Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Samatar ay toogasho ku dileen, xilli uu kusii jeeday gurigiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray falka kadib ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii ka dambeeyey falkaasi. Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay inay ku raadjoogaan raggii kale ee ku lugta lahaa dilka loo geystay marxuum Cumar Maxamed Samatar. Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  2. Wasaaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qorshe dalka lagu keenayo wajiga labaad ee Talaalka karoona Feyrus oo ay gacan ka geysanayaan dowladdo saaxib la ah Soomaaliya Wasiirka Fowsiyo abiikar Nuur ayaa waxa ay tilmaamtay in dalalka Shiinaha Turkiga iyo qaar ka mid aha wadamada Carabta ay soomaaliya ka garab siinayaa Talaalka maadaama kii koowaad oo marayo meel wanaagsan kaasi oo socon doono sedex bilood. Tan iyo markii kiiskii ugu horeysay ee Covid-19 dalka laga diwaan geliyay waxaana la helay 11,398 waxaana ugeeriyooday 529 ruux View the full article
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/WARKA-SUBAX-SHABELE-142021.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ka baxay ballan uu ka qaaday beesha caalamka oo aheyd inuu la kulmayo madaxda shanta madaxweyne goboleed, si loogu guuleysto qabsoomidda shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Rooble ayaa galabkii Taaladadii xafiiskiisa kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku cadaadiyey inuu kaalintiisa hoggaamineed qaato oo uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana gacan ka gaysto sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga ka taagan qabsoomidda shirka, taasi oo uu aqbaly. Waxaa saacado un kadib kulankii Rooble, ay wakiilada beesha caalamka haddana la kulmeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo aad usoo dhoweeyey islamarkaana aqbalay inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha. Xubnaha beesha caalamka ayaa isla goobta qoraal ugu diray Rooble una sheegay mowqifka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Waxaa lagu ballamay in la kulmo Subaxii Arbacada ee shalay, ayada qorshuhu ahaa in heshiis looga gaaro ajendaha shirka iyo qaar ka mid ah qodobada kale ee la isku hayo. Si kastaba goor dambe ayaa Rooble wuxuu qoraal usoo diray beesha caalamka, kana cudur-daartay kulanka, isaga oo wakiilada beesha caalamka u sheegay in shanta madaxweyne goboleed ay heshiis kasoo gaaraan ajendaha shirka kadibna ay isaga usoo direen, si uu dib u eegis ugu sameeyo, isagoo og in madax goboleedyada ay heshiis gaari waayey, kadib dhowr mar oo ay kulmeen. Go’aanka Rooble ayaa si aad ah uga carreysiiyey wakiilada beesha caalamka, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo shalay galab soo saaray qoraal ay ku muujinayaan sida ay qaati uga taagan yihiin “xagal-daacinta” ay wadaan madaxda dowladda. “Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Ma cadda sababta uu Rooble u beddelay mowqfikiisa, islaamrkaana uga baxay ballantii uu qaaday, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uga yimid Farmaajo, oo dadaal xooggan u sameynaya in marnaba aan la kulmin, heshiisna uusan dhicin, si aan dalka doorasho u gelin. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in beesha caalamka ay quus ka taagan tahay xaaladda, ayna suurta-gal tahay in arrintan u gudbiso golaha ammaanka, si qaraar looga soo saaro, taasi oo Soomaaliya dib ugu celin karta marxaladdii ku-meel gaarka.
  5. At a recent health event, 16 imams got COVID vaccines in front of cameras from BBC Somali and Universal Somali TV. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan. Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka. Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.
