-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan wareysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyey warbaahinta Hanoolaato. Qeybtaana waxaan ku soo qaadaneynaa waxyaabaha uu Waare ku bedeshay madaxtinimadii HirShabeelle. Markii la weydiiyey Maxamed Cabdi Waare maxaad ku doorsatay madaxtinimadii HirShabeelle waxuu ku jawaabay, “Waxaan ku doorsaday istareex, maskaxda oo ii degan, ilaahey oo aan u soo noqday, wixii iga halaabay oo aan gadaal u fiirshay, tolka aan ka dhashay oo si fiican aan u bartay, wax fiican ayaan ku bedeshay oo anigu maanta dhib ma qabo, laakiin waxaa dhib qaba dadka aan ka fekerin ciddii ay igu bedelan lahaayeen.” Waxa uu sheegay in beeshiisa Xawaadle uu kala kulmay culeyskii ugu badnaa ee ka heystay hoggaaminta HirShabeelle, ugu dambeyna ay iyagu iska soo riixeen. “Qofka markii uu meel ka tegaayo meel ka fiican ayaa looga gacan haatiyey ama waxbaa meesha ka ceyriya, aniga HirShabeelle iyo beesheyda Xawaadle iyagaa isoo riixay, waxayna i dhaheen ilaaheena ayaan qabnaahe naga tag, anigana waxaan iri mid iga kheyr qaba, oo iga roon Allaha idiin sahlo,” ayuu yiri Waare. Sidoo kale madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeshiisa Xawaadle ku dhaliilay in aysan ku kalsoonaan oo aysan ixtiraamin siyaasiyiinta metesha. “Waa dad taladu ka halaawday oo tabasho fara-badan waa qabaan, wax badan inay ka qeyliyaana garey u leeyihiin, laakiin waa inay iyaguna su’aalo muhiim ah is weydiiyaan, maxaa ku ka lifay in qabaa’ilkii kale ee la degaan uu ka safto? Maxaa keenay in magaalada Beledweyne ay afarta jiho kasoo xiranto? Maxaad inta albaab ah isaga soo xirteen? Talo la’aan, kala dambeyn la’aan, is aaminid la’aan, wax isku quurid la’aan, dhaqankii oo aan la ixtiraamin, siyaasadii oo aan la ixtiraamin, madaxdii oo aan la ixtiraameyn, iyo ganacsatadii oo aan la ixtiraameyn, waxaasoo dhan ayaa ka jira meesha, waayehee jaantaa rogan, istee lagu gaaraa?” ayuu yiri Waare. Mar uu soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha hadda hoggaamiya HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn dadkii u hambalyeeyey, balse uu u duceeyey, isagana uu gaar ula dardaarmay. “Cali Guudlaawe waa nin oday ah oo akhlaaq leh, dhibaatadu meesha ay ka jirto yaqaanna oo xeeriya, laakiin culeyska heysta waxaad ka dareemee, hadii Waare meesha ka baxay, maxaa u diidan inay isaga la shaqeeyaan qoladaan dowladda dhexe? Soo juhdi badan kuma aysan bixin inuu isagu doorashada ku soo baxo? Mey xaliyaan mushkiladda jirta, may amniga kala shaqeeyaan oo daqli siiyaan, mey jidadka furaan oo maamulka la xoojiyaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare. Hoos ka Daawo wareysiga
-
KAMPALA, Uganda (AP) — Ethiopian authorities said on Saturday that Eritrean troops have started withdrawing from Tigray, where they have been fighting on the side of Ethiopian forces in a war against the region’s fugitive leaders. Source: Hiiraan Online
-
Explosions in Somalia kill at least 15; army bases targeted
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, SOMALIA -- Simultaneous large explosions were heard in and around two Somali army bases on Saturday, with the military confirming that at least nine staffers were killed but asserting the attackers had "heavy losses" of dozens of dead. The al-Shabab extremist group claimed responsibility. Source: Hiiraan Online -
Itoobiya oo bilowday Adeegsiga tiknolojiyadda “Daruur beerista”+Dalka ku caawinaya & Sawirro Itoobiya ayaa bilowday qorshe lagu magacaabo ”daruur beeris” oo uu dalkaa ka hirelinayo RW Abiy Ahmed oo horay arrintan ugu sharraxay Baarlamanka Itoobiya. Itoobiya ayaa sheegtay inay horay ugu guulaysatey tijaabooyin hore iyadoo la adeegsanayo tiknolojiyadda casriga ah oo ay Itoobiya doonayso inay horumar ka samayso dhinacyo badan oo uu ka mid yahay caqliga macmalka ah (Artificial Intelligence). Habka loo yaqaan ”daruur beerista” oo ah aragti uu 1891-kii soo jeediyey Louis Gathmann ayaa ah in dareere carbon dioxide lagu buufinayo hawada iyadoo tijaabooyin lasoo wadey tan iyo 1930-kii. Dalka Imaaraadka oo ka mid ah dalalka haatan tiknolojiyaddan adeegsada ayaa ka caawinaya dalka Itoobiya, sida ay wararku sheegayaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay xeelad cusub u adeegsadeen weeraradii ay shalay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariire iyo Awdheegle. Siidi ayaa sheegay in Shabaabka ay baabuur nooca xabadda aysan karin ah (Bullet proof) u adeegsadeen inay kusoo weeraraan xeendaabka saldhigga Awdheegle, balse la qarxiyey inta uusan soo gaarin. “Waa xeeladaha cusub, waa noocyada cusub ee nimanka argagixisada ay hadda billaabeen waaye. Koleyba baabuurtaas inay hadda tijaabo yihiin ayaan u qaadanay,” ayuu yiri Siidi, oo intaas ku daray in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey weerarka. Ma cadda sababta ay Al-Shabaab u adeegsadeen baabuur aan xabddu karin oo qaali ah, haddiiba ay u jirto sida uu sheegay guddoomiye Siidi, balse waxaa suurtagal ah inay ku doonayeen in dagaal-yahanooda ku galaan xerada ayaga oo aan la waxyeeleyn kahor inta aysan gaarin. Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday. Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire. “Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood, dalkooda, diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.
