-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhismaha Capitol-ka ee Mareykanka ayaa la xiray kadib markii gaari la jiirsiiyay labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Mareykanka, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin u hadashay Ilaalada Xarunta. Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay Toogtteen Qof lagu tuhmayo in uu weerarkan uu geeystay , iyadoo Isbitalka la geeyay Sarakisha la dhaawacay . Ugu yaraan hal qof ayaa la toogtay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Waaxda Dabka iyo EMS ee Washington DC. Wargeysyada Washiton ayaa soo wariyay in darawalku uu middi kaga booday gaariga ka dib markii uu gaariga ku dhuftay xayndaabka laga galo Capitol . Darawalka ayaa markaa weeraray mid ka mid ah askarta, markaas oo askartu ay toogteen tuhmanaha, sida ay goordhaw Shaaciyeen Booliska Washiton DC. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ay dood ka taagan tahay qaabka loo sugayo amniga shirka berri ka dhacaya teendhada Afisyoone, ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, ayada oo weli aan farsamo ahaan la isku fahmin. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo mabda’ ahaan la isku raacsan yahay in Amisom ay sugto amniga guud, haddana ay dood ka taagan ilaalada gaarka ah ee madaxda la galeysa goobta shirka, taasi oo weli laga wada-hadlayo. Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in laba kulan oo saraakiisha AMISOM iyo QM ee qaabilsan sugitaanka amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Villa Somalia iyo kuwa Jubaland iyo Puntland aan weli heshiis rasmi ah looga gaarin qaabka loo sugayo amniga teendhada madaxdu ku shireyso. Waxyaabaha weli aan la isku raacin waxaa ka mid ah tirada ilaalo ama ciidanka dharcad ee qolo kasta loo ogolyahay inay teendhada shirka la tagto. Saraakiisha AMISOM ayaa wada dadaal la isugu keenayo labada kooxood ee kala mataleysa Villa Somalia iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ka hor inta aan shirka berri barqadii furmin looga heshiiyo qaabka ugu habboon ee amniga gudaha loo sugi karo, iyadoo si guud looga mideysan yahay in amniga guud ay AMISOM la wareegto. Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka aamin baxay Farmaajo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda ay hotelka Maa’ida ku weerareen madaxweynayaashii hore ee dalka 19-kii February, ayaga oo sidoo kalena rasaas huwiyey shacab si nabdoon u dibad-baxayey, waxayna aaminsan yihiin in Farmaajo ay wax kasta ka suurtoobaan.
-
W/Q Saciid Aaden Saciid Bosaso Jabuuti, Imbagaati, Jabuuti markale,Xukuumadii lagu doortay Garoonka Diyaaradaha, Iyo markii u dambaysay ee Teendhada beri lagu balansanyahay lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, Burburkii kadib Dalku marxalado kala duwan ayuu soo maray, Dabcan marwalba oo Doorasho timaado marxalado waan la kulmi jiray waana la xalin jiray, Laakiin maanta waxaad moodaa in ay adagtahay in la xaliyo marxalada hortaagan Doorashada. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Caqliyaystay Xiligii Kacaanku Dalka hogaaminayay, Kacaankii oo Dalka jooga ayaana Dalka ugu dambaysay, Wakhtigii yaraa ee uu Raysal wasaaraha ahaa, Isagoo Raysal wasaare ah, muran badana jiro ayaa laga kari waayay Iscasil markii xal kale la waayay, wixii ka dhacay waynu wada ogayn, waxay aakhirkii tagtay in Diyaarad lasaaro oo Kampala lageeyo, halkaasna Xilkii looga tiriyay. Xaqiiqda Jirta hada , Madaxweyne Farmaajo Dadba uma arko Raga doonaya inay la tartamaan, iska daa inay la tartamaane, ma uu jecla inuu qol la fariisto, wuxuuna u arkaa Rag aan u qalmin inay Dalka hogaanshaan, waxaa lagasoo xigtay mid kamida la taliyayaashiisa inuu yiri “ Deni Kursiga ma rabee muu Garowe isaga laabto”. Madaxweyne Farmaajo laba arimood mid in loo sambeeyo mooye waxba socon mayaan,Xaqiiqatan Waa labada Arimood ee uu doonayo, 1- In Xilka loo kordhiyo 2- In loo qabto Doorashada uu rabo oo ah mid kaligiis tartamaya, Kaarka codbixintana noqdaa sidaan Haa, (Waan rabnaa Madaxweyne Farmaajo) Maya , Ma rabbo Horay waxaa looga hayaa Madaxweyne Farmaajo inuu yiri “ Dalkaan Madaxweyne nooma dhexayn Aniga iyo Maxamed Siyaad Bare “ Waxaan filayaa in qaarkiin Xasuustaa Doorashadii 1986-dii, waa tii tuu rabaa Madaxweyneheenu.. ee Odayga labadaas mid ha loo yeelo, The post odaygu laba Arin buu mid rabaaye, maa mid loo daayo appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-Habeen-242021.mp3 View the full article