  7. New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah oo albaabada u xirnaa ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka. Golaha ayaa marka ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, si deg deg loogu qabto doorashooyinka. Sidoo kale golaha ammaanka ayaa isla qaatay bayaan ay soo diyaarisay UK oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya. 15-ka xubnood ee golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah, si looga baaqsado khilaaf hor leh. “Waxa ay carrabka ku adkeeyeen in ay danta guud ee Soomaalida oo dhan ku jirto ay tahay in la hubiyo in doorasho loo wada dhan yahay ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hadalkan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, iyadoo aysan weli wax natiijo ah kasoo bixin dadaalladii ay waday beesha caalamka ee la’isugu keenaya dhinacyada isku haya doorashada, siiba dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
  8. Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay sarkaal ka tirsanaa Laanta Danbi baarista Puntland ee C.I.D, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Samatar. Kooxda oo ku hubaysanaa bastoolado, ayaa sarkaalkan toogtay xilli uu fiidnimadii xalay ku sii jeeday gurigiisa, sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Wararku waxay intaas ku darayaan, in kooxda weerarka fuliyay oo saddex nin ahaa yay ku baxsadeen mooto bajaaj. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Col. Mu’min Cabdi Shire ayaa isna sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamid ah kooxdii weerarka gaystay. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas, inkastoo Taliye Mu’min uu ku eedeeyay ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. The effects of COVID-19 have erased economic gains made in Somalia since the drought of 2017 and will be felt for years to come, says a new report launched in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Boxer and model Ramla Ali has spoken about facing racism in everyday situations — but added she has “hope” things will change if people “fight for it.” Source: Hiiraan Online
  11. The beauty industry has seen many trends come in and out of fashion over the years. Whilst some products have got significantly more complicated with a variety of new ingredients and technical production methods there is also a trend of consumers increasingly demanding simple raw products. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 163 tahriibe oo kusii jeeday qaaradda Yurub. Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doonyood. Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka lasoo badbaadiyay kasoo jeedaan wadamada Afrikaanka ah, inakasta uusan xusin magacyada dalalkaas. Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan qaaradda Yurub. PUNTLAND POST The post In ka badan 160 Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Liibiya appeared first on Puntland Post.
  13. UNITED NATIONS (AP) — The U.N. Security Council called on Somalia’s leaders Wednesday to meet “at the earliest opportunity” to break the impasse delaying the holding of elections that had been scheduled for Feb. 8. Source: Hiiraan Online
  14. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii xalay gudaha magaaladaasi lagu dilay, marxuum Cumar Maxamed Samatar oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada maamulkaasi. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumka loo geystay, xilli uu kusii jeeday gurigiisa, iyada oo ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey. Ciidamada amniga Puntland oo goobta tegay ayaa sameeyey howl-gallo, waxaana saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ay shaaciyeen in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey toogashada, iyaga oo sheegay in lagu raad-joogo kuwii kale. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howl-galladu sii socon doonaan, inta laga xaqiijinay ammaanka xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood sheegatay Al-Shabaab.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha shaacbka Maxamed Mursal ka noqday go’aankii uu 15 xildhibaan uga mamnuucay muudo shan fadhi ah inay kasoo qeyb galaan, taas oo abuurtay buuq iyo jahwareer soo wajahay golaha. Xildhibanadaan waxay buuq ka sameyeen kulan ay Sabtida todobaadkaan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka, waxayna diidanaayeen in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibanadaan oo ah kuwa mucaradka ah ayaa shalay laga hor istaagay in ay ka qeyb-galaan kulan ay yeesheen xildhibanada golaha shacabka ee waqtigu ka dhaamaday, kaas oo lagu ansixiyey laba xubnood, warbixina looga dhageystay wasiirka caafimaadka. Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gadiidka gaashaaman ayaa maanta la soo dhoobay baraha control ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah iskoysyada Muqdisho, kuwaas oo xildhibaanadan u diiday inay garaan xarunta golaha shacabka. Xildhibaano uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Sheekh Aadn Madoobe, qeybna ay ka ahaayeen wasiirkii hore ee warfaafinta Xildhibaan Maxamed Maareeye iyo wasiirkii hore ee howlaha guud Xildhibaan Cabdifitaax Geesey ayaa habeen hore guddoonka ka dalbaday in cafis u fidiyo 15-ka xildhibaan ee laga ganaaxay fadhiyada golaha. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in xildhibanadaan ay ka soo qeyb-geli doonaan fadhiga u horeeya ee Sabtida dhacaya. Sidoo kale guddoonka ayaa xildhibanadii u tagay ku war-galiyey in hadii uu mudo kororsi jiro uu noqon doono ajande waadax ah, golahana la hor keeni doono si ay uga doodaan, oo aysan jirin wax la qarin doono, sidaas darteedna aan buuq loo baahneyn.
