-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaadadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wadahadleen xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkaas, isaga oo u rajeeyey horumar shacabka iyo dawladda Uganda. Madaxweyne Farmaajo oo maanta tegay dalka Uganda ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka Yoweri Museveni oo 35 sano xukumayay dalkaas, dhawaana la doortat markii lixaad. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Museveni oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan. Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa Afurkii caawa ku sugnaa Wasaaradda Warfaafinta, si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal ee Soonfur, balse markii la waayey waxay wasaaraddu go’aamisay in Arbacada berri la buuxiyo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan. Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri aysan Ciid aheyn. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. Dhanka kale war ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay. The post DEG DEG: DF oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan dhulka Soomaaliya aanan laga arkin curashada Bisha shawaal. Xukuumadda ayaa sheegtay in berro oo Arbaca ah la dhameystirayo bisha ramadan, khamiistana ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in berro la soomayo maalinta 30-naad ee Bisha Ramadan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –War ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay. Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda. Sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab. Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-Shabaab waxay iclaamiyeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isla maraakan ay tahay Ciid. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. The post Shabaab oo ku dhowaaqday in berri ay ciid tahay oo bisha ‘laga arkay’ dhowr gobol appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheesh Maxamuud. Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxuuna Xasan Sheekh Danjire Aadan uga mahadceliyey booqashadaas. Xasan Sheesh Maxamuud ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray, “Sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya. “Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay walaalahood Soomaaliya, isagoo xusay in weligiis uusan isbedeli doonin. Intaas waxa uu raaciyey in aysan Jabuuti lamid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya saaxiib la ah. Waxa uu sheegay inay Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya, garab istaagay waqtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. “Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli adag” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa. Booqashadaan waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ugu yaraan laba jeer ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xagal-daacineyso Soomaaliya. Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyey inay lumineyso Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed aysan u aaminsaneyn dal kaliya deris la ah, balse u arka walaal u soo hiiliyey, xilliyadii adkaa ee Qaran-jabku ku dhacay umadda Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray kulan uu la qaatay safiirka Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aanan dhulkeeda laga arkin curashada bisha Soon-fur . Sacuudiga ayaana ugu baaqay umadda Muslimiinta in berri la dhameystiro 30-ka ramadaan . Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maalinta Koowaad ee Ciidda ay tahay maalinta Khamiista ah . Source: goobjoog.com
-
People wave Chinese and Djiboutian national flags at the launch ceremony of a housing project financed with Chinese support © Yasuyoshi Chiba/AFP/Getty At the top of a lighthouse in a deserted headland, Ali Hassan Ali points across the strait of Bab-el-Mandeb, to war-ravaged Yemen. Then, behind him, to war-torn Ethiopia. Then, to his right, at troubled Somalia. Finally, to his left at Eritrea, a dictatorship engaged in the Tigray conflict next door. “This is a point of peace, of trade,” said the wiry man in charge of keeping the lights on. Djibouti, a former French colony home to just 1m people, is a rare point of stability in a highly strategic location, the southern end of the Red Sea, en route to the Suez Canal, a