-
Khudbadda Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ka Jeediyay Shirka Saddexaad Ee Golaha Dhexe. “Maanta kalsoonida lagu qabo nidaamka dowladnimo waxa aynu uga qiyaas qaadan karnaa, tirada bulshadeenna boqolkiiba inta maxkamad ama saldhig isla tagta marka ay arrin isku qabtaan, oo aad barbar-dhigtid inta xal ka raadsata odayaal, culimo ama haldoorka bulshada. Sida xaqiiqadu tahay waxaa badan inta aan caaddalad u doonan nidaamka dawliga ah ee jira”Bismillaahi Raxmaani Raxiim Marwooyin iyo Mudanayaal, Xubnaha Hoggaanka, Guddida Fulinta, Garabka Haweenka, Garabka Dhallinyarada, Xoghayayaasha Xisbiga, Madaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Xisbiga, hawl wadeennada Xisbiga, laamaha dibedda ee Xisbiga, dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka iyo Saxaafadda ee ka soo qeyb galay Kalfadhiga 3aadee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu. Sida oo kale waxa aan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhammaan Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gudaha iyo dibedba. Mahadnaq balaadhan waxa aan u jeedinayaa qaban-qaabiyeyaasha Shirkan. Marwooyin iyo Mudanayaal:Xisbiga WADDANI waxaa shahaadadda Xisbinnimo la siiyey 26kii bishii laba iyo tobnaad (December) sannadkii 2012kii, muddadaas waxa ka soo wareegtay siddeed (8) sanno iyo saddex (3) bilood iyo lix (6) maalmood. Waa Xisbiga ugu da’da yar Axsaabta Qaranka JSL. Waxa uu ka qaybgalay laba doorasho: Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee November 2012kii iyo tii Madaxtooyada ee November 2017kii. Labada doorashaba Xisbigu waxa uu ka helay natiijo wanaagsan. Xisbiga WADDANI muddaddii u dhaxaysay aasaaskiisii iyo maanta waa uu koray waxa uuna ku korayey dedaalkii iyo tacabkii aad geliseen xubnihiinna halkan fadhiya iyo cudduda taageerayaashiisa tirada badan ee ku fidsan dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Taasi waxa ay dhashay in Shacbiga Somaliland ay u qiraan isla markaana uu yahay Xisbiga ugu balaadhan uguna taageerada badan maantadaa aynu joogno. Waxaa Xisbigu maantana diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka taas oo mar seddexaad (3aad) ka marag kici doonta Insha Allaahu, taageerada iyo kalsoonida uu ka haysto Xisbigu Shacbiga Somaliland. QIIMAYNTA XAALADDA GUUD EE DALKA: Intaas kaddib, Walaalayaal, maanta waad ka wada dheregsan tihiin xaaladda guud ee dalku, halka ay marayso balse aan dhawr qoddob is dul taago: –Nasiib darro, waxaa inoo wada muuqda Nidaamkii dowladnimo, wadatashigii, wax-wada-lahaanshihii, kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dawladda oo daciifay. –Cabudhinta xukuumadda ee Saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga muwaadiniinta ee aan loo miidaan dayin loona marin dariiq sharciya, ku tumashada xuquuqal insaanka waxa ay dalka u horseedi karaan in dawladnimadii iyo dimuqraadiyaddii labaduba innaga saqiiraan. –Naawilaaddii iyo rejadii shacbigu ay ka qabeen dowladnimada, caddaaladda, nidaamka iyo kala-dambaynta oo hoos u dhacday khatarna ugu jira in ay gaadhaan meel aan laga soo kaban karin. Tusaale ahaan, waxaa meesha ka baxay kala-madax bannaanidii iyo isla xisaabtankii uu Dastuurku ku waajibiyey ee Waaxaha Qaranka ee kala ah Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-Dejinta. Waxaa shacbigu ku niyadsan yahay, in Golaha Wakiilada ee cusubi, gudan doonno waajibkiisa la xisaabtanka xukuumadda, kaalinta shacbigu tebeyana buuxin doono. Midnimada iyo wadajirka shacbiga: Ø Walaalyaal, maanta lama dafiri karo in dildilaac ku yimi midnimadii, wadajirkii iyo is-ahaanshihii bulshonnimo ee Shacbiga Somaliland. Waxaa soo baxay magacyo cusub oo ka markhaatiya sida bulshadu u sii kala irdhoobayso sida Beesha Dhexe iyo Beelaha Darafyada iyo magacyo iyo sifooyin kale oo aad ka warqabtaan. Ø Muddadii ay jireen xukuumadihii kala danbeeyey ee Xisbiga KULMIYE, waxaa xoogaysatay qabyaaladda iyo kala qayb sannaanta. Waxa soo noqnoqday colaado ku saleysan reero ama qabaa’il. Burburka Dhaqaalaha: Ø Walaalayaal, waxaa dhacay masiibooyin dabiiciya sida Koroonaha, Ayaxa iyo Abaaraha kuwaas oo burburiyey dhaqaalaheenii curdinka ahaa. Ø Burburkaasi waxa uu dhalay in gaar ahaan ganacsatadii yaryarayd burbur dhaqaale ku yimaaddo, iyaga oo aan helin wax dhaqaale kabis ah. Waxa kale oo ay cabasho joogta ah ka muujiyeen cashuur kordhin joogto ah oo Xukuumaddu sameyso. Ø Waxaa Xukuumadda waajib