  16. Ra’iisal wasaarihii hore ee Masar Dr kamaal al-Jansuuri ayaa saaka ku geeriyooday isbitaal ku yaal caasimadda dalkaas ee Qaahira. Ra’iisal wasaaraha ayaa u geeriyooday xanuun uu qabay muddadii u danbeysay, isagoo 88 jir ah sida ay sheegtay warbaahinta Masar. Al-Jansuuri ayaa xilka ra’iisal wasaarinimo ee dalka Masar soo qabtay laba jeer oo kala ahaa 1996 ilaa 1999 iyo 2011 ilaa 2012. Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa ka tacsiyeey geerida ra’iisala wasaaaraha, isagoo ku amaanay howlihii uu soo qabtay intuu hoggaanka dalkaas ka mid ahaa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  17. Puntland oo digniin culus u dirtay shaqaalaha QM Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaasi oo qaarkood ay diideen inay bixiyaan canshuurtii, sida uu sheegay xeer ilaalinta Puntland. Maxamed Xareed Faarax, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan Afar qof oo kamid ah howl-wadeenada UN-ka oo diiday bixinta canshuurta ay ku waajabisay dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo. Xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa ku hanjabay in xubnahaas ay maxkamad horgeyn doonaan, haddii ay canshuurta ku bixin waayaan kama dambeyn 3-da bisha 4-aad ee 2021-ka, sidoo kalena waxa uu xusay inay jiraan 5 xubnood oo kale oo ayaguna aan weli bixin canshuurta oo ka tirsan UN-ka. Afarta xubnood ee ay dowladda goboleedka Puntland ay sheegtay inay deg-deg u bixiyaan canshuurtooda, ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda; Cabdinuur Xasan Axmed, Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, dhamaantoodna waxay u shaqeeyaan hay’adda WHO oo kamid ah hay’addaha waaweyn ee UN-ka. Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu soo bandhigo magacyada xubno ka howl-gala Hay’addaha UN-ka oo ay ka dalbanayaan inay bixiyaan canshuurta, waxayna dhowr jeer oo hore xeer ilaalinta Puntland baahisay magacyada shaqaale ay sheegtay inaysan bixin canshuurta. Si kastaba, shaqaalaha uu maamulku digniinta u dirtay ayaa badankooda waxay ka howl-galaan oo ay ku sugan yihiin goballada Bari iyo Mudug, waxayna isugu jiraan ajaaniib iyo Soomaali ka wada howl-gala hay’addaha Qaramada Midoobay. Qaran News
  18. Turkiga oo sameystay Hub casriya oo uu Hore Jarmalku uga diiday Tan iyo 2005 ayuu Turkiga ku howlanaa sidii uu u sameysan lahaa taangiga Altay Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bisha April tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay ee ah kuwa ugu casrisan ee adduunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howlaneyd soo saaristiisa. Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono. Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah. Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka. Wargeyska Defence News, oo soo xiganaya sarkaal Turki ah oo uusan magaciisa shaacinin, ayaa sheegay in shirkad fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed ay heshiis la gashay Ankara, taasoo hirgalisay guusha laga gaaray sameynta taangigaas. Mashruuc soo jiitamayay sannado Turkiga ayaa markii hore mashruucan billaabay 2005 ilaa 2007 oo heerar kala duwan lasoo mariyay, laakiin dib u dhac badan ayaa yimid kaddib markii ay Jarmalka iyo Ankara isku fahmi waayeen isku day la doonayay in lagu helo matoorka uu ku shaqeeyo taangiga. Dowladda Jarmalka ayaa diidmadeeda u cuskatay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo ay horay u saartay Turkiga. Turkiga ayaa hadda ku biiray dalalka faro ku tiriska ah ee heysta Taangiyada ugu awoodda badan ee ka qeyb gala dagaalka Dhulka, iyadoo taasi ay u sii dheer tahay inuu maamulan karo hannaanka taangiyada ay ku shaqeeyaan, maadaama ay yihiin kuwo lagu farsameeyay gudaha dalkiisa. Sannadihii lasoo dhaafay Ankara waxay xoogga saareysay inay ballaariso awooddeeda militari, waxaana uu Turkigu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo militari oo dibadda ah. Turkiga ayaa taageera waddamo ku lug leh dagaallo, sida Azerbaijan Horaantii sanadkan 2021-ka, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay. Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic. Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, bishii January, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas. Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaqaale ah. Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Mareykanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay. Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka. Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii ​​diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale. Qaran News
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya ay isku dayeyso inay boobto. Kenya ayaa sheeegtay in warbixino sirdoon oo aan la isku haleyn karin, cadaawad ay dadka deegaanka u qabeen ciidamada Kenya, iyo xiriirka Amisom dhexdeeda ah oo aad u xun uu horseeday khasaare xooggan oo ciidankeeda soo gaaray. Hase yeeshee, ayey tiri Kenya, arrinta ugu walaaca badan ayaa ah in koox ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay ka war-hayeen weerarka kusoo socday ee lagu beegsanayey Kenyan. “Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay kooxda QM ee kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group inay ka war-hayeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku urursanayeen meel u dhow Ceel-Cadde, inkasta aan la ogeyn bartilmaameedkooda dhabta ah – waxayna ku war-geliyeen dhiggooda Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Si kastaba kadib weerarka, ciidamada Kenya way beeniyeen in loo digay,” ayey tiri warbixinta. Kenya ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay dadka deegaanka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, ayada oo sheegtay xiriir la’aantooda ay sabab u aheyd inaysan xog badan helin, sababtuna ay tahay inay Kenyan-ka u arkeen cadow taageeraya beesha Ogaadeen ee ay is-hayaan, sida lagu sheegay warbixinta. Sheegashada Kenya ayaan loo hayn wax caddeymo ah, waana qeyb ka mid ah difaacooda kiiska dacwadda badda ee aadka looga yaabay oo muujinaya in Kenya aysan haysan wax dood sharci ah oo ay ku boobto badda Soomaaliya.
  20. Dabley hubeysan ayaa ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ku dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalka Ethopia, tiro intaa oo kale ahne lagu dhaawacay, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah. Wossen Andaege, oo 50 jir ah, ahne beeraley ayaa u sheegay wakaalada Reuters in lagu dilay weerarka oo ka dhacay Babo-Gembel ee Oromia 30 ruux, Wuxuuna ku sheegay in dadkaan ay kasoo jeedaan qowmiyada Amxaarada. Wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa markii ay maqleen dhawaqa rasaasta, kadibne ay u carareen xafiis dowladeed oo ka agdhowaa halkaas, si ay gabaad uga helaan ciidamada federaalka. Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, ayaa la daalaa dhacaysa xakamaynta loolanka qowmiyadeed ee dhulka, awoodda iyo kheyraadka, taasi oo dabka kusii shideysa, ka hor doorashooyinka qaran ee Ethiopia. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay gudaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan dadka degaanka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan ka qoreyso degaano ka tirsan Somaliland. Wararkaan oo aad loo qariyay ayaa ka helnay ilo ka tirsan odayaasha degaanka ee ku nool magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale noo xaqijiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Tirada ciidanka oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari. Billowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo. Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa. Lama oga in loo tababarayo qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxay si hoose ula macaamileysay dadka kasoo jeedo qabaa’ilada aan awodda badan ku lahayn Somaliland iyo Puntland, ee tabashooyinka qaba, waxaana dhowaan ay Puntland ku eedeysay dowladda federaalka inay hurisay qalalaase ka dhacay degaanka Dhahar.