linchpin of global commerce. About a third of all daily shipping in the world passes the north-east edge of Africa, where the water narrows to a chokepoint opposite Yemen. With economic growth of up to 7 per cent forecast this year, double Africa’s average, according to the finance ministry, helped by hefty Chinese investment in ports, free trade zones and a railway line to landlocked Ethiopia, Djibouti is set to be one of the fastest-growing economies on the continent. Home to five naval bases, including since 2017 China’s first overseas military base, its significance is geopolitical as well as economic. It is all about “location, location, location”, said Aboubaker Omar Hadi, chair of Djibouti Ports & Free Zones Authority and one of the most influential men in the country. Whispers, spies and snoops “It is both, location and stability,” stressed Nima Dirieh Warsama, chief executive of ATD-GIE, a transport industry group. Such stability is helped by French tanks, US helicopters, Chinese soldiers and Japanese vessels, which are a common sight because the area surrounding Djibouti is a “powder keg”, said a western military officer in the country. Still, the government thrives in its role as neutral host to global powers, sometimes soothing tensions between Americans and Chinese, in what a senior government official called “a return to the cold war” where “Djibouti is absolutely an epicentre”. “What gives Djibouti this effervescence is the fact that the big powers are here, so it means it is safe,” the official added. The French have trained 11,000 regional soldiers, mainly Djiboutian, and protect the country’s airspace with Mirage fighter jets. “We are really a guarantee of security here,” said Gen Stéphane Dupont, the commander of the base that hosts 1,500 French soldiers. Other powers, such as the US, agree. Djibouti is the backbone of a global coalition against al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Somali terrorist group, as well as the now diminishing threat of piracy. But for some, the arrival of China, which made $853m of investments between 2005 and 2019 and owns 30 per cent of Djibouti’s total debt, is unnerving. “It’s a tsunami, it’s really a tsunami,” said a senior western official in Djibouti, referring to Chinese presence ranging from investments to soldiers. “They are not an enemy, but they are not a friend either. And we have to live together.” Djiboutian politicians, American contractors and French officials meet for soirées at the Café de la Gare to whisper about what the Chinese military may be doing at their concrete fortress. It safeguards merchant ships and holds a pier that could support China’s “aircraft carriers in the future”, the top US commander for Africa, Gen Stephen Townsend, recently said. Chinese military personnel attend the 2017 opening ceremony of Beijing’s naval base in Djibouti © AFP/Getty “Djibouti is located in a vital geostrategic region where all members of the international community have a vested interest,” said foreign minister Mahmoud Ali Youssouf. “We recognise that there is a serious economic competition between major powers,” he added but stressed his country is “not falling under any kind of sphere of influence”. Indeed, said the country’s finance minister Ilyas Moussa Dawaleh: “It is truly false this idea that China will take over Djibouti completely, it is a myth.” Many agree that the atmosphere of the port city, where most of the population lives, resembles that of Casablanca, the film about intrigue and romance in the second world war. “Everybody snoops on each other,” quipped a senior foreign diplomat. “We know very well that the Chinese want to spy. It doesn’t mean that we don’t do the same thing,” said a western military officer stationed in Djibouti. “We’re all friends here, but we all like to know what the other is doing.” Democratic erosion or 99 per cent support? Another key factor in the stability, many say, is 73-year-old President Ismail Omar Guelleh. He has run the country since 1999 and is widely described as a wily and savvy leader of what critics call a centralised autocracy. “He’s the only game in town,” said a non-African diplomat. “There has been an erosion over time on the democratic front.” Guelleh is credited with making Djibouti a base for both cargo shipments