ku ah, dhiiri gelinta wax soo saarka gudaha, gacan-siinta iyo taakuleynta warshadeynta, cashuur-dhaafka agabka warshadaha, iyo joojinta ama yareynta keenista badeecadaha warshadeheennu soo saaraan . Sida oo kale, waa waajib dastuuri ah in Xukuumaddu ilaaliso ganacsiga suuqa xorta ah (free market) iyo u sinnaanta fursadaha ganacsi ee shirkadaha waaweyn ee dalka maal geliyey. Geeska Afrika iyo Arrimaha Dibedda: Ø Geeska Afrika, oo ah Gobolka aan kaga naal qaaradda Africa, waa mandiqad istraatiji ah oo ay danaynayaan dhammaan quwadaha waaweyn ee caalamku iyo weliba dalal carbeed oo hodan ahiba. Ø Tusaale ahaan, waxa aad maalmahan maqasheen markab xannibay Kanaalka Suez oo marin-biyoodkeenna waxyar u jira, kaas oo lagu qiyaasay in caalamku ku khasaaro 400 milyan dollar saacaddii! Ø Waxaa Geeska iyo Gacanka Cadmeed ka socda mawjado siyaasadeed oo saameyn innagu leh oo ay daruuri tahay in si feejigan loola socdo talo iyo kutalogalna ka yeelano. Ø Muddo xileedkii Xukuumadaha KULMIYE ee 11-ka sanno ahaa, Somaliland waxa ay lumisay saaxiibo tiro badan oo caalamka uga ololayn jiray, taas oo ay ka dhalatay iyada oo aan dedaalladii hore u jiray waxba lagu dul dhisin oo wadiiqooyin cusub oo madhalays ah la maray. Marwooyin iyo Mudanayaal: Ø Haddii aan halkaa ku dhaafo duruufaha xaaladda guud ee dalka , Qorshaha Xisbiga WADDANI waxa uu ku qotomaa halbeegyo mudnaan u leh dalkeenna kuwaas oo u kala qaybsama qorsheyaal istraatiiji ah oo muddada dheer ah iyo kuwa degdeg ah oo muddada gaaban ah. 1.Qorsheyaasha Istraatiijiga ah ee muddada dheer ee Xisbiga –Halbeegga mudnaanta koowaad ee qorshaha istraatijiga Xisbiga ee muddada dheer waa Kobicinta, tayeynta iyo Fidinta aqoonta heerarkeeda kala duwan. –Yoolka Xisbigu waa in uu abuuro isbeddel (change) ku yimaadda aqoon. Aqoontu waxa ay isugu jirtaa cilmi, waayo-aragnimo, wacyi iyo xirfado kuwaas oo koriya garaadka bulsho dalkana gaadhsiiya horumar waara. –Dhaqan gelinta Siyaasadda Qaran ee Amniga Cuntada (National Food Security Policy) iyo dhiirrigelinta cunto-soo-saarku waa halbeegga labaad ee qorshaha Xisbiga ee muddada dheer. Waxa Xisbiga WADDANI u qorshe ah in aan si aan laab-la-kac ahayn, dadka ugu jihaynno kuna kaalmaynno oo ku gacan-qabanno agab iyo aqoon labadaba, si aan u higsanno in aan isku-filnaansho ka gaadhno wax-soo-saarka cuntada. Ø Xisbi ahaan waxa aan dejin doonnaa cabbir lagu qiyaaso heerka wax-soo-saarkeenna iyo isku-filnaanshaheenna, si aan ula soconno isbeddelka ku yimaadda Amniga Cuntada ee Qaranka. War ay magaalada GENEVA ka soo saartay WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunku), 20kii March 2021ka, waxa ay ka digtay in ay ku khasbannaan doonto, inay joojiso raashinkii ay siin jirtay in ka badan 1 million qof oo Soomaali ah, laga bilaabo bisha lixaad (June) 2021ka, sababtana waxa ay ku sheegtay, in aanay haysan dhaqaale ay ku sii waddo barnaamijkaas, taas oo ina faraysa in aynaan quudka aynu cuneyno cid kale ka sugin. Waxa aan u soo jeedinayaa ganacsatada waaweyn, in ay maal gaashadaan wax soo saarka cuntada, dhaqashada xoolaha iyo kalluumeysiga kuwaas oo ah kheyraadka ugu weyn ee aynu heysanno kana qiimo badan shidaalka, Xukuumadduna si siman u kabto xoola-dhaqatada, beeraleyda iyo kalluumeysatada . Walaalayaal, arrimaha kale ee mudnaanta u leh Xisbiga WADDANI waxaa kow ka ah in laga midho dhaliyo aaya-ka-tashiga Shacbiga Somaliland lana gaadhsiiyo aqoonsi caalami ah. Si taas loo gaadho, waxaa xisbiga diyaaariyey qorshayaal xeel-dheer oo lagu xaqiijinayo hadafkaas. 2.Qorsheyaasha degdegga ah ee muddada gaaban: Marwooyin & Mudanayaal, Qorshaha Xisbiga ee Muddada gaaban ah waxaa mudnaanta koowaad leh, adkeynta midnimada, wadajirka iyo wax wada lahaanshaha Shacbiga xariirta ah ee reer Somaliland. Isaga oo ku sifaynaya erayo Suugaan ah maansadiisii ERGO halista ay leedahay isku kalsooni la’aanta bulshadu, Allah Ha u Naxariistee, Abwaan Gaarriye wuxuu yidhi: ” GadhlowAwr Kala Guurtay, la Arkee Mar Kaleeto, In ayOodKu Kulmaane,Haduu UurKalaGuuro, Saw Amuur Culus Maaha.” Mawooyin & Mudanayaal, Qorshaha Labaad ee Xisbiga ee muddada gaaban waa in aan soo celinno kalsoonida dadweynuhu ku qabo nidaamka dawladnimada. Maanta kalsoonida lagu qabo nidaamka dowladnimo waxa aynu uga qiyaas qaadan karnaa, tirada bulshadeenna boqolkiiba inta maxkamad ama saldhig isla tagta marka ay arrin isku qabtaan, oo aad barbar-dhigtid inta xal ka