamo ka amar qaata madaxweyne Farmaajo waxay Muqdisho ku rasaaseeyeen shaca si nabdoon u dibad-baxayey ayaga ku dilay dhowr ka mid ah, dhacdadaas oo si weyn loo cambaareeyey.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigooda dhamaaday Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga falceliyay muuqaal lasoo dhigay barta bulshada talafashinka qaranka Soomaaliya. Muuqaalkaan lasoo dhigay Talafashinka qaranka ayaa ku saabsanaa mid ka mid ah haweenka xildhibaanada golaha shacabka ah oo aflagaadeeneysa xildhibaanada kasoo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, waxeyna warbaahinta cinwaan ahaan u adeegsatay qoraal lagu tilmaamay mid aan habooneyn. Xildhibaanad Luul Aadan oo warbaahinta qaranka la hadashay iyadoo joogta xarunta Villa Hargeysa ayaa tiri “Kulanka baarlamaanka waxaa baajiyay xildhibaano calooshood u shaqeystayaal ah,” waana cinwaanka ay adeegsatay warbaahinta qaranka. Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ayaa ku tilmaamay waxyaabo aan u qalmin TV-ga, sidoo kalana wuxuu wasiir Cismaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ku eedeeyay inuu yahay shaqsiga dhulak la galay warbaahinta qaranka. “Warbaahintii umadda u dhexeysay ma waxay la mid noqotay baraha bulshada CBB-da. Waa wax laga xumaado in warbaahintii qaranku uu heerkeedii sidaas hoos ugu dhaco,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Axmed Fiqi. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Tv-ga qaranku maantay ma waayey wax kale oo uu soo tabiyo oo aan ka ahayn xildhibaan mid kale caynaya, waxaa muuqda in tallaabadani ay tahay mid u sii gogol xaaraysa kuwa kale oo soo socda!.!” Ugu dambeyntiina wuxuu si gaar ah u beegsaday wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka soomaaliya cismaan Abuukar Dubbe isagoo leh: “Dubbe wuxuu ku calaamaysnaan doonaa in uu yahay wasiirkii dhulka la galay warbaahinta qaranka”
-
Dhamaan hawlwadeenada iyo maamulka guud ee shabakada Qarannews waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan reer Cismaan Fadal meel kasta oo ay dunida ka joogaanba gudo iyo dibadba, anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta lahayd ee ku timid hooyadood marxuumad Siraad Nuur Yuusuf oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland halkaasi oo maanta oo ay ahayd taariikhdu 27/3/21, oo sabti ah lagu aasay. Waxa aanu si gaar ah u tacsiyadaynaynaa Cabdirisaaq Cismaan Fadal Ismaciil, oo ay marxuumadu ahayd hooyadii Waxa aanu Ilahay uga baryaynaa in uu marxuumada uu janadii Fardawsa ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan uu inaga siiyo. Aamiiin Qaran News
-
Xubno ka socda Musharixiinta ayaa maanta kulan la qaatay Shanta Madaxweyne ee Shirku iga socdo Hotel Airport ee Xalane, Kulankaasoo ay Musharixiintu kula dardaarmayeem Raga shirsan. Sida Puntlandi.com ay xigta ku hayaan Musharixiintu waxay sigaara ula hadleen Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Musharixiintu waxay Sadexda Madaxweyne u sheegeen in hada kadib aysan aqbalayn in Dalku uu qaabkaan ku sii socdo iyagoo hoosta ka xariiqay in la isla xisaabtamayo. Puntlandi.com Muqdisho The post Mudharixiinta oo maanta la kulmay 5 Madaxweyne ee ku shirsan Garoonka Diyaaradaha appeared first on . Source
-
Boqortooyada UK: Ma taageeri doonno doorasho hal dhinac ah ama muddo kordhin Qoraal ka soo baxay waaxda Africa ee wasaaradda arrimaha Dibadda ee UK ayaa lagu sheegay baahida degdega ah ee loo qabo in hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay yeeshaan kulan ay ku xallinayaan khilaafka ka taagan hergelinta hannaanka doorashada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska geedi socodka doorashooyinka sal looga dhigo heshiiskii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu gaareen 17-kii September iyo qodobadii soo-jeedinta ee Guddiga Farsamada ay 16-kii Febraayo ka soo saareen shir ay ku yeesheen Baydhabo. “Boqortooyada UK ma taageeri doonto ficillo horseedaya hannaan doorasho oo hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda ama muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu shaaciyay bogga Twitter ee safaaradda UK ee magaalada Muqdisho. “Annagoo ka duuleyna danaha dadka Soomaaliyeed, iyo danaha wadajirka ah ee aan ka leennahay amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga taagan, ay furaan wadahadallo wax ku ool ah, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.” Baaqan ka soo baxay dowladda UK ayaa imanaya ayada oo si loo dhan yahay uu u qabsoomi waayey kulan lagu waday inuu 22-ka bishan Afisyoone uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kadib markii ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo kala hoggaamiya Jubaland iyo Puntland. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto saddex qodobo ka hor inta aanu shirku billaaban. Qodobaas ayaa kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. Qaran News