and foreign military. The size of the economy jumped from $536m when he took office to $3.3bn in 2019. His portrait is omnipresent in every shop, office and building. Last month, he won a fifth term with 99 per cent of the vote. Djibouti’s president Ismail Omar Guelleh with his Chinese counterpart Xi Jinping at a meeting in Beijing in 2019 © Madoka Ikegami/AFP/Getty The main opposition rival, newcomer Zakaria Ismail Farah, said that “99 per cent has never happened in the world, except in a country of extreme dictatorship”. Foreign powers in Djibouti, he said, “have sacrificed the democracy of Djibouti for the sake of regional stability”. Alexis Mohamed, a top adviser to the president, dismissed Farah’s criticisms, stressing that there are already discussions on the “political future of Djibouti” post-Guelleh as, legally, this is the president’s last term. The president has “managed to preserve peace and social cohesion in Djibouti, in a region where there are tensions in Ethiopia and Somalia,” he said. “God has not given us oil,” he added, echoing Ali at the lighthouse, “but he has given us a strategic point.” An earlier version of this story said that China had made $853bn of investments between 2005 and 2019. This has since been corrected to $853m. Source: Financial Times The post Spying and stability: Djibouti thrives in ‘return to cold war’ appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. “Guddiga aragtida dayaxa ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay Talaadadii in dayaxa bilaha ah oo curanaya bilowgii Shawaal aan la arkin. Sidaas darteed, Arbacada 12-ka May waxay noqon doontaa maalinta ugu dambeysa iyo 30-ka Ramadaan, Khamiista 13-ka May waxaa loo arki doonaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga,” ayaa lagu yiri qoraal goordhaw ay soo saartay dowladda Sacuudiga. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. Dowladda Soomaaliya ayaan weli kala xaqiijin tallaabada ay shacabka Soomaaliyeed qaadanayaan berri, balse waxaa lagu wadaa in wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ay warbixin siiso shacabka. Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Talaadadii maanta ku beegneyd 29, waxaana loo badinayaa in berri la buuxi doono 30-ka, waxaana xusid mudan in bishii hore ee Shacbaan ay ku dhamaatay 30 maalmood. The post SACUUDIGA oo shaaciyey maalinta ay tahay CIIDDA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa shaaciyey inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii xalay laga xareeyay qaad ay usoo dhoofinayeen magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa weli fasaxin qaadka Kenya in la keeno gudaha dalka, waxayna ganacsatada Kenya sheegen in soo celinta xiriirka kadib ay filayeen in qaadka ay usoo dhoofin karaan dalka, waxayna xalay qaad fara badan geeyeen garoonka diyaaradaha Nairobi. Ganacsatada ayaa sheegay in qaadka ay geeyen garoonka laga xareeyay markii ay dowladda Soomaaliya diiday in qaadka lasoo geliyo caasimada, taasi oo la rumeysan yahay inay keentay tallaabadii ay maanta dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa aadaya. Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatada qaadka oo la hadashay idaacada BBC-da ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray qaadka laga xareeyay, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan,” ayey tiri. Sidoo kale waxay sheegtay inaysan xiligan jirin cid ay kala xisaabtamaan, islamarkaana ay kala socdaan qaadka ay geeyeen garoonka diyaaradaha, kadib markii ay xareeyen ee lagu war-geliyay in Soomaaliya ay diiday in dhulkeeda laga dejiyo qaadka Kenya. Waxay su’aal gelisay sababta ay dowladda Soomaaliya u fasixi weyday qaadka xili la dhameeyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal, waxayna walaac xoogan ka muujiysay xaalada ganacsatada qaadka oo dhaqaalo xumo wajahayay tan iyo markii dowladda ay joojisay in dalka loo soo dhoofiyo qaadkaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in qaadka ay ganacsatada Kenya rabeen inay usoo dhoofiyaan Soomaaliya ay is-hortaagtay dowladda, ayada oo la fulinayo go’aanka hore loogu joojiyey qaadkaas, waana sababta la fahamsan yahay inay Kenya ugu aar-gudatay maanta inay joojiso duulimaadyada dalka. The post Soomaaliya oo dib u celisay qaad ay dalka u soo wadeen ganacsato Kenyan ah appeared first on Caasimada Online.