-
International Monetary Fund (IMF) has granted Somalia $970,000 additional interim assistance on lapse time basis under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo World Bank, kaasi oo u qabsoomay habka fogaan arragga. Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa waxa kale oo ka qeyb-galay dhamaan Wasiirada maaliyada ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay furitaanka shirkaas. Beyle ayaa shirkaas kadib, si gaar ah kulan ula yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee qaarada Afirka, Hafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF, Kristalina Georgieva oo ayagu qeyb ka ahaa shirkii maanta furmay. Kulankaan gaar ah ee dhex-maray sii-hayaha wasiirka maaliyada iyo mas’uuliyiintaan ayaa waxaa diirada lagu saaray dib u habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19. “Dadaalladii mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa ay inoo fureen Albaabada caalam iyo garab istaagga Soomaaliya,” ayuu yiri Beyle oo kulanka kadib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Dhawaan unbey aheyd markii Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ay ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya. Guddiga fulinta IMF ayaa dabayaaqadii bishii hore ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad ah ku kordhinaya cunaqabateynada Mareykanka uu kusoo rogay Soomaaliya, kuwaas oo ay horey u saxiixeen madaxweyne Obama iyo Trump, sida uu sheegay Aqalka Cad. “Xaaladda Soomaaliya waxay weli halis aan caadi aheyn kusoo rogeysaa amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden. “Sababtan darteed, xaaladda deg degga ah ee la saaray Soomaaliay April 12, 2010, iyo tallaabooyinkii la qaaday July 20, 2012, waa inay sii socdaan marka la dhaafo April 12 2021,” ayuu yiri Biden oo muddo hal sano ah ku kordhiyey amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay E.O 13556. Amarka E.O 13556 ayaa wuxuu cunaqabteyn saarayaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha loo arko inay halis ku yihiin amniga Soomaaliya, ee ay shaaciyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka. Waxa uu sidoo kale mamnuucayaa in si toos ama aan toos aheyn loo halis geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, ciidamada Amisom, ama in si wax is-daba marin ah loo isticmaalo hantida Soomaaliya. Amarkan ayaa sidoo kale reebaya in la is-hortaago gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dadka Soomaalida ee u baahan. Wuxuu beegsanayaa shaqsiyaadka loo arko inay amraan ama ka qeyb qaataan ficillo rabshado oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan dilka, kufsiga, xadgudubyada jinsiga ku dhisan, weerarada iskuullada iyo isbitaalada, afduubka iyo barakicinta. Amarka ayaa sidoo kale diidaya inay hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa militari ee Soomaaliya ay caruurta u qortaan askar ahaan, iyo in si toos ama aan toos aheyn loogu lug yeesho u dhoofinta ama ka dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya, iyo qodobo kale. Amarkan waxaa horey loogu beegsaday oo uu xayiraado ugu soo rogay ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad badan oo kooxdaas ka tirsan ama ka tirsanaa. Kordhinta xayiraadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli Farmaajo uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa, islamarkaasna illaa hadda lagu heshiin la’yahay qaabka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waday cadaadis ay madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareyso sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya. Mareykanka oo horey ugu hanjabay siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa qodobkan ku beegsan kara cid kasta oo loo arko inay halis ku tahay amniga Soomaaliya.