-
Maxaa Keenay In Maanta Uu Fashilmo Kulankii Golaha Shacabka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa Fashil ku soo dhamaaday Kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya . Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku tilmaamay Fashilka kulanka in uu yimid kadib markii Ajendahii lagu balansanaa ay guddoonka Golaha Shacabka ay ka baxeen. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii maanta xaadiray kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in guddonka golaha shacabka ay isku dayeen in ay muddo kordhin u sameeyaan Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo . Mahad Salaad ayaa sheegay in xubna ka mid ah xildhibaanada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal u sheegey in mudda kordhin loo sameynayo Hay’adaha dowladda . Qoraal uu soo dhigay Mahad Salaad bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Guddoonka uu sheegay in uu fashilmay heshiiskii 17 September . Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay: 1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay! 2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo! 3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo. Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!” ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-ga. Dhabka kale Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in baarlamaanka ay maanta la wareegen ciidamo dhar cad ah . “Baarlaamanka waxaan ugu nimid 200-oo Maleeshiyaad oo intooda badan ahaa kuwii Alshabaab kasoo goostay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook. Fashilkan ayaa yimid xilli madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Madaxda dowladda federaalka ay weli doorashooyinka isku fahmi la’yihiin. Source: goobjoog.com -
Dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in maraakiib kuwa badda xaalufiya ah oo laga leeyahay dalka Masar ay si sharci darro ah uga kalluumaysanayaan xeebaha Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxaysay bilihii October ilaa December 2020-ka ay 37 markab oo wata calanka Masar lagu arkay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya. Muuqaallo ay soo duubeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa muujinaya maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya iyaga oo sita shabaagaha badda xaalaufiya, ka dibna kalluunka u diyaarainaya sidii loo iibin lahaa, ayey sheegtay dowladda Soomaaliya. Marka la raaco sharciga waddanka, biyaha xeebta Soomaaliya ee dhererkiisu yahay 24 nautical miles (nm) oo ah halbeegga lagu cabbiro dhererka badda ayaa loo qayday maraakiibta Soomaalida ee kalluumaysiga, halka 12 nautical miles loo reebay kalluumaysatada yaryar ee degaannada ku teedsan xeebaha, sida lagu sheegay war saxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in labada xayndaab ee biyaha badda ee loo qayday kalluumaysata Soomaalida lagu arkay maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya. Waxa ay dowladda Soomaaliya sheegtay in maraakiibta badda xaalufiya ay manuuc ka yihiin biyaha Soomaaliya sababtoo ah waxay dhaawacayaan bay’ada kalluunka uu ku tarmo. Ogaanshaha maraakiibka Masar ee ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya ayaa imanaysa bilo uun kadib markii sidan oo kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aalad meel fog lagala socdo maraakiibta kalluumaysanaysa ay tusisay in ugu yaraan 112 doomo kalluumaysi oo Iran laga leeyahay ay sharci-darroo uga kalluumaysanayaan biyaha Soomaaliya gaar ahaan aagga dhaqaalaha. Soomaaliya waxay sheegtay in maraakiibta lagu arkay inay sharci darro uga kalluumaysanayaan midkoodna uusan liisan ama oggolaansho ka haysan dowlada federaalka Soomaaliya. Hannaanka liisan bixinta oo la hirgeliyey sannadii 2018-kii ayaa sheegaya in Wasaarada Kalluumaysiga Soomaaliya ay mas’uul ka tahay gacan ku haynta dhammaan wixii dhaqdhaqaaq kalluumaysi ah ee biyaha Soomaaliya. Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in liisanka la siiyo maraakiibta wadata calanka shisheeye loo maamulo qaab daah furnaan leh iyadoo dhaqaalahana lala wadaagayo dhammaan lixda maamul goboleed iyo gobolka Banaadir. Wixii shati ah ee ka baxsan nidaamkaas sharci ma aha, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay ugu baaqday maraakiibta wadata calanka Masar in ay oggoaansho u helaan ka kalluumaysiga biyaha Soomaaliya. Waxay sheegtay inaysan dhaqangal noqon doonin heshiisyada aan sharciga ahayn ama aan rasmi ahayn oo hay’ado ama shabakado sharci-darro ah ay la galaan maraakiibtaas. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku baaqay in mas’uuliyinta Masar ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah. Waxa uu sheegay in maraakiibtaas aan laga doonayn Soomaaliya, kalluumaysiga sharci-darrada ahna uu dhaawacayo dalka Soomaaliya iyadoo kalluunkii waddankana la xadayo. Soomaaliya waxay ugu baaqday Masar inay gacan siiso baadhitaanka dowladda Soomaaliya iyadoo bixinaysa liiska maraakiibta lagu ogyahay inay ka kalluumaysanayaan xeebaha Soomaaliya, bixinaya nuqul ka mid ah dhammaan shatiyada ay wataan maraakiibta sita calanka Masar iyo shaqaalahooda, xaqiijiyaan in maraakiibtaas sita calanka Masar loo oggolaaday inay kan kalluumaystaan meel ka baxsan biyaha Masar, sidoo kalena keenaan nuqulka heshiisyada la xiriira shatiyada la bixiyey. Waxay sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya ka dalbatay Masar inay gacanta ku dhigaan maraakiibtooda kalluumaysi ayna xaqiijiyaan in markab kasta oo sharci darro ah uu degdeg uga baxo biyaha Soomaaliya. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in maraakiib Masar laga leeyahay xaaluf ba’an ku hayaa xeebaha dalka appeared first on Puntland Post.
-
Kulankii Barlamaanka Somalia oo lagu kala dareeray+Sababta Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga. Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19. Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qarinaayo kulanka. Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq ,Sawaxan & Faro-taag-taag sida laga arkayay shaashadaha telefishannada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si adag uga hadlay wixii ka dhacay maanta xarunta golaha shacabka. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii diidanaa in kalfadhiga laga furo ajande aan aheyn midkii loo sheegay xildhibaanada, ayada oo uu jiray qorshe muddo kororsi oo uu waday Mursal, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar. Xildhibaanka ayaa sheegay iney horey uga war heleen in ajandaha kulanka uu yahay muddo kororsi, inta aysan xarunta soo gaarin, balse markii ay yimaadeen xarunta ay ugu yimaadeen ciidamo uu maleeshiyaad ku tilmaamay, kuna sheegay iney kasoo goosteen Al-Shabaab, isagoo siiyay sifo ah iney yahiin kuwa loo tababaray kaliya iney dadka dilaan. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu ku hanjabay inuu berri keeni doono askar intaas ka badan, islamarkaana ay muuqato iney ka shaqeynayaan muddo kororsi aan geed loogu soo gamban, oo qasab ah. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamanka ayaa yiri “Sidaad arkeysaan maanta waxa Baarlamaanka ka dhacaya waa wax fowdo ah, ujeedka maanta kalfadhiga loo furayayna waxey aheyd in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday loo sameeyo muddo kororsi laba sano ah.” “Horay waan u ogeyn balse waxey xaqiiqo noo noqotay markaan saakay barlamaanka ugu nimiday 200 maleeshiyaad ah oo intooda badan yahay kuwa asalkooda kasoo goostay Al-Shabaab, muddana ku jiray xerada Sarrindi oo hubeysan” “Gudoomiyaha golaha shacabka waxaan weydiinay waxa ay yahiin askarta meesha ku jira, wuxuuna noo xaqiijiyay inuu askartaan uu isaga dalbaday, suurtagalna maahan ayadoo Covid19 laga hadlaayo in 200 askari oo hubeysan oo ah waliba kuwii loo tababaray dadka iney dilaan ah in halkaan lagu soo xareeyo,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegnay Gudoomiyaha in askartaan uu meesha ka saaro iyadoo aan ognahay waxa ay yahiin, wuxuuna noo sheegay inuu berri la imaan doono askar intaas ka badan, saaxiibadey muddo kororsiga ka shaqeynaya waxaan leenahay afartiina sano iimaansada, ilaahey iimaanka ha idin galiyo.” HALKAAN AK DAAWO:
-
Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley gudaha Myanmar, kadib markii ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen dadka mudaharaadayey, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha dalkaasi. Dhimashada ayaa inta badan ka dhacday 13 magaalo oo ah kuwa ugu waaweeyn dalkaas, waxaana ku jira caasimada ganacsiga ee dalkaasi Yangon. Tani ayaa ku soo beegantayxilli shalay uu sheegay Janaraalka hogaamiya militariga Myanmar in la qaban doono doorasho ay dadka raali ka yahiin, ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February. Tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen ayaa waxaa booliiska dalkaasi lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsaden islamarkana ay dileen dad dibadbaxayaal ah. PUNTLAND POST The post Dibad-baxayaal lagu laayay dalka Myanmar appeared first on Puntland Post.
