-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The effects of COVID-19 have erased economic gains made in Somalia since the drought of 2017 and will be felt for years to come, says a new report launched in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo ku qabsoomay habka fogaan aragga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s army commander, General Odowaa Yusuf Rageh has held talks with Brigadier General Fabiano Zinzon, head of EU mission for Somalia. The military chiefs met at ministry of defense in the capital Mogadishu, discussing on ways to improve trainings for the country’s army forces. General Odowaa has thanked EU mission’s support for training his army forces fighting against al Shabaab, an al Qaeda linked group in Somalia. Odawaa affirmed that he is committed to working closely with EU mission in Somalia. For his part, Brigadier General Zinzon reiterated its support for the government of Somalia. Zinzon pledged that EU mission would continue training for the country’s army forces in order to defeat Al Shabaab group. al Shabaab, an al Qaeda linked group has been battling African Union troops and the Mogadishu-based-government for more than ten years. The insurgent group has lost major towns to Somali army and African Union troops, but it still holds large swaths in south of the country. Last month, the group has carried out similar mortar attack on Halane camp in Mogadishu where United Nations, African Union and other foreign diplomatic offices located. With reporting by Abdirisak Mohamud Tuuryare based in Mogadishu, Somalia View the full article
-
UN urges Somali leaders to break impasse delaying elections
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The U.N. Security Council called on Somalia’s leaders Wednesday to meet “at the earliest opportunity” to break the impasse delaying the holding of elections that had been scheduled for Feb. 8. The council said in a press statement after a closed briefing by U.N. special envoy James Swan that inclusive elections should take place “as soon as possible” in the interest of all Somalis. Pressure has been growing on Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed since the February elections failed to take place because of the lack of agreement on how the vote should be carried out. Two regional states have said they would not take part without a deal. Contentious issues in the election process include the formation of the electoral management commission, the selection of commission members for the breakaway region of Somaliland, and the crisis in the Somalia-Kenya border region of Gedo. Critics accuse Mohamed, who is seeking a second four-year term, of delaying the election to extend his current mandate. The president has blamed unnamed foreign interventions. The council called for the parties to resolve outstanding issues on the basis of an agreement reached last Sept. 17. This was the second appeal this month by the U.N.’s most powerful body for action to organize elections. On March 12, the council urged the federal government and regional states “to organize free, fair, credible and inclusive elections” in accordance with the September agreement “without delay.” That appeal was in a resolution that authorized the African Union to maintain its nearly 20,000-strong force in Somalia until the end of the year with a mandate to reduce the threat from al-Shabab and extremist groups to enable “a stable, federal, sovereign and united Somalia.” The council on Wednesday “reiterated their condemnation of terrorist attacks by al-Shabab and reaffirmed their support for the national sovereignty, territorial integrity and political independence of Somalia.” Council members also commended the AU’s role “in promoting dialogue between Somalia’s parties.” British Ambassador Barbara Woodward, who called for the meeting along with other council members, said Swan told council that Somalia’s electoral process required “urgent attention.” She