raadsata odayaal, culimo ama haldoorka bulshada. Sida xaqiiqadu tahay waxaa badan inta aan caaddalad u doonan nidaamka dawliga ah ee jira. Taasi waxay marag ka tahay heerka aaminaadda ama kalsoonida shacbigu ku qabo nidaamka dawliga ah. Mawooyin & Mudanayaal, Tallaabada saddexaad ee noo qorsheysan in si degdeg ah wax looga qabto waa la-tacaalidda duruufaha dhaqaale-burbur-ka ah ee dalka soo waajahay. Ø Aafooyinka dabiiciga ah sida koroonaha, ayaxa iyo abaaruhu waxay dhaawac u geysteen dhaqaalaheenna ugana sii dareen xaaladdii shaqo la’aaneed ee awalba sarraysay. Waxa dhaawacaa sii culeysiyey iyada oo hay’adihii dadka nugul gargaari jiray joojiyiyeen kaalmadii ka dib markii dalalka loo yaqaan qaadhaan-bixiyeyaasha joojiyeen ama yareeyeen qaadhaankii ay bixin jireen karoonaha awgii. Qorshaha Xisbiga WADDANI waa inuu curiyo barnaamijyo iyo hindiseyaal isugu jira soo-kabasho, samato bixin iyo kobcin dhaqaale. Marwooyin & Mudanayaal, Difaaca Qaranka iyo Daryeelka Ciidankeenna waxa uu ka mid yahay arrimaha mudnaanta u leh Xisbiga WADDANI, maantana waxa aan mar kale cusbooneysiinayaa balanqaadkaygii 2017kii ee ahaa kordhinta boqolkiiba laba boqol iyo konton (250%) mushaharka ciidaanka iyo in aan si buuxda u dhammaystirayno awoodda qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka. Fursad-siinta iyo Ka-qaybgelinta Siyaasadda iyo talada dalka ee Dhallinyarada iyo Haweenka waa siyaasadda muhiim ah oo Xisbiga WADDANI leeyahay. Qorsheyaasha Xisbiga waxa ka mid ah in fursad la siiyo lana dhiso jiilka cusub ee siyaasiyiinta Somaliland, habloba iyo innamoba, kuwaas oo hanta mustaqbalka dalka iyaga oo ka dab-qaadanaya waayo-aragnimada iyo khibradda inta ka horaysay taas oo hadaba si cad hadaba uga muuqata heykalka Xisbiga. Hadafka Siyaasadni waa in talada dalka laga qaybgaliyo dhallinyarada iyo haweenka. Arrimaha Doorashooyinka Qorsheysan: Walaalayaal, ugu horeyn, Doorashooyinku waa wareegga dhiigga ee siyaasadda ee nidaamyada dimuqraadiga ah, sidoo kalena doorashooyinku waa cusboonaysiinta heshiiska bulsho ee u dhexeeya bulshada iyo hoggaankeeda siyaasadda. Sidaas darteed, waxa aan bogaadinayaa, Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooynka Qaranka, Xukuumadda iyo Dhammaanteen shacbi ahaan sida aan gacmaha isugu qabsannay qabashada labada doorasho ee isku sidkan markii ugu horreysay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa daneeyayaasha kale ee doorashada oo ay ugu mudan yihiin Beesha Caalamka gacantii farsamo iyo dhaqaale ee ay ka geysteen geeddi socodka hannaanka dimquraadiyadda Somaliland. Doorashooyinka Somaliland, sida caalamka ka jirta, waa in ay noqdaan kuwo waqtigoodu cayiman yahay oo aan u baahnayn in laga fikiro goorta la qabanayo. Tusaale ahaan, Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee tan soo socota xigtaa waa inay cayiman tahay oo ay dhacdo maalinta 30ka May 2026ka Haddii Eebe Idmo. Sidoo kale, doorashadii Madaxtooyada ee 13kii November 2017kii dhacdayna waa inay dhacdo maalintaa maalinteedii oo ah 13ka November 2022. 3.Gunnaanad iyo Baaqyo: –Waxa aan baaq nabadeed oo gaar ah u dirayaa, beelaha walaalaha ah ee muddada dheer ee boqolalaalka sanno gaadhaysa nabadda iyo xasilloonida ku wada noolaa, ee is wada dhalay, in ay joojiyaan colaadda intan dambe soo noqnoqatay ee Deegaanka SHIDAN. Waxa aan taageersanahay dedaallada nabadeynta ah ee socda, Xukuumaddana waxa aan ugu baaqeynnaa in ay gacan siiso culimada, waayeelka iyo waxgaradka nabadda ka shaqeynaya. –Waxa aan shacbiga reer Somaliland ugu baaqayaa in ay aad iyo aad uga taxadiraan, uguna dhego nuglaadaan talooyinka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo dhakhaatiirta ee ku saabsan caabuqa COVID-19 maadama uu si laxaad leh u soo laba kacleeyey dad badanna inaga sahayday eebbe ha naxariisto dhamaantoode. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la qaato tallaalka caabuqa COVID-19 ka. –Ugu dambeyn, Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudanayaal, Khudbaddeyda maanta waxa aan ku soo gunnaanadayaa oo aan maanta Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee shirka ka soo qayb galay hortooda ka caddeynayaa in aan ahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha JSL ee doorashada Madaxtooyada JSL ee November 2022ka, anigoo buuxiyey dhammaan shuruudaha layga baahnaa, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi-na uu u taagan yahay Musharaxayga Madaxweyne ku-xigeenka. Waxaan u baahnay idinkana codsanayaa taageeradiinna iyo garab istaagiinna si aan, innaga oo wada jirna, u xaqiijinno himilada Somaliland leedahay. Maanta, Waxa aan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland qaybihiisa kala duwan khaas ahaan culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, gudo iyo dibedba Midnimo, Walaalnimo, Waddaniyad iyo wixii innaga dhexeeya een wada leenahay in aan wada ilaashanno inaga oo u siman oo aynaan kala lahayn. Somaliland Guul. Xisbiga WADDANI Guul. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Musharaxa Madaxweynaha JSL 2022 Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) Qaran News
-
Turkey on Saturday strongly condemned deadly terror attacks in Somalia. “We are saddened to receive the news that many soldiers and civilians lost their lives in Somalia today (3rd April) in the terrorist attacks targeting the Somali National Army troops and innocent civilians,” the Turkish Foreign Ministry said in a statement. “We strongly condemn these heinous terrorist attacks and offer our sincere condolences to the friendly and brotherly government and people of Somalia,” the statement added. “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives in the attacks and speedy recovery to the wounded,” it read. “Turkey will continue with determination to stand by the government and people of Somalia in their fight against terrorism,” the statement added. Earlier on Saturday, a Somalian official said that at least 76 militants were killed when a fierce fighting broke out in southwestern Somalia between terrorist group al-Shabaab and the military. Al-Shabaab claimed that it killed over 47 government soldiers in the attack on the Bariire military base and seized several military vehicles. Separately, four teenagers and an infant were killed and at least four more people were injured in a suicide attack in Somalia’s capital on Saturday evening. A suicide bomber blew himself up near a busy restaurant in Mogadishu’s Shangani district, according to police spokesperson Sadaq Adan Ali. No group has yet claimed responsibility for the bombing, but the al-Shabaab terror group has been behind most recent attacks in the Somali capital. Source: Anadolu Agency
-
Qarax culcus oo gilgilay Muqdisho +Khasaare Dhimasho & Dhaawac Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saaray khasaraaha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in qaraxa dhacay uu fuliyay ruux isku soo xidhay Jaakada waxyaabaha qarxa ah, kaasoo isku qarxiyay goob makhaayad ah oo Shaahaha lagu cabo oo ku taala xaafada seddaxda geed gaar ahaan agagaarka Saldhiga degmada Shangaani ee magalada Muqdisho. Taliska Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa Caawa aay ku dhinteen dad gaadhaya 6 ruux oo afar ka mid ah dhalinyaro ahayeen iyo wiil Saqiir ah iyo waliba ruuxii is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo la geeyay goobaha Caafimaadka. “Caawa abaare 19:00 fiidnimo ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo dhaliyarada isugu timaado,khasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho, 4 dhalinyaro ah hal wiil oo saqiir ah iyo naftii haligihii, iyo dhaawaca 4 kale oo shacab ahaa, oo aan waxba galabsan ayay argagixisadu weerartay” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Soomaaliya kasoo baxay. Goobta qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya kuwaas oo xidhay aaga uu ka dhacay qaraxii Caawa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho . Qaran News
-
Last year late February, I was traveling to Hargeisa from Nairobi via Addis Ababa. It was weeks before World Health Organization declared COVID-19, a global pandemic. But considering the crowds at airports with minimum COVID-19 Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii sano ee muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dalka ka dhacay lix weerar oo afar kamid ah uu dhiig ku daatay, halka laba kale oo aan dhiig ku daadan lagu daro liiska weerarada dhacay muddadii xil-haynta ee Madaxweyne Farmaajo. Weerarkii ugu horreeyay ayaa dhacay daba-yaaqada sanadkii 2017-kii waxaana lagu qaaday guriga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ugu yaraan 5 qof oo ilaalo ahaa ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay dad uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Muddo todobaadyo