-
Duraan Axmed Faarax Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aanka dowladda Kenya ee joojinta duullimaadyada labada dal ku timaantay arrin cajiib ah oo aan la garin karin. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in tallaabada Kenya ee joojinta isu socdka dadka ay tahay wax lala yaabo. “Markii xiriirku uusan soo noqon ka hor wixii labada dowladood u dhxeeyay oo ahaa isu socodka dadka in ay hadda Kenya joojiyo waa arrin cajiib ah oo aan la garan karin” ayuu yiri Wasiir Duraan. Wasiir Duraan ayaa sheegay in maalmo ka hor dowladda Soomaaliya si niyad wanaag ah go’aan ku gaadhay in la soo celiyo heshiiskii labada dal ee deriska ah, taas baddelkeedana laga sugayay Kenya. Wuxuu sheegay in uusan jirin go’aan de deg ah oo hadda Soomaaliya gaarayso, balse dowladda ka tashan doono arrintaas. Hay’adda Duulista Hawada u qaabilsan dowladda Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya. Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay, markii hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay 9-kii bishan May sheegtay in xayiraaddii duulimaadyada qaadka Miraa ay weli taagan tahay, taas oo wararku sheegayaan in ay carootay Kenya. PUNTLAND POST The post Maxay Soomaaliya ka tiri go’aanka Kenya ee joojinta duullimaadyada? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay dhamaan duulimaadyadii tegi jirey iyo kuwii ka imaan jirey dalkeeda. Sii-hayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ka jawaabaya go’aankaas ayaa ku tilmaamay mid aan rasmi aheyn, maadama uu sheegay inaysan dowladda Kenya kusoo war-gelin arrintaas. Duraan ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya ku joojineyso duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya ay keliya ka arkeen warbaahinta, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee dhawaan soo cesheen labada dal. Waxa uu ku sifeeyay tallaabada Kenya mid la yaab leh, xili maalmo kooban horteed la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, si buu yiri labada dal ay dadka deriska ah noloshooda si caad ah ugu soo noqoto. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday wada-tashiyo kala duwan oo ku aadan go’aanka Kenya, kaasi oo looga jawaabayo tallaabadaas oo aysan kusoo wargelin dowladda, sida uu sheegay Wasiir Duraan. Hadalkaan ayaa imanaya xili dowladda Kenya ay qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi. Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay. Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta oo ku taariikheysan 11-bishan May illaa 9-Bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka. Tan iyo markii uu soo baxay go’aankaan waxa uu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya, ayada oo la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, hase yeeshe waxay arrintaan u muuqata mid markale dib usoo istaadheysa khilaafka labada dhinac. The post DF oo war kasoo saartay go’aankii ay qaadatay Kenya, qorsheynaysa jawaab appeared first on Caasimada Online.
-
Xasaradda Quddus: Siday uga hadleen Wadamada caalamku Diyaaradaha Israa’iil oo duqeeyey Qaza kaddib marki Quddus gantaallo lagu garaacay Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya. Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin waxay ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan. Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta. Israa’iil oo jawaab uga dhigeyso gantaallada dhanka Falastiin laga soo riday waxay qaadday duqeymo dhinaca cirka ah, iyada oo duqeynta ku beegsatay saldhigyo ay kooxaha Falastiiniyiinta loo maleynayo iney gantaallada soo rideen. Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen 20 qof oo ay 9 carruur ah ku jiraan inay ku dhinteen duqeynta ay diyaarada Israa’iil marinka Qaza ka fuliyeen. Qoraalka sawirka,Diyaarad ka mid ah diyaaradaha Israa’iil Militariga Israa’iilna waxay sheegeen dadka duqeynta ay ku dileen ay ku jiraan ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan ururka Xamas ee Qaza gacanta ku haya. Ururka Xamas ayaa horay ugu hanjabay iney qaadi doonaan weerarro ka dhan ah Israa’iil kaddib markii ay boqollaal Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen iska-horimaadyo masjidka Al-Aqsa ku dhex maray booliska Israa’ill iyo Falastiiniyiin masaajidka ku cibaadeysaneysay. Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Natanyahu wuxuu sheegay in ururka Xamaas uu soo tallaabay khadkii casaa, “Israa’iilna si adag ay uga jawaabeyso.” Qaar ka mid ah gantaallada lagu riday bariga magaalada Quddus Maalmihii la soo dhaafay magaalada Quddus waxaa ka dhacayey iska horimaadyadii ugu xumaa oo muddo sanada ah halkaasi ka dhaca. Falastiiniyiinta ayaa si weyn uga carooday is-hortaagga lagu sameeyey iney galaan masaajidka seddexaad ee barakeysan ee al-Aqsaa, oo aan ka fogeyn Macbadka Mount ee ay dadka diinta Yahuudda aaminsan ay barakeystaan. Iska horimaadyada rabshadaha wata ee dhexmaraya Booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ka careysan qoysaska laga rarayo qayba ka mid ah Bariga Quddus oo la rabo in deegaameyn looga sameeyo dad Yuhuud ah. Hay’adda bisha cas ee Falastiin saaka oo talaada ah waxay sheegtay in rabshadihii laamaha ammaanka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayey Quddus iyo Daanta galbeed iney ku dhaawacmeen dad Falastiiniyiin ah oo ka badan 700. Beesha caalamka sidey uga falcelisay? Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken wuxuu sheegay in ururka Xamas looga fadhiyo iney joojiyaan gantaallada ay ku ridayaan bariga magaalada Quddus, labada dhinacna ay iska ilaaliyaan iney qaadaan tallaabbo xiisadda sii hurin kara Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay xiisadda soo cusboonaatay inuu aad uga walaacsan yahay Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray in degdeg loo joojiyo gantaallada quddus lagu soo ridayo, iyo in la joojiyo dadka rayadka ah in la bartilmaameedsado. Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga yurub Josep Borrell wuxuu isna sheegay rabashadaha ka soo cusboonaaday Daanta Galbeed, Qaza iyo Bariga magaalada Quddus in si degdeg ah loo joojiyo. . Golaha ammaanka ee qaramada midoobayna Isniinti wuxuu arrintan ka yeeshay shir degdeg ah walow uu wax war ah uu ka soo bixin. Ila wareedyo diblumaasiyadeed waxay wakaaladda AP u sheegeen Qaramada Midoobay, Masar iyo Qadar, oo inta badan dhexdhexaadiya Israa;iil iyo Xamaas ay dhankooda dadaal ugu jiraan xiisadda taagan sidi ay u dajin lahaayeen. Quddus maxaa xuddunta xiisadda ka dhigay? Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka uu ku yaalla dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaanaan masjidku al-Xaram al-Sharif, halka Yahuudana ay u garanayaan Macbad. Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsantay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhim ah. Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada. Muxuu muhim u yahay misaajidka Al-Aqsa? Dadka Musliminta ah waxay Misaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta sadexaad ee Barakeysan. Masjidka Al-Aqsa waxa uu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Maka. Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Musliminta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee. Dadka Yahuudda ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobti mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin. Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee misaajidka oo ay Yahuuda u yaqaanaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahay darbigii ka haray macbadkii Yahuudda. Balse Muslimiinta ayaa aaminsan in darbigaas yahay Gidaarka Al-Burqa oo ah goobtii uu nabi Maxamed (SCW) uu ku xirtay al-Buraq markii uu samada aadayay uuna Alle la soo hadlay. Isniintii shalay ahayd kooxo yuhuud ah oo waddaniyaddu madaxmartay ayaa qorsheynayey iney socod ku maraan qayba ka mid ah Bariga Quddus oo ay muslimiintu deggan yihiin. Munaasabadda maalinta Quddus ayaa sanad walba lagu xusaa tani iyo inti ay Israa’iil qabsatay ee 1967-kii. Falastiinyiin badanna waxay arrintaa ku arkaan daandaansi ula kac ah. Munaasabadda maalinta Quddus ee sanadkan ayaa ku soo beegmay maalmihi ugu dambeeyey ee bisha barakeysan ee Ramdhaan. Qaran News
-
Quddus (Caasimada Online) – Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus, kadib, maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah. Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Kooxaha Hubeysan ee Falastiin ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Quddus. Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa. Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAAS. Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya. Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan. Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta. Israa’iil oo jawaab uga dhigeyso gantaallada dhanka Falastiin laga soo riday waxay qaadday duqeymo dhinaca cirka ah, iyada oo duqeynta ku beegsatay saldhigyo ay kooxaha Falastiiniyiinta loo maleynayo iney gantaallada soo rideen. Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen 24 qof oo ay 9 carruur ah ku jiraan inay ku dhinteen duqeynta ay diyaarada Israa’iil marinka Qaza ka fuliyeen, halka uu dhaawaca marayo 103 qof. Militariga Israa’iilna waxay sheegeen dadka duqeynta ay ku dileen ay ku jiraan ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan ururka Xamas ee Qaza gacanta ku haya. Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Quddus iyo Israa’iil oo isaga baxday Masjidka Al-Aqsa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay ururka EAC ee Bariga Qaaradda Afrika ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaraya codsi la xiriira ku biiritaanka ururkaas oo ay u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Xoghayaha ururkan oo lagu magacaabo, Dr Peter Mathuki ayaa shaaca ka qaaday inay billaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ku biiraya ururka EAC. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay u gudbiyeen shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, si ay uga mid noqoto wadamada ku bahoobay ururka EA. “Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka,” ayuu yiri Xoghaye Dr Peter Mathuki. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas” Ururka EAC waxaa haatan xubno ka’ah dalal badan oo dhaca Bariga Afrika, sida Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania. The post Dalalka BARIGA AFRIKA oo go’aan ka gaaraya codsi ay usoo gudbisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ka jirta wadanka Hindiya ee xanuunka Covid19, waxaana uu sheegay in wadankaas uu ka jiro sida WHO cadaysay nooc cusub oo caabuqa ah kaas oo ka halis badan noocyadii kale ee Soomaliya ka jiray. “Hadaba anaga oo ilaalinayna badqabka muwaadiniintayada waxaan joojinay dadka ka imaanaya wadankaas waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso. Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaarinay inaan galino labo todobaad oo karantiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qabo meesha uu doono ha soo maro” ayuuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa sidoo kale kula taliyay dawlada dhexe iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale bulshada la wadaagay in bishan dhamadkeeda la bilaabi doono wajiga labaad ee talaalka Covid19, kaas oo la siin doono dadkii horay uqaatay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadana uu sheegay in weli talaalku diyaar ugu yahay xarumaha caafimaadka Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo joojisay dadka ka imaanaya dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
-
Mohamud Abdinur is from Somalia Bosaso in Somalia. Photograph: Getty My name is Mohamud Abdinur. I am 15 years old. My school is called Dillin Primary School. In this story, I will explain my first trip to the biggest coastal town of Puntland called Bosaso. What a day it was! A village boy’s dream was about to come true. I couldn’t believe it when my sister broke the news to me about our family trip to Bosaso, the famous and beautiful coastal city. It was about time for me to get out of my comfort zone and take a trip I was longing for and to a city that in my view is a coastal icon in Somalia. After having breakfast we headed to the bus stop where we could board the bus. I was so excited about the trip: it was in the middle of January, the weather was perfect, cold with the morning breeze. I could see the goats and camels grazing on the slopes. The bus took off and in a short while we passed through the capital city of Garowe Puntland state. Mohamud Abdinur It was quiet and beautiful, but my eyes were waiting for something else. It would be my first time to see the sea and experience a whole new chapter of adventures. One village after another, one town after another, it was getting better and better and most importantly, closer! I saw amazing landscapes and beautiful ranges of mountains in the Bari region. What a trip so far … and the suspense! You can’t imagine how high it was when I saw the sea from a distance. I knew then that we were very close and after a short while the driver said to me with a big smile on his face, “You see those houses on the horizon? That is Bosaso.” When we arrived at Bosaso, a new atmosphere, a new environment struck me: what a big city it was. The tall buildings, the glamorous cafes, restaurants, supermarkets, malls… and so many people. I already liked it. We got off the bus at Aunt Zeynab’s house right in the centre of the city. We were warmly welcomed and I had fish for lunch for the first time in my life. It was magnificently yummy. Since we were tired we had a siesta, and I woke up after asar (afternoon) prayers. My Uncle Ahmed asked me: “Do you want to see around the neighbourhood? I can show you around the place.” Who was I to quibble? It was exactly what