said the council very much welcomes Swan’s efforts “to bring the parties together and to proceed with elections as soon as possible, but without compromising.” Somalia began to fall apart in 1991, when warlords ousted dictator Siad Barre and then turned on each other. Years of conflict and al-Shabab attacks, along with famine, left this Horn of Africa country of about 12 million people largely shattered. Al-Shabab rebels were ousted from the capital, Mogadishu, in 2011 and have been pushed out of other key cities but still control large parts of southern and central Somalia and often target the capital with suicide bombings. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu “labo mid daran doorsiinayo shacabka Soomaaliyeed.” Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fikirayo labo arrin oo xasaasiya, kuwaasi oo ku rabo inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka, amase uu dalka geliyo bur-bur hor leh, islamarkaana ay ku dhintaan dad badan kuna dhaawacmaan. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu god mugdi ah ku ridayo rajaddii dowladnimada oo asaga dabadii uu ku fikirayo inaysan sii jirin, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaankan oo kamid ah mudaneyaasha mucaaridka ah ee kasoo horjeeda hogaanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa ku baaqay in loo wada istaago sidii looga hortagi lahaa rabitaanka guracan ee Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo arrintaas uga hadlay; Madaxweynihi waqtigiiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu qabaa shacabka Soomaaliyeed in ay laba wada daran mid uun doortaan: 1. Kaligii talis in ay isku dhiibaan aqabalaane in uu Sharci darro ku xakumo 2. In uu dalka geliyo dagaal sokeeye dad badane ku dhintaan kuna dhaawacmaan, rajadi dowladnimadina sidaas ku baabi’iyo. Hadaba shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon? Waxaan qabaa in aan u wada istaagno sidi aan aan uga hortagi lahayn himilooyinka wada foosha xun ee Farmaajo rabo in uu ku foolxumeeyo Soomaalinamada una marno wada kasta una hurno qiima walba.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo geysanayo Ganacsatada meheradaha ku leh wadada Maka Al-Mukarama. Waddada Maka Al-Mukarama oo ah aag ay dowladda federaalka gacanta ku hayso ayaa labadii habeen ee u dambeeyay waxaa dhac hor leh ka bilaabay kooxo ku hubeysan bistoolado, kuwaasi oo carwooyinka saaran wadadaas ka qaatay telefoono iyo agab kale. Ganacsatada dhaca loo geystay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay ka dhaceen alaabo badan oo yaalay carwadooda, waxaana qaar kamid ah ganacsatada loo geystay jirdil intii ay kooxdaasi ku gudo jireen falkaas. “Anagoo shaqadeena gudaneyna ayaa waxa noo soo galay niman tuugo ah, wey na-jirdileen oo bistoolado ayey wateen, xoog iyo handadaad ayey noo sheegteen hantideenina wey naga qaateen, waxay naga qaateen moobiladii aan ku ganacsaneyn ee kamid ahaa ganacsigayaga,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada dhaca loogu geystay Maka Al-Mukarama oo la hadlay Taleefishinka Universal. Ganacsade kale ayaa isaguna yiri “Xiliga fiidkii ayaa anigoo tukaanka ku jira ayaa waxa tukaanka iisoo galay labo nin oo dhalinyaro ah waxay iskaga key dhigeen macaamiil wax iga gadanaya, way ila hadleen, mid ayaa soo wareegay in aan dhulka fariisto oo xabadka dhulka dhigo ayuu igu amray, intaas kadib waxaa soo wareegay kii kale ee aan bistoolada waddan oo lasoo baxay bac, wuxuuna ku guray moobiladii.” Ganacsatadan la dhacay ayaa kalsooni darro weyn ka muujiyey amniga goobta ay ku ganacsanayaan oo ah meel amaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, waxayna ka dalbadeen dowladda federaalka inay wax ugu qabato canshuurta ay ka qaado, islamarkaana ay ku sugaan amaankooda. Si kastaba, arrintaan ayaa muujinayesa heerka dhaca uu ka gaaray magaalada Muqdisho, waana mid ku cusub in xili hore oo fiid ah dhac loo geysto ganacsiyada ku yaala afaafka hore ee wadada Maka Al-Mukarama. Hoos ka daawo muuqaalka.
