Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uga qeybgali doono xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni. Qoraal ka soo baxay madaxtooyda Soomaaliya ayaa lagu sheega in Farmaajo uu kulamo duceedyo la yeelan doono madaxweynaha Uganda iyo madaxda kale ee ka soo qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Museveni, isla markaana uu kala hali doono danaha Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaas. Museveni ayaa markii lixaad bishii January ee la soo dhaafay ku guuleysay doorashadii madaxweynaha, kaddib markii uu helay 58% tirada codadkii la dhiibtay, hase yeeshee Bobi Wine oo ahaa musharraxii la tartamay Museveni oo helay 34% ayaa ku eedeeyay in uu doorashadan ku shubtay. Museveni oo ah 76 jir ayaa Uganda soo xukumayay tan iyo sannadkii 1986. Source
  2. Hay’adda duulista hawada u qaabilsan dowladda Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya. Xayiraadda duulimaadyadan, waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay. Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay, markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in amarka hakinta duullimaadyada uu soconayo ilaa 9-ka bisha Agoosto ee sannadkan 2021, inkastoo aysan xusin sababta ka dambaysa go’aankaas. Wararku waxay sheegayaan, in dowladda Kenya ay si adag uga caraysantahay xayiraadda weli saaran Ganacsiga Qaadka ee loo iib-geeyo gudaha Soomaaliya, sidaas darteedna ay u mamnuucday duullimaadyada. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo hakisay dhammaan duullimaadyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Uganda appeared first on Puntland Post.
  4. Dubai ports giant DP World and Ethiopia’s Ministry of Transport have agreed a $1bn deal to create a trade and logistics corridor from Ethiopia to Berbera in Somaliland. The corridor will be based on the 250km motorway between Berbera and the Ethiopian border town of Wajaale that got under way in 2019 (see further reading). The memorandum of understanding was signed in Addis Ababa on Thursday by Dagmawit Moges, Ethiopia’s minister of transport, and Sultan Ahmed Bin Sulayem, chief executive of DP World. DP World and its partners plan to invest up to $1bn over the 10 years in a range of projects on Ethiopian territory that are intended to maximise the value of the highway by adding “end-to-end logistics services”. These will include dry ports, silos, warehouses, container yards, refrigerated depots, freight forwarding and clearing activities. Sulayem commented at the signing: “We strongly believe that developing the Berbera Corridor into one of the major trade and logistics corridors will unlock huge economic benefits for Ethiopia, and support its ambitious development plans. It will create new jobs, attract new businesses and investment along the corridor, as well as diversify and strengthen the country’s access to international trade.” The sentiments were echoed by Dagmawit. She said the logistics industry was expected to play the “leading catalytic role” in “propelling the country into becoming an African beacon of prosperity”. The agreement envisages the formation of a joint-venture logistics company to carry out operations along the corridor. Ethiopia will also install IT systems and technology along the corridor to ensure the secure transfer of cargo, DP World said. The ports operator is presently investing around $440m to increase Berbera Port’s capacity to 2 million containers a year, with the first phase nearly completed. The highway is expected to be complete by the end of this year. It is being funded by the Abu Dhabi Fund for Development and the UK’s Department for International Development. Source: Global Construction Review The post DP World to invest $1bn in Ethiopian trade corridor to Somaliland’s Berbera Port appeared first on Puntland Post.