ayuu dalka galay xaalad aad u cakiran oo dhanka amaanka iyo siyaasada gelisay xasilooni darro, Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas dalka ka ahaa madaxweyne muddo 10 bil ah. Dowladda Soomaaliya ayaa magdhow siisay ehelada dadkii weerarkaas ku dhintay 2017. Weerarkii 2-aad ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, sanad kadib weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxaana kadib ka dhashay banaanbaxyo sababay in la toogto 15 qof, oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaan gobaleedka Koonfur Galbeed. Sababta keentay isku dhaca ciidanka iyo dadweynaha ayaa aheyd joojinta banaanbax ka dhan dowladda laguna dalbanayay in lagu sii daayo Abuu Mansuur, taas oo ugu dambeyn lagu guuleysan. Abuu Mansuur ilaa hadda waa maxbuus bilaa maxkamad u xiran dowladda. Weerarkii 3-aad ee dalka ka dhaca inta uu xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaaday hogaanka maamulkii Ahlu-Sunna ee gobalada Dhexe maalmo kadib markii Madaxweyne loo doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor. Dagaalkaas waxaa ku dhintay dhowr qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Hogaankii Ahlu-Sunna ayaa ka baxay Dhuusamareeb markii dagaalka looga guuleystay, waxayna aheyd 12 sano kadib markii ugu horeysay oo ay dusha xejiyaan magaalooyinkii ay ka xureeyeen Al-Shabaab. Weerarkii 4-aad ee ugu dambeeyay ayaa dhacay 19-kii Febraayo 2021 waxaana lagu qaaday hoteel ay daganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo sidoo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BS Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale maalinkii la weeraray shacab dhigayey dibad-bax nabdoon. Siyaasiinta mucaaradka ayaa weerarada dalka ka dhacay mudadaas islamarkaana loo geystay siyaasiinta ama dadka shacabkka ah waxay ku daraan weerarkii lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qeybdiid, kaas oo dhacay maalmo kadib weerarkii hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Weerarkaas ilaa hadda si faah-faahsan looma sheegin sidii uu ka dhacay, hase yeeshee waxaa loo xaliyay si hoose. Culeysyadii siyaasadeed iyo kuwa amni ee la saaray guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka waa weyn ee dalka ka dhacay afartaas sano laguna tilmaamo weerarada tooska ah iyo kii ugu dambeeyay ee wadooyinka looga xirtay 15-ka Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Shacabka. Dhammaan weeraradan waxay muujinayeen in madaxweyne Farmaajo uusan ka laba labeyn doonin inuu awood u adeegsado cid kasta oo aan ku ra’yi aheyn, waana weli wax socda, oo weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday musharaxiinta wuxuu dhacay un wax ka badan bil un.
-
Ankara (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose. Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Waxaa na murjiyey in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.” Qoraalka wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.” Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa mar kale qoraalkaan ku balan qaaday inay sii garab taagnaa doonto Soomaaliya, si gaar ahna ay uga gacan sii doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada. “Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo faahfaafin ka bixiyey weerarradaas ayaa sheegay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kalena ay ciidamada dowladda Soomaaliya nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah, intii ay soceen dagaalladu. Ciidamada la weeraray ee ku sugnaa saldhigyada Bariire iyo Awdheegle ayaa ka kala tirsanaa guutooyinka 14-ka October iyo Gor Gor oo ay tababartay dowladda Turkiga oo dhismaha ciidanka xoogga ka caawisa Soomaaliya. Al-Shabaab oo si gaar ah guulo uga sheegtay dagaalkii Bariire waxay tilmaameen in 47 askari ay ku dileen saldhigga ay weerareen ee ciidamada dowladda, isla markaana ay ka furteen lix gaari oo tikniko ah. Hase yeeshee saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada kooxda, iyagoo soo bandhigay muuqaallo laga soo duubay meydad aad u badan oo dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Bariire. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intii uu socday dagaalkii Bariire waxay weerar kale ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire. Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, taas oo lagu macneeyey tallaabo ay ku arbushayeen isu gurmadka ciidamada dowladda.