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaasi oo qaarkood ay diideen inay bixiyaan canshuurtii, sida uu sheegay xeer ilaalinta Puntland. Maxamed Xareed Faarax, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan Afar qof oo kamid ah howl-wadeenada UN-ka oo diiday bixinta canshuurta ay ku waajabisay dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo. Xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa ku hanjabay in xubnahaas ay maxkamad horgeyn doonaan, haddii ay canshuurta ku bixin waayaan kama dambeyn 3-da bisha 4-aad ee 2021-ka, sidoo kalena waxa uu xusay inay jiraan 5 xubnood oo kale oo ayaguna aan weli bixin canshuurta oo ka tirsan UN-ka. Afarta xubnood ee ay dowladda goboleedka Puntland ay sheegtay inay deg-deg u bixiyaan canshuurtooda, ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda; Cabdinuur Xasan Axmed, Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, dhamaantoodna waxay u shaqeeyaan hay’adda WHO oo kamid ah hay’addaha waaweyn ee UN-ka. Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu soo bandhigo magacyada xubno ka howl-gala Hay’addaha UN-ka oo ay ka dalbanayaan inay bixiyaan canshuurta, waxayna dhowr jeer oo hore xeer ilaalinta Puntland baahisay magacyada shaqaale ay sheegtay inaysan bixin canshuurta. Si kastaba, shaqaalaha uu maamulku digniinta u dirtay ayaa badankooda waxay ka howl-galaan oo ay ku sugan yihiin goballada Bari iyo Mudug, waxayna isugu jiraan ajaaniib iyo Soomaali ka wada howl-gala hay’addaha Qaramada Midoobay.
  23. PRESS RELEASE American Petroleum Institute (API) and African Energy Chamber sign First Memorandum of Understanding (MOU) to expand Natural Gas and Oil Industry Standards and Initiatives The number of petroleum producing countries in Africa has increased substantially, coinciding with a movement across the continent to enact robust, equitable and imminently more transparent policies JOHANNESBURG, South Africa, March 31, 2021/ — The American Petroleum Institute (API) and the African Energy Chamber (AEC) (EnergyChamber.org) have signed a Memorandum of Understanding (MOU) to collaborate on capacity building initiatives and standardization to enhance safety, environmental protection and sustainability in African countries producing natural gas and oil. “API is pleased to collaborate with the AEC to expand use of our world-class standards and programs to help enhance the safety, transparency and sustainability of natural gas and oil operations across the African continent,” API Segment Standards and Services Vice President Alexa Burr said. “This is our first partnership with an African based organization, and we look forward to supporting AEC’s efforts to drive industry-wide technical knowledge.” The number of petroleum producing countries in Africa has increased substantially, coinciding with a movement across the continent to enact robust, equitable and imminently more transparent policies. This continent-wide pursuit to increase the technical capacity of local organizations is of paramount importance in these natural gas and oil economies. It will be vital for public and private representatives of African host economies to work with the international petroleum industry and help ensure the developmental needs of the local markets are met while maintaining policies that allow for oil sector investment in these economies and accelerating the adoption of industry practices that enhance safety and environmental protection. The MOU will facilitate collaboration between API and AEC members in several areas, including: Development of training programs and seminars Coordination, collaboration and sharing of the natural gas and oil industry’s good practices for environmental, health, safety, security and sustainability Organization of joint