  5. Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dhamaan ay hakisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Soomaaliya, xilli xukuumadda Muqdisho ay iyana adkeysay xayiiradda qaadka Kenya . War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karin diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya . Go’ankan ayaana dowladda Kenya Faahfaahin aysan ka bixin, iyadoo war-saxaafadeedka ku sheegtay in kaliya ay aqbalayaan diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) - Kenya has banned all commercial and cargo flights to and from Somalia until August, despite agreeing to restore diplomatic relations just days ago. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Kenya has banned all commercial and cargo flights to and from Somalia until August, despite agreeing to restore diplomatic relations just days ago. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia has announced on Tuesday that the importation of mirra is still prohibited, according to a press release from the Somali Aviation Authority. Source: Hiiraan Online
  9. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweyanaha waqtigiisa uu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka u ambabaxay wadanka Uganda, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ay kasii sagootiyeen garoonka Aadan Cadde. Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Yoweri Museveni, kadib markii lagu casuumay. Safarkan waxaa madaxweynaha ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale. Sidoo kale madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa inta uu ku sugan yahay Kampala kulamo duceedyo la qaadan doono madaxda Uganda iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo qeyb-galaya munaasabadda caleema saarka oo dhaceysaa 22-ka bishan May ee 2021-ka. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Si kastaba madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. The post Madaxweyne Farmaajo oo u safray Uganda + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  10. Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah – ayaa lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ciidamada Yahuudda ay ku qaadeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa halka in ka badan 520 qof dhaawacyo loo geystay , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin . Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta oo warbaahinta la hadlaya ayaa xaqiijiyay in carruurta dhaawaca uu soo gaaray ay ku jiraan kuwa da’dooda ay ka yartahay 10 sano. Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa wuxuu ku eedeeyay kooxda Xamaas inay ka gudbeen “khad cas” oo ay la socdeen gantaalkii ay ku weerareen magaalada Qudus wuxuuna ballan qaaday jawaab adag. Yahuudda ayaana Maalmihi la soo dhaafay si gabood fallo ka baxsan bini aadanimada ka geeystay gudaha masjidka seddaxaad ee ugu barakada Badan Islaamka Al-Aqsa. Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay intii ay socdeen gabood falada xukuumadda Tel Aviv, kuwaas oo ka socda hareeraha xarunta Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Muuqaalo fiidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay booliska Israel oo rasaas nool nool iyo hub kale ku tuurayada Muslimiinta Falastiiniyiinta. Isreal ayaa muddo nus qarni ah weeraro iyo gabood Fallo caalamku ka aamusan yahay ku wadda Muslimiinta Falastiin. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa diiday codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dooneysay in la bedelo oo dib loo dhigo ergeyga sarre ee uu ururka usoo diray inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay ururka ku dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay guddoomiyaha guddiha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya. Dowladda ayaa sababta ku sheegtay in John Mahama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, islamarkaana danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey. Dowladda ayaa sidoo kale codsatay in bedelidda ergeyga ka sokow, sidoo kale dib loo dhigo in ergey ka socda ururka uu yimaado Muqdisho, ayada oo ku dooday in fursad la siiyo wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble la gelayo madaxda dowladda goboleedyada, ayna suurta-gal tahay in lagu heshiiyo oo aan ergey loo baahan. Hase yeeshee ururka ayaa ku gacan seeray codsiga dowladda federaalka ah, kuna adkeystay in John Mahama uu dhowaan iman doono Muqdisho. Ilo diblomaasiyadeed oo ururka ku dhow ayaa laga soo xigtay in Ururka Midowga Afrika uu u sheegay madaxda dowladda in soo dirista iyo magacaabista ergeygan aan markii horeba lagala tashan dowladda, ee ay isku soo raaceen dalalka Midowga Afrika, sidaas darteedna aysan dowladda saameyn ku yeelan karin howshiisa. Waxay intaas ku dareen in arrintan loo arkay isku day ay madaxtooyada Soomaaliya ku fashilineyso dadaallada dhex-dhexaadinata Midowga Afrika. Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho. Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta. Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Xog: Muxuu Midowga Afrika ka yiri codsigii DF ee ka dhanka ahaa ergeyga cusub? appeared first on Caasimada Online.