I wanted, so we went out. I saw where he played football, where he hung out with his friends. He showed me a big masjid where they pray, and took me to a nearby market called Suuqa Canaha. I was stunned by the number of market stalls, the shops and how crowded it was. There were people selling meat, fish and lobsters. There were others selling clothes and cosmetics. Surprisingly, he told me it was not a busy day. I remembered what they say in the village about people in the cities; that they are really busy people, but until this point I had not suspected how busy. We then headed to a nearby cafe, had tea and some sweets that were really nice. At that moment the thought of never going back to the village crossed my mind. When I saw this school, well, I became a bit jealous; it was such a big school. Everything seemed big here, I wished I lived here. We got back to my aunt’s home and dad told me that we would go to the sea the following day. I couldn’t wait till then, I had heard many stories about this sea. It was time for me to experience it for myself. On the next day as dawn broke and we prayed, I didn’t go back to sleep afterwards, I went outside the house and sat on a curb thinking about how I could move here one day. How I would convince my parents and get their unanimous approval. After a while everyone woke up, had breakfast and then we went off to the sea. It was also an opportunity to see some parts of the town. When we reached the sea, it was spectacular! I can’t express how jubilant I was, the waves hitting my toes and the cold breeze from the shore. I saw boats leaving and coming and when I asked about them, I was told they were fishermen. What a struggle they went through. I was eager to accompany them but also scared of drowning since I didn’t know how to swim. I asked my mom for consent. She hesitated, because I couldn’t swim, so I couldn’t go. I loved the view, birds flying over the sea, the sound of the waves. What more could I ask for? It was now a dream for me to learn how to swim so when I got back to the house, I asked my cousin if he could be of help and he accepted my request without hesitation. In the afternoon I left with my cousin to go to the sea, and there the lesson began. After several hours I could try to swim and we swam for a while but it is a craft that needs practice to perfect it. I got really tired and we headed back home, tired but over the moon. I ate my dinner and went to sleep. The whole of the next day was dedicated to family and visits to relatives. In the afternoon we went with mom to the market and she bought us some stuff. I got new shoes and I loved them. We had one last tour around the city. My siblings and I started talking to mom about moving here and the opportunities this place holds and how we liked it so much. She said she would consider it and let dad know about it. We were very hopeful that one day we would be here permanently and not just for a visit. I felt sad knowing we would travel back to the village the following day; but was happy because I had discovered so much. Plus I was going back home with a whole new life experience that would forever be cherished and the beginning of travel adventures. A trip for a village boy like me to a big industrial coastal city was a milestone. Source: Irish Times The post My First Visit to the Coastal City of Bosaso by Mohamud Abdinur (15) appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi. Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay. Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo 11 bishan May illaa 9 bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka. Kadib soo bixitaanka go’aanka wuxuu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya. Qaadka Soomaaliya uga iman jiray Kenya ayaa la hakiyey, ayada oo lagu beddelay midka Itoobiya, kaasi oo la sheegay in mashruuc lagu siiyey madaxweyne Farmaajo walaalkiisa Xasan Farmaajo iyo dad kale oo dowladda ku jira. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmo ka hor labada dowladood ay soo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyaadeed oo go’ay dhammaadka sanadkii hore ee 2020-kii. The post Kenya oo joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya kadib toddobaad uun markii labada dal ay dib usoo celiyeen xidhiidhkooda diblumaasiyadeed. War saxaafadeed kasoo baxay waaxda duulista hawada ee Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya ah diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya. Kenya kama hadlin sababta ay u hakisay diyaaradihii ka imaan jiray dhinaca Soomaaliya. Source