-
Fadhigii 73aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta. Iyadoo goluhuna meel cad iska taagay arrinta doorashooyinka inagu soo foolka leh. Ugu horreyna Goluhu waxa uu u duceeyey intii ku dhimatay Xanuunka Covid 19, inta xannuunku hayana in Alle caafimaad taama siiyo, kana kiciyo. Waxaanu Goluhu war-bixin ka dhagaystay labada guddi-hoosaad ee golaha wasiirrada ee kala ah guddida abaaraha iyo guddida Covid 19, waxaana la isla gartay in dhibaatooyinka Covid 19, abaarta iyo biyo yaraanta lagaga bixi karo midnimo, wada-jir iyo baryada Eebbe. Waxaanay labada guddi uga warbixiyeen sidan:- 1. War-Bixinta Guddida Abaaraha In Xukuumaddu 16-kii (lix iyo toban) maalmood ee u dembeeyey ay biyo dhan 6,650 Foosto gaadhsiisey 133 Tuulo (boqol iyo saddex iyo soddon) oo ku kala yaalla Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar iyo Maroodi-jeex, kharashka ku baxayna uu dhan yahay Toddoba iyo afartan kun oo doollar ($47,000). Si loo helo biyo, loogana baxo biyo yaraanta xukuumaddu waxay dayactirtay ceelal ku kala yaalla Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex, Buuhoodle, Daad-madheedh iyo Gabiley, kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan saddex iyo toddobaatan kun toddoba boqol afar iyo soddon kun oo dollar ($73,734). 2. War-Bixinta Guddida Covid 19 In dadka Somaliland illaa hadda ay tallaalkii Covid 19 qaateen 17,000 (Toddoba iyo toban Kun) oo qof. In Axadda shir qaran la qaban-doono oo ay qayb ka noqon doonaan ganacsatada dalku, kaas oo lagu gorfaynayo habkii loo heli lahaa awood dhaqaale oo lagu soo iibiyo tallaal, maaddaama tallaalka hadda yaallaa ku filnayn bulshada Somaliland, intaa ka dibna loo hawlgalo sidii tallaal dalka loo keeni lahaa. In qaar ka mid ah saaxiibbada Somaliland oo balanqaaday deeq tallaal ahi ay keeni doonaan dalka. Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso, goluhu waxa uu go’aamiyey in la hakiyo abaabulkii diyaargarawga iyo isu soo bixii 30 guuradii 18 May 2021, isla markaana Dhaqaalihii ku baxayey xuska 18 May lagu xoojiyo kharashkii lagaga hawl-galayey abaaraha iyo Covid 19. 3. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, ahna wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, oo golaha siiyey war-bixin ku saabsan hirdanka siyaadda geeska iyo tan caalamkaba, war-bixintaas ka dib, goluhu waxa uu go’aamiyey in Somaliland siyaasad ahaan ay waddo nabad-gelyo iyo daneheeda ka raacdo siyaasadaas, isla markaana ku dedaasho in ay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrimaha geeska iyo kan caalamkaba. 4. Ugu danbayn goluhu waxa uu go’aamiyey in aan doorashada hakad loo gelin-doonin abaaraha iyo xannuunka Covid 19 awgood, doorashaduna ku qabsoomi doonto wakhtigeedii, hase yeeshee la dardar-gelin doono dedaalka iyo hawlgalka abaaraha iyo Covid 19. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
WAR-SAXAAFADEED: 01/04/2021 Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Afar Qodob Oo Muhiima Ka Soo Saaray Fadhigii 73aad Ee Maanta Fadhigii 73aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta. Iyadoo goluhuna meel cad iska taagay arrinta doorashooyinka inagu soo foolka leh. Ugu horreyna Goluhu waxa uu u duceeyey intii ku dhimatay Xanuunka Covid 19, inta xannuunku hayana in Alle caafimaad taama siiyo, kana kiciyo. Waxaanu Goluhu war-bixin ka dhagaystay labada guddi-hoosaad ee golaha wasiirrada ee kala ah guddida abaaraha iyo guddida Covid 19, waxaana la isla gartay in dhibaatooyinka Covid 19, abaarta iyo biyo yaraanta lagaga bixi karo midnimo, wada-jir iyo baryada Eebbe. Waxaanay labada guddi uga warbixiyeen sidan:- 1. War-Bixinta Guddida Abaaraha In Xukuumaddu 16-kii (lix iyo toban) maalmood ee u dembeeyey ay biyo dhan 6,650 Foosto gaadhsiisey 133 Tuulo (boqol iyo saddex iyo soddon) oo ku kala yaalla Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar iyo Maroodi-jeex, kharashka ku baxayna uu dhan yahay Toddoba iyo afartan kun oo doollar ($47,000). Si loo helo biyo, loogana baxo biyo yaraanta xukuumaddu waxay dayactirtay ceelal ku kala yaalla Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex, Buuhoodle, Daad-madheedh iyo Gabiley, kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan saddex iyo toddobaatan kun toddoba boqol afar iyo soddon kun oo dollar ($73,734). 