  12. More than a dozen Palestinians have been killed in Israeli air raids on the besieged Gaza Strip, according to the Palestinian health ministry, after Hamas launched rockets from the coastal territory towards Israel. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU- The Somali National Army (SNA) said Monday that its forces killed 10 Shabab militants in an operation in Hiran, a region in the central part of the country. Source: Hiiraan Online
  14. What do you think of when you hear the word “desertification”? Sand dunes slowly encroaching on bountiful farmland? The Sahara and Gobi taking over Africa and Asia? Rivers and streams drying up? That’s certainly part of it. But the key impact of desertification is the degradation of land Source: Hiiraan Online
  15. Through her writing and photography, 17-year-old Rayan Mohamed is a storyteller. Source: Hiiraan Online
  16. In an interview with his younger self, Said Shaiye, a Somali-American writer in Minneapolis, writes around his past by changing subjects and blending genres. Source: Hiiraan Online
  17. Yusra Arab, a policy advocate, mental health practitioner, and community organizer, has announced her intention to challenge incumbent Cam Gordon in Ward 2 of the Minneapolis City Council. Source: Hiiraan Online
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay xanibtay lacag gaareysa 35 milyan oo dollar oo loogu talo-galay in wax looga qabto fatahaadda Webiga Shabelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. “Waa nasiib darro in 35 milyan oo dollar oo ay fatahaadaha ugu deeqeyn Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, looguna talo-galay dooxada Shabelle ay xanibeen wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, iyo Beeraha ee dowladda federaalka. Ceeb idin ku dhacday,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Waa markii labaad oo dowladda federaalka ay xanibto lacag loogu talo-galay fatahaadaha, ayada oo laba sano kahor lacag sidan oo kale ay u xanibtay oo ka timid Jabuuti ay fadeexad kala kulantay, ayadoo markii dambe fasaxday. Ma cadda sababta, hase yeeshee wasiirada dowladda qaarkood ayaa la sheegay inay qabyaalad darteed u xanibaan mashruucyada laga fuliyo deegaanada koonfurta Soomaaliya oo aysan kasoo jeedin, si gaar ahna wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo kan Beeraha Siciid Xuseen Ciid. Magaalada Jowhar ayaa maalmihii tegay waxaa ka dhacay fatahaad xooggan oo ay ku barakaceen kumanaan qof, ayada oo ay biyo qarqiyeen magaalada. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin ay soo saartay uga digtay in xaaladda ay kasii dari karto, ayada oo daadad xoog leh ay ka dhalan karaan roobab dhowrkii maalmood ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba. FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobab u culus ay ka da’een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda waxba ka qaban dhibaatada webiga Shabeelle ee Jowhar, ama xitaa aan ka hadal. The post Waare oo shaaciyey in DF ay xanibtay $35 milyan + beegsi lagu hayo degaano gaar ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Sacuudiga oo Gacanta ku dhigay Soomaali &Ajnabi kale oo Daroogo & Qaad gelinayey gudaha dalkaas Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Sacuudiga, Col. Masfar Bin Qanam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 eedeysane oo qaab dhuumaaleysi ah ku gelinayey dalkaas daroogo iyo Qaad Col. Masfar Bin Qanam ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay gobolada Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga oo u dhow Xadka Yemen. Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah. Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah. Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh, waxayna muteysan karaan xukuno culus oo iskugu jira dil ama xabsi dheer. Qaran News
  20. Garbhaarey (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay deegaano dhaca duleedka degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo kale wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib howlgalo ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gobolka Gedo. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanada Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeeleey oo dhammaantood hoostaga degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo. Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin. Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu ahaa “ka hortaga weerarada ay bisha Ramadaan geystaan Al-Shabaab iyo in ay dadka Shacabka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya in ay tahay Zakawaad” sida uu u sheegay warbaahinta dowladda. Ciidamadda ay dowladda Faderaalka Soomaaliya gaysay gobolka Gedo, ayaa howlgallo sidaan oo kale ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, inkastoo Al Shabaab ay dib ula wareegeen markii ay dib uga bexeen ciidanka amaanka Soomaaliya. Xigasho: Mustaqbal Radio The post CIIDAMADA DF ay gaysay Gedo oo qabsaday deegaano appeared first on Caasimada Online.