-
Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga. Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19. Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qariyo daro kulanka. Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq sida laga arkayay shaashadaha telefishannada. PUNTLAND POST The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo buuq la furmi waayay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu qorshe uu watay u sheegay xildhibaano u tegay. Mahad Salaad, oo ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ee maanta xaadiray kulankii baaqday ee buuqa uu hareeyay, ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Maxamed Mursal uu saddex arrin la wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanada u tagay, inta uusan soo galin xarunta golaha shacabka. Mahad Salaad wuxuu sidoo kale ku baaqay in hurdada laga kaco, isla markaana Farmaajo yahay balaayo hagoogan sida uu hadalka u dhigay. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay: 1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay! 2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo! 3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo. Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!
-
(SLT-Washington)-Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan laba illaa saddex sanno gudahood waa haddii ciidammada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda inay mar kale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aan ka gaadhaya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu dambeysay ee ciidammada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban. Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidammada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidammadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May. Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka hadlo warbixintan sirdoon oo la diyaariyay sannadkii hore. Biden ayaa khamiistii ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay ee uu ku qabtay Aqalka Cad in ay adkaan doonto in la raaco waqtiga soo saarista loo qabtay, oo sidoo kale u baahan in lagu saaro ilaa 7,000 oo askari oo ka socda ciidammada isbahaysiga. Laakin waxa kale oo uu sheegay “in aanu sawiran karin” in ciidamada Mareykanku ay dalkaasi sii joogaan sannadka danbe. Taliban ayaa Jimcihii sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dagaallada ka dhanka ah ciidamada shisheeye haddii ay ciidamadu sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay in dalkaasi looga saaro. Source
-
Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay mudnaansiinta maalgelinta barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9-aad. Wasiirka maaliyadda Dr. Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ka hor tagga dhibaatooyinka bulshada ka hor imaan kara sidoo kalena loo baahan yahay in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada. “Maanta waxaa la kulmay wasiirka qorsheynta mudane Jamaal Maxamed Xasa waxa aan ka wada hadalnay mudnaanta maalgelinta ee uu leeyahay barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9- aad. (UDP9)” ayuu yiri wasiir Beyle. View the full article
-
Kulankii maanta ee BF Soomaaliya oo fashil kusoo dhammaaday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kulan ballaaran oo ay maanta lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib buuq hareeyey hoolka baarlamaanka. Ajandaha kulankan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa saameynta ka dhalatay Covid-19, balse xildhibaanada qaar ayaa tuhun ka muujiyey inuu socdo qorshe muddo kordhin ah. Sidoo kale xildhibaanada mucaaradka ayaa la sheegay in aysan saxiixin buugga is- xaadirinta ee xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya. Muuqaallo ay soo duubtay warbaahinta ayaa la arkayey xildhibaanada oo si aad ah buuqayo, kadib sawaxan hareeyey kulanka maanta oo ugu dambeyn baaqday. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. View the full article -
Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood, haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aan ka gaaraya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu danbeysay ee ciidamada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban. Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidamada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidamadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka cabsi qaba in Taliban dib ula wareegto Afghanistan appeared first on Puntland Post.