2. War-Bixinta Guddida Covid 19 In dadka Somaliland illaa hadda ay tallaalkii Covid 19 qaateen 17,000 (Toddoba iyo toban Kun) oo qof. In Axadda shir qaran la qaban-doono oo ay qayb ka noqon doonaan ganacsatada dalku, kaas oo lagu gorfaynayo habkii loo heli lahaa awood dhaqaale oo lagu soo iibiyo tallaal, maaddaama tallaalka hadda yaallaa ku filnayn bulshada Somaliland, intaa ka dibna loo hawlgalo sidii tallaal dalka loo keeni lahaa. In qaar ka mid ah saaxiibbada Somaliland oo balanqaaday deeq tallaal ahi ay keeni doonaan dalka. Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso, goluhu waxa uu go’aamiyey in la hakiyo abaabulkii diyaargarawga iyo isu soo bixii 30 guuradii 18 May 2021, isla markaana Dhaqaalihii ku baxayey xuska 18 May lagu xoojiyo kharashkii lagaga hawl-galayey abaaraha iyo Covid 19. 3. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, ahna wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, oo golaha siiyey war-bixin ku saabsan hirdanka siyaadda geeska iyo tan caalamkaba, war-bixintaas ka dib, goluhu waxa uu go’aamiyey in Somaliland siyaasad ahaan ay waddo nabad-gelyo iyo daneheeda ka raacdo siyaasadaas, isla markaana ku dedaasho in ay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrimaha geeska iyo kan caalamkaba. 4. Ugu danbayn goluhu waxa uu go’aamiyey in aan doorashada hakad loo gelin-doonin abaaraha iyo xannuunka Covid 19 awgood, doorashaduna ku qabsoomi doonto wakhtigeedii, hase yeeshee la dardar-gelin doono dedaalka iyo hawlgalka abaaraha iyo Covid 19. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 39Khadar Hassan H. Ahmed, Abdisalan M Ismail and 37 others 5 Comments 12 Shares Like Comment Share Qaran News
-
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa manta hoygiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda uu dalku maray, gaar ahaan doorashada caqabadaha hortaagan iyo shirweynaha arimaha doorashooyinka. Sweden ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qeyb ka tahay dadaallada socda ee ku aadan xal u helida doorashooyinka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ambasador Staffan Tillander oo ah safiirka Sweden u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Deni iyo Tillander ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka & kuwa dowlad goboleedyada. Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladda adag ee kala guurka. Siciid Deno oo maalmo badan ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshaha dowladda iyo hannaanka ay ku wajaheyso doorashooyinka ka dhacaya dalka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mid cakiran, waxaana la’isku mari waayey kulamo la’isugu soo dhoweeyey dowladda dhexe, Jubbaland iyo sidoo kale Puntland.
-
Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Warsheekh ee gobolka Sh/ Dhexe. Cali Guudlaawe ayaa waxaa si diiran magaallo xeebeedka Warshekh ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmadaasi. Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa dhagax dhigay suuqa malaayga Warsheekh wuxuuna soo indha indheeyay xarumaha maamulka iyo isbitaalka magaaladaas. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa guddoomiyay shirka khamiislaha ee dardar gelinta dakhliga dalka. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiisha Booliska canshuuraha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista dakhliga dalka iyo horumarinta qaadista canshuuraha. “Kordhinta dakhliga gudaha waa mudnaanteena koowaad si aan u gaarno horumar waara oo ku dhisan dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo la shaqeyneynta ganacsatada si aan kor ugu qaadno Dakhliga dalkeen,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebooka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqday inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashooyinka dalka ee soo socda. Golaha oo warbixin gaar ah ka dhageystay ergayga gaarka ah QM ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in aysan markale dib u dhicin doorashooyinka. Wakiilada golaha ammaanka ayaa xusay in horey loo lumiyey fursado ku aadan qaabka loo qabanayo doorashada Soomaaliya oo dib u dhac uu ku yimid, waxaana qorshaha uu ahaa in doorashada dalka ay qabsoonto 8 bishii February ee sannadkan 2021-ka oo ku ekeyd muddada xil-heynta ee madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in hanaanka ugu macquulsan ee doorashada ay noqon karto heshiiskii 17 september ee sannadkii hore ee 2020-kii.. Ugu dambeyn golaha ayaa bogaadiyey doorka ay ciidanka Midowga Afrika ka qaateen amniga iyo nabad-gelyadda dalka, iyadoo la filayo inay baxaan dhamaadka sanadkan. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander. Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article