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku wargelisay arrimo la xariira dib u bilaabidda qabashada codsiyada baasaboorka, kaasi oo la bilaabayo 4ta bishan April. Halkan ka Akhriso War-Saxaafadeedka ka soo baxay hay’adda Socdaalka. View the full article
-
Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida waxay sabtida ku balamisay shir ka dhici doona Afisyooni, waa markii ugu horeysay ay fool-ka-fool isku arki doonaan Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Haddaba shirkaasi waxaa waxaa siyaabo kala duwan ugu hadlay Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedka Puntland. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo Madaxda dowlad gobaleedyada Ugu baaqay Shir in ay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida oo bishu tahay 3da April 2021 Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga. “Maamulka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in shirkan ay qaban qaabadiisa leedahay Beesha Caalamka uuna furmi doono 3 bisha April . Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada. Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 april, 2021, dib loo bilaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%). Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u xayirnaa qaadashada baasaboorada oo la xayiray muddo badan. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
-
Muqaalo la helay oo muujinaya Xasuuqay Ciidamada Itoobiya ka geysteen Gobolka Tigray Baaritaan uu sameeyey barnaamijka BBC ee Africa Eye ayaa soo saaray macluumaad muujinaya ciidamada Itoobiya iney xasuusq ka geysteen waqooyiga dalka Itoobiya. Waxay sida oo kale soo saareen gooba xasuuq uu ka dhacay oo ugu yaraan lagu dilay 15 qof Daawo:Muuqaal muujinaya askari tuutaha dowladda xiran oo tooganaya qof shacab ah oo aan hubeysneyn Horraantii bishii March waxaa baraha bulshada si weyn u dhex socday muuqaallo goosgoos ah oo muujinaya rag xiran tuutaha ciidamada oo ku soo baxay dad rayad ah oo aan hubeysneyn, kaddibna dadki rasaas ku furaya dadki dhintayna gabi ka tuuraya. Qof rayad ah oo aan hubeysneyn oo dhar shacab xiran oo dhulka yaalla ayaa la arkayaa waxyar un kaddib marki uu xasuuqa billowday BBC waxay xaqiijisay goobta uu xasuuqa ka dhacay iney ku dhowdahay magaalada Mahbere-Dego oo ku taallo waqooyiga deegaanka Tigraay, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF. Dagaalka oo billowday bishii November ee sanadkii hore xilligaasi oo ay dowladda Itoobiya dagaal ka dhan ah TPLF degaankaasi ka billowday kaddib marki uu ra’isal wasaare Abiy Axmed uu TPLF ku eedeeyey maleeshiyaad daacad u ah iney weerareen saldhig ciidan oo halkaasi ku yaallay. TPLF ayaa si weyn uga soo horjeestay xukunka Abiy Axmed oo awoodda dowladda dhexe uu ku ballaarinayo. Maamulka deegaanka Tigraay wuxuu sheegay dagaalka deegaankaasi ka dhacay ilaa hadda iney ku barakaceen dad ka badan laba malyan oo qof, dad ka badan 4 malyan oo qofna ay gargaar bani aadaminmo u baahdeen. Muuqaallada goobaha Kooxda baaritaanka sameysay ee BBC Africa Eye waxay si wadajir ah u wada shaqeeynayeen falanqeeyayaal ka socda warbaahinta Bellingcat iyo Newsy, si ay u qeexaan goobaha rasmiga ah uu xasuuqa ka dhacay. Dadki ugu horreeyey ee muuqaalka ku baahiyey baraha bulshada waxay ku doodayaan in muuqaalkaasi laga soo duubay