forums, conferences, roundtables, workshops, about energy issues and the continued multifaceted uses of natural gas and in the world’s energy future “Our association with API is a milestone for the work we do, and we are confident we will see American ingenuity – a key component of the partnership between African producing nations and IOCs – at its best,” US-Africa committee Chair of the AEC Jude Kearney said. “America has a tried, true and tested tradition of developing and deploying best-in-class standards, and industrial ingenuity to safely develop natural resources in America and around the globe. We also have a proud history of partnering with the earliest oil producing countries in Africa to create stable petroleum sectors and sustained economic contributions. Our goal is to work with the API to further support African nations and businesses to build technical capacity, harmonize standards and attract investment to help Africans monetize their resources and combat energy poverty while growing their economies while prioritizing safety and the environment.” Given the economic and transformative potential which Africa’s natural gas and oil industry holds – including the focus on human capital growth, supply chain development and local and international partnerships for talent and infrastructure development – the AEC is determined to place this collaboration at the forefront of its mission. API represents all segments of America’s natural gas and oil industry, which supports more than ten million U.S. jobs and is backed by a growing grassroots movement of millions of Americans. Our 600 members produce, process and distribute the majority of the nation’s energy, and participate in API Energy Excellence (https://bit.ly/2QV6gNN), which is accelerating environmental and safety progress by fostering new technologies and transparent reporting. API was formed in 1919 as a standards-setting organization and has developed more than 700 standards to enhance operational and environmental safety, efficiency and sustainability. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. Access Multimedia Content About the African Energy Chamber NPC: Established in 2018 to promote sustainable investments and best practice in the African Energy Industry, the African Energy Chamber (AEC) brings together stakeholders from multiple African and global jurisdictions who are interested in energy matters across the entire energy value chain. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  24. Wax badan ayay ku kala duwan yihiin himilooyinkii siyaasadeed ee asaasayaashii Puntland iyo meesha ay Puntland maanta u socoto. Madaxweynayaashii Puntland soo maray iyo madaxweynaha hadda xilka haya. Puntland waa maamul 22 jir ah. Hal sano ayuu ka weyn yahay dowladdii kacaanka, oo 21 jir iyadoo ah soddon sano ka hor jabhado ay afgambiyeen. Tixraacii dowladeed ee kacaanka meel laguma oga; waa sababta dowladdii ku meelgaarku 2009kii u saxiixday heshiis muran galiyay badda Soomaaliya. Tixraacyadii maamul ee Puntland tan iyo 1998kii i waa la heli karaa. Taasi macnaheedu waa saameynta siyaasadeed ee Puntland laguma soo koobi karo dowlado isbedbedalay. Madaxdii Puntland asaastay way ogaayeen in dadka dhulkii gaari-waa loo yiqiin u soo hayaamay yihiin barakacayaal haysta dhowr iyo toban sano si looga badbaado in Puntland isu beddesho maamul siyaasaddiisu ku salaynsan tahay beelo kala sadbursi ku loollamaya inkastoo casriyowgu (modernity) diidayo in maamul dad ka dhexeeya lagu qotomiyo habkii Soomaalidu u wada noolaan jirtay ka hor inta aysan dowladdu yeelanin awoodda maquuninta (coercive power). Xididdada ismaandhaafka siyaasadeed u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland lama garan karo haddii taariikhda siyaasadeed ee Puntland aan hoos loo eegin. Puntland ma aha maamul