  21. Iyadoo shalay guddiga KMG doorashooyinka Puntland soo bandhigay tijaabo ku saabsan hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha, ayaa waxa tallabadaas bogaadisay dowladda Sweden. Dowladda Sweden waxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ku hambalyeysay shaqada ay hayaan ee ku jihaysan hirgelinta doorasho ku dhisan hannaanka xisbiyada badan, si shacabka loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan. Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-gelinta codbixiyaasha dhowaan ka bilaabi doonaan saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo bartamaha sannadkan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah. Sidoo kale, horraanta sannadka soo socda ayaa la filaya in dhammaan degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Dowladda Sweden oo bogaadisay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Somalia restored diplomatic relations with Kenya on Thursday after five months following mediation by Qatar led by Emir Sheikh Tamim Al Thani. Somalia’s Ministry of Information said they were resuming the relations “in keeping with the interests of good neighbourliness”. “The two governments agree to keep friendly relations between the two countries on the basis of principles of mutual respect for sovereignty and territorial integrity, non-interference in each other’s internal affairs, equality, mutual benefit and peaceful co-existence,” the statement said. Acknowledging the development, Kenya’s Foreign Affairs ministry said it looks forward to further normalisation of relations by the Somali authorities. “The Ministry of Foreign Affairs acknowledges the continued support that has been extended from the international community, and in particular the government of Qatar, in efforts to normalise the diplomatic relations between Somalia and Kenya,” the release said on Thursday. Somalia is amidst a political standoff over elections, which were said to have led to the severing of relations on December 15, 2020. Mogadishu cited interference in its domestic politics, claims Nairobi denied. There have also been issues over the maritime dispute that is at the ICJ. A week after the severing of ties, presidents Uhuru Kenyatta and Mohamed Farmaajo met in Djibouti for the 38th Igad Extra-ordinary Summit where the matter was discussed. A team was formed to look into the allegations. In a report in January, the team reported there was no evidence to confirm Kenya’s interference. “The commission considers that these grievances, some of which are longstanding, do not appear to it to be sufficient to justify a diplomatic separation between Kenya and Somalia,” the Djibouti-led team said in the report. Late April, Somalia further accused Kenya and Djibouti of interference through their AU Peace and Security Council membership. This was after AU chairman and DRC President Felix Tshisekedi, on Farmaajo’s request, asked the Peace and Security Council to look into the matter. “It has come to our attention that two AUSPC members, namely, the Republic of Kenya and the Republic of Djibouti, are engaged in sinister campaigns aimed t derailing the political process in Somalia by trying to influence the outcome of AUPSC meeting to detriment of the future of the Somali people,” Somalia said in a statement. AU Commission chairman Moussa Faki in December last year had also called for dialogue between Kenya and Somalia to ease tensions between them. QATAR INFLUENCE Signs of white smoke started being seen in March, when President Tshisekedi travelled to Doha on March 28. Qatar’s newspaper The Peninsula reported that other than Qatar-DR Congo bilateral talks, “views were exchanged on a number of regional and international issues of common concern”. On April 19, Farmaajo flew to Kinshasa where he met President Tshisekedi and left. Uhuru arrived the following day. The visits triggered talk of negotiations, but Kenya’s Foreign Affairs PS Macharia Kamau said the trips were not related. However, Horn of Africa analyst Abdi Rashid, noting Tshisekedi had just returned from Doha, said the deal would be for Qatar and DR Congo to mediate Kenya-Somalia tensions, and in return Nairobi extends support to Farmaajo. On Monday, May 3, al Thani through special envoy Mutlaq bin Majed al Qahtani delivered a message to Farmaajo. Al Qahtani is the Special Envoy of Qatar Foreign Minister for Counterterrorism and Mediation of Conflict Resolution. A statement by Qatar’s Foreign ministry said the message pertained their bilateral relations and ways of promoting them, “in addition to the recent political developments in Somalia, and the importance of achieving the national reconciliation in order to realise stability of the country”. On Thursday, President Kenyatta also received a message from al Thani through al Qahtani. Around the same time, resumption of relations was announced in Mogadishu. Source: The Star The post How Kenya-Somalia relations were restored appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2021. Wasaaradda ayaa sheegtay, in maalin Sabti ah oo ku beegan 22-ka bishan May uu bilaaban doono imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, islamarkaana uu soo geba-gaboobi doono 27-ka bishan oo ku beegan Khamiis. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa soo bandhigtay laba warqadood oo muujinaya shaxda jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee labada heer. Hoos ka daalaco shaxda jadwalka labada heer PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay jadwalka Imtixaanka shahaadiga ah ee iskuulada appeared first on Puntland Post.
  24. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha dekedda Garacad oo si isku-tashi ah ku socda, islamarkaana meel geba-gabo ah maraya. Waxa dekedda booqday Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirka duulista hawada, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay. Wasiirada ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan qaybaha kala duwan ee dekedda, waxaana ay warbixin ka dhegaysteen guddiga dhismaha dekedda Wadaagsin iyo shirkadda gacanta ku haysa hawsha dhismaha dekedda. Dhismaha dekeddan ayaa qayb ka ah mashaariic isku-tashi ah oo ka socda gudaha Puntland, kuwaas oo ay ku jirto wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.