meel u dhow magaalada Mahbere-Dego. Barnaamijka Africa Eye wuxuu falanqeyn dheeraad ah uu ku sameeyey goobaha muuqaalka ka muuqdo sida waddada ka muuqato, buuraha, iyo togagga kaddibna waxay isbarabar dhigtay sawirro dhanka dayaxgacmeed looga qaaday agagaarka magaaladaasi. Sawir muuqaalka laga soo qaatay iyo sawir dayaxgacmeed lagu qaaday oo isbarbar dhig lagu sameeyey Jihada iyo dhererka hooska ay bixiyeen ragga hubaysan ayaa gacan ka gaysatay in la tilmaamo waqtiga iyo maalinta ay u badan tahay iney arrintaasi dhacday wuxuuna isbarbardhigga sawirka uu muujiyey aagga dhacdadaasi inuu ku beegan yahay waqooyi-koonfur, taas oo Afrika Eye u suuragelisay inay aqoonsato goobta ay suuragalka tahay iney wax dhaceen. Sawirka muuqaalka ku jiray ayaa la dulsaaraya khariidadda juqraafi ahaan deegaankaasi muujineysa taasoo u muuqato iney si aad ah iisu waafaqeen. Waxaana deegaankaasi si gaar ah u sii xaqiijiyey togga qallalan ee agmarayo, dhulka doogga ah iyo dhirta meesha ka muuqata. Muuqal laga soo qaaday fidiyoowga oo la dul saaray sawir 3D ah si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha goobta Dhulka cagaaran ee fidiyoowga ka muuqda oo la dul saaray sawir 3D ah BBC waxay khadka taleefanka ay kula hadashay qof deggan magaalada Mahbere-Dego, waxayna sheegeen ciidamada Itoobiya bishii January ee sanadkan 73 qof iney ka kaxeysteen magaalada iyo nawaaxigeeda, seddex ka mid ahna ay yihiin ehelada qofka taleefanka lagula hadlay. Wuxuuna qofkaasi sheegay ilaa iyo hadda dadkaasi wax war ah iney u hayn. BBC waxay sida oo kale la hadashay dad ku nool tuulo magaaladaasi dersi la ah wuxuuna sheegay dadka xasuuqa ay ciidamadu u geysteen inuu ka mid yahay walaalkii. Wuxuuna sheegay dilka inuu ka dhacay Mahbere-Dego isaga ooo sheegay xilliga ay arrintaasi dhacday inay ahayd January 2021. “Waxay ku dileen buurta dhexdeeda” ayuu yiri. Aqoonsashada ragga hubeysan iyo dhibbanayaasha Africa Eye uma suuragelin iney aqoonsato shaqsi ahaan ragga hubeysan waxa ay yihiin balse iyada oo ka duuleyso muuqaalka ay heshay waxay baaritaan qoto dheer ku sameeysay direyska ay xirnaayeen ragga hubeysan, oo uu ka muuqdo astaanta ciidamada dalkaasi Itoobiya calanka dalkaasina uu ka mauuqdo taasoo muujineyso raggaasi iney ka tirsan yihiin ciidamaa qalabka sida ee Itoobiya. Astaamaha kale ee muujinaya iney ciidamadu yihiin kuwa Itoobiyana waxaa ka mid ah tolmada direyska iyo jeebabka direyska sida ay u yaalliin. Mid ka mid ah ragga hubeysanna wuxuu xirnaa koofiyad cagaaran oo astaan ay ka muuqto koofiyaddaasi oo ay qaataan ciidamada Itoobiya. Astaamaha kale ee muujinaya ciidamada iney yihiin kuwa Itoobiya Ragga hubeysan waxay ku hadlayeen Amxaariga, oo ah luuqadaha rasmiga ah ee Itoobiya looga hadlo. Shanta muuqaal ee ay BBC heshayna waxaa ka muuqda ciidammo dhowr ah oo mel ku uruursan oo Af-Amxaari ku wadahadlaya qaarkoodna ay dhulka fadhiyaan. “Dadkan midkoodna ma deyneyno. Midkoodna waa inaan loo turin,” ayuu leeyahay cod laga maqlayo muuqaalka la helay. “Waa inaan muuqal ka duubnaa, si loo arko dadkan sida ay u dhinteen,” ayuu midkalana leeyahay. Muuqaallada kale afarta ah waxaa la arkayaa qof rayad ah oo askari qori ku aaddiyey oo buur dusheed saaran iyo askari dhowr qof dilaya kaddibna meydadka gabi ka tuuraya. Isla-muuqaalka dhexdiisa waxaa lagu arkayaa