garmaqaateyaal asaaseen. Laba kala-wareeg taariikheed (turning points) baa soo maray Puntland. Kan kowaad waa markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iscasilay Diseembar 2008dii. Wuxuu ka tagay fulin iyo xeerdejin isu dheellitiran; kama tagin maamul siyaasi ama beeshiisu ku adeegan kartay. Waxaa beddelay maamul gacanta ku hayay xeerdejinta iyo fulinta; waxaa maamulkaas beddelay mid kala mid ahaa awood-urursiga – fulinta oo ka awood-badan xeerdejinta; waxaa sii beddelay dowladda hadda joogta oo sii kobcisay awood-urursiga. Puntland tusaale uma noqon maamul-daadejin; kaalinteedu waxay ku koobnayd u qareemidda habka federaalka. Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) ayaa 2003dii iftiimisay baahida loo qabo dib u curinta habka siyaasadeed Puntland oo markaas ku salaysnaa awood-qeybsi beeleed xitaa marka garsoore la magacaabayo. Kan labaad waa go’aankii Puntland ugu ololaysay ka bixitaanka ku meelgaarka si dhidabbada loogu sii adkeeyo habka federaalka. Madaxweeyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sameeyay laba tanaasul lala garan waayay. Wuxuu gebi ahaanba awooddii siyaasadeed gacanta u galiyay dowlad aan ku meelgaar ahayn hase ahaatee gacanta u gashay koox gaar ah. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud heshiis si gaar ah wax loogu siinayo Somaliland ayuu saxiixay halka Puntland aysan heshiis kaas la mid ah raadsanin inkastoo ay tahay maamul hoos taga dowladda federaalka. Sidoo kale Faroole wuxuu tanaasul u sameeyay maamulkii Khaatumo uu metelaad ka helay Barlamaankii Federaalka. Faroole waa lagu eedayn karay inuu ku tuntay Cahdigii Puntland markuu Khaatumo u aqoonsaday maamul jira inkastoo madaxdii Khaatumo iyo xildhibaannadiiba garan waayeen culeyska xilka matalaadda ay qaadeen. Waxaa kale oo Puntland seegtay fursaddii dimuqraaddiyeynta oo ay saamileyda siyaasadeed badankood ka hor yimaadeen 2013kii si ay ugu sii jiraan habka siyaasiyiintu ugu kaltamaan qabsashada madaxtooyada Garoowe. Quusasho siyaasadeed Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu khudbaddiisii ugu dambeysay uu ka jeediyay Garoowe ku sheegay in dadkii reer Puntland la kexeystay. Muu sheegin cidda kexeysatay iyo meesha dadka loo kexeystay. Quusashada dadka Puntland badankood kama wada iman maamuldarro Deni uu sameeyay; waxay ka timid dhibaatooyinka siyaasadeed uu Deni ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay: baarlamaan hoos taga fulinta; deked la kireeyay wadatashi la’aan; hantidii dowladda sida xeryaha oo laga iibiyay ganacsato, iyo ciidanka Putland oo weli hab beeleed u abaabulan. Maamulkii Cabdiweli Gaas wuxuu kala mid ahaa maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida loogu takrifalay hantidii maguurtada ee dowladda (iibinta iyo kireynta guryo iyo dhul dowladdu leedahay, tusaale ahaan). Dowladdii Federaalku waxay muujisay sida talada dalku gacanta ugu geli karto koox aan lala xisaabtami karin oo hantida Soomaaliya u taal dibedda si qarsoodi ah u soo daadgureysay, dhigtay bangi Turkiga ku yaal, tirtirtay heshiiskii ciidankii Itoobiya Soomaaliya lagaga saaray si ciidammada Itoobiya ugu adeegaan dowladdii federaalka ka hor 2017kii. Markii uu booqday Gaalkacyo 2015tii Madaxweyne Gaas wuxuu dadka u sheegay inay qaxaan ama iska celiyaan Al-shabaab. Sidee dad shacab ah iskaga dhicin karaan urur siyaasadeed-diimeed leh dhisme hay’adeed iyo awood uu ku geysan karo dilal qorsheysan? Qofna kama hadlin hadalkii gefka ahaa uu Gaas Gaalkacyo ka sheegay. Waa maalintii Puntland qaadday waddada ay maanta hayso. Gaas wuu ku doodi karaa in hab siyaasadeedka Puntland uu siiyay inuu qaato go’aammo lid ku ah danta dadka Puntland. Wuxuu isku dayay dib u habeyn ciidan; wuu ku hungoobay waayo saraakiisha tirin la’aanta ciidanka ka macaashayay ayaa qorshihii Gaas ka hor yimid. Wuxuu