-
Bosaso (PP News Desk) — Bari regional police today arrested two men suspected of committing robbery and carjacking in Bosaso. The police arrested the suspects on the outskirts of Bosaso after a tip-off . The regional police paraded two men accused of robbery, carjacking and attempted murder. Colonel Hussein Ali Mohamud, Commander of Bari Regional Police said “the two suspects have admitted their guilt and will be charged accordingly”. The family of the wounded driver thanked locals for helping the police to apprehend the two suspects who were in the carjacked vehicle. The owner of the car is reportedly being treated in Bosaso General Hospital. © Puntland Post, 2021 The post Bosaso Police Arrest Suspected Robbers appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa dhaliil badan loogu jeediyey madaxweyne Farmaajo, waxayna ku eedeeyeen inuu dayacay ciidankii Qaran, iyagoo bogaadiyey sida ay isku difaaceen ciidankii lagu weerar Bariire iyo Awdheegle, sidoo kale u tacsiyeeyey ehellada askartii dhimatay. Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iskaga caabiyey weerarkii ay argagexisada Al shabaab kusoo qaadeen fariisamahooda deegaannada Aw-Dheegle iyo Bariirre ee Gobolka Shabeelada Hoose. Madashu waxey tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen geesiyaashii ka tirsanaa CXD ee ku shahiiday weerarkaas, waxeyna caafimaad deg-deg ah u rajeyneysaa saraakiisha iyo ciidanka kale ee weerarkaas ku dhaawacmay.” Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Muuqaallada iyo warbixinnada laga soo tebinayo fariisimaha ay argagexisadu kusoo weerareen Ciidanka, waxey muujinayaan sida uu madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday u dayacay ciidanka ku sugan aagga hore ee dagaalka cadawga. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisii badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu cabburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Halka in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.” “Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in hey´addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho.” Sida lagu yiri qoraalkaan Madashu waxay adkaynaysaa in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibkooda qaran, una helaan taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta oo idil. “Madasha waxay dalbaneysaa in gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiiyo ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagexisada Al Shabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha Badbaado Qaran.
-
PRESS RELEASE African Continental Free Trade Area (AfCFTA) and UNDP announce new partnership towards inclusive growth in Africa The new collaboration aims to address inequalities, promote value addition and create jobs NEW YORK, United States of America, March 30, 2021/ — The AfCFTA Secretariat and the UN Development Programme (UNDP) have signed a strategic partnership to promote trade as a stimulus for Africa’s socioeconomic recovery from the COVID-19 crisis, and as a driver of sustainable development particularly for women and youth in Africa, in line with the SDGs and Agenda 2063 common vison for the continent. The agreement was sealed yesterday by the AfCFTA Secretary General, H.E. Mr. Wamkele Mene, accompanied by Ambassador Fatima Mohammed Kyari, Permanent Observer of the African Union to the United Nations, and by the UN Assistant Secretary-General and Director of the UNDP Regional Bureau for Africa, Ms Ahunna Eziakonwa. “The AfCFTA is beyond a trade liberalizing instrument. It is an enabler of inclusive growth and sustainable development,” said Mr. Wamkele Mene, who made the journey to New York for the historic occasion. “We must rebalance Africa’s role in global trade. As African countries implement COVID-19 recovery plans, this collaboration with UNDP will drive momentum, on the ground in AfCFTA state parties, to ensure that women and youth are the leading beneficiaries of the AfCFTA.” The partnership will leverage UNDP’s presence in all African countries, working in close collaboration with other UN entities, and includes direct support to the AfCFTA Secretariat through a financial grant of US$3 million. This will enhance AfCFTA Secretariat advocacy among policy makers, business, civil society, academia, youth and other stakeholders. “UNDP is pleased to support the AfCFTA as a development enabler and accelerator that can move the continent beyond COVID-19 recovery, towards the Africa We Want and the Sustainable Development Goals,” emphasized Ms Ahunna Eziakonwa. “If we succeed, we will have contributed to creating stronger and more resilient inclusive and green economies in Africa characterized by rising incomes, jobs, more balanced trade, and better returns from Africa’s natural resources” Trade is recognized as a mean of implementation for the Sustainable Development Goals and Agenda 1963. The new collaboration aims to address inequalities, promote value addition and create jobs. As Africa trades more with itself, it will be essential to target critical hurdles faced in exporting within Africa such as SME export competitiveness; rules of origin; technical and product safety standards. The African Continental Free Trade Area (AfCFTA) – the world’s largest free-trade area – started trading on 1 January 2021, creating a market of 1.2 billion people and the eighth economic bloc in the world with a $3-trillion combined GDP, that is expected to more than double by 2050. The partnership signing is part of a two-day official visit to New York by the AfCFTA Secretariat Secretary General. Since its launch, the AfCFTA has been ratified by 36 countries, and already possesses 90% of tariff offers and 34 services offers, which enables sound business and investment decisions in intra-African trade, strengthening accelerated action for trade as a means of implementation for the Africa We Want, and for the SDGs. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Development Programme (UNDP). Access Multimedia Content SOURCE United Nations Development Programme (UNDP) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka oo faahfaafin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee ciidamada dowladdu ay Al-Shabaab ka dileen, sidoo kale wasaradda gaashaandhigga aya war ka soo saartay dagaaladii maanta. Ugu horeyn Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday. Wax yar ka hor salaadii subax ee saakay Al-Shabaab ayaa weerar ku bilaawday qarax is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxayna soo bandhigeen sawirro muujinaya inay saldhigga gudaha u galeen, inkastoo saraakiisha dowalddu ay beeniyeen sheegashada kooxda. Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen in saldhigga Bariire ay ku dileen 47 askari, sidoo kalena ay ka kaxeysteen lix gaari oo tikniko ah, balse taliska militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay muuqaallada meydad aad u badan oo laga soo duubay dagaalamayaashii Al-Shabaab looga dilay dagaalka Bariire. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa isla goortaas weeraray saldhig kale oo ciidamada dowladu ay ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire. Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, si ay u arbushaan gurmadka ciidamada dowladda. Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire. “Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood ,Dalkooda ,Diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa dhacay kadib markii qof Iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaayad ku taalla Xaafadda Seddaxda Geed ee degmada Shangaani. Ila iyo hadda inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa halka 10 qof ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhacay degmada shangaani. Wixii Faahfaahin ah ee ku soo kordha kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay afar kalana way ku dhaawacantay weerar isqarxin ah oo ka dhacay mukhaayad ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho caawa fiidkii. Qaraxa ayaa ka dhacay mukhaayad shaaha lagu cabbo oo ku taalla degmada Shingaani. Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiray will yar oo saqiir ah iyo qofkii is qarxiyay isagoo adeegsanaya jaakad. View the full article
-
A bomber has killed at least five at a tea shop in the Somali capital, Mogadishu on Saturday evening at around 7:00 pm local time. A police officer said the explosion happened after suspected Al-Shabaab militants detonated themselves up inside the building amid a hectic situation. The attack in the Shangani area also left several people wounded who have been admitted to a nearby hospital for medical attention. There was no immediate claim of responsibility for the bombing. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Police Force said in a statement the attacker clad in a suicide jacket blew up at the cafe located near a police station in Shangani district at about 7pm local time. Source: Hiiraan Online
-
Qarax Ismiidaamin ah oo uu iskusoo xiray Qof naftii halige ah ayaa caawa ka dhacay Makhaayad ku taal Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyay in 7 Qof ay ku nafwaayeen halka 4 Qofna dhawac yihiin. Waa weerarkii Afraad oo maanta ay qaadaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Saaka waxay weerareen Xeryo Ciidan oo ku yaal Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Galgaduud. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahin, 7 Qof ayaa ku dhintay Qarax lala beegsadey Degmada Shangaani appeared first on . Source
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalla barxada 5-ta geed ee agagaarka saldhiga booliiska degmada Shangaani. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 6 qof oo ku jiro qofkii ismiidaamiyay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof, kuwaas oo hadda lagu daaweynayo cisbitaallada Muqdisho. Dadka qaraxa ku dhintay oo u badan dhallinyaro waxaa ku jira ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ah ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Dhowr jeer oo hore ayaa magaaalda Muqdisho qaraxyo lala eegtay maqaaxiyo ay ku caweynayeen dad rayid ah oo dhallinyaro u badan. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisbo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka soo saaray qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey. Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac. “Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya. Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay.
-
Shirkii Wadatashiga Doorashada ee u dhexeeyey Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kusoo dhamaadey guul la’aan, wax heshiisa oo laga gaaray Ajandaha la dajinayay ma jiraan. Shirka ayaa u muuqdey mid u dhexeeya Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland halka raga kale ay ahaayeen kuwo aan saameyn weyn ku lahayn kulanka maanta. Sida Puntlandi.com Xogta ku hayaan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isweydaarsadey hadana kulul, iyadoo Madaxweyne Deni sidoo kale uu ku hadlay hadalo kulul. Xogtu waxay kaloo sheegaysaa in Xubnaha Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe aysan si fiican kulanka uga muuqan. Waxaa maanta kulanku kusoo dhamaadey iyadoo oo u muuqdo in wali afka la osu buurayi, wax natiijo la taaban karaan kama soo bixin, waxaa hada labalamau in la iskusoo laabto beri. Wararka aan helayno, Wali Madaxweyne Farmaajo wuu ka warwareegayaa in meel la isla dhigo Qodobada Muhiimka ah ee la doonayo in lagu lafaguro Shirweynaha, Madaxweyne Axmed Madoobe isna wuxuu muujiyay inuusan wali ka fulin qodobkii Gobolka Gedo. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii oo guul la’aan kusoo dhamaadey, berina la balamay appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-habeen-342021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey aa ayaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo aad ugu dhaw saldhigga booliska degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku shaahayeen dad shacab ah, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar. “Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay dad shacab ah oo ku shaahayay xaafadda Sadaxda Geed dagmada Shangaani, Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay,” ayuu yiri Ismaaciil oo qoraal kooban soo dhigay twitter. Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxa ka dhashay, in kastoo aan weli la ogaan tirada rasmiga ah ee dadka ku wax yeeloobay. Gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxa ayaa goobta ka socda, waxaana heegan galay ciidamada ammaanka ee ku sugan qeybo badan oo ka tirsan degmada Shangaani.