askariga oo rasaas ku riday qof dhar shacab ah xiran oo aan sidaa uga fogeyn. Waxaa sida oo kale la maqlayaa iyaga caayayay oo ku jeesjeesaya kuwa dhintay. “Waxaan jeclaan lahaa inaa gaas ku shubo oo aan meydkooda gubo” ayuu midkalana leeyahay. “Wey wanaagsanaan lahayd in meydadkooda gaas lagu shubo oo la gubo, loona gubo sida ay Hindidu meydka u gubaan oo kale”, ayuu yiri midka kale oo ninki hore u jawaabaya. Qofka rayadka ah ee dharka caadiga ah xiran ee dilka loo geysanaya qofka uu yahay lama oga. Balse waxaa la maqlayaa oo keli isaga oo afka Tigreega ku hadlaya. Sida muuqaalka laga dheehan karana ninkan ay ragga hubeysan dilayaan waxay u nisbeeynayaan inuu ka tirsan yahay TPLF. “Waa gabagabadi wayaanaha” ayuu yiri mid ka mid ah ragga hubeysan oo hadalkaasi ula jeedo TPLF. “Wax naxariis ah uma galeyno.” Goob ay ku sugan yihiin dad ka soo barakacay dagaalka Tigraay Laetitia Bader, oo ah agaasimaha hay’adda Human Rights Watch waxay BBC u sheegtay Kormeerayaasha hay’addu iney arkeen “xadgudubyo baahsan” oo ka dhacay gobolka Tigraay bilihi la soo dhaafay, laakiin muuqaalka wuxuu ahaa “mid cabsi leh”. “Waxaan arkeynaa nin aan hubeysneyn oo maxbuus ah oo si bareer ah loo dilaya,” ayey tiri. “Xaqiiqatan arrintan waa mid u baahan baaritaan dheeraad ah, sababta oo ficillada aan muuqaalka ka dheehaneyno waxay noqon karaan dambiyo dagaal.” BBC caddeymaha ay soo uruurisay waxay u gudbisay dowladda Itoobiya, hase yeeshee, bayaan ay ka soo saartay arrintan waxay ku sheegtay “waxyaabo la soo dhigay baraha bulshada inaan caddeyn ahaan loo qaadan karin”, waxayna dowladdu intaasi ku dartay deegaanka Tigraay inuu u furan yahay baaritaannada madaxa bannaan. Baaritaanna waxaa sameeyey Aliaume Leroy, Giancarlo Fiorella (Bellingcat), iyo Jake Godin (Newsy). Waxaa sida oo kale amuurtan ka soo warramay Daniel Adamson, Joel Gunter, Chiara Francavilla, Bertram Hill, Carlos Gonzales, Mohammed Osman, iyo Samir. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-Duhur-242021.mp3 View the full article
-
Washington (Caasimadda Online) – Waxaa la diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump, warbaahina ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ay tallaabadaas qaadeen. Labadaan sarkaal waxey Donald Trump oo doorashada looga adkaaday ku sheegeen inuu huriyay weerarkii dhimashada sababay ee 6-dii January 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Sidoo kale waxey gal dacwadeedka ku sheegeen in Donald uu mas’uul ka ahaa dhaawac jir iyo mid maskaxeed oo kasoo gaaray weerarka. James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, ayaga oo raadinaya madghow gaaraya ugu yaraan $75,000 midkiiba. Donald Trump wuxuu hadlay ka hor doorashadii dhacday 3-dii Novmber iyo kadib, taas ayaana la leeyahay waxey noqoneysaa qiilka dacwadda. Waxaa dacwadda lagu sheegay in Trump uu hurinayey rabshado intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxweyne ee 2020, sidoo kalana uu xoojiyey beentiisa ah in doorashada lagu shubtay, kadib markii uu guuldaro kala kulmay Joe Biden. Trump horey ayuu beeniyey inuu mas’uul ka ahaa dibad-baxyadii lagu galay xarunta oo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro sarkaal boolis, balse waxaa lasoo warinayaa hadda in dacwad laga gudbiyay, taasoo la sugi doona waxa kale ee xigi doon.