ku dadaalay in Puntland isu xilsaarto ku midaynta maamul federaaleedyada dheellitirka awoodda dowladda dhexe. Waxaa si degdeg ah u xumaaday xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ismaandhaafka dowladda Puntland iyo dowladda federaalka ayaa saameeyay xuquuqda waxbarashada ardayda Puntland iyo xuquuqda ciidammada kala duwan ee Puntland oo bannaanka ka taagan dib u dhiska ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya. Ka qeybgalayaashii shirkii 2018kii lagu asaasay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada waxaa maanta weli xil haya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Kaalintii ururkaas waxaa beddelay isbahaysiga Badbaadinta Qaranka ay Deni iyo Axmed Muqdisho kaga dhawaaqeen. Ku loollanka dib u qeexidda habka federaalka Puntland ma aha maamul ku salaysan dhaqaale dagaal. Waa maamul dad soo barakcay ay hoos ka soo dhiseen. Waxaa isdiiddan danta dabaqadda siyaasadeed ka hantiyeysatay qasnadda dowladda iyo danta dadka Puntland u dhaqaaqa kasbashada dakhli aan booli ahayn maalin kasta. Sida guddi loo saaray dhowaan u kuurgalista hoos u dhaca shilinka Soomaaliga Puntland daabacatay uu soo bandhigay, waxaa Puntland ka jira laba sarrif – kan suuqa iyo kan dowladda wax lagaga iibiyo. Waa sababta dad badani dan ugu arkeen inay dowladda wax ka iibiyaan waayo sarrifka dowladda wax lagaga iibiyo wuu ka sarreeya kan suuqa, oo waa sarrif xaalufiya qasnadda dowladda. Taas waxaa dheer, Puntland taariikh ahaan, waa maamulkii ugu horreeyay oo nabadsugid ka sameeyay Soomaaliya 2002dii xilligaas oo aysan jirin kooxo diimeedyo hubeysan. Markii Faroole talada qabsaday Janaayo 2009kii wuxuu ku dhaqaaqaay wax ka qabashada nabadsugiddii Puntland oo gebi ahaanba ka madaxbannaanayd dowladda Puntland. Weli dhibaatadii ciidammo amni loollan uu ka dhexeeyo oo uu shisheeye wax siiyo ayaa taagan. Puntland waxay u digorogatay fidinta hab siyaasadeed halis ku ah ujeeddooyinka habka federaalka oo ay asaasayaashii Puntland u arkayeen mid lagu ilaalin karo midmimada siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Habka federaalka Puntland doonayso waa mid beelaha siinaya awood ay ku maamulaan kaabayaasha qaranka, heshiis kula galaan shirkado ama dalal shisheeye. Sidee Soomaaliya oo ah qaran u oggolaan kartaa in maamul federaaleedyadu u dhaqmaan sida maxmiyado? Sida ay halis u tahay in awooddu ku ururto gacanta hal koox heer dowlad dhexe ayay halis u tahay in awoodda heer maamul xubin federaal ay ku ururto hal koox hayb beeleed ku caanomaasha. Waa siyaasad ka soo jeedda dowladdii federaalka ka hor 2017kii waayo maamulkaas ayaa fududeeyay heshiisyo kaabayaasha qaranka lagula galay shirkad dowladda Imaaraadka Carabtu leedahay inkastoo dowladda hadda jirta ay ka soo horjeeddo heshiisyadaas. Su’aashu waa: ma Puntland baa heshiisyo aan dan u ahayn Soomaalida wadata mise waa isdabamarin siyaasadeed dowladda federaalka Soomaaliya ay dhiirrigelisay ka hor 2017kii? Halis baa jirta ah in dowladda federaalku, sida hore u dhacday, noqon karto aalad siyaasiyiin aan lala xisaabtami karin ku adeegtaan. Mabda’a ah in fulintu aysan ku adeeganin xeerdejinta iyo garsoorka waa mid aan weli dhaqangelin heer dowladda dhexe iyo heer dolwad xubin federaalba. Waa in dowladda federaalku dhigto tusaalaha kala ilaalinta awoodaha si maamullada xubin federaal ugu daydaan. Halganka siyaasadeed wuxuu u dhexeeyaa laba kooxood: koox u xusulduubaysa sarreynta awoodda beelaha u abaabulan maamul federaal ahaan iyo koox sarreynta awood urursiga dowladda dhexe taageersan. Kooxdii aragtideedu guuleysato ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonta siyaasadda Soomaaliya muddo dheer. Liibaan A. Axmad Libahm@gmail.com The post Sababaha Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Isu Maandhaafeen appeared first on Puntland Post.