-
Koox hubeysan oo aan la-garaneyn ayaa degmada Baladxaawo saacadihii la soo dhaafay waxa ay ku dileen Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye, xili uu ku sugnaa magaaladaasi. Laamaha amnigadDegmada ayaa haatan wada baaritaanno la xiriira dilka nabadoonka, kuwaasi oo goobta falka dilka ah ka dhacay soo gaaray. Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Xaashia yaa ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, wuxuuna ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta. View the full article
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo dhoweysay dadaalka beesha caalamka ee ku jihaysan xallinta muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in beesha caalamku qaban-qaabisay in Sabtida la isu’gu yimaado kulan hordhac u ah shirka doorashooyinka. Shirka dhex-mari doona dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ujeedkiisu yahay sidii Is-afgarad looga gaari lahaa Ajandaha shirka guud. View the full article
-
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhiigay koox ka dambeysay dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista ee gobolka Mudug . Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale wadaan baaritaanno laga fulinayo xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Guddoomiyaha ayaa ka codsaday waalidiinta in ay Laamaha amniga la wadaagaan xogaha quseeya amniga, isla-markaana gacan ka geystaan sugidda xasiloonida gobolka. View the full article
-
Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa hal sano saxiixay, isla markaana hal sano ku kordhiyey cunaqabateya dhaqaale ee horay Soomaaliya u saareen Obama iyo Trump. Biden oo arrinkan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri” Xaaladda ka jirta Soomaaliya, waxaa uu weli khatar weyn oo aan caadi aheyn ku yahay amniga qaranka iyo siyaasada arrimaha dibadda Mareykanka” Sidaa darteed waxaa uu Biden intaa ku daray “ in hey’adda xaaladaha degdegga ah ay soo rogtay on April 12, 2010, iyo talaabooyinka la qaaday July 20, 2012, waxaa waajib ah iney socdaan dhaqangelintooda kadib April 12, 2021.” Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni has welcomed the electoral summit organised by Federal Government of Somalia although he described it as the initiative of the “International Partners.” President Deni proposed a “consultative conference and an inclusive agenda”, two demands that are likely to derail the electoral talks. The International Community called on political stakeholders to finalise the 17 September electoral model in line with Baidoa recommendations. Jubaland and Puntland are seeking renegotiation of the 17 September agreement despite concessions from the Federal Government to return to indirect elections demanded by Puntland and Jubaland Presidents. The concession led to the abrogation of the Electoral Law that was to be a basis for one person, one vote elections. Further delays through a new consultative conference create complications given the position of Puntland and Jubaland to include the legitimacy of the Federal Government in the talks. “Term extension is on the cards if Puntland and Jubaland continue to filibuster the electoral talks. The role of the International Community has been to avoid being accused of being partial although some ambassadors have questioned the sovereignty of Somalia by raising objections to possible term extension by the Parliament if talks fail again” said Ahmed Ismail, a political commentator in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Proposes Consultative Conference on Somalia Elections appeared first on Puntland Post.
-
Jig-Jiga (Caasimadda Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay gaareen Galmudug, Hir-Shabelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la gaaray, kaas oo ku saabsan in la iska kaashado waxyaabo badan oo bulshooyinka saddexda maamul dan u ah. Saddexdaan maamul ee xuduudda leh ayaa ku heshiiyay iney iska kaashadaan la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, haraadiga TPLF iyo sidoo kale in loo midoobo isku dhacyada beelaha daga xadka saddexda maamul. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska. “Wixii is riix-riix ah waa laga hadli karaa, balse looma dulqaadan doono in ay ka faaiideystaan Al-Shabaab, Haraadiga TPLF & iska hor keenidda Beelaha, wixii isku qabsi dhul ah waa in si sharci ah loo maro mana aqbali doono gacan-qaad iyo in qalqal la geliyo xasiloonida” ayuu yiri madaxweyne Mustafa Cagjar. Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri: Waxaa na saaran mas’uuliyadda amniga, dhowrista Soomaalinimada, sidaas oo ay tahay waa muhiim in xoogga la saaro ilaalinta xuduudaha oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo, waxaa aad usoo noq-noqonaya isku dayada Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaq xooggan sameynaya oo loo ekeysiinayo dagaal Beeleedyo” Heshiiskaan saddexda gees leh waxaa lagu saxiixay magaalooyinka Feer-Feer & Wardheer, waxaana si wadajir ah u saxiixay madaxweyne Mustaf Maxamed Cagjar, madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Yuusuf Dabageed iyo wasiirka Amniga dowlad goboleedka Axmed Macalin Fiqi.